Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

Relevanta dokument
Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Macluumaad ku socda qoyska cusub

Ku soo dhawaadda shaqada

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Sida loo dhiso jaaliyad

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Dulqaaxumo Intolerans

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

Buugeyga caafimaadka ee gaarka

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

Somaliska. Barn älskar böcker

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Su aalo iyo jawaab ku saabsan sariir ku kaadinta Soomaali somaliska Buugan yar waxa soo saaray Maxadka Iswiidhishka ee isku kaadinta habeenkii

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Transportyrken på sju språk

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Madax xanuunka (huvudvärk).

Talo iyo warbixinta sameynta qalabka ilkaha la geliyo

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary (oo marka magaciisa la soo gaabsho afka qalaad loogu yeero COPD)

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

Caafimaad dareen Ramadaan dhexdeeda. -Xaqiiqooyin iyo talooyin wanaagsan

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

Bra mat för barn mellan ett och två år. u dhaxeeyo hal sano iyo labo sano

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

-Haddii aad qabto su aalo kale oo dheeraad ah, waydii dhakhtarkaaga ama shaqaalaha farmasiiga

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

Översatt av Sahro Aden Dulle

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

VÄL Vänersborgs kommuns lärplattform

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Ka kaluumeysiga. Iswiidhan. Waxaa maalgeliyay Hay'ada Illaalada Deegaanka Iswiidhan (Naturvårdsverket)

Somaliska. Goorma samaynayaa mammogramka. RG_Mammografi_A5_SV_somal.indd :17:38

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

DIVA Liquid Shanazi. Wixii macluumaad dheeraad ah la xidhiidh Victoria Almroth Emma Nilsson Hoshi Kafashi

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Sidaan ayee uu ushaqeeyaa dalabka magangalyada

QAWAANIINTA. dugsiga xanaanada, xilli firaaqaha iyo hawlaha wax-barida ee degmada Alingsås

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Wakiilka takooridda DO

Uppgifter B Textpaket Litteracitet

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Hagidda kala soocidda

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

FARBARASHADA AF-SOOMAALIGA

Välkommen till Tingsryds kommun! Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Goorma samaynayaa mammogramka

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

Transkript:

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub Macluumaadkan waxa wada jir u soo saarey waaxda caafimaadka bulshada iyo cisbitaalka dhalmada (BB)/umusha, daryeelka carruurta iyo dabiibayaasha caafimadka hooyada iyo ilmaha ee maskaxda. Soo saarida 1 - janaayo 2013. Isku soo dubaridkii iyo soo saaristii: Etyd 12-0259 Farshaxankii Carita Rasmussen

Ilmahiina yar ee hadda dhashay waxa uu isagoo nabad qaba oo la quudiyey uu ugu noolaa ilmagaleenka dhexdiisa. Iyadoo aduun qalaad oo malaha cabsina leh hada uu u baahan yahay inuu waalidkii ka ag dhawaado. Malaha inaad halkaa u joogtaan. Dubka dubka u saartaan, hello urtiina, diirimaadkiina, oo uu codkiinna maqlo. Inaad koolkoolisaan marnaba haleyn mayso ilmahaaga, ee marba sida aad ilmahiina uga dhowdihiin ayuu uga sii dareemi doona inuu ka sii amaan badan yahay oo uu mustaqbakana kalidii isku dabari doonaa Halkan waxa inta badan waalidka kale lagu magacabayaa aabaha laakiin waxa uu noqon karaa cid kasta xataa qof u dhow.

Ilmaha xiligiisa ugu horeeya Iskudhawaansho iyo xidhiidh Markaad uurka laheyd ayaa laga yaabaa inaad malo awaashaan ilmahiina oo aad dareentaan sida uu uurka u dhex carcararaayo. Waxaad ka fikirteen magaciisa oo aad qorsheyseen xiliga ugu horeeya ee aad kulmaysaan. Sidaas ayaad durtaba xidhiidh ula sameysateen ilmahiina. Hadda ayuu bilaabeyaa inuu xidhiidhkaasi ka sii horumaro oo uu kana sii qoto dheeraado dhamaan xiliga noloshiina aad wadaageysaan. Carruurtu waxay bilowga rabtaa inay idinka waalidiinta ah xidhiidh idinla yeeshaan. Taas waxa uu ku tusayaa/ ku tusaysaa eegmada, maqalka iyo calaamadaha dhaqdhaqaaqa jidhka. Hadda markaas ayay tahay hawsha idinka waalidiinta ah idiin taala sida aad uga jawaabeysaan ee aad u kobcinaysaan xidhiidhkaa. Kumaad tahay? Maxaad aniga iga doonaysaa? Sidee ayaan kuu caawin karaa? Ilmahaagu waxa uu u baahan yahay inaad aad iskugu dhawaataan. Isku dhawaanshuhu waxa uu keenaa is diirsi, is urshasho, is taabasho, maqalka codka iyo badbaadsanaan. Sida ugu wanaagsna ee aad adigu u barato ilmahahaaga waa inaad hesho ilmaha la socodkiisa degan, agtiisa joogto, dhageysato oo aad isku deydo inaad fahanto waxa calaamad uu ilmahaagu kuugu sheegaayo. Bilawga waa inuu qofku isku tijaabiyo. Meeshaas tijaabada iyo isbarashad ah ayaad adigu waalid ahaan ugu sii horumareysaa. Ilmahaagu waxa uu leeyahay markaa shakhsiyad iyo dabeecad. Ahow qof wax u fiirsada oo ilmahiisa eega qofka uu yahay. Waxa dhib yar in ilmaha lagu eego sawirka aynu haysano ee ah "inamada adadag iyo hablaha fiicfiican". U ogolow in ilmaha shakhsiyadiisu ay ahaato ta maamulaysa sawirkaaga ilmaha, iyadoon jinsiyadiisa loo eegeyn.

