Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad



Relevanta dokument
KUNSKAPSKRAV I ÄMNET MODERNA SPRÅK

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Läsa. Betyg E Betyg C Betyg A

MODERSMÅL 3.7 MODERSMÅL

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Kunskapskrav SVENSKA År 9

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Tala, samtala och lyssna

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Dulqaaxumo Intolerans

Svenska som andraspråk

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

KUNSKAPSKRAV I ÄMNET SVENSKA SOM ANDRASPRÅK

MODERSMÅL NIVÅ 1 BEDÖMNINGSMATRIS Åk 1-2-3

Ku soo dhawaadda shaqada

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Centralt innehåll. Läsa och skriva. Tala, lyssna och samtala. Berättande texter och sakprosatexter. Språkbruk. Kultur och samhälle.

MODERSMÅL FINSKA 1. Syfte

Transportyrken på sju språk

KUNSKAPSKRAV I ÄMNET SVENSKA

SVA 3.18 SVENSKA SOM ANDRASPRÅK. Syfte

Kunskapskrav SVENSKA SOM ANDRASPRÅK År 9

Utbildning i svenska för invandrare: Sammanställning av kunskapskrav kurs A (A1-/A1)

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

LÄROPLAN FÖR GRUNDSKOLAN, FÖRSKOLEKLASSEN OCH FRITIDSHEMMET 2011 SVENSKA Ämne: Svenska åk 4-6

SVENSKA 3.17 SVENSKA

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

MODERSMÅL 3.7 MODERSMÅL

Del ur Läroplanen för specialskolan 2011: kursplan i teckenspråk för döva och hörselskadade

Tala, lyssna och samtala. Berättande texter och sakprosatexter. Muntliga presentationer och. Gester och kroppsspråk. muntligt berättande.

Kurs: Svenska. Kurskod: GRNSVE2. Verksamhetspoäng: 1000

LPP 7P2 i svenska och svenska som andra språk

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Kursplan - Grundläggande svenska som andraspråk

Undervisningen i ämnet svenska ska ge eleverna förutsättningar att utveckla följande:

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Rapport för skriftligt omdöme Vifolkaskolan 7-9

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Svenska som andraspråk

Undervisningen i ämnet modersmål ska ge eleverna förutsättningar att utveckla följande:

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga

Kursplanerna i svenska och svenska som andraspråk Göteborg 18 oktober 2011

Centralt innehåll. Språkets struktur med stavningsregler, skiljetecken. Träna på språkriktighet; skrivregler, skiljetecken och att bygga meningar.

Terminsplanering för årskurs 6 i spanska: Temaområde: spanska (lyssna, läsa, tala, skriva, ord, grammatik och uttal)

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Undervisningen ska även bidra till att eleverna får möta och bekanta sig med såväl de nordiska grannspråken som de nationella minoritetsspråken.

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

svenska som andraspsråk

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Elever med funktionsnedsättning betyg och nationella prov. Helena Carlsson Maj Götefelt Roger Persson

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Svenska som andraspråk

3.7.4 Modersmål - meänkieli som nationellt minoritetsspråk

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

3.7.3 Modersmål - jiddisch som nationellt minoritetsspråk

Kursplan i svenska grundläggande kurs Y

Centralt innehåll: Lokal Pedagogisk Planering i svenska. Ämnesområde: Skolfotot och Huset. Ansvarig lärare: Annika Svartling Andersson

Idrott och hälsa - Kunskapskrav

Lokal Pedagogisk planering

FARBARASHADA AF-SOOMAALIGA

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Somaliska. Barn älskar böcker

Kursplan - Grundläggande svenska

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Sida loo dhiso jaaliyad

Statens skolverks författningssamling

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Prövningsanvisningar Svenska som andraspråk grundläggande nivå våren 2016

3.18 Svenska som andraspråk

Information angående särskild prövning i svenska som andraspråk på grundläggande nivå

TEMA FANTASY. Under ett par veckor kommer vi att arbeta med ett fantasytema i svenskan. Vi kommer att:

Robinsonader. 1 av 7. Förankring i läroplanen. Innehåll och arbetsformer. Botkyrka

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Svenska som andraspråk Åk

Kursplan i svenska grundläggande kurs X

Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet

Övergripande planering

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Kursplan i svenska grundläggande kurs GRNSVE2

