sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.



Relevanta dokument
Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Ku soo dhawaadda shaqada

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Dulqaaxumo Intolerans

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Sida loo dhiso jaaliyad

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Transportyrken på sju språk

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Somaliska. Barn älskar böcker

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa.

Översatt av Sahro Aden Dulle

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

Wakiilka takooridda DO

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Ku soo dhowow Laholm

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Ku soo-dhawaada degmada Umeåregionen. warbixin loogu talogalay magangelyodoonka. Bjurholm Nordmaling Robertsfors Vindeln Vännäs Umeå

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

Hagidda kala soocidda

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Akitiifiteetyada ka dhacaya Skäggetorp

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Carruurteenna, som betyder våra barn, (c uttalas

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Fasaxa xilliga xagaaga & deegaanka xagaaga 2018

Su aalo iyo jawaab ku saabsan sariir ku kaadinta Soomaali somaliska Buugan yar waxa soo saaray Maxadka Iswiidhishka ee isku kaadinta habeenkii

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Ku saabsan Iswiidhan. Barashada bulshada oo Soomaali ah

SOL110. Somaliska språket i ett kontrastivt perspektiv. Somaliskans grammatik i jämförelse med svenskans grammatik.

Välkommen till Tingsryds kommun! Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

Delaktighet. för integration. att stimulera integrationsprocessen för somalisktalande i Sverige 1999:4

Madax xanuunka (huvudvärk).

CARRUURTEENNA VÅRA BARN. Asli Sayid-Axmed Mustaqbalka waxa aan rabaa in aan dhakhtarad noqdo oo aan carruurta caawiyo. Bogga.

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Uppgifter B Textpaket Litteracitet

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

JURIDIK FÖR TOLKAR (upplaga 4:1) ORDLISTA

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

CARRUURTEENNA. Waxa aan jecelahay in aan dhegaysto sheekooyinka carruurta. Maalintii farshaxanka ee carruurta Skärholmen 4-aad.

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

Warbixinta ka qaybqaatayaasha

Min skola - dugsigayga

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

FARBARASHADA AF-SOOMAALIGA

Transkript:

sundsvall Magaca meel kasta waxaa uu ka soo jeedaa dhaxal hore. Halkan waxaanu kaga hadlaynaa sababta ay wax sidan ay u noqdeen. Akhri oo baro. Kuna soo dhawoow halkan! Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

dhaxalka dhaqanka magaalada sundsvall Magaalada dhagaxa ah ee Sundsvall waa faham guud. Kadib dabkii weynaa ee magaalada gubay 1888 dib ayay magaaladii u dhalatay, oo lagu dhisay qiimo aad u sare iyo guryo dhaqax lagu sharaxay. Hotel Knaust waxaa uu u taagan yahay mid raaxo iyo hodanimo leh oo ilaa maantadan si fiican u shaqeeya. Ka hor 2000 sanaddood waxay keyn jiq ah oo cid la ah meeshan maanta ay ka dhisan tahay magaalada Magaalada Sundsvall Wax waddooyin ah may lahayn dadkuna waa ku yaraa. Qeybta webiyada ku dheraran iyo xeebta ayay dadkii ugu soo horeeyay deggeen, waxayna miciishada ka soo saaran jireen kalluunka, kedib dhowr boqol oo sanno ayay barteen dadku wax beerashada oo ay ka bilaabmatay qodaalka beerro yaryari. Islamarkaasna waxaa garab socday xiriirro ay la yeelanayeen dunida inteeda kale iyo hawlo ganacsi in lagu dhaqaaqo. Xilli taariikheedkii dhexe ilaa laga soo gaaro qarnigii-1700 tirada dadku way kobocday, tuulooyin yaryar baana abuurmay. Sundsvall wakhtigaas waxay ahayd bulsho aad u yar, laakiin, iyada oo ay sidaas jirto, haddana ah meel ah xarun dhexe oo adeegga iyo ganacsiga aan looga maarmin. 1800:aadkii ayaa isbedelka horumarku qaatay xawl u dheeraynaya. Dhirtii keynta, oo hore loogu isticmaali jiray dhismaha guryaha, shidaalka iyo sameynta qalabka, ayaa noqotay alaab qeyrin oo aad looga daba dhacay. Wersheddo loox ayaa xeebta hareeraheeda iska daba dhismay, halkaas oo ay ka yimaadeen shaqaale badan wadan daafihiisa, oo ay Sundsvall weynaatay, una noqotayna aakhirii qaraniga xarunta wersheddaha looxa ee dalka Iswiidan. Hawlihii wershaddaha looxa ka socday, waxay gaareen meesha ugu sareysa bartamihii 1890.aadkii, waxayna soo gaareen ilaa horaantii qaranigii hore, markaasi oo ay u tallaabeen sameynta soo saarida waraaqaha. Maanta waxay tahay Sundsvall weli magaalo ay wersheddaha loox ay aasaas iyo udub dhexaad u yihiin, islamarkaasna magaalo ay 1900:aadkii oo dhan koreysay, horumarna ku tallaabsanaysay, ayna ku soo badanayeen ganacsi, hawlo iyo dad cusubbi. 3