Cunitaanka Ilme hadda dhashay wax badan ayuu hurdaa maalmaha ugu horeeya, laakiin marmar ayuu u soo kacaa si uu wax u cuno. Saacadaha ugu horeeya ee umusha ka dib si wanaagsan ayuu ilmahu wax u jaqaa. Maalinta/ha ugu horeeya ayaa in ka sii badan ay sii jaqaan. Marka ilmahu uu mar uu rabo wax cuno ayay caanaha sameysankooda iyo naas nuujintu si fiican u bilaabmaan. Sidaas ayay u fiican tahay hadii ilmaha loo ogolaado inta ay rabaan iyo inta jeer ee ay wax cunaanba. Caanaha ugu horeeya oo loo yaqaan caano qeydhin waa cadaan jaale/huruud ku jirto iyagoo ay ku jiraan barotiin badan, macdan, fiitamiino iyo difaaca jidhkuba. Caanaha soo dhaca maalmaha ugu horeeya ayaa ku filan ilmaha baahidiisa. Dhowr maalmood ka dib ayay caanihii qeydhinka ayaa isku bedelaan qaar bislaadey iyagoo tiradooduna ka kobocdo. Caanaha naaska waxa ku jira wax badan oo ilmahaaga u wanaagsan. Marka la nujinaayo waxa hooyada jidhkeedu uu sii deynayaa hormoono iyada dajiya. Marka ay naas nuujintu saani u socoto ayay tahay hab suuban oo fudud oo ilmaha cunto lagu siiyo. Si ay naas nuujintu si sax ah ugu shaqeyso ayaa bilowga loo baahan karaa talo, tusaaleyn iyo gargaar badan. Ta ugu muhiimsan waa in adiga lagu siiyo wakhti, aad sabir lahaato, iyo inaanad si dhib yar u

joojin. Shaqaalaha cisbitaalka dhalmada (BB) ayaa diyaar u ah inay ku siiyaan gargaarka aad u baahan tahay. Ha ka waaban inaad caawimo weydiisato! Haddii aad u baahan tahay caawimo si ay naas nuujinta u noqoto mid shaqeysa ayaad markaad guriga timaado la xidhiidhi doontaa xaruntaada daryeelka carruurta ama cisbitaalka dhalmada (BB)/umusha. Haddii naas nuujintu aanay shaqeyneyn markaad wax kastaba isku deydo ayay fiican tahay in la ogaado in badelka caanaha naasku waxa uu ilmahaagu u baahan yahay ka heli karo. Dhawaanshaha iyo xidhiidhka jira naas nuujinta ayaa iyana la abuuri karaa marka masaasada lagu nuujinaayo. Musaasad nuujintu waa ay ka dhakhso badan tahay iyadoo ay markaa ay muhiim tahay in dhawaanshaha lumaaya la buuxiyo meeshiisa. Ilmaha oo aad si fiican u soo dhaweyso, adigoo dubka dubka u saaraaya, iyadoo aad xiligii cuntada u isticmaalaaya dhawaansho xidhidh indhaha ah. U daa ilmaha inuu laabtaada sii jiifo marka uu cuntadiisa dhameysto. Waxaad wax dheerad ah ka sii akhriyi bogga www.1177.se

Hurdada Marka ugu horeysaba u seexi ilmahaaga dhabarka iyadoo aanad caloosha iyo dhinaca toona u seexineyn. Sidaa ayaa lagu dhimayaa dhimashada kadiska ee carruurta dhalaanka. Hurdada dhabarka ayaa ka sugan hurdada dhinaca, maadaama uu ilmaha yar hadii dhinaca loo seexiyo uu caloosha iskugu rogi karo. Si looga ilaaliyo in madaxa xagiisa danbe uu isku dumo waa in ilmaha barkimo jilican loo dhigo marka aad guriga timaadaan. Ilme yar oo hada dhashay si aan caadi aheyn ayuu u neefsadaa. Ilmahu waa ay cabudhaan iyagoo u muuqda qaar duraysan. Taasi waxa weeye iyadoo ay ilmaha ku cusub tahay inuu sanka ka neefsado iyadoo maritaanku uu noqon karo mid cidhiidhi ah. Hindhisada iyo higaduna waa qaar caadi ah. Zzzz Zzz Higada Zzzzz Zzzz Mmmm

