Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah

Relevanta dokument
Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Ku soo dhawaadda shaqada

Sida loo dhiso jaaliyad

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Översatt av Sahro Aden Dulle

Dulqaaxumo Intolerans

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Macluumaad ku socda qoyska cusub

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

En röst att räkna med. Bankunionen. möjlighet? Bankföreningens vd Thomas Östros vill göra Sveriges röst hörd när nya regelverk skapas.

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Transportyrken på sju språk

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Somaliska. Barn älskar böcker

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Hagidda kala soocidda

VÄL Vänersborgs kommuns lärplattform

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Madax xanuunka (huvudvärk).

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

SOL110. Somaliska språket i ett kontrastivt perspektiv. Somaliskans grammatik i jämförelse med svenskans grammatik.

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Wakiilka takooridda DO

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Hage-haaga bangiga internetka. Ku soo dhawoow. Halkani way furantahay mar kasta.

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Caafimaad dareen Ramadaan dhexdeeda. -Xaqiiqooyin iyo talooyin wanaagsan

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Talo iyo warbixinta sameynta qalabka ilkaha la geliyo

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Somaliska. Goorma samaynayaa mammogramka. RG_Mammografi_A5_SV_somal.indd :17:38

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Su aalo iyo jawaab ku saabsan sariir ku kaadinta Soomaali somaliska Buugan yar waxa soo saaray Maxadka Iswiidhishka ee isku kaadinta habeenkii

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

Buugeyga caafimaadka ee gaarka

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary (oo marka magaciisa la soo gaabsho afka qalaad loogu yeero COPD)

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Sverige får nya sedlar och mynt KOLLA PENGARNA!

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

DIVA Liquid Shanazi. Wixii macluumaad dheeraad ah la xidhiidh Victoria Almroth Emma Nilsson Hoshi Kafashi

Fasaxa xilliga xagaaga & deegaanka xagaaga 2018

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

Goorma samaynayaa mammogramka

Vi behöver din hjälp för ett renare vatten

Transkript:

Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah LACAGTAADA EEG! S V E R I G E S R I K S B A N K

1-karoon 2-karoon 5-karoon 10-karoon

Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/ sanuud ah Xilliga 2015 iyo 2016 Swedan waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic ah. Waxa kale oo aynu yeelan doonaa lacag aan hore u jirin oo warqad 200-karoon ah. Intaa waxaa dheer iyadoo aynu dib isku arki doono 2-karoon, kaas oo dib loo soo celin doono. Lacagta waraaqda ahi waxay yeelan doontaa macluumaad xog amniga taas oo si ka fiican looga ilaalin doono faalsada iyadoo kuwa qadaadiicda/sanuuda ahina ay ahaan doonaan qaar ka yar oo ka fudud. Lacagta waraaqaha iyo ta qadaadiicdu waxay soo kala baxi doonaan laba wareeg: oktoober 2015 iyo oktoober 2016. Waxaa jiri doona wakhti ay labada lacagood ee ta hadda jirta iyo ta cusubba ay isla mar wada shaqeyn doonaan. Lacagta warqadda ah iyo ta qadaadiicda/sanuuda ah ee hadda jiraa waxay hadhow noqon doonaan qaar aan shaqeyneyn (marka laga reebo 10-karoon oo aan la badalli doonin). Si aanad markaa khatar ugu galin inaad guriga ku haysato lacagta waraaqaha iyo ta qadaadiicda/sanuuda ah oo aan shaqeynayn, hadda wax ku bixi kuwaas ama hadda ku shubo kontadaada bangiga. Marka ay gacanta kuu soo gasho lacag waraaqaha ah ee cusub, dhinac u rog/janjeedhi warqadda si aad isaga fiiriso inay sax tahay. Waxaa aad markaa arki doontaa sawir midabkiisa iyo sawirkiisu is badbadelayaan kaas oo dhaqdhaqaaqaaya isagoo naqshadihiisuna is badbadelayaan. Stefan Ingves Maareeyaha Riksbanken Sibtembar 2015 Lacagta waraaqda cusub ee Sweden ayaad [App] kayaga ku eegi kartaa Waxa loo yaqaanaa Kolla pengarna waxaanad bilaash uga soo dejisan kartaa App store ama Google Play.

