Ku soo dhowow Laholm

Relevanta dokument
Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Dulqaaxumo Intolerans

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Transportyrken på sju språk

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

Ku soo dhawaadda shaqada

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Somaliska. Barn älskar böcker

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Ku soo-dhawaada degmada Umeåregionen. warbixin loogu talogalay magangelyodoonka. Bjurholm Nordmaling Robertsfors Vindeln Vännäs Umeå

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Sida loo dhiso jaaliyad

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

Välkommen till Laholm

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa.

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Wakiilka takooridda DO

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Välkommen till Tingsryds kommun! Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

FARBARASHADA AF-SOOMAALIGA

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

Tabobarka farsamada dayactirka baabuurta

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Su aalo iyo jawaab ku saabsan sariir ku kaadinta Soomaali somaliska Buugan yar waxa soo saaray Maxadka Iswiidhishka ee isku kaadinta habeenkii

Ku saabsan Iswiidhan. Barashada bulshada oo Soomaali ah

Uppgifter B Textpaket Litteracitet

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Ka kaluumeysiga. Iswiidhan. Waxaa maalgeliyay Hay'ada Illaalada Deegaanka Iswiidhan (Naturvårdsverket)

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Hagidda kala soocidda

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

Waxanu ku hadalnaa luqado badan

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

SOL110. Somaliska språket i ett kontrastivt perspektiv. Somaliskans grammatik i jämförelse med svenskans grammatik.

Fasaxa xilliga xagaaga & deegaanka xagaaga 2018

Somaliska. Goorma samaynayaa mammogramka. RG_Mammografi_A5_SV_somal.indd :17:38

Bra mat för barn mellan ett och två år. u dhaxeeyo hal sano iyo labo sano

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

Transkript:

Ku soo dhowow Laholm

Ku soo dhowow Laholm Välkommen till Laholm Ku soo dhowow Laholm Guuritaanku waa tallaabo aad u weyn. Ku fekerka oo qura ayaa su aalo badan ka dhashaan. Sidee ayey noloshaydu ku noqoneysaa meesha cusub? Guritaanku ma wuxuu i siinayaa fursado wanaagsan oo aan nolol wanaagsan ugu noolaado? Ma ka heli doonaa? Ma heli doonaa wax walba oo aan u baahanahay? Ma ka jiri doonaan fursado lagu helo shaqo iyo waxbarasho? Sidee ayey ku noqoneysaa carruurtayda? Laholm waxa weeye degmo yar oo ku taal koonfurta dalka Iswiidan oo faa iidooyin badan laga helayo. Waxaa Laholm ka jira fursado wanaagsan oo lagu helayo guryo, shaqo iyo waxbarasho.waxaa halkaa ku yaal dugsiyo iyo xannaanada carruurta, ganacsi iyo daryeel caafimaad. Laholm waxay u dhowdahay magaalooyin badan oo waaweyn oo xiriir gaadiid oo wanaagsan ayaa ka jira. Waxana dooneynnaa in Laholm dad badan soo degaan! Waxaan dooneynna inaan kororno oo horumarno! Joogitaankiinu wuxuu hodan ka dhigayaa Laholm idinkoo wata waaya-aragnimadiina iyo aqoomihiina. Waxaan aammisannahay badnaanshaha dadyowga ka geddisan oo waxaan u aragnaa dadka ka yimid dalalka in ay hanti u yihiin degmadayada. Per Asklund, guddoomiyaha golaha fulinta degmada iyo Nils Danred, ku-simeha madaxa maamulka degmada Soo dhowaada! Per Asklund Guddoomiyaha Golaha fulinta degmada Nils Danred Ku-simeha madaxa maamulka degmada