Sexualkunskap 8A. Vad är viktigt inom området? Planering. Pär Leijonhufvud. 30 januari Nyheden BY: Vecka 6. Hur fungerar könsorganen

IDH 3.4 IDROTT OCH HÄLSA. Syfte

Transkript:

AF SOOMAALI Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad Ardaygu si yara fiican ayuu u akhrin karaa qoraallada loogu talagalay dhallaanka iyo dhallinyarada, isagoo si habsami ah u dooranaya una adeegsanaya xeeladaha akhriska. Ardaygu wuxuu muujinayaa faham akhris aasaasi ah, isagoo si sahlan u soo koobaya dulucda qoraallo kala duwan, kana faalloonaya qaybaha muhimka ah. Sidoo kale ardaygu, isagoo kaashanaya waayo-aragnimadiisa wuxuu, si fudud oo qayb ahaan ah fikir qumman, u soo bandhigayaa dhambaalka muuqda ee uu qoraalku sido. Ardaygu, isagoo ka duulaya hab-dhiska afka hooyo, ayuu si fudud oo siyaabo kala duwan ah aragtidiisa ugu cabbiri karaa qoraal uu adeegsanayo erayo iyo fikrado la xiriira mowduuca. Ardaygu, hubsiimo gaar ah awgeed, wuxuu adeegsadaa xeerarka asaasiga ah ee luqada, wuuna higgaadin karaa erayada uu inta badan isticmaalo. Ardaygu, isagoo is barbardhigaya luqada qorista ee afka hooyo iyo tan Iswidhishka, wuxuu si fudud u soo bandhigi karaa isu-ekaanshaha iyo kala duwanaanta labada luqadood. Ardaygu, si fudud buu uga hadli karaa mowduucyada uu yaqaan, isaga oo si hufan u adeegsanaya erayo badan oo kala duwan. Wada hadalka gudihiisa wuxuu ardaygu weydiin karaa su aalo isaga oo soo jeedinaya fikraddiisa, taasna waxay qayb ahaan xoojinaysaa wada hadalka. Marka uu ka hadlaayo dhacdooyin-maalmeedka, wuxuu ardaygu si muuqata u sharxaa muxtawaha guud ee dhacdada. Ardaygu, isagoo ka ambaqaadaya waayo-aragnimadiisa wuxuu, si fudud ardayda kale ugu qeexaa uguna tilmaamaa qaybaha muhimka ah ee aqoonta la xiriirta afka hooyo iyo weliba dhulka looga hadlo. Shuruudaha waxbarasho ee darajada D, ee fasalka 6 aad Darajada D wuxuu ardaygu helayaa marka uu buuxiyo shuruudaha waxbarasho ee darajada E oo dhan iyo inta badan ee darajada C. Shuruudaha waxbarasho ee darajada C, ee fasalka 6 aad Ardaygu si fiican ayuu u akhrin karaa qoraallada loogu talagalay dhallaanka iyo dhallinyarada, isaga oo si habboon u dooranaya oo isticmaalaya xeeladaha akhriska. 1