dhaxalka dhaqanka ee magaalada sundsvall Ättehögsvägen Montörvägen Granlo 6. Vikingavägen 1. Magaalo dhax ah. stenstaden. www.sundsvall.se 2. Granska huset. granska huset. adrees Storgatan 26. 3. Dowladda hoose. stadshuset. furan markii ay dhaqdhaqaaqid jirto. adrees Stora torget. www.stadshusetsundsvall.se 4. Hotell Knaust. hotell knaust. furan sannakoo idil. adrees Storgatan 13. taleefan 060 608 00 00. www.elite.se/hotell /sundsvall/knaust/ 5. Nacksta S:t Olof. nacksta s:t olof. furan markii la ducaysanaayo. adrees Midälvavägen 2. taleefan 060 61 71 10. www.katolskakyrkan.se 6. Högom. högom. adrees Västra vägen. 7. Bakhaarka dhaqanka. kulturmagasinet. furan isniin khamiis 10 19, jimce 10 18, sabti axad 11 16. adrees Packhusgatan 4. taleefan 060 19 18 00. www.sundsvall.se/ kulturmagasinet 8. Rugta buugaagta ee Magaalada Sundsvall. (7). sundsvalls bibliotek. furan isniin khamiis 10 19, jimce 10 18, sabti 11 16. adrees Packhusgatan 4. taleefan 060 19 18 26. www.sundsvall.se/ kulturmagasinet 9. Madaxafka Sundsvall (7). sundsvalls museum. furan isniin khamiis 10 19, jimce 10 18, sabti 11 16. adrees Packhusgatan 4. taleefan 060 19 21 26 www.sundsvall.se/ kulturmagasinet 10. Madaxafka sawirrada ee Magaalada Sundsvall. (7). fotomuseet sundsvall. furan talaado jimce 12 17, sabti 12 15. adrees Magasinsgatan 12. taleefan 060 19 25 34 11. Arkiifiyada Medelpad. (7). medelpadsarkiv. furan isniin jimce 10 16. adrees Packhusgatan 4. taleefan 060 19 18 75. www.sundsvall.se/ kulturmagasinet 12. Kvissle Nolby. kvissle nolby. Nacksta Nackstavägen Sundsvall Bergsgatan Stockvik Kvissleby 12. 4 E 4

Norra Stadsberget Granlohög Gaffelbyn Selångersån Västra vägen Metropol Mittuniversitetet Åkroken Tonhallen Universitetsallén Norrmalm Norrporten Arena Baldersvägen E 4 Storgatan 8. 9. Storgatan 1. Sjögatan 2. 10. 7. 11. Sallyhillsvägen 5. Hårdvallsgatan Stenstaden Fotbollsplan Sveavägen Västermalm Södra Järnvägsgatan Bergsgatan Oscarsgatan Skolhusallén Trädgårdsgatan Thulegatan Fredsgatan 3. Esplanaden 4. Norra Järnvägsgatan Kyrkogatan Parkgatan Casino Cosmopol Alnön Juniskär Njurundabommen Spikarna Sidsjövägen Bleckslagaregatan Södra allén Paviljongvägen Södermalm Södermalmsgatan Fredsgatan Nygatan Nybrogatan Regementsvägen Östra parken Rosenborgsgatan Länsstyrelsen Västernorrland. @ Bakgrundskartor Lantmäteriet, dnr 106 2004 /188 y

sundsvalls kulturarv. 1. Magaalo dhax ah. stenstaden. Dhacdo weligeed raad reeb ku yeelan doonta Sundsvall waa dabkii weynaa ee maalin bisha juun ka mid ah, 1888 ay bas beelleen qeybbaha ugu badan ee magaalada. Haba yaraatee, waxba laga nabadgeli kari waayey, waxaa magaaladii ku soo haray dayrar qoryo ah iyo dambas tuullan iyo muuqaal aad uga duwan maalin ka hor sidii ay ahayd magaaladii bilcda samayd ee guryo loox ah nolol buuxda lahayd ee ku taalay koonfurta Norrland. Marka dib loo dhisaayo guryaha, waxaa lagu dadaalayay, qiimo kasta ha ku kacee, in aan dab dambe aanu baa binin magaalada. Wakhtigaas Sundsvall aad bay ku kobocday. Wersheddaha looxa ayaa marayay heerka ugu sareeya, waxaana jirtay fursad wanaagsan oo suurtogelinaysa in magaalo cusub oo dhagax ah la dhiso. Xaga dhismaha. Maal qabeenadii wersheddaha looxa lahaa, kuwa loogu yeero, hantilayaasha looxa, waxay u yeerteen dhowr ka mid ah kuwa dalka Iswiidan ugu caansan ee cilmiga naqshada yaqaan iyo dhismaha, waxaana laga dalbaday in dib u dhiska Sundsvall ay dib u billaabaan. Magaalada soo ifbaxday, ee qiimaha badanni oo aad u sharaxan, kana kooban guryo afar afar dabaq oo dhagax ah oo is kor saaran, lehna munaarado iyo geesas dheer oo ka taagan guryaha, oo ay hor yaaliin qafisyo muraayaddaysan, oo aan dhiggooda dalka Iswiidan qeybteedan hore loogu arag. Wajahadda, dabaqyo guriyo u qeyb qeybsan, jaranjarrooyin, aad loo qurxiyay oo kuli dhagax ka samaysan ayaa magaaladii ka dhigay taallo ka muuqata gobolkii, oo micne weyn ugu fadhiday wadanka, wakhtigaas, dhinaca ganacsiga dibedda loo dhoofiyo. 6