Macluumaadka Laholm Degmada Laholm Juqraafiga Degmada Laholm waxay ku taal koonfurta dalka Iswiidan, gobolka Halland ee xeebta galbeed. Dhinaca galbeedka waxaa ku yaal bad iyo xeeb, bartamahana dhul-beereed, barigana kaymo. Webiga yar ee Lagan wuxuu dhexmaraa degmada, meel walba oo aad deggan tahayna waxaad u dhowdahay dabeecadda iyo biyaha. Trollhättan Karlstad Västerås Norrköping Linköping Stockholm Dadka deggan 2009 waxaa Laholm ku noolaa qiyaastii 23 400 oo qof. Boqolkiiba 9 dadka Laholm waxay ku dhasheen dalka dibeddiisa (Dalka oo dhan waxay ahaayeen boqolkiiba 14, 2009). Halmstad Göteborg Borås Halmstad Laholm Jönköping Växjö Kalmar Degaanada Degmada Laholm waxay ka kooban 14 degaan. Laholm waxay ku taal bartamaha, waxaana ku nool qiyaastii 6000 oo qof. Laholmsbukten Mellbystrand E6 Genevad Veinge Lilla Tjärby Laholm 117 Knäred Helsingborg Malmö Kristianstad Skummeslövsstrand Vallberga Ysby Markaryd Skottorp Ränneslöv 24 Båstad Hasslöv Våxtorp Hishult Örkelljunga

Degganaanta Degganaanta Degmada Laholm waxaad ka heleysaa degganaansho wanaagsan oo xasilloon. Guryaha la kireysto ee magaalada Laholm waxay inta ka kooban yihiin guryo dabaqyo ah. Degaanada magaalada dibeddeeda ku yaal waxaa laga kireysan karaa guryo gaagaaban oo jardiinadooda leh. Laholm waxaa ka jira qiimo wanaagsan haddii la doonayo in la iibsado guri la yeesho. Sicirta guryaha xeebta ku dhow wuu sarreeyaa, laakiin guri ku yaal meel xeebta xoogaa ka durugsan waxaa lagu helayaa qiimo aad uga hooseeya. Waxaan doorannay Laholm Helene & Mouhib Boutros Helene iyo Mouhib Boutros iyo carruurtooda waxaa sharciga degganaanta la siiyey 2006. Intii uusan qoysku helin gurigooda waxay la soo degganaayeen qaraabo iyo saaxiibbo. Waqtigasna waxay ku guuleysteen la qabsashada nolosha halkaan. Helene waxay aadi jirtay dugsiga barbaarinta iyo in ay carruurta la aaddo dhaqdhaqaaqyada kaniisadda. Waxay bilowday in ay dad halkaas ku barato oo waa ay ku faraxday. Waxay taas dareentay kolkii qoysku soo booqday Stockholm si ay ugu guuraan. Helene waxay tiri: Waxaan aad u aamminsanaa in ay tahay magaalo weyn meeshii aan degi lahaa, laakiin alla maxaan u xiisay xasiloonida Laholm. Kolka aan Waxaan aad u aamminsanaa in ay tahay magaalo weyn meeshii aan degi lahaa, laakiin alla maxaan u xiisay xasiloonida Laholm. Kolka aan carruurta bannaanka u la baxo oo magaalada dhexmushaaxayo, qof walba wuu na salaamaa, waxaana laga helaa ammaan iyo xasilooni kolka aad dhexdeggan tahay dadka ku yaqaan carruurta bannaanka u la baxo oo magaalada dhexmushaaxayo, qof walba wuu na salaamaa, waxaana laga helaa ammaan iyo xasilooni kolka aad dhexdeggan tahay dadka ku yaqaan. Wax yar ayey Stockholm joogeen oo durbadiiba waxay dib ugu soo noqdeen Laholm. Maanta wuxuu qoysku deggan yahay guri ay leeyihiin oo ku yaal Lilla Tjärby oo ku taal bannaanka Laholm. Helene iyo gabadha ugu weyn waxay baaskiil ku aadaan shaqada iyo dugsiga oo ku yaal Laholm. Gabadha yarina waxay dhigataa dugsi yar oo ku dhow. Kolkii ay Helene soo dhammaysatay waxbarashada cunto-karinta waxay shaqo joogto ah ka heshay jiko ku taal dugsi barbaarin. Mouhib wuxuu ka dhabeeyey wixii uu ku hammin jirey oo ahaa inuu furto meel timajarid, wuxuuna hadda ku dadaalaa in reer Laholm si fiican loogu jaro. Qoysku hadda aad ayuu u qanacsan yahay. Mar walba oo ay booqdaan ehelka iyo qaraabada ku nool Lubnaan, waxay u soo xiisaan gurigooda Laholm, noloshoodii saaxiibada ay halkaan ku leeyihiin.

