QAWAANIINTA dugsiga xanaanada, xilli firaaqaha iyo hawlaha wax-barida ee degmada Alingsås
Qofkee heli kara boos Waalidka haysta caruur laga bilaabo da da 1 sano ilaa iyo fasalka 6, waxay codsan karaan boos. Xanaanadan waxa loogu talogalay caruurta ku jira diiwaanka dadweynaha ee degmada Alingsås. Xitaa caruurta ka tirsan degmooyinka kale way codsan karaan helitaanka boos. Xanaanada waxa la bixiyaa ilaa heerka aad u qabto baahi, shaqo dakhli kaa soo galo waxbarasho ku salaysan baahida ilmaha. Ilmuhu boos ayuu helaa får plats sida ugu dhakhsaha badan ee boos u jiro, laakiin ugu dambeyn gudaha afar bilood iyadoo tixgelin macquul ah la siiyay rabitaanka qoyska Haddii aad doonaysid boos ku yaala dugsi xanaano oo gaar ah, waxad sugi kartaa in ka badan afar bilood. Si boos looga helo dugsiga xanaanada caruurta xasaasiyada leh ee Hasselgatans, waxa loo baahanyahay shahaado dhakhtareed. Ilaa inta boos jiro xitaa caruurta aan lahayn xasaasiyad waxa lagu meeleeyaa dugsigan xanaanada. Miyaa ilmahaagu u baahanyahay taageero gaar ah? Caruurta u baahan taageero gaar ah waxa loo qoondeeyaa boos ah gudaha hawlaha dugsiga xanaanada, hawsha dugsiga xilli firaaqaha ama hawsha dugsiga xanaanada ee la isku dhex daray. Tani waxa la sameeyaa haddii taageero noocan ah aan lagu bixin karin qaab kale. Baaritaan ayaa la sameeyaa xaalad kasta keligeed. Booska hawlaha dugsiga xanaanada Waxa loogu talogalay caruurta laga bilaabo 1 sano ilaa inta ay bilaabayaan fasalka barbaarinta. Xanaanadan waxa la bixiyaa iyadoo ah qaabka, dugsiga xanaanada guriga xanaano maalmeedka Fasax waalidnimo ama bilaa shaqo Caruurta dhalatay 2014 iyo ka dib waxa gunnada waalidka la qaadan karaa iyadoo ah heerka ugu hooseeya isla mar ahaantaa ilmuhu joogo dugsiga xanaanada/guriga xanaano maalmeedka. Caruurta u dhaxaysa 1-5 sano (6 sano-xilli dugsiyeedka gu ga), waxa lagu casuumaa 15 saacadood/toddobaadkiiba. laba toddobaad ka dib marka ilmo walaal u ahi dhasho shaqo la aan walaalada caruur waalidkoodu helaan ilmaha buuxiyay 1 laakiin aan buuxin 3 sanno, kana diiwaan gashan degmada ee boos aan ka haysan xanaanada caruurta dugsiga xanaanada ee guud, waxay khuseysaa laga bilaabo 3-5 sano (6 år- sano-xilli dugsiyeedka gu ga) Dugsiga xanaanada/guriga xanaano maalmeedka ayaa go aaminaya wakhtiyada ilmuhu dhiganayo. Dugsiga xanaanada guud Dugsiga xanaanada ee guud wuxu khuseeyaa laga bilaabo xilli dugsiyeedka deyrta ee sanadka ilmuhu buuxiyay 3 sano. Dugsiga xanaanada guud waa 15 saacadood. Caruurta dhigata dugsiga xanaanada guud waxa khuseysa arrintan: bilaa kharash ah, ilmuhu guriga ayuu joogayaa xilliga fasaxyada dugsiga aasaasiga ah leh kharash, ilmuhu dugsiga xanaanada ayuu joogayaa xilliga fasaxyada dugsiga aasaasiga ah. Kharash ayaa la qaadayaa xilliga ayaamaha fasaxu jiro. Kharashka bishi ayaa loo qaybinayaa 30 maalmood oo maalin kasta oo ku jirta toddobaadka ayaa la xisaabinayaa, xitaa maalmaha fasaxa. Booska ku meel gaarka ah ee caruurta dugsiga xilli firaaqaha Xitaa booska dugsiga xilli firaaqaha/guriga xanaano maalmeedka waxa la bixin karaa, haddii ilmuhu u baahanyahay xanaano xilliga fasaxa. Kharashka gaarka ah, ka akhri guud ahaan ku saabsan kharashyada xilliga shaqo ku meel gaar ah ama tallaabo dhinaca suuqa shaqada ah 1
