Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Relevanta dokument
Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Ku soo dhawaadda shaqada

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Dulqaaxumo Intolerans

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Somaliska. Barn älskar böcker

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

Sida loo dhiso jaaliyad

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Transportyrken på sju språk

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

QAWAANIINTA. dugsiga xanaanada, xilli firaaqaha iyo hawlaha wax-barida ee degmada Alingsås

-Haddii aad qabto su aalo kale oo dheeraad ah, waydii dhakhtarkaaga ama shaqaalaha farmasiiga

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Översatt av Sahro Aden Dulle

Hage-haaga bangiga internetka. Ku soo dhawoow. Halkani way furantahay mar kasta.

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

VÄL Vänersborgs kommuns lärplattform

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Wakiilka takooridda DO

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

Bra mat för barn mellan ett och två år. u dhaxeeyo hal sano iyo labo sano

Warbixinta ka qaybqaatayaasha

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Hagidda kala soocidda

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

Ku soo dhowow Laholm

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

Macluumaad ku socda qoyska cusub

Välkommen till Tingsryds kommun! Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Senast uppdaterad Svenska-engelska-somaliska arbetsmarknadsordlista

Fasaxa xilliga xagaaga & deegaanka xagaaga 2018

Su aalo iyo jawaab ku saabsan sariir ku kaadinta Soomaali somaliska Buugan yar waxa soo saaray Maxadka Iswiidhishka ee isku kaadinta habeenkii

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Madax xanuunka (huvudvärk).

Delaktighet. för integration. att stimulera integrationsprocessen för somalisktalande i Sverige 1999:4

Bostadsbidrag. barnfamiljer. Några viktiga gränser. Vilka barnfamiljer kan få bostadsbidrag? Preliminärt och slutligt bidrag

Buugeyga caafimaadka ee gaarka

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Transkript:

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer] Qoysaska carruurta leh ee dakhligoodu hooseeyo waxa ay heli karaan kirada guriga. Inta aad helayso kirada gurigu waxa ay ku xidhan tahay dakhligaaga, qarashka hoygaaga, weynida guriga iyo tirada carruurtaada. Waxa aad dalbanaysaa kirada guryaha adiga oo ka duulaya dakhliga aad filayso in uu ku soo galayo sannadkaas aad ku jirto. Haddii aad hesho dakhli ka badan intii aad ku xisaabtantay, waxa dhici karta in aad soo celiso lacag, haddiise aad heshay dakhli ka hooseeya intii aad ku xisaabtantay, waxa dhici karta in aad gadaal ka hesho kaalmo dheeraad ah. Warbixinta qormadan, waxa marka ugu horraysa lagu sharraxayaa sharciyada kirada guryaha. Dabadeedna waxaa ku xigaya jaantusyo kaa caawinaya in aad xisaabiso in aad xaq u leedahay kirada guryaha iyo inta aad heli karto. Waxa aad toos u aadi kartaa jaantusyada ku saabsan kirada guryaha aan rasmiga ahayn si aad u ogaato qiyaastii aad heli karto. Laakiin maskaxda ku hay in qarashka guriga ee lagu saleeyo, qarashkan guriga ee aad xisaabinayso marka aad dalbanayso, aanu mar walba ahayn qarashka gurigaaga ee rasmi ah. Qoysaska carruurta leh, kuwee heli kara kirada guriga [Vilka barnfamiljer kan få bostadsbidrag?] Waa in aad degganaato oo aad ku qornaato adareeska aad ku dalbanayso. Marmarka qaarkood waa laga tanaasuli karaa shardiga ku qornaanta. Kaalmada kirada guriga waad heli kartaa haddii aad guriga leedahay iyo haddii uu kuu kiraysan yahayba. Waxa lagugu xisaabayaa qoys carruur leh haddii aad haysato carruur kula deggan ama marmar kula deggan. Ilmahaaga waxa lagu xisaabinayaa qoyskaaga ilaa uu buuxinayo 18 sano ama uu dhaafay 18 sano oo uu qaato caawimada waxbarashada ama carruurta ee la dheereeyey. Carruurta dhigata dugsiga sare waxa la siiysaa lacagta caawimada waxbrashada, carruurta 16 sano ka weyn ee dhigta iskuulka asaasiga ama iskuul gaar ah waxa ay qaataan carruurta oo la dheereeyey. 1 (15)

