Macluumaad ku socda qoyska cusub

Relevanta dokument
Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Ku soo dhawaadda shaqada

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Dulqaaxumo Intolerans

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Sida loo dhiso jaaliyad

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Buugeyga caafimaadka ee gaarka

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Madax xanuunka (huvudvärk).

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Su aalo iyo jawaab ku saabsan sariir ku kaadinta Soomaali somaliska Buugan yar waxa soo saaray Maxadka Iswiidhishka ee isku kaadinta habeenkii

Somaliska. Barn älskar böcker

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Inledning. Hordhac. svenska. somali

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

Caafimaad dareen Ramadaan dhexdeeda. -Xaqiiqooyin iyo talooyin wanaagsan

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Talo iyo warbixinta sameynta qalabka ilkaha la geliyo

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary (oo marka magaciisa la soo gaabsho afka qalaad loogu yeero COPD)

Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

Transportyrken på sju språk

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Bra mat för barn mellan ett och två år. u dhaxeeyo hal sano iyo labo sano

-Haddii aad qabto su aalo kale oo dheeraad ah, waydii dhakhtarkaaga ama shaqaalaha farmasiiga

Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

Somaliska. Goorma samaynayaa mammogramka. RG_Mammografi_A5_SV_somal.indd :17:38

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Översatt av Sahro Aden Dulle

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

VÄL Vänersborgs kommuns lärplattform

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

DIVA Liquid Shanazi. Wixii macluumaad dheeraad ah la xidhiidh Victoria Almroth Emma Nilsson Hoshi Kafashi

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Goorma samaynayaa mammogramka

Hagidda kala soocidda

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Mjölkfritt för ammande mammor, SOMALISKA. Bilaa caano loogu talogalay hooyooyinka wax nuujinya

QAWAANIINTA. dugsiga xanaanada, xilli firaaqaha iyo hawlaha wax-barida ee degmada Alingsås

Ka kaluumeysiga. Iswiidhan. Waxaa maalgeliyay Hay'ada Illaalada Deegaanka Iswiidhan (Naturvårdsverket)

FARBARASHADA AF-SOOMAALIGA

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Wakiilka takooridda DO

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Warbixinta ka qaybqaatayaasha

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

Uppgifter B Textpaket Litteracitet

Transkript:

Macluumaad ku socda qoyska cusub Översatt till: somaliska

WAXAY KA KOOBAN TAHAY: Hambalyo, waxaad noqotey waalid!... 3 UMUSHA KA DIB Xanuunka ka danbeeya umusha...4 Ka soo daadanaaya...4 Dilaaca iyo go itaankash...4 Boogta nabarka ee ku soo jeexitaanka/camaliyada...5 Kaadi iyo mindhicirka...5 Babaasiirta...5 Jimicsiga sagxada miskaha...6 Galmada iyo isku tagga...6 In murugo la dareemo...6 Aabaha/lamaanaha...6 Talada guud ee ku socota waalidka ee dhakhtarka ka timid...7 ILMAHA Xidhiidhka maqaarka ee ilmaha...8 Qof baahiyo leh...8 Hurdada iyo soo jeeditaanka...9 Baruurta maqaarka...9 Heerkulka nuugo...9 Dhaqida...9 Xundhurta...10 Cidiyaha...10 Indhaha...10 Kaadi iyo saxarada...10 Dheecaanka...11 Daaco, hingo, hindhiso iyo matag...11 Finan...11 Ilmahu waxuu noqonayaa huruud...11

Barar qanjidhada naaska...11 Miisaanka...12 Qaylada...12 Baadhitaanada...12 Qofka cunto ilmahiisa siinaaya masaasada...13 NUUJINTA Xaalada naas nuujinta...14 Su'aalaha ku sabsan nuujinta... 17-20 In naasaha gacmaha la iskaga liso...19 Waxyaalaha la hubinaayo intaan guriga la tagin...21 Kadib markaad guriga tagto...22 Buugan waxa la soo saaray 2015 waxaana soo saaray koox shaqo. Masuuliyada: agaasimaha caafimaadka iyo dhakhtarka dhalmada.

Hambalyo, waxaad noqotey waalid! Buugan waxa loogu tallo galay in uu ku caawiyo iyo si uu kuugu taageero xiliga ugu horeeya. Halkan waxa ku yaala macluumaadka isdaryeelka: sidaad u daryeelayso naftaada iyo ilmaha umusha ka dib. Wakhtiga ugu horeeya ee aad ilmaha la joogto waa wakhtiga aad adiga iyo ilmahu is baraneysaan. Marka wax kasta cusub yihiin ayay dhib yartahey inaad ku wareerto. Waa inaad isku daydo si aad u barato inaad fahanto waxa uu ilmahu u jeedo. Marka aad kolba labadiinu isa sii barataan ayay ka sii dhib yaraaneysaa. Ilmahu waxa uu u baahan yahay adiga inuu kugu soo dhawaado oo uu diirimaadkaaga helo. La samee markaa xidhiidh maqaarka (eeg bogga 8 iyo 14) ilmaha sida ugu badan marka aad soo jeedo ee aad isha ku hayso ilmaha. Marka uu ilmahu maqaarkaaga ku dhow yahay ayuu ilmahu ka sii daganaanayaa. Wax ka yar qeylinayaa oo uu ka sii diirnaanayaa. Waaldi ahaan ayaad adna sidoo kale kaga sii deganaanaysaa xidhiidhka maqaarka iyadoo aad is baranaysaan oo aad fahmaso luqada nuugo ee ilmaha. Miyaad qabtaa su'aalo aanad buuga ka helin jawaabahooga? Ha ka warwarin in aad weydiiso Xarunta Daryeelka Hooyada (BB-ga) ama Xarunta xanaanada caruurta. Waxaanu kuu rajeynaynaa xili hore oo fiican! Kana fikir inaad kaydsato buugan si aad u eegto haddii aad u baahato! Waad mahadsan tahay Shaqaalaha Waxaanu adiga uga jeednaa marmarka qaarkood hooyada ama aabaha/lamaanaha/qaraabada/taas oo ku xidhan micnaha guud. 3

