1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Relevanta dokument
Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Ku soo dhawaadda shaqada

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Dulqaaxumo Intolerans

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Sida loo dhiso jaaliyad

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Transportyrken på sju språk

Somaliska. Barn älskar böcker

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

QAWAANIINTA. dugsiga xanaanada, xilli firaaqaha iyo hawlaha wax-barida ee degmada Alingsås

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

VÄL Vänersborgs kommuns lärplattform

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

Macluumaad ku socda qoyska cusub

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

Wakiilka takooridda DO

Översatt av Sahro Aden Dulle

Su aalo iyo jawaab ku saabsan sariir ku kaadinta Soomaali somaliska Buugan yar waxa soo saaray Maxadka Iswiidhishka ee isku kaadinta habeenkii

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

Bra mat för barn mellan ett och två år. u dhaxeeyo hal sano iyo labo sano

FARBARASHADA AF-SOOMAALIGA

Buugeyga caafimaadka ee gaarka

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Madax xanuunka (huvudvärk).

Waxanu ku hadalnaa luqado badan

Somaliska. Goorma samaynayaa mammogramka. RG_Mammografi_A5_SV_somal.indd :17:38

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

Välkommen till Tingsryds kommun! Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Habkaan ayaa uu buuxinee foomka Soo bandhigida bisha oo loogu tala galay lacagta daganaanshada Shaqo goobe

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah

Delaktighet. för integration. att stimulera integrationsprocessen för somalisktalande i Sverige 1999:4

Caafimaad dareen Ramadaan dhexdeeda. -Xaqiiqooyin iyo talooyin wanaagsan

Transkript:

Lacagta gunnada waalidka la siiyo waa lacag loogu talogalay in waalidka la siiyo si aanu u shaqo tegin uu ilmihiisa guriga ugu hayo. Waxa isugeyn lacagtaas la bixiyaa 480 maalmood ilmo kastaba. Lacagta gunnada waalidku waxay u qaybsantaa sadex heer oo kala duwan. Mid ka mid ahi waxay ku salaysan tahay inta ay lacaga ku soo gashaa leegtahay, halka ay labada kale lagu siinayo lacag go an maalinkasta. Qofka waalidka wuxuu samaynkaraa inuu shaqadda ka fasaxqaato oo lacag la siiyo muddo dheer oo isku xiriirsan, maalmo ama maalmaha oo aad kala qaybsato. Haddaad uur leedahay waxaad haystaa fursad aad ku qaadankartid lacagtaa gunnada waalidka laga bilaabo 60; maalmood ka hore wakhtigii la xisaabiyey inaad umulaysid ama foolanaysid. Rugta daryeelka umulisooyinku waxay adiga kuu soo bandhigayaa ama kugu soo casumayaan waxbarasho waalidka uurka leh loogu talogalay. Labada waalidba way ka qayb qaadankaraan waxbarashada waxaanay isla markaa lasiinayaa lacagta gunnada waalidka loogu talogalay. Aad ayay muhiim u tahay in wakhti fiican la sii qorsheeyo marka uu waalidku rabo inuu shaqadda ka fasax qaato. Waxay u sahlaysaa adiga iyo qofka shaqa bixiyaha ahba. Lacagta gunnada waalidka waxa la siiyaa ilmaha waalidkiis ama qofka sida khaaska ah loogu magaacaabay inuu hayo daryeelka iyo mas uuliyada ilmaha. Lacagta gunnada waalidka waxa kaloo la siiyaa waalidiinta noqday inay ilmo korsankaraan. Waxa kaloo iyadana lacagta gunnada waalidka la siiyaa qofka kale ee la nool waalidka iyo kan leh ama lahaan jiray carruurkale oo si wadajira ay waalidka u wada leeyhiin qaba ama ay isqabijireen waalidka ah ama ay isla diiwaangashanaayeen waalidka. Lacagta gunnada waalidku waxay ka kooban tahay sadex heer oo kala duwan. Qaybta koowaad waxa la yiraahdaa heerka lacagta jiradda waxaanay ku salaysan tahay dakhliga guud ee ku soo galeya 12 bilood ee soo socda. Markaa waxaad helaysaa wax ka yar boqolkiiba 80. Lacagta heerka labaad waxa la yiraahdaa heerka aasaaska. Heerka aasaasku waa 250 karoon maalinkasta. Lacagtaasi waxay khusaysaa dadka lacagtoodu hoosaysay ama aan haba yaraatee wax dhaqaale ah lahayn. Lacagta heerka sadexaad waxa la yiraahdaa heerka ugu hooyeesya waxana la qaataa 90 maalmood. Lacagta heerka hoose waa 180 karoon maalinkasta ilmaha dhashay 1dii bishii luuliyo 2006 iyo wixii ka dambeeyey iyo 60 karoon maalinkasta ilmaha dhalashadiisu ka horaysay 1dii bishii luuliyo 2006. 1 (7)

