Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Relevanta dokument
Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Ku soo dhawaadda shaqada

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Dulqaaxumo Intolerans

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Sida loo dhiso jaaliyad

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Transportyrken på sju språk

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Somaliska. Barn älskar böcker

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

QAWAANIINTA. dugsiga xanaanada, xilli firaaqaha iyo hawlaha wax-barida ee degmada Alingsås

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Hage-haaga bangiga internetka. Ku soo dhawoow. Halkani way furantahay mar kasta.

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Wakiilka takooridda DO

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

-Haddii aad qabto su aalo kale oo dheeraad ah, waydii dhakhtarkaaga ama shaqaalaha farmasiiga

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Ku soo dhowow Laholm

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Välkommen till Tingsryds kommun! Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

Madax xanuunka (huvudvärk).

VÄL Vänersborgs kommuns lärplattform

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Översatt av Sahro Aden Dulle

Delaktighet. för integration. att stimulera integrationsprocessen för somalisktalande i Sverige 1999:4

Senast uppdaterad Svenska-engelska-somaliska arbetsmarknadsordlista

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Hagidda kala soocidda

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Warbixinta ka qaybqaatayaasha

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Bra mat för barn mellan ett och två år. u dhaxeeyo hal sano iyo labo sano

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa.

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Habkaan ayaa uu buuxinee foomka Soo bandhigida bisha oo loogu tala galay lacagta daganaanshada Shaqo goobe

Fasaxa xilliga xagaaga & deegaanka xagaaga 2018

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

Macluumaad ku socda qoyska cusub

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

Transkript:

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn] Haddii aad tahay dhallinyaro, dakhligaaguna hooseeyo waxa aad heli kartaa kaalmada kirada guriga. Inta aad helaysaa waxa ay ku xidhan tahay dakhligaaga, qarashaadka deegaankaaga iyo weynida meesha aad deggan tahay. Waxa aad ku dalbanaysaa kaalmada adiga oo ka duulaya dakhliyada aad filayso in aad helayso sannadkaas lagu jiro oo dhan. Haddii aad hesho dakhli ka badan wixii aad ku xisaabtantay, waxa aad soo celin kartaa lacag, haddiise aad hesho dakhli ka yar wixii aad ku xisaabsantay, kaalmo dheeraad ah ayaad gadaal ka heli kartaa. Qoraalka warqadan waxa lagu sharraxayaa shuruucda kaalmada kirada guriga. Dabadeedna waxa ku xigaya jaantusyo kaa caawinaya in aaad xisaabiso bal in aad xaq u leedahay kaalmada kirada guriga iyo markaa inta aad heli karto. Waxa aad toos u aadi kartaa jaantusyada kaalmada kirada guriga ee ku meelgaadhka ah si aad u ogaato qiyaastii inta ay le ekaanayso kaalmada aad helaysaa. Laakiin ka feker qarashka guriga ee aad ku xisaabtamayso marka aad kaalmada dalbanayso in aanay mar walba ahaanayn qarashkaaga dhabta ah. Waxa aad kasii akhrin kartaa arrinkan qoraalka ah Bostad och bostadskostnad [ guriga iyo qarashka guriga ]. Dhallinyarada aan carruurta lahayn, kuwee helaya kaalmada kirada guriga [Vilka ungdomar utan barn kan få bostadsbidrag?] Waxaad kaalmada kirada guriga heli kartaa haddii aad buuxisay 18 sano aadanse weli gaarin 29 sano. Dadka isqaba ama wehel isula nool waa in da'doodu ka hooseysaa 29 sano. Waa in aad deggan tahay guri aad adigu ku qoran tahay (heshiis gacanlabaad oo ruqseysan waa la oggol yahay) oo aad Sverige uga diiwansan tahay adareeska aad kaalmada ku codsaneyso. Waxaa dhacda in mararka qaarkood la iska dhaafo shuruudda diiwaanka dadweynaha.haddii aad Iswiidhan u timid waxbarasho, ma heli kartid sida caadiga ah kaalmada kirada guriga. Taasi kuma khuseyso haddii aad ka timid waddan kale oo ka tirsan waqooyiga Yurub. Haddii aad iska diiwaangeliso halkan inta aad waxbarashada ku jirto, xaq ayaad markaa u yeelan kartaa kaalmada kirada guriga. Ma heli kartid kaalmada kirada guriga haddii adiga, ninkaaga, naagtaada ama lanoolahaagu qaato lacag kirokab ah [bostadstillägg], ama uu dalbaday kirokab laakiin loogu diiday dakhligiisa oo sarreeya awgeed. 1 (8)

