Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Relevanta dokument
Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Ku soo dhawaadda shaqada

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Inledning. Hordhac. svenska. somali

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Dulqaaxumo Intolerans

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Sida loo dhiso jaaliyad

Somaliska. Barn älskar böcker

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Transportyrken på sju språk

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Ku soo dhowow Laholm

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Wakiilka takooridda DO

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Warbixinta ka qaybqaatayaasha

Somaliska. Goorma samaynayaa mammogramka. RG_Mammografi_A5_SV_somal.indd :17:38

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

QAWAANIINTA. dugsiga xanaanada, xilli firaaqaha iyo hawlaha wax-barida ee degmada Alingsås

Goorma samaynayaa mammogramka

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Hage-haaga bangiga internetka. Ku soo dhawoow. Halkani way furantahay mar kasta.

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Översatt av Sahro Aden Dulle

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah

Senast uppdaterad Svenska-engelska-somaliska arbetsmarknadsordlista

VÄL Vänersborgs kommuns lärplattform

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Madax xanuunka (huvudvärk).

Habkaan ayaa uu buuxinee foomka Soo bandhigida bisha oo loogu tala galay lacagta daganaanshada Shaqo goobe

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

Su aalo iyo jawaab ku saabsan sariir ku kaadinta Soomaali somaliska Buugan yar waxa soo saaray Maxadka Iswiidhishka ee isku kaadinta habeenkii

-Haddii aad qabto su aalo kale oo dheeraad ah, waydii dhakhtarkaaga ama shaqaalaha farmasiiga

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Transkript:

Sida: 1 av 12 Somaliska Informationsblad för arbetssökande Ersättning vid program och resor 2018-01 Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada Marka aad ka qaybqaadaneyso barnaamijyada mid ka mid ah waxaa lagu siinayaa lacagta kaalmada dhaqdhaqaaqyada, lacagta horumarinta iyo lacagta meeleynta. Waxaa kaloo lacag gunno ah lagugu siinayaa safarada barnaamijka la xiriira ama haddii aad degmo kale ugu safreyso waraysi shaqaaleyn. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij Haddii aad ka qaybqaadaneyso mid ka mid ah barnaamijyada aan qabanqaabinno, waxaad inta aad ka qaybqaadaneyso heleysaa lacag gunno. Haddii aad dhowaan dalka timid oo aad ka qaybqaadato barnaamijka meeleynta waxaa lacagtaas lagu magacaabaa lacagta meeleynta. Haddii aad ka qaybqaadato barnaamij kale waxaa lagu siinaya lacagta kaalmada dhaqdhaqaaqyada ama lacagta horumarinta. Lacagta kaalmada dhaqdhaqaaqyada ayaad qaadaneysaa haddii aad ka weyn tahay 25 sano. Lacagta horumarinta ayaad qaadaneysaa haddii aad ka yar tahay 25 sano. Waxaase jira dad ka yar 25 sano oo beddelka lacagta horumarinta qaata lacagta kaalmada dhaqdhaqaaqyada. dhallinyarada buuxiya shuruudda lacagta khasnadda shaqala aanta ama dhallinta qaba naafo hoos u dhigeysa awooddooda shaqo oo ka barnaamijka ka qaybqaata ugu yaraan hal sano.

Sida: 2 av 12 Waa kuwee barnaamijyada aan ku qaadan karo lacagta dhaqdhaqaaqyada, lacagta horumarinta ama lacagta meeleynta? Waxaad lacagta dhaqdhaqaaqyada, lacagta horumarinta ama lacagta meeleynta qaadan kartaa haddii aad ka qaybqaadato: barnaamijka damaanadqaadka shaqada- iyo horuumarka barnaamijka meeleynta waxbarashada xirfadaha shaqada tababar shaqo (oo lagu tijaabinayo goob shaqo si loo qiimeeyo aqoonta xirfadeed ama aqoonkororsiga gacanta) kaalmo ganacsi-bilow ballanqaadka shaqo ee dhallinyarada hawlo shaqo-u-diyaarin ah mashruuc la xiriira siyaasadda suuqa shaqada Sidee sameeyaa si aan lacagtaas u helo? Försäkringskassan ayaa xisaabisa oo bixisa lacagta dhaqdhaqaaqyada, lacagta horumarinta iyo lacagta meeleynta. Xafiiska shaqada ayaa marka uu go aamiyo barnaamijka aad ka qaybqaadaneyso warbixin u gudbiya Försäkringskassan. Waxaad bil walba lacagtaas ka codsaneysaa Försäkringskassan. Ka sii akhriso barta forsakringskassan.se. Wixii su aalo ah oo ku saabsan lacagta dhaqdhaqaaqyada, lacagta horumarinta ama lacagta meeleynta, waxaad telefoonka xafiiska dadweynaha ee Försäkringskassan oo ah 0771-524 524.

