Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary (oo marka magaciisa la soo gaabsho afka qalaad loogu yeero COPD) Tilmaame dag dag ah oo fudud oo ku saabsan cudurka sambabada ee COPD looguna tala galay bukaanada la il daran cudurkan.
RESP-11-76 Afkaarta ku sharaxan dukumiintigaan waxaa iska leh dadkii alifay ee maahan afkaar ka turjumaysa waxa shirkadu aaminsan tahay. Dukumiintigaan waxaa lagu soo saaray iskaashi dhex maray Digital Context AB iyo dhaqaatiirta kala ah Eva Pilman ee Helsingborg iyo Bo-Anders Paradis ee Kristianstad. Boehringer Ingelheim AB Liljeholmsstranden 3 Box 47608 117 94 Stockholm Sverige 08-721 21 00 Digital Context AB 2011 ISBN 978-91-979771-4-2 Design Digital Context AB Tryckt i Malmö Tryckfolket
Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary oo kooban (COPD) Waxaad qabtaa xanuun loo yaqaano cudurka daran ee ku dhaca xididka loo yaqaano pulmonary kaasoo marka magaciisa la soo koobo afka qalaad loo yaqaano COPD, taasoo macnaheedu tahay in shaqada sambabadaadu ay cilladaysan tahay. Sababta ugu badan ee keenta COPD waa cabbida sigaarka. Sambabadu waxay noqdaan kuwo bararsan oo duleeladooda hawadu ay marto ay dhuudhuuban yihiin, taasoo neefta in dibada si buuxda loogu soo saaro mid adag ka dhigaysa, inta badana keenta diif badan. Duleelada yaryar ee ku yaala sambabada ee hawadu xididada dhiiga uga darmato ayaa sidoo kale dhaawacma. Dad badan oo cabba sigaarka ayaa qaada COPD ayagoon ogaan. Dhaawaca soo gaara sambabada lama bogseyn karo, laakiin daraasaad dheeri ah ayaa muujiyay in daawooyinka casriga ah ay saamayn ku yeelan karaan shaqada sambabka, tayada nolosha, sii darsashada (xoogaysiga cudurada) iyo dhimashada. COPD waxaa guud ahaan la qaadaa kadib markii sigaar la cabbo sanado badan, taasoo ah sababta guud ahaan loogu arko qofka marka uu dhaafo da da 40. COPD iyo in sigaarka la sii cabbo waxay keentaa in sida sababku u shaqeeyo ay si tartiib tartiib ah u xumaato, taasoo keenta neef yari aad uga sii daran sidii hore iyo hawo qaadashada oo xumaata. Calaamada ugu horeysa ee ugu badan ee lagu garto waa neef tuurid taasoo sababta keenta ay tahay howl la qabto jismiyan. Calaamadaha kale ee hore ee lagu garto waa qufac (xaako leh ama aan lahayn), daal badan iyo infekshino soo noqnoqda oo ku dhaca duleelada hawadu marto. Qufaca dadka sigaarka cabba wuxuu noqon karaa calaamad hore oo lagu garto COPD. Inta badan bukaanada COPD waxay qabaan nooc dhexdhexaad ah oo cudurkan ah. Waxaa muhiim ah in la ogaado durba marka qofi cudurka qaado iyo in aan lagu qaldin cudurka neefta. Dad badan oo lagu soo sheegay in ay qabaan neef ayaa run ahaantii waxay qabaan COPD. COPD waxaa lagu ogaadaa tijaabo laga qaado sida sambabku u shaqeynayo ayadoo la isticmaalayo aalad gaar ah oo tijaabadaa loo isticmaalo loona yaqaano spirometer, tijaabadaasoo lagu qaadi karo inta badan xarumaha caafimaadka ee kuyaala wadanka Sweden. Daaweynta ugu weyn ee COPD waa in la joojiyo sigaar cabbida. Waxaa aad muhiim u ah inaad joojiso! Waad roonaanaysaa, waxaana siyaadaysa sixadaada. Marna ma aadan ka daahin inaad joojiso dhuuqida sigaarka, si kasta oo jiradaadu u xun tahay! Qof si dhexdhexaad ah loo asiibay ee misna joojiya sigaarka, waxay arintaasi u horseedaa nolol jismiyan firfircoon halka qaadashada daawooyinka loo soo qorayna ay u horseedo