Inta ay le ekaanayso kaalmada aad helaysaa waxa ay ku xidhan tahay: Inta qof ee deggan guriga Qarashka guriga iyo bedka guriga Dakhliga iyo hantida. Intee in le eg ayaan u heli karaa kaalmo ahaan? [Hur mycket kan jag få i bidrag?] Waxa aad kaalmada kirada guriga heli kartaa ugu badnaan 1300 karoon bishiiba. Waxa aad kaalmo ku heli kartaa qarashaadka guriga ee ka sarreeya 1800 karoon bishiiba. Kuma heli kartid kaalmo qarashaadka guriga ee ka sarreeya 3600 karoon bishiiba. Kaalmo kuma helaysid guri bedkiisu ka badan 60 mitir oo laba jibbaaran. Ma heli kartid kaalmo haddii dakhliyadaadu ay ka sarreeyaan 86720 karoon sannadkii. Lammaanaha is qaba ama isla-noolayaasha ah, ma heli karaan kaalmo haddii isu geynta dakhligoodu ka sareeyo 103720 karoon sannadkii. Jaantuskan hoose, waxa lagu muujinayaa weynida qaybta qarashka guriga ee aad ku heli karto kaalmada. Qarashka guriga waxa lagu caddaynayaa karoon ahaan bishiiba. Qaybta qarashka guriga ee aad ku helayso kaalmada kirada guriga [Andel av bostadskostnader som du får bidrag för] Waxa aad kaalmo ku helaysaa 90% qarashaadka guriga ee u dhexeeya Waxa aad kaalmo ku helaysaa 65% qarashaadka guriga ee u dhexeeya 1800 iyo 2600 karoon 2600 iyo 3600 karoon Haddii aad leedahay dakhli sarreeya, waxa la yaraynayaa kaalmada kirada guriga [Har du höga inkomster minskas bostadsbidraget] Dakhliga ay Qasnadda caymisku [Försäkringskassan] isticmaalayso si ay u xisaabiso kaalmada kirada guriga ee aad helayso waxa lagu magacaabaa dakhliga lagu saleeyo kaalmada. Haddii aad qaadato amaahda iyo deeqda ardayda waxaad u soo sheegeysaa gebi ahaan kaalmada ardayda sidii dakhli lagu salayn karo kaalmo dhaqaale. (Kolka la xisaabinayo kaalmada kirada guriga waxay Försäkringskassan ku xisaabineysaa 80% lacagta aad soo sheegto). Dakhliyada kale ee lagu saleeyo kaalmada waxa ka mid ah tusaale ahaan mushaharka, gunnooyinka cashuurta laga bixiyo, gunnada shaqola aanta [arbetslöshetsersättning] iyo dakhliyada raasamaalka. Waxa aad ka sii akhrin kartaa sida loo xisaabinayo dakhliyada kala duwan, qoraalka ah Bostadsbidrag information om bostadskostnad och inkomst [ Kaalmada kirda guriga - warbixin ku saabsan qarashka guriga iyo dakhliga ]. Haddii aad keli u deggan tahay, waxa laga dhimayaa kaalmada saddex meelood meel ahaan qaybta ka mid ah dakhligaaga lagu saleeyo kaalmada ee ka sarraysa 42800 karoon. Lammaanaha is qaba ama isla-noolayaasha ah waxa laga jarayaa kaalmada, saddex meelood meel ahaan qaybta ka mid ah isugeynta dakhliga lagu saleeyo kaalmada ee qosyka ee ka sarraysa 58000 karoon. Kaalmada la xisaabiyo bishiiba waxa hoos loogu celinayaa boqollayda karoon ee ugu soo dhaw. 2 (8)

