Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.
Qoraalkan waxaa soo diyaariyay Forum ururada afgaarta ku saleysan ee arimaha bulshada qabta. Forum waa urur waxyaalaha la xiiseeyo qabta oo qaran kaas oo loogu talagalay ururrada afgaarta ku saleysan iyo waxqabadka hoos yimaada barnaamijka waxqabdka ee Stockholm Tillsammans. Ururadan ayaa qeyb ka ah mashruuca: Stockholms Stadsmission MÄN (Sinaanta ragga) Individuell Människohjälp Verdandi Tamam KFUM Bromma Blå Vägen/Spånga Blåband Svenskar och Invandrade Mot Narkotika. (Iswiidhishka iyo Ajaanibka daroogada ka soo horjeeda) Macluumaad dheeraad ah oo ku sabsan Forum soo booqo www.socialforum.se
Qofka ku cusub Stockholm! Ku cusub Iswiidhan iyo gobolka Stockholm län? Ku soo dhowoow inaad ka qayb qaadatid waxqabadyada aanu wadajir ugu barano luqada iswiidhishka, sida ay bulshada Iswiidhishku u shaqeyso iyo sida ay tahay in laga shaqeysto Iswiidhan. Waxaanu bixinaa waxqabadyo toddobaadle ah oo loogu talagalay dadka doonaya inay la kulmaan asxaab cusub, helaan aqoon cusub isla markaana ay wadda baashaalaan. Qoraalkan waxa ka danbeeya sagaal urur oo waxqabad ka sameeya Stockholm. Waxaanu nahay dhowr urur oo degan Stockholm oo kugu soo dhawyneyna inaad ka qeyb qaadato. Haddii aad adiga ama qof aad adigu garaneyso uu xiiseynayaa inuu ogaado wax badan oo ku saabsan waxqabadyada, ayaad qoraalkan ka heli doontaa macluumaad dheeraad ah iyo macluumaadka lagala xidhiidhaayo. Ku soo dhawow! Waa maxay urur? Urur samofal waa koox dad ah oo ugu yaraan saddex qof ka kooban kuwaas oo ku midoobey wax ay xiiseynayaan. Ururku waxa uu leeyahay qawaaniin u shaqeeya sida xeerka kooxda waxayna go aaminayaan waxa ururku loogu yedhi doono iyo cida ku jiri doonta guddiga ururka. Dhamaan ururadu waxay ku dhisan yihiin hab dimiquraadi ah. Iswiidhan waxa caadi ah inay jiraan ururo noocyo badan ahi. Waxay noqon karaan (kubada cagta iyo orodka) ilaa ururad diinta (kiniisada iyo masjidada) iyo ururada bulshada (caawiya dadka guri la aanta iyo dadka dhibanayaasha). Markaad ka qeyb qaadato urur ayaad la kulmeysaa dad kale oo aad Iswiidhan wax badan ka baraneysaa isla marka aad tabobar ku qaadaneyso Iswiidhka oo aad tijaabiso waxqabadyo xiiso leh. Marka laga reebo waxqabadyada lagu soo bandhigay buugan yar, waxaa jira naadiyo badan oo Stockholm ku yaala oo adiga kuu furan. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ururada kala duwan iyo waxqabadyada ururada iswiidhishka, fadlan soo booqo www.informationsverige.se. Waxaad adigoo soo maraaya waxqabadkayaga Volontärbyrån aad adigu raadsan kartaa mashruucaaga aad rabto ee ku jira ururad kala dudwuan. Taas waxaad si dhibyar uga sameyn kartaa www.volontarbyran.org
Luqada: SFI-A: Waxbarasho luqada Iswiidhishka oo fudud Cida qabanqaabisa: Stockholms Stadsmission Waxbarashda Iswiidhishka ee loogu talo galay qofka aan aqoon hore laheyn. Qof kastaa ka qeyb qaadan kara! Flemingsberg SAACADA: Isniinta saacada. 10-12 iyo salaasada sacadaha. 10-12 Flemingsbergs Kyrka, Diagnosvägen 14-16, 141 54 Stockholm Fisksätra SAACADA: Jimceyaasha 10.00-12.00 Fisksätra Kyrka, Fisksätra torg 19, 133 41 Saltsjöbaden SFI-C: Sii wadida barashada luqada Iswiidhishka Cida qabanqaabisa: Stockholms Stadsmission Wadajir ayaynu uga hadleynaa naxwaha iyo sida luqada Iswiidhishka loogu isticmaalo xaaladaha kala duduwan, hadal ahaan iyo qoraal ahaan.
