Omslag Somaliska Vingåker.docx Ku soo dhawaada Degmada Vingåker! Information om Vingåkers kommun på somaliska - 2012
Ku soo dhawaada Degmada Vingåker! Ku soo dhawaada degmada Vingåker. Dadka ku nool qiyaastii waa 9000 qofood. Si aad uga hesho magaalada waxa ay leedahay, waxaa inta ku cad xoogaa macluumaad ah oo ku saabsan hab-dhismeedka, iyo fursadaha hawleed ay leedahay. Politik : Siyaasadda: Degmada waxay leedahay hoggaan siyaasadeed. Golaha magaalada waa hay adda ugu sarreyso ee xukunka. Ka muwaadin ahaan waxaa ku saaran inaad go aansato codkaaga doorashada ciddaad siin laheyd codbixinta guud taas oo noqoneyso matalaha golaha, kuna xiran tirada kuraasta ee la kala helay. Kommunfullmäktige: Golaha degaanka: golaha degaanka waa kan gooyo go aanada degmada.golaha magaalada waxuu gooyaa, go aamiyaa siyaasadda la doortayaasha ku yimid si dimuqraadi ah kana yimid xisbiyada siyaasadda ee kala duwan. Afar sano kastaa dhiibo codkaaga adigaaga degen Vingåker xisbigaa rabtana u codeey. Tirada siyaasiyiinta ka mid noqonayo golaha degmada waxay ku xiran tahay codadka uu helo xisbi kasto. Golaha degaanka kadib waxuu magacaabaa guddiga fulinta iyo xubnaha. Vingåker waxay leedahay shan xubnood marka lagu daro golaha degaanka iyo golaha fulinta. Maamulka waa kan sida rasmiga ah u shaqeeyo, hawshiisuna waa bixinta ruqsadaha dhismaha, iyo bixinta kaalmooyinka dhaqaale, iyo daryeelka dadka da da weyn. Waxaad ka akhrisan kartaa wixii macluumaad dheeriya cinwaankaan hoose: http://vingåker.se/startsida/om-kommunen/ http://vingåker.se/startsida/politik-och-paverkan-/ Barn och utbildning: Ilmaha iyo waxbarashada: Innaga Degmada Vingåker waxaan u aragnaa ineey muhiim tahay in dhammaaan ilmaha iyo dhallinyarada ineey helaan waxbarasho fiican oo dhameystiran. Inta waxaad ka heli kartaa macluumaad iyo tallaabooyinka iskoolka. Dhammaan ilmaha waxay xaq u leeyihiin cuntada iskuulka oo lacag la aan (Bilaash) ah, ilmuhu waxuu xaq u leeyahay mar kastaa baahidiisa cunno ee gaarkaa.
Förskola: Marxaladda dugsiga ka hor: Waxay xaq u leeyihiin dhammaan ilmaha da doodu u dhexeyso 1-5 Sano jir ineey boos ka helaan Xadaanada ilmaha haddii waalidku shaqeeyo ama waxbarto. Waxaana loo cuskanaa taklufada dakhliga qoyska. Ilmaha waalidkood shaqada raadihaayo ama waalidkood ku jiro fasaxa waalidka ee ilmaha la walaalahaa ee kale waxaa lagu casuumaa ineey tagaan xadaanada 15 saacadood asbuuciiba. Vingåker waxaa la damaanad qaadayaa in ilmo kastaa xaq u leeyahay inuu boos ka helo xadanada afar bilood dhexdeed. Fritidshem: Waqtiga firaaqa guriga: Ardayda xadaanada, Dugsiga asaasiga ama dugsiyada gaarkaa haddeey jirto sabab la xiriirto waalidku inuu shaqeeyo ama waxbarto in la tababaro waqtiyada firaaqa inta uu ka dhameeyo sanad-dugsiyeedka 6aad. Förskoleklass: Fasalka ka horreeyo iskuulka: Xilliga xagaaga marka ilmahaagu gaaro 6 sano, waxuu ilamahaagu bilaabi karaa marxaladda fasalka ka horeeyo iskuulka. Waana lacag la aan (Bilaash), waxuuna wax baranaa in u dhiganta 25 saacadood asbuucii. Waxaa jiro fasalka ka horreeyo iskuulka caadiga iskuulo asaasiya oo sanadle ah loona qaybihaayo muddada waxbarashada.. Obligatorisk grundskola för skolår 1-9 : Iskuulada asaasiga ee khasabkaa 1-9aad: Iskuulada asaasigaa waa laga bilaabo fasalka 1aad illaa 9aad, dhammaan ilmaha Sweden waa khasab, taas oo loola jeedo in ilmuhu aado iskuulka. Waxaa waajib ah in iskuulku khasab ahaado laga bilaabo marka ilmuhu gaaro 7 sano, kuna dhamaato marka ardaygu dhameeyo fasalka 9aad. Dalbadaha qaxootiga ilmihiisu waa ka reeban yihiin khasab ahaanshaha laakiin waa bilaabi karaan dugsiga asaasiga ah. Frivillig gymnasieskola: Rabitaanka Dugsiga sare:
Marka dhallinyaradu da doodu gaarto 16 sano jir Dugsiga asaasigana dhammeeyo, waxuu raadsan karaa Dugsi sare kaas oo ah 3 sano. Vingåker ma lahan wax dugsi sare ah run ahaantii, laakiin inta badan Vingåker waxay aadaan Katrineholm. Ardayda aan weli dhameystirin dugsiga asaasiga, waxay raadsan karaan barnaamij kana helayaan iskuulka la yiraa Duveholmsgymnasiet. Dugsiga sare ee gaarkaa waa Duveholmsgymnasiet. Katrineholm waxaa ka jiro afar Dugs isare waana kuwaan:. Duveholmsgymnasiet.. Ellwynska skola.. Katrineholm tekniska college.. Lindengumnasiet. La xiriir arrimaha ilmaha iyo xafiiska waxbarashada iyo barbaarinta haddii aad rabto macluumaad dheeriya oo ku saabsan xadaanada iyo iskuulka: Cinwaan: Parkvägen 8, Vingåker Telefoon: 0151-191 31 Wixii kale oo dheeriya waxaad ka daalacan kartaa cinwaankaan: http://vingaker.se/startsida/barn-och-utbildning/barn--och-utbildningskansliet/ Utbildning och stöd för vuxna: Waxbarashada iyo kaalmada dadka waaweyn: Viadidakt waa urur ka jiro Katrineholm iyo Vingåker waxuuna mas uul ka yahay jiheynta soo galootiga cusub, luqada Swedishka soo galootiga, waxbarashada asaasiga iyo sareba. Viadidakt waxaa kale ay ka shaqeysaa waxbaridda Studyaha hageynta iyo xirfadda. Samhällsorientering för nyanlända : Hanuuninta bulshada cusub ee soo galootiga ah: Waa waxbarasho hanuunin ah oo la xiriirto Sweden iyo sida bulshada Sweden u shaqeyso. Utbildning i svenska för invandrare: Waxbarashada luqada Swedishka: Waa waxbarashada luqada Swedishka ee dadka ku hadla luqadaha kale aan aheyn luqadaha wadamada la yiraa Nordiska. Iyadoo la raacaayo duruufaha qof ahaaneed, qof kastaa waxuu helaa kaalmo sida ugu dhaqsaha badan si uu u barto luqada
Swedishka, una helo shaqo iyo waxyabaha kaloo lagama maarmaanka ah, una ogaad xuquuqda iyo waajibaadka ka jiro Sweden. Waxbarashadu waxay noqon kartaa mid muddo kala fog qaadato waxayna ku xiran tahay aqoontii hore ee qofka, iyo sida qofku u fahmo ama ugu sahlanaato. Grundläggande vuxenutbildning: Waxbarashada asaasiga ee dadka waaweyn: Waxbarashada asaasiga ee dadka waaweyn waa waxbarashada dadka da doodu ka weyn tahay 20 sano, aana helin waxbarashada asaasiga. Waxbarashadu waa rabitaan iyo lacag la aan(bilaash). Adaa go aansanaayo ujeeddadaada waxbarasho iyo inad ku barato dhaqso ama gaabis saad u rabtaana u baree. Waxbarashada asaasiga ee dadka waaweyn waxaad dhigan kartaa adoo shaqeyhaayo ama wax kale barahaayo. Viadidakt waxaa kale ay heysaa waxbarashada asaasiga ee dadka waaweyn ee leh calaamadaha curyannimada maskaxdaa. Waxaad la xiriiri kartaa la taliyeyaasha talo-siinta Viadidakt si ay kaaga caawiyaan qorshahaaga gaar ahaaneed. Gymnasial vuxenutbildning: Waxbarashada Dugsiga sare ee dadka waaweyn: Waa waxbarashada dugsiga sare ee dadka waaweyn, una baahan xirfadaha dugsiga sare. La xiriir Viadidakt haddii aad rabto macluumaad dheeriya oo ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn: Åbrogården Cinwaan: Storgatan 55, Vingåker Telefoon: 0151-193 00 Wixii kale oo dheeriya ka daalaco cinwankaan: www.viadidakt.se Universitet, högskola och yrkeshögskola: Jaamacadda, Kulliyadaha iyo machadyada sare ee xirfadaha: Vingåker waxaa ka jiro fursado waxbarasho sare ah. Viadidakt waxaa wada shaqeyn kala dhexeysaa Jaamacado, Kulliyado iyo macyadyo sare ee xirfadaha.
