Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Relevanta dokument
Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Ku soo dhawaadda shaqada

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Dulqaaxumo Intolerans

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Sida loo dhiso jaaliyad

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Transportyrken på sju språk

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

QAWAANIINTA. dugsiga xanaanada, xilli firaaqaha iyo hawlaha wax-barida ee degmada Alingsås

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Madax xanuunka (huvudvärk).

Wakiilka takooridda DO

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

-Haddii aad qabto su aalo kale oo dheeraad ah, waydii dhakhtarkaaga ama shaqaalaha farmasiiga

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Somaliska. Barn älskar böcker

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Macluumaad ku socda qoyska cusub

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Hage-haaga bangiga internetka. Ku soo dhawoow. Halkani way furantahay mar kasta.

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Warbixinta ka qaybqaatayaasha

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Caafimaad dareen Ramadaan dhexdeeda. -Xaqiiqooyin iyo talooyin wanaagsan

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Översatt av Sahro Aden Dulle

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

Habkaan ayaa uu buuxinee foomka Soo bandhigida bisha oo loogu tala galay lacagta daganaanshada Shaqo goobe

Ku soo dhowow Laholm

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Senast uppdaterad Svenska-engelska-somaliska arbetsmarknadsordlista

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Somaliska. Goorma samaynayaa mammogramka. RG_Mammografi_A5_SV_somal.indd :17:38

Mjölkfritt för ammande mammor, SOMALISKA. Bilaa caano loogu talogalay hooyooyinka wax nuujinya

Waxanu ku hadalnaa luqado badan

Välkommen till Tingsryds kommun! Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Bra mat för barn mellan ett och två år. u dhaxeeyo hal sano iyo labo sano

Transkript:

Lacagta jirrada [Sjukpenning] Xaq ayaad u leedahay lacagta jirrada in aad ka hesho Qasnadda caymiska [Försäkringskassan] marka aanad shaqayn karayn xannuun awgiis. Lacagta jirrada waxa aad heli kartaa ugu badnaan 364 maalmood oo 15 bilood gudahood ah. Mararka qaarkood waa la dheerayn karaa wakhtiga. Haddii aad shaqaale tahay [Om du är anställd] Haddii aad shaqaale tahay waxad heli kartaa lacagta jirrada, marka aanad shaqobixiyaha ka helahayn wax mushahar jirro ah [sjuklön] yacni haddii aad xanuusanayso muddo ka badan 14 cisho. Shaqo-bixiyaha ayaa wargelinaya Qasnadda caymiska. Waxaad xannuunka ama jirrada ka sheegi kartaa Boggagayga (Mina sidor) oo laga helo www.forsakringskassan.se. Waxaad kaloo halkaa ka codsan kartaa lacagta jirrada. Haddii aad codsigaaga ku soo gudbiso Boggagayga, arrinta dhaqso ayaa wax looga qabanayaa. Waxaad kaloo halkaa si wanaagsan uga la soconeysaa arrintaada iyo goorta lacagta laguu soo shubayo. Mar walba waa laguu soo dirayaa foomka codsiga lacagta jirrada, ama ka codso Boggagayga ama ha ka codsane. Haddii aad codsigaaga ka soo gudbisay Boggagayga, u ma baahnaan doonto in aad buuxiso foomkaas. Si lacagta jirrada laguugu soo shubo waa in aad soo buuxiso foomka oo aad noo soo celiso. Haddii aad lacagta jirrada hore u heshay 364 maalmood oo 15 bilood gudahood ah, waa in aad sidoo kale soo buuxiso dalbashada in laguu dheereeyo ama ay kuu sii socoto lacagta jirradu. Haddii aanad shaqo-bixiyahaaga ku lahayn mushahar jirro waxad xaq u yeelan kartaa lacagta jirrada laga soo bilaabo biloowga muddada xanuunkaba. 1 (9)