dhaxalka dhaqanka magaalada sundsvall 2. Granska huset. granska huset. Dabkii weynaa ee magaalada gubay 1888 waxaa jiray guri loox ka samaysan oo ku yaalay meel bannaan. Kaasi oo ku bas beelay dabkaas holocii ka baxayay. Dhismahaasi waxaa uu ku jiray caymis oo geliyay mulkiiluhu, oo ahaa Peter Gran, lahaana farmashii. Waxaa la siiyay lacag magdhow ah oo aad u badan. Lacagtii waxaa ku dhisay aqalka maanta ka taagan isla meeshii, ee loogu magac daray Granska Huset. Wakhtigaas, hadda waxaa laga joogaa boqol sannaddood, waxaana uu ka furay Peter Gran farmashiyadii dalka Iswiidan ugu heer sareysay, isaguna waxaa uu ka dhistay qeyb 11 qol ka kooban oo uu hoy ka dhigtay, derbiyada iyo saqafka sare waxaa sharaxaad farshaxan ah ku xardhay khubarro aad ugu xeel dheer oo uu uga yeeray Stockholm. Jaranjarrooyinka waxaa lagu qalabeeyay qurxin iyo musawirro lagu rijiyeeyay iyo nalal si gooni ah loogu soo xulay iyo saqafka sare oo loo xardhay qurux aad u heer sare ah. Maanta farmashiigii caanka ahaa kuma yaal aqalkaas. Waxaa dhismihii soo galay dukaamada suuq isku furan ku dhex yaal, xafiisyo iyo guryaha dabaqyada qeybta ka ah. Laakiin jaranjarrooyinkii waa la ilaaliyay, waxayna inna xasuusinayaan waayo waayihii isbedelka xoogga lehi dhacay ee aqalkaasi la dhisay. Granska huset waxaa uu metelayaa isbedelka bulsho ee dhacay xilligii 1800:aadkii, sidaas awgeedna waxaa la go aansaday in dhismaha loo aqoonsado dhismo xasuus ku fadhiya. 3. Dowladda hoose. stadshuset. Xitaa magaalada Sundsvall gurigii dawladda hoose wuu gubtay, waxaana uu ku baa ba y dabkii weynaa 1888. Waxaa keli ah ee ka haray darbiyada bannaanka, wixii kale dambas bay noqdeen markii la bakhtiiyay dabka. Si kasta ha ahaate, waxaa la go aansaday in dib loo dhiso gurigii. Gurii dib loogu dhisay dawladda hoose, waxaa uu dhammaaday 1890:aadkii, waxaana uu ka koobnaa waxyaabo badan oo isku guda jira. Waxaa ka mid ahaa gole weyn oo shirarka loogu talogalay, oo goluhu go aamada ku gaaraan iyo maxkamad dadka dambiga galay lagu xukumo. Waxaa kale oo ku dhex yiillay meel aad u weyn oo loogu talogalay xafladdaha, dabaqa hoosena waxay ahayd xarun booliis iyo meel lagu keydsho alaabta la xaday oo booliisku soo qabtay. Maanta gurigii hore ee dawladda hoose, waxaa loo aqoonsaday dhismo xasuus ku fadhiya, golihii weynaa ee xafladdahana ee ku qalabeysnaa alaabta qaaliga ah, waxaa loo isticmaallaa xafladdaha kala duwan, waxaana uu u furan yahay dadweynaha booqashada ku soo daawanaya. 7