Lacagta cusub ee waraaqaha oktoober 2015 1 Oktoober 2015, Bangiga Riksbank wuxuu bilaabi doonaa inuu soo saaro 20-, 50- iyo 1000-karoon lacag waraaqo ah oo cusub oo leh naqshad cusub. Intaa waxaa dheer iyada oo aynu yeelanayno lacag qiimo cusub leh oo warqad 200-karoon ah. Waxay qaadan kartaa wakhti ka hor inta ay ku soo galayso lacagta warqadda ah ee cusub maxaa yeela kuwa hadda jira ayaa muddo ta cusub la sii shaqeyn doona. Naqshada xaga hore Qoraaga Astrid Lingren Naqshada xaga danbe Småland, halka ay Astrid Lindgren ku kortey Naqshada xaga hore Gabayaaga, laxameystaha iyo farshaxanka Evert Taube Naqshada xaga danbe Bohuslän, mid ka mid ah meelaha uu Evert Taube ka shidaal qaadan jirey Naqshada xaga hore Filim soo saaraha Ingmar Bergman Naqshada xaga danbe Gotland (Fårö), meesha uu guriga ku lahaa Ingmar Bergman Naqshada xaga hore Xoghayaha Qaramada Midoobey iyo xubin ka tirsan Svenska Akademien Dag Hammarskjöld Naqshada xaga danbe Lappland, meesha uu degaankeeda aad u xiiseyn jiray Dag Hammarskjöld

Rog lacagta warqadda si aad u hubiso inay sax tahay. Lacagta waraaqda ah ee cusub waxay yeelan doontaa macluumaad xog amniga oo ka dhigi doona inay ku adkaato in faalso laga dhigo. Haddii aad rogto lacagta warqadda ayaad kantarooli kartaa inay sax tahay. Calaamada amniga Calaaamad gudban oo leh saddex daaqadood. Daaqadaha waxaa mid kasta ku jira sawiro dhaqdhaqaaqaaya oo naqshad is badbadaleysa leh markaad rogto lacagta waraaqda ah. Sawiro midabkoodu isbadbadelayaan Sawirka midabkiisu tartiib tartiib iskugu badbadelaayo midab dahabi iyo cagaar noqonaaya markaad rogto lacagta waraaqda ah. Calaamada amniga Lacagta cusub ee 200- iyo 1000 - karoon ahi waxay leeyihiin calaamad amniga oo taagan. Calaamadu waxay leedahay saddex daaqadood. Calaaamad waxa ku yaala sawiro dhaqdhaqaaqaaya oo markaad rogto naqshad is badbadaleysa oo u dhaxayso "KR" iyo taash leh. Calaamad amnigu waxay ku taalaa xaga bidix ee sawirka lacagta warqadda xageeda hore. Calaamadu waxay leedahay midabo kala duwan oo qiimaha lacagta warqadda ah.

Sawiro midabkoodu isbadbadelayaan Lacagta waraaqaha ah ee cusub waxay leedahay sawir midabkiisu is badbadelaayo oo ku lug leh qofka sawirka ku yaala. Sawirka waxaa kale oo ku yaala qiimaha lacagta oo lambaro ah. Sawirka iyo qiimaha lacagtu tartiib tartiib ayay iskugu bad badeleyaan midab dahabi iyo cagaar ah markaad rogto lacagta warqadda. Sawirku waxa uu ku yaalaa xaga midig ee sawirka lacagta warqadda xageeda hore. 20-karoon lacagta warqadda Buug 50-karoon lacagta warqadda Doon 200-karoon lacagta warqadda Sabuurada filim qaadisata 1000-karoon lacagta warqadda Laan geedka saliid saytuunka Lacagta warqadi waxaa kale oo ay leedahay dhowr macluumaad oo xog amniga. Macluumaad dheeraadka ah oo taas ku sabsan waxaad ka helaysa bogga internedka ee Riksbanken: riksbank.se/kollapengarna

