LIFFAQA 2 Taariikhda 2015-08-11. Somaliska

Relevanta dokument
Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Dulqaaxumo Intolerans

Transportyrken på sju språk

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Ku soo dhawaadda shaqada

Sida loo dhiso jaaliyad

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Wakiilka takooridda DO

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Somaliska. Barn älskar böcker

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

VÄL Vänersborgs kommuns lärplattform

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Madax xanuunka (huvudvärk).

Senast uppdaterad Svenska-engelska-somaliska arbetsmarknadsordlista

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Ka kaluumeysiga. Iswiidhan. Waxaa maalgeliyay Hay'ada Illaalada Deegaanka Iswiidhan (Naturvårdsverket)

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Översatt av Sahro Aden Dulle

Instuderingsfrågor till Tema demokrati

Delaktighet. för integration. att stimulera integrationsprocessen för somalisktalande i Sverige 1999:4

Talo iyo warbixinta sameynta qalabka ilkaha la geliyo

Bra mat för barn mellan ett och två år. u dhaxeeyo hal sano iyo labo sano

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa.

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Caafimaad dareen Ramadaan dhexdeeda. -Xaqiiqooyin iyo talooyin wanaagsan

Hagidda kala soocidda

Macluumaad ku socda qoyska cusub

Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary (oo marka magaciisa la soo gaabsho afka qalaad loogu yeero COPD)

Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

Somaliska. Goorma samaynayaa mammogramka. RG_Mammografi_A5_SV_somal.indd :17:38

Hage-haaga bangiga internetka. Ku soo dhawoow. Halkani way furantahay mar kasta.

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet

Ku soo dhowow Laholm

JURIDIK FÖR TOLKAR (upplaga 4:1) ORDLISTA

Buugeyga caafimaadka ee gaarka

Sidaan ayee uu ushaqeeyaa dalabka magangalyada

Transkript:

LIFFAQA 2 Taariikhda 1 (5) Somaliska Heshiiska iyo shuruudda amaahashada kombiyuutarada ardayda ee 2015 Ururka dugsiga sare ee Kalmarsund wuxuu ku soo dhaweynayaa ardayda iney amaahdaan kombiyuutarada inta lagu jiro xilliga waxbarashada. Danaha amaahinta kombiyuutarada waa in ardayda la siiyo fursad helitaan qalab casri ee u sahlaya waxbarashadooda. Mas uuliyadda ardayga iyo waalidka Si ardaygu u helo kombiyuutarka waxay u baahan tahay in ardayga iyo mas uulkiisa ay wada aqbalaan shuruudaha ayagoo saxiixaya foomka heshiiska (lifaaqa 1). Heshiiska waxaa wadajir u aqbalaaya ardayga iyo waalidka ama qofka mas uulka ka ah. Marka mas uulka ardayga uu qalinka saxiixa ku duugo heshiiska wuxuu aqbalayaa in waajibaadka heshiiska ku qorani ay ardayga dusha ka fuushay. Intaas waxaa dheer in waalidka isagoo ardayga garabsiinaya uu mas uuliyad ka qaado dhammaan waajibaadka ardayga ka saaran ururka dugsiga sare ee Kalmarsund sida heshiiska ku cad. Waalidka ama qofka mas uulka ahi wuxuu dusha u tuuranayaa mas uuliyadda ardayga xataa uu ardaygu gaaro da da qaangaarnimada. Haddii uu ardaygu doorto inuu ka fogaado soo dhaweynta la siinayo fursadda amaahashada kombiyuutarka shakhsiga markaa dugsiga ayaa wuxuu siinayaa inta lagu jiro xisada waxbarashada kombiyuutar uu isticmaali karo magaciisa lagu qorayo uuna soo celinayo maalin walba. Kombiyuutarkaa markaa ma ahan mid isaga u gaar ah loomana qaadan karo guriga ama meel kale. Qeexidda Amaah-bixiyaha iyo amaahqaataha Amaahbixiye: Kalmarsunds gymnasieförbund Amaahqaate: Arday ku qoran dugsiga Kalmarsunds gymnasieförbund, oo hoos loogu yeeri doono Arday. Ka mid ah ardayda dhigata dugsiga sare ee Kalmarsund. Qalabka Heshiiskani wuxuu khuseeyaa qalabyadan: kombiyuutarka iyo kartoonkii lagu soo iibiyey ku jira iyo xarigga korontada iyo galka la socda (qalabka hoos ayaa lagu xusay). Haddii uu ardayga kombiyuutarka ku qaato kartoonkiisa asalka ah, markaa waa in uu kartoonkaas xafidaa oo soo celiyaa marka uu kombiyuutarka soo celinayo. Marka la soo celinayo kombiyuutarka waxaa lagu soo celinayaa isla kartoonkii lagu bixiyey oo uu la socdo kaabilada iyo adhabtarada la socday markii la bixinayey. Waqtiga amaahda Amaahdu waxay shaqeyneysaa waqtiga uu ardaygu ku qoran yahay Ururka Dugsiga sare ee Kalmarsund. Ardaygu waa inuu soo celiyaa qalabka waqti fiican inta aan la gaarin xiritaanka dugsiga. Haddii aan kombiyuutarkaas lagu soo celin waqtigii loo qabtay, waxaa ardayga lagu soo dalacayaa sicirka waqtiga kombiyuutarka ay ahayd in lagu soo celiyo. Marka uu xilliga amaahada dhammaado ama ardaygu uu iska joojiyo ama ka tago waxbarashada ka hore waqtiga la qorsheeyey waa inuu ardaygu si dhaqso leh ku soo celiyaa qalabka. Taana waa inuu ardaygu iskii u soo celiyaa ayadoon la ogeysiin. FÖRBUNDSKONTORET Besöksadress Stagneliusgatan 33 Postadress Box 865, 391 28 Kalmar Tel 0480-45 15 00 E-post gymnasieforbundet@gyf.se Hemsida www.gyf.se Org nr 832401-6453