Haddii aanad shaqo haysan ama aad fasax ku jirto [Om du saknar anställning eller är ledig] Waad heli kartaa lacagta jirrada wakhtiga xanuunka bilowgiisaba haddii aad tahay: Shirkadle Shaqalaawe Fasax waalidnimo Fasax qaata lacagta uurka [graviditetspenning] Wargelinta xanuunka ee Qasnadda caymiska, samee maalinta ugu horraysa ee aad jirrato. Waxa aad isticmaali kartaa adeegga bogga internetka ee Qasnadda caymiska. Waxaad xannuunka ama jirrada ka sheegi kartaa Boggagayga (Mina sidor) oo laga helo www.forsakringskassan.se. Waxaad kaloo halkaa ka codsan kartaa lacagta jirrada. Haddii aad codsigaaga ku soo gudbiso Boggagayga, arrinta dhaqso ayaa wax looga qabanayaa. Waxaad kaloo halkaa si wanaagsan uga la soconeysaa arrintaada iyo goorta lacagta laguu soo shubayo. Mar walba waa laguu soo dirayaa foomka codsiga lacagta jirrada, ama ka codso Boggagayga ama ha ka codsane. Haddii aad codsigaaga ka soo gudbisay Boggagayga, u ma baahnaan doonto in aad buuxiso foomkaas. Marka aanu helno wargelintaada jirrada waxanu soo diraynaa foomka Ansökan om sjukpenning [ caddaynta lacagta jirrada ]. Si lacagta jirrada laguugu soo shubo waa in aad soo buux-buuxiso foomka oo aad noo soo celiso. Haddii aad lacagta jirrada hore u heshay 364 maalmood oo 15 bilood gudahood ah, waa in aad sidoo kale soo buuxbuuxiso dalbashada in laguu dheereeyo ama ay kuu sii socoto lacagta jirradu. Caddayn dhakhtar [Läkarintyg] Dhammaan dadka ku qoran xanuun muddo ka badan todoba cisho waa in ay haystaan caddayn dhakhtar. Mararka qaarkood waxa uu shaqa-bixiyaha ama Qasnadda caymisku kaa dalban karaa caddayn dhakhtar maalinta koowaad ee xanuunkaba. Caddaynta dhakhtarka waxay u adeegsanayaan shaqa-bixiyahaaga iyo Qasnadda caymisku si loo qiimeeyo in aad xaq u leedahay mushahar jirro iyo lacagta jirrada. Xaq isagama yeelanaysid lacagahaan. Caddaynta dhakhtarka waxa uu dhakhtarku ku sharraxayaa sida xanuunku u saamaynayo awooddaada shaqo isaga oo caddaynaya muddada aad ku qornaanayso xanuunka. Si aanay u kala duwanaan wakhtiga bukaan qoridda dhakhaatiirta kala duwan ee dalka ee xanuunno isku mid ah, waxa jira talooyin caddaynaya wakhtiyada xanuun ku qoridda ee xanuunnada kala duwan. Haddii uu dhakhtarku sheego wakhti xannuun ku qornaansho oo dheer, waa in uu ku sharraxo sababta. Haddii aanay warbixin buuxdaa ku qornayn caddaynta dhakhtarka, waxa ay ka dalban kartaa Qasnadda caymisku dhammaystir. 2 (9)

