Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

Storlek: px
Starta visningen från sidan:

Download "Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda"

Transkript

1 Diarienr 2013/2394-BaUN 2013/813-UAN nternati Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda Xafiiska waxbarashada magaalada Västerås Waxaa go,aankan gaadhay guddiga carruurta iyo dhallinyarada iyo Guddiga waxbarashada iyo suuqa shaqada Borogaraamka Siyaasadda Hab raac Nidaamka

2 Nidaamka isticmaalka kombiyuutarrada ee ardayda 3 Hordhac 3 Lahaansho 3 Masuuliyad 3 Isticmaalka Ilaalinta kombiyutarka 3 Magaca iyo lambarka sirta ah 4 Ammaanada iyo ruqsadda 4 Akhlaaqda interneetka 4 Nidaamka emaylka 5 Kaydinta macluumaadka 5 Koontaroolka isticmaalka 5 Su,aalo 5 Lifaaq 1 Heshiiska kombiyuutarka ardayga Barnaamuj Qorshe siyaasadeed Qorshe hawleed Mabaadii Barnaamujkan wuxuu sharxayaa mabaadiida iyo wax qabadka shaqada horumarinta ee magaalada Västerås iyo deegannada ku hareeraysan Wuxuu sharxayaa mabaadiida iyo waxqabadka shaqada is-maamulka magaalada (Västerås stad) Waa istaraatiijiyada iyo tallaabooyinka dhabta h ee la samayn karo si loo gaadho yoolka siyaasadeed, iyo si loo ogaado waajibka saaran hay,adaha kala duwan ee magaalada Västerås Wuxuu damaanad qaadayaa wax qabad dhab ah iyo waxqabad tayo leh marka laga hadlayo waxqabashada iyo fulinta shaqada waxbarashada. i koncernen Västerås stad

3 Nidaamka istcimaalka kombiyuutarka iyo internetka ee ardayda dhigata iskuullada kumuunka Västerås. Qawaaniinta isticmaalka kombiyuutarka wuxuu waajib ku yahay dhammaan ardayda dhigata iskuullada kumuunka Västerås ee isticmaala kombiyuutarrada, internetka iyo adeegga isgaarsiinta (IT) muddada uu ardaygu iskuulka wax ka baranayo. Hordhac Isticmaalka kombiyuutarrada iyo teknikooyinka casriga ah waa qayb ka mid ah horumarka bulshada iyo shaqada waxbarashada ee iskuullada. Waxbarashada waxay had iyo jeer ka dhacdaa gudaha iskuulka iyo bannaankiisaba markaas waxaa loo baahan yahay in ardayga uu haysto kombiyuutar casri ah xilliga uu iskuulka joogo iyo xilliga firaaqada ah labadaba. Sidaas darteed dhammaan ardayda wax ka barata iskuullada raacsan kumuunka Västerås waa in loo suuro galiyaa in ardayda ay helaan kombiyuutar iyo internet xilliga waxbarashada ay ku jiraan. Kombiyuutarradaas waxaa lagu isticmaalayaa shaqada waxbarashada waxaana loo isticmaalayaa qalab ahaan marka aqoon la raadinayo, dad lala xidhiidhayo, hal abuur la samaynayo waxna la baranayo. Kombiyuutarrada laba siyaabood ayaa ardayda loo siiyaa, kombiyuutar uu ardayga qaato maalmo kooban kaddibna uu soo celiyo iyo kombiyuutar ardayga la daymiyo xilliga waxbarashadu socoto oo dhan si ardayga uu wax ugu barto xataa xilliga firaaqada uu yahay ee uu ardaygu guriga joogo. Sidoo kale ardayda wax ka barata dugsiyada raacsan kumuunka Västerås waxay sidoo kale heli karaan adeegga internetka. Dhammaan ardayda iyo waalidiintooda waxay heli doonaan warbixin ku saabsan qawaaniinta adeegsiga kombiyuutarrada ka hor inta aan ardayda la siinnin kombiyuutarka. Qawaaniintan ama nidaamkan wuxuu sharxayaa isticmaalka kombiyuutarka waqtiga kooban la daynsado iyo kombiyuutarka ardayga la daymiyo muddada uu ardaygu dhiganayao iskuulka. Nidaamkan wuxuu ka hadlayaa haddii lasoo koobo kombiyuutarka ardayda ay isticmaalaan ama noocyada yar yar ee buugga la eg ee la dhoho surfplatta ama telefoonnada sida kombiyuutarka loo isticmaalo. Lahaansho Ogaada kombiyuutarka ardayga la siiyo waxaa iska leh dugsiga ama iskuulka uu ardaygu dhigto. Laakiin ardayga waxaa la daymininayaa kombiyuutarka muddada uu ardaygu dhiganaayo iskuulka, waa sidii daynkii oo kale. Haddii ardaygu uu iskuulka ka baddasho ama uu iskuulka isaga tago waxaa waajib ah in kombiyuutarka lagu soo celiyo iskuulka. Marka uu ardaygu kombiyuutarka soo celiyo waxaa la siinayaa warqad caddaynaysa in uu kombiyuutarkii soo celiyay. Masuuliyad Ardayga waxay masuuliyad wayni ka saaran tahay inuu xafido ama ilaaliyo kombiyuutarka, si kombiyuutarku uusan u jabin ama u duugoobin. Ardayda kombiyuutaka la daymiyo waa in ay kombiyuutarkooda ilaashadaan oo ay indhaha ku hayaan isla markaana ay kombiyuutarka ku xafidaan meel aammin ah si aan loo xadin. Haddii kombiyuutarka aan markaasi lagu isticmaalayn waxbarashada waa in 3