Umusha ka dib Xanuunka ka danbeeya Markaad umusho ka dib ayuu ilmo galeenku bilaabayaa inuu isku soo ururo. Waxa loo yaqaanaa xanuunka ka danbeeya. Xanuunka ka danbeeya ayaa ah xanuun badan keeni kara, khaasatan dumarka hore u dhalay. Waxa aad marmarka qaarkood u baahan kartaa daawada xanuunka jebisa. Waxa muhiim ah inaad sheegto haddii aad xanuun leedey. Ka soo daadanaaya (marka uu dhiig yahay waxa loo yaqaan) Marka uu ilma galeenku isku soo ururaayo ayay ka soo daataan waxa ku jira ee boogta halka ay madheertu kaga taalay. Marka hore ayaa waxa ka soo daadanayaa ay badan yihiin iyadoo dhowr maalmood ka dib ay yaraadaan. Markaa kadib ayuu waxa ka soo daadanayaa noqdaa bunni ka hor inta aanay ugu danbeyn ka sii cadaan/furfurnaan oo aanu joogsan. Dumarka qaarkood ayaa waxa ka soo daadanayaa socdaan dhowr todobaad halka ay qaar kale ka socdaan ilaa dhowr bilood. Waxaad adigu dhimi kartaa khatarta infegshanka adigoo qubeysanaaya malin walba oo kolba cudbiga badalaaya. Calaamadaha (calaamadaaha digniinta) waa inaad iska ilaaliso markaad guriga tagto ka dib oo aad toos daryeel ugu dalbato: Haddii waxa ka soo daadanayaa ay ur yeeshaan iyo haddii aad leedahay xu mad iyo xanuun ilmagaleenka ah. Haddii dhiigbaxu ka sii bato. Bogga 22 ayaad ka sii akhriyi kartaa waxa lagaa caawin karro. Dilaaca iyo go'itaanksa Awooda bogsashada ee hoosta dumarka ayaa aad u wanaagsan. In la soo jeedo oo la dhaqdhaqaaqo ayaa keenta in wareega dhiigu ka sii fiicnaado iyadoo bogsashadu sii dhib yaraato. Isticmaal kaliya biyo marka aad qubeysanayso, ka fikir in saabuuntu wax qalajiso. Boogta nabarka ee ku soo jeexitaanka/camaliyada Nabarku uma baahna wax daryeel gaar ah haddii uu nabarku si fiican u bogsanaayo. Waxaad adigu 4

u qubeysan kartaa si caadi ah. Umulisada ayaa kantaroolaysa nabarka ka hor inta aanad guriga tagin. Markaa ka dib adigu eeg nabarka hal mar maalintii dhowrka todobaad ee ugu horeeya. Haddii uu nabarku aad ka aragto inuu guduuto, kulelku sii bato ama dheecaan yeesho ayaanu kugula talineynaa inaad la soo xidhiidho rugtaada caafimaadka. Waxay noqon kartaa calaamad infegshan oo u baahan daaweyn. Isbadelka nuugo ee aad ka akhriyi karto buuga ayaa la mid ah ta qofka ilmaha lagu soo jeetay. Kaadi iyo mindhicirka Kaadida oo aad u badata ayaa caadi ah. Haddii ay ku xanuunto ayaa laga yaabaa in ay ku dilaacdey/ku go'dey agagaarka kaadi mareenka. Waxaad dareemi doontaa inay ka fiicantey haddii aad hoosta dhaqdo marka aad kaajeyso. Marmarka qaarkood ayay adagtey in kaadida la isku hayo, waxay noqonaysaa mid ka wanaagsan marka uu bararka umusha ka dib uu kaa tago. Kaadida oo kugu badata waxay noqon kartaa inaad leedahay infegshan, la hadal markaa umulisada. Haddii aad guriga joogto ayaanu kugula talineynaa inaad la soo xidhiidho rugtaada caafimaadka.cab biyo badan oo cun cunto uu ku badan yahay buushigu si aad uga hor tagto calaal istaaga. Babaasiirta Babaasiirta waa xidid dhiiga ah oo balaadha ama kaas oo ku yaala banaanka ama gudaha ilinka futada. Saameynta hormoonada ee xiliga uurka iyo ducashada xiliga umusha ayaa keeni kara babaasiir. Waxay marmarka qaarkood noqon kartaa mid xanuun leh. Si loo yareeyo xanuunka ayaa la marin karaa kiriimka suuxdinta. Babaasiirta intood badan waa ay iska baa'ba' daa. Si looga hor taggo calool istaaga kaaga sii xumaan kara waa inaad cunto raashin buushi leh iyo inaad biyo cabto. Jimicsiga sagxada miskaha Uurka iyo umusha ka dib ayaa muruqyada siilka agtiisa (loo yaqaan sagxada miskaha) kala baxayaan. Marka aanu xanuun ku haynin u bilow si taxatir leh "jimicsiga sagxada miskaha" si aad muruqyadaada u tabo barto. Waxay ka hor tageysaa tusaale ahaan in kaadidi kaa da'do iyo durkida ilmo galeenka. Ka akhri sida aad sameynayso Vårdguiden www.1177.se hadaf wanaagsan waa in jimicsi la sameeyo ugu yaraan 30 daqiiqo maalin 5

walba. Marka hore in la kucleeyo oo la lugeeyo. Qiyaas ahaan laba bilood ka dib ayaad ku bilaabi kartaa tabobar fudud. Galmada iyo isku tagga Isbadelka hormoonada ee umusha kadib iyo xanuunka dilaaca ayaa saameyn kara baahida galmada. Waxa muhiim ah in wakhti la qaato oo xanaan la isa siiyo. Qaar badan ayaa laga yaabaa in aanay galmadu noqon siday ahaan jirtey ka hor ilmaha intaanu dhalan. Taasi waa caadi. Marka la sameynaayo naas nuujinta ayaa dabnaha hoostu noqon karaan qaar ka qalala sida caadiga ah. Kiriim, warqad la'aan lagaga soo iibsan karro farmasiiga ayaa ku caawin karra. Si looga hor taggo uur cusub ayaa umulisada joogta Xarunta Daryeelka Hooyadu (MVC) kuu qori kartaa warqada daawada ka hortagga uurka. Naas nuujinta ayaa xaaladaha qaarkood noqon karta hab sugan oo lagaga hor tago uur kale. Ka sii akhri wax dheeraad ah Ururka-qaranka ee Macluumaadka Galmada (Riksförbundet för Sexuell Upplysning) http://www.rfsu.se In murugo la dareemo Isbadelka hormoonada umusha kadib ayaa saameyn kara sida aad dareemaso. Kala badh hooyooyinka ayaa umusha ka dib saameyaa niyadjab dhowr maalmood ah. Taasi waa caadi iyadoo caadi ahaan ku haysa dhowr maalmood. Haddii aad muddo dheer dareento niyadjab sanaanta, la hadal umulisadaada joogta xarunta daryeelka hooyada (MVC) ama kalkaalisada joogta xarunta daryeelka carruurta (BVC). Aabaha/lamaanaha Bilowga waxa la kala leeyahay doorar kala duwan kuwaas oo labaduba muhiim u ah ilmaha. Lamaanaha waxa muhiim u ah in la taageero hooyada iyo ilmaha. Marka lagu gudo jiro xiliga hore ayaa dumar badan ay daalan yihiin oo ay nugul yihiin. Haddii lamaanuhu ama qof kale oo ku dhow uu ka qabto hawsha gacanta laga qabanaayo ayay hooyadu nasan kartaa iyadoo baranaysa inay si dagan u nuujiso naaska. Taageerada lamaanaha ayaa keento in hooyada ay hesho fursad ay ugu fududaanayso naas nuujintu. Talada guud ee ku socota waalidka ee dhakhtarka ka timid 1. Maalmaha ugu horeeya ayuu ilmahu u baahan yahay inuu kugu dhawaa do/inay markasta dubka hooyadu u saarto ama aabaha/ lamanaga iyo in isha lagu hayo. 6

