Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Relevanta dokument
Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Dulqaaxumo Intolerans

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Ku soo dhawaadda shaqada

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Sida loo dhiso jaaliyad

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Transportyrken på sju språk

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

QAWAANIINTA. dugsiga xanaanada, xilli firaaqaha iyo hawlaha wax-barida ee degmada Alingsås

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

-Haddii aad qabto su aalo kale oo dheeraad ah, waydii dhakhtarkaaga ama shaqaalaha farmasiiga

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Somaliska. Barn älskar böcker

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

JURIDIK FÖR TOLKAR (upplaga 4:1) ORDLISTA

VÄL Vänersborgs kommuns lärplattform

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Senast uppdaterad Svenska-engelska-somaliska arbetsmarknadsordlista

Översatt av Sahro Aden Dulle

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Välkommen till Tingsryds kommun! Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Wakiilka takooridda DO

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

Mjölkfritt för ammande mammor, SOMALISKA. Bilaa caano loogu talogalay hooyooyinka wax nuujinya

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

Hage-haaga bangiga internetka. Ku soo dhawoow. Halkani way furantahay mar kasta.

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Madax xanuunka (huvudvärk).

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Waxanu ku hadalnaa luqado badan

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Hagidda kala soocidda

Su aalo iyo jawaab ku saabsan sariir ku kaadinta Soomaali somaliska Buugan yar waxa soo saaray Maxadka Iswiidhishka ee isku kaadinta habeenkii

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Raadiska magangalyada habkaan ayuu uu ushaqeeyaa

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Sidaan ayee uu ushaqeeyaa dalabka magangalyada

Habkaan ayaa uu buuxinee foomka Soo bandhigida bisha oo loogu tala galay lacagta daganaanshada Shaqo goobe

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa.

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Ka kaluumeysiga. Iswiidhan. Waxaa maalgeliyay Hay'ada Illaalada Deegaanka Iswiidhan (Naturvårdsverket)

FARBARASHADA AF-SOOMAALIGA

Buugeyga caafimaadka ee gaarka

Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

Bra mat för barn mellan ett och två år. u dhaxeeyo hal sano iyo labo sano

Caafimaad dareen Ramadaan dhexdeeda. -Xaqiiqooyin iyo talooyin wanaagsan

Transkript:

Warbixin ka socota Qasnadda caymiska 2010-01-01 Kirokab [Bostadstillägg] ku socota Qofka qaata gunnada hawlqabadka [aktivitetsersättning] ama gunnada bukaanka [sjukersättning] [Bostadstillägg till dig som har aktivitetsersättning eller sjukersättning] Haddii aad qaadato gunnada hawlqabadka ama gunnada bukaanka waxa aad heli kartaa kirokab. Inta aad kirokab helaysaa waxa ay ku xidhantahay kirada aad bixiso inta ay leegtahay iyo dakhligaagu inta uu leegyahay. Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?] Waad heli kartaa kirokab haddii aad degentahay Iswiidhan oo aad qaadato gunnada bukaanka ama gunnada hawlqabadka, bisil ama dheef naafo oo aad qaadato waddan tirsan EES. Gunnooyinka nasanaya [Vilande ersättningar] Haddii aad haysato gunnooyinka bukaanka ama hawlqabadka oo nasanaya waxad heli kartaa kirokab muddo laba sano ah. Intee in leeg ayaan u heli karaa kirokab? [Hur mycket kan jag få i bostadstillägg?] Lacagta aad helaysaa waxay ku xidhantahay kirada aad bixisaa inta ay leegtahay iyo dakhligaagu inta uu leegyahay. Marka ay ugu badantahay waxa aad heli kartaa boqolkiiba 93 qarashaadka guriga ee ah ilaa 5000 karoon bishii haddii aad tahay guurlaawe, haddaad xaas tahayna 2500 karoon. Taas macneheedu waxa weeye, in lacagta ugu badan ee la soo shubi karaa tahay 4650 karoon bishii haddaad tahay bilaa xaas, haddii aad xaas leedahayna waa 2325 karoon bishii. Dadka iskula jira lammaanenimo diinwaangashan waxa lagu tirinayaa qaar is qaba, sidoo kale caadi ahaan dadka isla degenna waxa loo xisaabaa sidii qaar isqaba. Mararka qaarkood ayaa dad is qaba loo xisaabin karaa sidii qaar aan is qabin. Tusaale ahaan waa marka labada is qaba midkood, yaalli isbitaal. Haddii aad degentahay qol laba sariirood ah oo deegaan khaasa ah tusaale ahaan waadh- waad heli kartaa kirokab qarashaadka gaadha ilaa 2093 karoon bishii. Markaa gunnada ugu sarraysa ee suurtagal ahi waa 2048 karoon bishii. Inta uu leegyahay kirokabku waxa lagu go aaminayaa in aanu marka hore xisaabinno kirokabka ay qarashaadka gurigaagu xaq kuu siinayaan ugu badnaan. Isugeyntaas ayaanu markaa ka jaraynnaa qayb dakhligaaga ka mid ah. Ka sii akhri arinkan baabka; Sidee loo xisaabinayaa kirokabka? Sidan ayaa loo xisaabinayaa qarashkaaga guriga [Så här beräknas din bostadskostnad] Haddii aad isqabtaan, waxa qarashka guriga midkiinba la xisaabinayaa nus ka mid ah isugeynta qarashka guriga.