Ardaygu wuxuu muujinayaa faham akhris fiican, isagoo si faahfaahsan u soo koobaya dulucda qoraallo kala duwan, kana faalloonaya qaybaha muhimka ah. Intaa waxa la socda in ardaygu, isagoo ka duulaya waayo-aragnimadiisa uu, si furfuran u soo gudbiyo fikir toosan, oo tilmaamaya nuxurka muuqda ee qoraalka. Ardaygu, isagoo ka duulaya hab-dhiska afka hooyo, ayuu si faahfaahsan oo siyaabo kala duwan ah aragtidiisa ugu cabbiri karaa qoraal uu adeegsanayo erayo iyo fikrado la xiriira mowduuca. Ardaygu, hubsiimo hagaagsan awgeed, wuxuu adeegsadaa xeerarka asaasiga ah ee luqada, wuuna higgaadin karaa erayada uu inta badan isticmaalo. Ardaygu, isagoo is barbardhigaya luqada qorista ee afka hooyo iyo tan Iswidhishka, wuxuu si faahfaahsan u soo bandhigi karaa isu-ekaanshaha iyo kala duwanaanta labada luqadood. Ardaygu, si faahfaahsan buu uga hadli karaa mowduucyada uu yaqaan, isaga oo si habboon u adeegsanaya erayo badan oo kala duwan. Wada hadalka gudihiisa wuxuu ardaygu weydiin karaa su aalo isaga oo soo jeedinaya fikraddiisa, taasna waxay si hagaagsan u xoojinaysaa wada hadalka. Marka uu ka hadlaayo dhacdooyin-maalmeedka, wuxuu ardaygu si fiican oo muuqata u qeexaa muxtawaha guud ee dhacdada. Ardaygu, isagoo ka ambaqaadaya waayo-aragnimadiisa wuxuu, si faahfaahsan ardayda kale ugu bayaamiyaa uguna tilmaamaa qaybaha muhimka ah ee waxbarashada la xiriirta afka hooyo iyo weliba dhulka looga hadlo. Shuruudaha waxbarasho ee darajada B, ee fasalka 6 aad Darajada B wuxuu ardaygu helayaa marka uu buuxiyo shuruudaha waxbarasho ee darajada C oo dhan iyo inta badan ee darajada A. Shuruudaha waxbarasho ee darajada A, ee fasalka 6 aad Ardaygu si aad u fiican ayuu u akhrin karaa qoraallada loogu talagalay dhallaanka iyo dhallinyarada, isaga oo si habboon oo sugan u dooranaya oo isticmaalaya xeeladaha akhriska. Ardaygu wuxuu muujinayaa faham akhris heer sare ah, isagoo si tifaftiran u soo koobaya dulucda qoraallo kala duwan, kana faalloonaya qaybaha muhimka ah. Intaa waxa la socda in ardaygu, isagoo ka duulaya waayo-aragnimadiisa uu, si bayaansan u soo gudbiyo fikir toosan, oo tilmaamaya nuxurka muuqda ee qoraalka. 2

Ardaygu, isagoo ka duulaya hab-dhiska afka hooyo, ayuu si tifaftiran oo siyaabo kala duwan ah aragtidiisa ugu cabbiri karaa qoraal uu ku adeegsanayo erayo iyo fikrado fiican oo la xiriira mowduuca. Ardaygu, hubsiimo wacan awgeed, wuxuu adeegsadaa xeerarka asaasiga ah ee luqada, wuuna higgaadin karaa erayada uu inta badan isticmaalo. Ardaygu, isagoo is barbardhigaya luqada qorista ee afka hooyo iyo tan Iswidhishka, wuxuu si tifaftiran u soo bandhigi karaa isu-ekaanshaha iyo kala duwanaanta labada luqadood. Ardaygu, si tifaftiran buu uga hadli karaa mowduucyada uu yaqaan, isaga oo si habboon oo hufan u adeegsanaya erayo badan oo kala duwan. Wada hadalka gudihiisa wuxuu ardaygu soo jeedin karaa su aalo isaga oo soo bandhigaya fikraddiisa, taasna waxay si fiican u xoojinaysaa wada hadalka. Marka uu ka hadlaayo dhacdooyin-maalmeedka, wuxuu ardaygu si fiican oo muuqata u qeexaa muxtawaha guud ee dhacdada. Ardaygu, isagoo ka ambaqaadaya waayo-aragnimadiisa wuxuu, si tifaftiran ardayda kale ugu sharxaa uguna tilmaamaa qaybaha muhimka ah ee macluumaadka la xiriirta afka hooyo iyo weliba dhulka looga hadlo. Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 9 aad Ardaygu si fiican ayuu u akhrin karaa qoraallada, isagoo si hagaagsan u dooranaya una adeegsanaya xeeladaha akhriska. Ardaygu wuxuu muujinayaa faham akhris aasaasi ah, isagoo si fudud u soo koobaya dulucda qoraallo kala duwan, kana faalloonaya qaybaha muhimka ah, lana xiriirinaya goorta iyo sababta dhacdada. Sidoo kale ardaygu, isagoo kaashanaya waayo-aragnimadiisa wuxuu, si fudud oo qayb ahaan ah fikir toosan, si cad soo bandhigayaa nuxurka muuqda ee qoraallada kala duwan. Ardaygu, isagoo ka duulaya hab-dhiska afka hooyo, ayuu qori karaa qoraallo kala gadisan oo leh macno la fahmi karo iyo weero, isla markaana si wacan isugu xiraya erayo iyo macnahooda salka ku haya luqad-maalmeedka iyo tan maaddada. Qoraalka ardayga waxaa lagu garanayaa sharaxaadyo fudud iyo hab-sheekayn sahlan. Ardaygu, dulucda iyo luqada qoraalladiisa si fudud ayuu ugu dhigaa, si ay u noqdaan kuwo ku habboon xaaladda qoraalku tilmaamayo. Ardaygu, isaga oo si macquuul ah isu barbar dhigaya oo u kala turjumaya weer-dhiman ama erayo luqada Soomaaliga iyo tan Iswidhishka, wuxuu si fudud u soo bandhigi karaa isu-ekaanshaha iyo kala duwanaanta labada luqadood. Ardaygu, isagoo si caqligal ah isugu xiraya luqad-maalmeedka iyo tan maaddada, ayuu si sahlan uga doodi karaa ugana hadli karaa moduucyo kala duwan. 3