Waxaad heli kartaa inaad barato barnaamijyo kala duwan Katrineholm/Vingåker dhexdeeda. Åbrogården ee Vingåker waxuu leeyahay laamo iyo adeegyo, qalab farsamo ee ku anfacaayo adigaaga ardaygaa. Dhismayaal maxadooyin shaqo ee Kombiyuutar, footokoobiyo, Internet iyo daabacaaddiisa. La taliyeyaasha iyo hagayaasha Viadidakt waxay ku faraxsan yihiin inay kuu helaan masaarka ama jidka kugu haboon. Fiiri Viadidakt haddaad rabto macluumaad dheeriya oo ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn: Åbrogården Cinwaan: Storgatan 55, Vingåker Telefoon: 0151-193 00 Wixii kale oo macluumaad dheeriya ka daalaco: www.viadidakt.se Social service: Adeegga bulshada: Takhasusleeyda bulshada waxay daboolaan takhasuska qofka iyo qoyska, curyaannada iyo dadka da daa. Waad nala xiriiri kartaa qof ahaantaada, warqad, telefoon ama email ahaan haddii aad qabto wax su aal ah oo ku saabsan adeegga bulshada. Macluumaad kasta oo kugu saabsan waxuu noqonaa mid gaar ahaaneed arrimaha adeegga bulshada. Taas oo loola jeedo in wax kastaa oo ku khuseeyo aaneey dibadda u bexeyn. Socialtjänst: Adeegyada Bulshada: Haddii aad ku nooshahay Vingåker waxaad dalban kartaa adeegga bulshada si aad u hesho kaalmo iyo caawinaad, ama haddaad rabto inaad sheegto qof dhib ku jiro. Innaga waxaan caawinnaa qofafka ama qoysaska leh mushkilado bulsheed: Waxaa ku jiro caawin dhqaale, mushkiladda dadka isticmaalo mukhadaraadka, qadiyadaha ilmaha iyo dhallinyarada ama qaxootiga. Waxaana hagaayo hawsha tiro sharciyo ah.
Barn, ungdomar och familjer : Ilmaha, dhallinyarada iyo qoysaska: Adeegga bulshada waxuu qaadayaa si gaara mas uuliyadda shaqo si ilmaha, dhallinyarada ugu barbaaraan nolol aamina oo fiican iyadoo la raacaayo sharciga Sweden. Guud ahaan waa in dhammaan sida ugu suurtagalsan loo kaalmeeyaa bulshooyinka gudaha isla shabakadda lafteeda. Carruurtuna waxay u baahan yihiin ineey helaan xarun dhexe. Familjerätt: Xeerka qoyska: Xeerka qoyska waalidiintu wuxuu ugu yeeraa wadahadal, si ay u gaaraan Aabbayaasha iyo Hooyayaasha heshiis la xiriira xannaanada, degaanka, la xiriirka. Maxkamadda qoyska waxaa kale ay ka shaqeysaa tabaniga (ilmaha la korsaday), xaalaadka hubsashada aabbenimo, iyo sameynta baaritaanka la xiriira daryeelka, degaanka iyo xiriirka. Frida : Waa hay ad ka shaqeyso caawinta dumarka iyo ilmaha dhibatada kala kulmo dadka u dhawdhaw. Frida waxaad wici kartaa adoo qarsoon, waana lacag la aan. Waxay ku shaqeysaa qarsoodi mana lahan diiwan gelin. Mansmottagningen: Qaabilaadda Ragga: Waa dhaqdhaqaaq loola jeedo ragga geysto xoog sheegadka jirka iyo maskaxda. Waxay bixisaa talooyin qof qof ahaaneed, daweyn kooxeed iyo wada hadal. Ungdomsmottagning: Qaabilaadda