Ilmaha waa in la naas nuujiyo markasta oo uu tuso calaamada in uu rabo inuu nuugo. 2. Kantarool in uu ilmahu kaajaayo oo uu xaaraayo maalmaha ugu horeeya. 3. Eeg maqaarka ilmaha hal ilaa laba jeer maalintii taas oo fiica in iftiinka cadceeda lagu sameeyo. In maqaarku huruud/jaale waxoogaa yar ahaado oo indhahuna cadaadaan ayaa caadi. Haddii uu ilmaha yahay mid maqaarkiisu yahay huruud/jaal ah ayuu caawimo u baahan karaa. Talo weydiiso umulisada joogta Xarunta Daryeelka Hooyada ama dhakhtar. Marka maqaarka huruud uu ahaado muddo 3 todobaad ka badan oo ay taana wadaagto saxarro cad ama cawlaan ah ayaa ah mid cadeynaysa xanuun beerka- ama xanuunka xameytida- la xidhiidh dhakhtar. 4. Ilmaha yar kaligii ha ka tagin wax badan. 5. Carruurta misaanka yar (< 2.5 kg miisankoodu ka yaryahay) ayaa si dhib yar jidhkoodu u qaboobaan karaa iyadoo aanay aheyn in la geeyo banaanka marka ay hawadu qabowdahay (minus-ka ay tahay). 6. Xiliga durayga: Iska ilaali dadka badan ee meel ku urursan. Carruurta ay walaalada ihiin ee duufku ka da'aayo ama infegshanka leh waa inaana ku soo dhawaanin (tusaale ahaan ina dhunkadaan) ilmaha yar ee hadda dhashay. Ka fikir inaad gacmaha dhaqdo ka hor inta aanad daryeelin ilmahaga. 7. Calaamadaha (calaamadaaha digniinta) ay tahay inaad iska ilaaliso ka dib markaad guriga tagto: Midabka maqaarka ee cawlaanka ah, in aanu ilmahu kicin kadib marka uu seexdo iyo in aanu rabin inuu nuugo ayaa noqon karta calaamad xanuun. La xidhiidh dhakhtar. Mataga midabka xameetida (cagaarka) khaasatan haddii ilmaha uu u muuqdo inuu xanuun ku leeyahay caloosha oo aanu xaarin ayaa noqon karta inuu midhicirku taagan yahay. Midhincka taagan waxa uu u baahan yahay waxqabad degdeg ah la xidhiidh dhakhtar. 8. Yaree khatarta ay ku imaanayso dhimashada kadiska ee ilmaha talada ku socota qofka waalidka: Buuga yar "Yaree khatarta ay ku imaanayso dhimashada kadiska ee ilmaha" ee www.socialstyrelsen.se Ilmaha yar u seexi dhabarka. Iska ilaali nikootiinka. Hubi in wajiga ilmahu uu banaan hayay, inuu ilmahu waxoogaa fiican 7

diiran yahay iyo inuu dhaqdhaqaaqi karro. Carruurta ka yar saddex biloow waxa u amaan badan inay sariirtooda seexdaan. Naaska ku nuuji haddii ay suurto gal tahay. Masaaska lagu aamusiiyo ilmaha yar marka ay seexanayaan. /Mikael Norman, profesoor, dhakhtarka carruurta Ilmaha Xidhiidhka maqaarka ee ilmaha Waxay taas micneehu tahay in uu ilmahu isagoo qaawan jiifo (iyadoo kaliya uu xafaayad xidhan yahay) iyadoo maqaarkaaga oo qaawan aad ku qabanayso oo bustana aad dusha iska saarayso laakiin uu wajigu banaan yahay. La samee markaa xidhiidh maqaarka ilmaha sida ugu badan marka aad soo jeedo iyadoo aad isha ku hayso ilmaha. Xidhiidhka maqaarka ee ilmaha ayaa keena degenaansho iyo xasiloonaan, ogsitoosiin, taas oo sidoo kale loo yaqaano hormoonka jaceylkeena. In hooyada, aabaha ama qaraabo kale agteed la jiifo, ayaa kuleylinaysa nuugo qaawan muddoda dheer maalin kasta iyadoo dhib yareynaysa nolosha banaanka ilmo galeenka mid dhibyar oo caadi ah. Maalinta ugu horeysa ayay u wanaagsan tahay haddii uu ilmahu uu wakhtiga intiisa badan ku qaato hooyadii agtiisa si loogu dhib yareeyo naas nuujinta. Waxa sido kale ka dhib yar in la fahmo haddii ilmahu uu rabbo inuu naaska nuugo. Faa'iidada xidhiidhka maqaarka: Qofka weyn waa uu ka sii debacsan oo degan, si loo dhimo dareenka xanuunka iyo dareen si looga fahmo waxa uu ilmahu u jeedo. Ilmahu waxa uu caawimo ka helayaa inuu heerkulkiisa ilaaliyo, wuxuu helayaa sonkorta maqaarka oo siman, taasoo ka dhigaysa inay ka sii degan tay oo ay nasato. Taasi waxay keenaysa in ilmahu ka wax ka yar qayliyo. Faa'iidooyinkaas hooyada iyo ilmaha waxay khuseyaan wax kasta haddii la naas nuujinaayo iyo haddii kaleba. Haddii hooyada sabab kasta ha ahaatee aanay firaaqo u aheyn ilmaha ayaa qof kale la sameyn karaa xidhiidhka maqaarka ilmaha. 8