Maalinta lacag la aanta [Karensdag] Maalinta ugu horraysa xanuunka waa maalin lacag la`aaneed, taas oo macneheedu yahay in aanad heli doonin maalintaa lacagta jirrada. Shorkadluhu wuxuu leeyahay 7 maalmood oo lacag la aan ah. Haddii aad tahay shirkadle waxad dooran kartaa wakhti lacag la aan ah oo dheer. Wakhti lacag la aan ah oo dheer wuxu kaa yaranaynayaa khidmadihii aad bixin lahayd. Maalinta lacag la aantu mar walba ma aha [Karensdagen gäller inte alltid] Sharci ayaa ka yaal dib u xanuunsiga, oo looga jeedo, haddii aad jirratay oo aad shaqadii ku noqotay, haddana aad dib u xanuunsato shan cisho gudahood, waxa lagu tirinayaa xanuunkii hore uun. Markaa waxad ka badbaadaysaa Maalintii bilaa lacagta ahayd oo qarashka waad leedahay maalinta koowaadba. Ammaanka guud ee khatarta [Allmänt högriskskydd] Waxa kale oo jira difaaca halista badan oo macneheedu yahay in aanad u baahanayn 10 cisho oo lacag la aan ah wax ka badan laba iyo toban bilood gudahood. Haddii aad xanuusato wax ka badan 10 goor muddo laba iyo toban bilood gudahood ah, waxad maalinta koowaadba helaysaa mushahar jirro ama lacag jirro. Wakhtiyada xanuunku waxa uu quseeyaa shaqo-bixiye kastaba iyo Qasnadda caymiska mid walba gaarkiisa. Ammaanka guud ee khatarta oo khuseysa qofkaaga shirkadda leh [Allmänt högriskskydd om du har eget företag] Qof leh shirkad gaar ah oo leh maalin lacag la aan 7 maalmood, waxaa khuseeya nidaam gaar ah oo ku saabsan ammaanka guud ee khatarta. Ammaanka guud ee khatarta micneheedu waxa weeye haddii aad xanuunsanayd in ka badan 5 goor 12 bilood gudahood oo aad xanuunsanayd in ka badan 21 maalmood gebi ahaan, waxaad xaq u leedahay lacagta bukaanka. Haddii aad shirkadle tahay oo aad dooratay 14, 30, 60 ama 90 maalmood oo xadka bukaanka, kolka xeerkan ammaanka guud ee khatarta kuma saameeyo. Gunno safar [Reseersättning] halkii aad ka heli lahayd lacagta jirrada [Reseersättning i stället för sjukpenning] Mararka qaarkood waxa aad heli karta gunno safar halkii aad ka heli lahayd lacagta jirrada. Waa marka shaqa-bixiyuhu ama Qasnadda caymisku u arkaan in aad shaqayn karto laakiin aanad si caadi ah shaqada ugu safri karin. Qasnadda caymisku waxa ay markaa bixinaysaa qarashka dheeraadka ah ee ku baxaya sii socodka iyo soo socodka shaqada. 3 (9)

Lacagta jirrada iyo mushahar jirro oo isku mar ah [Sjukpenning och sjuklön samtidigt] Xaaladaha qaarkood waxa aad isku mar heli kartaa mushahar jirro iyo lacagta jirrada taasi waxa ay jiraysaa haddii: Aad dakhli ka hesho shaqo-bixiyeyaal kala duwan. Aad dakhli ka hesho shaqo iyo shirkaddaadaba. Aad leedahay dakhli masuuliyadeed isla markaana aad leedahay dakhli shaqo ama shirkadeed. Aad qayb ahaan shaqo la aan tahay. Lacagta jirrada waxa lagu salaynayaa dakhliga aanad ku helin mushahar jirro. Intee in le eg ayuu qofku helayaa lacagta jirrada [Hur mycket får man i sjukpenning?] Lagacta jirradu qiyaastii waa boqolkiia 80 dakhligaagii sannadka. Waxa ay sidaas ahaanaysaa ilaa inta dakhli-sannadeedkaagu aanu dhaafin 332 200 karoon (7.5 lagu dhuftay qiimaha xaddiga lacageed ee saldhiga ah* [prisbasbeloppet]). Dakhliga sarreeyaa xaq kuuma siinayo lacag jirro oo sarraysa. Haddii aad leedahay dakhlisannadeed ka hooseeya 10600 karoon (24% qiimaha xaddiga lacageed ee saldhiga ah), ma helaysid wax lacag jirro ah. Haddii aad bilaa shaqo tahay, waxad heli kartaa ugu badnaan 543 karoon maalinkii, taas oo u dhiganta gunnada ugu saraysa ee laga helo Qasnadda shaqo la aanta. Haddii aad hesho lacag jirro oo ka hortag ah, kolkaa ku ma khuseeyo xaddayntaasi. Haddii aad haysato wax ka badan boqokiiba toban mushaharkaaga marka aad xanuunsanayso, waxa laga jarayaa lacagtaada jirrada inta soo hadha. Haddii aad hesho gunno kaaga timaadda heshiis caymis, waxa loo xisaabinayaa sidii mushahar. Lacagta jirrada [sjukpenning] waxa loo xisaabaa laba siyood [Sjukpenningen kan beräknas på två sätt] Sida caadiga ah waxa loo xisaabaa lacagta jirrada maalinle. Taas macneheedu waxa weeye in aad helayso lacagta jirrada dhammaan maalmaha todobaadka. Waxase jira shuruuc kale. Haddii aad shaqaale tahay oo aanad xaq ugu lahayn shaqo-bixiyaha mushahar jirro, waxad 14 maalmood oo ugu horreeya helaysaa lacagtaada jirrada oo loo xisaabay maalin-maalin ama saacadiiba. Haddii aad arday tahay ama aad isku waddo waxbarasho iyo shaqo, waxad helaysaa lacagta jirrada oo loo xisaabay maalinmaalin ama saacaddiiba. Lacagta jirrada oo dhammaystiran ama qayb ah [Hel eller del av sjukpenning] Waxa aad heli kartaa lacagta jirrada oo dhan am afar meelood saddex ahaan ah am nus ahaan ama afar meelood meel ahaan, taas oo ku xidhan kolba inta aad shaqada ka joogsato. Tusaale ahaan si aad u hesho nus lacagta jirrada ah waa in aad wakhtigii shaqada joojiso nus ahaan. Waxaa qaynuun ah in aad shaqayso qayb ka mid ah maalinta marka aad ku qoran tahay jirro nus ah. * Qiimaha xaddiga lacageed ee saldhiga ahi wuxu la socdaa isbeddelka sicirka ee bulshada. Sanadka 2016 qiimaha xaddiga lacageed ee saldhiga ah waa 44 300 karoon 4 (9)