Kaalmada aad heli kartaa inta ay leegtahay waxa ay ku xidhan tahay: Inta qof ee guriga deggan, qarashka guriga, bedka ama ballaca guriga, dakhliga iyo hantida Haddii ilmuhu kula deggan yahay inta badan, ama adiga iyo waalidka kale midkiinba mar la deggan yahay ama waalidka kale la deggan yahay inta badan Meesha uu ilmuhu ka diiwaangashan yahay Qofka ay ku qoran tahay masuuliyadda xannaanada ilmuhu Dhawr shardi oo muhiim ah [Några viktiga gränser] Ma heli kartid kirada guryaha haddii kirada gurigaagu ay ka yartahay 1400 kr bishii. Sidoo kale ma helaysid kirada guryaha haddii adiga ama lammaanahaaga uu idin soo galo dakhli ka badan 408000 karoon sanadkii. Kaalmada waa la yaraynaya haddii adiga oo bilaa lammaane ah dakhligaaga sannadku ka sarreeyo 117000 karoon. Kuwa isqaba iyo kuwa isla deggan xadkoodu midkiiba waa min 58500 karoon. Xaq uma lihid kaalmo haddii kirada guryaha ee aad heli kartaa ka hooseeyso 100 karoon bishiiba. Haddii aad haysato carruur marmar ku la deggan, waxaad kirada heli kartaa marka aad deggan tahay guri ka weyn 40 mitir labajibbaaran oo ka kooban ugu yaaan laba qol iyo jiko. Kaalmo aan rasmi ahayn iyo mid kama damays ah [Preliminärt och slutligt bidrag] Kaalmada kirada guryaha ee aad helaysaa waa kaalmo aan rasmi ahayn. Taas macneheedu waxa weeye, annaga oo xisaabta ku dhisayna warbixintii aad na siisay, laakiin kama dambaysta ah waxa la go aaminayaa marka cashuur-xirku dhammaado sannadkaas aad heshay. Markaa haddii ay soo baxdo in aad heshay dakhli ka hooseeya wixii aad ku xisaabtantay, waxa aad heli kartaa kaalmo dib lagaaga soo diro. Haddiise aad heshay dakhli ka sarreeya wixii aad ku xisaabtantay waxad ku qasbanaan kartaa in aad lacag soo celiso. Xaddiga lacageed ee ugu yar ee gadaal lagaaga soo shubi karo ama aad ku qasbanaan karto in aad soo celiso waa 1200 karoon Tusaale [Exempel] Dhammaadkii 2007: waxa laguu oggolaaday kirada guryaha oo ka bilaabmaysa jenawari kuna eg december 2006. Dhammaadkii 2009: waxa ay Qasnadda caymisku [Försäkringskassan] warbixin ka heshay wakaaladda cashuuraha [Skatteverket], warbixntaas oo ku saabsan dakhliyadaadii sannadka 2008. Jannaayo ama jenawari 2010: Haddii aad lacag soo celinayso waxa aad helaysaa warqad ka socota Qasnadda caymiska oo kuu sheegaysa warbixinta wakaaladda cashuuraha iyo waxa ay noqonayso kirada guryaha ee kama damaysta ah. 2 (15)

Febraayo ama feebarweri 2010: Qofkaagii helay kirada guryaha ee aan rasmiga ahayn oo sax ah amaba heli doona kaalmo dheeraad ah waxa loo soo dirayaa kirada guryaha oo kama dambays ah. Maarso 2010: Haddii aad lacag dib u celinayso waxa aad helaysaa warbixin kama dambays oo ku saabsan kirada guryaha. Haddii aad sannad gudihii heshay aan rasmiga ahayn oo dheeraad ah kana badan 2500 karoon, waxa aad bixinaysaa qarash. Qarashka aad bixinayso waynidiisu waxa ay ku xidhan tahay inta ay le eg tahay lacagta aad soo celinayso iyo dulsaarka fuula. Kaalmada kirada guryaha waxa loo xisaabinayaa sannad ahaan ee bil ahaan ma aha. Taas macneheedu waxa weeye in dakhliyada ku soo gala sannadka oo dhan ay saamayn ku yeelanayaan kirada guryaha iyo in dakhliga laga soo qaadayo mid is le eg bil kasta. Waa isku mid haddii aad kirada guryaha hesho bil kasta iyo haddii aad dhowr bilood oo sannadka ka mid ah uun aad heshso. Qaddimaad ayaad ku bixin kartaa si aad uga baaqsato qarash [Du kan betala i förskott för att slippa avgift] Haddii aad ku baraarugto ama aad ka ogaato xagga Qasnadda caymiska in aad heshay kirada guryaha ee aan rasmiga ahayn oo badan, waad soo celin karta inta aan la jaangoyn rasmiga ah. Kala xidhiidh arrinkaas Qasnadda caymiska. Haddii aad soo shubto lacagta kugu dheeraadka ah ugu dambayn 30-ka sebteember sannadka xiga kii aad qaadatay, uma baahanaysid in aad bixiso wax qarash ah. Soo sheeg had iyo jeer wixii is bedel ah [Anmäl alltid förändringar!] Maadaama aad ku qasbanaan karto in aad soo celiso lacag, haddii aad heshay kirada guryaha oo dheeraad ah, waxa muhiim ah in aad si degdeg ah u soo sheegto dhammaan isbedellada yarayn kara kirada guryaha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah: Haddii dakhligaaga ama hantidaadu kordhaan Haddii aad iibiso guri ama warqado qiimo leh oo aad markaa hesho macaash raasamaal Haddii hantida ilmuhu korodho ama ilmuhu helo macaash raasamaal Haddii aad guriga ka guurto Haddii ilmo carruur ahi ka guuro guriga Haddii ilmo ka weyn 18 jiro ay ka joogsato caawinaadda waxbarashada ama carruurta[ barnbidrag] ee la dheereyeey Haddii qof kale aad isu guurtaan Haddii qof kale uu kula soo dego guriga. Haddii aad shaqo bilowdo ama dal dibedda ah ka hesho mushaharka hawlgabka. 3 (15)