Haddii aad leedahay mas uuliyada kelinimada ee ilmaha waxaad markaa xaq u leedahay maalmaha oo dhan oo ah 480 maalmood. Waalidka mataanaha dhalay waxa kaloo uu xaq u leeyihiin 180 maalmood oo kale oo dheeraad ah oo ah lacagta gunnada waalidka. Marka qofka uurka lihi uu soo booqdo Rugta daryeelka dumarka uurka leh (MVC) waxaad markaa heleysaa warqad hooyonimo ah oo caddayn ah. Warqadaa caddaynta ah waxaad u diraysaa Khasnadda caymiska dawlada (Försäkringskassan). Warqadaasi waxay u shaqaynaysaa sidii wargelin aad wargelisay lacagta gunnada ah ee waalidka. Marka aanu warqadda caddaynta ah helo waxaad markaa annaga naga heleysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan lacagta gunnada waalidka. Caddayntaasi ma sheegayso caadiyan wax warbixin ah oo khuseeysa waalidka kale. Sidaas daraadeed waa khasab in marka uu waalidka kale rabo inuu qaato lacagta gunnada waalidka iska soo wargeliyo Khasanada caymiska dawlada (Försäkringsskassan). Waxaad adigu si toos ah isaga soo wargelinkartaa oo aad ka soo codsankartaa boggayaga internetka ee, www.forsakringsskassan.se. Lacagta gunnada waalidka waxa la qaadankaraa iyadoo dhammaystiran, sadexmeelood oo meel, kala bar ama nus, afarmeelood oo meel ama sideed meelood oo meel. Inta lacag lagu siinayaa waxay ku xiran tahay inta saacadood ee aad shaqada caadiga ah ee wakhtig buuxa aad ka shaqany lahayd. Waxaad qaadankartaa lacagta gunnada waalidka oo buuxa haddii aanad waxba shaqaynin sadexmeelood oo meel lacagta gunnada waalidka haddad ugu badnaan shaqaysid afarmeelood meel ahaan shaqada caadig ah nus ama bar lacagta gunnada waalidka haddii aad ugu badnaan shaqaysid sadex meelood meel ahaan shaqada caadig ah afar meelood meel ahaan lacagta gunnada waalidka haddii aad ugu badnaan shaqaysid afar meelood oo sadex loo qaybiyey sideed meelood lacagta gunnada waalidka haddii aad shaqaysid ugu badnaan todoba meelood oo sideed loo qaybiyey shaqadda caadig ah. Waxaad qaadankartaa lacagta gunnada oo ah tan aasaaska-ama lacagta heerka ugu hooseeysa haddii aad shaqaysid ilaa iyo todoba loo qaybiyey sideed shaqada caadig ah. 2 (7)

