QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY Strattera broschyr SOMALISKA Denna broschyr är inte avsedd att innehålla uttömmande information om ditt läkemedel. För ytterligare information om ditt läkemedel skall du tala med din läkare eller hälso- och sjukvårdspersonal. Ytterligare information finns också i bipacksedeln som följer med läkemedelsförpackningen.
2
WAA MAXAYAD/HD? AD/HD waa xaalad habdhishka maskaxda ah oo laga helo carruurta marka ay da da 7 sano ka yar yihiin. Waxa ay marka ay ugu yartahay saameyn ku sameysaa shaqooyinka qeybahan: foojignaan yaraan, salfudeyd badan/firfircoonaan badan. Dhibaatada qofka marka ay foojignaantu yaraato waxa ay isku tusaysaa iyadoo uuna qofku ahmiyad siin karin hawl-qabadyo kala duwan, sida in uu qofku qorsheeyo xiligiisa fasaxa, uu si foojigan wax u dhageysto ama uu hawl u qorsheeyo. Waxa kale oo ay isku tustaa qofka oo noqda mid wax ilooba, inay dhibaato ka haysato inuu wakhtiga dhowro ama uu yahay sidii qof wax ka lumaan oo kale. Dhibaatooyin kala duwan oo ay firfircoonanta badan iyo foojignaan la aan ayaa tusaale ahaan keena, in qofka ay dhibaato ka haysato inuu dhaqdhaqaaqa joojiyo, oo uu markasta cararaayo oo uu hadal badan yahay. Qofka waxay dhibaato ka haysataa inuu sugo markiisa/toogadiisa isagoo jawaabta ka hor keena intaan hadalka la dhameyn. Dadka waaweyn, saameynta firfircoonanta badan/ sal fudedyku waa ay ku yar tahay inta badan maxaa yeelay, waxay barteen inay la qabsadaan laxaad la aantooda. Marka ay AD/HD du meesha jirto dhibaatooyinkaa ayaa ah qaar aad u muuqda iyagoo keena xaaladao dhibaatooyin kala duwan, tusaale ahaan, guriga, dugsiga iyo shaqada AD/HD MAAHA WAXAAN CAADI AHEYN! Cilmi baadhis kala duwan ayaa tustay in carruurta inta u dhaxaysa 3 7 % ay qabto AD/HD. Qaar ka mid ah carruurtan waa ay ka koraan calaamadaha cudurka laakiin in ka badan 50% ayaa leh dhibaatooyin markay weynaadaan sii waara. 3
CUDUR SHEEGIDA AD/HD Si loo garto cudurka AD/HD, kuma filna kaliya in ilmahu ama (ama qofka weyni) marmarka qaarkood haysto, qaar ka mid ah ama dhamaan calaamadaha gaarka ah ee hore loo soo xusay. Waxa kale oo ay u baahan tahay in: calaamadaha ama dhibaatooyinku ay aad u weyn yihiin oo ay saameyn ku yeeshaan qofka awoodiisa waxqabad laxaad daradu waa in ugu yaraan laba meelood lagu dareemaa sida, guriga, dugsiga, shaqada, asxaabta, iwm. calaamadahu ama dhibaatadu waa inay ugu yaraan jirtay lix bilood 4
WAXA JIRA SADDEX NOOC OO AD/HD UGU WAAWEYN: Firfircoonaan iyo salfudeyd guud Tan waxa u calaamad ah nasosho la aan iyo salfudeyd. Dadkan waxay dhibaato ka haysataa inay fadhiistaan, inay toogadooda sugaan iyagoo iska hadla iyagoon waxba la su aalin. Waxay wax u sameeyaan si salfudeyd ah iyagoon ka fikirin waxuu caaqiibo falkoodu keeni doono. Ka noocan ah waxa uu inta badan ku badan yahay carruurta yaryar meesha ay adag tahay in la ogaado in uu ilmahu uu leeyahay dhibaatooyinka kale ee ahmiyad wax saarid la aanta. Tani caadiyan waa ta ugu yar in la arko saddexda nooc ee AD/HD. Foojigni yaraan Noocan waxa uu sababaa dhibaato weyn oo dhinaca digtoonaanta iyo ahmiyada ah. Awood daro, ku adagtey in uu hawl iyo waxqabad bilaabo iyo cago jiidid ayaa ah calaamadaha dhamaan lagu arko. Foojignaan yaraan wadata firfircoonaan iyo salfudeyd Tani waa caadiyan nooca ugu badan ee AD/HD. 5