Sideen u soo sheegayaa isbedellada? [Hur anmäler jag förändringar?] Waxa jira foomka wax bedelka oo gaar ah oo lagu magacaabo Bostadsbidrag ändrade uppgifter [ kirada guriga macluumaad isbedelay ]. Kaas waxa aad isticmaali kartaa tusaale ahaan haddii kiradaadu korodho ama dakhligaagu isbedelo. Tusaale [Exempel] Waxa aad heshay kirada guryaha oo laguu oggolaaday laga bilaabo jenawari ilaa diseember. Shirkaddii aad guriga ka kiraysatay ayaa kugu wargeliyey in kiradii lagu daray 350 karoon laga bilaabo 1-da luulyo ama juulaay. Waxad 25 juun, u soo diraysaa Qasnadda caymiska foomka isbeddelka oo ay ku qoran tahay warbixinta kirada korodhay. Qasnadda caymisku waxa ay beddelaysaa ada kirada guriga ee wakhtiga luulyo-diisember. Markaa ka dib waa in aad soo xarayso foomka dalabka cusub ee ada kirada guriga. Kaalmadaada aan rasmiga ahayn waa la yarayn karaa [Ditt preliminära bidrag kan minskas] Haddii dakhligaagu kordho, waxa aad telefoon ahaan ugu sheegi kartaa Qasnadda caymiska. Dakhliga oo kordha waxa ka dhalanaya in kaalmadii la yareeyo bilaha ka dhiman sannadka. Dakhliga oo kordha waxa kale oo ka dhalan kara in kaalmaduba wada joogsato. Tusaale [Exempel] Waxa aad ada kirada guriga heshaa 700 karoon bishii laga soo bilaabo jenawari. Bisha Ogosto ayaad u sheegtay Qasnadda caymiska in dakhligaagu kordhay. Dakhligan kordhay wuxu ka dhigaya aad helayso bishiiba 400 karoon. Laakiin 7 bilood gudahood waxa aad heshay 700 karoon bishiiba = 4900 karoon. Kaalmadaada waxa dib loogu xiisaabiyey 400 kr X 12 bilood = 4800 karoon. Maadama oo aad hore u heshay 4900 karoon waxa laga dhigayaa ada 0 bilaha ogoosto ilaa diisember. Goorma ayaan heli karayaa kirada guriga [När kan jag få bostadsbidrag? Kaalmada waxa la oggolaan karaa ugu horrayn bisha uu codsigaagu soo gaaro Qasnadda caymiska, waxana la soo shubi karaa ugu badnaan laba iyo toban bilood. Marka ay intaasi dhammaato waa in aad codsi kale soo dirto. Waxad heli kartaa kirada guriga Laga bilaabo bisha ka dambaysa bisha aad xaq u yeelatay Ilaa iyo bisha uu joogsanayo xaq u lahaanshahaaga kaalmadu. Taas macneheedu waxa weeye haddii xaq u lahaanshahaaga kaalmadu bilaabmayso bisha labadeeda iyo wixii ka dambeeya, waxa aad helaysaa ada kirada guriga ugu horrayn bisha kale. Haddiise aad xaq u yeelato bisha kowdeeda, waxa aad helaysaa ada kirada guriga isla bishaas gudaheeda. Haddii xaq u lahaanshaaga kaalmadu joogsado bisha kowdeeda, ma helaysid wax kaalmo ah bishaas. 4 (15)