Flemingsberg SAACADA: Salaasooyinka 14.00-16.00. Flemingsbergs Kyrka, Diagnosvägen 14-16, 141 54 Stockholm Fisksätra SAACADA: Khamiisaha 13.00-15.00 Fisksätra Kyrka, Fisksätra torg 19, 133 41 Saltsjöbaden Qaxwaha luqada Cida qabanqaabisa: Stockholms Stadsmission Waxaynu wadajir Iswiidhish kaga hadlaynaa mawduucyada kala duduwan iyadoo qaxwe lagugu casuumaayo. Flemingsberg SAACADA: Isniinta, saacada. 14.00 15.45 Flemingsbergs Kyrka, Diagnosvägen 14-16, 141 54 Stockholm Fisksätra SAACADA: Khamiisaha 10.00-11.30 Fisksätra Kyrka, Fisksätra torg 19, 133 41 Saltsjöbaden
Qaxwaha luqada Cida qabanqaabisa: Verdandi Stockholm Ku soo dhawow Verdandis språkcafé ee ku yaala Hallonbergen iyo Fittja. Halkan waxa aad ka helaysaa asxaab cusub oo aad kula tabobaranayso Iswiidhishka oo qaab fudud ah. Waxaanu sidoo kale ka hadli doonaa sida ay tahay in laga shaqeeyo Iswiidhan iyo waxyaalaha muhiimka ah ee ay tahay in laga fikirto bulshada Iswiidhan dhexdeeda. Waxaan Hallonbergen ku naalaa cinwaanka Bergshöjden 36 iyo Fittja ayuu waxqabdku ka dhacayaa lookaaladeyada Krögarvägen 22. Bergshöjden 36, 174 45 Sundbyberg Krögarvägen 22, 145 52 Norsborg XIDHIIDHKA: Viktor Tilling, 070 710 64 74, viktor.tilling@verdandi.se Caafimaadka iyo cayaaraha Koorsada caafimaadka Cida qabanqaabisa: Stockholms Stadsmission Källan ku taala Fisksätra ayaa cid kasta lagu soo dhaweyneyaa koorso caafimaadka, iyadoo uu dhakhtarka ka socda xarun isdhexgalka dhaqamada joogo, ka hadlida jirka iyo sida aad adigu caafimaad wanaagsan ugu dareemaysid oo Iswiidhish fudud ah. SAACADA: Jimcayaasha 13.00-15.00 (ee bilowga 29/9) Fisksätra Kyrka, Fisksätra torg 19, 133 41 Saltsjöbaden
Yoga - dumarka da yarta ah ee laga bilaabo 16 sanno jir Cida qabanqaabisa: KFUM Bromma Jiidooga degan ee asalka ah, is dejin iyo neefsasho si loo yareeyo istreeska. SAACADA: Salaasooyinka 17:30-19:30 i Alvik Arbacooyinka 15:00-17:00 i Kista Alvik & Kista XIDHIIDHKA: Britt-Marie Sundin, 0703754077, bm.sundin@kfum.se Isboortiga iyo waxqabadka - gabdhaha 16 sano jirka iyo wixii ka weyn Cida qabanqaabisa: KFUM Bromma Isku dey ciyaaraha iyo waxqabadya kala duduwan iyadoo wadajirka iyo baashaalka awooda la saaraayo. SAACADA: Isniinta saacada 17.00-19.00 Alvik XIDHIIDHKA: Britt-Marie Sundin, 0703754077, bm.sundin@kfum.se Isboortiga iyo waxqabadka - wiilasha 16 sano jirka iyo wixii ka weyn Cida qabanqaabisa: KFUM Bromma Isku dey ciyaaraha iyo waxqabadya kala duduwan iyadoo wadajirka iyo baashaalka awooda la saaraayo. SAACADA: Axadaha19.00-21.00 Blackeberg XIDHIIDHKA: Britt-Marie Sundin, 0703754077, bm.sundin@kfum.se Macluumaadka iyo is qoritaanka: http://www.bromma.kfum.se
Bulshada iyo shaqada Kooxaha dibada u baxda ee Stockholm Cida qabanqaabisa: Tamam Miyaad xiisaynaysaa inaad la kulanto dad cusub oo aad isla markaa kala barato Stockholm? Miyaad doonaysaa inaad baashaasho oo aad waxqabadyo cusub tijaabiso? Toddobaadkiiba laba jeer, ayaa Tamam ay soo qabanqaabiyaan safarro iyo waxqabadyo loogu talagalay dadka dhalinta yar ah iyadoo ujeedadu tahay inaan wada baashaalno, kala barano Stockholm oo aan isku dayno waxqabadyo cusub. Wadajir ayaannu abuureynaa wax qabadka, adigoo ka qaybgale ahaan aad heli doonto fursada aad ugu soo jeedinayso oo aad ugu qorsheynayso waxaan qabano. Waa bilaash! Ku soo dhawow! XIDHIIDHKA: Tanja Ljubisavljevic, tanja.ljubisavljevic@tamam.se Kooxda aabayaasha Cida qabanqaabisa: MÄN (Sinaanta ragga) Hadda waxa la sameeyey kooxda waalidka oo loogu talo galay qofka aabaha ah! Waxaan qabnaa in labada waalidba ay door weyn ku yeesheen sida ay carruurtu dareemayaan ee ay u koreyaan. Waxqabadka waxaa loogu talagalay dhammaan aabayaasha, waxaanu siin doonaan fursado badan oo ay isku kala weydaarsadaaan oo ayna ugu dhageystaan waayoaragnimada raga kale. Kulamadu waxa lagu qaban doonaa Tensta iyo laba goobood oo kale oo dhawaan la soo dhigi doono Facebook ga. Kooxaha waxa hogaamiya aabeyaasha iyagu leh waayo aragnimo oo ka yimid ururka MÄN. MÄN waa ururka ka shaqeeya sinaanta oo hoos u dhima rabshadaha. XIDHIIDHKA: pappagrupper@mfj.se