Kaadida iyo xaarka Caadiyan ilmahu waa u kaadiyaa oo uu xaaraa maalinta ugu horeysa. Kaadida ilmahu waxay marmarka qaarkeed u eegtahay dhiin/midab cas. Taasi waxa keena milixda kaadida ku jirta iyadoo aanay wax dhibaato laheyn. Xaarka ugu horeeyaa waa cagaar-madow midab ahaan, jilicsan oo is jiid jiidanaaya. Marka caanaha naasku yimaadaan waxaad ka dareemaysaa taas isbadelka midabka xaarka ilmaha, kaas oo markaa u eekaaneya seenabka urteeduna noqoto mid asiidh ah. Ilmaha la naas nuujinaayo waxay u xaaraan si aan joogto aheyn, iyagoo marmarka qaarkood xaaraan todoba jeer maalintii ama marmarka qarkood todobadii cishaba hal mar. Dhamaan kuwaasi waa caadi. Waa ay adag tahay in la qiyaaso inta cunto uu ilmaha yari qaadanaayo. Hab lagu ogaado taas waxa weeye in la eego kaadida ilmaha. Hadii ilmahu aanu waxba cunin, ama uu wax yar kaajo, ama aanu kaajinba waaa inaad la xidhiidhaan daryeelka caafimaadka. Haddii aad wax ka shekido ayaad wixii talo ah u wici kartaa daryeelka caafimaadka. Miisaanka Waxa caadi ah in ilmaha hada dhashay uu maalmaha ugu horeeya miisaankiisu dhaco. Ilmaha waxa la miisaameyaa inta aydanu guriga tagin ama markaad dib u soo laabataan. Maydhashada Shaqaalaha ayaa kaa caawinaaya xataa inay kuugu meydhaan ilmahaaga oo ay talo kaa siiyaan daryeelka cidiyaha, jidhka iyo xundhurta iyagoo su aalahaagana kaaga jawaabaaya.

Tubaakada Caruurtu dadka waaweyn waa ay uga nugul yihiin qiiqa tubaakada oo xataa hadii khatarta dhimashada kadiska ah ee carruurta dhalaanka ahi ay aad u yar tahay ayay taasi korodhaa hadii ilmaha qiiqa tubaakadu uu dareemo. Caruurta ay dhalaan waalidiinta sigaarka cabta ayay u dhib yar tahay infekshanka laabtu, infekshanka dhagha iyo xasaasiyadu jidhka. Carruurta yaryar kaligood iskama difaaci karaan ama sheegi karaan. Sidaas daraadeed waa ay fiican tahay hadii adiga waalidka ah aad go aamiso in aan cidna sigaar ku cabin ilmaha agtiisa. Khamrada Caruurta si xun ayay u saameysaa hadii waalidiintu cabto khamrada. Taas maaha in khamradu ay ilmaha jidhkiis gasho iyadoo caanaha naaska soo mareysa ee waa in qofka waayeelku uu is badalo. Xataa ilmaha yar ayaa dareemaaya hadii uu qofka weyni cabo khamrada. Waxay abuureysaa amaan daro marka xidhiidhka, codka, iyo sida loo qabanaayo, ilmaha ay isbadasho. Teeda kale ayaa ah in awooda qiimeyntu hoos u dhici karto iyo sidoo kale awooda xanaanada ilmaha.