Tusaale [Exempel] Ilmihiina koowaad waxad hesheen 16 juulaay. Dalabka kirada guriga waxa aad Qasnadda caymiska u soo gudbiseen isla bishaas. Markaa waxa aad helaysaa laga bilaabo bisha ogoosto. Dabadeed waxa gurigii ka guurteen kowda diseember. Markaa bishaa diseember wax kaalmo ah kuma helaysaan gurigaas Goorma ayaa la soo shubayaa kirada guriga [När betalas bostadsbidraget ut?] Kaalmadaada kirada guriga waxa aad helaysaa 27-ka bisha, waana isla bisha ay qusayso. Tusaale ahaan haddii aad hesho 27-ka abriil, waxay noqonaysaa kaalmadii qusaysay bisha abriil. Haddii maalinta la soo shubi lahaa ay tahay sabti, axad, maalin fasax guud ama maalinta ciidda xagaaga [midsommarafton], waxa lacagta la soo shubayaa maalinta caadiga ah ee ka horraysa. Sideen u codsadaa kirada guriga [Hur söker jag bostadsbidrag?] Waxa aad ku dalbanaysaa ada kirada guriga foom aad kala soo bixi karto boggayaga internetka ee www.forsakringskassan.se. Waxa kale oo aad foomamka ka dalban kartaa telefoonka 020-524524. Waxa jira afar foom. Foomka aad isticmaalaysaa waxa uu ku xidhan yahay haddii aad tahay xaaslay ama keli iyo haddii aad deggan tahay guri kiro ah ama guri hanti ah ama guri yar. Maskaxda ku hay in helitaanka kaalmadu wakhti dheer qaadan karo haddii aanu foomku u buuxin si dhammaystiran. Warbixin dheeraad ah [Mer information] Qoraalkaani ma aha qoraal sharci. Waxaa jira qoraalo ka warbixinaya kirada guryaha: Kaalmada kirada guryaha loogu talagalay qoyaska carruurta haysta Kaalmada kirada guriga - warbixin ku saabsan kharashka iyo dakhliga guriga Waxaad dhammaan qoraalada warbixineed ka heleysaa bogga Qasnadda caymiska oo ah www.forsakringskassan.se. Bogga www.forsakringskassan.se waxaad si fudud oo dhaqso badan uga qabsan kartaa arrimaha qaarkood adigoo isticmaalaya adeegyada keli-isticmaalka. Telefoonkayaga aad keligaa isticmaaleyso oo 020-524524 waxaad ka dalban kartaa caddaymo, foomam iyo qoraallo. Waxaad kaloo ka samayn kartaa codsiyada qaarkood. 5 (15)

Su aalo? [Frågor] Haddii aad wax su aalo ah qabto waxaad wacaysaa xafiiskayaga Kundcenter oo telefoonku yahay 0771-524524 iyo nationell förmedlingstjänst oo telefoonka qoraalku yahay 90160. Qasnadda caymisku waxay hubinaysaa [Försäkringskassan kontrollerar] Qasnadda caymisku waxa ay hubinaysaa warbixinta aad soo gudbiso. Waxa ay qusayn kartaa dakhli, shaqo ka maqnaan, xaaladda bulsho ama meesha aad deggan tahay. Waxa aanu la leenahay hay adaha kale ee dawladda, warbixin-wadaag sida CSN [CSN], qasnadaha shaqo-la aanta iyo wakaaladda cashuuraha. Waa dembi in aad si ula kac ah u bixiso warbixin qaldan ama aad soo sheegi waydo isbeddello saamayn ku yeelan kara xaq u lahaanshahaaga lacagta. Qasnadda caymisku waxay ku ashkataynaysaa booliska dhammaan dembiyada kaalmooyinka ee la tuhmo. Jaantusyo iyo tusaale [Tabeller och exempel] In aad xaq u leedahay ada kirada guriga iyo inta aad xaq u yeelanayso, waxa xaddidaya dakhligaaga, qarashka gurigaaga, weynida guriga, tirada carruurta iyo meesha ay carruurtu deggan yihiin. Dakhliga ugu sarreeya ee lagu salaynayo [Högsta bidragsgrundande inkomst] Labadan jaantus waxa ay muujinayaan dakhliga ugu sarreeya ee adiga iyo lammaanahaaga idin soo geli kara si aad xaq ugu yeelato ada kirada guriga. Dakhliga ay Qasnadda caymisku tixgelinayso marka aanu xisaabinayno, waxa lagu magacaabaa dakhliga lagu saleeyo. Caadi ahaan waxa weeye waxa aad shaqaysato inta aan cashuurta laga jarin laakiin waxa jira sharciyo khaas ah oo tusaale ahaan ku saabsan qarashaadka aad iska jari karto. Jaantuska 1aad wuxu quseeyaa guurlaawe iyo lammaane isqaba ama wadadeggan oo dhammaantoodba leh dakhli ka sarreeya 58500 karoon sanadkii. Wadarta dakhligiina ayaa la xisaabinayaa iyo dakhliyada kale ee lagu saleeyo. Jaantus 1 Haddii aad haysato Dakhliga lagu salaynayo ee ugu sarreeyaa waa Hal carruur ah Laba carruur ah Saddex carruur ah 306000 karoon 351500 karoon 408000 karoon Jaantuska 2aad wuxu quseeyaa lammaanaha isqaba ama wadadeggan ee mid walba dakhligiisa ugu sarreeyaa yahay 58500 karoon sanadkii. Halkana waxa aad xisaabinaysaan dakhliga qofka labadiina dakhli sarreeyo. 6 (15)