dhallinyarada: Waxay ka jawaabtaa su aalaha xiriirada garkaa, jirka, arrimaha nolosha, ka-hortagga uureysiga, iyo cudurrada kuf ido galmoodka, uureysiga, iyo soo rididda(dhicinta) iyo waxyaabo kaloo badan. Waxaa joogo qaabilaadda la taliyeyaal, Umuliso, iyo dhaqaatiir. Teleefoon: 0151-192 19 maalmaha asbuuca qaar talaadada iyo khamiista. Missbruksvård Mercur: Daryeelka idmaanka ee Mercur: Waxay caawisaa mashaakilka qamriga iyo mukhadaraadka. Mercur waxay talo ka
bixisaa arrimaha qamriga iyo mukhadraadka dadka waaweyn. Qaraabada waa ineey kaalmo ka geystaan arrinkan. Mercur waxaa kale ay ka shaqeysa ka hortagga cabitanka qamriga iyo mukhadaraadka ee goobaha waxbarashada iyo shaqada. Ekonomiskt bistånd: Kaalmada dhaqaale: Waxaa la heli karaa kaalmo dhaqaale dadka deggen Vingåker ee aan awoodin inuu is dabaro ama maareeyo arrimihiisa gaarkaa. Taas oo loola jeedo qof kastaa oo deggen ee aan awoodin isku filnaan nafsaddooda iyo qoyskooda. Waxay dalban karaan kaalmo dhaqaale. Kaalmada dhaqaale oo ah tan ku filan baahida qofeed. Haddii dadku yihiin qoys badan waa dakhliga wadaagga iyo nafaqo wadajirto. Kaalmada asaaskeeda waa ijmaaliga(guud ahaanta). Qof kastaa waxuu dalban karaa jid kale oo uu u helo si ay u kaalmeeyaan naftooda. Wasaaradda adeegga bulshada waxay leedahay qoraallo iyo macluumaad la xiriirta nuuca kaalmada iyo qofka u baahan iyo sida loo fulihaayaba. Budget- och skuldrådgivning: Miisaniyadda iyo talooyinka daymaha: Gudbinta warbixinnada maaliyadda deymaha, gudbinta warbixinta iyo kaalmada ku saabsan xaaladdaada maaliyadeed ee gaarkaa. Waxaad miisaaniyadda iyo deynta kala xiriiri kartaa la taliyeyaal si ay kuugu caddeeyan sida la filan karo. La xiriir haddii aad rabto macluumaad dheeriya: Åbrogården Cinwaan:Storgatan 55, Vingåker Telefoon: 0151-191 61 Wixii kale macluumaad dheeriya inta ka dalaco: http://vingaker.se/startsida/social-service2/individ--och-familjeomsorg/ Äldreomsorg: Daryeelka dadka da da ah: Vingåker waxaa ka jiro daryeel iyo daneyn(ihtimaam)ka u baahan joogto ugu noolanshaha guryahood muddada ugu dheer ee ugu suurtagalsan. Haddii aadan awoodin inaad ku noolaato muddo sii kale, waxaad leedahay ikhtiyaar ah inaad dalbato guryaha degmada ee gaarkaa inaad ku noolaato, kuwas oo loogu tala galay dadka da daa. Wac ama la xiriir u qaybsanaha dadka da daa si toosa haddaad qabto su aalo la