Boggayaga internetka waxaad ka qorshaysankartaa sida aad lacagtaada gunnada waalidka ah u qaadan lahayd. Lacgta gunnada waalidka waad qaadankartaa tan aasaaska-ama tan heerka hoose maalmaha aad shaqada fasaxa ka tahay. Hase yeeshee ma qaadankartid lacagta gunnada waalidka adigoo fasaxqaatay ama adigoo fasax ah. Si aad u hesho lacagta gunnada waalidka oo buuxda oo ah heerka lacagta jirada maalmaha caadiga ah ee aad shaqada fasaxa ka tahay waxa markaa khasab kugu noqonaysa inaad lacagta gunnada ee waalidnka oo buuxda qaadatid maalinta ka horeysa ama maalmaha aad ka dambeeya ee aad shaqada fasaxa ka tahay. Habka kale ee u dhigmaa waa inaad qaadatid lacagta gunnada waalidka oo nus ah marka aad doonayso in lagu siiyo lacagta kala barkeeda maalmaha aad shaqada fasaxa ka tahay iyo wixii la mid ah. Taasi waxay khusaysaa haddii ay wakhtiga aad shaqada fasaxa ka tahay ay tahay afar maalmood ama wax ka yar, Waxaad qaadankartaa lacagta gunnada waalidka ilaa iyo inta uu ilmahaagu ka dhamaynayo sannadka koowaad ee dugsiyada aasaasiga ah. Haddii uu ilmahaagu buuxiyo 8 sannadood marka sannad dugsiyeedku dhammaado lacagta gunnada waalidka waad qaadankartaa ilaa iyo maalinta uu ilmuhu buuxinayo 8 sannadood. Sannadka koowaad isku maalmo labada waalidba way qaadankaraan lacagta gunnada waalidka. Maalmahaas waxa la yiraahdaa maalmaha labajibaaran ama labanlaaban. Waalidiintu waxay ugu badnaan qaadankaraan 30 maalmood oo labajibaaran. U fiirso maalmahaas labajibaarani kuma heleysaan maalmo dheeraad ah oo lagu qaadankaro lacagta gunnada waalidka. Taas macnaheedu waxa weeye marka aad labadiinuba joogtaan guriga waxa qaadanaysaan 2 maalmood, hal maalin ayuu waalidwaliba qaadanayaa. Si aad u qaadataan maalmahaas labajibaaran waxa khasab ah in adiga iyo waalidka kaleba codsataan maalmahaas labajibaaran (dubbeldagar) isku taariikh, tirade maamuhuna waa inay isleekaadaan waanu inuu isku hal ilmo yahay. Waxa keliya oo aad lacagta gunnada waalidka qaadankartaa maalmaha aad sida wadajirka ah u leedihiin 240 maalmood laakiin maqaadankartaan 90 maalmood ee qofka kale loo dhigay. Taas macnaheedu waxa weeye haddii mid ka mid ah waalidka uu u daynayo waalidka kale maalmaha oo dhan markaa isaga ama iyadu maqaadankaro ama maqaadankarto maalmaha labajibaaran (dubbeldagar). Maalmaha aad lacagta gunnada waalidika ku qaadateen labajibaarka kuma heleysaan gunnada sinnaanta lagu helo. Taas macnaheedu waxa weeye waalidiinta dhalay mataanaha iyaga ayay u fiican tahay inay qaataan lacagta gunnada waalidka uu waalidwaliba ku qaadankaraa hal ilmo si maalmihii labajibaarnaa ay u qaataan. Gunnad sinnaatu waxa loogu talogalay si ay waalidiintu u qaybsadaan fasaxa waalidnimada. Si aad markaa u heshaan gunnada sinnaanta waxa loo baahan yahay inaad leedihiin mas uuliyada wadjirka ilmaha marka aad lacagta gunnada waalidka qaadanaysaan. Laakiin khasab ma aha inaad isqabtaan ama aad isla deggen tihiin. Gunnadu waxay khusaysaa carruurta dhalatay wixii ka dambeeyey 30 bishii juun 2008. 3 (7)