Sida: 3 av 12 Goorma ayaan lacagta helayaa? Lacagta dhaqdhaqaaqyada, lacagta horumarinta iyo lacagta meeleynta.waxaa bil walba la bixiyaa dhammaadka bisha. Waa inaad lacagtaas ka dalbataa Försäkringskassan ugu dambayn toddobada bisha si laguugu soo diro 26ka isla bishaas. Haddii 26ka bishu noqoto maalin sabti, axad ama fasax ah waxaad barta forsakringskassan.se ka eegeysaa warbixin dheeraad ah. Waayadii hore waxaad codsan kartay lacagta bilo badan oo la soo dhaafay. Laakiin hadda waxaad heli kartaa ugu badnaan lacagta bisha ka horreysa bisha aad codsiga soo gudbisey. Taasi waxay la micne tahay inaad codsiga soo gudbiso ugu dambayn maarso si aad u hesho lacagta febraayo. Ka sii akhriso barta Försäkringskassan haddii aad qabto su aalo ah oo ku saabsan lacagta dhaqdhaqaaqyada, lacagta horumarinta ama lacagta meeleynta, ama wac telefoonka xafiiska dadweynaha ee Försäkringskassan oo ah 0771-524 524. Ma shaqayn karaa marka aan qaadanayo lacagta dhaqdhaqaaqyada, lacagta horumarinta ama lacagta meeleynta? Haa, laakiin haddii aad mushahar hesho maalmaha aad qaadato lacagta dhaqdhaqaaqyada, lacagta horumarinta ama lacagta meeleynta, waxaa laga jarayaa qiyaasta mushaharka aad maalintaas heshay. Waana sidaas iyadoo aan loo eegeyn goorta aad habeenka iyo maalinta ka shaqaysey. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan sida lacagtaas loo xisaabinayo iyo gunnooyinka kale oo saamayn kara lacagtaas waxaad ka heleysaa barta forsakringskassan.se ama adigoo wacda telefoonka xafiiska dadweynaha ee Försäkringskassan oo ah 0771-524 524. Maxaa dhacaya haddii aan xanuunsado? Haddii aad xanuunsato waa inaad

Sida: 4 av 12 1. waa inaad xanuunkaas ku wargelisaa xafiiska shaqada isla maalinta koowaad ee xanuunka oo aadan ka qaybgelin barnaamijka, haddii kale lacag ma heleyso maalmaha aad xanuunka ku maqan tahay, 2. waxaad kaloo xanuunkaas ku wargelineysaa goobta barnaamijka, sida cidda tababarka shaqo kuu dirtay, goobta waxbarashadu ka socoto iyo meelaha kale. 3. Haddii aad xanuun ku maqan tahay muddo ka badan 7 maalmood waxay Försäkringskassan kaaga baahan tahay warqad dhakhtar si aad lacagtaas u qaadato. Haddii aad xanuun ku jirto muddo dheer, waxaan ku dadaaleynnaa inaan qaybaha barnaamijkaas u habeynno hab aad uga qaybqaadan karto. Waxaad ugu badnaan xanuun uga maqnaan kartaa barnaamijkaas 30 maalmood, intaas kaddibna waxaa lagaa reebayaa barnaamijka. Sidee ugu wargeliyaa xafiiska shaqada marka aan xanuunsado? Waxaan kugu la talineynnaa inaad gasho barta arbetsformedlingen.se si aad u soo gudbiso wargelinta xanuunka. Haddii ay sabab kasta ha ahaatee kuu suurtageli weydo inaad wargelintaas ka soo gudbiso internet, waxaad waci kartaa telefoonka xafiiska shaqada oo ah 0771-416 416. Sidee sameeyaa haddii aan fasax u baahanahay? Caadi ahaan fasax ma qaadan karto marka aad barnaamij ka qaybqaadaneyso. Laakiin waxaa jira dhawr sababood oo farax ku heli karto. Waa in goor hore xafiiska shaqadu oggolaadaa wixii fasax ama nasasho ah. Wixii codsi fasax ah waxaad kala xiriireysaa qaabbilaadda dadweynaha ee xafiiska shaqada oo telefoonku yahay 0771-416 416. Waxaad keli ah oo aad xafiiska shaqada la soo xiriiri kartaa marka aad ka qaybqaadato barnaamijka ballanqaadka shaqo iyo horumarinta si laguugu oggolaado fasax aad ka qaadato barnaamijka. Maxaa dhacaya haddii aanan ka qaybqaadan hawlaha barnaamijka? Haddii aadan ka qaybqaadan hawlaha barnaamijka sida waxbarasho ama tababar shaqo, waxay saamayn ku yeelaneysaa lacagta aad qaadato. Taasi ma dhacayso haddii xafiiska shaqadu goor hore kuu oggolaaday fasaxaas ama aad keento maqnaansho la aqbali karo.