Wakhtiga shaqada nuskii, loogama jeedo in aad maalin kasta nuskeed shaqayso. Waxaa jira fursado waqtiga shaqada looga dhigayo mid ku habboon caafimaadkaaga. Waxaad arrintaas kala xiriireysaa gacanhayahaaga. Wakhti intee leeg ayaan heli karaa lacagta jirrada [Hur lång tid kan jag få sjukpenning?] Waxa aad heli kartaa lacagta jirrada ugu badnaan 364 maalmood oo ah 450 cisho gudahood (qiyaastii 15 bilood). Xilligan waxa lagu magacaabaa wakhti xaddidan [ramtid]. Qasnadda caymisku way kula soo xidhiidhaysaa marka aad heli karto lacag jirro oo dheeraad ah ugu badnaan 30 cisho oo kale. Dheeraynta Lacagta jirrada [Sjukpenning på fortsättningsnivå] Waa in aad adigu dalbataa lacagta jirrada oo heerkeeda la sii dheereeyey. Lacagta aad qaadaneyso waxa weeye boqolkii 75 dakhliga ay lacagta jirradu ku salaysan tahay, taas oo micneheedu in ka yar boqolkii 5 lacagta jirrada ee heerka caadiga ah. Lacag jirro oo kuu sii socota [Fler dagar med sjukpenning på normalnivå] Haddii aad qabto xanuun halis ah waxa aad codsan kartaa in aad sii hesho in ka badan 364 maalmood oo lacagta jirrada oo heer caadi ah. Ma jiro waqti xaddadaya maalmaha dheeraadka ah oo aad qaadan karto lacagta jirrada ee heerka caadiga ah. Lacagta la bixinayaa waxay u dhigantaa lacagtii jirrada oo la qaadan jirey 364 maalmood oo hore. Xataa haddii aad soo qaadatay lacag jirro oo waqtigeed xaddadan yahay ama gunnada dhaqdhaqaaqyada, waxaad codsan kartaa maalmo dheeraad ah oo aad qadato lacagta jirrada ee heerka caadiga ah. Gunnada bukaanka [Sjukersättning] Adigaaga u dhexeeya 30 sano iyo 64 sano waxa aad heli kartaa gunnada bukaanka haddii awooddaada shaqo ugu yaraan afar meelood meel ahaan ay si joogto ah u kala dhantaalan tahay. Kala dhantaalnaan joogto ah waxa looga jeeda ilaa mustaqbalka la qiyaasi karo. Waxa aad helaysaa gunnada bukaanka oo dhan ama saddex dalool ah, ama nus ah ama afar meelood meel ahaan ah. Inta aad helaysaa waxa ay ku xiran tahay inta ay le eg tahay kala dhantaalnaanta awooddaada shaqo iyo fursadahaaga aad shaqo ahaan isku masruufi karto. Lacagta jirrada ee marxaladaha gaarka ah [Sjukpenning i särskilda fall] Haddii aad soo qaadatay lacagta jirrada waqtiga ugu badan oo uusan ku soo gelin dakhli lagu salayn karo lacagta jirrada ama dakhli ka hooseeya 80300 karoon, waxaad heli kartaa lacagta jirrada ee marxaladaha gaarka ah. Waxaad lacagta jirrada ee maxaladaha gaarka ah qaadan kartaa 914 maalmood. Lacagta waxaa la bixiyaa maalmo badan toddobaadkii, waana ugu badnaan 160 karoon maalintii. Gunnada hawlqabadka [Aktivitetsersättning] Adigaaga u dhexeeya 19 sano iyo 29 sano waxa aad heli kartaa gunnada hawlqabadka haddii awooddaada shaqo ay kala dhantaalantahay ugu yaraan afarmeelood meel 5 (9)