4 kombiyuutarka lagu xidhaa meel aammin ah ama uu yaallo meel indhaha lagu hayo macnaha waa in aan kombiyuutarka la dayicin. Iskuulka wuxuu masuul ka yahay dayactirka kombiyuutarka iyo hagaajinta dhaawaca ka dhasha isticmaalka caadiga ah ee kombiyuutarka. Isticmaalka Ardayga waxaa kombiyuutarka loo siiyay inuu wax ku barto marka isaga shaqsiyan wuu isticmaali karaa laakiin lama oggola in ardaygu uu dad kale siiyo kombiyuutarka iskuulka. Xafidaadda kombiyuutarka Haddii kombiyuutarka aan la isticmaalaynin waxaa waajib ah in lagu xidho meel aammin ah. Waa in kombiyuutarka aan la dhigin meel dayacaad ah oo laga xadi karo, isla markaana meesha uu yaallo oo ay noqotaa meel xidhan oo aammin ah. Marka ardayga uu socsoconayo guriga ama fasalka gudihiisa waa in kombiyuutarka la isku laabaa. Marka ardayga uu bannaanka joogo waa in kombiyuutarka lagu ridaa boorsada ama shay kale oo kombiyuutarka ka ilaalinaya roobka iyo nabar-gaadhka. Kombiyuutarka waa in aan la dhigin laguna isticmaalin meelaha wax lagu cuno ama wax lagu cabbo. Istcimaalka iyo baaswoodhka Dhammaan ardayda la siiyay kombiyuutarka, Internetka iyo nidaamka isgaarsiinta kumuunka Västerås waxay helayaan magac lagu galo internetka iyo magac lagu furo kombiyuutarka iyo baaswoodh ama fure u gaar ah arday kasta oo qof kale uusan isticmaali karin. Waxaa mamnuuc ah in ardayga uu isticmaalo magac qof kale leeyahay ama magaciisa iyo baaswoodhkiisa uu siiyo qof kale. Macluumaadka lagu galayo kombiyuutarka wuxuu ka kooban yahay baaswoodh ama fure ka kooban 8 xaraf ama lambar si ay u adkaato in dadka kale ay qiyaasaan baaswoodhka ardayga. Baaswoodhka wuxuu ka kooban yahay xarfo waawayn iyo kuwo yaryar oo la isku qasay iyo waliba xarfo gaar ah. Waxaa mamnuuc ah in ardayga uu u bandhigo baaswoodhkiisa dadka kale. Haddii ardayga uu u maleeyo in qof kale uu baaswoodhkiisa ogaaday waxaa markaas waajib ah in ardayga uu baddalo baaswoodhkiisa. Waxaa habboon in ardayga uu baaswoodhkiisa baddalo dhawr jeer sannadkiiba. Kombiyuutarrada yar yar ee buugga la eg sida (lärplattor/surfplattor) baaswoodhka wuxuu noqon karaa afar xaraf oo kali ah Amaanka iyo ruqsadda Waxaa waajib ah in ardayga uusan waxba ka baddalin ama uusan tuurin qaybaha muhiimka ah ee nidaamka kombiyuutarka sidoo kale waxaa waajib ah in ardayga uusan soo dajinnin borogaraamyo ka hor imaanaya nidaamka isgaarsiinta kombiyuutarka ama internetka komuunka. Waxaa mamnuuc ah in ardayga uu faafiyo faruus, inuu waraaqo qaybiyo iyo inuu kombiyuutarka ku rakibo borogaraam waxyeello u gaysan kara kombiyuutarka. Haddii uu ardayga dareemo in kombiyuutarkiisa uu ku dhacay fayruus waxaa 4