Sida: 5 av 12 Ka maqnaanshaha ballan la qabtay ama hawlaha barnaamijka Xanuun - waxaad xafiiska shaqada ku wargelineysaa maalinta ugu horreysa oo aad xanuunsato ama aad ka maqnaato hawlaha barnaamijka. Carruur-xannaanayn waqti gaaban - waa inaad maalinta ugu horreysa oo aad ka maqnaaneyso hawlaha barnaamijka ku wargelisaa xafiiska shaqada inaad ilmo xannaaneyneyso. Haddii kale waxaa dhici karta in laguu digo ama lacagta laga jaro maalmaha aad maqan tahay. Waa inaad weliba codsiga lacagta oo aad u direyso Försäkringskassan ku qortaa inaad ku maqnayd xannaanayn carruur oo waqti gaaban ah. Marka aad waqti dhiman shaqeyso, waxaad akhrisaneysaa lacagta waalidka ee waqti gaaban oo laga helayo forsakringskassan.se. Fasax - fasax ma qaadan karto marka aad ka qaybqaadato barnaamij. Waxaa jira sababo kale oo uu xafiiska shaqadu goor hore ugu oggolaan karo. Maxaa dhacaya haddii aanan awoodin inaan bilaabo barnaamijka? Haddii aadan bilaabi karin barnaamijka waa inaad dhaqso ugu wargelisaa xafiiska shaqada si qorshe cusub laguugu dejiyo. Maxaa dhacaya haddii aanan codsan ama aan diido waxbarasho? Haddii xafiiska shaqadu u arko inaad u baahan waxbarasho si aad shaqo ugu hesho, waxaa lagugu la talin karaa inaad waxbarasho raadsato. Taasi waxay la micne tahay in laguu soo diro waxbarasho aad codsato. Haddii aadan codsan waxbarasho laguu soo diray ama aad diiddo inaad ka qaybqaadato waxbarasho aad codsatay oo aad bilowday, waxay taasi saamayn ku yeelan kartaa lacagta aad qaadato.

Sida: 6 av 12 Waxaa muhiim ah inaad ogaato mas uuliyadda ku saaran Marka aad qaadato lacagta dhaqdhaqaaqyada, lacagta horumarinta ama lacagta meeleynta, waxaa muhiim ah inaad: gacan ka geysato sidii aan qorshe kuugu dejin lahayn waqti ku soo gudbiso warbixinaha waxa aad samayso raacdo heshiisyada inaad timaaddo ama la soo xiriirto xafiiska shaqada ka qaybqaadato dhaqdhaqaaqyada hawlaha barnaamijka codsato shaqooyinka bannaan oo laguu soo diro codsato waxbarashada lagugu la taliyey si firfircoon shaqo u raadiso maalinta ugu horreysa oo xanuunka ku wargeliso xafiiska shaqada wixii fasax ah ka codsato xafiiska shaqada xafiiska shaqada ku wargeliso ka joogista waxbarashada soo gudbiso macluumaad sax ah oo dhammaystiran marka aad Försäkringskassan ka codsaneyso lacagta. Cidda qabanqaabisa barnaamijka aad ka qaybqaadato wuxuu xafiiska shaqadu ka codsan karaa inay u soo gudbiso maqnaanshahaaga iyo joogitaankaaga. Wixii su aalo ah oo la xiriira mas uuliyaddaada kala xiriir xafiiska shaqada. Digniin ama lacagta meeleynta oo wax laga dhimo Marka aad ka qaybqaadaneyso barnaamij waxaa muhiim ah inaad raacdo heshiiskii aad la gashay xafiiska shaqada si lacagta laguu siiyo. Haddii aadan si fiican uga qaybqaadan barnaamijka ama aad dheereysato waqtiga shaqala aanta ama aad sababto inaad shaqala aan noqoto, waxaa xafiiska shaqada khasab ku noqonaya in uu siiyo digniin rasmi ama lagaa joojiyo lacagta aad ka hesho Försäkringskassan maalin ama labo maalmood.

