Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan
Dhammaan dhallinyarada dalka Iswiidan oo dhameeyay waxbarashada dugsiga billoowga-hoose-dhexe, waxay xaq ku leeyihiin waxbarashada dugsiga sare oo saddex sano ah. Waxbarashada dugsiga sare waxay saldhig u noqon doontaa dhaqdhaqaaqa xirfada, sii wadashada waxbarashada, horumar-shaqsiyeedka iyo ka qaybgalka firfircoon ee noolasha bulshada. 2
Tirada barnaamijyada waxbarasho-qarmeedyada waa sideed iyo tobban Xeer-dugsiyeedkii 1 luulyo 2011 hirgalay waxaa lagu wada-simay dugsiyada sare gaar ahaanta loo leeyahay iyo kuwa maamulka degmooyinka ay maamulaan. Dugsiyada sare waxay leeyihiin 18 barnaamijyo waxbarasho-qarmeed, kuwaasoo u kala qaybsaan 12 barnaamij-xirfadeed iyo 6 barnaamij u diyaargaroowga waxbarasho jaamaceed. Barnaamijyada dugsiyada sare oo idil waxaa la dhigta saddex sano. Ardaygu markii u dhamaysto dhigashada barnaamij-xirfadeedka, waxaa la filanayaa in uu aad isku diyaar-garayay suuqa shaqada, waxaa kaloo la filanayaa in tayada waxbarashada ay ahayd mid heer sare ah, taasoo ardayga u suurtagelin doonto in xirfadiisa u xariif ku noqdo. Teeda kale, waa in uu xirfadiisa u shaqo ku hela kadib markii waxbarashadiisa u dhamaysto. Ardayda dhigato barnaamij-xirfadeedyada dhammaantood waxay - markii waxbarashada dugsiga sare ay dhameeyaan, xaq ku leeyihiin 3
fursad ay ku gaaraan saldhigga u qalmida dhigashada jaamacadda. Haseyeeshe, shuruudaha waxaa kamid ah in ardaygu u doorto koorsooyinka u gogolxaarayo helida saldhigga u qalmidda waxbarasho jaamaceedka. Dhigashada barnaamijka u diyaargaroowga waxbarasho jaamaceed kadib, waxaa la filanayaa in ardaygu u diyaar u yahay waxbarasho jaamaceed. Waxaa kaloo jiro barnaamijyada horudhaca, kuwaasoo tiradooda ah shan. Waxaa looga talagalay ardayga u qalmin dhigashada barnaamij-qarmeedka. Barnaamijka horudhaca waa in uu ardayga u suurtageliyaa dhigashada mid kamid ah sideed iyo tobbanka barnaamij waxbarasheedka qarmeed ama la qabsashada suuqa shaqada. Dugsiyada qaarkood waxaa laga hela waxbarasho ka duwan barnaamijyada waxbarasho- qarmeedka: kala duwanaasho gaar ah, waxbarasho ku salaysan xulasho qarmeed iyo waxbarashada isboortiga heer qarmeedka ahi ee helideeda lagu guulaystay (NIU). Shuruudaha u qalmidda waxbarashada dugsiyada sare Nidaamka u qalmidda waxbarashada dugsiga sare, way ku kala duwan yihiin hadba barnaamij-xirfadeed iyo barnaamijka u diyaargaroowga waxbarasho jaamaceed. Sida lagu helo dhigashada barnaamij-qarmeedka, iyadoo fiirogaar ah aanan la siinin barnaamij-xirfadeed ama barnaamijka u diyaargaroowga waxbarasho jaamaceed, waa in ardaygu u ku guulaystay maadooyinka af-iswiidishka ama af-iswiidishka luqad labaad ahaanta, af-ingriisi iyo xisaabta. Ardayga barnaamij-xirfadeedka waxaa ku guulaysashada saddexda maado ka sokkoow, laga doonayaa ku guulaysashada shan maadooyin oo dheeraad ah, isku-darkii waa sideed maaddo. Ardayga barnaamijka u diyaargaroowga waxbarasho jaamaceed waxaa - ku guulaysashada saddexda maado ka sokkoow, laga doonayaa ku guulaysashada sagaal maadooyin oo dheeraad ah, isku-darkii waa laba iyo tobban. Barnaamijyada aqoonta dhaqaalaha iyo bulshada iyo barnaamij adabta aadanaha, waa in sagaalka maadooyin afar kamid ah shahaadadooda lagu guulaystay, sida jugraafi, taariikh, aqoonta bulshada iyo aqoonta diinta. Ku saabsan aqoonta abuurka iyo 4
barnaamijka farsamada, waa in sagaalka maadooyin saddex kamid ah shahaadadooda lagu guulaystay, sida bayoolaji, fiisiks iyo kemistery. Doorashada sagaalka maadooyin ee barnaamijka aqoonta quruxda waa ikhitiyaari. Waxbarasho aqoonta quruuxda qaarkood, waxbarasho aad u ficnaanshada iyo barnaamijka isboortiga, waxaa laga yaaba in ay leeyihiin shuruudo gaar ah ee lagu helo, marmarna imtixaanno. Koorsooyinka iyo qorsheynta maadooyinka Barashada af-iswiidishka ee dugsiyada sare waxay leeyihhin qaab koorso. Macneheedu waxay tahay in ardaygu u dhigan doono hal ama dhowr koorsooyinka ee ka tirsan maadooyin kala duwan ee barnaamijka. Koorsooyinka badidooda waxay ka kooban yihiin 100 dhibcood, taasoo u dhigmato qiyaastii afar toddobaad waxbarasho wakhti buuxa ah. Maadooyinka dugsiyada sare iyo koorsooyinka kala duwan waxa ay ka kooban yihiin iyo shuruuda waxbarashada waxay ku tillmaansan yihiin qorsheynta maadooyinka oo barida hogaan u ah. 5