5 waajib ah in ardayga uu lasoo xidhiidho macallinkiisa ama macallinka kombiyuutarrada qaabilsan ee iskuulka. Haddii uu kombiyuutarka ku dhoco fayruus, kombiyuutarka dib ayaa loogu rakibaa qaybihii muhiimka ahaa oo dhan. Markaas waxaa masaxmaya dhammaan wixii kambiyuutarka ku kaydsanaa. Markaas ardayga waxaa waajib ku ah in wixii macluumaad ahaa sida qoraallada iyo sawirrada uu ku kaydsaday meel kale oo aammin ah oo ka baxsan kombiyuutarka (eeg qaybta kaydinta macluumaadka). Ardayga waa in uusan qof kale siinnin borogaraamyada iskuulka uu bixiyay. Haddii ardayga uu soo dagsado borogaraamyo isaga u gaar ah markaas adayga waa inuu isaga masuul ka noqdaa borogaraamyadaas oo uu sharcigooda iibsadaa, wixii kharash ahna waa inuu isaga iska bixiyaa.. Nidaamka akhlaaqda internetka Waxaa mamnuuc ah in kombiyuutarka iskuulka iyo nidaamka internetka ee kumuunka loo adeegsado qoraallo xambaarsan dacaayado, aflagaaddo iyo wax kasta oo gardarraysi ah, oo dad kale loo gaysto. Waxaa mamnuuc ah in la booqdo bogagga (hemsidor) ay ku jiraan waxyaabo aan habboonayn. Waxaa mamnuuc ah in la booqdo bogagga dadka lagu guubaabinayo gacan-ka-hadal, midab-takoor, sinaysi iyo waxyaabo kale oo loo fahmi karo bahdil iyo midabtakoor, haddii waxyaabahan aan ka hadalnay aanay qayb ka ahayn shaqada waxbarashada isla markaasina uusan macallinku hagaynin. Waxaa mamnuuc ah in kombiyuutarka ama internetka kumuunka ee uu ardaygu isticmaalayo loo adeegsado soo dajinta macluumaad uu ilaalinayo sharciga xaqa allifaadda kaasoo ah in aad si tuugo ah usoo dagsato muusik ama filim adigoo aan iibsan ama aan oggolaansho ka helin qofkii waxan allifay. Nidaamka isgaarsiinta iskuulka sida emaylka oo kale looma adeegsan karo qaab ganacsi ama siyaasadeed ama wax kasta oo kasoo horjeedda nidaamka sharcigu oggol yahay. Emaylka Dhammaan ardayda dhigata iskuullada raacsan kumuunka Västerås waxay leeyihiin emayl arday walba gaar u ah. Emaylkan wuxuu ka mid yahay nidaamka emaylada kumuunka Västerås wuxuuna ardaygu isticmaalayaa muddada uu dhiganayo iskuulka. Dhammaan waraaqaha lagu soo dirayo emaylka ardayga waxaa lagu soo koontaroolaa nidaamka ka hortagga fayruuska. Kaydinta macluumaadka Ardayga wuxuu masuul ka yahay in macluumaadka ku jira kombiyuutarkiisa uu ku kaydsado meel kale oo habboon oo laakiin ka baxsan kombiyuutarkiisa. Xafiiska waxbarashada kumuunka Västerås wuxuu ardayda kula talinayaa in ardayda ay ku kaydsadaan macluumaadkooda sida qoraallada iyo sawirrada booska uu ardayga ku leeyahay (Microsoft Skydrive) oo ah qayb ka mid ah borogaraamyada kombiyuutarka ku jira (Office 365 Skola), Sababtoo ah magaalada Västerås waxay heshiis la gashay shirkadda Microsoft, heshiiskaas oo ku saabsan in ardayda ay wax ku kaydsadaan booska (skydrive). 5

6 Koontaroolka isticmaalka Iskuulka waxuu xaq u leeyahay inuu koontaroolo oo uu la socdo qof kasta waxa uu ku isticmaalayo kombiyuutarka. Taas macneheedu waxaa weeye dhammaan qoraallada uu ardayga samaynayo, macluumaadka ku kaydsan kombiyuutarka, iyo emaylka uu ardaygu isticmaalayo waa lala socon karaa iyadoo la adeegsanayo nidaam gaar ah ama borogaraam loogu talo galay isla markaana lala soconayo dhammaan waxyaabaha uu ardayga samaynayo iyo waqtiga uu sameeyay. Go,aanka lagu koontaroolayo kombiyuutarka ardayga waxaa gaadhaya maamulaha iskuulka isagoo la tashanaya qofka kumuunka u qaabbilsan arrimaha ammaanka isgaarsiinta iyo kombiyuutarrada.. Haddii ardayga uusan u hoggaansamin qawaaniinta isticmaalka kombiyuutarka iyo internetka iskuulka wuxuu xaq u leeyahay in uu ardayga ka ceshado kombiyuutarka, ama ardayga laga joojiyo isticmaalka internetka kumuunka. Haddii ardayga uu si ula kac ah ama daryeel xumo ah uu u jabiyo ama uu u dhaawoco kombiyuutarka, maamulaha iskuulka wuxuu amri karaa baadhitaan lagu sameeyo arrinkaas, si go,aan looga gaadho in ardayga iyo waalidkiis magdhaw la waydiisto, iyadoo la raacayo nidaamka sharciga. Waydiin Haddii ardayda ama waalidiinta ay qabaan wax su,aal ah oo ku saabsan nidaamkan kombiyuutarrada iyo internetka ee ay isticmaalaan ardaydu, fadlan la xidhiidha maamulaha iskuulka ee ardayga uu dhigto.. 6

7 Barn- och utbildningsförvaltningen Västerås Telefon Produktion: Västerås stad

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee... Välkommen till förskolan. Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee... Telefonnummer Lambarka teleefanka Vad är svensk förskola? Waa maxay dugsiga xannaanada ee Iswidhan? Förskolan är till för barn mellan 1

Läs mer

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, 411 14 Göteborg

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, 411 14 Göteborg GARGAAR DHAQAN Nolol-dhaqameedka Göteborg waa iney leedahay wajiyo kala duwan lahaataanaa taye sare, waxa sheegay taa gudiga dhaqanka ee Göteborg. Sidaa darteed waxa jira gargaar dhaqaale ee howlaha iyo

Läs mer

LIFFAQA 2 Taariikhda 2015-08-11. Somaliska

LIFFAQA 2 Taariikhda 2015-08-11. Somaliska LIFFAQA 2 Taariikhda 1 (5) Somaliska Heshiiska iyo shuruudda amaahashada kombiyuutarada ardayda ee 2015 Ururka dugsiga sare ee Kalmarsund wuxuu ku soo dhaweynayaa ardayda iney amaahdaan kombiyuutarada

Läs mer

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo? Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo? Xuquuqyadaada quseeyso adiga ku nool guryaha daryeelka ama dhallinyarada (HVB) Dhammaan carruurta waxey leeyahiin isku qiimo. Adiga iyo dhammaan carruurta