2 (5) Haddii aysan sidaas dhicin wuxuu dugsiga sare ee Kalmarsunds ku soo dalacayaa ardayga qiimaha qalabka. Ururka dugsiga sare wuxuu xaq u leeyahay inuu waqtigey noqotaba joojiyo heshiiska ayna dhaqso u hirgesho joojinta. Shuruudaha in qofku uu ka taxadaro qalabka Marka ardaygu guddoomo qalabka wuxuu qaaday mas uuliyadda in aan qalabkaasu soo gaarin dhaawac, waxyeelo, uusan lumin ama uusan baabi in. Ardaygu wuxuu kaloo mas uul ka yahay in uu qalabkaas xafido inta uu amaahda ku haysto oo uusan u isticmaalin waxaan ka ahayn waxa heshiiska ku qoran oo ay ka mid yihiin qodobada xagga hoose. Qalabka waxaa loo isticmaalayaa si taxadar leh oo mecnaheedu ka mid yahay. Saddexda V ee muhiimka ah 3 Shandada Qoyaanka Taxadarka o Shandada (Vätska); Kombiyuutarka waa in lagu xafido galka ama boorsada markasta oo meel loo qaadayo ama lala safrayo. Waa inaan marnaba lagu dhex wareegin marinada dugsiga ayadoo aan kombiyuutarku ku dhex jirin galka. o Wax qoyaan ama dareere ah waa inaan la ag geyn ama aan wax lagu cunin agagaarka kombiyuutarada si looga fogaado dhaawaca ka yimaada qoyaanka. o Taxadar - qalabka waxaa loola dhaqmayaa si ah xatooyo u nugul.. Waa in aan marbana looga tegin armaajada ardayda habeenkii. Qalabka lagama tegi karo ayadoon cidna ilaalineyn, ha noqoto fasalka gudihii ama qolal kale ama dibedda iskuulka; markaa caymisku ma dabboolayo khasaaraha ka yimaada marka qalabka laga tago ayadoon la ilaalineyn, looga tago qolalka ama goobaha dadweynaha. Caymiska wuxuu dabboolayaa keliya khasaaraha/xatooyada qalabka haddii ay dhacdo in qalabka uu lumo ama la xado oo ay muuqato in muraayadda dariishadda ama qufulka la jebiyey. Shirkadda caymiska waxay bixineysa kharashka haddii kombiyuutarku uu lumo ama la xado iyadoo meeshii uu yaaley la soo jebsaday oo ay si u muuqato in muraayadda dariishadda ama qufulka albaabka la jebiyey. Ardaygu asaga ayaa mas uul ka ah inuu sameeyo koobiyada loo baahan yahay. Ururka dugsiyada sare ee Kalmarsunds fursad uma haysto inuu mas uul ka noqdo waxyaabaha luma marka la sameynayo dayactirka, damaanada adeegga ama sababo kale. Waa mas uuliyadda ardayga inuu si nadaamsan uu koobi la hubo ugu sameeyo waxyaabaha ku xafidsan kombiyuutarka oo dib loo soo saari karo marka uu dhib dhaco.