Sida: 7 av 12 Haddii aadan si fiican uga qaybqaadan barnaamijka In aadan si fiican uga qaybqaadan barnaamijka waxay la micne inaad sabab macquul ah la aanteed gacan ka geysan sidii laguugu dejin lahaa qorshe kuu gaar ah xafiiska shaqada ugu soo gudbin warbixinta wax aad qabato jebiso heshiisyada inaad timaaddo ama la soo xiriirto xafiiska shaqada ka qaybqaadan weydo dhaqdhaqaaqyada hawlaha barnaamijka codsan shaqooyinka kugu habboon oo xafiiska shaqadu ku soo diray codsan weydo waxbarashada lagugu la taliyey si firfircoon u raadsan weydo shaqooyinka kugu habboon Marka ugu horreysa waxaa lagu siinayaa digniin rasmi ah Marka labaad: 1 maalin lacag la aan ah. Marka saddexaad: 5 maalmood oo lacag la aan ah. Marka afraad: 10 maalmood oo lacag la aan ah. Marka shanaad iyo wixii ka dambeeya: 45 maalmood oo lacag la aan ah. Haddii lacagta aad qaadataa ay ku salaysan tahay lacagta shaqala aanta, waxaa 45 maalmood kaddib hoos loogu dhigayaa 223 kr maalintii. Haddii aad dheereysato waqtiga shaqala aanta Inaad dheereysato waqtiga shaqala aantu waxay la micne tahay adigoo diidey shaqo kugu habboon oo laguu soo bandhigay diidey waxbarasho lagugu la taliyey oo aad bilowday u dhaqmay hab cad oo keenaya in aadan shaqo helin diidey hawlo barnaamijka ka mid ah.

Sida: 8 av 12 Marka koowaad: 5 maalmood oo lacag la aan ah. Marka labaad: 10 maalmood oo lacag la aan ah. Marka saddexaad: 45 maalmood oo lacag la aan ah. Marka shanaad iyo wixii ka dambeeya: 45 maalmood oo lacag la aan ah. Haddii lacagta aad qaadataa ay ku salaysan tahay lacagta shaqala aanta, waxaa 45 maalmood kaddib hoos loogu dhigayaa 223 kr maalintii. Haddii aad sababto inaad shaqala aan noqoto Waxaad inaad shaqala aan noqoto sababeysaa haddii aad shaqada ka tagto adigoo aan haysan sabab macquul aad u dhaqanto hab shaqada lagaaga eryo Marka koowaad: 45 maalmood oo lacag la aan ah. Marka labaad: 45 maalmood oo lacag la aan ah. Marka shanaad iyo wixii ka dambeeya: 45 maalmood oo lacag la aan ah. Haddii lacagta aad qaadataa ay ku salaysan tahay lacagta shaqala aanta, waxaa 45 maalmood kaddib hoos loogu dhigayaa 223 kr maalintii. Maxaa dhacaya marka aan go aaminno digniin ama in lacagta wax laga dhimo? Waxaad marka hore naga heleysaa go aan hordhac ah. Go aanka hordhaca ah oo aan kuu soo dirto waxaa la socda foomka Jawaab ka bixin xiriir. Xiriirintu waxay fursad kuu siineysaa inaad arrintaada wax ka tiraahdo. Buuxi oo ku soo dir foomkaas adareeska ku qoran. Intaas kaddibna waxaan gaareynna go aan kama dambeys ah Foomka Jawaab ka bixinta xiriirka Haddii aadan ku qanacsanayn go aanka kama dambaysta ah waxaad codsan kartaa inaan dib uga fiirsanno. Markaas waxaad buuxineysaa foomka Codsi dib-uga-fiirsasho oo noo soo direysaa. Foomka Codsi dib-uga-fiirsasho