Jaantuska 2aad Haddii aad haysato Dakhliga lagu salaynayo ee ugu sarreeyaa waa Hal carruur ah Laba carruur ah Saddex carruur ah 247500 karoon 292500 karoon 349500 karoon Sidaan ayaa loo dhimayaa, marka aad shaqaysato wax ka badan xadkii [Så minskas bidraget när du tjänar över gränsen] Haddii aad shaqaysato wax ka hooseeya heer ku cad jaantusyada 1 iyo 2 laakiin ka badan 117000 karoon sannadkii [labada isqaba waa 58500 karoon midkiiba] waxa laga dhimayaa kaalmadii boqolkiiba 20 wixi ka sarreeya 117000 iyo 58500 karoon. Tusaalaha qof guurlaawe ah [Exempel ensamstående] Waxad shaqaysataa 135000 karoon sannadkii 135000 117000 = 18000 20 % x 18000 = 3600 3600 U qaybi 12 = 300 Kaalmadaada waxa ka dhinmaya 300 karoon bishiiba. Qarashka guriga ee lagu salaynayo [Bidragsgrundande bostadskostnad] Qaraashaadka guriga ee xaq kuu siinaya waxa lagu magacaabaa qarashka guriga ee lagu salaynayo. Inta uu noqonayo qarashaka guriga ee lagu saleeyo ee ugu sarreeyaa waxa uu ku xidhan yahay tirada carruur aad haysato. Wax kaalmo ah lagugu ma siinayo guriga kharashkiisu dhan yahay ilaa 1400 karoon. Waxa jira xad inta uu le ekaan karo qarashaadkaaga guriga ee lagu salaynayo, waxa kale oo jira xad inta guriga aad ku helayso bedkiisu leegaanayo. Laakiin waxa kaloo jira heer aasaasi ah oo mar walba wax kaaga soo celinaya qarashaadka guriga ilaa xaddi lacageed oo go an. Qarashka guriga [Bostadskostnad] Jaantuska 3aad: qarashka guriga ee lagu saleeyo ee ugu sarreeya 7 (15)

Haddii aad haysato Dakhliga lagu salaynayo ee ugu sarreeyaa waa Hal carruur ah Laba carruur ah Saddex carruur ah 5300 karoon 5900 karoon 6600 karoon Bedka guriga [Bostadsyta] Jaantuska 4aad: Bedka guriga ee ugu weyn ee xaq loogu yeelanayo Haddii aad haysato Bedka guriga (inta mitir ee laba jibaaran) ee aad kaalmo ku heli karto Hal carruur ah 80 Laba carruur ah 100 Saddex carruur ah 120 Afar carruur ah 140 shan carruur ah ama ka badan 160 Heerka aasaasiga ah [Garantinivå] Heerka aasaasiga ahi waxa weeye in aad mar walba ku xisaabtanto qarashaadka ilaa heer, marka aad dalbato kaalmo, xiitaa haddii uu sharciga xaddidaya bedka guriga ku siinayo wax ka hooseeya qarashka guriga ee aad xisaabisay. Laakiin marna ha ku xisabtamin waxa ka badan qarashaadka guriga ee dhabta ah. Jaantuska 5aad: qarashka guriga ee wax lagaaga soo celinayo iyada oo aan la fiirinayn bedka guriga Haddii aad haysato Hal carruur ah Laba carruur ah Saddex carruur ah Afar carruur ah Heerka aasaasiga 3000 karoon 3300 karoon 3600 karoon 3900 karoon shan carruur ah ama ka badan 4200 karoon 8 (15)

