Warbixinta ka qaybqaatayaasha
2 Maxaad uga qaybqaadanaysaa hawl/shaqo ka socota Qaybta suuqa shaqada, AME Himiladu waa in aad ku dhawaato suuqa shaqada oo aad kordhiso fursadahaaga aad shaqo ku helayso iyo/ama aad ku dhiirato in aad bilowdo waxbarasho. Waxa qorshe shakhsi ah kula samaynaya gacanhayaha suuqa shaqada, qorshahana si joogto ah ayaa loo cusboonaysiinayaa muddada aad joogto AME. Hawluhu way kala duwanaan karaan, dhammaan ka qaybqaatayaashuna waxay ka qaybqaataan muddooyin kala duwan hawlo kala duwan maadaama ay qorshayaashu yihiin kuwo shakhsi ah. Goob shaqo macnaheedu waa in aad ku meelaysan tahay goob, halkaas oo aad ka fulin doonto hawlo uu kuu dirayo hagahaagu. Qaar badan oo ka mid ah hawlahayaga waxa aad ka qaybqaadanaysaa waxyaalo isku dhafan oo ah farsamo gacmeed, aqoon guud iyo jihayn. Barnaamijyada qaarkood waxa loo qabanayaa shakhsi ahaan qaarna koox ahaan. Natiijadu waxay inta badan ku xidhan tahay sida ay tahay firfircoonidaadu muddada barnaamijku socdo. Haddii aad hayso fikrado ku sahabsan sida aan u horumarin karayno hawlaha ama ra yi cusub oo ku sahabsan goobo shaqo oo wanaagsan, soo dhawow oo nala soo xidhiidh. Waxa aan si joogto ah ugu samaynaa qiimayn hawlahayaga annagoo isticmaalayna su aalaha baadhitaanka ra yiga halkaas oo codkaagu aad muhiim noogu yahay si aan u sii wadi karno horumarinta oo aan u noqono sida ugu wanaagsan ee suurtogal ah. Wakhtiyada la joogayo Wakhtiyada la joogayaa waxa ay noqon karaan qaar si shakhsi ah loogu heshiiyo. Sida caadiga ah waxa aad bilaabaysaa saacadda 08.30 15.30, isniin khamiis oo ay ku jirto saacad qadada ah, jimcayaasha saacadda 08. 30 12.00. Wakhtiyadu waxay ku xidhan yihiin goobta lagugu meeleeyo. La hadal hagahaaga haddii aad rabto in aad ogaato wakhtiyada adiga ku khuseeya. Waxa markaa maalin walba aad haysataa wakhti aad shaqo ku dalbato. Waxa aan ku haysanaa Masugnen, AME hab aad adiga ka qaybqaataha ahi gelinayso marka aad timaado AME iyo marka aad guriga tagaysaba. Waxan sidaa u samaynaa si aad adigu masuul uga noqoto wakhtigaaga.
3 Dalbashada shaqada Si aad hore ugu socota xagga shaqada waxa ugu muhiimsani waa dalbashadaada shaqada. Haddii waliba aad ku jirto barnaamij Xafiiska shaqada ah, waxa aad xataa warbixinta hawlahaaga dalbashada shaqada u diri kartaa gacanhayahaaga Xafiiska shaqada. Haddii aanad ku jirin kooxdan waxan si kastaba ha ahaatee kugu adkaynaynaa in aad shaqo dalbato. Himilada ka qaybqaadashada AME waa in aad ku dhawaato ama hesho shaqo iyo/ama waxbarasho. Kombiyuutaro ayaa yaala dhammaan inta badan goobahayaga shaqada, haddii aanay oolin waxa aad isticmaali kartaa kombiyuutarada yaala Masugnen. Waxa kale oo dabcan aad fursad u haysataa in lagaa caawiyo qaabaynta CV-gaaga iyo waraaqdaada shakhsiga ah. Waa in aad wakhti siiso dalbashada shaqada ugu yaraan dhawr jeer toddobaadkiiba muddada aad joogto AME. Fasaxa Marka aad tahay ka qaybqaate barnaamijka siyaasadda suuqa shaqada (Ballanqaadka shaqada iyo horumarka, Marxaladda shaqada) waxa aad fursad u haysataa in aad dalbato 20 maalmood oo fasax ah, wakhti ka mid ah inta aad ku jirto muddada ballanqaadka. Warbixin ku sahabsan muddadaadu inta ay tahay waxad ka helaysaa Xafiiska caymiska/xafiiska shaqada. Codsiga fasaxa waa in muddo ka hor lagu dalbado foom gaar ah oo aad u gaynayso hagahaaga. Waxan jecelnahay in fasaxa aad ka