Waxaad heleysaan 5o karoon maalin walba. Laga bilaabo sannadka 2016 lacagta ugu saraysaa waa 10 500 kr sannadkii (15 000 oo karoon haddii aad idinku haystaan mataano) lacagta gunnada sinnaantu malaha cashuur. Carruurta dhalatay 2015 ama wixii ka horeeyey lacagta ugu saraysaa waa 13 500 kr sannadkii (18 000 oo karoon haddii aad idinku haysataan mataano). Idinku uma baahnidin inaad codsataan lacagta gunnada sinnaanta, waxa si toos ah loogu shubayaa koontada/accountka lagu shubayo lacagta gunnada waalidka waxaanay imanaysaa dhowr maalmood kadib marka ay lacagta gunnada waalidku timaado kadib. Lacagaha gunnada waalidka oo dhan laguma helo gunnada sinnaanta. Idinku ma heleysaan gunnada sinnaanta oo labajibaaran (marka aad labadiinuba guriga joogtaan ee aad isku ilmo fasax ku tihiin) 90 maalmood ee heerka hoose 90 maalmood ee ugu horeeya ee loogu talogalay ama loo dhigay waalidka kale. 210 maalmood ee soo hadhay ee aan waalidna loo dhigin waxaad ku heleysaan lacag guno ah oo dheeraad ah haddii aad kala qaybsataan maalmahaas. Sharciyo kale ayaa khuseeya wixii ka horeeyey 2012 haddii aad kala qaynsateen lacagtii gunnada waalidka. Waxaad annaga nagala soo xiriiraysaa telefoonka 0771-524 524 si lagaaga caawiyo arjiga. Haddii aad jirato inta aad qaadanayso lacagta gunnada waalidka (föräldrapenning) oo aanad markaa ilmaha haynkaraynin jiro awgeeda waxaad u soo sheegaysaa qasnada caymiska (Försäkringsskassan). Halkii aad ka qaadan lahayd lacagta gunnada waalidka (föräldrapenning) waxaad ka qaadanaysaa lacagta jira (sjukpenning). Qofka hooyada noqonaya wuxuu samaynkaraa inuu shaqada iska joojiyo ama uu yareeyo saacadaha shaqada muddo lix bilood ah inta ka horaysa wakhtigii lagu xisaabiyey inuu ilmuhu ku dhalanayo iyadoo dakhliga lacagtaada aasaaska ahi yaraanin. 180 maalmood ee ugu horeeya ee la bixiyo lacagta gunnada waalidka waxay leedahay sharciyo khaas ah. Si aad maalmahaa u hesho lacagta gunnada waalidka oo ku salaysan dakhliga lacagtaada waa inaad xaq u leedahay lacag kor u dhaafaysa 180 kr maalintii muddo 240 maalmood oo wada socda inta ka horaysa wakhtigii ilmaha loogu talogalay ama dhalashada runta ah. Marka ay Khasnada caymisku (Försäkringskassan) qiimayso inaad buuxisay shuruudii markaa waxaanu ka ambaqaadaynaa wakhtiga adigu kuugu faa iidada badan ama haboon wakhtiga la xisaabiyey dhalashada ama dhalashada runta ah. Haddii aanad shuruudaha buuxin waxaad heleysaa lacagta heerka aasaaska oo ah 250 karoon maalinkasta. Haddii aad ka soo shaqaysay wadan ka mid ah wadamada EU ama EES waa laguu xisaabinayaa wakhtigaa si aad u gaarto 240 maalmood oo aad u hesho lacagta gunnada waalidka oo lagu saleeyey dakhligaagii lacagta aasaadka jirada 180 maalmood ee ugu horeeya. Marka ay Khasnada caymisku (Försäkringskassan) qiimayso inaad shuruudihii buuxisay waxaad markaa xaq u leedahay lacagta gunnada waalidka taas oo lagu saleeey lacagtii dakhliga aasaaska jirada ee ku soo gashay waxaanu ka saaraynaa wakhtigii aad ka heshay kaalmada dhaqaale ee daryeelka ilmaha degmada. Waxay kaloo khusaynkartaa wakhti aad deggenayd wadanka dibadiisa oo 4 (7)