Tusaalaha sida aad u xisaabin karto qarashka guriga ee lagu salaynayo Kaarin iyo Lasse waxa ay haystaan laba carruur ah. Waxa u kiraysan guri bedkiisu yahay 140 mitir oo laba jibbaaran. Kiradu waa 4000 karoon bishiiba. Maadaama ay kaalmo ku heli karaan 100 mitir oo laba jibbaaran oo keli ah, waxa qarashka gurigooda loo xisaabinayaa sidan: 100 x 4000 = 2857 kronor 140 Laakiin maadaama heerka aasaasiga ah ee qoys laba carruura leh uu yahay 3300 karoon, waxay helayaan Karin iyo Lasse 3300 karoon bishii oo ah qarashka giriga ee lagu salaynayo. Kaalmada ugu sarraysa [Maximalt bidrag] Kaalmada ugu badan ee aad heli kartaa waxa ay ku xidhan tahay, haddaad hayso masuuliyadda xannaanada carruurta, tirada carruurta aad haysato iyo inta ay kula deggan yahiin. Jaantuska 6aad. Kaalmada ugu sarraysa marka aad haysato masuuliyadda xannaanada ilmaha, inta badanna uu kula deggan yahay, ee adareeskaaga ku qoran yahay. Haddii aad haysato Hal carruur ah Laba carruur ah Waxa aad heli kartaa ugu badnaan kan du högst få 3200 karoon 4000 karoon Saddex carruur ah ama ka badan 4900 karoon Jaantuska 7. Kaalmada ugu sarraysa marka ilma ama carruurtu mar mar kula deggan yihiin, ama aanay adareeskaaga ku qornayn [deggenaansho wakhti wakhti ah) Haddii aad haysato Hal carruur ah Laba carruur ah Waxa aad heli kartaa ugu badnaan 2200 karoon 2600 karoon Saddex carruur ah ama ka badan 3000 karoon Haddii aad tahay la deggane [Om du är inneboende ] Haddii aad qof kale la deggan tahay, sharciyo kale ayaa ku quseeya. Waa in aad haysato masuuliyadda xannaanada ilmaha, waxaana ugu badnaan heli kartaa: 9 (15)

Jaantuska 8. Kaalmada ugu sarraysa haddii aad tahay la deggane Haddii aad tahay la degene oo aad haysato Waxa aad helaysaa ugu badnaan Hal carruur ah Laba carruur ah Saddex carruur ah ama ka badan 1300 karoon 1750 karoon 2350 karoon Jaantusyada kirada guriga ee aan rasmiga ahayn [Tabeller för preliminärt bostadsbidrag] Jaantusyadu waxa ay muujinayaa tusaalaha weynida kirada guriga ee aan rasmiga ahayn ee qoysaska kala duwan. Jaantusyada 9A, B iyo C waxa ay quseeyaan guurlaaweyaasha, lammaanaha isqaba ama isla deggan ee mid waliba leeyahay dakhli ka sarreya 58500 karoon sannadkii. Jaantusyada 10A, B iyo C waxa ay quseeyaan lammaanaha isqaba ama isla deggan ee mid waliba ama midkood leeyahay dakhliga lagu saleeyo oo ka sarreeya 58500 karoon. Marka aad isticmaalayso jaantuskan waxa aad xisaabisaa uun labada lammaane kooda dakhligiisa lagu saleeyaa uu sarreeyo. Guurlaawaha iyo kuwa isqaba ama isla deggan ee mid waliba leeyahay dakhli ka sarreeya 58500 karoon sannadkiiba. [Ensamstående och makar eller sambor som båda har en inkomst som är högre än 58 500 kronor per år] Qoysaska haysta hal ilmo [Familjer med ett barn] Haddii ilmuhu kula deggan yahay wakhti-wakhti uun, kirada guriga ee halkan ku cad, waxa laga jarayaa 1000 karoon. 10 (15)