sanado badan oo ah nolol baraare ah. Waxaa jira laba nooc oo ah daawooyin lagu horumariyo shaqada sambabka qofka qaba COPD waxayna kala yihiin: bronchodilators iyo anti-inflammatories. Tilmaameyaasha qaranka Sweden waxaa kujirta in dufcada ugu horeysa ee daaweynta COPD-ga calaamadihiisu muuqdaan ay tahay anticholinergics muddo dheer la qaato. Daawooyinkaan waxaa guud ahaan la qaataa ayadoo la isticmaalayo qalab si neefsasho ah loogu dhuuqo (inhalers). Daaweyntu waxay gacan ka gaysataa in duleelada neeftu marto ay ballaartaan, taasoo neefsashada ka dhigta mid fudud, isla markaana dhinta sii darsashada. Waxaa sidoo kale jira daawooyin kale oo isku jir ah kuwaasoo ka kooban bronchodilator iyo antiinflammatory labadaba. Tillaabo kale oo muhiim ah waa in la qaato tallaalka hargabka iyo kan qaar jeexa. Jimicsi joogto ah iyo raashin enerji badan leh oo la qaato waxay keenaan isbadal weyn. Eeg sirta jimicsiga ee kutaala dhabarka dukumiintigaan. 3
Waa maxay COPD? Maxaa ku dhaca sambabada? COPD waxay horseedaa in shaqada sambabku xumaato. Waxaa dhuudhuubta duleelada hawadu marto oo sidoo kalena noqda kuwo xanuun leh. Waxaa jira laba nooc oo ah cudurkaan: boronkiito daran iyo neef qabasho (emphysema). Boronkiitada daran waa xanuun muddo dheer qaata oo ku dhaca qeyb ka mid ah sambabka qeybtaas oo ah halka ay ku yaalaan duleelada yaryar ee hawadu marto. Boronkiito waxay keentaa qufac iyo xaako. Emphysema waxaa macnaheedu yahay in hilibka sambabku dhaawacan yahay isla markaana duleelada yaryar ay burbureen, taasoo keenta in hawo aan ku filnayn qofka ay u gudubto xididada dhiiga inta ay ka timaado sambabada. Marka qofku qabo COPD, xanuunka duleelada hawadu marto wuxuu noqdaa mid joogto ah sambabaduna weligood uma shaqeeyaan si caadi ah. Tani waa ay ka duwan tahay cudurka neefta, oo leh xilliyo calaamado la aan ah shaqada sambabkuna ay badanaa caadi tahay ayna aad u kala duwan tahay. Waxaa muhiim ah in la kala sooco neef iyo COPD, maadaama daaweyntooda iyo calaamadahoodu ay intuba kala duwan yihiin. Qeyb ka mid ah sambabka oo caafimaad qabta Qeyb ka mid ah sambabka oo jirran Alveoli caafimaad qaba Alveoli jirran 4
Waa maxay COPD? Qaab dhismeedka sambabada Sambabadu waxay ka kooban yihiin hilibka sambabka, duleelada hawadu qaado iyo meelaha hawadu gasho. Gidaarada gudaha ee duleelada hawadu marto waxaa ku dahaaran xuub diif oo leh timo yaryar kuwaasoo qabta isla markaana saara wixii saxar ah oo wasaqaysan. Dhuunta hawadu soo marto (hunguriga) waxay u kala baxdaa la qeybood oo midba sambab aado. Qeyb walba ayaa hadana waxay usii kala baxdaa duleelo aad u yaryar oo hawadu marto shaxda dhuunta sambabka timaada. Duleelada ugu yaryar ee hawadu marto waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa (bronchioles). Caleemaha shaxda dhuunta sambabka timaada waxaa iyana afka qalaad lagu yiraahdaa (alveoli), halkaas oo hawada oksijiinta iyo tan loo yaqaano karbon dhaayoksaaydhku isku weydaartaan. Qofka qaba COPD, duleelada hawadu marto waa ay xanuunaan, natiijaduna waxay noqotaa in diif badan uu dhasho duleelada hawadu martana ay dhuudhuubtaan. Neef qabashada cudurkan qofkii ay ku dhacdo, dhuunta sambabka timaada ayaa kala jajabta oo waxay noqotaa godad balballaaran. Arintani waxay wax u dhintaa isweydaarsiga hawooyinka, taasoo horseeda neefta oo qofka ku yaraata markii u shaqo jismiyan ah qabto. Waxaa sidoo kale waxyeelooba laastiignimada iyo qaab dhismeedyada xoojinta, taasoo iyana ciriiri galisa neefsashada. Qeybta Trachea Qeybta Bronchi Shaxda Bronchial Alveoli Bronchioles 5