MAXAY AD/HD KUUGU DHACDAY? AD/HD waxay leedahay sababo daawooyin iyadoo ay cilmibaadhistu tustay in AD/HD ay tahay isku dheeli tir la aan ka timaada xaga kiimikada signalada maskaxda u ah. Waxaanu hada wax badan ka ognahay noocyada kiimikada sababa AD/HD iyadoo kuwaas lagu daaweyn karo noocyo daawooyin ah. Waxa jira waxyaabo badan oo sababi kara AD/HD iyadoo fal kasta iyo xag kasta lagag wada hadli doono cudur sheegista. Ta ugu badan ee sababta waxa weeye hide-raac xaga qoyska ah oo xaaladan ah iyo xubnaha qoyska oo leh calaamada kuwaas la mid ah. SIDEE AYAA AD/HD DA LOO DAAWEEYAA MAXAADSE CAAWIMO HELI KARTAA? Ma jirto daaweyn kama danbeys ah oo AD/HD ay leedahay laakiin calaamadaha saameynteeda ayaa la dhimi karaa oo tayada nolosha kor loogu qaadi karaa. Marka laga hadlaayo carruurta iyo dadka waaweyn, waxa muhiim ah in waalidiinta iyo carruurta aan xiliga dugsiga/dugsiyada gaadhin in la war galiyo arinta iyagoo markaa la socda waxyaabaha u diyaarka ah si loo gargaaro ilmaha/qofka weyn. Hada waxa jira waaxo baadhitaan oo leh barnaamij wacyigalin walidka ah oo khaas ah kuwaas oo kala taliya habka qaabilaada iyo habdhaqanka si ay u dhib yareeyaan la qabsashada iyo banka shaqada ee ilmaha iyo dadka waaweyn ee qaba AD/HD. Marka laga hadlaayo dadka waaaweyn waxa jira barnaamijyo la mid ah oo qeybo halkan wadanka ah. 6
WAA MAXAY STRATTERA? Strattera waa daawo kobcisa inta norepinephrine ku jirta maskaxda, taas oo iyana sii kobcisa wakhtiga foojignaanta, hoosna u dhigta salfudeydka iyo firfircoonaanta bukaan socodka qaba AD/HD iyadoo ka caawisa inay maareeyaan calaamadahaad/hd da. Strattera waxay shaqeysaa afar iyo labaatan saacadood gudahood, aroortii maalin ilaa aroorta maalinta ku xigta iyadoo ah daawada ugu horeysa ee lagu dabiibaayo AD/HD ee aan aheyn daroogo. Taas oo ay micnaheedu tahay, inaaney u baahneyn shahaado aad qaadato hadii aad wadanka dibadiis u safrayso. SIDEE AYAY U SHAQEYSAA? Waxa Strattera la qaataa maalintii laba jeer. Waxa fiican in aroortii quraacda lala qaato. Kaabsolka maaha in la furo ee waa in duubduub lagu wada liqo. Waxa muhiim ah in waxa isku mid ah aroor walba la sameeyo oo daawada la qaato si aanad maran loo ilaabin qaadashada daawada. Waxa muhiim ah in la ogsoonaado in isbadelku uu tartiib tartiib u imaanayo. Waxa sida badan la dareemaa todobaadka ugu horeeya ee daaweynta, laakiin waxa dhici karta inay qaadato dhowr todobaad inta ay calaamadahu kaa yaraaneyaan. Bukaan socodka qaarkood, isbadelku waxa uu qaataa ilaa 12 todobaad ka dib markay qaadashada daawada bilaabeen. 7
MAXAA DHACAAYA HADII AAD ILOWDO DAA- WADA QAADASHADEEDA? Hadii aad qaadashada daawada iloowdey, waa sax in kaabsolka aad ka boodey mar kale la qaato. Dawska maalintii laguugu talo galay maaha in la dhaafo. MIYAAD HELI KARTAA SAAMEYN-JIDHKA? Sida dhamaan daawooyinka, ayay Strattera keentaa saameyn-jidhka laakiin cid kastaa ma hesho. Saameynta-jidhka ee ugu badan ee carruurta iyo dadka waaweyn waa madax xanuun, calool xanuun, cuntada oo iska kaa xidha. Saameyntajidhka ee noocan ah inta badan waa mid ku meel gaadh ah. Carruurta iyo dadka waaweyn ee wali koraaya, waa in miisaankooda iyo dhererkooda lala socdo. Dawakhaad iyo madax wareer ayaa imaan kara bisha ugu horeysa iyo xiliga kala guuritaanka, daawada waxa cunto yar lala qaadan karaa fiidkii (sida khudrad, ama saanwij). Waxa loo qiimeyn karaa carruurta ama dadka waaweyn qaarkood oo qadashada daawada Strattera bilaabay xili hore inay sii wadaan markay weynaadaan. Saameynta-jidhka ee ugu badan ee dadka waaweyn laga soo wariyey waa calool xanuun iyo hurdo la aan. Cuntada oo iska ka xidha, dawakhaad iyo afka oo ku qalala ayaa ah saameynaha-jidhka ee kale laakiin kuwaas waa ay tagaan mudo ka dib. Bukaan socodka lagu daaweeyey Strattera waxay yeelan karaan daqadka oo kaca iyo/ama garaaca wadnaha oo kaca iyadoo taas markaa loola socdo si la mid ah sida daadooyinka kale ee AD/HD. 8