CODSO BOOS Codsasho waxa la samayn karaa 6 bilood ka hor marka ilmuhu u baahanyahay boos ilmuhu waa inuu buuxiyay 1 sano haddii uu helayo boos Ilmaha waxa la gelinayaa safka, laga bilaabo taariikhda codsigani soo galay. Qawaaniin gaar ah ayaa shaqaysa markay noqoto guuritaanka degmooyinka gobolka Göteborg gudaheeda, macluumaadkan waxad ka helaysaa www.alingsas.se Baddelka Baddelyada ilmahaaga waxa la sameeyaa gudaha agoosto. Haddii aad haysato caruur ku jirta dugsiyo xanaano oo kala duwan, waxad helaysaa mudnaanta walaalaha. Xaaladahan waxa la sameeyaa baddelid sanadki oo dhan si walaaluhu ay u tagaan dugsi xanaano/guriga xanaano maalmeedka oo isku mid ah. Shuruudu waa in caruurta kale ee ku jirta safka ay heli karaan boos ku yaala dugsi xanaano/guriga xanaano maalmeed kale. Jedwalka Waa in la dhiibo jedwalka ilmo kasta iyadoo la marayo adeega elaktarooniga ah. Adiga iyo shaqaalaha ayaa ku heshiinaya wakhtiyada ilmuhu joogayo halkaas. Jedwalku hadduu shaqaynayo dhowr toddobaad waxa la xisaabiyaa isku cel-celis saacadeed/ toddobaadkiiba. Jedwalka waxa la gelinayaa isagoo ah jedwan hal toddobaad ah ama jedwal joogto ah (jedwal soconaya muddo dhowr toddobaad ah). Haddii ilmahaagu wakhti ka yar hal bil baddelayo wakhtiga, wax jedwal ah oo cusub ma la dhiibayo, balse waxad toos ula hadlaysaa shaqaalaha. Marka wakhtiga joogitaanku dhaafo wakhtiga ilmuhu leeyahay waxad bixinaysaa kharashka wakhtiga dheeraadka ah. Ogeysiiska joojinta Ogeysiiska joojinta boos waa in la sameeyo iyadoo loo marayo adeega elaktarooniga ah. wakhtiga ogeysiiska joojinta waa laba bilood xitaa xilliga ka baddelka ka degmada ilaa kuwa gaarka ah. kharash ayaa la bixiyaa mar kastaba xilliga wakhtiga ogeysiiska joojinta Ogeysiiska joojinta ma la samaynayo marka, meelayntu tahay wakhti xaddidan, ilmuhu u baddelanayo hawl degmo oo kale sida dugsiga xanaanada, guriga xanaano maalmeedka ama hawsha dugsiga xilli firaaqaha. Nidaaaamka ayaa caruurta loo meeleeyaa Saf kala horreynta soo socota ayaa shaqaysa dhinaca meelaynta 1. meelaynta sida ku xusan sharciga SL kap 8 5/7 (qiimeyn gaar ah) 2. dugsiga xanaanada guud 3-5 sano jiryada 3. kala horreynta dhaqaale ee sharciga SL kap 8 5 (maamulka arrimaha bulshada ayaa baaraya) 4. mudnaanta walaalaha/baddelka 5. meelayn cusub 2