Side loo gartaa COPD? Calaamadihiisa sidee loo ogaadaa COPD si aayar ah ayuu dadka ugu dhacaa waxaana laga yaabaa in calaamadihiisu aysan soo daahirin sanado badan. Cudurkaan waxaa loo kala qeybiyaa afar marxaladood: I, II, III iyo IV. Neef ta oo yar Calaamada ugu horeysa ee inta badan la arko waa neefta oo yar. Tani si ayaar ah ayay u soo baxdaa waxaana marka ugu horeysa si guud loo ogaadaa marka howl si jismiyan ah loo qabto. Markaan neef la aanta waxaa sidoo kale la dareema marka xitaa howshu yar tahay. Bukaanadu waxay inta badan ula qabsadaan howshooda si waafaqsan arintan, marka waa waqti ka hor inta ay ka ogaanayaan calaamadahooda. Arintani waxay adkaysaa in cudurka la ogaado inta uu marayo marxalad hore. Qufac Qufacu waa calaamad kale oo si guud loo ogaado. Subaxii ayuu aad u daran yahay badanaa wuxuuna yeelan karaa xaako badan. Xaakadaan caadiyan waa caddahay ama waa yara madoowdahay; hadii ay cagaaran tahay ama jaale ay tahay, tani waxay noqon kartaa calaamad infekshin. Bukaanada qaba COPD waxay badanaa dareemaan xanuuno dabadheeraada ama soo noqnoqda. Waxay dabadeed sabab u noqdaan neef yari, qufac iyo xaako. Sii darsashadu waxay calaamad u tahay sixo yari. Daalka iyo qeylada xiiqda dheer ayaa ah calaamado guud oo lagu garto COPD. 6
Sidee lagu gartaa COPD? Ayadoo la adeegsanayo spirometry Tijaabo laga qaado sida sambabku u shaqeeynayo ayaa loo baahan yahay si lagu garto COPD. Waxaa tijaabadaan lagu qaadi karaa xarunta caafimaad ee aad iska daweyso ayadoo la isticmaalayo spirometer. Tijaabadaan ayaan loo qaadin in lagu garto COPD kaliya balse waxaa sidoo kale loo qaadaa in lagu garto sida sambabadaadu u waxyeeloobeen. Tijaabadaan waxaa guud ahaan sameeya kalkaaliso si gaar ah u tababaran waxayna qaadataa qiyaastii 20 daqiiqo. Waxaad u afuufaysaa si ku celcelis ah goome ku dhaggan aalad cabbir ka qaada mugga sambabkaaga. Dhaqtarkaaga ayaa qiimeyn ku samayn kara natiijooyinka sheegina kara marxalada cudurku marayo (I, II, III ama IV). 7
Side lagu gartaa COPD? Natiijooyinka spirometry FEV1 waa cabbir muujiya sida sambabkaagu u waxyeeloobay. Wuxuu muujiyaa inta litir oo hawo ah ee aad sii deyn kartid halkii ilbiriqsi markii aad aad u afuufto. Waxaa jira shax loogu tala galay cabbirada caadiga ah ayadoo arintani ku xiran tahay rag iyo dumar kan qofku yahay, da da, dheerarka iyo qabiilka qofku asal ahaan ka soo jeedo. FEV1-kaaga waxaa lagu sharaxaa boqolkiiba intaas marka loo bar bar dhigo cabbirka caadiga ah ee la saadaaliyay. Aalada dikaanka (ama Pulse oximetry) waxaa loo isticmaalaa in lagu cabbiro inta oksijiin ku jirta dhiigaaga, taasoo muhiin u ah in ay xadido COPD. Hadba sida cudurku u daran yahay, ayaa halistu u weyn tahay marka heerka oksijiinta dhiiga ku jirta uu hooseeyo, gaar ahaan marka infekshinku sii xumaanayo. Bukaan qaba COPD oo kujira marxalad daggan waa in heerka oksijiinkiisu gaaro in ka badan 92%. Socoshada (l/s) Mugga (l) FEV1 > 80% FEV1 60 79% FEV1 40 59% FEV1 < 40% Sambabka oo si caadi ah u shaqeynaya COPD dhexdhexaad ah COPD dhexdhexaad ah COPD daran 8