Läs mer

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad AF SOOMAALI Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad Ardaygu si yara fiican ayuu u akhrin karaa qoraallada loogu talagalay dhallaanka iyo dhallinyarada, isagoo si habsami ah u dooranaya una

Läs mer

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi) Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi) Ujeeddeda waxbrashada Luqaddu waxay furtaa daqaad adduunka ah. Luqaddu waxay ka turjuntaa kala

Läs mer

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? Råd till flerspråkiga familjer LABA AF AMA KA BADAN? Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla HAY ADDA WAXBARASHADA IYO MACHADKA RINKEBY EE CILMI-BAARISTA AFAFKA SKOLVERKET

Läs mer

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga Sida: 1 av 6 Xaqiiji awood xirfadeedkaaga Waayoaragnimo ma u leedahay xirfad aad rabto inaad wax ka ogaato sidii aad ugu howlgeli lahayad Sweden? Adigoo isticmaalaya habka is qiimeeynta ayaad sawir ka

Läs mer

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Inledning. Hordhac. svenska. somali 1 Inledning Hordhac Ny i Stockholm vänder sig till dig som nyligen har fått uppehållstillstånd och vill veta mer om hur det svenska samhället fungerar. Boken ska fungera som en kort introduktion till

Läs mer

Dulqaaxumo Intolerans

Dulqaaxumo Intolerans Golaha ka hortagga dembiyada BROTTSFÖREBYGGANDE RÅDET Xarunta Taariikhda Maguuraanka ah FORUM FÖR LEVANDE HISTORIA Dulqaaxumo Intolerans Yuhuudnacayb, argagax ka qabidda dadka khaniiska ah, diinta Islaamka

Läs mer

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta För mitt bästa För mitt bästa Halkaan waxaad ka heleysaa qoraalka wakiilka gaarka ah ee carruurta oo ku saabsan Qaraarka xuquuqda carruurta oo loogu talagalay

Läs mer

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska. Sverige en introduktion I det här avsnittet ges korta fakta om Sverige. Det är också en introduktion till välfärdssamhället, varför det uppstod och hur det finansieras. Dalka Iswiidan warbixin kooban Qaybtaan

Läs mer

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska. svenska Sverige en introduktion Dalka Iswiidan warbixin kooban I det här avsnittet ges korta fakta om Sverige. Det är också en introduktion till välfärdssamhället, varför det uppstod och hur det finansieras.

Läs mer

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker! Omslag Somaliska Vingåker.docx Ku soo dhawaada Degmada Vingåker! Information om Vingåkers kommun på somaliska - 2012 Ku soo dhawaada Degmada Vingåker! Ku soo dhawaada degmada Vingåker. Dadka ku nool qiyaastii

Läs mer

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman Somaliska Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 20 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman Sidaan buu yahay nidaamka dugsiyada iswiidhishka. Dugsiga sare dhallinyarada 16

Läs mer

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato? Somaliska Sannooyinka soo socda waxaa degmada Bräcke iyo degmooyinka agagaarkeeda ku yaalaan looga baahnaan doonaa xirfad-yaqaanno tiro badan sida, takhtarro, macallimiinta dugsiyada xannaanadda, shaqaalaha

Läs mer

Ku soo dhawaadda shaqada

Ku soo dhawaadda shaqada Ku soo dhawaadda shaqada Fasaxa ardayda 2015 Grattis till din ferieplats i Växjö kommun sommaren 2015! Ku soo dhawadda shaqada fasaxa ardayda Kommunka Växjö 2015 I denna broschyr hittar du den information

Läs mer

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka HEY ADDA AMMUURAHA DHIBBANEYAASHA DENBI-FALKA (BROTTSOFFERMYNDIGHETEN) TUSAMADA DULMAR FUDUD...2 HORDHAC...2 WARGELINTA BOLIISKA...3 FAL DENBI-BAARISKA

Läs mer

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska Amaanka gaariga sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga Information på somaliska Amaanadaada awgeed Qoraalkan waxaad ka heleysaa warbixin ku saabsan sidi aad kor ugu qaadi laheyd amaanada gudaha

Läs mer

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska - 2012

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska - 2012 Ku soo dhawaada degmada Katrineholm Information om Katrineholms kommun på Somaliska - 2012 Ku soo dhawaada degmada Katrineholm Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Dadka degen qiyaastii waa 33000 qofood.

Läs mer

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid 2) När du hyr din lägenhet 5) Städning av lägenhet 7) När du ska flytta 9) Flyttstädning 10) El och värme 12) Grannar och hänsyn 13) Sopsortering 15) Tvättstugan 16) Brandvarnare 17) Omsorg av din lägenhet

Läs mer

Transportyrken på sju språk

Transportyrken på sju språk Lastbilsförare Truckförare/terminalarbetare Taxiförare Däckmontör/däck- och hjulmekaniker Transportyrken på sju språk Truck driver Forklift operator/terminal worker Taxi driver Tyre installer/tyre and

Läs mer

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY SOMALISKA AF-SOOMAALI Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY S TÖD I VARDAGEN Tusmada buugga Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada Enbrel 5 Ku saabsan

Läs mer

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada Somaliska Dexter Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada Tusmada Gudagal Dexter 4-6 Registrera jadwal 7-11 Waxkabedelka daqliyada -

Läs mer

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka Veckonytt Hagagymnasiet Vecka 10-2018 Måndag 5 mars Information för åk 1 på SA om inriktningarna kl. 9.30 i A140. Tisdag 6 mars Åk 3 Besöker Dramaten i Stockholm, gäller Ek3, Ha3, S3m, S3r, S3s Onsdag

Läs mer

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale Haddaad haysato waxbarasho jaamacadeed oo shisheeye? Akhriso halkaan!