Baadhitaanka ilmaha ee xiliga cisbitaalka dhalmada (BB) Baadhitaanka dhakhtarka carruurta Dhamaan carruurta waa la baadhaa. Taas waxay ugu horey dhacdaa marka uu ilmahu yahay 24 saacadood jir. Dhakhtarka ilmahu waxa uu dhageystaa wadnaha iyo sanbabada, wuxuu eegaa misgaha, isqabashadiisa, indhaha iyo afka iyo wixii kale. Baadhitaanka pox-ka Hawo qaadashada ilmaha iyo wareegiisa dhiiga ayaa la eegaa mar ka mid ah maalinta ugu horeysa taas oo lagu lifaaqo baadhitaanka dhakhtarka. Baadhitaankan waxa la sameeyaa iyadoo toosh yar oo laydh cas leh lagu ifiyo ilmaha gacantiisa midig iyo mid ka mid ah lugaha. Baadhitaanku waa mid dhakhso badan oo aan xanuun u keenayn ilmaha. Tijaabada dhagaha Ujeedada baadhitaanku waa si hore loo ogaado is-dhimista magalka. Baadhitaanka waxa lagu sameeyaa iyadoo dhagta ilmaha la galiyo soo gudbiye yar iyo mikirifoon. Jabaq yar ayaa la diraa iyadoo marka unugyada maqalka ee dhaguhu jawaab celin bixiyaan ay sameysanto cod khafiifa ah kaas oo uu soo qabto mikirifoonku. Baadhitaanku waa mid dhakhso badan, xanuun iyo dhibaato toona aan laheyn. Tijaabada waxa la sameeyaa inteydaan guriga tagin ama markaad dib u soo laabataan. Tijaabada PKU-ga Marka uu ilmahu laba cisho jiro ayaa laga qaadeyaa dhiig loo yaqaan tijaabada PKU-ga. Tijaabadan PKU-ga ayaa lagu ogaanayaa inuu ilmahu ku soo dhashey cudurada dheefshiidka, taas oo aad u naadir ah. Marka hore loo ogaado ayaa intooda badan la daaweyn karaa. Galoofis diiran ayaa la saareyaa gacanta ilmaha si loo kala furo xididada dhiiga iyadoo kadibna dhiiga la qaado. Sonkor la qasey ayaa la siiyaa taas oo ah badelka daawada xanuunka. Markaas oo uu ilmahu noqdo mid dagen iyadoo xanuunkana ka yareysa.

Jidhka gabadha umusha ka dib In ilme la dhalo waa shaqo adag. Umusha ka dib ayaa la dareemi karaa daal kax ah, muruqyada oo ku xanuuna iyo iyadoo hoostuna ku xanuunto. Marka sidaa uu ilmahu u soo dhasho ayay soo kabashadu bilaabmataa iyadoo jidhkuna isku diyaariyo korinta ilmahe hada dhashay. Naasaha Marka ilmaha hadda dhashay uu jaqo ayuu kiciyaa sameysanka caanaha. Dhorw cisho ka dib marka nuujintu ay hirgasho ayay naasuhu noqon karaan qaar barar oo boog ah. Waxa la dareemi karaa qandho iyadoo waxooga xumad ahna la heli karo. Marka ilmahu uu jaqo xiliguu rabo ayay dhibaatadu ka sii yaraataa dhakhsona u tagtaa. Hadii dhibaato badan la dareemo ayaa kiniinka xanuunka joojiya kaa caawin karaan. Hadii dhibaato laga dareemo ibta naaska ayay taasi noqon kartaa mid habka naas nuujinta ku lug leh. Hab kale oo caanaha loo siiyo kana duwan sidii hore ayaa taas kaa caawin karta. Si boogtaasi ay sida ugu dhakhaha badan ugu bogsato ayaa hawada loo soo saari ibta naaska. Iyadoo lagu duugaayo caanaha naaska ka hor ama ka dib nuujinta. Waxaad wax dheerad ah ka sii akhriyi bogga www.1177.se Xanuunka danbe Marka uu ilmahu dhasho ee ay madheertu soo baxdo ayuu ilmo galeenku bilaabaa inuu isku soo ururo. Markaa ayaa goota boogta mesha uu ilmo galeenku ku fadhiyey yaraataa iyadoo dhiiguna uu joogsado. Xanuunada danbe waxay ugu weyn yihiin marka hore iyo marka la nuujinaayo. Haddii markaa carruuro hore la dhalay ayay xanuun ka badan sameyn kartaa. Hadii loo baahdo ayaa xanuunka lagu jabin karaa daawada xanuunka biisa.