Xaaladahan oo kale ardaygu si fudud oo qayb ahaan aragti dhisan ah, ayuu su aalo ayuu soo jeedin karaa fikradna u soo bandhigi karaa, taasoo qayb ahaan bilaysa doodda iyo wada hadalka. Arrintan ka sokow, ardaygu wuxuu diyaarin karaa oo uu soo jeedin karaa warbixinno fudfudud oo afka ah, isagoo ku furfuranaya bilow fiican, nuxur muhim ah iyo gabagabo ku habboon ujeeddada, xaaladda iyo cidda loogu talagay warbixinta. Ardaygu wuxuu si sahlan oo qayb ahaan fikrad salaysan ah u soo jeedin karaa dood ku saabsan qaar ka mid ah qaybaha aqoonta iyo arrimaha bulshada ee la xiriira luqada afka hooyo iyo goobaha looga hadlo. Ardaygu markaa wuxuu sameeyaa isbarbardhigyo fudfudud, isagoo kaashanaya waayo-aragnimadiisa iyo deegaanka Iswidhan wuxuuna muujiyaa gunaanad sahlan oo qayb ahaan lagu qanci karo oo tilmaamaya waxa sababi kara iyo natiijada ka dhalan karta. Shuruudaha waxbarasho ee darajada D, ee fasalka 9 aad Darajada D wuxuu ardaygu helayaa marka uu buuxiyo shuruudaha waxbarasho ee darajada E oo dhan iyo inta badan ee darajada C. Shuruudaha waxbarasho ee darajada C, ee fasalka 9 aad Ardaygu si aad u fiican ayuu u akhrin karaa qoraallada, isagoo si habboon u dooranaya una adeegsanaya xeeladaha akhriska. Ardaygu wuxuu muujinayaa faham akhris hagaagsan, isagoo si fiican u soo koobaya dulucda qoraallo kala duwan, kana faalloonaya qaybaha muhimka ah, si habsami ahna ula xiriirinaya goorta iyo sababta dhacdada. Sidoo kale ardaygu, isagoo kaashanaya waayo-aragnimadiisa wuxuu, si faahfaahsan oo hagaagsan oo fikir toosan ah, u soo bandhigayaa dood la xiriirta nuxurka qoraallo kala duwan, kaas oo ah mid muuqda iyo mid kale oo si dadban loo fahmi karo. Ardaygu, isagoo ka duulaya hab-dhiska afka hooyo, wuxuu qori karaa qoraallo kala gadisan oo leh macno si fiican u muuqda iyo weero, isla markaana si wacan isugu xiraya erayo iyo macnahooda salka ku haya luqad-maalmeedka iyo tan maaddada. Qoraalka ardayga waxaa lagu garanayaa sharaxaadyo faahfaahsan iyo habsheekayn baahsan. Ardaygu, dulucda iyo luqada qoraalladiisa si faahfaahsan ayuu ugu dhigaa, si ay u noqdaan kuwo ku habboon xaaladda qoraalku tilmaamayo. Ardaygu, isaga oo si hagaagsan ah isu barbar dhigaya oo u kala turjumaya weer-dhiman ama erayo 4