Shaqo & Waxbarasho Shaqada iyo waxbarashada Laholm waxay leedahay dhaqan beeraleynimo oo taariikh dheer. Waxaa weli ku yaal beero laakiin waqtiyadaan dambe waxay noqdeen kuwo shirkado yaryar iyo kuwo dhexe oo dadka degmada badankood u shaqeeyaan. Kaalinta koowaad waxaa ku jira shirkadaha naqshadda iyo farshaxanka, farsamada alwaaxda iyo cunta-soosaarka. Waxaa soo badanaya dalxiiska iyo shirkado badan oo cusub oo ka shaqeeya dalxiiska iyo adeegyada. Laholm waxaa waqti hore lagu la xiriirsiinayaa suuqa shaqada adigoo fursad u heli kara inaad bilowdo tababar shaqo. Habkaas ayaadna ku baraneysaa af-iswiidhishka iyo dhaqanka goobaha shaqada iswiidhishka. Talasiin Xarunta waxbarashada ee Laholm waxaa ku yaal xafiis dadka siiya talooyin ku saabsan sidii aad u dooran lahayd waxbarasho iyo xirfad. Halkaa waxaa jooga lataliye aqoon dheer u leh oo aad kala hadli karto mustaqbalkaaga. Xarunta waxbarashadu waxay kaloo tahay meel lagu kulmo, waana tallaabadii nolosha shaqada iyadoo si firfircoon loo la shaqaynayo Arbetsförmedlingen xafiiska shaqada iyo shirkadaha ganacsiga ee degmada. Tababar shaqo ee mid ka mid ah dukaamada Laholm Waxbarashada Waxbarashooyinka dadka waaweyn badankood waxaa lagu soo ururiyey xarunta waxbarashada. Waxaa halkaan af-iswiidhishka shisheeyaha loo talagalay, waxbarashada asaasiga ah ee dadka waaweyn, waxbarashooyin heer dugsi sare iyo waxbarashooyin xirfadeed. Af-iswiidhishka Xarunta waxbarashada waxaad fursad u heli kartaa inaad barato afka iswiidhishka heerarkiisa loogu baahan yahay waxbarashada jaamicadeed: Iswiidhishka shisheeyaha, heerka A - D. Iswiidhishka sida luuqad labaad heer dugsi hoose. Svenska A iyo Svenska B heer dusi. Fursadaha kale oo waxbarashada horseedi kara U dhowaanshaha kulliyadda Halmstad iyo magaalooyinka kale waxaa laga helayaa fursado lagu barto qaybaha waxbarashooyinka badankood. Waxaan doorannay Laholm Jasmin Hashem Jasmin waxay ka timid Ciraaq waxayna Laholm ugu guurtay kaalmo ay ka heshay Hay adda socdaalka. Jasmin waxay sheegeysaa inay ku qanacsan tahay caawimaadda ay ka heshay degmada ilaa markii ay u soo guurtay Laholm. Waa ay fududay in la la xiriiro mas uuliyiinta, waxayna dareemeysaa in lagu soo dhoweeyey in ay ula timaaddo wixii su aalo ah. Waana i barteen oo waa wax lagu farxo, ayey tiri Jasmin. Arrin kale oo Jasmin u aragto muhiim, si wanaagsanna uga shaqayneysa bartamaha Laholm waxa weeye isgaarsiinta gaadiidka. Tusaale ahaan, aad ayey fududahay in laga isaga safro Laholm iyo Ängelholm, halkaas oo Jasmin ku barato 2 sano oo waxbarasho xirfadeed ah. Waxaa hadda muhiim ah inaan waxbarashada dhammaysto, kadibna shaqo raadsado. Laga yaabo inaan furto xafiis xisaabaad kolka aan dhammaysto waxbarashada. Hadda waxay u muuqataa in wax waliba suurtagal yihiin, ayey sheegeysaa Jasmin. Waxaa hadda muhiim ah inaan waxbarashada dhammaysto, kadibna shaqo raadsado. Laga yaabo inaan furto xafiis xisaabaad kolka aan dhammaysto waxbarashada. Hadda waxay u muuqataa in wax waliba suurtagal yihiin