Qof leh baahiyohiisa gaaraka Waalidiin badan ayay mid lama filaana ku noqotaa baahida ilmaha ee inuu ku dhawaado iyagoo la yaaba sida uu u degan yahay marka ay xidhiidh la sameeyaan waaidkooda. Maalmaha ugu horeeya waxa tahay mid isbadelweyn ku ah ilmaha. Isku dey inaad fahanto oo aad hesho sida uu ilmahaagu u dhaqmo iyo waxa uu sameynaayo. Waxa dhib yar in ilmaha la isku dayo in loo jiheeyo waxa aad adigu filaysay. Ilmahu waa qof bin'aadam ah oo yar kaas oo hadaba wax badan garanaaya oo leh dabeecadiisa gaarka. Hurdada iyo soo jeeditaanka Umusha ka dib ayuu ilmahu uu soo jeed dhowr saa'adood iyadoo uu markaa kadibna seexdo saacado badan, marmarka qaarkood ilaa habeen iyo maalin. Carruurtu badan ayaa firfircoon fiidkii iyo habeenkii iyagoo wakhti badan seexda subaxdii. Hooyooyinka qaarkood ayaa garanaaya sawirkaa la mid ah oo marka uu ilmahu uurka ku jirey. Marmarka qaarkood ayaa ilmahu seexdaa wakhti ar marmarna wakhti dheer oo saacado badan ah. Haddii aad waaldi ahaan dareemayso daal wakhtiga hore markaas ayay wanaagsanaan doontaa inaad nasato oo aad seexato. Baruurta maqaarka Umusha ka dib ayaa ilmagu yeelan karaa baruur maqaarka ka saaran. Hadddii ay barruurta jidhku sii saaran tahay qannuugo, qoorta iyo kilaan kilada ayay keeni kartaa kacdoon maqaarka iyadoo markaa dux la mariyo. Waxa caadi ah maqaarka qalalan inuu dildilaaco carruurta aryar ee hadda dhalate tusaale ahaan lugaha. Maqaarka ayaa iskii iska bogsada dhowr maalmood dhexdood marka uu ilmahu qaato biyo badan. Haddii loo baahdo ayaa dildilaac maqaarka la marin karaa caanaha naasaha. Caanaha naasaha waa nadiif, dux leh iyagoo xataa ay ku jirto maado disha bakteeriyada oo wax daaweysa. Haddii aad caanaha gacanta skaga listo (bogga 19) si aad ugu duugto maqaarka ilmaha ayay muhiim tahay inaad gacmaha dhaqdo ka hor inta aand bilaabin. Heerkulka maqaarka Heerkulka nuugo waa inuu ahaado 36,5 C 37,5 C. garbaha hoostooda ayaa ka qiyaasi kartaa in uu ilmahu dhexdhexaad diiran yahay. Gacmaha iyo lugaha waxay dareemayaan qabow todobaadyada ugu horeeya ee nolosha. 9

Dhaqida iyo qubeysiga Kantaroolgaree inay jirto kacdoon maqaarka khaasatan laalaabka maqaarka. Kaliya waxa laguu soo jeedinayaa biyo, saabuun qalaji maqaarka. Qubeysigu waa la sameyn karaa xataa haddii a xindhurtu ku taalo. Heerkulka biyaha qubeysigu waa inay ahaadaan +37ºC. Markasta ku qalaji tuwaal qalalan laalaabka maqaarka maadaama oo uu qoyaanku jidhku keeni karo kacdoonka. Xundhurta Xundhurta tartiib tartiib ayay u qalalaysaa, u madoobaanaysaa oo ay u soo dhacaysaa. Waxay qaadan kartaa dhowr maalmood ilaa dhowr todobaad Xundhurta looma baahna in la maydho ilaa ay soo gaadheen kaadi ama saxaro, haddii ay dhegdheg leedahay ama ay dhiigayso. Ku maydh markaa biyo diirimaad ah oo ka qalaji. Carruurtu dareen kuma laha xundhurta markaa ma sameynayso xanuun. Marmarka qaarkood ayaa xundhurtu dhiigaysaa iyadoo urna leh marka ay soo dhacayso, taasi waa caadi. La xidhiidh Xarunta Daryeelka Carruurta haddii maqaarka qeybta ku dhow xundhurta ay casaato markas oo ay noqon karto calaamad infegshanka. Cidiyaha Waa in aanad cidiyaha ka gurin maadaama oo ay jirto dhatar infegshanka xiliga hore markaas oo maqaarka iyo cidiyaha ay isku dhagan yihiin faraha xagooda sare. Marka aad guriga timaado haddii loo baahan yahay, ka jeex qeybta cad ee sarre ama kaga xoq si taxatir leh cidiyo xoqqe. Indhaha Indhaha dhegdhega leh waxa weeye maadaama oo ay ilmaha dhuumaha ilmadiisu tidhan yihiin. Haddii uu ilmahu leeyahay ilmo dhegdheg leh ku dhaq biyo diiran indhaha banaankooda iyo lafta sanka gudaheeda. Haddii aanay waxba is badalin dhowr maalmood ka dib ama haddii baadadku ay bararsan yihiin iyadoo ay wiilasha cadcadi casaan noqdaan, la soo xidhiidh Xarunta Daryeelka Carruurta. Ilmah ayaa marmarka qaarkood ka dhiigi kara hal il ama labadaba. Tasi waxay ku xidhan tahay in indhaha ay soo gaadheen caddaadis badan xiligii umusha. Wax khatar ah ma ah. Kaadi iyo saxarada U fiirso in uu ilmahu kaajaayo oo uu xaaraayo labada maalmood ee ugu horeeya. Haddii aanu ilmahu kaajin ama xaarin soo wargali taas Qeybta Dhalmada. Marmarka qaarkood ayaa milixda ka soo baxda kaadida noqon 10

kartaa bar liin ah oo xafaayada ku taala. Wax khatar ah ma ah laakiin waxa u muuqan karaa taasi inay dhiig tahay. Xaarka marka hore waa cagaar ama midab madow ah iyadoo is jiid jiidanaysa. Marka naas nuujintu ay bilaabanto ayuu xaarku noqon doonaa jaale isagoo ur kulul/aysiidh ah leh. Caanaha naaska ayaa waxoogaa caloosha socodsiiya taas oo keenta in iilmaha caanaha la siinaayo aanay calooshu istaagin. Ilmahu waxa uu xaari karaa dhowr jeer maalintii, laakiin ilmahu waxa uu dhowrka todobaad ee hore sidoo kale xaari karaa hal mar todobaadkii, aad ayay u kal duduwan yihiin. Carruurta aan caanaha la siin ee la siiyo caanaha daasada ayaa inta badan leh xaar ka yara adag. Akhri xataa talada dhakhtarka ee ku taala bogga 7 baaragaraafka 7! Dheecaanka Marmarka qaarkood ayay habluhu yeelan karaan dheecaan cad oo uu dhiig la socdo. Waax caadi taadi iyadoo ku xidhan hormoonada hooyada. Looma baahna in la qalajiyo dibnaha hoosta. Ka qalajikaliya inta aad si dhibyar u gaadhi karto. Daaco, hingo, hindhiso iyo matag Waxaad ogaan doontaa in ilmahu u baahan yahay inuu daaco marka uu naaska nuugo ka dib ama maka la siyo caanaha daasada. Aad ayay u kala duduwan yihiin: carruurta qaar ayaan marna daacin halka ay kuwa kalena markasta ay rabaan inay daacaan. Higgada ayaa caadi ah iyadoo ilmaha loo ogolaado inuu nuugo markaas oo ay higaddu ka tagto. Carruurtu waxay u nindhisaan si ay u nadiifiyaan sankooda. Waxa dhacda in ilmahu uu soo matago xabka uurkujirta maalinta ugu horeysa. Sidoo kale ayuu ilmahu matagi karaa marka uu daacaayo. Mataga dhiiga leh ee maalintaugu hores ee ilme caafimaad qaba ayaa inta badan ku xidhan in ilmahu uu liqan dhiig xiliga umusha ama in hooyadu ay dilaac leedahay/nabar kaga yaala naaska oo dhiigaaya. Finanka caadiga ah waa Barbar cas oo leh dhibicyo cadcad.. Qanjidhada soo saaraan duxda maqaarka oo balbalaadha kuwaas oo u eeg dhibco cadcad oo muuqda inta badan sanka agtiisa, iyadoo inamada xataa lagu arko buuryada. Qaniinyada xuurta waxa weeye baro casaan ah oo dubka ku yaala kuwaas 11