luqada Soomaaliga iyo tan Iswidhishka, wuxuu si faahfaahsan oo habsami ah u soo bandhigi karaa isu-ekaanshaha iyo kala duwanaanta labada luqadood. Ardaygu, isagoo si habboon ah isugu xiraya luqad-maalmeedka iyo tan maaddada, ayuu si faahfaahsan uga doodi karaa ugana hadli karaa moduucyo kala duwan. Xaaladahan oo kale ardaygu si hagaagsan oo aragti dhisan ah, ayuu su aalo u soo jeedin karaa fikradna u soo bandhigi karaa, taasoo si fiican u xoojinaysa doodda iyo wada hadalka. Arrintan ka sokow, ardaygu wuxuu diyaarin karaa oo uu soo jeedin karaa warbixinno faahfaahsan oo afka ah, isagoo ku furfuranaya bilow fiican, nuxur muhim ah iyo gabagabo fiican oo ku habboon ujeeddada, xaaladda iyo cidda loogu talagay warbixinta. Ardaygu wuxuu si hagaagsan oo fikrad salaysan ah u soo jeedin karaa dood ku saabsan qaar ka mid ah qaybaha aqoonta iyo arrimaha bulshada ee la xiriira luqada afka hooyo iyo goobaha looga hadlo. Ardaygu markaa wuxuu sameeyaa isbarbardhigyo faahfaahsan, isagoo kaashanaya waayo-aragnimadiisa iyo deegaanka Iswidhan wuxuuna muujiyaa gunaanad hagaagsan oo lagu qanci karo oo tilmaamaya waxa sababi kara iyo natiijada ka dhalan karta. Shuruudaha waxbarasho ee darajada B, ee fasalka 9 aad Darajada B wuxuu ardaygu helayaa marka uu buuxiyo shuruudaha waxbarasho ee darajada C oo dhan iyo inta badan ee darajada A. Shuruudaha waxbarasho ee darajada A, ee fasalka 9 aad Ardaygu si heer sare ah ayuu u akhrin karaa qoraallada, isagoo si habboon oo sugan u dooranaya una adeegsanaya xeeladaha akhriska. Ardaygu wuxuu muujinayaa faham akhris oo hufan, isagoo si tifaftiran u soo koobaya dulucda qoraallo kala duwan, kana faalloonaya qaybaha muhimka ah, si habsami ahna ula xiriirinaya goorta iyo sababta dhacdada. Sidoo kale ardaygu, isagoo kaashanaya waayo-aragnimadiisa wuxuu, si faahfaahsan oo hagaagsan oo fikir toosan ah, u soo jeedinayaa dood la xiriirta nuxurka qoraallo kala duwan, kaas oo ah mid muuqda oo la taaban karo iyo mid kale oo si dahsoon loo fahmi karo. Ardaygu, isagoo ka duulaya hab-dhiska afka hooyo, wuxuu qori karaa qoraallo kala gadisan oo leh macno si fiican u muuqda iyo weero, isla markaana si wacan isugu 5

xiraya erayo iyo macnahooda salka ku haya luqad-maalmeedka iyo tan maaddada. Qoraalka ardayga waxaa lagu garanayaa sharaxaadyo tifaftiran iyo hab-sheekayn ballaaran. Ardaygu, dulucda iyo luqada qoraalladiisa si tifaftiran ayuu ugu dhigaa, si ay u noqdaan kuwo ku habboon xaaladda qoraalku tilmaamayo. Ardaygu, isaga oo si hagaagsan ah isu barbar dhigaya oo u kala turjumaya weer-dhiman ama erayo luqada Soomaaliga iyo tan Iswidhishka, wuxuu si tifaftiran oo hufan u soo bandhigi karaa isu-ekaanshaha iyo kala duwanaanta labada luqadood. Ardaygu, isagoo si habboon oo habsami leh isugu xiraya luqad-maalmeedka iyo tan maaddada, ayuu si tifaftiran uga doodi karaa ugana hadli karaa moduucyo kala duwan Xaaladahan oo kale ardaygu si hufan oo aragti dhisan ah, ayuu su aalo u soo jeedin karaa fikradna u soo bandhigi karaa, taasoo si hagaagsan u xoojinaysa una qotodheeraynaysa doodda iyo wada hadalka. Arrintan ka sokow, ardaygu wuxuu diyaarin karaa oo uu soo jeedin karaa warbixinno tifaftiran oo afka ah, isagoo ku furfuranaya bilow fiican, nuxur muhim ah iyo gabagabo fiican oo ku habboon ujeeddada, xaaladda iyo cidda loogu talagay warbixinta. Ardaygu wuxuu si hufan oo fikrad salaysan ah u soo jeedin karaa dood ku saabsan qaar ka mid ah qaybaha aqoonta iyo arrimaha bulshada ee la xiriira luqada afka hooyo iyo goobaha looga hadlo. Ardaygu markaa wuxuu sameeyaa isbarbardhigyo tifaftiran, isagoo kaashanaya waayo-aragnimadiisa iyo deegaanka Iswidhan wuxuuna muujiyaa gunaanad hagaagsan oo lagu qanci karo oo tilmaamaya waxa sababi kara iyo natiijada ka dhalan karta. Waxaa turjumay: Rashid Cabdi Muuse Bare afka Soomaaliga, Språkskolan ee deg. Uppsala Maj 2015 SVENSKA Kunskapskrav för betyget E i slutet av årskurs 6 Eleven kan läsa elevnära och åldersanpassade texter för barn och ungdomar med visst flyt genom att, på ett i huvudsak fungerande sätt, välja och använda lässtrategier. Genom att göra enkla, kronologiska sammanfattningar av olika texters innehåll och kommentera centrala delar med viss koppling till sammanhanget visar eleven grundläggande läsförståelse. 6