KHARASHKA Kharashka waxa lagu xisaabiyaa qoyska dakhligooda bishii ee wada jirka ah. Dheeraad ka akhri bogga 4 guud ahaan ku saabsan kharashka Maxaa xisaabsan dakhli ahaan Kharashka waxa lagu xisaabiyaa dakhligaaga ka hor canshuurta. Dakhli ahaan waxa xisaabsan dhamaan dakhliga aad ka bixiso canshuur. mushahar, xilli shaqo oo dheeraad ah iyo gunooyinka la xiriira dakhliga,(xitaa qiimeynta faa idada la canshuuri karo ee baabuurka shaqada ayaa ku jirta) waalidka guriga xanaanada caruurta gunadooda lacagta hawl gabka, (lacagta hawl gabka caruurta ma la xisaabiyo) masaariifta (gunnada xagga marka qofku shaqada ku dhaawacmo ee loogu talogalay dakhliga lagu waayay gunnada waalidka kaalmada daryeelka (qaybta ay waajibto canshuurtu) mushaharka jirrada/gunnada bukaanka ee wakhtiga xaddidan lacagta jirrada gunnada shaqo la aanta taageerada hawl qabadka kaalmo dhaqaaleedka dhaq-dhaqaaqa shaqada kaalmada qoyska ee qaabka gunnada qoyska dakhliga xilliga shaqo dalka dibediisa ah Xisaabi kharashkaaga. Waxad kharashkaaga ka xisaabin kartaa www.alingsas.se. Dhag ka sii halka Självservice. Door dugsi degmeedka xanaanada iyo xilli firaaqaha iyo xanaanada wax-barida Kharashka caruurta 1-5 sano. Wakhtiga ilmuhu joogo dugsiga xanaanada/guri xanaano maalmeedka waxa loo qaybiyaa wakhtiyo leh xadyo xilliga 25, ilaa iyo 35 ka badan 35 saacadood/ toddobaadkiiba. Jadwalka hoose wuxu ku xisaabsanyahay tirada saacadaha/ toddobaadkii ee ilmaha iyo guriga dakhligiisa. Kharashka dugsiga xanaanada/guri xanaano maalmeedka caruurta 1-5 sano Saacadood/toddobaad Ilmaha Ilmaha 2 Ilmaha 3 Ilaa iyo 25 2,25 % dakhliga ah 1,25 % dakhliga ah 0,60 % dakhliga ah Ilaa iyo 35 2,75 % dakhliga ah 1,75 % dakhliga ah 0,85 % dakhliga ah ka badan 35 3,00 % dakhliga ah 2,00 % dakhliga ah 1,00 % dakhliga ah Kharashka caruurta ah 6 sanno ilaa iyo fasalka 6 Inta saacadood ee ilmuhu joogo dugsiga xanaanada/guri xanaano maalmeedka ma saamayso kharashkan, waxa keliya ee go aamiya inta kharashkani leegyahay waa dakhliga. Kharashyada guriga xanaano maalmeedka Ilmaha 1 Ilmaha 2 Ilmaha 3 2 % dakhliga ah 1 % dakhliga ah 1 % dakhliga ah 3
Guud ahaan ku saabsan kharashkan Canshuurta dakhliga ee kharashka ugu sareeyaa waa mid ku salaysan hab xisaabeed, sida loo xisaabiyo waxad ka arkaysaa jedwalka ku jira bogga afar. Haddii aad doonaysid inaad ogaato heerka canshuurta dakhliga ama xisaabinta kharashkaaga, gal halkan www.alingsas.se, dariiqa lagu raadinayo, eeg bogga toddoba. haddii aanad soo gudbin dakhliyadaada, waxad bixinaysaa kharashka ugu sareeya dakhligu hadduu isbaddelo waa la saxayaa, haddii kale kharashka ayaa khalad noqonaya. Isbaddelka dakhliga waxa laga sameeyaa adeega elaktarooniga. marka kharashkan la xisaabinayo, ilmaha ugu yar qoyska ayaa xisaabsan ilmaha 1, ilmaha yaraan ahaan ku sii xiga 2 iyo sidaas inay u sii socoto, waa bilaa kharash laga bilaabo ilmaha 4. Tani waxay khuseysaa xitaa qoysaska ay caruur ugu jiraan dugsiyada degmada iyo kuwa madaxa banaan labadaba. haddii daryeelaha caruurta ee guriga xanaano maalmeedka xanuusanayso/ fasax tahay ama leedahay fasax kale oo