oo badanaa lagu arko on baadka inshaha, fooda, qoorta iyo sanka. Baraha mangooliyanka oo ah meelo mad madow oo badanaa qaybta hoose ee dhabarka lagu arko. Waxa weeye wax caadi ah oo lagu arko carruurta ka soo jeeda Afrika iyo Aasiya. Ilmahu waxuu noqonayaa jaale (loo yaqaano jaalaha carruurta hadda dhalatey) In ilmaha naaska la nuujiyo ayaa inta badan leh awood ay kaga hor tagto burburinta maadooyinka jaalaha ah taas oo ka dhacdo kaadida iyo saxarada ilmaha. Ka akhri xataa talada dhakhtarka ee ku sabsan jaale noqoqshada ku taala bogga 7 qodobka 3! Jeele marka ad loo noqdo ayaa calaamad u noqon karta xanuun oo dhaawac keeni karta. Haddi ilmahau uu u baahan yahay in laga daaweeyo jaale noqoshada ayaa ilmaha la hoos dhigi doonaa laambad iftiimaysa sida waafaqsan jedwelka daaweynt. Barar qanjidhada naaska Dumarka qaarkood ayaa lagu arki karaa in qanjidhada naasku barareen oo ay marmarka qaarkood ay waxar oo dheecaan ahi ka iman karaan. Wax khatar ah ma ah. Miisaanka Carruurtoo dhami miisaankoodu wuu dhacaa marka hore iyadoo uu miisaanku soo kaco marka naas nuujinta ama quudintu saani u bilaabanto. Waxay qaadan kartaa ilaa 14 maalmood ka hor inta ilmahau uu gaadhaayo miisaankii uu ku soo dhashay. Qeylada Carruurta waa ay kal duduwan yihiin, qaar ayaa qeylo badan qaarka waa ay ka qeylo yar yihiin. Qaarkood ayaa si waalan u qeyliya isla marka ay gaajo dareemaan ama in laga badalo xafaayada. Carruurta kale ayaa markasta aamusan. Marka uu ilmahu qeyliyo maalmaha ugu horeeya ee noloshiisa waxay taasi khuseysaa inta badan gaajo ama inay rabaan inay kugu dhawaadan. Sida ilmahaaga loo dejiyo ayaa qofkasta u gaar ah. Marmarka qaarkood waxa ku filan in ilmaha la qabto uun. Marna qalad ma aha inaad isku deydo inaad naas nuujiso. In la isticmaalo marada xanbaarka ayaa ah hab wanaagsan maadaama oo uu ilmahu qabo baaho badan oo uu rabo inuu kuugu dhawaado. Waxa jiri kara xilio waalid ahaan la dareemaayo awood la'aan oo markaa ad ku dawakhdo marka uu ilmahu qeyliyo. Sidaas daraadeda waa 12

muhiim in la lahaado khidad waxa la sameynaayo haddii ilmahu uu wayliyo iyo haddi aad waalid ahaan aad dareemayso in aanad waxba kari kareyn. Haddii uu ilmahaagu qaylo badan yahay kala hadal kalkaalisada Xarunta Daryeelka Carruurta. Waxa ayaa markasta muhiim ah in la xasuusto: waligaa ha ruxin ilmaha. Baadhitaanka: Dhakhtarka carruurta ayaa baadhaaya ilmaha ka hor inta aanu tagin guriga. Kantarool maqaarka huruuda ah oo hawo qaadashada (loo yaqaan POX) taas oo gacanta iyo lugta lagu sameeyo si loo ogaado oo laagu daweeyo cudurada wadne xanuunka ee ugu xunxun. Baadhitaanada waa mid aan xanuun laheyn. Tojaabada dhiiga (waxa loo yaqaan PKU) waxa lagu sameeyaa dhamaan carruurta, marka ay 48 saacadood jiraan ka dib, si meesha looga saaro cuduro hidoraac ah oo badan iyo cuduro la daaweyn karro. Waxaad macluumaad ka helaysaa waxa laga helayaa www.karolinska.se/pku Tijaabada dhagaha waxa loo sameeyaa dhamaan carruurta si hore loogu ogaado oo loogu daaweeyo dhaawaca dhagaha. Tijaabda waxa la sameyn karaa marka guriga la tago ka dib. Waxaad macluumaad ka helaysaa ku qoran luqado kala duduwan Hörseltest för nyfödda bogga www.karolinska.se Qofka cunto ilmahiisa siinaaya masaasada Xidhiidhka dhow ee maqaarka (bogga 8) ayaa muhiim adiga iyo ilmahaba u ah sikastaba ha ahaato sida uu cuntada u qaadanayaaye. Shaqaalahu waxay ku siin karaan talo iyo tusaale si sabsan cunto siinta ilmaha iyo waxa aad sameyn karto si aanay caanaha naasuhu u imaan. Ma aha in la naas nuujiyo uun si hooyo wanaagsan loo noqdo. Ta ugu wanaagsan waa in ilmaha laga war hayo, loo dhawaado, oo la wada caafimaad qabo. Waxa jirta warqad macluumaad oo ku sabsan musasad siinta iyadoo aad mid ka mid ah shaqaalaha aad weydiisan karto. Waxaad sidoo kale ka akhriyi kartaa sida masaasada wax loogu siiyo www.1177.se Ilmahu waxa uu bilaabe inuu nuugo naaska ka fiican in laga nasiyo kolba 13

Xaalada naas nuujinta Tani waxay ku sabsan tahay shan arimood oo dhib yareynaaya nas nuujinta oo dhimaaya dhibaatooyinka naas nuujinta. Shaqaalaha ayaa tas adiga kula eegaaya, waxase jirta fursad eed su'aalo ku weydiinayso Imaha dabeecadiida nuugida naaska marka maqaarka maqaarka loo saaraao Maqaarka maqaarka u saarku waxay kobcisaa dabeecada naas nuujinta taas oo dhib yareysa ilmaha xiliga naas nuujinta. Ilmahu waa uu soo jeedaa isagoo sameynaaya leefitaan iyo dhaqdhaqaaq afka isla markaa dhaqdhaqaaq uu wax ku raadinaayo afka ayay kobcisaa. Ilmahu waxa uu sameeyaa dhaqdhaqaaq nuugo ama majiirasho (haddii uu ilmahu yaal caloosha hooyadii) - ilmahu waxa uu isku deyeyaa inuu ku soo dhawaado naasaha hooyadii isagoo dhaqdhaqaaq yar oo nuugo sameynaaya ama dhaqdhaqaaq majiirasho ah, oo inta badan dib u socoda. Ilmaha ayaa inta badan nasta inta u dhaxaysa xiliyada dhaqdhaqaaqa afka ama nuugo. Ilmahu waxa uu ku raaxaystaa naasahaisagoo leefaaya ibta naaska iyo inuu gacmaha ku taabto naaska. Waxa weeye marka ugu horeysa ee la arko carabka ilmaha isagoo dibad u soo saaraaya afka marka uu ilmahu isku diyaarinaayo inuu qabsado naasaha. Taas ayaa inta badan la is yihdaa waxay qaadanaysaa wakhti badan. Ilmahu waxa uu bilaabey inuu nuugo naaska waxa ka fiican in kolba laga nasiyo. 14