Dessutom kan eleven utifrån egna erfarenheter och referensramar föra enkla och till viss del underbyggda resonemang om texternas tydligt framträdande budskap. Eleven kan, utifrån sitt modersmåls särdrag, uttrycka sig enkelt i skrift med viss språklig variation och inslag av ämnesrelaterade ord och begrepp. Eleven använder då med viss säkerhet grundläggande regler för språkriktighet och kan stava ord som eleven själv ofta använder och som är vanligt förekommande i elevnära texter. Genom att jämföra modersmålets skriftspråk med svenskt skriftspråk kan eleven föra enklaresonemang om likheter och skillnader mellan modersmålet och svenska. Eleven kan med ett i huvudsak fungerande ord- och begreppsförråd samtala om bekanta ämnen på ett enkelt sätt. I samtalen kan eleven ställa frågor och framföra egna åsikter på ett sätt som till viss del upprätthåller samtalet. När eleven berättar om vardagliga händelser beskriver eleven dem så att det huvudsakliga innehållet framgår med viss tydlighet. Eleven kan utifrån egna referensramar och erfarenheter på ett enkelt sätt beskriva och resonera om för eleven viktiga kunskapsområden med anknytning till modersmålet och områden där modersmålet talas. Kunskapskrav för betyget D i slutet av årskurs 6 Betyget D innebär att kunskapskraven för betyget E och till övervägande del för C är uppfyllda. Kunskapskrav för betyget C i slutet av årskurs 6 Eleven kan läsa elevnära och åldersanpassade texter för barn och ungdomar medrelativt gott flyt genom att, på ett ändamålsenligt sätt, välja och använda lässtrategier. Genom att göra utvecklade sammanfattningar av olika texters innehåll och kommentera centrala delar med relativt god koppling till sammanhanget visar eleven god läsförståelse. Dessutom kan eleven utifrån egna erfarenheter och referensramar föra utvecklade och underbyggda resonemang om texternas tydligt framträdande budskap. 7

Eleven kan, utifrån sitt modersmåls särdrag, uttrycka sig utvecklat i skrift med relativt god språklig variation och inslag av ämnesrelaterade ord och begrepp. Eleven använder då med relativt god säkerhet grundläggande regler för språkriktighet och kan stava ord som eleven själv ofta använder och som är vanligt förekommande i elevnära texter. Genom att jämföra modersmålets skriftspråk med svenskt skriftspråk kan eleven föra utvecklade resonemang om likheter och skillnader mellan modersmålet och svenska. Eleven kan med ett ändamålsenligt ord- och begreppsförråd samtala om bekanta ämnen på ett utvecklat sätt. I samtalen kan eleven ställa frågor och framföra egna åsikter på ett sätt som upprätthåller samtalet relativt väl. När eleven berättar om vardagliga händelser beskriver eleven dem så att det huvudsakliga innehållet framgår med relativt god tydlighet. Eleven kan utifrån egna referensramar och erfarenheter på ett utvecklat sätt beskriva och resonera om för eleven viktiga kunskapsområden med anknytning till modersmålet och områden där modersmålet talas. Kunskapskrav för betyget B i slutet av årskurs 6 Betyget B innebär att kunskapskraven för betyget C och till övervägande del för A är uppfyllda. Kunskapskrav för betyget A i slutet av årskurs 6 Eleven kan läsa elevnära och åldersanpassade texter för barn och ungdomar med gott flyt genom att, på ett ändamålsenligt och effektivt sätt, använda lässtrategier. Genom att göra välutvecklade sammanfattningar av olika texters innehåll och kommentera centrala delar med god koppling till sammanhanget visar eleven mycket god läsförståelse. Dessutom kan eleven utifrån egna erfarenheter och referensramar föra välutvecklade och underbyggda resonemang om texternas tydligt framträdande budskap. Eleven kan, utifrån sitt modersmåls särdrag, uttrycka sig välutvecklat i skrift med god språklig variation och inslag av ämnesrelaterade ord och begrepp. 8