sundsvalls kulturarv. dhaxalka dhaqanka ee magaalada sundsvall Hotelka dhowr goor baa dib loo hagaajiyay dhismihiisa, waxaana dib u habeyn loogu sameeyay dhexdiisa goobbo wax lagu kala iibsado iyo xafiisyo, intii aan imminka haddana dib loogu soo celi hotel keli ah. 1979 kadib waxaa hotelkii wajahaddihiisa, jaranjarrooyinka iyo qolka cuntada loo aqoonsaday in la ilaaliyo oo uu noqdo dhismo xasuus ku fadhiya. Bannaanka hore ee iradka weyn ee laga soo galo, waxaa weli ku kulma dadka quruxda qarash badan ku bixiya iyo maal qabeen ka soo shaac baxay Sundsvall dabkii 1888 kedib. 4. Hotell Knaust. hotell knaust. Mulkiilayaashii dhismaha uu dabku ka gubay aqalladoodii, markii ay magaaladu gubatay, waxaa la siiyay lacag magdhow ah oo ay bixiyeen shariikaddaha caymisku. Sanadkaas dabku kacay, kii ka dambeyay waxaa dadka soo galay lacag laxaad leh. 9 oktoober 1891 ayaa la furay hotelka Knaust ee heerka ugu sareeya ah. Wuxuu ahaa dhismo aad u weyn, kuna kacay qiimo aad u sareeya, lehna wajahad aad u qurux badan, oo lagu xardhay midabbo xariir ah iyo farshaxanno. Halkaas bay isugu iman jireen maalqabeenka wershedleyda ah iyo ganacsatada tujaarta ahi, iyaga oo isku casuumi jiray xafladdo, cuno iyo sharaab, loogu magac daray schweizeriet, ama la yiraahdba qolka muraayaddaha. 5. Nacksta S:t Olof. nacksta s:t olof. Dalka Iswiidan waxay kiristaan noqotay qiyaasihii 1000 sanno kadib dhalashadii Ciise. Wakhtigaas kadib, waxaa wadanka la dhisay kummannaan kiniisaddood, oo ku la filiqsan magaallooyinka iyo baadiyahaba. Kiniisaddahaasi, waxay midiba tan kale kaga duwannayd qaabka iyo sida loo naqshadeeyay Kiniisadda Nacksta waxaa la dhisay 1963-69 waana kiniisad haddii sidaas loo fiirsho cusub. Haddii dhinaca wadan ahaanna laga fiiriyo, waxay ahayd mid ka duwan dhammaan kiniisaddihii ka horeeyay hab dhaqan dhismeedkii Kiniisaddaha dalka Iswiidan. Kiniisadduhu waxay ku astaamaysan yihiin qaabka ay u dhisam yihiin. Tani waxay lahayd meel qafis wajahad ah oo u eeg doon oo kale, halkii ay kaniisad u eekan

dhaxalka dhaqanka magaalada sundsvall lahayd. Sida uu sheegaya Peter Celsing oo ahaa Injineerkii naqshaddeeyay, waxaa uu yidhi waxay u baahan tahay kiniisaddu qaabkan cajiibka ah, si ay ula tartanto dhismayaasha kale ee ku hareeraysan. Kiniisadda waxaa leh hadda urur diinneedka kaatooliga ee Sundsvall, wayna u furan tahay dadka soo booqanaya ama ku cibaadaysanaya. Maadaama dalka Iswiidan, aynu ka nahay xor dhinaca diinta, cid kasta oo booqasho doonaysa inay ku soo daawato, waa lagu soo dhaweynayaa, iyada oo aan loo kala eegin aaminsanaanta diinneed ay fikradda ay ka qabaan arrimaha diinta. 6. Högom. högom. Högom, waxaa ku dhex yaal Granlo, tan ugu weyn ee bururkii ka haray taariikhii hore ee ku yaal Norrland, ahna tan ugu caansan. Waa xabaallo ilaa tobonneeyo ah, oo 1500 sannaddood ku aasnaa halkaas. Bartamihii 1900:aadkii baa la qoday qaar ka mid ah xabaallahaasi, waxaana loogu tegay waxyaabo aad u qurux badan oo cajaayib ah. Sida ay sheegeen dadkii arkiyolojiska ahaa dadka meesha lagu duugay waxay ahaayeen dad maalqabeen ah oo lahaan jiray awood badan. Meeshani dadkii waagaas jiray waxay u ahayd muhiim. Xabaallaha mid ka mid ah, waxaa loogu tegay, meydkii qof nin ah, kaasi oo loo magac bixiyay Högomsmannen, waxaa uu qabriga ku haystay oo lagula aasay seef, waran af adag, murjin, leebabka dagaalka oo afka ku leh biro, oo uu ku dardaarmay in qabriga lala geliyo. Waxaa kale oo iyana qabriga loogu tegay oo ku jiray qalabka fardo fuulista, sida koorei, qalabka difaaca iyo xakamaha, waxay khubaradda arkiyoolajiiska ahi, ay baaristooda ku yaqiinsadeen in ninkan qolfoofkiisa ay heleen uu ahaan jiray dagaalyahan farda fuul ah. Waxaa kale oo iyana laga helay qabriga maryo ka haray kuwiisii iyo suun xardhan, oo laga fahmay, sida uu lebiskiisu ahaa. Midabada guduudka ah iyo naqshada maryahaas baa laga gartay inay ka yimaadeen Talyaaniga. Ninkaas Högomsmannen sida iska muuqata, waxaa uu ahaa nin aad u hantiqabe ahaan jiray oo bulshada meel sare ka haysan jiray. Waxaa laga yaabbaa in uu ahaan jiray hogaamiye sare oo ka taliya dhammaan bartamahaa mittnorrland? Fadlan booqo garoon xabaallaha. Alaabtii laga helay xabaallaha, waxaa lagu soo bandhigay madxafka Magaalada Sundsvall. 9