9A. Kaalmada kirada guriga oo karoon ah bishiiba- qoysaska hal ilmo haysta Dakhliga lagu saleeyo Qarashka guriga ee lagu saleeyo, karoon ahaan bishiiba 1400 2000 2500 3000 3500 4000 4500 5000 5300 0 117000 1300 1600 1800 2100 2300 2600 2800 3100 3200 125000 1100 1400 1700 1900 2200 2400 2700 2900 3100 150000 700 1000 1300 1500 1800 2000 2300 2500 2700 175000 300 600 800 1100 1300 1600 1800 2100 2200 200000 200 400 700 900 1200 1400 1700 1800 225000 300 500 800 1000 1300 1400 250000 100 300 600 800 1000 275000 200 400 600 300000 200 Qoysaska haysta laba carruur ah [Familjer med två barn] Haddii carruurta midkood uu marmar ku la deggan yahay, waxaa kirada guriga oo horay loo sheegay laga dhimayaa 400 karoon. Iyadoo la raacayo habka isudheellitirka ayaa markaa waxay dhimistaasi noqoneysaa 300 karoon. Haddii dhammaan carruutu ku la deggan yihiin marmar, waxaa laga dhimayaa 1400 karoon. Iyadoo la raacayo habka isudheellitirka ayaa markaa waxay dhimistaasi noqoneysaa 1300 karoon. 9B. Kaalmada kirada guriga oo karoon ah bishiiba- qoysaska laba carruur ah haysta Dakhliga lagu saleeyo Qarashka guriga ee lagu saleeyo, karoon ahaan bishiiba 1400 2000 2500 3000 3500 4000 4500 5000 5500 5900 0 117000 1700 2000 2300 2500 2800 3000 3300 3500 3800 4000 125000 1600 1900 2100 2400 2600 2900 3100 3400 3600 3800 150000 1200 1500 1700 2000 2200 2500 2700 3000 3200 3400 175000 700 1000 1300 1500 1800 2000 2300 2500 2800 3000 200000 300 600 900 1100 1400 1600 1900 2100 2400 2600 225000 200 500 700 1000 1200 1500 1700 2000 2200 11 (15)

Dakhliga lagu saleeyo Qarashka guriga ee lagu saleeyo, karoon ahaan bishiiba 1400 2000 2500 3000 3500 4000 4500 5000 5500 5900 250000 300 500 800 1000 1300 1500 1700 275000 100 400 600 900 1100 1300 300000 200 500 700 900 325000 300 500 350000 100 Qoysaska haysta saddex carruur ah ama ka badan [Familjer med tre eller flera barn] Haddii laba carruurta ka mid ahi ay marmar ku la deggan yihiin, waxaa kaalmadii kirada guriga oo horay loo sheegay laga dhimayaa 600 karoon. Iyadoo la raacayo habka isudheellitirka ayaa markaa waxay dhimistaasi noqoneysaa 500 karoon. Haddii carruuta midkood marmar ku la deggan yahay, waxay dhimistu noqoneysaa 900 karoon. Haddii dhammaan carruutu ku la deggan yihiin marmar, waxaa laga dhimayaa 1900 karoon. 9C. Kaalmada kirada guriga oo karoon ah bishiiba- qoysaska haysta saddex carruur ah ama ka badan Dakhliga lagu saleeyo Qarashka guriga ee lagu saleeyo, karoon ahaan bishiiba 1400 2000 2500 3000 3500 4000 4500 5000 5500 6000 6600 0 117000 2300 2600 2900 3100 3400 3600 3900 4100 4400 4600 4900 125000 2200 2500 2700 3000 3200 3500 3700 4000 4200 4500 4800 150000 1800 2100 2300 2600 2800 3100 3300 3600 3800 4100 4400 175000 1300 1600 1900 2100 2400 2600 2900 3100 3400 3600 3900 200000 900 1200 1500 1700 2000 2200 2500 2700 3000 3200 3500 225000 500 800 1100 1300 1600 1800 2100 2300 2600 2800 3100 250000 100 400 600 900 1100 1400 1600 1900 2100 2400 2700 275000 200 500 700 1000 1200 1500 1700 2000 2300 300000 100 300 600 800 1100 1300 1600 1900 325000 100 400 600 900 1100 1400 350000 200 500 700 1000 12 (15)