Koorsada kombiyuuterka Cida qabanqaabisa: Stockholm Stadsmission Källan ku taala Fisksätra waxaanu soo ku qabanaa koorsooyin kombiyuuterka halkaas oo aan si dhibyar ugu barno isticmaalka aasaasiga ee kombiyuuterka. Waxaynu wada jir qornaa, tijaabinaa isticmaalka internedka iyadoo aanu booqano boggaga muhiimka. SAACADA: Jimcayaasha 13.00-15.00 (oo bilaabmeysa 22/11) Fisksätra Kyrka, Fisksätra torg 19, 133 41 Saltsjöbaden Siminaar ku saabsan waxqabadka ururada iyo luqadda Cida qabanqaabisa: Individuell Människohjälp La kulan asxaab cusub oo ka qeyb qaado IM iyo Volontärbyrån! IM waxa weeye urur abuuraya goobo kulan halkaas oo aad kula kulmi karto saaxiibo cusub oo aad ku tabobarato luqadda. Waxaanu bixinaa macluumaad ku sabsan ururada Iswiidhan iyo sida aad ku noqon karto mutadawic. Qofka mutadawaca ahi waxa uu heli karaa waxqabad uu sameynaayo, khibrad shaqada aan lacagta lagu qaadan iyo shahaado aad isticmaasho markaad shaqo raadineyso. Waxaad sidoo kale heli kartaa asxaab cusub iyadoo aad ku tabobaran doonto luqada Iswiidhishka. Waxaad nagula kulmi kartaa Språkfika labadii todobaadba hal mar taas oo ka dhacda Blackeberg iyo Medborgarplatsen. XIDHIIDHKA: Västgötagränd 17, 118 28, Stockholm Dina-Maria Jerrari, dina-maria.jerrari@manniskohjalp.se Amanda Windolf, 08-408 838 07, amanda.windolf@manniskohjalp.se
Iswiidhishka, aqoonta bulshada iyo macuumaadka shaqada Cida qabanqaabisa: Blå Vägen/Spånga Blåband Välkomna till Spånga Blåband och Blå Vägen. Waxaan leenahay koorsooyin Iswiidhish ah, shaqo/tababar oo shaqada jikada, makhaayadda, roodhida, nadaafada, farshaxanka iyo beeraha/shaqooyinka cagaaran oo laga helo shirkadaha bulshada. Blåvägen/Spånga Blåband waxay bixisaa shabakadaha iyo xiriirada cusub, isdhexgalka xirfadaha iyo farsamada shaqada ee Spånga, farsamada gacanta iyo Iswiidhishka oo ka dhacaaya Jordbro, Iswiidhishka iyo aqoonta bulshada oo ka dhacaaya Tensta iyo sidoo kale jikkada iyo roodhida oo ka dhacaaya Spånga. SAACADA: Isniimaha 14.00 16.00 (suuqa shaqada iyo sharaxaada xirfaddaha, Spånga) Arbacooyinka iyo Khamiisaha 14.00 18.00 (iswiidhan iyo bulshada,tensta) Arbacooyinka 10.00 13.00 (iswiidhan iyo bulshada, Jordbro) Skogängsvägen 59 Spånga Skäftingebacken 16 Tensta Hurtigs torg 1 Jordbro XIDHIIDHKA: Hans Danielsson, 076 760 05 73, hans.danielson@blavagen.nu Macluumaad dheeraad ah www.blavagen.nu; www.spangablabnd.nu
Koorsada kombiyuuterka Cida qabanqaabisa: Svenskar och Invandrade Mot Narkotika. (Iswiidhishka iyo Ajaanibka daroogada ka soo horjeeda) Ku soo dhowow inaad ka qayb gasho koorsada xirfadaha kombiyuutarka aasaasiga. Waxaad baran doontaa sida loo isticmaalo Word, Excel, Powerpoint, warbaahinta Bulshada, iyo sida loo qoro emaylada si aad ula qabsatid dugsiga sare. Waxaad u baahan tahay inaad soo qaadato adiga laabtobkaaga. Way xadeysan tahay tirada ka qeyb qaateyaashu. SAACADA: Arbacooyinka 16:30 18:30 (oo bilaabmeysa 22/11) Sundbyberg XIDHIIDHKA: Halina Keil, 070 090 29 94, halina.keil@simon.org.see
Stockholm Tillsammans waa mashruuc ay maalgaliso kaalmada laga helo gobolka Stockholm län kaas oo qeyb ka ah waxa loo yaqaan waxqabdka hore ee dadka ajaanibka (Tidiga insatser för asylsökande (TIA))