3 (5) Marka qalabka la soo celinayo ayaa mas uuliyaddu waxay saaran tahay ardayga inuu qalabku ku suggan yahay xaalad wanaagsan oo aan lahayn wax cillad ah. Waxay kaloo ardayga mas uul kaga saaran yahay dugsiga Kalmarsunds in marka uu kombiyuutarka dugsiga ku soo celinayo aysan ku dhegsaneyn wax calaamado ah oo aanay lahayn markii hore ee la bixinaayey. Waana inaan waxna lagu dul qorin ama lagu dhejin wax midabyo leh. Dhaawacyada ka yimaada taxadar la aan/kutalogal Dhaawacyada ku yimaada qalabka ee ka timaada taxadar la aanta ardayga markaa waxaa ardayga saaran inuu bixiyo magdhaw. Xaaladahaana caymiska guud ee dugsiga Kalmarsund ma dabboolayo kharajka, ardayga ayaa laga rabaa inuu magdhawga kharajka siiyo dugsiga Kalmarsund. Ardayga waxaa lagula talinayaa inuu fiiriyo hadday macquul tahay inuu shirkadda caymiska gaarka u ah inuu kala saxiixdo caymis dabboolaya kharajka dhaawacyada qalabka ee ku yimaada taxadar la aanta ardayga. Taxadar la aanta isticmaalka qoyaan, marka kombiyuutarka looga tago ilaalin la aan ama la dhigay dabbool la aan waxay keeni kartaa dhaawayo kaasoo u dhigma kharajka soo ibinta kombiyuutar cusub. Dhalabka kale ee taxadar la aanta waxay ku jirtaa lifaaqa shuruudaha caymiska, ee xitaa laga heli karo bogga internetka www.gyf.se/gyfelevdator. Waxyeelo ulakac ah ee uu ardaygu u geysto qalabka marnaba ma mudna magdhow. Caymiska- iyo damaanadqaadidda haddii uu dhaco shil, xatooyo ama dhac Haddii qalabka inta uu qofku ku haysto amaah ahaan la dhawaaco ama uu ku yimaado dhaawac waa inuu ardaygu islamarkiiba uu soo wargeliyaa dugsiga sare ee uu ardaygu dhigto. Qalabku wuxuu ku jiraa damaanad iyo caymiska guud ee kombiyuutarada ardayda ee yaala ururka dugsiyada sare. Caymisku wuxuu dabboolayaa dhaawacyo qaar ee ka yimaada shil, xatooyo iyo dhac. Haddii khasaare uu soo gaaro qalabka waa inuu ardaygu isla mar ahaantiiba wargeliyaa booliiska kadibna uu koobiga ashtakada wargelinta usoo gudbiyaa ururka dugsiyada sare ee kalmarsund. Sida ku cad heshiiska caymiska kor ku xusan ayaa lacagta jaritaanka (självrisk) waxay gaareysaa 1000 kr. Marka caymis uu dhacayo ayaa waxaa ardayga laga rabaa inuu lacagtaa ka jaritaanka shakhsiga usoo gudbiyo ururka dusgsiyada sare ee Kalmarsund Xaqa lahaanshaha (Äganderätt) Ururka Dugsiyada sare ee Kalmarsunds gymnasieförbund ayaa waxay doorkeedana keentay qalabka ayadoo ku bixineysa ijaar ama iibsasho. Ardaygu xaq uma lahan inuu qof saddexaad ka sii gado, rahan ahaan u dhigo ama uu amaahiyo. Haddii aan heshiiska lagu dhaqmin Ardayda waxay aqbalayaan ayna fulinayaan heshiiskan oo ah in la raaco oo lagu dhaqmo qawaaniinta iyo sharciyada u dhigan qalabka. Haddii shuruudahani aan la raacin, Ururka Dugsiyada sare ee Kalmarsundwuxuu xaq u yeelanayaa in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku joojiyo heshiiska amaahda halkaasoo ardaygu uu ku waayayo xaqiisa inuu sheegto kombiyuutarka ardayda. Marka heshiisku dhammaado Heshiisku wuu dhammaanayaa maalinta lasoo celiyo qalabka. Ururka Dugsiyada sare ee Kalmarsund wuxuu markaa 3 bilood kadib waqtigaa ka dalban karaa ardayga kajirtaanka kharajka caymiska (självrisk), wuxuu codsan karaa magdhawga lacagta ka jaritaanka caymiska ama/iyo dhaawac sida ku cad kor.