Marmarka qaarkood waxa aanu xisaabnaa marka aanu xisaabinayno qarashaadkaaga guriga lacag guud oo iska go an. Lacagtaa guud ee iska go an waxa loo dejiyaa sanadle iyadoo laga qiyaas qaadanayo tusaale ahaan sicirka markaa jira ee korantada iyo shidaalka. Haddii aad degentahay guri kiro-gacan koowaad ah wuxu qarashka gurigu noqonayaa kirada oo ay ku jirto kululayntu. Haddii korontadu ay ku jirto kirada, qarashkeeda waa laga jarayaa lacagta guud ee iska go an. Ma xisaabinaysid qarashaadka ku baxa ururka kirayste-yaasha, ama furashada telefeeshinka ama internetka. Haddii aad tegentahay kiro gacan labaad ah wuxu noqonayaa qarashka gurigu sida guriga gacanta koowaad ah oo kale. Haddii aad degentahay guri aad leedahay, wuxu qarashka gurigu noqonayaa mid la mid ah qarasha sanadlaha ah oo lagu daray kulaylka. Haddii korontadu ay ku jirto qarashkaas, qarashkeeda waa laga jarayaa lacagta guud ee iska go an. Haddii aad qaadatay dayn markii aad guriga iibsatay ama dayactiraysay, waxa qarashka guriga lagu darayaa boqolkiiba 70 qarashka ribada, waa haddii gurigu damaanad ka yahay deynta. Haddii aad degentahay guri hal qoys loogu talo galay oo aad leedahay waxa qarashka guriga loo xisaabinayaa sidan soo socota:

Boqolkiiba 70 qarashka dulsaarka deyntii guriga ka bacdi markii laga jaro kaalmooyinka ribo ee jiri kara. Boqolkiiba 70 qarasha jagada Qarashka guryaha ee degmadu qaaddo Kulaylinta iyo qarashaadka kale sida ku qeexan lacagta guud ee iska go an. Haddii aad degentahay guri laba qoys ah oo aad leedahay waxa loo xisaabinayaa qarashka guriga sidii guriga aad leedhaay ee halka qoys ah. Markaa ka dib ayaa qarashak guriga loo qaybinaya labada qoys. Haddii aad degentahay guri yar oo beer ka tirsan waxa loo xisaabinayaa qarashka guriga sidii guriga aad leedahaay ee halka qoys ah. Waxa aad tirsanaysaa uun qarashaadka quseeya dhismaha guriga, waxan ujeedaa dhismaha guriga oo jagaduna ku jirto. Haddii aad degentahay guri yar oo la amaanaystay oo beer ku yaal wuxu qarashka gurigu la mid noqonayaa qarashka amaanaysiga guriga oo jagaduna ku jirto, kulaylinta iyo qarashaadka kale sida ku u qeexan lacagta guud ee iska go an. Haddii aad degentahay qayb guri ka mid ah, ama guryaha qoysaska badan ah waxa qarashka guriga laga dhigayaa xaddi lacag ah oo ay Qasnadda caymisku [Försäkringskassan] go aamiso sanad kasta oo laga qiyaaso isku celceliska qarashaadka deegaanka ee Iswiidhan. Haddii aad degentahay guri gaar ah qarashka guriga waxa la xisaabinayaa iyadooo la raacayo shuruuc ay dejisay wakaaladda cashuuruhu [Skatteverket]. Haddii aad degentahay guri leh adeeg loogu talogalay dadka laxaadkoodu kala dhimanyahay, wuxu qarashka gurigu noqonayaa inta aad ku bixiso deegaanka. Qaab deegaan oo khaas ahi tusaale ahaan waa sida deegaanka dadka buka iyo guryaha koox ahaanta loo wada degenyahay. Fiiro gaar ah u lahoow in aanad qarashaad kale meesha keenin. Arrimahan ayaa yaraynaya qarashka guriga [Det här minskar bostadskostnaden] Qarashkaaga guriga waxa loo xisaabayaa wax yar: Haddii aad kiraysatay guri qalabaysan Haddii aad tahay la degene Haddii aad guriga la wadaagto qof kale oo qaraabo ah Haddii aad hesho kaalmada guriga ee qoysaska ciyaalka leh Haddii aad ganacsi ku hayso guriga Sidan ayaa loo xisaabinayaa dakhligaaga [Så här beräknas dina inkomster] Marka laga yimaaddo dakhliga shaqada, ganacsiga, iyo hantida waxaanu eegaynaa qaar ka mid ah dakhliyada bilaa cashuurta ah, marka aanu xisaabinayno dakhliga saldhigga u noqonaya kirokabka. Haddii aad leedahay ama lammaanahaagu leeyahay hanti, waxa la samaynayaa sidoo kale kordhinta hantida [förmögenhetstillägg]. Dakhliga waxa la xisaabinayaa cashuurta ka hor. Haddii aad is qabtaan waa la isku xisaabinayaa dakhligiina, dabadeedna si isleeg ayaa la idiinku qaybinayaa.

Dakhliga shaqada [Inkomst av tjänst] Dakhli shaqo waxa lagu tiriyaa: Mushaharka iyo faa iidooyinka kale (faa iido cunto ah, faa iido baabuur, faa iido guri ah) ee shaqaalaynta ku jirta. Lacagaha kaaga soo dhaca caymisyada hawlgabka ee gaarka loo leeyahay Gunnada bukaanka iyo gunnada hawlqabadka Lacagta jirrada [sjukpenning] lacagta dhaqancelinta [rehabiliteringspenning] iyo mushaharka jirrada [sjuklön] Lacagta waalidka [föräldrapenning] Kaalmada xannaanaynta [vårdnadsbidrag] Gunnada shaqola aanta [arbetslöshetsersättning] iyo taageerada hawlqabadka [aktivitetsstöd] Qaybta la cashuurayo ee kaalmada daryeelka [vårdbidrag] Lacagaha ka yimaadda heshiis wadareedka caymisyada bukaanka Mag-dhow iyo dakhliyada la midka ah ee mar marka ah [livränta]. Mag-dhowga waxa looga jeeda magdhowga dhaawac shaqo [arbetskadelivränta] iyo qaybta la cashuuro ee magdhowga dhaawaca xirfadda [yrkesskadelivränta]. Xiitaa taageero marmar ah oo kaaga timaadda ninkaagii ama naagtaadii hore waxay soo gelaysaa dakhli shaqo. Maskaxda ku hay in aad qarashaadka ka jarto dakhligaaga shaqo sida aad yeesho marka aad dakhliga caddaynayo oo kale. Taasi waxa ay qusaysaa tusaale ahaan qarashaadka u safarka shaqada sii socod iyo soo socodba, buugaagta iyo wixii la mid ah. Dakhliga kaa soo gala ganacsi [Inkomst av näringsverksamhet] Haddii aad leedahay ganacsi ah sidii shirkad shakhsi ah, shirkad yar, ama shirkad ganacsi, wuxu ka mid noqonayaa dakhliga ganacsigaasi, dhakhliga lagu salaynayo kaalmada. Waxad dakhligaa ganacsiga ka jaraysaa qarashaadka sida aad uga jarto marka aad dakhligaaga cashuurta u caddaynayso oo kale iyada la iska dhaafayo jaritaanka khasaarihii sanadadii hore ee aan laga faa iidaysan. Balse suurta galnimada ka jaridda caymiska bisilkaagu waa mid xaddidan. Dakhliga raasamaalka [Inkomst av kapital] Dakhliga raasamaalka waxa lagu tiriyaa: Dakhliga ribada ah Macaash-yada Macaashka raasamaalka marka la iibiyo hanti kapitalvinster Dakhliga marka aad kirayso guri aad gaar u leedahy. Dakhliyada kaa soo gala hantida, qayb ahaan uun ayaad qarash-ka-jar ku samayn kartaaa sida aad u samayso dakhli-caddaynta cashuurta. Qarash-jar kuma samayn kartid qarashaadka ribada iyo qarashaadka maamulidda.