Läs mer

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18 Utbildningsförvaltningen Codsiga dugsiyada sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18 Fasalada 7aad Qofka loo soo diray warqaddan wuxu u leeyahay ilmo bilaabaya fasalka 7aad xilliga dayrta ee 2017. Waxa

Läs mer

Sida loo dhiso jaaliyad

Sida loo dhiso jaaliyad Sida loo dhiso jaaliyad Maxaa loo dhisaa jaaliyad Sababta loo dhiso jaaliyad waa inay ugu horeyn ahaato baahi guud oo si wada jir ah la iskugu kaashado arin la wada xiiseynaayo. Inaad daneynayso deeg lagu

Läs mer

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION IT ikapp Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION IT-ikapp är ett handledningsmaterial för utbildning av nybörjare inom dator och internet. IT-ikapp Handbok i dator- och internetanvändning

Läs mer

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta Wasaaradda Waxbarashada Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta Waa maxay jiheeye? Jiheeyuhu wuxuu dhigayaa waxyaabaha khuseeya degmada Växjö ee garab socda waxyaabaha u baahan sharciyada iyo xeerarka.

Läs mer

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha? Fiiro gar ah. Waxaa halkan ka muuqda badhan aad gujin karto si aad u ogaato habka aad u raad-tiri lahayd inaad kombiyuutekan ka gashay boggaan. Sidaa ayaad ku raad-qadi kartaa bogagga aad booqatay. Waxaa

Läs mer

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool. sundsvall Magaca meel kasta waxaa uu ka soo jeedaa dhaxal hore. Halkan waxaanu kaga hadlaynaa sababta ay wax sidan ay u noqdeen. Akhri oo baro. Kuna soo dhawoow halkan! Geedi socodka taariikh xiiso leh

Läs mer

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? Råd till flerspråkiga familjer LABA AF AMA KA BADAN? Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla Somalisk version MYNDIGHETEN FÖR SKOLUTVECKLING och SPRÅKFORSKNINGSINSTITUTET

Läs mer

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray Fiiro gaar ah: Qoraalkan waa turjumid qoraal dheer oo kusoo baxay Bloggan sanadkii 2010 ka: http://demokratbloggen.wordpress.com/2010/06/22/flykten-fran-mangkulturen/

Läs mer

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare Somaliska Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare Sidaan buu yahay nidaamka dugsiyada iswiidhishka. Dugsiga sare dhallinyarada 16 ilaa 20 sano, ma ahan qasab Dugsiga aasaasiga

Läs mer

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun. INBJUDAN TILL: BARNENS SKIDSPEL 2014 Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun INFORMATION IN ARABIC AND SOMALI. Ulaha barafka lagu ciyaaro ee caruurta. www.falun.se/barnensskidspel VÄLKOMMEN

Läs mer

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto? Somaliska Funderar du på att bo i Kramfors kommun? Somaliska Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto? Kaddib markii ruqsadda degenaanshada dalka Iswiidan lagu siiyo, waxaa muhim ah inaad

Läs mer

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga För- och grundskoleförvaltningen Version: 2008-01-09 Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga Hawlwadeneyada dugsiga Agaasimaha dugsiga (Rektor) Agaasimaha waa xilhaayeha dugsiga

Läs mer

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn Iswiidhan iskoolladeeda loogu tala galay dadka soo galootiga ah Somaliska Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn Kani waa iskoolka iswiidhishka Dugsiga sare Da da 16-20 sano

Läs mer

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan Dhammaan dhallinyarada dalka Iswiidan oo dhameeyay waxbarashada dugsiga billoowga-hoose-dhexe, waxay xaq ku leeyihiin waxbarashada dugsiga sare

Läs mer

Somaliska. Barn älskar böcker

Somaliska. Barn älskar böcker Somaliska Barn älskar böcker Ku soo dhowow BOKSTART Bokstart waxay haddaad waalid tahay kugu dhiirrigelineysaa inaad cunuggaaga kor wax ugu akhriso oo u heesto waxna u higgaadiso, waraysatana. In goor

Läs mer

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee Telefonnummer Lambarka teleefanka Fritids Dugsiga firaaqada ee Iswidhan Fritids är till för barn mellan 6och 12 år vars vårdnadshavare arbetar,

Läs mer

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA Aad ayaad muhiim u tahay Waxaad tahay qofka ilmahaaga ugu dhow. Sidaas awgeed, ayey ra yiyadaadu iyo talooyinkaaga

Läs mer

SOMALISK a AF-SOOMAALI

SOMALISK a AF-SOOMAALI OMVÅRDNAD GÄVLE SOMALISK a AF-SOOMAALI Värdighetsgarantin Balanqaad daryeel qiimo leh Balanqaad daryeel qiimo leh Waxaa go àansaday waaxda daryeelka, degmada Gävle 2012-12-19. Waxaa ay shaqayneysaa laga