Guntimaha Guntimahu waa dhiig kaa socda oo ka yimaada boogta ilmo galeenka kaas oo taga afar ilaa lix todobaad ka dib. Marka hore waxa ay guntimahu ka kooban yihiin dhiig laakin dhow cisho ka dib ayay noqdaan qaar maariin u eeg iyadoo dhamaadkana ay noqdaan maariin cadaan xiga. Guntimahu waxay u uraan sida dhiiga caadada iyadoo laakiin ay ka ur adag yihiin kana carfoon yihiin. Hadii ay urta guntimahu si xun tahay oo aad xumadna yeelato ama hoosta caloosha oo ku xanuunta, ayay noqon kartaa calaamd infekshan ah. Markaas ayaad wacaysaa cisbitaalka dhalmada (BB)/umusha. Ka fikir: In aad si xooga uga taxadiro hoostaada inaad biyo ku maydho. Ka bood inaad isticmaasho saabuunta maadaama ay taasi qalajin karto dheecaanka jidhka. Dhakhso u bedel xafaayad hana isticmaalin ta gudaha hoosta gasha. Ha badaalan. Dumarku waxay u baahan karaan wakhti inta dib ay galmada u soo ceshanayaan dhalmada ka dib. Hadii aanay guntimahu soo dhamaan ayaa la isticmaali karaa kondhoom iyadoo khatarta infekshanka laga fikiraayo iyo in la hakiyo uur kale. Hoosta Xiliga dhalmada ayaa marmar qaarkood hoostu dilaacdaa. Boogta yar iyada ayaa iska bogsata laakiin dilaaca weyn waa la tolaa. Inta badan waa la bararaa oo boog ayaa xiliga hore lagu yeeshaa hoosta. Dhalmada ka dib ayay muhiim tahay in la sameeyo jimicsiga salka. Salka waxa ku yaala muruqa ay kaadi haysta, ilmo galeenka iyo midhicirka danbe saaran yihiin. Xiliga uurka iyo dhalmada ayaa kan la isticmaaley oo uu markaa jilcay. Marka la tabobaro hoosta ayay giigsanaantiisu soo noqon kartaa iyadoo khatarta kaadida kaa dareeta ee mustaqbalku iyo soo dhicitaankuna yaraado. Maalmaha ugu horeeya ee dhalmada ayay adkaan kartaa inaad hesho sida saxa, markaad wax badan isku deydo ayay ku sii dhib yaraan kartaa. Waxa muhiim ah inaanad joojin! Tusaaleyn sida jimcsiga loo sameeyo waxaad ka helaysaa bogga www.1177.se.

Kaadi mareenka Dhalmada ka dib ayaa kaadidu intii hore ee caadiga aheyd ka badataa. Taas waxa sabab u ah iyadoo jidhka uu biyaha keydiyo xiliga uurka. Marmarka qaarkood ayay adkaan kartaa in la kaajo maalmaha ugu horeeya maxaa yeelay waa ay ku xanuuneysa oo ku gubeysa. In laga fikiro: Wax badan cab si aad kaadida u badhaxdo. Markaas wax badan kuuma gubayso. Isku dey inaad hore u soo foorarsato markaad musqusha fadhido. Ku kaadi tuushka adigoo si taxadir leh u raacinaaya biyo far diiris ah. Calool istaaga Waa ay ku xanuujin kartaa inaad saxarooto maxaa yeelay waad bararsan tahay oo xataa waxa laga yaabaa in hoostu ku dilaacdey oo lagu tolay. Intaa waxa dheer in calooshu ku istaagi karto dhalmada ka dib. Sidaas daraadeed ayay muhiim u tahay in caloosha ku jilicsanaato. Hadii loo baahdo waxa jirta daawo warqad la aana ah oo taas dhib yareyn karta. Waxa kale oo la tijaabin karaa in caloosha xafaayed ama tuwaal lagu riixo marka musqusha la booqdo. In laga fikiro: cab biyo badan, iyadoo kuwa diirani ay wanaagsan yihiin cun cunto uu dixinku ku jiro, khudrad iyo caqaar ah dhaqdhaqaaq samee.

Bilow jimicsiga jidhka Markaad ka soo laabato cisbitaalka dhalmada (BB) ayaa wali jidhkaaga uu uurkii iyo umushu saameynaysaa. Waxay qaadanaysaa 6-8 todobaad inuu ilmagaleenku bogsado oo uu isku soo ururo. Xiligan waa inaad iska ilaalisaa tabobarka badan, tusaale ahaan jemnaastiga, booditanka, orodka ama ciyaarta kubada ee adag. Sug intaad ka bilaabeyso noocyada tabobarkan ilaa inta aad mareyso kantaroolka danbe ee umulisada. Habka jimicsiga ee ugu fiican labada bilood ee ugu horeeya waa lugta.

Qalitaanka Caadiyan qalitaanka ka dib qofku wuu fiicna yahay. Saacadaha ugu horeeya waxa shaqeynaaya suuxdintii oo qofku xanuun ma dareemo. Marka ay suuxdintu ka baxdo jidhka ayaa fursad lagu qaadanaayo xanuun jabiye aan wax dibaato ah u laheyn naas nuujita ay jirtaa. Xumad jabiyaha waxa si joogto ah loo siiyaa qaliinka ka dib laakiin hadii aanay kugu filneyn waa inaad sheegto. Dhamaan cida sameysay qaliin waxa lagu xidhi kaadi qaade laga saari doono mudo maalin ah. Qaliinka ka dib waxa la kantaroolayaa daqadka hooyada, iyo waxyaaleha kale. Dhiiga ka imanaaya ilma galeenku waa sida kan dhalmada caadiga ah guntimahuna waa sidaad oo kale. Qaliinka waa mid caloosha lagu jeexaayo iyadoo xanuun keenta ka dib. Markaas ayaa caawimo badan loo baahnaan karaa bilowga. Xataa hadii aad dareemaayo inay agat tahay ayaanay haboonay in laga waabto in caawimo la weydiisto marka loo baahdo. Marka ugu horeysa ee qaliinka la dhameeyo ayaa ilmaha isagoo qaawan la saarayaa naasaha hooyada. Aabaha ayaa isna ka ag dhow isagoo ilmaha qaban kara. In dubka dubka la isku saaro waa u muhiim ilmaha iyo waalidkaba si ay iskugu dhawaadaan oo ay isku bartaan. Si kastaba ha u adkaatee waxa wanaagsan in lugaha la isku istaago. Waxa ay dadejisaa bogsiga iyadoo wanaajisana wareega dhiiga. Shaqaalaha weydiiso caawimo sidaad marka ugu horeysa u istaagto. Si aad isku dejiso oo aad u hesho hab naasnuujineed oo wanaagsan ayay muhiim tahay xanuun jabintu. Shaqaalaha jooga cisbitaalka dhalmada (BB) ayaa diyaar u ah inay ku siiyaan gargaarka aad u baahan tahay. Ha ka warwarin inaad caawimo weydiisato! Todobaadada ugu horeeya ayaad iska ilaalin doontaa inaad qaado wax ka culus ilmaha.