Dakhliga bilaa cashuurta ah [Skattefria inkomster] Dakhliyadan bilaa cashuurta ah ee soo socda, waxa lagu tirinayaa dakhligaaga lagu saleeyo kaalmada: Bisillada, magdhowyada, dakhliyada shaqo ee waddan kale oo ka baxsan EU, kaas oo sharci ahaan ama heshiis xagga cashuurta ah dartii laga dhaafayo waajibnimada cashuurta ISwiidhan. Kaalmada dadka waaweyn waxbarashada loogu jiidayo [rekryteringsbidrag]. Qaybo ka mid ah deeqaha bilaa cashuurta ah ee ka badan 3000 karoon bishii. Lacag ka timaadda heshiis wadareedka caymisyada bukaanka xanuun kugu dhacay ka hor 1991 dartii. Korodhka hantida [Förmögenhetstillägg] Qasnadda caymisku waxa ay samaynaysaa hanti kordhin aad adiga iyo ninkaagu ama naagtaadu haysateen 31 december sanadkii ka horreeyey sanadkan aad dalbateen kirokabka. Kordhintu waa marka la isku daro hantida boqolkiiba 15 qaybta ka sarraysa 100 000 karoon haddii aad tahay qof aan reer lahayn, labada isqabana waa 200 000 karoon. Hantida iyo daymaha waxa loo xisaabinayaa sidii markii ay jirtay cashuurta hantidu oo kale. Waxa arintaas aan soo gelahayn dhismaha guri gaar loo leeyahay iyo guryaha hantida ah ee aad sida rasmiga ah u degentahay. Kuwaas laguma tirinayo hantida. Sidoo kale lama tirinayo daymaha ay hantidani u rahman tahay. Hantiyaha la tirinayo marka la xisaabinayo hantida waa: Dhisme guri oo gaar loo leeyahay iyo guri hanti ah oo aanad rasmi u degenayn Saamiyada shirkadaha, saami miisaaniyadeed iyo waraaqaha qiimaha leh ee kale Caymisyada raasamaalka Hanti bangi Qaan dalab lacageed Kaash ka badan 25000 karoon Baabuur, doonyo, faagan aqal ah iyo wax la mid ah Saamiyada liiska OMX, qaybaha saamiyada kaydadka iyo kaydadka isku jira ee sayladaha ka diiwaangashan, waxa la soo qaadayaa boqolkiiba 80 qiimihii u qornaa 31 december sanadkii hore. Qaybaha kaydadka ribada leh, waa la wada tirinayaa qiimahooda. Dakhliyada oo dhan lama wada tirinayo [Alla inkomster räknas inte fullt ut] Dakhliyadaada hoos ayaa loo dhigaya inta aan la xisaabin inta aad kirokab u helayso. Taas macneheedu waxa weeye, in aad u baahantahay in aad tirsato qayb ahaan dakhligaaga iyo in aad iska jarto qayb aan la xisaabinahayn.