Tani waxay ku sabsan tahay shan arimood oo dhib yareynaaya nas nuujinta oo dhimaaya dhibaatada. 1) Sida uu ilmahu u qabsanaayo naasaha Ilmahu aad ayuu afka u kala qaadayaa marka uu ilmahu qabsanaayo naasaha (sida inuu "qaninaayo" tufaax). Sababta caadada u ah haddii ilmahu wax yar ka haysto naasaha: ilmaha ayaa ka fog naasaha. Ilmaha gadhkiisu ma gaadhaayo naaska hooyada Ilmahu sida uu u qabsanayo naaska ayaa dhacday kahor inta aanu ilmahu samynin dhaqdhaqaaqa leefitaanka- iyo af ku raadinta. Xalka laguu soo jeedinaayo Maqaarka maqaarka u saarku waxay kobcisaa dabeecada naas nuujinta. U ogolow in uu ilmahu sameeyo dhaqdhaqaaqa leefitaanka- iyo raadinta ee afka ilaa marka uu ilmahu si weyn afka u kala qaado (si uu carabku u debnaha uga muuqdo) si uu marlabaad u cantuugo naasaha. Waxa muhiim ah in gadhka ilmahu uu aad ugu dhow yahay naasaha hooyada. Iska ilaali inaad afka ilmaha ku gujiso ibta naaska. 2) Xanuunka xiliga naas nuujinta wixii xumad ayaa bilaabmeysa bilowga iadoo kaa yaraanesa waxooga yar ka dib. Sababta caadadi ahaan keenta inay naasuhu mar kasta ku xanuunaan: ilmahu wax yar ayuu ka haystaa naaska iyadoo uu ibta naasku kaa qanjiidhinaayo. Xalka laguu soo jeedinaayo Eeg waxa laguu soo jeediyey ee ku yaala qodobka 1. Haddii ay ku xanuunto ayaad xanuunka ku qiyaasi kartaa heer toban dhibcood ah kaas oo loo yaqaan VAS. Qiyaas inta hore, dhow daqiiqadood ka dib iyo dhamaadka naas nuujinta. 1 ayaa ah wax xanuun ah ma laha 10 ayaa ay xanuunka ugu xun ee aad ka fikiri karto. Haddii aan xanuunku kaa yaraan ayaad u baahan kartaa xanuun jabiye. Waxaad sidoo kale tijaabin kartaa siyaabo kale oo aad u fadhiisato markaad naas nuujinayso. 3) awood nuugitaanka ilmaha si awood leh u nuugaaya. 15

Sababta caadada u ah haddii ilmahu aanu si awood leh u nuugi karin: ilmaha ayaa wax yar ka hasta naaska. Ilmaha gadhkiisu ma gaadhaayo naaska hooyada marka uu ilmahuu qabsado. Awooda hooyadu ay ku soo saarayso caanaha naaska ayaan wali bilaabmin. Xanuunka naasaha ayaa keenaaya inaan caanaha nasuhu wali bilaabmin. Ilmahu ma gaajoonaayo. Ilmahu waxa uu helay wax uu ku dhargo oo caanaha daasada. Xalka laguu soo jeedinaayo Eeg waxa laguu soo jeediyey ee ku yaala qodobka 1. Haddii ay ku xanuunayso eeg waxa laguu soo jeediyey ee ku yaala qodobka 2 Haddii ilmaha la siiyo caanaha daasada la eeg shaqaalaha in qiyaasta la siinaayo la dhimi karro. 4) habka jiqitaanka ee ilmaha hab jaqitaan oo isku dubo dhacsan oo kolba laga nasiyo halkaas oo jiqitaanku uu weynaado oo uu ka dheeraado dhowr daqiiqadood ka dib. Sababka caadiga u ah haddii ilmahu aanu u jaqeyn si habsan: Awooda hooyadu ay ku soo saarayso caanaha naaska ayaan wali bilaabmin. Marmarka qaarkood ayay taasi qaadan kartaa wakhtiyo kala dhaadheer. Waxay marmarka qaarkood noqon kartaa in ilmahu uu nuugo isagoo aan ka nasan ama uu kolna qabsado kolna sii daayo naasaha, qeyliyo ama seexdo Xalka laguu soo jeedinaayo Halkan waxa ku yaala dhowr wax oo laguu soo jeedinaayo: hab ka raaxo badan oo naas nuujinta, weydiiyo lamaanahaaga inu kuu duugo garbaha/ lugaha, wax aad cabto/cunto, dawada xanuun jabiyeha ah ayaa loo baahan karaa haddii ay ku xanuunayso. 5) Qaabka ibta naaska ka dib naasnuujinta ibta naaska waxa uu u eegyahay inaan la saameyn ama waxa suurogal ah in sidii waxoogaa la jiiday uu yahay. Sababta caadi ahaan keenta inay naasuhu mar kasta u eegyihiin qaar isku dhagan: ilmahu wax yar ayuu ka haystaa naaska iyadoo uu ibta naasku kaa qanjiidhinaayo. Waa ay ku xanuunaysaa iyadoo khatar leh in nabar ibta naaska kugu dhaco. Socodka caanaha naasaha ayay saameyn kartaa iyadoo caanaha naasahu aanay soo baxeyn. Marmarka qaarkood ayay taasi qaadan kartaa wakhtiyo kala dhaadheer. Waxa laguu soo jeediyey: Eeg waxa laguu soo jeediyey ee ku yaala qodobka 1. 16