Umul adag oo warwar badan Marmarka qaarkood waxa jira fikri iyo walaac ku sabsan dhalmada. Si loo maareeyo horena looga sii socdo ayay wanaagsan tahay in lala hadlo umulisada iyo marmarka qaarkood dhakhtarka la joogay dhalmada. Khaasatan waxay taasi muhiim tahay hadii aad dareentey umul adag oo warwar badan. Taas waxa sidoo kale ay khuseysaa dhigaaga.

Qeybta carruurta dhalatay Agagaarka cisbitaalka dhalmada (BB)- iyo qeybta dhalmada waxa ku yaala qeybta carruurta dhalatay halkaas oo carruurta dhiciska ah iyo kuwa xanuunsanaaya lagu daaweeyo. Waxa halkaa ka shaqeeya kalkaalisooyin, kalkaalisooyinka carruurta iyo dhakhaatiir leh khibrad gaar ah. Ku dhawaanshahaa qeybta dhalmada ayaa sahlaaya in carruurta hada soo dhalatay ee aan caafimadka qabin umusha ka dib ay helaan caawimada iyo hawgalka daaweynta ay u baahan yihiin. Marmarka qaarkood ayaa loo baahan karaa in wakhti kooban ama mid dheer ilmaha la dhigo qeybta carruurta dhalatay. Waalid ahaan waxaad ku galaysaa xaalad kugu cusub. Ilmaha waxa lagu ridi karaa quraarad iyadoo shaashado badan ay la socdaan lana siinaayo daaweyn kala duwan. Waalid ahaan waxaad tihiin cida ugu muhiimsan ilmahiina. Sidaas daraadeed waxaanu ku dadaaleynaa inaanu idin siinayno fursada ugu badan ee aad kula joogaysaan ilmahiina oo aad ku daryeelaysaan. Bixiyayaasha caanaha naaska Carruurta dhiciska ah waxa u fiican inay helaan caanaha naaska. Sidaas daraadeed ayaanu aad uga mahad celinaynaa inaanu ka iibsano caanaha naaska hooyooyinka cusub ee leh wax ka badan. Cisbitaalka dhalmada (BB) iyo qeybta carruurta dhalatay waxa yaala qoraal la yidhaa Adiga raba inaad noqoto bixiyaha caanaha naaska (Till dig som vill bli bröstmjölkgivare), qoraalkaa yar waxaad ka helaysaa warbixin dheerad ah. Waxa kale oo aad telefoonka 0470-58 84 51 kala xidhiidhi kartaa qeybta carruurta dhalatay.

In waalid la noqdo Is badel nolosha ah Wakhtiga ugu horeeya ee carruurta la helo ayaa inta badan dhib badan. Dareen aanad diyaarka u aheyn ayaa kuu imaan kara. Waxaa dareemi kartaa daal iyo warwar. Farxadii badneyd ee la sugaayey ayaa iyana imaan weyda. Hadii ay tahay ilmahii ugu horeeyay ayaa inaya noqon doontaa isbadel nolol cusub. Nolol caruur wadata. Markii hore waxaad malaha haysatey nolol xor ah oo madax banaan oo wax badan aad qabaneysay. Hada waxaad la qabsaneysaa nolol xadeysan oo xidhxidhan halkaas oo baahida ilmahu wado. Waxa laga yaabaa inay sidoo kale aheyd umul dhibaato leh, ama waxa haysataa warwar iyo dhibaatooyin kale oo ku dhibaaya. Hooyo ahaan waxa sidoo kale ku saamey kara isbadelka hormoonka dhacaaya dhalmada ka dib kaas oo maalmaha hore saameyn ku leh dabeecadaada. Khaasatan maalinta saddexaad dhalmada ka dib iyadoo la dareemaayo diiq. Iskeed ayay taasi iskaga tagtaa laakiin waxa fiican in sidaas ay ogsoon yihiin hooyada iyo cid garabkeeda taaganba. Hadii la dareemaayo niyad jab iyo diiq dhalmada ka dib taas oo aan iskeed u tagin ayaa loo baahan karaa caawimo. Adiga dartaa iyo ilmahaaga awgeedba. Waa muhiim in loo sheego kalkaalisad xarunta daryeelka carruurta waxaad dareemayso si caawimo loo helo.