ahaan. Waxa aad helaysaa gunnada hawlqabadka oo dhan ama saddex dalool ah, ama nus ah ama afar meelood meel ahaan ah. Inta aad helaysaa waxa ay ku xirantahay inta ay leegtahay kala dhantaalnaanta awooddaada shaqo iyo fursadahaaga aad shaqo ahaan isku masruufi karto. Qiimayn awoodda shaqo- silsiladda dhaqancelinta [Bedömning av arbetsförmågan rehabiliteringskedjan] 90-ka maalmood ee ugu horreya marka aad ku qorantahay xanuunka, waxa aad xaq u leedahay lacagta jirrada haddii aanad shaqadaadii caadiga ahayd qaban karin. 90 maalmood ka dib, waxa aad lacagta jirrada xaq u leedahay uun haddii aanad shaqo bixiyahaaga u qaban karin wax shaqo ahba. 180 maalmood ka dib waxa aad lacagta jirrada xaq u leedahay uun haddii aanad wax shaqo ahba ka qaban karin suuqa shaqada ee caadiga ah. Laakiin taasi ma jirayso haddii ay Qasnadda caymisku kugu qiimayso in aad ku noqon karto shaqo uu hayo shaqo-bixiyahaagu inta ka horraysa maalinta 366. Markaas xiitaa waxa la qiimaynayaa awooddaada shaqo ee aad shaqo-bixiyagaaga ugu shaqayn karto wixii ka dambeeya maalinta 180-aad. Taasi ma khuseyso haddii aa loo arko in aysan macquul ahayn in awooddaada shaqo loo qiimeeyo shaqooyinka suuqa shaqada caadiga ah. Habkan noocan ah ee loo qiimanayo xaq u lahaanshaha lacagta jirrada waxa lagu magacaabaa silsiladda dhaqancelinta. Silsiladda dhaqancelintu waxa ay si buuxda u quseeysaa qofka shaqo haysta. Haddii aad leedahay shirkad gaar ah, waxaay Qasnadda caymisku qiimaynaysaa awooddaada shaqo laga bilaabo wixii ka dambeeya maalinta 180-aad, iyadoo loo eegayo hawlihii aad qaban jirtay ee caadiga ahaa. Intaas ka dib waxa la qiimaynayaa awooddaada shaqo iyadoo loo fiirinayo dhammaan suuqa shaqada ee caadiga ah. Haddii aad shaqo-laawe tahay waxa bilowga muddada xanuunkaba la qiimaynayaa awooddaada shaqo iyadoo loo fiirinayo dhammaan suuqa shaqada ee caadiga ah. Waxaad xaq u leedahay inaad fasax ka qaadato shaqadaada si aad u soo tijaabiso shaqo kale ama aad u hubsato inaad shaqayn karto adigoo xannuunkaas qaba. Warbixin dheeraad kala xiriir shaqa-bixiyahaaga ama wakiilka ururka shaqaalaha. Ammaanka khaaska ah ee khatarta [Särskilt högriskskydd] Ammaanka khaaska ah ee khatarta waxa aad kaga badbaadaysaa maalinta bilaa lacagta ah, adiga oo helaya lacagta jirrada ama mushahar jirro, laga bilaabo maalinta koowaad ee aad xannuusato. Waxa aad heli kartaa ammaanka khaaska ah ee khatarta, haddii: aad qabto xannuun si fiican looga warhayo, oo keenaya in aad inta badan ka maqan tahay shaqada. In badan, waxa looga jeeda in xannuunku ku qabanayo sannad gudihii wax ka badan 10 goor qiyaastii. Haddii aad bixinayso xubin jidhka ka mid ah ama unugyo ama lagugu samaynayo baadhitaan ka hor xubin aad bixinayso. Xiitaa haddii aad shaqolaawe tahay waad codsan kartaa ammaanka khaaska ah ee khatarta. Go aan ku saabsan ammaanka khaaska ah ee khatarta wuxu noqon karaa caddayn muhiim ah marka aad shaqo raadsanayso, sababtoo ah shaqobixiyuhu waxa uu Qasnadda caymiska ka helayaa magdhow ku saabsan mushaharkaaga jirrada. 6 (9)