Sida: 9 av 12 Haddii aad su aalo ka qabto warqad aad ka heshay qaybta Qiyaasta lacagta waxaad e-meyl noogu soo direysaa: ersattningsprovning@arbetsformedlingen.se Haddii aad si u la kac ah u soo gudbiso warbixino qalad ah Försäkringskassan waxay go aan ku gaari kartaa inay lacagta kaa joojiso muddo dheer oo gaari ilaa 195 maalmood. Taasi waxay dhacaysaa haddii aad si u la kac ama taxadar la aan ah Försäkringskassan ugu soo gudbiso warbixino qaldan ama been ah si aad u hesho lacag aadan xaq u lahayn. Lacagta lagaaga soo celinayo kharashka safarada Ma ka qaybqaadataa barnaamij ama baaritaan xafiiska shaqadu go aamiyey? Ama ma ka weydey shaqo meesha aad deggan tahay oo waraysi shaqo ma lagaaga yeeray degmo kale? Markaas waxaa marar qaarkood laguu soo celin karaa kharashka safarada. Lacagta safarada marka aad ka qaybqaadaneyso barnaamij ama baaritaan Waxaa laguu soo celin karaa kharashka safarada, habeen-dhaxa, degganaanshaha laba meel, cid ku hagta iyo kharashyada kale marka aad ka qaybqaadaneyso barnaamij ama baaritaan aan go aaminnay. Haddaba si kharashkaas laguugu soo celiyo waa inay safaradaasi yihiin kuwo lagama maarmaan ah, oo keeni kara inaad ka qaybqaadato barnaamij ama baaritaan. Waxaa laguu soo celinayaa wixii kharash ah oo ka bata kharashka aad caadi ahaan ka bixiso safarada degmada aad deggan tahay. Marka la isu geeyo waa inay noqotaa ugu yaraan 600 oo karoon. Qoraalka kharashka safarada, habeen-dhaxa ama cid ku hagta

Sida: 10 av 12 Safarka waraysi shaqo Ma waraysi shaqaalayn ayaad ugu tegeysaa shaqabixiye ku sugan degmo kale oo Iswiidhen ku taal ama dal ka tirsan EU ama EES ama dalka Iswitserland? Markaas haddii aad buuxiso shuruudo qaarkood waxaa lagaa bixinayaa gebi ahaan ama qayb ahaan kharashka safarka iyo habeen-dhaxa. Shuruudaha kharashka safarada waraysiyada shaqo adiga 20 jirka ah oo shaqala aanta ah ama khatar ugu sugan adiga ka qoran Xafiiska Shaqada adiga ay ku adag tahay inaad shaqo ka hesho agagaarka meesha aad deggan tahay adiga haysta caddayn in shaqabixiye kuu yeeray Xafiiska shaqadu wuxuu qiimeyn ku sameynayaa in booqashadaasi muhiim u tahay in lagu shaqaaleeyo shaqadaasi waa in ku jirtaa diiwaanka Platsbanken ama ay u dhigantaa shaqada aad ka codsaneyso dal ka mid EU ama EES. Shaqadaasi waxay kaloo ku qornaan kartaa diiwaanka shaqada ee Eures. Sida aad u codsaneyso oo safarka u qabanqaabineyso Waxaa muhiim inaad kharashkaas codsato oo laguu oggolaado ka hor inta aadan safarka goosan. La xiriir xafiiska shaqada kuu dhow si lagaaga caawino codsigaas. Haddii codsigaas laguu oggolaado waxaan kaa caawini karnaa goyn tigidhka diyaaradaha taga EU ama EES iyo tareenada dalalka Waqooyiga Yurub. Tigidhada safarada kale adiga goosaneysa kaddib marka codsigaaga la oggolaado, lacagta dagaal ayaa lagaaga soo celin doonaa. Kharashka ugu badan oo aan ku siin karnaa waa 2 500 karoon.