Wakhtigaad wada joogtaan Bilowga waxa wanaagsan in wakhti la isa siiyo si aad isku barataan ilmaha oo aad doorkaaga waalidnimo uga soo baxdo. Aad isla jaan qaadaan. Marka hurdada habeenkii ay goosgoss noqoto ayaa daal la dareemi karaa. Markaas ayay fiican tahay in la helo fursad lagu soo kabto oo lagu nasto maalintii. Raaxeyso oo naso mudo marka uu ilmahu hurdo. Marmarka qaarkood dad badan ayaa raba inay kuu yimaadaan oo ay idin soo salaamaan markaad ka soo baxdo cisbitaalka dhalmada (BB). Isku dey markaa inaad ka fikirto in adigu aad go aaminayso marka ay booqashadu ku haboon tahay. Wakhti badan ayaa jiri doona oo ay dadka kale ku baran doonaan ilmahaaga. Marka aad adiga iyo ilmahuba hesheen isla jaan qaadkiina maalinlaha ah oo aad is barateen ayaad dareemi kartaan in booqashadu fiican tahay. Caawimo weydiiso markaad u baahan tahay Marmarka qaarkood ayay adkaan kartaa inaad waxwalba kaligaa qabsato. Xataa hadii aad tihiin laba howsha qeybsanaaya. Markaas ayay fiican tahay in cid idinka baxsan caawimo la weydiisto. Waxa noqon kartaa wax yar iyo wax weynba. In lala hadlo cid waayeela ah oo kale, cid cuntada sameysa, ama cid kale inay ilmaha wax yar hayso. In la yara seexdo aroortii ayaa noqon karta mid qiimo badan. In caawimo la dalbado ayaa ah mid aan in wax la qabsan kari waawey aan aheyn iyadoo farxad galineysa dadka kalena. Hadii kaalmo iyo caawimo la helo ayay dhib yaraan kartaa in awood cusub la helo.

Hadii sabirku uu dhamaado Dhamaan carruurta yaryar wey qeyliyaan ama ha yaraato ama ha badnaatee. Qaar ayay ka dhib yar tahay in la sasabo ama ka aamusan. Qaarkoodna waa ay ka kulkulul yihiin oo ay ka dhib yar tahay in laga xanaajiyo ama la dhibaateeyo. Carrurta qeyladoodu waa caadi iyadoo sabab badbaadada bin aadanka awgeed ah ay adag tahay in la iska dhaga tiro. Sidaas daradeed ayay qeylada caloosha loogu haynayaa. Waxa ay kicin kartaa dareemo badan iyadoo qofka weyn galinaysa walwal. Marka tijaabiso wax kasta oo aad sameyn karto; cunto, xafaayad, hurdo... oo uu wali ilmahu uu sii qeylinaayo. Ilmahaaga dareensii inaad halkaa jooogto. Ku qabo laabta agtaada. Is dhaqdhaqaaji, la jeedjeedso oo dhabarka u salaax. Miyaad dareemaysaa inaad xadkii qaraxa gaadhay oo aad u baahan tahay inaad adigu is dajiso. Kaga tag ilmaha qof kale ama dhig meel sugan hadii aad kali tahay qolkana ka bax. Tiri ilaa 10 oo hawo u qaado si buuxda. Waligaa ha ruxin ilmahaaga!

Maxaa dhacaaya markaad guriga timaado? Marka ilmahu uu dhasho ayaa fariin loo dirayaa xarunta caafimaadka ee aad doorateen. Waa inaad idinku markaad guriga timaadaan wacdaan. Markaa ayaa wakhti booqasho guriga ah laguu qabanayaa kaas oo dhaca hal todobaad gudahiis markaad ka soo laabateen cistitaalka dhalmada (BB). Marka guriga la idunku soo booqdo ayaad si degan jawaabo uga helaysaan su aalihiina iyo waxaad ka fikiraysaan. Sidaas daraadeed ayay muhiim u tahay in labada waalidba guriga joogaan marka ay kalkaalisada xarunta daryeelka carruurtu imanayso. Talo ahaan waxa fiican in la sii qorto su aalaha iyo waxaad ka fikiraysaan, sidaas ayay u dhib yaraanaysaa in waxaad ka fikirteen la xasuusto. Waalidiinta cusub waxay haystaan wax badan oo ay ka fikiraan. Dhamaan su aal walba waa la soo dhaweynayaa. Lambarka telefoonka xarunta daryeelka carruurta waxaad ka helaysaan bogga gobolka www.ltkronoberg.se ama qoraalka aad ka hesheen xarunta daryeelka hooyada, taas oo ku sabsan daryeelka caafimaadka carruurta.