Su'aalaha ku sabsan naas nuujinta ee waalidiintu inta badan qabaan Intee inleeg ayaa bilowga ilmahu uu naaska nuugaa? Xiliga ugu horeeya ee uu soo toso ee umusha ka dib ayaa carruurta intooda badan seexdaa oo ay hurdaan ilaa habeen iyo maalin. Waxa wanaagsan haddii uu ilmahu helo in dubka dubka loo saaro habeenkaa iyo maalintaa (eeg bogga 8 iyo 14) Qeyb ahaan saameynta wanaagsan ee dubka dubka marka loo saaro iyo in aan la gafin marka uu ilmahu naaska rabbo. Marka dubka dubka loo saaro ayay dhib yareysaa sidoo kale in ilmaha uu qabsado naaska. Kadib waxa xigga dhowr maalmood markaas oo ay caadi tahay in ilmaha uu rabo inuu nuugo naaska markastaba. Miyaan anigu saameyn karaa intey leeg yihiin caanaha naasaheygu? Marka uu ilmahu si isku dhow dhow u nuugo naaska ayaa kobcayaan caanaha naasku si ay ugu buuxiyaan baahida ilmaha. Marka ay tahay ilmahaagii kuugu horeeyay ayay wax la yaab leh kugu noqonaysaa inta badan ee uu ilmahu rabo inuu nuugo naasaha. Waxa dhib yareynaaya marka uu ilmahu helo habkiisa. Waxa wanaagsan marka uu ilmahu isagu go'aansado marka uu nuugaayo. Inte jeer ee uu ilmahu nuugaayo ayaa kal aduduwanan karta laga bilaabo 8-20 maalmood. Waxa wanaagsan in la xasuusto in ilmaha ilmahu uu u nuugo si uu ugu soo dhawaado oo uu u helo raaxo. Qaar ka mid ah carruurta dhalatey ayaa yalaalugooda oo mataga xabka uurkujirta maalinta hore. Marka ay yalaalugadu ka tagto ayuu ilmahu rabaa inuu nuugo naaska. Si aanay caanahaaga naasku u habsaamin ayaad gacanta iskaga lisi kartaa caanaha (eeg bogga 19) si aad u hesho inay caanuhu bilowdaan. Mid ama labada naasoodba markasta oo aad naaska nuujinaysoba? Haddii uu ilmahu nuugo mid ama labada naasba marksta ayaa kala duduwan. Haddii ilmahu uu si weyn u qabsado oo aad adigu dareemaso inaanay dhib aheyn, u ogolow in ilmahu uu shamaysto nuugista naaska koowaad iyadoo aanad ka qeyneyn waxa looga jeedaa, ilaa uu ilmahu seexdo ama sii daayo isagu. Haddii uu ilmahu uu wali sii gaajoonaayo, isku dey markaa inaad siiso naaska kale. Haddii ilmahu aanu rabin inuu nuugo ayaad ugu dhib yareynaysaa sameysanka caanaha adigoo duugaaya naasaha si aad gacanta iskaga listo (eeg bogga 19). Waxa sidoo kale taas lagu sameyn karaa mashiin elegtaroonig ah. 17

Booska naasnuujinta ee dib loogu tiirsada In dib loo fadhiisto ayaa ah mid dhabarka, garbaha iyo gacmaha ay ku nastaan. Ilmaha saar calooshaada dusheeda isagoo sida raha u jiifa, ilmahaaga gali naasahaaga dhexdooda ama hal naas oo u ogolow inuu ilmahu isago raadsado. Ilmahu ayaa hadda isticmaali kara gacmahiisa iyo lugahiisa iyadoo caawimadaada darteed uu si wenu qabsan karro naasahaaga. Faa'iidada waxa wax badan weeye inaad isticmaasho xeerka cufjiidadka markaas oo uu ilmahu adiga dushaada saaran yahay aanuna u baahneyn inaad wareejiso. Hase yeeshee haddii naasahu ay dhinaca u dhacaan ayaad taageeri kartaa si ay kor/hore ugu soo kacaan si uu ilmahu si ka dhib yar ugu qabsado. Sidee ayaan ku ogaan karaa in ilmahu uu wax ku filan cabay? Qiyaasta ugu muhiimsan ee inuu ilmahu caano ku filan cabey waa marka uu ilmahu firfircoon yahay, seexdo, soo toos oo uu inta badan rabo inuu nuugo naasaha. Ilmaha waxa uu kaajaa kaadi huruud ah dhowr jeer maalintii. Maalmaha kale ayay saxarada midabkeeda is badashaa si ay jaale, saalo ah ugu sii noqoto. Maalmaha ugu horeeya ee umusha ka dib ayuu hoos u dhacaa miisaanka ilmahu isagoo kadibna kor u soo kaca marka ay caano badan cabaan. Miyey caanaha naasahu habsaami karaan? Haddii ilmahu aanu nuugin naasaha ayay caanaha habsaami karaan. Waxa dhici karta marmarka qaarkood in ilmaha aanu nuugin naaska marka uu soo dhasho ka dib, bilowga nuugitaanka ayaa markaa habsaami kara. Daal iyo hurdo la'aan uurka ka dib iyo umusha ayaa keenaaya in ay wakhti qaadato naas nuujintu. Uma baahna inay markasta sidaas ahaato laakiin haddii aad dareemayso in aanay caanahaagii naasku sida sax ah ee aad rabtey u dareereyn ayay taasi caadi tahay. Caanaha naaska ayaa bilowda sida ugu dhakhsaha badan ee aad uga soo kabato. Waxay qaadan kartaa wakhtiyo kala duduwan hooyooyinka kala duduwan. Naso marka uu ilmahu hurdo. Miyey markasta ku filan yihiin caanaha naasku? Carruurta tusaale ahaan wakhtigii loo qabte ka hor dhalata ama kuwa si adag u soo dhashay ayaa u baahan inay wax badan cabaan maalmaha ugu horeeya. Markaa ayaa si kumeel gaadh ah loo siiyaa caanaha daasada iyadoo uu dhakhtar kuu qoraayo. Haddii aad wali doonayso inaad sii naas nuujiso ayaa waxa muhiim ah in fursada lagu naasnuujinaayo ay korodho oo ay caanaha daasadu yaraadaan. 18

In naasaha gacmaha la iskaga liso haddii ilmahu aanu nuugin naasaha. Iyadoo si taxadir leh aad u bilaabayso inaad gacanta iskaga listo naasaha ayay dhibic dhibic u bilaabamayaan caanaha naasahu. Bilowga ayaad dhinac kaga seexan kartaa sariirta iyadoo aad ilmaha xidhiidh maqaarka la sameynayso. Waxay ka caawisaa in hormoonka oxytocin bilowdo kaas oo keena in caanaha naasuhu ka soo dareeraan naasaha. Sidan ayaa la iskaga lisaa caanaha naasaha: 1. Gacmaha ku dhaq saabuun iyo biyo. 2. Marka hore si fudud naasaha ugu salaax dhowr jeer. 3. U qabso naasaha sida sawirka ka muuqata. 4. Gee faraha dhinaca gadaasha, ee nuugo dhexdeeda si aad u gaadho naasaha. 5. Faraha isku cadaadi oo ugali faraha toos xagga hore (caanaha naasaha ayaa soo da'aaya). Haddii ay ku xanuunaso waxa weeye xoog ayaad u riixaysaa. 6. Kacanta ka sii daa oo dib uga soo bilow qodobka 4. 7. Iskudey inaad habdhaca u hesho gacanta iskaga lisida. In aad hees kusoo celceliso ayaa kaa caawinaysa: gadaal, wadajir,hore-gadaal, wadajir, hore iwm. 19