Tusaale Waxa aad deggan tahay keli, qarashkaaga guriguna waa 4000 karoon bishiiba. Kaalmada ugu sarraysaa waa 1300 karoon bishiiba. Waxa aad ku qiyaastay dakhligaaga lagu salaynayo kaalmada 50000 karoon, yacnii, wax 9000 karoon ka badan lacaga ah 41000 karoon. Saddex meelood meel ahaan ka mid ah 9000 karoon waa 3000 karoon. 3000 karoon oo loo qaybiyey 12 waxa ay noqonaysaa 250 karoon bishiiba. Kaalmada kirada guriga oo bil bil ah waxa loo xisaabinayaa sidan: Boqolkiiba 90 ka mid ah qarashka guriga oo u dhexeeya 1800 iyo 2600 karoon waa+ 720 Boqolkiiba 65 ka mid ah qarashka guriga oo u dhexeeya 2600 iyo 3600 karoo waa+ 650 Wadarta kaalmada ugu sarreysaa, karoon ahaan waa = 1370 Dakhli-jarku waa (9000/3) /12 250 Wadarta kaalmada = 1120 Kaalmada la soo shubayo = 1100 Dhamman dakhliyadaada sannadka gudihiisa waa la xisaabinayaa [Alla dina inkomster under året räknas] Dhamman dakhliyada ku soo gala laga bilaabo 1-da jenawari ilaa 31 diseember waa la xisaabinaya. Taas macneheedu waxa weeye, in dakhliyada aad hesho wakhtiyo aanad helayn kaalmada la xisaabinayo. Dakhliga waxa loo arkayaa mid si isle eg ugu qaybsan sannadka bilihiisa. Waxa aad mar walba xisaabinaysaa dakhliyada cashuurta laga rabo inta aan la cashuurin. Tusaale Wax ayaad baranaysaa sannadka oo dhan, waxaanad ku tashanaysaa in aad shaqayso xagaaga iyo fasaxyada qaarkood. Kaalmada waxbarashadu waa 12000 karoon xillidugsiyeedkiiba, waxaana dakhliga shaqada ku qiyaasaysaa 34000 karoon. Waxa kale oo aad ku tashanaysaa in aad iibiso saamiyo aad ku xisaabtamayso in aad ka hesho 2000 karoon oo macaash raasamaal ah. Markaa dakhliga lagu saleeyo kaalmadu wuxu noqonayaa 55200 karoon. Kaalmada waxbarasha 19200 kr (80 % x 24000 kr) Mushahar 34000 kr Macaashka raasamaalka 2000 kr = 55200 kr sannadka oo dhan 55200 oo loo qaybiyey 12 waa 4600, kaas oo ah dakhliga aynu ku xisaabtamayno in aad helayso bil kasta. 3 (8)

Kaalmo ku meelgaadh ah iyo mid kama dambays ah [Preliminärt och slutligt bidrag] Kaalmada kirada guriga ee aad helaysaa waa kaalmo ku meelgaadh ah. Taas macneheedu waxa weeye, in aynu ku xisaabinayno warbixinaha aad soo gudbisay, laakiin kaalmadaada rasmiga ah dib ayaa laga go aaminayaa marka sannadkaas aad kaalmada heshay, cashuurta dakhligiisa la dhammeeyo. Haddii ay caddaato in aad heshay dakhli ka hooseeya kii aad ku xisaabtantay waxa aad gadaal ka heli kartaa kaalmo qaabkeedu yahay kabitaan. Haddiise aad heshay dakhliyo ka sarreeya wixii aad ku xisaabtantay, waxa aad ku qasbanaan kartaa in aad lacag soo celiso. Laakiin xaddi-lacageedka ugu hooseeya ee aanu gadaal kaaga soo shubayno ama aad soo celinaysaa waa 1200 karoon. Tusaale Dhammaadkii 2010: waxa laguu oggolaaday kaalmada kirada guriga laga bilaabo jenawari ilaa diseember 2011. Dhammaadkii 2012: Qasnadda caymisku waxa ay ka heshay wakaaladda caymiska [Skatteverket] warbixin ku saabsan lacagtii aad shaqaysatay 2011. Jenawari ama jannaayo 2013: haddii aad lacag soo celinayso waxa aad ka helaysaa Qasnadda caymiska warqad ka hadlaysa warbixinaha ay bixisay wakaaladda cashuurtu iyo waxa ay noqotay xisaabta kaalmada kama dambaysta ah. Maarso 2013: waxa aad helaysaa warbixinta kaalmada kirada guriga ee kama dambaysta ah. Haddii aad dheeraad ahaan u heshay wax ka badan 2500 oo kaalmo ku meelgaadha ah sannad gudihii, waa in aad bixiso khidmad yar. Khidmadda waynideedu waxa ay ku xidhan tahay inta aad soo celinayso iyo dulsaarka markaa jira. Kaalmada kirada guriga waxa loo xisaabinayaa sannad sannad ahaan ee bil bil ma aha. Taas macneheedu waxa weeye in dhammaan dakhliyada aad heshay sannad gudhii ay saamayn ku yeelanayaan kaalmada kirada guriga iyo in dakhliga loo arkayo mid si isle eg ugu qaybsan bilaha oo dhan. Lama fiirinayo haddii aad kaalmada kirada guriga helaysay bil kasta iyo haddii aad heshay dhowr bilood oo keli ah. Waxa aad u bixin kartaa qaddiimaad si aad uga baaqsato khidmadda [Du kan betala i förskott för att slippa avgift] Haddii aad iskaa u ogaato ama aad ka ogaato Qasnadda caymiska in aad heshay kaalmada kirada guriga ee ku meelgaadhka ah oo badan, waad soo celin kartaa inta aan la go aamin kaalmada kama dambaysta ah. Haddii aad soo shubto wixii dheeraad ahaan aad u heshay ugu dambayn 30 sebteember sannadka ku xiga ka aad kaalmada heshay, uma baahanaysid in aad bixiso wax khidmad ah. Soo sheeg had iyo jeer wixii isbeddel ah [Anmäl alltid förändringar!] Maadaama aad ku qasbanaan karto in aad soo celiso lacag, haddii aad heshay kaalmada kirada guryaha oo xad-dhaaf ah, waxa muhiim ah in aad si degdeg ah u soo sheegto dhammaan isbedellada yarayn kara kaalmada kirada guryaha. 4 (8)