boosna aan loo diyaarin karin qaab kale, waa laga jarayaa maalmahan caruurta ka weyn 3 sano ee dhigta in ka badan 15 saacodood toddobaadkii (dugsiga xanaanada ee guud), waxay helayaa ka jarida kharashka oo ah 30,5 % dugsiga xanaanada ee furan iyo fasalka barbaarintu waa bilaa kharash. caruurta dhigata dugsiga una baahan booska dugsiga xilli firaaqaaha marka ay tahay fasax, waxay bixinayaan 50 karoon calaa maalin ayaamaha ilmuhu halkaasi joogo. Kharashkani ma ka sarreyn karo kharashka bil ahaan aad bixin lahayd dhanka. marka waalidku haystaan mas uuliyada sharci oo wada jir ah iyo boos kala qaybsan, waa in idinku waalid ahaan mid walba helo qaan-sheeg gaar u ah. Boos kala qaybsan waxa laga samaynayaa foomka delad faktura ee ku jira, alingsas.se. Foomkan waa inay saxeexaan labada waalidba haddii kharashka bixintiisa lala habsaamo waxad marka hore helaysaa xusuusin, ka dibna ururinta xafiiska deynta. Haddii aanad ku bixin gudaha 60 maalmood laga bilaabo maalinti kama dambeysta ah waxa ilmaha laga joojinayaa dugsiga kharashkan waxa la bixiyaa 12 bilood sannadkii, xitaa xilliga fasaxyada dugsiyada, fasaxa, ayaamaha xiritaanka iyo fasaxyada kale. Kharash ayaa la bixiyaa xitaa haddii ilmuhu xanuusanayo oo guriga joogo. haddii maalmaha xiritaanka ilmahaagu u baahanyahay boos, waa inaad 2 bilood ka hor la xiriirtaa xafiiska caruurta iyo da yarta ama maamulka dugsiga marka ay noqoto dhinaca caruurta dhigata dugsiga xilli firaaqaha, eeg bogga toddoba. Ka fikir inaad dhiibto macluumaad sax ah Sanad kastaba maamula caruurta iyo da yarto waxay macluumaadka ku saabsan dakhliyadaada ka soo qaadataa xafiiska canshuuraha. Macluumaadkan ka yimi xafiiska canshuuraha ayaa ka dib la barbardhigaa kuwa maamulkani idinka helay. Soo qaadashadan waxaa la sameeya ka dib marka caddaynta dakhligu dhamaato diisambar ee baaritaankuna dhamaaday feebarwari. Intaasi ka dib kharash ayaa dib loo celiyaa ama la codsadaa, taas oo ku xiran haddii dakhligu ahaa mid aad u sareeya ama aad u hooseeya. Macluumaad khalad ah oo la dhiibay waxay keeni kartaa talaabooyin sharciyan ah. 4
Degmada Alingsås macluumaadkeeda urursan ee ku saabsan dugsiga xanaanada, dugsiga xilli firaaqaha iyo hawlaha kale ee waxbarida ee ay leedahay degmadu iyo kuwa gaarka ahba waxa laga helayaa boggayaga internetka. www.alingsas.se. Halkaasi waxa ku jirta xitaa macluumaad ku saabsan kaalmada daryeelka ee ilmaha buuxiyay 1 laakiin aan buuxin 3 sanno, kana diiwaan gashan degmada ee boos aan ka haysan xanaanada caruurta. Dariiqa raadinta www.alingsas.se Dhag ka sii, Utbildning, barnomsorg Dhag ka sii, Grundskola, barnomsorg Foomamka la isticmaalayo waxa laga helayaa www.alingsas.se. mid walba oo gaarkiisa ah maamulka waaxda ama xafiiska caruurta iyo dhalinyarada. Waxa laga soo qaatay Guddida caruurta iyo dhalinyarada, 2013-11-12 104 Fayl lr.: 2013.259 BUN 660 Qeexida 2015-05-29 5
2