dhigato wakhtiga xagaaga toddobaadka 29, 30, laakiin la hadal hagahaaga/gacanhayahaaga AME. Ka qaybqaataha aan ka qaybqaadanayn hawlaha Ballanqaadka shaqada iyo horumarka, waa in uu la hadlo hagahiisa iyo gacanhayihiisa xafiiska caydha marka uu fasaxa qaadanayo. Maalmaha hawlaha shaqada wakhtigoodu isbeddelo Hoos waxa ku xusan maalmaha hawlaha shaqada ee AME ay yihiin maalmo gaaban ama aanay shaqaba jirin. Ujeedadu waa in idinka ka qaybqaatayaasha ahi aad wakhtigan uga faa iidaysataan in aad keligiin dalbataan shaqooyin. 23/12-16 Maalinta ka horeysa cidda masiixiga Jimce Fasax 26/12-16 Maalinta ugu dambaysa cid masiixiga Isniin Fasax 30/12-16 Maalinta ka horaysa sannadka cusub Jimce Shaqo Saacad kl. 08:30-12:00 5/1-2017 Maalinta ka horaysa Lixda jannaayo Khamiis Shaqo Saacad kl. 08:30-12:00 6/1 Lixda jannaayo Isniin Fasax 13/4 Khamiista ka orraysa ciidda booska Khamiis Shaqo Saacad kl. 08:30-12:00 14/4 Maalinta jimcaa ah ee ciidda booska Jimce Fasax 17/4 Maalinta dambe ciidda masiixiga Isniin Fasax 1/5 1:a Maj Isniin Fasax 24/5 Maalinta ka horeysa maalin guduud Arbaca Shaqo Saacad kl. 08:30-12:00 25/5 Kristi Himmelsfärdsdag Khamiis Fasax 26/5 Maalin shago udhaxasa laba fasax Jimce Fasax 6/6 Maaliinta calanka qaranka Talaado Fasax 22/6 Maalinta ka horeysa debbaaldega xilliga xagaaga Khamiis Shaqo Saacad kl. 08:30-12:00 23/6 Maalinta debbaaldegga xilliga xagaaga Jimce Fasax 3/11 Maalinta ka horeysa maalin guduud Jimce Shaqo Saacad kl. 08:30-12:00 25/12 Juldagen Isniin Fasax 26/12 Maalinta ugu dambaysa cid masiixiga Talaado Fasax 1/1-2018 Nyårsdagen Isniin Fasax 5/1 Trettondagsafton Jimce Fasax
4 Lacagta hawsha/maqnaanshaha Hagaha barnaamijkaagu waxa uu diiwaangelinayaa maqnaanshahaaga waxanu wargelinayaa gacanhayahaaga xafiiska caydha ama Xafiiska shaqada. Waa muhiim in aad; - la xidhiidho hagaha hawshaada marka aad maqan tahay, sida xanuun, haynta ilmaha buka ama wax kale. - Adiga laftaadu tusto maqnaanshahaaga gacanhayahaaga xafiiska caydha/gacanhayahaaga shaqada. Kaydi waraaqahaaga dhakhtarka/ballamaha ee rugta daryeelka caafimaadka ama meel kale si aad u tusi karto gacanhayahaaga xafiiska caydha haddii loo baahdo. Haddii aad ku jirto mashruuc uu leeyahay Xafiiska shaqadu oo aad qaadato lacagta hawsha waxa aad isticmaalaysaa foomka nr; 5057 Försäkran Aktivitetsstöd eller utvecklingsersättning (Caddaynta lacagta hawsha ama lacagta horumarka). Waxa aad laftaadu kala soo baxaysaa www.forsakringskassan.se. Waxa aad ku sexeexaysaa sharaftaada iyo damiirkaaga ka dibna gaynaysaa Xafiiska caymiska. Hagahaaga waxa ku waajib ah in uu maalin walba si gaar ah u qoro joogitaanka. Waxan wargelinaynaa Xafiiska shaqada haddii joogitaankaagu ka duwanaado qorshaha. Nooc kasta oo shaqo ah ayaa mar kasta ka horaynaysa dhammaan hawlaha kale ee AME. Haddii aad hesho shaqo ku meelgaadh ah oo aad u baahan tahay in aad tagto si aad u soo shaqayso waa muhiim in aad noo sheegto oo xataa u sheegto Xafiiska shaqada nooca shaqadu tahay iyo inta ay le eg tahay. Saacadda jimicsiga Jimicsigu waa qayb muhiim ah si loo helo caafimaad wanaagsan. Waxa jirta fursad lagu jimicsan karo 1 saac toddobaadkiiba, saacaddaas lagama dhigi karo bilowga ama dhammaadka maalinta. Waa in aad ogaato waxa adiga ku khuseeya oo aad qorshayso saacaddaada jimicsiga adigoo la tashanaya hagahaaga/isku duwaha tababarka shaqada.