Daaweyn Joojinta sigaar cabidda Joojinta sigaar cabidda waa waxa ugu muhiimsan ee lagu daaweeyo COPD. Hadii aad joojiso sigaarka, waad caafimaadaysaa sixadaaduna way kordhaysaa. Hadii aad qabto qufac aad ka qaaday sigaar, qufacaasi waa dhammaanayaa! Hadii aad qabto COPD, waad soo roonaanaysaa mana sii darsan doontid! Mar walba waa faaiido in aad joojiso sigaarka! Shaqada sambabka (%) Qof aan sigaar cabbin Awood beelid Geeri Joojinta sigaarka 45 sano jir ka dib Qof sigaar cabba Da da (sanado) 9
Daaweyn Waxyaabaha kaalmeeya joojinta sigaarka Daawooyinka waxaa soo qora dhaqaatiirta waxaa sidoo kalana lagu gadaa farmasiyeyaasha si gacan looga gaysto sidii dadku u joojin lahaayeen sigaarka. Daaweyn Nicotine (suntan sigaarka kujirta ee jirka qofka sigaarka cabba gasha) lagu badalayo waxay sare u qaadaa fursadahaaga aad ku joojinayso, waxayna taageero firfircoon siisaa qof ah sida kalkaaliye caafimaad halka joojinta aad joojisana ay aad muhiim u tahay oo ay sii kordhiso fursadaha guusha. Qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka iyo isbitaalo badan ayaa waxay leeyihiin qeybo sigaarka dadka looga gooyo. Daaweynta lagu baddalaayo Nicotine sida isticmaalida xanjada, daawooyinka sanka lagu buufsho, etc waxay fududeyn kartaa joojinta sigaar dhuuqida. Ugu yaraan 15% dadka ayaan sigaarka cabbidiisa dib ugu noqon 12 kadib marka ay joojiyaan. Waxaa sidoo kale jira daawooyin dhaqaatiirtu dadka u qoraan kuwaasoo maskaxda gudaheeda siyaabo kala duwan ugu shaqeeya si ay u dhimaan baahida badan ee tubaakada. Waanada iyo siyaabaha dabeecad bedelitaanka ayaa muujiya inay si fiican u bedeli karaan natiijada daawo istricmaalka. Tiro aad u yar oo dadka sigaarka iska daaya ah dib bay u bilaabaan hadana sanad gudihii. Badiba dadku waxay tijaabiyaan 3-4 jeer in ay joojiyaan inta aanay ku guuleysan inay si toos ah uga go aan. Inta ugu badan ee aad tijaabisid inaad iska jarto cabitaanka sigaarka ayaa awood kuu siinaya inaad iska jarto cabitaanka. Ugu danbeyn, waa natiijada ugu danbaysa inaad ka madax banaanato sigaar cabbida- kaasi waa dadaal! Siyaabaha kale sida xaalada maskaxda ay ku sugantahay iyo cirbad ku duritaanka marmar ka qaarkood ah ayaa ku caawin kara. 10
Bogsiinta Daaweynta Inta badan daawooyinka lagu daaweyo COPD waxay ku yimaadan nooc buufis ahaan ah (sprays) loona isticmaalo ama aad neefsasho ku qaadan karto. Gidi waxaa loo isticmaala inay kaa bi iyaan dareenka aad qabto markaa, ta ugu weyn ee uu daaweeyo waa naqasku markuu kugu dhagan yahay. Waxaa loo dhigi karaa laba koox: sambab naqas ka siidaaye iyo ka hor tag. Sambab naqas ka siidaaye Sambab naqas ka siidaaye waa daaweynta ugu muhiimsan ee COPD. Waxay yareeysaa naqas kudhegga waxayn noqon kartaa mid waqti gaaban ku shaqeeysa amaba mid waqti dheer ku shaqeeysa. Waxaa jira laba nooc oo ah sambab naqaska kasiidaaye oo u shaqeeya siyaabo kala duwan: mid la yidhaahdo beta-2 agonists iyo anticholinergics. Ha yadaha Swedhishka ee Daawoyinka waxay soo jeediyeen in daawooyinka- mudada gaaban ku shaqeeya ay ku fiican yihiin isticmaalka marka uu qofku u baahdo. Daawoyinka mudada- dheer ku shaqeeyana ay ku ficaan yihiin in malin walba loo isticmaalo, halka daawada waqtiga dheer ka bacdi shaqeeysa ee loo yaqaano anticholinergics loo isticmaalo si deg deg ah. Isbedel dheerad ahna waxaa la heli kara marka la isku daro daawoyinka wakhtiga dheer