Inte jeer ee aad gacanta iskaga lisayso ayaa ka muhiimsan inta daqiiqo ee aad sameynayso. Si la mid ah marka uu ilmahu nuugaayo naaska dhowr jeer ka hor inta aanad caanaha naasahu iman ayaad u baahan kartaa inaad gacanta iskaga listo dhowr jeer. Wakhtiga ay qaadanayso si ay caanuhu u yimaadaan ayaa hooyooyinka u kala duduwan. Haddii aanay wax caano ahi naasaha ka iman ayaad sii wadaysaa ilaa qiyaas ahaan shan daqiiqo oo naas kasta ah, hal mar oo labaad dib ugu soo celi. Marka ay caanaha naasku istaagaan, badel naaska. Adigoo faraha wareejinaaya oo siyaabo kala duduwan gacanta caanaha iskaga lisaaya naasaha, ayaad u helaysaa caanaha naasaha markasta oo aad iska listo. Maareynta caanaha naasaha: Isticmaal weel aad caanaha naasaha ku ururinayso oo nadiif ah marka aad gacanta iskaga lisayso. Haddii caanaha naasuha la siiyo ilmaha hal saacad gudaheed ayay yaali kartaan heerkulka qolka dhakhtarka, haddii kale gali talaagada. Ku sumadee weelka aad ku ururisey magacaaga, taariikhda iyo saacada. Guriga ayay caanaha naasuhu heerkulka qolka ooli karaan ilaa lix saacadood, laakiin caanaha waa in markasta loo galiyo talaagada sida ugu dhakhsaha badan. Caanaha heerkulka talaagada ama kuwa la galiyey firiiserka/qeybta barafka ayaa lagu kuleylinayaa biyo diiran. Haddii caanaha naasku la galinaayo talaagada qeybta barafka waa in taas la sameeyo isla marka la liso caanaha, waana inau ugu badnaan hal maalin ku jirto barafka. Caanaha cusub ee la soo lisay waa inaan lagu walaaqin kuwa qabow ee qeybta barafka talaagada laga soo saaray. Sidee ayay u saameysaa nas nuujinta marka uu ilmahu qaato caanaha daasada? Ilmahu waxa uu noqon doonaa mid inta badan ka dharagsan caanaha daasada oo aan marksta awoodi karin inuu nuugo naasaha. Waxay keenaysaa in sameysanka caanaha naasuhu uu habsaamo. Gacan iskaga lisida (eeg bogga 19) ama marka mishiinka la isticmaalo si la iskaga liso naasaha ayaa keenaysa in caanaha naasuhu yimaadaan. Gacan/mashiin iskaga lis naasaha haddii uu ilmahu uu qaato caanaha daasada oo aanu awoodin inuu nuugo naasaha. Caanaha naasaha ee aad iska lisayso ayaad siin kartaa ilmaha iyadoo sidaa aad markaa tartiib tartiib ugu dhimayso caanaha daasada. Var kan jag få stöd med nuujinta kadib markaad guriga tagto? Markaas ayaad kaalmo ka heli kartaa Xarunta Daryeelka Carruurta, dhakhtarka qeybtiisa naasnuujinta ama ururka samafalka ee Naas nuujinta (den ideella organisationen Amningshjälpen) www.amningshjalpen.se 20

Waxyaalaha la hubinaayo intaan guriga la tagin UMUSHA KA DIB (bogga 4-6) Wadahadalka khibrada umusha Dhiig baxa (4) Fayadhowrka iyo infegshanka (4) Dilaaca/nabarka qaliinka(4) Jimicsiga sagxada miskaha (5) ILMAHA (7-13) Jaale ahaanta, infegshanka (7,11) Ka qalajinta baruurta maqaarka saaran (9) Midabka xaarka/kaadidu way is badaleysaa (10) Daryeelka xundhurta (10) Habka uu ilmahu u seexanaayo (7) Ilmahu waa uu qeylinayaa (12) iyo khatarta inaad ilmaha ruxdo NAAS NUUJINTA/CUNTO SIINTA (14-19) Ilmahu waxa uu u baahan yahay inuu naaska nuugo (17) Hurdada iyo soo jeeditaanka (9, 17) Sida ay u eeg yihiin ibta naasahu kadib markaad nuujiso (16) Gacan iskaga lisida (19-20) Xaalada naas nuujinta (14-16) MAXAA DHACAAYA KA HOR INTA AAN GURIGA LA TAGIN Macluumaadka tagitaanka guriga Baadhitaanka dhakhtarka carruurta (12) Kantaroolida huruuda/jaale ahaanta iyo baadhitaanka POX (qaadashad hawad ee lagu eego in wadnaha qalad kujiro) (12) Tijaabada dhiiga ee-pku iyo baadhitaanka dhagaha ayaa dhici kara marka guriga la tago kadib (12) Haddii loo baahdo wakhti dib loogu soo laabto XASUUSNOW INAAD KALIGAA SAMEYSO! Wakhti ka qabso booqasho Xarunta Daryeelka Carruurta (BVC) Isla markaaba wakhti ka qabso Xarunta Daryeelka Hooyada (MVC) 21

Kadib markaad guriga tagto Miyaad qabtaa su'aalo adiga kugu sabsan ama ilmaha ee todobaadka ugu horeeya? QOFKA CARRUURTA KU DHALAY HUDDINGE Ama soo wac BB Karolinska: K77 08 585 802 77 ama ku socota Xarunta Daryeelka Hooyada (BB) Karolinska: K86/88 08 585 802 76 Haddii hooyadu xanuunsato, wac: 08 585 809 90 qeybta gargaarka degdega ee cudurada dumarka, Karolinska Universitetssjukhuset Huddinge. Furan habeen iyo maalin QOFKA CARRUURTA KU DHALAY SOLNA Soo wac qeybta dhalmada BB-da: 08 517 742 01 Haddii hooyadu xanuunsato, wac: 08 517 742 17 qeybta dhalmada ee Solna todobaadka ugu horeeya. Kadib todobaadka ugu horeeya soo wac: 08 585 809 90 qeybta gargaarka degdega ee cudurada dumarka, Karolinska Universitetssjukhuset Huddinge. Furan habeen iyo maalin. Miyaad qabtaa su'aalo adiga kugu sabsan ama ilmaha ee todobaadka ugu horeeya iyadoo aan ku xidhneyn meesha aad ku dhashay ilmaha? Soo wac xarunta daryeelka carruurta Hagaha daryeelka (Vårdguiden) iyo lambarka telefoonka 1177 (habeen iyo maalin) ama ka akhri www.1177.se Haddii loo baahdo talobixinta guud ee caafimaadka: Soo wac hagaha daryeelka (Vårdguiden) iyo lambarka telefoonka 1177 (habeen iyo maalin). WIXII XANUUN DEGDEG AH WAC lambarka gargaarka degdega ah 112 22

BB Rugta cudurada dumarka Karolinska Universitetssjukhuset Telefoonka isku gudbinta 08-585 800 00, 08-517 700 00 www.karolinska.se LAYOUT KA: AF MEDICINSK BILD