Eleven använder då med god säkerhet grundläggande regler för språkriktighet och kan stava ord som eleven själv ofta använder och som är vanligt förekommande i elevnära texter. Genom att jämföra modersmålets skriftspråk med svenskt skriftspråk kan eleven föra välutvecklade resonemang om likheter och skillnader mellan modersmålet och svenska. Eleven kan med ett ändamålsenligt och effektivt ord- och begreppsförråd samtala om bekanta ämnen på ett välutvecklat sätt. I samtalen kan eleven ställa frågor och framföra egna åsikter på ett sätt som upprätthåller samtalet väl. När eleven berättar om vardagliga händelser beskriver eleven dem så att det huvudsakliga innehållet framgår med god tydlighet. Eleven kan utifrån egna referensramar och erfarenheter på ett välutvecklat sätt beskriva och resonera om för eleven viktiga kunskapsområden med anknytning till modersmålet och områden där modersmålet talas. Kunskapskrav för betyget E i slutet av årskurs 9 Eleven kan läsa olika texter med flyt genom att, på ett i huvudsak fungerande sätt, välja och använda lässtrategier utifrån olika texters särdrag. Genom att göra enklasammanfattningar av olika texters innehåll och kommentera centrala delar med visskoppling till tidsaspekter och orsakssamband visar eleven grundläggandeläsförståelse. Dessutom kan eleven utifrån egna erfarenheter och referensramar tolka och föra enkla och till viss del underbyggda resonemang om tydligt framträdande budskap i olika verk. Eleven kan, utifrån sitt modersmåls särdrag, skriva olika texter med begripligt innehåll och viss språklig variation med en i huvudsak fungerande kombination av vardagsrelaterade och ämnesrelaterade ord och begrepp. Texterna kännetecknas av enkla beskrivningar och enkel berättarstruktur. Eleven anpassar på ett enkelt sätt sina texters innehåll och språk så att de i huvudsak fungerar i de situationer som skrivandet avser. Genom att på ett i huvudsak fungerande sätt jämföra och översätta ord, begrepp och fraser mellan modersmålet och svenska kan eleven föra enkla och till viss delunderbyggda resonemang om likheter och skillnader mellan modersmålet och svenska. 9

Eleven kan med en i huvudsak fungerande kombination av vardagsrelaterat och ämnesrelaterat språk samtala om och diskutera varierande ämnen på ett enkelt sätt. I sådana situationer kan eleven ställa frågor och framföra åsikter med enkla och till viss del underbyggda argument på ett sätt som till viss del för samtalen och diskussionerna framåt. Dessutom kan eleven förbereda och genomföra enklamuntliga redogörelser med i huvudsak fungerande inledning, innehåll och avslutning och viss anpassning till syfte, mottagare och sammanhang. Eleven kan föra enkla och till viss del underbyggda resonemang kring några kunskapsområden och samhällsfrågor med anknytning till modersmålet och områden där modersmålet talas. Eleven gör då enkla jämförelser med egna erfarenheter och förhållanden i Sverige och drar enkla och till viss del underbyggda slutsatser om vad dessa kan bero på och leda till. Kunskapskrav för betyget D i slutet av årskurs 9 Betyget D innebär att kunskapskraven för betyget E och till övervägande del för C är uppfyllda. Kunskapskrav för betyget C i slutet av årskurs 9 Eleven kan läsa olika texter med gott flyt genom att, på ett ändamålsenligt sätt, använda lässtrategier utifrån olika texters särdrag. Genom att göra utveckladesammanfattningar av olika texters innehåll och kommentera centrala delar med relativt god koppling till tidsaspekter och orsakssamband visar eleven god läsförståelse. Dessutom kan eleven utifrån egna erfarenheter och referensramar tolka och föra utvecklade och relativt väl underbyggda resonemang om budskap som är tydligt framträdande och budskap som kan läsas mellan raderna i olika verk. Eleven kan, utifrån sitt modersmåls särdrag, skriva olika texter med relativt tydligtinnehåll och relativt god språklig variation med en i huvudsak fungerande kombination av vardagsrelaterade och ämnesrelaterade ord och begrepp. Texterna kännetecknas avutvecklade beskrivningar och utvecklad berättarstruktur. Eleven anpassar på ettutvecklat sätt sina texters innehåll och språk så att de fungerar relativt väl i de situationer som skrivandet avser. 10