dhaxalka dhaqanka ee magaalada sundsvall 7. Bakhaarka dhaqanka. kulturmagasinet. Kadib markii uu dhacay dabkii weynaa ee magaalada Sundsvall gubay, waxaa la dhisay bakhaar weyn oo loogu talo galay in cunta lagu keydiyo. 1980-kii dhexdiisa ayaa dib u dhis lagu sameeyay bakhaarkii weynaa, waxaana loo bedelay xarun qurux badan oo dhaqan. Xarunta dhaqanka Sundsvall ee hadda, waxay ka mid tahay xarumaha dhexe ee lagu kulmo. Waxaa halkaas ku yaal, makhaayad, rugta buugaagta, madxaf, arkiifiyo, talo bixinta macmiisha, talo bixinta shidaalka- iyo cimilada, xarun waxbarasho iyo xannaanno furan. Halkaas waxaa kale oo lagu daawan karaa riwaayaddaha, waxaa lagu dhegeysan karaa muxaadirrooyinka, waxaa lagu daawan karaa masraxiyaddaha, waxaa lagula kulmi karaa qorayaasha buugaagta, filimmo ayaa la daawan karaa. Carruurta iyo dhalinyarada waxaa loo qaban qaabin karaa kulamo sheeko xariirrooyin ah, qoob ka ciyaar muusig iyo waxyaabo kale. 8. Rugta buugaagta ee Magaalada Sundsvall. sundsvalls bibliotek. Rugta buugaagta waxaa lagu akhrisan karaa wargeysyo, jaraa id, waxaa laga amaanaysan karaa buugaag iyo cajaladdo muusig. Rugta buugaagta ee weyn, ee ku taal xarunta dhaqanka Kulturmagasinet, waxaa haysaa buugaag, wargeysyada maalinlaha, jaraa id ku qoran af-iswiidish iyo dhawr iyo toban luqaddood oo kale. Labaatanneeyo dhaato ayaa lagu casuumayaa dad, oo ay ka geli karaan internetka iyo carruurta oo loo hayo qalab ay ku ciyaaraan. Waxaa intaas dheer, inay suurtogal tahay in la kiraysto barnaamijyo kombyuutarka ee wax lagu qoro, ama faks lagu diro iyo lagu sawiro waaraqo. Rugta weynni waxaa kale oo ay ku dhex yaal talo bixin dhinaca macmiisha, shidaalka iyo cimlida. Hareeraha degmada, meelaha xaafaddaha ah, waxaa jira kow iyo toban ruggood oo buugaaggeed iyo bas buugaaggeed oo booqasho ku mara xaafaddaha aan lahayn rug buugaaggeed oo u dhow. Dhowr ka mid ah rugaha buugaagta ee xaafaddaha waxaa u qorsheysan barnaamijyo joogto ah oo ay ugu talogaleen carruurta iyo dadka waaweynba. 10

dhaxalka dhaqanka magaalada sundsvall 9. Madaxafka Sundsvall. sundsvalls museum. Waxyaabaha lagu soo bandhigo madaxafka (museum) Sundsvall, waxaa ku jira muwduucyo ku hadda taagan iyo taariikhda magaalada Sundsvall waxaa ka mid oo yaalla urur laxaad leh oo musawirradii farshaxanka ee dalka Iswiidan ee 1900-aadkii, shaqooyinkii ay qabteen farshanyahannada sida sawiryaqaan Carl Frisendahl oo ku dhashay Näsåker, laakiin ku noolaa Paris noloshiisa inteedii badnayd. Bandhigga»Ma gaaladii isbedelka samaysay - Staden som förvandlade sig«waxa uu muujinayay sida ay Sundsvall magaalada dhagaxa ee Sundsvall ay u kobocdayy, kadib markii ay dab baa biiyay 1888. I» Hogaamiyahan Högom «waxaa lagala socon karaa shaqada laga qabtay qodistii xabaallaha Högom. Halkaas baad ka arkaysaa xadiga alaabta shaqsiga ee loogu tegay qabriyada, oo ay ka mid yihiin fargalyo dahab ah(kaatunno), saxanno lagu qubeysto, dhar iyo shanlooyin macdanta naxaas ah iyo weliba alaabbooyin kale oo qaali ah oo laga soo qoday qabriyaddaasi. 11