Lacagta warqadda ee aan shaqeyneyn ka dib 30 Juun 2016 Waxaad sii isticmaali kartaa lacagta warqadda ee hadda jirta 20-, 50- iyo 1000- karoon ilaa 30 juun 2016 taas oo aad si caadi ah u isticmaali karto oo aad wax ugu bixiso ama bangiga ugu shubato. Kadib 30 Juun 2016 ayaan waxba lagu bixin karin lacagtaa warqadda. Laakiin waxaad wali haysataa fursada aad ugu shubeyso koontadaada ilaa iyo 31 Ogosto 2016. Xasuusnow inaad wakhti fiican ku talo gasho! Waxaa imaan karta xadidaad bangiga iyo ganacsatada marka laga hadlaayo qaadashada kaashka. Wixii macluumaad dheeraad ah u tag bangigaaga ama dukaankaaga. 31 bisha Agosto 2016 wixii ka dambeeya, bangiga Riksbank isagoo kharash 100 karoon ah kaa qaadaaya, uu kuu badalayaa lacagta warqadda ee aan shaqeyneyn. Maxay tahay sababta bangiga su'aalo kuu weydiinayo Markaad lacagta ku shubaneyso koontada ama aad sameynayso xisabaadkaaga waa inaad u diyaar garowdo inaad ka jawaabto meesha ay lacagtu ka timid iyadoo aad tuseyso aqoonsi shaqeynaaya. Marmarka qaarkood, bangigu wuxuu u baahan yahay inuu arko heshiis, risiidh, biilal ama qoraalada kale ee tusaaya sidaad ku heshay lacagta. Taasi waxay ku lug leedahay lacag maydhista, ay micnaheedu tahay inay bangiga masuuliyad ka saaran tahay inuu ogaado meesha ay lacagtu ka timid. Kantaroolkan waa in la sameeyo xataa haddii aan laga shakisneyn wax danbi ah. Ujeedada Sharciga Lacagta Maydhista waa in laga hor tago in bangiga iyo shirkadaha kale ee dhaqaalaha loo isticmaalo lacag maydhista, lacag maydhista waxaa loola jeeda in lacagta laga helay hababka danbiga loo badalo lacag lagu shuban karo koontada oo la isticmaali karo. Sharcigu waxaa uu khuseeyaa dhamaan shirkadaha dhaqaalaha ee EU-da. Xataa Riksbanken waxa uu raacayaa Sharciga Lacagta Maydhista.

Maxaa ku dhacaaya 100 iyo 500-karoon ee warqadda iyo lacagta qadaadiicda? Oktoober 2016 ayuu Riksbanken bilaabayaa inuu soo saaro 100- iyo 500-karoon oo waraaqo ah iyo mid 1-, 2- iyo 5-karoon oo qadaadiic/sanuud ah. 10-karoon laakin wuu sii joogayaa isagoon waxba laga badalin. 100- iy 500-karoon ee warqadda iyo dhamaan qadaadiicda/sanuuda hadda jirta, marka laga reebo 10-karoon, ayaan shaqeyn doonin ka dib 30 juun 2017. 10-karoon wuu sii jirayaa isaga oo aan waxba laga badali doonin. Macluumaad dheeraad ah oo ku sabsan lacagta warqadda iyo qadaadiicda ee soo baxayso 2016 iyo kuwa aan shaqeynaynin 2017 ayaad helaysaa sanadka danbe.

Qadaadiicdaada/sanuudaada hadda isticmaal Xasuusnow in dhamaan qadaadiicda marka laga reebo 10-karoon aanay shaqeynaynin 2017. Haddii aad haysato lacag qadaadiic ah oo badan, bilow inaad isla haddaba isticmaasho. Markaas ayaanad khatar ugu jirin inay kugu hadho qadaadiicdu markaanay shaqeynaynin. Waxaa imaan karta xadidaad bangiga iyo ganacsatada marka laga hadlaayo qaadashada kaashka, markaa ha sugin ilaa daqiiqada ugu danbeysa! Macluumaad dheeraad ah Bogga internedka ee Riksbanken: riksbank.se/kollapengarna Facebook: facebook.com/kollapengarna App: Ka raadso "Kolla pengarna" app store ka telfoonkaaga. Macluumaadka Riksbanken Riksbanken waxa weeye bangiga dhexe ee Sweden. Waxaanu soo saarnaa lacagta waraaqaha iyo qadaadiicda/ sanuuda ah. Waxa kale oo aanu ilaalinaa in lacagtu yeelato qiimaheedii iyo in lacag bixintu u dhacdo si sugan oo hufan.

Wakhiyada muhiimka Oktoober 2015 Oktoober 2016 1-karoon 2-karoon 5-karoon 2015 2016 2017 2018 Lacagta warqadda ee aan shaqeyneyn ka dib 30 juun 2016 Lacagta warqadda ee aan shaqeyneyn ka dib 30 juun 2017 1-karoon 2-karoon 5-karoon

Lacagta waraaqda cusub ee Sweden ayaad [App] kayaga ku eegi kartaa Waxaad wax ku baran kartaa lacagta waraaqaha cusub ee Sweden adigoo isticmaalaya [app] moobaylka ee Riksbank Kolla pengarna. Baro sida lagu ogaado lacagta waraaqaha ee saxa ah ama ciyaar ciyaartayada lacagta waraaqaha ah. [App] waxa kale oo aad ke heli kartaa qoraalkan yar oo cod ku duuban oo aad ku dhageysan karto dhowr luqadood oo kala duwan. Barnaamijka Kolla pengarna si bilaash ah ayaad App store ama Google Play uga soo dejisan kartaa. Sweden waxay yeelan doontaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic ah riksbank.se/languages S V E R I G E S R I K S B A N K