Genom att på ett relativt väl fungerande sätt jämföra och översätta ord, begrepp och fraser mellan modersmålet och svenska kan eleven föra utvecklade och relativt väl underbyggda resonemang om likheter och skillnader mellan modersmålet och svenska. Eleven kan med en ändamålsenlig kombination av vardagsrelaterat och ämnesrelaterat språk samtala om och diskutera varierande ämnen på ett utvecklat sätt. I sådana situationer kan eleven ställa frågor och framföra åsikter med utvecklade och relativt väl underbyggda argument på ett sätt som för samtalen och diskussionerna framåt. Dessutom kan eleven förbereda och genomföra utvecklade muntliga redogörelser med relativt väl fungerande inledning, innehåll och avslutning och relativt god anpassning till syfte, mottagare och sammanhang. Eleven kan föra utvecklade och relativt väl underbyggda resonemang kring några kunskapsområden och samhällsfrågor med anknytning till modersmålet och områden där modersmålet talas. Eleven gör då utvecklade jämförelser med egna erfarenheter och förhållanden i Sverige och drar utvecklade och relativt väl underbyggda slutsatser om vad dessa kan bero på och leda till. Kunskapskrav för betyget B i slutet av årskurs 9 Betyget B innebär att kunskapskraven för betyget C och till övervägande del för A är uppfyllda. Kunskapskrav för betyget A i slutet av årskurs 9 Eleven kan läsa olika texter med mycket gott flyt genom att, på ett ändamålsenligt och effektivt sätt, använda lässtrategier utifrån olika texters särdrag. Genom att göravälutvecklade sammanfattningar av olika texters innehåll och kommentera centrala delar med god koppling till tidsaspekter och orsakssamband visar eleven mycket god läsförståelse. Dessutom kan eleven utifrån egna erfarenheter och referensramar tolka och föra utvecklade och relativt väl underbyggda resonemang om budskap som är 11

tydligt framträdande och budskap som kan läsas mellan raderna eller är dolda i olika verk. Eleven kan, utifrån sitt modersmåls särdrag, skriva olika texter med tydligt innehåll och god språklig variation med en i huvudsak fungerande kombination av vardagsrelaterade och ämnesrelaterade ord och begrepp. Texterna kännetecknas av välutvecklade beskrivningar och välutvecklad berättarstruktur. Eleven anpassar på ett välutvecklat sätt sina texters innehåll och språk så att de fungerar väl i de situationer som skrivandet avser. Genom att på ett väl fungerande sätt jämföra och översätta ord, begrepp och fraser mellan modersmålet och svenska kan eleven föra välutvecklade och välunderbyggda resonemang om likheter och skillnader mellan modersmålet och svenska. Eleven kan med en ändamålsenlig och effektiv kombination av vardagsrelaterat och ämnesrelaterat språk samtala om och diskutera varierande ämnen på ett välutvecklat sätt. I sådana situationer kan eleven ställa frågor och framföra åsikter medvälutvecklade och väl underbyggda argument på ett sätt som för samtalen och diskussionerna framåt och fördjupar eller breddar dem. Dessutom kan eleven förbereda och genomföra välutvecklade muntliga redogörelser med väl fungerande inledning, innehåll och avslutning och god anpassning till syfte, mottagare och sammanhang. Eleven kan föra välutvecklade och väl underbyggda resonemang kring några kunskapsområden och samhällsfrågor med anknytning till modersmålet och områden där modersmålet talas. Eleven gör då välutvecklade jämförelser med egna erfarenheter och förhållanden i Sverige och drar välutvecklade och väl underbyggda slutsatser om vad dessa kan bero på och leda till. Översätt av: Rashid Musse Modersmålslärare på Språkskolan, Uppsala kommun Maj 2015 12