Carruurta & Dhallinyarada Carruurta & Dhallinyarada Laholm waa degmo carruurta u wanaagsan. Dugsiyada barbaarinta iyo dugsiyada kaleba waa u dhow yihiin dadka. Kama jiraan gaadiid buuq keenaya. Ardaydu waxay baaskiil u qaataan ama u lugeeyaan dugsiyada. Waxaa kaloo ka jiraa dhaqdhaqaaqyo badan oo loogu talagalay carruurta, dhallinyarada iyo dadka waaweyn. Nolosha magaaladaan yari waxay faa iidooyin badan u tahay carruurta iyo dhallinyarada. Dugsiyada waxay dhammaan carruurta degmadu boos ka helaan dugsiyada barbaarinta. Waxaa kaloo jira dugsiyo xannaano oo carruurta aad la tegi karto kolka aad fasaxa waalidka ku jirto dugsiyada hoose (fasalada F-6) ayaa waxay ka jiraan degaanada degmada badankood dugsiyada dhexe (fasalada 7-9) waxay ku yaalliin Laholm, Veinge iyo Våxtorp dugsiga sare ee Osbecksgymnasiet wuxuu ku yaaö Laholm dugsiyada sare kadib waxaa jira fursado lagu baran karo waxbarashada dadka waaweyn ee Laholm ama Kulliyadda (Högskolan) Halmstad Waqtiyada fasaxa ururada qabanqaabiya kubbadda cagta, innebandy, heesaha, kubbadda gacanta, dabaasha, teeniska, dugsiyada farda-fuulka, kalluun-dabasho, scouter iyo waxyaalo kaloo badan xarumaha waqtiyada fasaxa oo meelo badan ku yaal ayey dhallinyaradu ku la kulmaan saaxiibadood oo ku sameeyaan dhaqdhaqaaqyo xiiso leh. u dhowaanshaha dabeecaddu waxay suurtagelisaa in sannadka oo dhan daawashooyin xusuus reeba waxaa halkaa ku yaal bad iyo harooyin lagu dabaasho xilliga kuleylaha. Haddii xilliga jilaalkuna aad u qabow yahay, waxaad adigoo qaba kabaha barafka ku dul ordi kartaa harooyinka ama ulaha barafka ayaad ku wadan kartaa degaandegyada Hallandsåsen Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada kala geddisan ka akhriso boggaan www.laholm.se, kommunal service, idrott & fritid Waxaan doorannay Laholm Lama & Sharaf Massad Lama iyo Sharaf waxay Laholm uga soo guureen Malmö. Malmö waxaa ku adkayd in ay helaan goob tababar shaqo, waxaa kaloo jiray waxyaalo kale oo uusan qoysku ku faraxsanayn. Tallaabo weyn ayey ahayd in laga soo guuro Malmö oo loo soo guuro magaalo u yar sida Laholm. Lama iyo Sharaf laba goor ayey booqasho ku yimaadeen Laholm intii aysan go aan gaarin. Guuritaanku wuxuu aad ugu fiicnaa wiilkooda, Rushd oo 8 sano jira. Waa xaqiiqa inuu u xiisay saaxiibadiisa Malmö jooga, haddana wuxuu u arkaa in nolosha Laholm mid aad u sarraysa. Wuxuu dhigtaa fasalka 2:aad ee dugsi ku yaal meel u dhow guriga reerka. Dugsiga kadib wuxuu cayaaraa kubbadda cagta oo uu tababar la sameeyo mid ka mid ah naadiyada badan ee degmada. Haddii kale wuxuu aadaa goobta dabaasha ee Folkhälsocentrum, halkaas oo uu tababar la qaato naadiga dabaasha ee Stimmet. Gabadhooda Linn waxay aad ugu faraxsan tahay dugsiga barbaarinta. Bishii ugu horreysay ee Laholm waa ay adkayd, ayey Lama tiri, oo u xiisooday in ay ku noqdaan Malmö. Laakiin hadda waxaa Wiilkayagu wuxuu dugsiga ku tagaa baaskiil maalin walba, wuxuuna tagaa oo ku wareegaa Laholm annagoo aan ka welwelsanayn oo waxba ka cabsanayn jira waxyaalo badan oo reerku u doonayo inuu joogo Laholm. Halkaan waa meel deggan oo aan ammaan ku haysano. Wiilkayagu wuxuu dugsiga ku tagaa baaskiil maalin walba, wuxuuna tagaa oo ku wareegaa Laholm annagoo aan ka welwelsanayn oo waxba ka cabsanayn, ayey tiri Lama. Xiriirada degmadu waa mid aad u wanaagsan. Laholm waa magaalo aad uga yar Malmö oo sidaas awgeed waxaa ka jira fursado xiriir dhowgi ku dhexmaro xoghayaha arrimaha bulshada iyo qoyska. Halkaan wuxuu qof waliba muujiyey inuu danaynayo qoyska, ayey tiri Lama.