dhaxalka dhaqanka ee magaalada sundsvall 11. Arkiifiyada Medelpad. medelpadsarkiv. Arkiifiyadda medelpad waxaa yaal macluumaad xaqaa iq ah iyo aqoon, ku saabsan taariikhda gobolka iyo baaritaanka qaraabadda oo ku urursan isla meel keli ah. Waxan arkiifiyada ku jira ee la ururriyay, waxay ka hadlayaan dhokomanti iyo sawirba hawlaha iyo dhaqdhaqaaqa maamulka degmada, sida daryeelka dadka faqriga ah, iskuullada, iyo daryeelka caafimaadka, waxaa kale oo hakaas yaal, waraaqo badan uu ku saabsan hawlaha ururrada samafalka, oo tusaale ka bixinaya dad badan masiirkooda xiisaha badan leh. Arkiifiyadda Medelpad waxaa kale oo yaal dhowr xog ururrin dhaateysan databas oo loogu talogalay baarista raadkii hore ee qaraabada iyo baarista la xiriirta tuulooyinka. 10. Madaxafka sawirrada ee Magaalada Sundsvall. fotomuseet sundsvall. Maadaama ay asal ahaan ka soo jeedo dhaqanka qaaradda Yurub ee xaga sawirrada, waxaa ujeeddada madxafka ay tahay in si dhow wada shaqeyn ula yeeshaan hayaddaha waxbarashada ee gobolka ee ku hawlan saxaafadda, tusaale ahaan soo bandhiga musawirro filiimoah iyo tasaawiirta la xiriirta isgaarsiinta. Waxaa kale jirta in kamarooyinkii gaboobay. Bandhigga uu sameeyo madxafka Sundsvall ee tasaawiirtu waxaa lagu wareejiyay, si loogu daawado magaalooyinka waaweyn ee Yurub ka mid ah. 12

sundsvalls kulturarv. 12. Kvissle Nolby. kvissle nolby. Xitaa meelaha ugu quruxda badan ee Kvissle/Nolby, kuna yaal Njurunda, oo koonfur ka xigta Sundsvall, waxaa ku yaal dhowr meellood oo xábaalo ah, oo qaarkood ay jiraan in ka badan 2 000 sannaddood, ahna kuwa uga waaweyn Norrland. Halkan waxaa laga helayaa taariikhdii hore magaalada Sundsvall. Khubarada arkiyoolojiyada iyo taariikhyahannadu waxay sheegeen in meeshan la deggennaa ilaa iyo wkhtigii Nebi Ciise dhashay. Qabriyada qaarkood waxaa laga helay qalab ka samaysan macdanta naxaas oo la og yahay in ay sameeyeen romaniskii xukumayay gobollada koonfurreed ee Yurub. Qalabka loogu tegey qabriga waxaa ka mid ahaa kirli naxaas ka samaysan, alaab kale oo dhalo ka samaysan iyo lacagtii romans ka ayaa ahaa waxyaabaha laga helay qabriyada, oo inna tusaya in dadka Yurub deggen oo dhammi ay wada la lahaayeen ganacsi isaga gudba dhexdooda, meel kummannaan mayl isku jirta. Socdaalladu intaan waddooyinka la samaynin ka hore, sida qura ee la isugu talaabi jiray waxay ahayd badda. 13

dhaxalka dhaqanka ee magaalada sundsvall Bartan kore qabowga waqooyiga Gudanka Sundsvall magaalada gudaheeda hoose Quruxda qooriga, wersheddo cusub iyo farxad shucaaca bixinnaysa»run ahaantii, waa magaalo qurux iyo awood leh«, ayaa uu yiri wiilku. Xigasho: Socdaalkii ee xiisaha badnaa ee Nils Holgerssons Buuggii ay qortay Selma Lagerlöf. Magaalada Sundsvall. 14

Kiniisada Tuna (Tuna kyrka).

Xidigta Gudmund (Gudmundstjärn).