xiriiro dadka da daa. Telefoon: 0151-191 77. Handikappomsorg: Daryeelka curyaannada: Degmadu waxay caawisaa curyaannada jirka ama maskaxda oo aan shaqeyn karin(qaban karin shaqo maalmeedka) sidii ay ugu noolaan lahayeen sida dadka caadigaa oo kale, xagga madaddaalada iyo guryaha kooxaha ay ku nool yihiin, si ay u helaan nolol iyo firfircooni ay uga madax-bnnaan yihiin dadka kale. Socialpsykiatri: Caafimaadka nafsigaa ee bulshada: Waxuu u daneeyaa dadka wax u dhimman yihiin caqligooda. Waxaana laga caawiyaa nolol maalmeedkooda iyo guryaha kooxaha. Weydii qaybta daryeelka haddii aad qabto su aalo la xiriiro caafimaadka nafsiga ee bulshada: Telefoon: 0151-191 61. Vingåkers bibliotek: Maktabadda Vingåker: Waa maktabadda guud waxayna ku taallaa bartamaha, waana mid guud oo dhmeys-tiran, maktabadaha buugta iskuullada, waxayna ku taallaa harada dusheeda. Maktabadda waxaad ka deynsan kartaa Buug iyo wixii la mida oo dokomenti ah, waxaadna ka heli kartaa kaalmo la xiriirto macluumaadka aad uga baahan tahay markaad baadigoob sameyheeyso, akhrinta wargeysyada iyo joornaallada, iyo inaad ka isticmaasho shabakadda internetka, ku ciyaaridda ciyaarta Shataranjiga ama kordhinta dhacdooyinkeenna. Waxaas oo la raacsiiyay suugaanta Swedishka iyo kuwa kaleba iyo mawaad kaloo badanba. Waxaa kaloon heynaa qaybo ballaaran oo kutub ah iyo sheekooyin ku qoran majallado ka hadlaayo Vingåker. Waxaa kalood ka ammaahan kartaa:
. Cajallado (Kaseetyo).. Kutub leh dhummuc ballaran.. Kutubta sahlan ee la akhristo.. Kutubka Disi ee loogu tala galay dadka aan wax arag waa maqal.. Kutubka Disi ee dadka aan karin akhrinta.. Majallado.. Koorsooyin luqadeed.. Fan.. DVD.. Metter. Lånekort: Kaarka Ammaahda ee maktabadda: Kaarka ammaahda ee maktabadda marka hore waa lacag la aan (Bilaash) waxaadna ku heli kartaa caddeynta hawiyaddaada. Ilmaha da doodu u dhexeyso 7-15 sno jirka waxaa laga rabaa saxiixa waalidkood waana ineey la xiriiraan maktabadda waalidka, iyaga ayaa ka mas uul ah ammaahaha lagu qaato kaarka ilmaha yar-yar ay iyaga mas uulka ka yihiin. Marka la beddelayo karka lumay waxaa la bixiyaa lacag. Waa inaad maktabadda u sheegtaa marka uu kaa lumo kaarka si looga hortago isticmaalkiisa. Lånetid: Muddada ammaahashada: Muddada ammaahda caadigaa waa Afar asbuuc. Kutubta cusub iyo majaladaha iyo filimada waxay leeyihiin muddo gaaban. Waxaad dalban kartaa Saddex jeer hddii aan cid kale saf ku jirin. Jadiidsashada waa maktabadda, waxaad adeegsan kartaa telefoon ama Internetka shabakadda maktabadda. Haddii aad illowdo inaad soo celiso waxa aad ammaahatay, waxaan kuu soo direynaa farriin xusuusin ah. Haddiise aad weli soo celin weydo waxaan kuu soo direynaa Faatuuro(Qiimo sheegto) lacageed, Kadibna ma ammaahan kartid haddii deyntaadu gaarto 50 Kroon ama wax ka badan. Hadduu duluf noqdo ama lumo wixii aad ammaahatay waxaad bixinee magdhaw. Boken kommer: Buugga kuu imaahaayo:. Haddii ay kugu adag tahay inaad timaad Maktabadda Buugga isagaa kuu imaahaayo., Makatabaddaa kuu keeneyso adiga.