Adeegyada Adeegyada Waxyaalo badan ayey Laholm ku deeqaysaa oo waa dhowdahay u safridda iyo ka safridda degamdu. Waxaad waddada baarbuurta iyo tareenada ku gaari kartaa Copenhagen, Malmö iyo Göteborg labo saac gudahood. Haddii aad dooneyso inaad degmadaan joogto, wax walba oo aad u baahan tahay waad ka heleysaa. Gaadiidka bas ayaad ku tegi kartaa dhammaan degaanada degmada ka tirsan iyo Halmstad. Safarka Halmstad wuxuu qaataa qiyaastii 30 daqiiqo tareen ayaad u raaci kartaa Göteborg ama Malmö. Safarka Malmö ama Göteborg wuxuu qaataa qiyaastii hal saac iyo bar waxaad dhaqso ugu safri kartaa waddada baabuurta E6 oo aada dhanka waqooyi (Göteborg) iyo dhanka koonfureed (Malmö/Köpenhamn) Dukaamada dukaamo waaweyn iyo kuwo yaryar iyo dukaamo gaar ah oo aad ka heli karto cuntooyinka bariga dukaamo badan oo iibiya dharka, alaabta carruurtu ku cayaarto, qalabka elektarooniga iyo alaabta dhismaha suuqa ganacsiga ee Mellbystrand waxaa ku yaal dukaamada ee dharka badankood dukaamada barxadaha miyiga waxaa lagu iibiyaa cuntooyin dad sameeyey dukaamo gacan-labaad Daryeelka caafimaadka Rugaha daryeelka caafimaadka, halkaas oo aad ugu horrayn la xiriireyso kolka aad daryeel caafimaad u baahan tahay Rugaha daryeelka caafimaadka carruurta oo la socda caafimaadka iyo koritaanka carruurtaada waxaa u dhowdahay qaybta daryeelka gaarka ah iyo qaybta dhalmada oo ku yaal isbitaalka gobolka ee Halmstad Suuqa quruxda badan ee Laholm waxaa sannad walba laga qabanqaabiyaa dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ay ka mid yihiin xafladaha magaalada, dhaqdhaqaaqyada galbihii ee xilliga kuleylaha, suuq habkii waqtiyadii hore iyo waxyaalo kaloo badan. Waxaa kaloo jira fagaare ganacsi oo maalin walba furan oo lagu iibiyo kalluun, ubaxyo iyo dhar Bartamaha Laholm