Dakhliga lagu saleeyo Qarashka guriga ee lagu saleeyo, karoon ahaan bishiiba 1400 2000 2500 3000 3500 4000 4500 5000 5500 6000 6600 375000 100 300 600 40000 200 Labada isqaba ama isla deggan oo ay labadooduba ama midkood soo galo dakhliga lagu saleeyo oo ugu sarrayn ah 58500 karoon sannadkii. [Makar eller sambor där båda eller en i familjen har en bidragsgrundande inkomst som är högst 58 500 kronor per år] Qoysaska hal carruur ah leh [Familjer med ett barn] Haddii ilmuhu kula deggan yahay wakhti-wakhti uun, waxa kirada guriga ee halkan ku cad laga jarayaa 1000 karoon. 10A. Kaalmada kirada guriga oo karoon ah bishiiba- qoysaska haysta hal carruur ah Dakhliga lagu saleeyo Qarashka guriga ee lagu saleeyo, karoon ahaan bishiiba 1400 2000 2500 3000 3500 4000 4500 5000 5300 0 58500 1300 1600 1800 2100 2300 2600 2800 3100 3200 75000 1000 1300 1500 1800 2000 2300 2500 2800 2900 100000 600 900 1100 1400 1600 1900 2100 2400 2500 125000 100 400 700 900 1200 1400 1700 1900 2100 150000 300 500 800 1000 1300 1500 1700 175000 100 400 600 900 1100 1300 200000 200 400 700 800 225000 300 400 13 (15)

Qoysaska haysta laba carruur ah [Familjer med två barn] Haddii carruurta midkood uu marmar ku la deggan yahay, waxaa kaalmadii kirada guriga oo horay loo sheegay laga dhimayaa 400 karoon. Iyadoo la raacayo habka isudheellitirka ayaa markaa waxay dhimistaasi noqoneysaa 300 karoon. Haddii dhammaan carruutu ku la deggan yihiin marmar, waxaa laga dhimayaa 1400 karoon. Iyadoo la raacayo habka isudheellitirka ayaa markaa waxay dhimistaasi noqoneysaa 1300 karoon. 10B. Kaalmada kirada guriga oo karoon ah bishiiba- qoysaska haysta laba carruur ah Dakhliga lagu saleeyo Qarashka guriga ee lagu saleeyo, karoon ahaan bishiiba 1400 2000 2500 3000 3500 4000 4500 5000 5500 5900 0 58500 1700 2000 2300 2500 2800 3000 3300 3500 3800 4000 75000 1400 1700 2000 2200 2500 2700 3000 3200 3500 3700 100000 1000 1300 1600 1800 2100 2300 2600 2800 3100 3300 125000 600 900 1100 1400 1600 1900 2100 2400 2600 2800 150000 200 500 700 1000 1200 1500 1700 2000 2200 2400 175000 100 300 600 800 1100 1300 1600 1800 2000 200000 100 400 600 900 1100 1400 1600 225000 200 500 700 1000 1200 250000 100 300 600 800 275000 100 300 Qoysaska haysta saddex carruur ah ama ka badan [Familjer med tre eller flera barn] Haddii laba ka mid ah carruurta ay kula deggan yihiin waxa kirada guriga ee halkan ku cad, laga jarayaa 400 karoon. Xeerarka isku celcelintu waxa ay ka dhigi karaan in jaritaanku noqdo 300 karoon. Haddii mid ka mid ah carruurta uu kula deggan yahay, waxa kirada guriga ee halkan ku cad laga jarayaa 700 karoon. Haddii carruurta oo dhami ay kula deggan yihiin wakht-wakhti uun, waxa kirada guriga lagaa jarayaa 1300 karoon. 14 (15)

10C. Kaalmada kirada guriga oo karoon ah bishiiba- qoysaska haysta saddex carruur ah ama ka badan. Dakhliga lagu saleeyo Qarashka guriga ee lagu saleeyo, karoon ahaan bishiiba 1400 2000 2500 3000 3500 4000 4500 5000 5500 6000 6600 0 58500 2300 2600 2900 3100 3400 3600 3900 4100 4400 4600 4900 75000 2000 2300 2600 2800 3100 3300 3600 3800 4100 4300 4600 100000 1600 1900 2200 2400 2700 2900 3200 3400 3700 3900 4200 125000 1200 1500 1700 2000 2200 2500 2700 3000 3200 3500 3800 150000 800 1100 1300 1600 1800 2100 2300 2600 2800 3100 3400 175000 400 700 900 1200 1400 1700 1900 2200 2400 2700 3000 200000 200 500 700 1000 1200 1500 1700 2000 2200 2500 225000 100 300 600 800 1100 1300 1600 1800 2100 250000 200 400 700 900 1200 1400 1700 275000 200 500 700 1000 1300 300000 100 300 600 900 325000 200 500 15 (15)