Läs mer

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

In shirkad. laga furto. Iswiidhen In shirkad laga furto Iswiidhen Qoraallada wakaaladda kobcinta dhaqaalaha oo pdf ah laga dalban karaa ama laga soo degsan karaa barta tillväxtverket.se/publikationer. Waxaa jira qoraallo ay soo saarto

Läs mer

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel Da`yarta Loogu talo galay da`yarta, lana samaynayo da`yarta Sätt färg på Göteborg

Läs mer

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada Somaliska Sidaan buu yahay nidaamka dugsiyada iswiidhishka. Dugsiga sare dhallinyarada 16 ilaa 20 sano,

Läs mer

Senast uppdaterad 2010-12-16 Svenska-engelska-somaliska arbetsmarknadsordlista

Senast uppdaterad 2010-12-16 Svenska-engelska-somaliska arbetsmarknadsordlista Senast uppdaterad 2010-12-16 Svenska-engelska-somaliska arbetsmarknadsordlista Denna ordlista uppdateras fortlöpande. Listan är uppdelad i ord som är speciella för arbetsmarknaden samt ord som är speciella

Läs mer

Wakiilka takooridda DO

Wakiilka takooridda DO Wakiilka takooridda DO Wakiilka xagga takoorku (DO) waa hey ad dowladeed oo ka shaqeysa sidii loo heli lahaa bulsho aan takooridi ka dhex jirin. Waxaannu qabannaa hawl ay xukuumadda iyo baarlamaanka Swiidhan

Läs mer

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa WAA MAXAY SABABTA LOOGU BAAHAN YAHAY IN AAD AQOONTAADA DIIWAANGELISO? Norway waxaa ka jira xafiisyo dawladeed oo badan kuwaas oo ka shaqeeya in ay dadka ka hagaan waxbarsahda iyo shaqada. Waxay u baahan

Läs mer

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM. Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM. Qoraalkan waxaa soo diyaariyay Forum ururada afgaarta ku saleysan ee arimaha bulshada qabta. Forum waa urur waxyaalaha

Läs mer

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska) 1(8) Informationsenheten Broschyren "Vi ger råd, stöd och behandling" på andra språk 2009-01-08 Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Läs mer

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran 021-17 53 30. xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa.

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran 021-17 53 30. xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa. Warbixin ku saabsan fursada xulashada daryeelka hagaajinta ilkaha ee Gobolka Västmanlandd Adiga oo xulan doono qofka kuu dhaqaaqi doono daryee elka hagaajinta ilkahaaga Sidee baa loo kala xulan karaa?

Läs mer

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG Photo credit: Jonathan Hyams/Save the Children WAXYAABAHA ADIGA XAQA U LEEDAHAY

Läs mer

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr) Frågor och svar om ekonomiskt bistånd översättning till somaliska Artikelnummer 2006-114-8 Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr) Jawaabo kooban ee su aalaha ugu caansan Haddaad dooneyso

Läs mer

Hagidda kala soocidda

Hagidda kala soocidda Somaliska Hagidda kala soocidda Warbixin ku socota qoysaska oo ku saabsan sida loo maareyo qashinka iyo kala soocidiisa. Poseidonka cagaaran Yoolkeenu waan inaan sida ugu macquulsan ugu jilcino dadka guryaha

Läs mer

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin] Sida: 1 av 5 Somaliska Faktablad för arbetssökande Jobb- och utvecklingsgarantin 2015-03 Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin] Qofka adigoo kale ah oo mudo dheer shaqo la aan

Läs mer

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn] Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn] Haddii aad tahay dhallinyaro, dakhligaaguna hooseeyo waxa aad heli kartaa kaalmada kirada

Läs mer

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen) Xanuunka jidiinka (Ont i halsen) Infekshada jidiinka ku dhaca badankood iyagaa iskood ugu bogsada toddobaad gudihiis, xanuunkaas fiirus ama bakteeriya ha sababtee. Adiga iyo ilmahaaga ma idinku dhacay

Läs mer

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow. Sonkor/Sonkorow Dhamaan cuntada aynu cuno waxa isticmaala jidhkeena si uu uga soo saaro tamar. Mid ka mid ah saddexda nooc cunto ee jidhkeenu isticmaalo waa sonkorta. Haddii aad caafimaad qabtid, sonkorta

Läs mer

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta Qoraalkani wuxuu kuu sheegayaa sida aad u caawin karto carruurta markay akhrinta ku adkaato Somaliska Tusmada Qoraalka Hordhac 3 Waa maxay dhibaatooyinka la

Läs mer

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm Inaga Stockholm-teena 2018 Oo ay la socoto khariirada Stockholm Stockholm la wada leeyahay Stockholm waxay u koreysaa dhakhso. Dhowr sanno gudahood ayaynu ku gaadhaynaa hal miljan oo qof. Maadaama oo aan

Läs mer

Delaktighet. för integration. att stimulera integrationsprocessen för somalisktalande i Sverige 1999:4

Delaktighet. för integration. att stimulera integrationsprocessen för somalisktalande i Sverige 1999:4 INTEGRATIONSVERKET Delaktighet för integration att stimulera integrationsprocessen för somalisktalande i Sverige Rapport till regeringen av Integrationsverkets regeringsuppdrag Integrationsverkets rapportserie

Läs mer

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet Texterna i denna skrift återges på följande språk: Svenska och Somaliska Qoraalka halkan ku dhigan waxa dib loogu sharaxayaa sidan luqada: Swiidhish iyo luqada kale Små barns mat - goda matvanor tidigt