kadib shaqeeya (anticholinergic) iyo kuwa mudada dheer shaqeeya ee loo yaqaano beta-2 agonist. Kahortag Ka hortaga wuxuu badiba yahay corticosteroids wuxuuna ku yimaadaa qaab buufis ah amaba afka laga qaato sidii neef ahaan. Daawoyinka afka sidii neef ahaanta looga qaato amaba la isaga buufiyo afka waxay aad uga shaqeeyaan xiiqda waxaana ay u noqon karaan muhiim qofka qaba COPD, badiba kuwaasi waa COPD ga daran kuwa lagula tacaalo (waxayna ka yar yihiin 50% qiimaha loo malaynaayo) waxayna sidoo kale wax ka taraan sii darsashada soo noqnoqota. Badhiitaanada qaarkood ee daawooyinka la neefsado wuxuu muujiyaa nolol tayo leh wuxuuna yareeyaa siidii loo darsi lahaa. Daawooyinka la neefsado waxaa ka mid ah waxyaabo la isu geegeeyay kuwaasoo lala isticmaali karo daawooyinka la neefsado, lana mid ah kuwa loo isticmaali karo dadka qaba COPD iyo kuwa leh sii darsashada soo noqnoqota. Daawooyinkan la isku daray waxay ka mid yihiin steroids iyo bronchodilators. 11
Bogsiin Daawoyinka kale Talaal Dadka qaba COPD waa in laga talaalaa ka hor tagga durayga sanad walba laguna talaalo ka hortagga qaar jeexa hal mar shantii sanadood. Jimicsi Jimicsigu wuxuu caawiyaa dadka qaba COPD si ay in badan u sameeyan iyo in ay yeeshan nolol ta ugu fiican. Dadka jimicsiga dadka ku daaweeya ayaa durba kaa caawin kara jimicsiga (fiiri faahfaahintan kutaala warqadan gadaasheeda). Socodku waa muhiim! Dadka ku takhasusay jimicsiga waxay u caawin karaan bukaanka siyaabo kala duwan. Daqaatiirta takhasuska u leh ayaa kaa caawin karta sidii aad u samayn lahayd dhawr shay sida sharabaadkaaga inaad kor u qaado. Waxay sidoo kale kaa caawin karaan la qabsiga gurigaaga si macluumaadka aad ugu heshid si fudud galida suuliga qubayska ama leexinta wixii jid gooyo ah tusaale ahaan. Raashinka bukaano badan oo qaba COPD ayaa macaluula. Qof ku takhasusay raashinka iyo nafaqooyinka laga helo cunnooyinka kala gadisan wuxuu ku siin karaa waano ku saabsan raashinka ay tahay inaad qaadato wuxuuna kuu qori karaa cabbitaano nafaqo leh. Oksijiin Oksijiin waxaa laga yaabaa in ay ku habboon tahay bukaanada qaba COPD iyo kuwa heerarkooda oksijiintu hooseeyaan. Qalliin Qalliin waxaa laga yaabaa inuusan ku habboonayn bukaanada qaba COPD daran iyo neef qabatin qalliinkaasoo ay tahay in lagu saaro hilibka dhaawacmay. 12
Daawayn Sirta Jimicsiga Neefsiga bishimo cadaadsan waa hab wanaagsan oo adoo aad u daggan loo neefsado, sidaasoo sidoo kale qotto dheer oo kugu filan. Si tartiib ah uga neefso sanka iyo bishimaha oo cadaadsan sidii adigoo foorinaaya. Dhowr jeer ku soo celceli neefsigaas illaa aad ka dareentid in neefsigaagu uu dagaayo. Fikir ahaan waa inaad xeeshaan isticmaashid marka aad firfircoon tahay xitaa, maahan inaad isticmaashid marka aad nasanayso oo qura. Qufaca shanqarta dheer waa hab xaakada si aad u fudud loogu sifeeyo. Markii aad neefta qaadato, si xoog ah uga soo saar afkaaga oo furan sidii adigoo ookiyaale naqaska afkaaga ka imaanaya ku nadiifinaya. Sidoo kale waxaad isku dayi kartaa inaad u neefsato si ay ku jirto shanqar kale, taasoo dhalisa qaraac yar oo ku jira duleelada hawadu marto, taasoo sahlaysa in xaakadu qufac ku soo baxdo. Si fiican inaad u joogsato waxay muhiim u tahay neefsigaaga. Fidi laf dhabartaada oo gacmahaaga gee dhabarkaaga gadaashiisa. Si aayar ah u neefso oo fidi wixii