aad si tabaruc ah u shaqaynaysay ama aad ahayd shaqaale wax gargaarayey. Kala soo xiriir Khasnada caymiska (Försäkringskassan) wixii warbixin ah ee dheeraad ah. 210 maalmood ee kale (sjukpenningsnivå) iyagu la mid ma aha. Taas macnaheedu waxa weeyey haddii aad 180 maalmood ee ugu horeeya aad heshay lacagta heerka aasaadka ah (grundnivå), waxaad bedelkeeda heleysaa laga bilaabo maalinta 181 lacagta heerka jirada (sjukpenningsnivå) haddii aad ku heleyso lacag ka badan tan heerka aasaasiga ah (grundnivå). Waalidiin badan oo carruur yar yar haysata ayaa wakhtigii shaqadooda dhimay, taasina waxay ku keentay dhaqaalahoodii oo hoos u dhacay. Waxaad adigu heleysaa oo lagu siinayaa lacagta gunnada waalidka taas oo laga xisaabiyey dakhligaaga dhaqaale oo la mid ah kii lagu siin lahaa markuu ilmuhu dhasho ilaa iyo inta uu ka buuxinayo laba sannadood. Haddii adiga hooyada ahi aad markale uurqaado inta aanu ilmuhu buuxin hal sano iyo sagaal bilood, waxaad adiga iyo waalidka kaleba qaadanaysaan oo sii wadanaysaan lacagta gunnada waalidka ee ilmahaas xitaa markuu ilmuhu laba sannadood buuxiyo kadib, xitaa haddii dakhligiinii aasaaska dhaqaale ee jiradu oo sii yaraaday. Taas macnaheedu waxa weeye intii aad lacagta gunnada waalidka la siiyo aad qaadan jirtay ilmihii koowaad ayaad qaadanaysaa ilmaha labaadna ugu yaraan laba sannadood. Sidaas ayuu nidaamku u shaqaynayaa haddii aad adigu ilmo korsanayso muddo laba sannadood iyo lix bilood gudahooda ah marka laga soo bilaabo dhalashadii ilmahaagii hore ama ilmihii aad hore u korsatay. Ilaa iyo inta aanu ilmahaagu buuxin hal sano waxa laguu xisaabinayaa lacagta jirada (sjupenning) iyo si ku sii meelgaar ah lacagta gunnada waalidka oo lagaaga xisaabinayo dahkligaagii hore ee ahaa aasaaska lacagta jirada. Marka ilmahaagu buuxiyo hal sano markaas waxa yaraanaya dakhligaagii aasaaska dhaqaaale waxaanu noqonayaa heerkii dakhligaaga runta ahaa. Taas macnaheedu waxa weeye in aad hesho lacag yar tusaale ahaan haddii aad jirato ama ilmo jiran aad guriga u joogto oo aad hayso. Isku sharci ayaa ku qabanaya ama khuseeya marka uu hal sano tago kadib marka aad adigu hesho daryeelka ilmo aad korsatay. Si kastaba ha ahaatee waxaad adigu ka taxadereysaa inuu dakhligaaga dhaqaale ee aasaasiga ahi yaraado marka uu ilmhaagu buuxiyo hal sano. Sidii hore ayuu dhaqaalahaagu noqonayaa haddii aad adigu qaadato lacagta gunnada waalidka oo buuxda ugu yaraan shan maalmood asbuucii aad shaqada yarayso inta dhalashada ilmaha ka horaysa oo aad qaadato lacagta gunnada waalidka taas oo u dhiganta wakhtigaagii shaqada ee yaraatay aad waxa ku barato lacagta kaalmada ardayda la siiyo aad Xafiiska shaqada ku diiwaangashan tahay adigoo shaqo raadis ah. Qofka haysta shaqo waxa u kordhaya lacagta dakhliga aasaaska ee jirada marka uu kuu korodho mushahaaradaada rinta ahi. Haddii aanad shaqo haysanin ama aad adigu leedahay shirkad waxa markaa dakhligaaga aasaaska ee jirada lagu xisaabinayaa sida uu sheegayo ama dhigayo qiimaha macmiisha isbarbardhiga (konsumentprisindex). Marka ay Khasnada caymisku (Försäkringskassan) xisaabinayso inta aad lacag heleyso waxay ka ambaqaadayaan dakhliga guud ee aad filayo inuu ku soo galidoono 12 bilood ee soo socda. Lacagtaas guud ee aad filayso inay ku soo galayso waxa laga xisaabiyey lacagtii shaqada sannad kaa soo geli lahayd, haddii aad shaqaale ahayd inta badan mushahaaradii bisha aad qaadanaysay waxa lagu dhufanayaa laba iyo toban bilood. Marka ay Khasnada caymisku (Försäkringskassan) xisaabinayso inta aad adigu lacagta gunnada waalidka la siiyo heleyso waxay markaa xisaabiyaan ilaa iyo toban lacagta gogoldhiga ah ee la bixiyo marka lacagaha guud la xisaabinayo (prisbasbelopp), 5 (7)