dhaxalka dhaqanka magaalada sundsvall Mittuniversitetet, Campus Sundsvall. 17

dhaxalka dhaqanka ee magaalada sundsvall Maxay muhiim u tahay taariikhdu? Wakhti intee in leeg ayay dadku deggenaayeen Västernorrland? Maxay ku noollaayeen? Sidee bay noloshu u eekeyt? Dhacdooyinkee baa saameyn ku yeeshay muwaadiniinta? Immisa ayay jiraan, run ahaantii, dhismayaasha iyo goobaha dhaqanka ee innagu hareeraysani? Maxayse innoo tilmaamayaan? Su aalluhu way badan yihiin, laakiin cilmi baarista lagu sameeyo alaabta haraaga ee dadkii hore ka tageen, ayaa wax badan oo jawaabbo ah ina siinaya. Tusaale ahaan, sidii ay u maareeyeen xaaladdaha kala duwan ee hadba la soo dersi jiray, waxa kale oo aynu ka fahmi karnaa sababta xaaladda dadka hadda jooggaa ay sidan u tahay. Sidaas awgeed, waa muhiim in aynu ilaalino dhaxalka dhaqanka ee dadkii hore innooga tageen. Wuxuu yahay dhaxalkaasu ilo aqoonneed oo la xiriira tagtadeenii Maxaa qoraalkan looga jeedaa? Qoraalkan waxaa soo saaray länsstyrelsen ee Västernorrland. Länsstyrelsen waa hay da qaran oo ka jirta gobol kasta, kana shaqeysa waxyaabbo badan oo arrimaha bulshada ku taxaluqa. Xilalka uu länsstyrelsen masuulka ka yahay waxaa ka mid ah in la ilaaliyo dhismayaasha qiimaha weyn ku fadhiya, kiniisaddaha iyo haraaga dadkii hore ay ka tageen. Taasi oo loo yeelayo, si loo daryeello taariikhda, islamarkaasna loo suurtogeliyo in dadweynuhu ay fursad ugu helaan. Waxaa jira dalka Iswiidan machaddo badan oo ka shaqeeya ilaalinta iyo daryeelka taariikhda iyo dhaxalka dhaqanka. Dhowr kuwaas ka mid ah waa madxafyada, arkiifiyooyinka iyo rugaha buugaagta. Iyada oo la samaynayo bandhigyo, diiwaangeli arkiifiyo, iyo soo saarid buugaag ayaa lagaga sheekeeyaa noloshii dadkii hore iyo qaababkii ay u noollaan jireen. Qoraalkan waxaanu doonaynaa in aanu kaga waranno goobo dhowr ah oo länsstyrelsen u xilsaaran yahay ilaalintooda. Waxaa kale oo aanu iyana ku soo qaadanay goobo in la bookhdaa ay xiiso leedahay, sida madxafyada, ruggaha buugaagta iyo arkiifiyooyin. Dhowrsan sida waafaqsan Sharciga xusuusta dhaqanka. Dhismayaasha ku fadhiya xusuus dhaqan waa sida dhismayaasha uu dhowrayo sharciga xuus dhammeedku. Dhowrsanaantu waxay saamaynaysaa in dhismahaasi loo ilaaliyo si taxadur ah, oo aan waxba laga bedeli karin naqshadiisa, isla markaasna aan la dumin karin. Västernorrland waxaa ku yaal qiyaas ahaan 70 noocaas ah oo ah dhisme xusuus dhaqammeed. Waxaa lagu xushay, waayo waxay si cad u tilmaamayaan dhacdooyin taariikheed oo la soo dersay bulshada. Kiniisaddaha waxaa siinayo dhowrsanaan sharci, iyana sharciga xusuus dhammeedka, taasna micnaheedu, wuxuu yahay in loo ilaaliyo si taxadir leh, islamarkaasna aan waxba laga bedeli karin, sida ay u dhisan yihiin, amaba aan la dumin karin, iyada oo aan fasax laga soo qaadan länsstyrelsen. Wax kiniisad ah oo la dhisay intii ka horeysay 1940 waxba lagama bedeli karo qaab dhismmeedkeeda, lamana dumin karo, laakiin kiniisaddaha la dhisay taariikhdaas kadib, waa loo samayn karaa dhowrsanaan sharci. Maadaama ay dalka Iswiidan kun sanno kabadan kirstaan ahayd, saamayn badan ayay diinta kirstaanku ku lahayd bulshada. Kiniisaddan loo samayay dhowrsanaanta sharici sidaas awgeed, waxay yihiin hanti dhaxal dhaqan oo kulligeen inaga dhexaysa. Waxyaabaha dadkii hore ka soo haray, waxaa lagu magacaabaa raad raaca waxqad ee dadkii hore iyo wakhtigii ay noollaayeen. Raad raacaas waxaa laga heli karaa qodista qabriyada kun sanno ka hor dad ku duugnaayeen iyo dhagaax tuullan iyo duug xoog u baxay hoostiisa iyo camuud tuullan. Waxyaabahaasi waxay noqon karaa meel deggaan ahaan jiray, hogag dabinno ahaa oo xayawaanka door joogta lagu daban jiray, tasaawiir lagu xardhay dhaxaan, mishiinno gabooba oo haruurka lagu ridqo iwm. Taariikhdan qoran ka hore ma jiraan wax buugaag ah, oo innoo caddeynaya siday dadkii hore ay ahaayeen. Sidaas awgeed, waxaa la oran karaa, dhulkan innaga hooseey, waxaa ku duuggan macluumaad laxaad leh, oo innooga waramaya waxyaabihii wakhtigii hore. 18