muruq adag ah oo ku yaala xabadkaaga. Sidaa markaad yeesho waxaa laga yaabaa in neefsashadaadu noqoto mid fudud. Jimcinta qeybta sare ee jirkaaga waxay caawin kartaa in murquhu istareexaan waxayna arintaasi kugu wargalisaa in aad aad u ogaato farqiga u dhexeeya murqaha kacsan iyo kuwa daggan. Cagahaaga ku istaag adigoo dhulka ku xoojinya oo si tartiib ah qaarkaaga sare u qallooci dhinac ka dhinac. Waa inaad dareento in aad tuubo weyn hareereheeda aad isku xoqeysid oo kale. Gacmaha dabci oo u lulmo si dabiici ah marka aad dhaqaaqeyso. Marka aad nasanayso, neefsashadaada waxay noqon doontaa mid fudud oo dadaal yari ku baxo. Shay gacmaha kula taagso, shaygaas oo ah sida dariishada ama bir o kale. Isku day inaadan soo godin garbahaaga, oo u dabci gacmahaaga iyo garbahaaga sida ugu macquulsan. Isticmaal neefsiga bishimahu cadaadsan yihiin sidii kor lagu soo xusay oo kale. Faraha ku taabo garbaha oo si tartiib ah goobooyin u qor adigoo adeegsanaya suxulada oo weliba qaabka bishimaha adag u neefsanaya. Dhabar dhabar u seexo adigoo jilbahaagu godan yihiin cagahaaguna si fidsan ay dhulka u yaalaan. Hada marka gacmahaaga usoo qaad dhanka jilbaha, ku cadaadi qeybta dambe ee dhabarkaaga shamiitada, lafta garkana xabadka. Si bishimuhu adag yihiin u neefso marka aad horay soo gaareyso oo neef qaado mar kale marka aad mar kale ku nasanayso shamiitada. Waxaa jira hawlo kale oo badan oo wanaajin kara caafimaadkaaga. Waxaa ka mid ah Socodka Nordic, dabaasha iyo baaskiil wadoowga. Lugayntuna waxay sidoo kale kaa dhigtaa qof sidii hore jirkiisu ka dhisan yahay. 13
Saamaynta daaweynta Waa muhiim in la qiimeeyo saamaynta daawada laba illaa saddex bilood ka dib. Daaweynta waxaa la fili karaa inay fududayso calaamadaha. Waa in ay dhinto neef yarida marka loo eego waxyaabaha kale oo idil, balse waa inaad sidoo kale qufaca ka soo kabato. sidoo kale laga yaabaa in sii darsashadu hoos u dhacdo, mararka qaarna qalabka sida sambabadu u shaqeynayaan lagu eego wuxuu muujiyaa in sida sambabku u shaqeynayo ay soo roonaatay. Daaweyntu waxay sidoo kale ku caawin kartaa bukaanadu inay ku raaxaystaan nolo leh tayo intii hore ka wanaagsan. Waxaad heleysaa enerji aad ku qabato wax aadan markii hore qaban jirin. Qaar ka mid ah daawooyinka waxay awood kuu siiyaan inaad culeys intii hore kabadan isa saartid, taasoo kuu sahlaysa fuulitaanka jaranjarooyinka ama inaad mashiinka roogaga lagu xaaqo wax ku xaaqdid. Waxaad dabcan dareentaa inaad tahay qof sidii hore ka dhisan kana xooggan. Waxaa 14
Waxaa muhiim ah in la ta kiidiyo in dadka qaba COPD ay badankoodu qabaan cudurkaas oo heer dhexe ah kaasoo hadii si saxan loo daweeyo u saamixi doona inay ku noolaadaan nolol caadi ah ama caadi u dhow. Qof si dhexdhexaad ah loo saameeyay oo hadana joojiya sigaarka waxay arintaasi u horseedaa nolol jismiyan firfircoon halka hadii uu qaato daawooyinka loo soo qorayna uu filan karo sanado badan oo uu ku noolaado baraare. Föreliggande häfte är framtaget i samarbete med Eva Pilman, Distriktsläkare, Helsingborg och Bo-Anders Paradis, läkare och verksamhetschef, Näsby Vårdcentral, Kristianstad. Syftet är att ge lättillgänglig och översiktlig information om lungsjukdomen KOL. Boehringer Ingelheim AB, Box 47608, 117 94 Stockholm, Tel: 08-721 21 00, Fax: 08-710 98 84 www.boehringer-ingelheim.se www.kol.se