5 Dharka difaaca/qalabka difaaca Dharka iyo kabaha difaaca waxa ku amaahinaysa qaybta suuqa shaqada haddii loo baahdo. Dharka iyo kabaha waa in la ilaaliyo muddada la amaahdo. Marka aad dhammayso qaybta suuqa shaqada waa in aad soo celiso dharka/kabaha iyagoo maydhan oo nadiif ah xataa haddii ay gaboobeen. Haddii aan wayno dharka marka muddadu dhammaato waxa adiga ka qaybqaataha ah xaq laguugu yeelanayaa magdhaw. Waxan kuu soo diraynaa waraaqda lacagta lagu bixiyo oo ay ku qoran tahay kharashka naga galay dharka. Xaaladda goobta shaqada Qaybta suuqa shaqada ayaa ka masuul ah in xaaladda goobtaada shaqadu ay tahay mid buuxinaysa shuruudaha. Ogowna in dhammaanteen aynu qayb ka nahay xaaladda goobta shaqada. - Qaybta suuqa shaqadu waxay leedahay qorshaha xaaladda goobta shaqada oo si joogto ah loo cusboonaysiiyo. - Qalabka difaacu way yaalaan waana in la isticmaalo marka sharciga xaaladda goobta shaqadu sidaa dhigayo, waxana laga helayaa Masugnen. - Masugnen wuxu leeyahay qorshe si fiican looga shaqeeyay oo ka hortagaya cunsuriyadda iyo ficillada meel ka dhaca ah kaas oo khuseeya dhammaan ka qaybqaatayaasha. - Dhammaan ka qaybqaatayaasha Qaybta suuqa shaqadu waxay ku jiraan caymis. (Waxa laakiin wanaagsan in aad leedahay caymis dheeraad ah oo kuu gaar ah). Fursad aad ku qaadato wakhtiga qadada ayaa jirta meel kasta oo lagugu meeleeyo, iyo waliba fursad aad ku hesho suuli ama musqul kuu dhaw. Xataa qaybta nijaaradda waxa jirta fursad aad ugu soo qaadan karto qado/cunto fudud oo kuu gaar ah. Haddii lagugu meeleeyo qaybta horumarinta luqada ama hawl kale oo ka jirta Masugnen waxa jira goobo aad ku cuni karto qadada aad soo qaadato oo ku yaala guriga Masugn iyo Herrgården iyo waliba Teknikcollege, waxa kale oo xataa guriga Masugn ku taala maqaaxi haysa qado fudud, bun iwn.
6 Dhammaan AME waxa ka mabnuuc ah mukhaadaraadka iyo khamriga. Ka qaybqaataha sikhraansan ama laga shakiyo in uu sikhraansan yahay waa laga saarayaa goobta. Ka qaybqaataha looma oggola in uu ku shaaheeyo goobta ay shaqadu ka socoto maadaama ay muhiim tahay in la beddelo deegaanka oo laga baxo goobta lana qaato nasasho gaaban maalinta dhexdeeda. Sida kor ku xusan waxa jira goobo lagu samaysan karo bunka, lagu diirsan karo cuntada iwm. Fadlan ka fikir dadka xasaasiyadda qaba oo ha isku soo shubin cadar badan marka aad joogto goobahayaga. Sharciga warbixinta qofka (PUL) 1998:204 Qaybta suuqa shaqadu waxa ay warbixintaada shakhsiga ah u diiwaangelisaa si waafaqsan sharciga PUL iyadoo la gelinayo kombiyuutarka. Warbixintaasi waa loo baahan yahay si aan u fulin karto hawlaha maamulka ee ku sahabsan ka qaybqaadashadaada barnaamijka iyo in aan samayn karno tirokoob. Soo dhawow MAR KASTA oo la soo xidhiidh mid ka mid ah annaga ka shaqayna AME, haddii aad hayso su aalo ama fikrado, talooyin khuseeya wax u baahan in la wanaajiyo ama wax kale! Adiga ayaan kuu shaqaynaa!
7 Shaqaalaha AME Tel.nr Mail Gacanhayaha suuqa shaqada Ingela Larsson 0581-816 12 ingela.e.larsson@lindesberg.se Karl Oskarsson 0581-815 71 karl.oskarsson@lindesberg.se Gacanhayaha Qaxootiga Hannen Bedoui-Kollgård 0581-816 71 hannen.bedoui-kollgard@lindesberg.se Tobias Skogdalen 0581-812 24 tobias.skogdalen@lindesberg.se Hagaha Pirkko Norberg 070-228 16 12 pirkko.norberg@lindesberg.se Sofie Spraak 0581-816 70 sofie.spraak@lindesberg.se Tarja Back-Nilsson 076-725 77 96 tarja.back-nilsson@lindesberg.se Snickeriet - Ezekiel Akagbobi 0581-816 54 ezekiel.akagbobi@lindesberg.se Gacanhayaha maamulka Marianne Phersson 0581-816 63 marianne.phersson@lindesberg.se Gooxda Adeegga Farhad Eliassi Sarzali 0581-810 98 farhad.eliassi-sarzali@lindesberg.se Sven-Erik Persson 0581-812 94 sven-erik.persson@lindesberg.se Maamulaha qaybta Emil Chandorkar 0581-816 50 emil.chandorkar@lindesberg.se
8 Khariidadda guud. AME waxay joogaan Herrgården (4) Ku Statoil Ku suuqa ubaxa iyo dhirta