Xuquuqda carruurta Heshiiska Qaramada Midoobey ee xuquuqda xaruurta, ta loo yaqaan heshiiska carruurta ayaa ah heshiis caalami ah oo wadamo badan oo dunida ah ka dhaxeeya. Waxa uu ka kooban tahay artikalo qeexaaya xuquuqda ay carruurtu leedahay. Fikirka guud ayaa ah in dhamaan carruurta dunidu ay iyagoo xor ah soo dhashaan iyo in dhamaan carruurtu ay siman yihiin. Arimaha ugu waa weyn heshiiska carruurta: Dhamaan carruurtu wa ay siman yihiin waana isku xuquuq. Carruurta waxa dantooda ah ayaa leh ahmiyada koowaad waxqabad kasta oo carruurta saameeya. Dhamaan carruurtu waxay leeyihiin xuquuq nololeed iyo inay sida taagtooda ah ugu horumaraan. Dhamaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay fikradooda dhiibtaan taas oo ay tahayna in la ixtiraaman.

Guud ahaan waxay tan micnaheedu tahay in: Danta carruurta ayaa ah arin muhiim ah oo markasta in laga fikiro ay tahay. Dhamaan carruurta, hablo iyo wiilalba, waxay leeyihiin xuuq isku mid ah iyagoo siman. Caruurtu waxay xaq u leeyihiin in la dhageysto iyo in dadka waayeelka ahi sida ugu fiican ugu daryeelaan. Dhamaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay sida taagtooda iyo tamartooda ah ugu horumaraan. Dhamaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin caafimaadka ugu wanaagsan ee suurto galka ah iyo xuquuqda daryeel caafimaad iyo daawo. Dhamaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin ciyaar iyo nasasho. Carruurta laxaadka la waxay leeyihiin xuquuqda la midka ah kuwa carruurta kale iyagoo xaqna u nolol buuxda oo u suurto galinaysa inay si buuxda bulshada uga qeyb qaataan. Caruurta waxay leeyihiin xuquuqda bay ad sugan iyadoo laga badbaadinaayo waxa dhaawici kara. Dadka waayeelka ah iyo carruurta toona maaha inay sinaba u dhaawacaan carruurta. Carruurtu waxay leeyihiin xaquuqda ay kula kulmayaan labadooda waalid, hadii ay suurto gal tahay oo ay ilmaha u wanaagsan tahay. Labada waalidba waa ka masuul korinta iyo horumarinta ilmaha ilaa uu ilmahu gaadhaayo 18 jir iyadoo loo eegayn inay waalidiintu la degan yihiin iyo in kale. Waalidiinta waxay xaq u leeyihiin gargaar bulshada si ilmaha sida ugu fiican loogu daryeelo.

1177 talo iyo daryeel bogga internedka iyo telefoonka ah. 1177 waxay bixinayaan talo iyo daryeel habeen iyo maalinba oo bogga internedka iyo telefoonka ah, oo Iswiidhan oo dhan ah. Waxa ka danbeaya 1177 daryeelka caafimaadka ee Iswiidhan iyagoo la shaqeynaaya dhamaan maamulada degaanka iyo gobolada. Waxa 177.se ku yaala kumanaan qoraal ah oo cudurada kala duwan ku sabsan, dhibaatooyinkam baadhitaanada iyo daaweynta. Waxa 1177.se ku jira adeega weydiinta su aalaha, halkaas oo adigoon qarsoon aad su aalo weydiin karto oo aad jawaab gaar ahna ka heli karto khuburada dalka ku baahsan. Waxa kale oo aad ka raadsan kartaa kana heli doontaa daryeel Iswiidhan oo dhan iyadoo aad isticmaali adeega-e ee degmada si aad daryeelka ula xidhiidho. Boga 1177.se waxay bixinayaan warbixin sugan oo si dhibyar loo isticmali karo. Bogga internedka 1177.se Marka ilme la sugaayo ama lagu dhalo Kronoberg Wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ogaato waxa lagu soo ururiyay macduuc iyadoo ah 1177.se.

Bogga internedka ee Carruurta iyo dhalmada ayaanu ku soo ururinay xogta, talada iyo gargaarka ku sabsan caafimaadka ilmaha. Halkaas ayaad ka helaysaa filimo, warbixin iyadoo aad dadka kale la wadaagi karto sheekadooda iyo waayo aragnimadooda. Tag www.1177.se/kronoberg oo riix Temasidor iyo Att vänta och föda barn i Kronoberg ama Barn och föräldrar.