Dakhliyada la tirinayo boqolkiiba 100 waa [Inkomster som tas upp med 100 procent är] Bisilka dadka laga dhintay [efterlevnadspension] Gunnad bukaanka iyo gunnada hawlqabadka Bisil wadan kale ama dheef naafo Dakhli raasamaal Hanti korodh. Dakhliyada la tirinayo boqolkiiba 80 waa: [Inkomster som tas upp med 80 procent är] Lacagta waalidka Lacagta jirrada Kaalmada xannaanaynta carruurta Gunnada shaqola aanta Dakhiyada la tirinayo boqolkiiba 50 waa: [Inkomster som tas upp med 50 procent är] Dakhliga shaqada iyo dakhliga ganacsiga Xaddiga lacageed ee la ogolyahay [Fribelopp] Dakhliyada aad xisaabayso waxa aad ka jaraysaa xaddiga lacageed ee la ogolyahay. Xaddiga lacageed ee la ogolyahay waa 101 760 karoon haddii aad qaadato gunnada bukaanka. Haddii aad qaadato gunnada hawlqabadka wuxu xaddiga lacageed ee la ogolyahay ku xidhanyahay da daada. Lacagta soo hadha marka laga jaro xaddiga lacageed ee la ogolyahay, waa dakhliga la dhiman [reduceringsinkomst], yacnii waa dakhliga lagu saleeyo xisaabinta kirokabka. Sidee loo xisaabinayaa kirokabka? [Hur beräknas bostadstillägget?] Kirokabka ugu sarreeya ee suuragalka ah ee aad qarashaadka guriga ku heli karto, ayaa laga jarayaa qayb ka mida dakhliga dhiman ee la soo xisaabiyey. Jaritaankaasi waa: Boqolkiiba 62 dakhliga la dhimay ilaa 42 400 karoon. Boqolkiiba 50 ka mid ah dakhliga la dhimay oo ka sarreey 42 400 kr. Kirokabka waxa loo xisaabiyaa sanadle. Xaddiga lacageed ee la xisaabiyo waxa loo qaybinayaa 12 markaa ayaa bil bil loo soo shubayaa. Kirokab khaas ah [Särskilt bostadstillägg] Haddii aad hesho kirokab, waxa kale oo aad heli kartaa kirokab khaas ah. Taasi waxa ay dhacaysaa haddii aad haysato lacag ka yar 4786 karoon oo aad ku nolaato kabacdi marka aad iska bixiso qarashaadka guriga. Haddii aad xaasle tahay xadku wuxu noqonayaa 4044 karoon bishii. Xadkaas waxa lagu magacaabaa heer nololeed caqli gal ah, waxana lala kaashanayaa xisaabinta qiimaha xaddi lacageedka saldhiga ah* [prisbasbeloppet]. * Qiimaha xaddiga lacageed ee saldhiga ahi wuxu la socdaa isbedelka sicirka ee bulshada. Sanadka 2010 qiimaha xaddiga lacageed ee saldhiga ah waa 424s00 karoon Dakhliyada saamaynaya kirokabka waxa ay sidoo kale saamaynayaan kirokabka khaaska ah. Markaa xiitaa kirokabka waxa lagu tirinayaa dakhliga. Laakiin marka la xisaabinayo kirokabka khaaska ah, waxa dakhligaaga la xisaabinayaa cashuurta ka dib.