4 (5) Helitaanka kombiyuutarada, shabakadaha khadka wifi iyo adeegyada internetka Internetka ayaa wuxuu suuragelinayaa isgaarsiinta iyo isdhaafsiga warbixinada ay is dhaafsadaan dadyow iyo machado kala duwan ee dunida. Xiriiryadaa ayaa ah in ardaygu u dhaqmo si xurmad badan. Taana waxaa mecnaheedu yahay in ardaygu Uu isticmaalayo luqad la sifeeyey (dhowris badan) Uu u muujinayo ixtiraam dadka kale Ku dhaqmayo qawaaniinta iyo tilmaamaha loo dejiyey kombiyuutarada ururka dusiyada sare ee kalmarsund iyo sharciga iswiidhishka.gaar ahaan lagu xusay sharciyada xeerka nuqulka iyo xeerka ciqaabta. Taasi waxay mecnaheedu tahay in ardaygu aanu yeeli Karin inuu Isku dayo inuu helo ilaha shabakado internet ee aanu xaq u lahayn. Inuu qariyo aqoonsiga shakhsiyaddiisa isticmaalka. Inuu dhibo ama kala gooyo isticmaalka shabakadaha Inuu khasaariyo ilaha khayraad (shaqaalaha, qalabka iyo barnaamijyada kombiyuutarka). Inuu kala dhex galo nolosha gaarka ah ee shakhsi kale. Inuu dad kale caayo ama uu ceebeeyo. Sharciga iswiidhan wuxuu shaqeynayaa xaaladahoo dhan. Hawlo dembi ah waxay noqon kartaa dacwad booliis. Gelitaanka kombiyuutarada ama shabakadaha internetka marka uu dembi jiro waa la diidi karaa. Helitaanka xiaabta boostada elektarooniga iyo waraaqaha xafidsan qalabka Google ee waxbarashada. Ururka Dugsiyada sare ee Kalmarsund wuxuu bixinayaa boostada elektarooniga iyo adeegyada kaleendarka ee adeegyada internetka ee loo yaqaan Google Apps for education (ksgyf-konto) Ardaygu wuxuu balanqaadayaa markuu magaciisa ku saxiixo inaan lagu xafidi karin qalabka google (google apps) warbixino xasaasi ah. Sida ku cad sharciga warbixinta shakhsiga ayaa warbixinada shakhsiga ee xasaasiga ah waxay yihiin kuwa kashafaya asalka iyo jinsiyadda, fikradaha siyaasadeed, iyo aaminaadda diimeed iyo falsafadeed, xubinnimada ururada shaqaalaha iyo warbixino shakhsi ee ku saabsan caafimaadka iyo nolosha jinsiga shakhsi. Warbixinada caafimaadka waxay noqon kartaa tusaale ahaan fasaxyada cusbitaalka, xilliga uurqaadista iyo booqashada dhakhtarka. Ardaygu waxaa lagula talinayaa inuu tirtiro dhammaan waraaqaha iyo dokumentiyada inta aanu dhammaan xilliga sanad dugsiyeedka. Xaqa uu shakhsigu u leeyahay xisaabta -ksgyf waxay dhammaaneysaa maalinta uu dugsigu xirmo. Xisaabta lambarka isticmaalka kombiyuutarka waa la xirayaa, qalabyadana waa lakala soocayaa sida ugu dhakhsiyaha badan marka sanad dugsiyeedku dhammaado. Guddiga maamulka ururka dugsiyada sare ee Kalmarsund ayaa ka mas uul ah warbixinada shakhsiga iyo la dhaqanka warbixinada shakhsiga inuu u dhaco sida

5 (5) waafaqsan sharciga warbixinta shakhsiga. Wixii warbixin dheeraad ah ka akhriso bogga internetka ee www.gyf.se/gyfelevdator.