Läs mer

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka Somaliska Hordhac Maxaa ilmahayga antibiyootig loo siin waayey? Marka ilmahaagu uu xanuunsan yahay waxaad

Läs mer

Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet

Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet 1 Steg 2 3 SOMALISKA Elever i tidigt skede av sin läs- och skrivutveckling Litteracitet Uppgifter A Tecken, ord, meningar Uppgifter A Tecken, ord, meningar

Läs mer

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?] Warbixin ka socota Qasnadda caymiska 2010-01-01 Kirokab [Bostadstillägg] ku socota Qofka qaata gunnada hawlqabadka [aktivitetsersättning] ama gunnada bukaanka [sjukersättning] [Bostadstillägg till dig

Läs mer

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt Tentamen på kurs SOL110, del 1 Max = 100% = 112 rätt 2016 10 15, skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt Godkänt = 61% = 68 rätt 1. Hur testar man lättast om ett ord är ett substantiv? (1 p.)

Läs mer

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada Välkommen till Arbetsförmedlingen Somaliska Kani waa Xafiiska Shaqada Shaqo-doone miyaad tahay? Warbixin dheeraad oo ku saabsan suuqa shaqada miyaad u baahan tahay? Ma u

Läs mer

Översatt av Sahro Aden Dulle

Översatt av Sahro Aden Dulle Översatt av Sahro Aden Dulle 2004 SVENSKA Somaliska EXEMPEL DIAGRAM Jaantuus 4:e kvart 3% :a kvart 3% Cirkeldiagram Wareega jiheejaha 2:a kvart 7% 3:e kvart 57% 00 80 Linjediagram Xariiqda jaantuska 60

Läs mer

Ku soo dhowow Laholm

Ku soo dhowow Laholm Ku soo dhowow Laholm Ku soo dhowow Laholm Välkommen till Laholm Ku soo dhowow Laholm Guuritaanku waa tallaabo aad u weyn. Ku fekerka oo qura ayaa su aalo badan ka dhashaan. Sidee ayey noloshaydu ku noqoneysaa

Läs mer

Instuderingsfrågor till Tema demokrati

Instuderingsfrågor till Tema demokrati Instuderingsfrågor till Tema demokrati 1. Vilka skapar den svenska demokratin? (s.1) Medborgarna i Sverige 2. Hur många ledamöter beslutar åt medborgarna i riksdagen? (s.2) 349 ledamöter 3. Varför finns

Läs mer

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro Somaliska - Rörelseträning för överbelastad käkmuskulatur Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro Ujeedada tababarka dhaq-dhaqaaq Ujeedada tababarka dhaq-dhaqaaq ayaa ah nasasho murqaha

Läs mer

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga Sida: 1 av 6 Xaqiiji awood xirfadeedkaaga Waayoaragnimo ma u leedahay xirfad aad rabto inaad wax ka ogaato sidii aad ugu howlgeli lahayad Sweden? Adigoo isticmaalaya habka is qiimeeynta ayaad sawir ka

Läs mer

Ka kaluumeysiga. Iswiidhan. Waxaa maalgeliyay Hay'ada Illaalada Deegaanka Iswiidhan (Naturvårdsverket)

Ka kaluumeysiga. Iswiidhan. Waxaa maalgeliyay Hay'ada Illaalada Deegaanka Iswiidhan (Naturvårdsverket) Ka kaluumeysiga Iswiidhan Waxaa maalgeliyay Hay'ada Illaalada Deegaanka Iswiidhan (Naturvårdsverket) Ka kaluumeysiga Iswiidhan Kaluumeysiga waa madadaalo iyo farxad waqtiisdhaafin ah oo loogu raaxeysan

Läs mer

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray (Samhällsinformation för nyanlända i Östergötland) Somaliska 1 1. Hab-dhiska siyaasadda

Läs mer

Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary (oo marka magaciisa la soo gaabsho afka qalaad loogu yeero COPD)

Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary (oo marka magaciisa la soo gaabsho afka qalaad loogu yeero COPD) Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary (oo marka magaciisa la soo gaabsho afka qalaad loogu yeero COPD) Tilmaame dag dag ah oo fudud oo ku saabsan cudurka sambabada ee COPD looguna tala

Läs mer

Madax xanuunka (huvudvärk).

Madax xanuunka (huvudvärk). Madax xanuunka (huvudvärk). Sobobo badan oo kale duwen ayuu qofka madaxu u xanuuni karaa. Waxa kale oo weliba jira noocya badan oo madax xanuunka ka mid ah. Inta badan kuwa la yaqaannaa waxa weeyi: Madax

Läs mer

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden! Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden! Tusmada buugga Degmada Tingsryd s. 1 Guddiga talobixinta muwaadiniinta s. 1 Meelaha lagu kulmo s. 2 Waxbarashada iyo

Läs mer

JURIDIK FÖR TOLKAR (upplaga 4:1) ORDLISTA

JURIDIK FÖR TOLKAR (upplaga 4:1) ORDLISTA Studiematerial 1 FÖRORD Den här svensk somaliska tolkordlistan över juridiska termer är utarbetad av somaliska tolkar på Åsa folkhögskola. Tidigare professorn i juridik vid Mogadishus universitet Omar