Waxase jira laba shardi. Ma tirsan kartid qarash guri oo ka sareeya 6200 karoon bishiiba haddii aad tahay bilaa xaas ama 3100 karoon bishiiba, haddii xaad xaasley tahay. (Kuwa is qaba waxa loo xisaabinayaa qarashka guriga midba nus wadarta qarashka guriga). Mar walba waxa la xisaabinayaa in aad shaqaysato bishii xaddi lacageedk ugu hooseeya cashuurta ka hor, xiitaa haddii aad leedahay dakhli aad u hooseeya. Qofkaaga qaata gunnada bukaanka, xaddi lacageedka suurtagalka ah ee ugu hooseeya waa 8480 karoon bishii. Haddii aad markaa bixiso boqolkiiba 30 cashuur ah wuxu noqonayaa dakhligaaga ugu hooseeya bishii marka la xisaabinayo kirokabka khaaska ah 5936 karoon bishiiba (8480-2544 =5936). Haddii aad qaadato gunnada hawlqabadka wuxu xaddiga lacageedka ee la ogolyahay ku xidhanyahay da daada. Uma baahnid in aad samayso dalbasho gaar ah si aad u hesho kirokabka khaaska ah Sidee baan u dalbanayaa kirokabka? [Hur ansöker jag om bostadstillägg?] Kirokabka waxa aad ka dalbanaysaa Qasnadda caymiska. Waxa aad isticmaalaysaa foomam kala duwan haddii aad iska leedahay guriga aad degentahay iyo haddii kale. Haddii aad xaasle tahay, adiga iyo lammaanahaagu waxad soo gudbinaysaan dalab kirokab oo isku mid ah. Haddii xiitaa midkiin uun dalbanayo kirokabka waa in aad soo gudbisaan labadiinuba warbixinta dakhliga iyo hantidiina. Ujeedadu waxa weeye, si aanu isugu darno dakhliyadiina marka aanu xisaabinayno xaq u lahaanshihiina kirokabka. Kirokabka waxa laguu ogolaanayaa sida caadiga ah 12 bilood. Laakiin haddii ay jiraan sababo khaas ahi, waxa laguu ogolaan karaa kirokabka ilaa 36 bilood. Kirokabka waxa laguu ogolaan karaa saddex bilood oo la soo dhaafay. Waad ka dacwoon kartaa haddii aad u aragto in Qasnadda caymisku ay qalad samaysya [Du kan överklaga om du tycker att Försäkringskassan gjort fel] Haddii aad u aragto in ay Qasnadda caymisku samaysay go aan qaldan oo ku saabsan kirokabkaaga, dib ayaanu u fiirin karnaa arinkaaga. Haddii ay sidaas tahay u soo qor Qasnadda caymiska, oo codso in arinkaaga lagu noqdo ugu dambayn laba bilood markii aad go aanka heshay. Haddii aad qalad u aragto go aanka labaad qudhiisa, waxad u sii dacwoon kartaa maxkamadda gobolka [länsrätten]. Xukunka maxkamadda gobolka waxa looga sii dacwoon karaa maxkamadda sare ee maamulka [kammarrätten]. Si maxkamadda sare ee maamulku arinkaaga eegto waxa loo baahanayaa ruqsad. Soo sheeg had iyo jeer wixii is bedel ah [Anmäl alltid förändringar!] Haddii dakhligaagu yaraado ama kiradu kugu korodho, ama dhaqaalahaagu si kale isu bedelo waxad xaq u yeelan kartaa kirokab badan. Sidaas darteed arinkaas u soo sheeg Qasnadda caymiska! Sidoo kale waxa waajib kugu ah in aad soo ogaysiiso Qasnadda caymiska: Haddii dakhgligaaga ama dakhliga lammaanahaagu aad u kordho Haddii aad guriga bedesho, ama qof kula soo dego ama xaalkaag hoygu si kale isu beddelo. Haddii aad guursato ama aad furto. Haddii aanad arrimaas soo sheegin, waxad ku qasbanaan kartaa in aad soo celiso lacagtii aad qaadatay. Maskaxda ku hay haddii aad u safarto waddan kale wakhti dheer ama aad degto waddan kale, in aad arinkaas u sheegto Qasnadda caymiska, maxaa yeelay joogitaanka waddan kale waxa ay saamayn kartaa xaq u lahaanshahaaga kirokabka.. Haddii aad su aalo qabto waxad soo waci kartaa xaruntada macaamiisa 0771-524524 Warixinta warqaddani ma aha qoraalka sharcigii mawduucan quseeyay

Qasnadda caymisku waa ay hubinaysaa [Försäkringskassan kontrollerar] Qasnadda caymisku waxa ay hubinaysaa warbixinta aad soo gudbiso. Waxa ay qusayn kartaa dakhli, shaqo ka maqnaan, xaaladda bulsho ama meesha aad degentahay. Waxa aanu leenahay hay adaha kale ee dawladda, warbixin-wadaag sida CSN [CSN], qasnadaha shaqo-la aanta iyo wakaaladda cashuuraha. Waa dembi in aad si ula kac ah u bixiso warbixin qaldan ama aad soo sheegi waydo isbeddello saamayn ku yeelan kara xaq u lahaanshahaaga lacagta. Qasnadda caymisku waxay ka ashkataynaysaa booliska dhammaan dembiyada kaalmooyinka ee la tuhmo.