Sida: 11 av 12 Yaa bixinaya kharashka safarka laguugu diro barnaamij meeleyn? Haddii aad tahay ajnebi dhowaan yimid oo aad buuxiso shuruudaha ka qaybgalka barnaamijka meeleynta, waxaa lagaa bixin karaa kharashka aad ku imaneyso ama uga noqoneyso xafiiska shaqada oo aad noogu timaaddo in laguu diro barnaamij meeleyn. Haddii aadan kharashkaas bixin karin, waxaan kaa caawineynna goynta tigidhka. Wixii caawimaad iyo warbixin dheeraad ha kala xiriir xafiiska shaqada, telefoonka 0771-60 00 00. Sidee lacagtu ii soo gaareysaa? Haddaba si aad u hesho kharash aad ugu safarto waraysi shaqo ama barnaamij waa inaad annaga naga heshay go aan. Haddaba si lacagtaas laguugu soo celiyo waxaad buuxineysaa foom lagu magacaabo warqadda dalabka oo aad u direyso qaybta miisaaniyadda xafiiska shaqada. Adareesku wuxuu qoran yahay foomka. Marka aad hesho go aan safar aad ku tagto waraysi shaqo ama baaritaan, waxaan guriga kuugu soo direynnaa foom safarka kaddib. Marka aad hesho go aan safar aad ku tagto barnaamij, waxaan bil walba dhammaadkeeda kuu soo direynnaa foom. Sidee ayaan foomka u buuxinayaa? Marka aad hesho go aanka kharashka safarka baabuurkaaga, waxaad buuxineysaa tirada maalmaha safarka aad samaysay xilliga warqadda dalabka ku qoran. Safar walba wuxuu ka kooban yahay mid meeshaas lagu tago iyo mid looga yimaado. U ma baahnid inaad soo dirto risiidyada kharashka bansiinka. Marka aad hesho go aan laguugu soo celinayo kharashkii aad ku raacday doon, bas ama tareen oo aad adigu bixisay, waxaad kharashka ku qoran risiidyada oo dhan ku buuxineysaa foomka. Soo raaci risiidyada muujinaya kharashyada aad bixisay. Haddiise ay khuseyso safaro aad maalin walba ku tagto meesha aad barnaamijka ka dhigayo, waxaad kolkaas soo qoreysaa xilliga ay risiidyadaasi khuseeyaan. Ku dadaal inaad u qorto hab muuqda oo la akhrin karo adigoo xasuusan inaad mar walba saxiixdo inta aadan noo soo gudbin.

Sida: 12 av 12 Swedbank ayaa lacagta lagu soo shubayaa Waxaad macluumaadka lacagbixinta u gudbineynnaa bangiga Swedbank oo isagu lacagtaas bixinteeda qaabbilsan. Haddii aad leedahay koonto ku xiran lambarkaaga aqoonsiga, halkaas ayaa lacagta lagu shubayaa iyadoo aan loo eegin bangiga aad ku leedahay. Haddiise aadan lahayn koonto ku xiran lambarkaaga aqoonsiga, waxaa guriga laguugu soo dirayaa warqad aad lacagtaas ku sarrifaneyso. Bangiga Swedbank wuxuu kuu soo dirayaa warqad uu kugu ogeysiinayo halka lacagtaasi ka timid iyo goorta la bixinayo. Taas oo la mid ah koontada lacagtaas lagu shubayo ama haddii aad dooneyso in jeek ahaan laguugu soo diro. Beddelidda habka lacag-bixinta Haddii jeek ahaan lacagtaas laguugu soo diray balse aad dooneyso in marka dambe koontada bangiga laguugu soo shubo, waa inaad kala xiriirtaa bangiga Swedbank. Waxaad koontadaada ka diiwaangelin kartaa barta internet ee bangiga Swedbank. Barta internet ee Swedbank Goorma ayaan lacagta helayaa? Haddaba si aan lacagtaas kuugu soo dirno, waa in foomka dalabku na soo gaaray. Waa in si sax ah loo buuxiyey. Wax ka qabadka foomamkaas waxay u dhacaan sida ay u kala horreeyaan oo caadi ahaan waxay nagu qaadataa laba toddobaad. Waxaan lacagta bixinnaa toddobaadkiiba saddex mar. Yaan wixii su aalo weyddiinayaa? Wixii su aalo ah oo ku saabsan codsigaas iyo go aanka kharashka safarada, kala xiriireysaa xafiiska shaqada ama wac telefoonka 0771-416 416. Su aal ma ka qabtaa goorta la bixinayo kharashka laguu oggolaaday? Wac 0771-60 00 02, oo furan isniin-jimce, saacadaha 9-15. Waxaad kaloo diri kartaa meyl: Lacagbixin