. Buugta maktabadda ineey gaaraan dadka leh sababo kala duwan oo aaney ku imaan karin maktabadda, waxaa gaarsiiyo hawl-wadeennada maktabadda. Taas oo loola jeedo in si nidaamsan loogu geeyo buugta ay ammaahanayaan. Hawshaasuba waa lacag la aan(bilaash) waxaana loo qabtaa magaalada si isla mid ah xarumaha dhexe ama mandiqadaha soo korayo(yar-yar). Waxay isticmaali karaan adeeggaan kuwa leh curyaannimada.. Waxaa kaloo caadiya in Riwaayadaha ammaahan kartaan, kutubta mawaadiic kala duwan sida kutubta, iyo safarka, xusuus-qorada, taariikhda, sheekooyin, jardiinooyinka guud iyo wixii la mida.. Dadka leh aragga yar ama aan wax arag waxay ammaahan karan kutubta daabacaadaha weyn. Waxaa kaloo jiro kutub la xamilan karo(raran karo) iyo kutubta maqalk ama kutubta codka. La xiriir maktabadda Vingåker haddii aad rabto macluumad dheeriya: Cinwaanka: Bondegatan 6, Vingåker Telefoon: 0151-191 90 Wixii kale oo macluumaad dheeriya ka daalaco: www.vingaker.se/biblioteket Säfstaholms slott: Qalcada Säfstaholms: Waxaa la dhisay sanadkii 1666dii waxayna lahaatay Vingåker 1967dii. Qalcadda waxay leedahay xarun aad ka heleyso macluumaadka dalxiiska waxayna leedahay dukaanno ganacsi iyo Biibito iyo bandhig faneed. Qalcadda qayb ka mida waa qayb loogu tala-galay curyaannada. Xilliga kulaylaha qalcaddu waa furan tahay maalin kasta, waxaana ka jiro bandhig faneed cusub kuleyle kasta. Xilliga qaboobaha qalcadda waxaa loo sii dalbadaa koox-koox. Jardiinka qalcadda waxuu leeyahay caws jardiineed. La xiriir xafiiska dalxiiska Vingåker haddii aad rabto macluumaad dheeriya:
Cinwaan: Säfstaholms slott, 643 92 Vingåker Telefoon: 0151-191 86 Wixii kale oo macluumaad dheeriya ka daalaco: http://vingaker.se/safstaholms-slott/ Vingåkersbadet: Dabaasha Vingåker: Waa hoolka dabaasha guud, taas oo u furan dhammaan. Guriga dabaasha waxuu munaasib u yahay xitaa curyaannada. Waxuuna ka koobmaa:. Qolalka dhar bedelashada Ragga iyo Dumarka.. Hool dabaaleed ah 25 mitir iyo hool dabaaleed ilmaha ah.. Ilo biyoodyo iyo godad biyo dhex socdaan(shalaalaad).. Dawaammo ( Biyo warwareegayo).. Kafateeriya leh qa-qabaw, macmacaan iyo Sandwiidshaad iyo cunno fudud.. Hoolka jimicsiga (Gym).. Iskuul waxbarashada dabaasha ah oo ilmaha iyo dadka waaweynba leh. Marka aad booqato xarunta dabaasha waxaad bixineeysaa lacagta gelitaanka. Soo qaado quful gaara ee armajooyinka dharka ee qolalka dhar bedelashada, iyo dharka dabaasha/shukumaan(tuwaal). Waxaa kalood ijaaran kartaa ama iibsan kartaa dharka dabaasha, Burkini(Dhar dabaasha oo u gaara dumarka),ookiyaasha dabaasha, Kariimka qubeyska,shambo iyo balsamka iyo wixii kaloo soo raaca. La xiriir xarunta dabaasha Vingåker haddii ad u baahan tahay macluumaad dheeriya: Cinwaan: Storgatan 35, 643 30 Vingåker Telefoon: 0151-191 70 Wixii kale oo macluumaad dheeriya ka daalaco: http://vingaker.se/startsida/kultur-och-fritid/vingakersbadet/ Fritidsgården: Jardiinka waqtiyada firaaqa: Waa goobta kulanka waana lacag la aan(bilaash)ilmaha iyo dhallinyarada da doodu u dhexeyso 10-16 sano jir. Dhammaan dhaqdhaqaaqyada ka jiro xarunta ciyaaraha waxaa ka maran mukhadaraad. Xarunta ciyaaraha waxay u qaybsantaa sidaan:. Tababarka qoob ka ciyaarka.. Ciyaaridda Bilyaardaha iyo Teniska miiska.
. Booqashada jardiinka waqtiga firaaqa ee qaybta macluumaadka teknolojiyada. La xiriir xarunta ciyaaraha haddii aad rabto macluumaad dheeriya: Cinwaan: Kapellgatan 3, 643 30 Vingåker. Telefoon: 0151-193 30 Wixii kale oo macluumaad dheeriya ka daalaco: http://vingaker.se/startsida/kultur-och-fritid/fritidsgarden/