Tusaale ahaan waxa ka mid ah: Haddii dakhligaaga ama hantidaadu kordhaan Haddii aad iibiso guri ama warqado qiimo leh oo aad markaa hesho macaash raasamaal Haddii aad guriga ka guurto Haddii aad qof kale isu guurtaan Haddii qof kale ku la soo dego guriga. Sideen u soo sheegayaa isbeddelada? [Hur anmäler jag förändringar?] Waxa jira foomka isbeddelka oo gaar ah oo aad isticmaalayso marka aad soo sheegayso isbedello. Isbeddelladaas aad ku soo sheegayso foomkan waxa ay quseeyaan uun wakhtiga harsan oo aad horay go aankiisa u heshay. Tusaale Waxa aad heshay kaalmada kirada guryaha oo laguu oggolaaday laga bilaabo jenawari ilaa diseember. Shirkaddii aad guriga ka kiraysatay ayaa kugu wargelisey in kiradii lagu daray 350 karoon laga bilaabo 1-da juulaay. Waxad 25 juun, u soo diraysaa Qasnadda caymiska foomka isbeddelka oo ay ku qoran tahay warbixinta kirada korodhay. Qasnadda caymisku waxa ay beddelaysaa kaalmadaada kirada guriga ee wakhtiga juulay-diseember. Markaa wixii ka dambeeya waa in aad soo xarayso foomka dalabka cusub ee kaalmadaada kirada guriga. Kaalmadaada aan rasmiga ahayn waa la yarayn karaa [Ditt preliminära bidrag kan minskas] Marka aad Qasnadda caymiska ku soo wargeliso dakhli kordhay, waxa la yaraynayaa kaalmada bilaha ka dhiman sannadka. Dakhli-korodhku wuxu keeni karaa in kaalmadu ay meeshaba ka baxdo. Tusaale Wax ayaad baranaysaa xilli-dugsiyeedka gu ga, markaana waxa aad helaysaa kaalmada kirada guriga. Bisha juun ayaad ku wargelisay Qasnadda caymiska in aad shaqo heshay iyo in dakhligaaga lagu saleeyo kaalmada uu gaadhay ilaa 183600 karoon. 9600 kr (kaalmo waxbarasho 80% x 12000 kr) +174000 kr (mushahar iwm) = 183600 kr Kaalmadii waa la yaraynayaa ilaa 0 kr bishiiba inta sannadka ka dhiman. Dakhligani wuxuu kaloo keenayaa in aad soo celiso kaalmadii aad heshay xilli-dugsiyeedkii gu ga. 5 (8)