Sollefteå Örnsköldsvik Waxyaabaha dadkii hore ka tageen, waxay inna siinayaa aqoon badan, oo awel hore in aynu helaan dhib innagu noqon lahayd. Waxyaabahaas haraagga ah ee dadkii hore ka tageen, xitaa waa loo samayn karaa dhowrsanaan sharci, si looga ilaaliyo in wax laga bedelo iyo in la baa biyo, iyada oo loo adeegsanyo sharciga xusuus dhaqammeedka. Dhowr eray bixinnood oo kala duwan. Maadaama uu qoraalkani ku socdo cid kasta, aqoonta arrinkan loo leeyahayna kala duwan tahay, waxaanu go aansanay in aanu si kooban u sharaxno eray bixin ku dhex jirta qoraalka: Dhaqan kama kuubna in uu ka hadlo uun muusig, masraxiyad ama suugaan. Dhaqan waxaa loo isticmaalayaa micnaha ay ku fadhido sida uu dadku u nool yahay, u habeeyo noloshooda iyo arrimaha bulshada. Taariikh waa barashada cilmi ee sooyaalkii dadkii jiri jiray wakhtigii hore. Dhaxal dhaqan waa waxyaabo ay facacii hore ay soo gudbiyeen, waxayna noqon karaan aqal, walax, och caado ay u soo gudbiyeen facaca soo socda. Goobo dhaqan waxay saamaysaa meelo si gaar ah loo calaamadiyay, waa goobo dadka saamayn ku leh, sida magaalooyin iyo dhul beerreedyo. Inta badan waxaa loo jeedaa meelo xadidan, sida tusaale ahaan, goobta herrgåd herrgårdsmiljö. Ånge Kramfors Härnösand Timrå Sundsvall Norrland waa dhinaca waqooyi ugu xiga dalka Iswiidan, halkaasi oo xitaa Västernorrland ay ku jirto. Dalka Iswiidan qeybta ugu koonfurraysa waxaa la yiraahdaa Götaland qeybta dhexdana waxaa la yiraahdaa Svealand. Län waa dhul juquraafi ahaan xadidan, xuduuddiisa leh, oo dawladda dhexe ay xukunto, tusaale ahaan, Västernorrland. Dalka Iswiidan waxay u qeybsan tahay 21 gobollo. Kommun waa dhul ka yar kan hore oo isna juguraafi ahaan xuduuddo leh oo ay masuul ka ah waxyaabaha ugu badan ee adeegga bulsho, sida iskuullada, xannaannooyinka carruurta, daryeelka dadka gaboobay, qorsheynta jidadka- iyo arrimaha biyaha, iyo weliba arrimaha is dhexgalka. Dalka Iswiidan waxay u qeybsan tahay 290 degmooyin. Turjumidda qoraalkan waa muhiim, maadaama ay ku nool yihiin dad badan oo ku hadla af aan kan af-iswiidishka. Si aanu u gaarsiino warbixinta ku saabsan taariikhda iyo dhaxalka dhaqanka dadka ugu badan, waxaanu go aansanay inaan qoraalkan ku turjunno af-carabi, af-bersi, af-ingriisi iyo af-iswiidish. Qoraalku tirsigani oo ku saabsan gobolka iyo demooyiinkiiska kale, waxaa xitaa lagu turjumay af-isbanish, af-fransiis, af-ruush iyo af-amhaar. 19

Ku soo dhowoow magaalada Sundsvall. Wax kasta oo aad aragto, sheeko ayaa ka dambeysa. Dhammaan dhismayaasha, waddooyinka, bannaannada, kaymaha yarar wax tilmaamo ah ayay inoo tibaaxayaan. Wakhti kastaa waxaa uu leeyhay dhacdooyin, saamayn ku leh xaaladdeena. Si aynu wax ka ogaano taariikhda, waxay inaga caawinaysaa fahmka aynu fahmaynaa goobtan aynu joogno iyo xaaladda ka taagan, is dhex galka sooyaalkii hore iyo kuwan cusub, ayaa bulshada ka dhigaya mid xiiso leh oo la jecelaan karo. Halkan waxaa ku soo bandhigaynaa dhowr meelood oo wax ku tara inay sharaxaad ka bixiyaan dhalashadii Sundsvall iyo kobceedii, goobahaasi oo ilaa maanta weli ku fiican in la booqdo. Länsstyrelsen Västernorrland, 871 86 Härnösand. Tal 0611-34 90 00. www.lansstyrelsen.se/vasternorrland Farsamada qaabaneynta, soo saarida se idea ab. Isku dubaridka qoraalka Mats Wigardt. Sawirka Kristofer Lönnå, Samir Hussein/Björn Grankvist/Murberget Länsmuseet Västernorrland, Torbjörn Svaan, Medelpads arkiv, Gudrun Widmark, Carin Engwall, Maria Olsson, Julia Cronqvist. Daabacad Lenanders Grafiska. Sebteembar 2010.