Förutsättningar Xarunta isdhexgalka dadyowga Integrationscentrum [Xarunta isdhexgalka bulshada] Integrationscentrum ee degmada Laholm waxay caawimaad iyo taageero siisaa dadka inta ay degmada ku cusub yihiin. Caawimaadda waxaa la siiyaa qaxootiga dhowaan yimid oo haysta sharciga degganaanta, oo degan degamada. Kolka aad dhowaan soo gasho waxaa jira waxyaalo badaan oo muhiim ah oo loo baahan yahay inay shaqeeyaan. Waxaad u baahnaan kartaa talasiin iyo warbixino ku saabsan bulshada, si aad u ogaato meelihii aad la xiriiri lahayd oo waxaad dooneyso weyddiin lahayd, iyo inaad ogaato xuquuqdaada iyo waajibaadka ku saaran. Shaqaalahayaga Integrationscentrum waxaan u shaqaynaa hab aad fahmi karto oo aad ku xallin karto xaaladaha noloshaada, si waqtiga ugu horreeya aad degmada soo degtay uu u noqdo mid micna leh oo aasaas u noqda nolol cusub oo aad ku noolaato Laholm. Ku soo dhowow mar walba inaad naga la soo xiriirto Integrationscentrum. Waxaad naga heleysaa Lärcentrum, Lantmannagatan 3 ee Laholm. Haddii aad qabto su aalo ku saabsan u soo guuritaanka Laholm, weyddiiso xogahayahaaga Migrationsverket ama kan degmada aad deggan tahay inuu la soo xiriiro isuduwaha arrimaha isdhexgalka Anna Haraldsson. Warbixinta xiriirada Anna Haraldsson isuduwaha arrimaha isdhexgalka taleefan: 0430-265 10, mobiil: 076-7635300 faks: 0430-265 13 e-mail: anna.haraldsson@laholm.se Jenny Strand, gacanhaaye arrimaha isdhexgalka taleefan: 0430-265 24 faks: 0430-265 13 e-mail: jenny.strand@laholm.se Milad Karam, hawlwadene arrimaha isdhexgalka taleefan: 0430-265 16, mobiil: 070-689 02 22 faks: 0430-265 13 e-mail: milad.karam@laholm.se

Arbetsförmedlingen Arbetsförmedlingen waa goobta fursadaha ay ku kulmaan Arbetsförmedlingen waa goobta dalka Iswiidan ugu wayn oo shaqooyinka laga helo. Xilka anaga na saaran wuxuu yahay in an hab firfircoon oo suurtagal ah isku keenno shaqoraadsadeyaasha iyo shirkadaha shaqada bixiya. Anaga waxaa nalaga helaa meelaha shaqooyinka laga helo oo ku yaalaan dalka oo idil. Dhammaan adeegyadeeda waa lacag la aan. Haddii aanu nahay hawlwadeneyada Arbetsförmedlingen waxaan aqoon dheer u leenahay suuqa shaqada oo dalka oo idil oo ah heer degmo iyo goboleed ba. Waxaanu leenahay keydka kombyuutarka ee shaqada laga raadsado ee dalka Iswiidan ugu wayn. Haddii an durbadiiba kula kulanno, waxaanu heleyna fursad an ku shaacbixinno khibradahaaga, aqoontaada iyo nooca xirfadaha aad xiiseeyso taasoo noo suurtagelinayso in an shaqo kaaga helno degmooyinka iyo shirkadaha u baahan dadyoowga leh xirfadaada oo kale. Arbetsförmedlingen ku yaallo degmada Laholm wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay shirkadaha iyo shaqobixiyeha, taasoo suurtagelinayso helida wada kulan iyo shaqo ku qorid. Teeda kale, shaqo-raadsadehu wuxuu shaqo-bixiyeha ka heli karaa boos tababbar shaqo, kaasoo isaga uu suurtagelinayso helida muqaalka xirfadaha kala duwan iyo goobaha laga shaqaysto ee kala duwan. Fursadhaan oo idil waxay adiga oo ah qof dalka ku cusub, ku siinayaan sida khibradaha shaqada ee aad dalkaaga kala timid ula qabsiin lahayd suuqa shaqada ee dalka Iswiidan. Waxaad kaloo helaysaa saldhigga go aanka nooca xirfadda aad baran lahayd. Warbixin badan ayaa bogga Internetka ka akhrisan kartaa www.arbetsformedlingen.se Ku soo-dhowaada Arbetsförmedlingen degmada Laholm!

Folkhälsocentrums badland [Xarunta arrimaha caafimaadka ee ummadda] Laxfiske vid Lagan [Waa goob laga kaluumaysto] Mellbystrand [Waa goob xeeb ah] Stadsfesten i Laholm [Waa goob xafladaha lagu dhigo] Fotbollsmatch på Glänningepark [Waa goob kubbada cagta lagu ciyaaro]