taas oo sannadka 2016 noqonaysa 443 000 oo karoon. Taas macnaheedu waxa weeye lacagta ugu saraysa ee maalintii la bixiyaa waa 942 oo karoon. Lacagta gunnada waalidku kaa soo geleysaa waxay noqonaysaa wax aad uga yar boqolkiiba 80 marka laga eegayo dakhliga guud ee aad filayso inuu ku soo galayo waxa markaa loo qaybinayaa 365 maalmood. Lacagta aad heleyso sidan ayaad u xisaabinaysaa: Haddii wax isbedel ah oo lacagta lagu siinayo ee aad xaqa u leedahay saamayn ku yeelanayaa ay kugu yimaadaan waxa markaas khasab kugu noqonaysa inaad u soo sheegto Khasnacda caymiska (Försäkringskassan). Waxay tusaale ahaan noqonkartaa inuu dakhligaagii hoos u dhaco wakhtigii aad shaqaynaysay oo aad dhintay shaqo dheeraad ah haddii aad ka shaqayso adiga ama waalidka kale uu shaqo bilaabo ama uu wadankale ka helo lacagta hawlgabka adiga, waalidka kale ama ilmuhuba aad u guurtaan wadankale ama wadan shisheeye. Haddii aad hesho lacag aanad xaq u lahayn waxaad markaa caadiyan ku khasban tahay inaad lacagtii dib u soo celiso. Xitaa haddii aanay khaladkaaga ahayn in lacagtaa lagu siisyey. Warqadda xaqiiqda ahi ma aha qoraal sharci ah oo moowduuca ku saabsan. Warbixin intaa dheer, ka akhriso warqadda xaqiiqda ah: Dakhliga guud ee uu qofku filayo inuu soo galayo Waxaad kaloo akhriyi kartaa qoraalada yar yar ee warqadaha ku qoran: Waxay ku socotaa dadka sugaya inuu ilmo u dhasho oo dhan ama uu u dhashay Waxay ku socotaa qoysaska caruuraha leh Warbixinada oo dhan waxaad ka heleysaa bogga internetka ee www.forsakringskassan.se. Waxaad halkaas xitaa si fudud uga maamulankartaa arrimaha qaarkood adigoo kaashanaya adeega aad adigu iskaa u qabsanaysid (självbetjäningstjänster). Adeega telfoonka ee uu qofku iskii u samaynayo waa 020-524 524 waxaad halkaa ka dalbankartaa wixii dokumenti caddayn ah, foomamka iyo waraaqaha yar yar ee qoraaladu ku qoran yihiin. Waxaad kaloo ka samaysankartaa wixii fariimo ama wargelin ah. 6 (7)

Haddii aad su aalo qabto waxaad soo wacaysa Rugta macmiisha (Kundcenter) 0771 524 524 iyo Adeega xiriirinta qaran ee qoraalka telefoonada (Nationell förmedlingstjänst för texttelefoner) 90 160. 7 (7)