Haddii aad shirkadle tahay waxaad keli ah oo aad codsan kartaa ammaanka khatarta kolka aad leedahay xadka maalmaha bukaanka oo 7 maalmood ah. Ammaanka khaaska ah ee khatarta waxa aad qoraal ahaan kaga dalbanaysaa Qasnadda caymiska. Foomamku waxa ay ku jiraan bogga internetka ee www.forsakringskassan.se. Waxad sidoo kale u baahan kartaa in aad xannuunkaaga ku xaqiijiso caddayn dhakhtar. Lacag jirro oo ka hortag ah [Sjukpenning i förebyggande syfte] Waxa aad heli kartaa lacag jirro oo ka hortag ah haddii aad ku jirto daaweyn ama dabiib dhaqancelin ah, si xannuun looga hortago ama loo soo gaabiyo wakhtiga xannuunka. Waxa aad helaysaa lacagta jirrda ee ka hor tagga ah wakhtiga aad shaqada ka joogto daaweynta darteed. Nidaamka maalinta bilaa lacagta ah, ma quseeyaan lacagta jirrada ee ka hortagga ah. Taas macneheedu waxa weeye in lacagta jirrada ee ka hortaga ah la soo shubi karo laga bilaabo maalinta koowaad ee daaweynta. Daaweynta ama dhaqancelinta waa in dhakhtar soo qoraa, kuna jiraa qorshe ay Qasnadda caafimaadku ansixisay. Si aad xaq ugu yeelato lacagta jirrada ee ka hortagga ah, waxa shardi ah: In uu dhakhtar arkay halis xannuun oo sarraysa. In xannuunka aad halista u tahay waa in la filayo in uu kala dhantaalo awooddaada shaqo. In uu dhakhtar daaweynta qoray. Daaweynta ama dhaqancelintu waxa ay noqon karaan daryeel bukaan oo caadi ah, jimicsiga bukaanka, indhaha iyo dhegaha oo la dhaqan-geliyo, dabiib-shaqo, tijaabin qalabka naafada iyo weliba talobixin iyo tallaabooyin taageero ah. Haddii aad u safarto waddan kale [Om du reser utomlands] Waad u safri kartaa waddan kale adiga oo qaadanaya lacagta jirrada haddii safarkaasi aanu hakinayn bogsigaaga ama aanu sii xumaynahayn xannuunka. Waa in aad codsato inta aanad safrin in aad sii wadato lacagta jirrada. Isticmaal foomkan, Ansökan - sjukpenning/tillfällig föräldrapenning/aktivitetsstöd vid sjukdom under utlandsvistelse [ lacagta jirrada/lacagta waalidka ee ku meelgaadhka ah/taageerada hawlqabadka marka aad xanuusantahay ama ku sugantahay waddan kale ] ee ku jira bogga internetka ee ah www.forsakringskassan.se. Shaqolaawe [Arbetslös] Si aad u hesho lacagta jirrada marka aad shaqolaawe tahay waa in aad ka qornayd Xafiiska shaqada [Arbetsförmedlingen] intii aanad xannuusan. Haddaad tahay shaqolaawe oo aanad shaqo ka raadsanin Xafiisa shadaqada saddexda bilood ee shaqola aanta ugu horreeysa gudahooda, xaq waad u yeelan kartaa lacagta jirrada, haddii aad xannuusato. Laakiin 14-ka maalmood ee ugu horreeya muddada xannuunka ma helaysid lacag jirro 7 (9)