Goorma ayaan heli karaa kaalmada kirada guriga [När kan jag få bostadsbidrag?] Kaalmada waxa la oggolaan karaa ugu horrayn bisha uu codsigaagu soo gaadho Qasnadda caymiska, waxana la soo shubi karaa ugu badnaan laba iyo toban bilood. Wixii intaas ka dambeeya waa in aad codsi kale soo dirto. Waxaad heli kartaa kaalmada kirada guriga Laga bilaabo bisha ka dambaysa bisha aad xaq u yeelatay kaalmada Ilaa iyo bisha uu joogsanayo xaq u lahaanshahaaga kaalmadu. Taas macneheedu waxa weeye haddii xaq u lahaanshahaaga kaalmadu bilaabmayso bisha labadeeda ama wixii ka dambeeya, waxa aad helaysaa kaalmadaada kirada guriga ugu horrayn bisha xigta. Haddiise aad kaalmada xaq u yeelato bisha kowdeeda, waxa aad helaysaa kaalmadaada kirada guriga isla bishaas gudaheeda. Haddii xaq u lahaanshaaga kaalmadu joogsado bisha kowdeeda, ma helaysid wax kaalmo ah bishaas. Goorma ayaa la soo shubayaa kaalmada kirada guriga [När betalas bostadsbidraget ut?] Kaalmadaada kirada guriga waxa aad helaysaa 27-ka bisha, waana isla bisha ay qusayso. Tusaale ahaan haddii aad kaalmada hesho 27-ka abriil, waxay noqonaysaa kaalmadii qusaysay bisha abriil. Haddii maalinta la soo shubi lahaa ay tahay sabti, axad, maalin fasax guud ama maalinta ciidda xagaaga [midsommarafton], waxa lacagta la soo shubayaa maalinta caadiga ah ee ka horraysa. Sideen u codsanayaa kaalmada kirada guriga [Hur söker jag bostadsbidrag?] Waxa aad ku dalbanaysaa kaalmada kirada guriga foom aad kala soo bixi karto boggayaga internetka ee www.forsakringskassan.se. Waxa kale oo aad foomamka ka dalban kartaa telefoonka 020-524524. Lammaanaha isqaba iyo kuwa islanoolayaasha ah waxay kaalmada kirada guriga u dalban karaan si wada jir ah. Waxa jira afar foom oo kala duwan. Foomka aad isticmaalaysaa waxa uu ku xidhan yahay haddii aad tahay xaaslay ama keli iyo haddii aad deggan tahay guri kiro ah ama guri hanti ah ama guri yar. Maskaxda ku hay in helitaanka kaalmadu wakhti dheer qaadan karto haddii aanu foomku u buuxin si dhammaystiran. Warbixin dheeraad ah [Mer information] Qoraalkaani ma aha qoraal sharci. Waxaa jira qoraalo ka warbixinaya kaalmada kirada guryaha: Kaalmada kirada guryaha loogu talagalay qoyaska carruurta haysta Kaalmada kirada guriga warbixin ku saabsan kharashka iyo dakhliga guriga Waxaad dhammaan qoraalada warbixineed ka heleysaa bogga Qasnadda caymiska oo ah www.forsakringskassan.se. 6 (8)

Bogga www.forsakringskassan.se waxaad si fudud oo dhaqso badan uga qabsan kartaa arrimaha qaarkood adigoo isticmaalaya adeegyada keli-isticmaalka. Telefoonkayaga aad keligaa isticmaaleyso oo 020-524524 waxaad ka dalban kartaa caddaymo, foomam iyo qoraallo. Waxaad kaloo ka samayn kartaa codsiyada qaarkood. Su aalo? [Frågor] Haddii aad wax su aalo ah qabto waxaad wacaysaa xafiiskayaga Kundcenter oo telefoonku yahay 0771-524524 iyo nationell förmedlingstjänst oo telefoonka qoraalku yahay 90160. Jaantusyada kaalmada kirada guriga ee aan rasmiga ahayn [Tabeller för preliminärt bostadsbidrag] Keli u deggane [Ensamstående] Kaalmada kirada guriga oo karoon ah bishiiba [Bostadsbidrag i kronor per månad] Dakhliga lagu saleeyo kaalmada kr/sanadkii Kirada/qarashka guriga ee karoon ah bishiiba 2000 2200 2500 2800 3200 3600 0 41000 100 300 600 800 1100 1300 50000 100 300 460 800 1100 60000 100 300 500 800 75000 100 500 85000 100 Lammaanaha isqaba ama islanoolayaasha ah [Makar och sambor] Xisaabi wadarta dakhliga lagu saleeyo kaalmada marka aad isticmaalayso jaantuska. 7 (8)

Kaalmada kirada guriga oo karoon ah bishiiba [Bostadsbidrag i kronor per månad] Dakhliga lagu saleeyo kaalmada kr/sanadkii Kirada/qarashka guriga ee karoon ah bishiiba 2000 2200 2500 2800 3200 3600 0 58000 100 300 600 800 1100 1300 70000 200 500 700 1000 80000 200 400 700 90000 200 400 100000 200 8 (8)