Läs mer

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed Hordhac Översatt till somaliska 4 Hordhac 6 Sweeden waxaa lagu hogaamiyaa nadaam dimuqoraadi oo ah baarlamaani ah 8 Sidaan ayuu u egyahay qaabka nadaamka dimuqoraadiga

Läs mer

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DAYREELKA CAAFIMAADKA Haddii dhaawac kaa soo gaadho daryeelka caafimaadka

Läs mer

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij Sida: 1 av 12 Somaliska Informationsblad för arbetssökande Ersättning vid program och resor 2018-01 Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada Marka aad ka qaybqaadaneyso barnaamijyada mid ka

Läs mer

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer] Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer] Qoysaska carruurta leh ee dakhligoodu hooseeyo waxa ay heli karaan kirada guriga. Inta aad helayso kirada

Läs mer

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Lacagta jirrada [Sjukpenning] Lacagta jirrada [Sjukpenning] Xaq ayaad u leedahay lacagta jirrada in aad ka hesho Qasnadda caymiska [Försäkringskassan] marka aanad shaqayn karayn xannuun awgiis. Lacagta jirrada waxa aad heli kartaa

Läs mer

Öppna svar Jobbtorg Stockholm

Öppna svar Jobbtorg Stockholm Öppna svar Jobbtorg Stockholm F7. Stöd från Jobbtorget. Vad har du fått hjälp med av Jobbtorget? JS Farsta centrum CV, personligt brev. Fått hjälp med förbättring av CV och fått hjälp vid en jobbansökan.

Läs mer

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub Macluumaadkan waxa wada jir u soo saarey waaxda caafimaadka bulshada iyo cisbitaalka dhalmada (BB)/umusha, daryeelka carruurta iyo

Läs mer

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno Maxaa u sabab ah calool istaaga? Calool istaagu waa wax caadi ku ah caruurta yar yar iyo kuwa waaweyn labadaba taas

Läs mer

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]! Välkommen till Arbetsförmedlingen! Information till dig som är arbetssökande Somaliska Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]! Information till dig waa shaqo-dooneyaasha Warbixin loogu talagalay

Läs mer

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan Senast uppdaterad: 2015-09-28 Swedish Migration Agency Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan Till dig som söker asyl i Sverige Somaliska www.migrationsverket.se 1 Qofka doonaya inuu magangelyo

Läs mer

Buugeyga caafimaadka ee gaarka

Buugeyga caafimaadka ee gaarka Buugeyga caafimaadka ee gaarka Översatt till Somaliska BUUGEYGA CAAFIMAADKA EE GAARKA Ka dib nooca uu sameeyey: Dr A Macfarlane, Oxford District Health Authority, England. Turjumaad iyo isku habeyn: Gisela

Läs mer

Ku soo-dhawaada degmada Umeåregionen. warbixin loogu talogalay magangelyodoonka. Bjurholm Nordmaling Robertsfors Vindeln Vännäs Umeå

Ku soo-dhawaada degmada Umeåregionen. warbixin loogu talogalay magangelyodoonka. Bjurholm Nordmaling Robertsfors Vindeln Vännäs Umeå Ku soo-dhawaada degmada Umeåregionen Faafin loo madax bannaan yahay warbixin loogu talogalay magangelyodoonka Bjurholm Nordmaling Robertsfors Vindeln Vännäs Umeå Kanu waa gobolka Umeå Gobolka Umeå juquraafi

Läs mer

VÄL Vänersborgs kommuns lärplattform

VÄL Vänersborgs kommuns lärplattform VÄL Vänersborgs kommuns lärplattform Qeeybta komuunka oo masuul ka eh xanaaninta oo dhan, dugsiyada hoose iyo xanaaninta ka tirsan dugsiyada hoose, taasi oo la yiraahdo Barn- och utbildningsförvaltningen,

Läs mer

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY Strattera broschyr SOMALISKA Denna broschyr är inte avsedd att innehålla uttömmande information om ditt läkemedel. För ytterligare

Läs mer

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga Sida: 1 av 6 Xaqiiji awood xirfadeedkaaga Waayoaragnimo ma u leedahay xirfad aad rabto inaad wax ka ogaato sidii aad ugu howlgeli lahayad Sweden? Adigoo isticmaalaya habka is qiimeeynta ayaad sawir ka

Läs mer

Talo iyo warbixinta sameynta qalabka ilkaha la geliyo

Talo iyo warbixinta sameynta qalabka ilkaha la geliyo Somaliska - Råd och information inför implantatbehandling Talo iyo warbixinta sameynta qalabka ilkaha la geliyo Waa maxay qalabka ilkaha la geliyo implantat? Qalabka ilkaha la geliyo waa boolal ka sameysan

Läs mer

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga Sida: 1 av 5 Xaqiiji awood xirfadeedkaaga Waayoaragnimo ma u leedahay xirfad aad rabto inaad wax ka ogaato sidii aad ugu howlgeli lahayad Sweden? Adigoo isticmaalaya habka is qiimeeynta ayaad sawir ka

Läs mer

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig MAXAA DHICI DOONA HADDA? Daryeelka khasabka ah waxaa loola jeeda

Läs mer

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub Sida: 1 av 5 Etableringsersättning - för dig som är ny i Sverige Somaliska Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub Warbixintaan waxay ku socota adiga uu khuseeyo qaanuunka

Läs mer

Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah

Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah LACAGTAADA EEG! S V E R I G E S R I K S B A N K 1-karoon 2-karoon 5-karoon 10-karoon Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo

Läs mer