Haddii aad ka weyn tahay 65 sano [Om du är över 65] Haddii aad buuxisay 65 sano ka bacdina aad heshay lacagta jirrada 180 maalmood waxa ay Qasnadda caymisku go aamin kartaa in aanad xaq u sii yeelanayn lacagta jirrada. Haddii aad buuxisay 70 sano oo welina aad sii shaqaysato, waxa bilaabmaya dhimidda maalmaha lacagta jirrada. Laga bilaabo bisha aad buuxiso 70 sano, waxa aad xaq u yeelanaysaa lacagta jirrada 180 maalmood oo keli ah. Heshiishka caymiska [Avtalsförsäkringar] Marka aad hesho lacagta jirrada waxad kaloo heli kartaa lacag aad ku helayso heshiis wadareed caymis ah. Sidaa daraadeed waa in aad wayddiiso shaqo-bixiyahaaga ama ururkaaga shaqaalaha, haddii uu jiro wax caymis ah iyo wixii markaa adiga kaa quseeya. Qasnadda caymisku ma maamusho caymisyada heshiis wadareed lagu galay, sidaasi darteed kama jawaabi karto su aalo dhinacaas ah. Warbixin dheeraad ah [Mer information] Qoraalkaani ma aha qoraal sharci. Buugyaraha "Haddaad xannuunsan tahay oo aadan shaqayn karin" ("Om du är sjuk och inte kan arbeta") ayaa waxaa ku qoran warbixin faahfaahsan. Eeg buugyarayaashaan xaddadnaanta waqtiga lacagta jirrada. qiimeynta awoodda shaqo - haddii ad xaq u leedahay lacagta jirrada. dakhliga ay lacagta jirradu ku salaysan tahay - warbixin khuseysa adiga shaqeeya. dakhliga ay lacagta jirradu ku salaysan tahay - warbixin khuseysa adiga waxbarashada ku jira, shaqala'aanta ah, qaata gunnada bukaanka, lacagta hawlaha dhaqdhaqaaqyada ama lacagta xannaanada carruurta xannuunsan. Haddii aad tahay shirkadle, waxaad akhrisan kartaa buugyaraha "Shirkadle gaar ah - warbixinta caymiska bulshada" ("Egen företagre - information om socialförsäkringen") si aad u hesho warbixin dheeraad ah oo ku saabsan fursadaha aad u kala dooran karto maalmaha bukaanka oo lacag-laäaanta ah. Haddii aad arday tahay waxaad warbixin dheeraad ah oo ku saabsan kaalmada waxbarashada iyo haddii la xannuunsado ka heleysaa www.csn.se Dhammaan qoraalada warbixinaha waxaa ka heleysaa www.forsakringskassan.se. Waxaad kaloo halkaa si fudud uga isticmaali arrimo badan adigoo adeegsanaya hawlaha adeegga tooska ah. Waxaad kaloo adeegga telefoonkayaga 020-524524 ka dalban kartaa caddaymo, foomam iyo qoraalo. Waxaad kaloo ka soo gudbin kartaa codsiyo iyo isqorid. 8 (9)

9 (9)