Dhamaan macluumaadka saameynta-jidhka ee Strattera oo buuxa waxaad ka helaysaa warqada yare ee saxaarada ku jjirta. Waa inaad la tashato dhakhtarkaaga hadii saameynta-jidhka aad hesho ama ay kugu sii bataan. MAXAA AH IN LAGA FIKIRO INTAANAD QAADAN STRATTERA? Hadii aad qaadato wax daawo ah oo kale, marka lagu daro daawooyinka dhaqanka ah, waa inaad ogaysiiso dhakhtarkaaga kuwaas. Ha joojin wax daawo ah kahor adigoon u sheegin dhakhtarkaaga. Ha isticmaalin Strattera hadii aad qaadanayso MAO joojiyayaasha (sida Aurorix of Eldepryl) ama laba todobaad gudahood isticmaalkooda ama hadii aad qabto caadka indhaha fuula ee koornerka dhow (xaalad aad u yar oo daqadka ishu kor u kaco). 9
MIYAAD U BAAHANA TAHAY MACLUUMAAD DHEERAAD AH? Macluumaad ku sabsan daawada www.fass.se MPA (no. 1:2009) loo soo jeediyey daaweynta ADHD ayaa laga soo dajisan karaa http://www.lakemedelsverket.se/upload/halso iyo sjukvard/behandlingsrekommendationer/adhd-rek_webb.pdf macluumaad ku sabsan ADHD oo loogu talo galay, bukaan socodka waalidiinta/ qaraabada iyo macalimiinta waxa ay tahay in la qabo AD/HD iyo talo guud oo ku sabsan sida loo dhibyareeyo nolol maalmeedka dugsiga iyo qoyska iyo asxaabta. www.adhdinfo.se URURKA QARANKA Ururka xirfad ee dadka qaba laxaad la aanta maskaxda www.attention-riks.se Telefoon Lambarka: 08-447 60 20 Cinwaanka E-mayl: kansli@attention-stockholm.se Cinwaanka xafiiska: Wennerbergsgatan 1, 112 58 Stockholm Minimiinformation Sverige Strattera 10 mg, 18 mg, 25 mg, 40 mg, 60 mg, 80 mg och 100 mg kapslar, hårda (atomoxetin) ATC-kod: N06BA09 Indikationer: Behandling av ADHD (Attention Deficit Hyperactivity Disorder) hos barn (6 år och äldre), ungdomar och vuxna som en del i ett komplett behandlingsprogram. Behandling skall påbörjas av en läkare som är specialiserad på behandling av ADHD, så som barnläkare, barn/ungdomspsykiater eller psykiater. Diagnos skall ställas enligt gällande DSM-kriterier eller riktlinjerna i ICD. Kontraindikationer: Samtidig behandling med monoaminoxidashämmare eller glaukom med trång kammarvinkel. Atomoxetin bör inte användas till patienter med allvarlig kardiovaskulär eller cerebrovaskulär sjukdom. Atomoxetin skall inte användas till patienter som har, eller som tidigare haft, feokromocytom. Varningar: Självmordsrelaterat beteende (självmordsförsök och självmordstankar) har rapporterats hos patienter som behandlas med atomoxetin. Skall inte användas till barn yngre än 6 år. Datum för översyn av produktresumén: 2014-04-03 Läs bipacksedeln före användning. För ytterligare information och priser se www.fass.se Rx, F Subventioneras när svar på tidigare behandling med metylfenidat bedöms vara kliniskt otillräckligt, eller när behandling med centralstimulerande medel är olämpligt. Eli Lilly Sweden AB, Box 721, 169 27 Solna. 08-737 88 00. www.lilly.se. Broschyrens utgivningsår: 2014 10
11
Eli Lilly Sweden AB Box 721, 169 27 Solna Tel +46 8 737 88 00, www.lilly.se SESTR00251b(1)