Cabbirka shahaadooyinka Calaalamaha cabbirka shahaadooyinka waa xarfaha A-F, taasoo xarafka A ah shahaadada ugu sareeyso, xarafka E waa shahaadada lagu guulaysto ee ugu hooseeyso. Xarafka F waa kuma guulaysan. Ardayga waxaa shahaado la siiyaa kadib markii koorso kasta u dhamaysto. Cabbirka shahaadooyinka shuruuda aqoonta ee heer-qarmeedka ahi waa E, C iyo A. Hab-dhiska barnaamijyada Maadooyinka dugsiyada sare ay ka wada siman yihiin waa maadooyin dhammaan ardayda dugsiyada sare ay bartaan. Kuwaasoo ah af-ingriisi, taariikh, isboortiga iyo caafimaadka, xisaabta, aqoonta abuurka, aqoonta diinta, aqoonta bulshada iyo af-iswiidishka ama af-iswiidishka luqad labaad ahaan. Ardayda wuxuu maadooyin dugsia sare ay ka wada siman yihiin u bartaa siyaabo kala duwan hadba barnaamijka waxbarashada. Maadooyinka dugsiyada sare laga wada siman yahay ka sokkoow, barnaamij kasta wuxuu lee yahay tiro maadooyinka barnaamijyada ay ka wada siman yihiin, kuwaasoo ardayda dhammaantood barnaamijka gaareedka awgiis u akhristaan. Taasoo barnaamijka u yeeleyso astammo u gaar ah. Dhammaan barnaamijyada, laakinse ka reeban barnaamijka daryeelka iyo xannaandda, waxay leeyihiin jiho kala duwan, taasoo ardayga kala dooran karo. Teeda kale, barnaamij kasta wuxuu leeyahay koorsooyinka kala duwan loogu talagalay qoto dheerida barnaamijka. Waxbarashada waxay leedahay doorasho shaqsiyeed. Doorasho shaqsiyeedka barnaamij-xirfadeedka, dugsiga waa in laga hela koorsooyinka looga baahan yahay saldhigga u qalmidda waxbarasho jaamaceed. Dhammaan barnaamij waa in ardayda ay helaan fursad ay ku akhristaan ugu yaraan hal maaddo quruxda iyo ugu yaraan hal koorso isboortiga iyo caafimaadka katirsan doorasho shaqsiyeedka. Dhammaan waxbarashada barnaamijyada waxaa leeyihiin hawlgalka dugsig sare, oo ka kooban waxbarashada barnaamijka. Hawlgalka dugsiga sare waa in lagu guulaysta sida ardayga uu shahaado ku helo awgeed. 6
Waxbarashada barbaradka Barnaamij-xirfadeed waxaa jirto fursad lagu doorto waxbarashada barbaradka oo heer dugsi sare ah. Ardayga doortay waxbarashada barbaradka, wuxuu waxbarashada badideeda ku gudanayaa goob shaqo hal goob ama dhowr goob. Waxbarashada barbaradka iyo waxbarashada kale ee dugsiga waa isku ujeedo iyo isku shuruuda aqoonta. Sida loo xoojiyo wadashaqaynta barnaamij-xirfadeed dugsiyada sare iyo suuqa shaqada waxaa jiro goleyaal heer degmo iyo heer qaran ba ah. 7
Laba nooc oo shahaado ah Ardayga dhamaystay barnaamijka dugsiga sare wuxuu heli karaa shahaadada dugsiga sare. Shahaadada xirfada waa in ardayga uu akhristay 2500 dhibcood, kuna guulaysto 2250 iyaga kamid ah. Arday waa in uu ku guulaystaa af-iswiidishka 1, ama afiswiidishka luqad labaad ahaan. 1, af-ingriisi 5 iyo xisaabta 1. Shuruuda kale waxaa weeyaan in ardayka u ku guuleysto helida 400 dhibcood oo ah barnaamij maadooyin wadajir iyo hal guulaysasho hawlgalka dugsia sare. Ardayga wuxuu heli karaa shahaadada xirfada waxbarasho barbaradka iyo waxbarasho xirfadda ku salaysan goob dugsiyeed. Barnaamij u diyaargaroowga waxbarasho jaamaceed waa in ardayga u dhigtaa 2500 dhibcood kuna guulaystaa 2250 dhibcood iyaga kamid ah. Ardayga waa in uu ku guulaystaa af-iswiidishka 1, 2 ama 3 af-iswiidishka luqad labaad ahaan. 1, 2 iyo 3, af-ingriisi 5 iyo 6 xisaabta 1. Teeda kale waa in ardaygu u ku guulaysta hawlglka dugsia sare. Shahaadada u diyaargaroowga waxbarasho jaamaceed waa saldhiiga waxbarasho jamacdeedka lagu helo. Warbixin dheeraad ku saabsan u qalmida waxbarasho jaamaceed ka akhriso HY- PERLINK http://www.skolverket.se www.skolverket.se goobta Förskola & skola. Kadib waxbarashada dugsiga sare. Shahaada xirfada iyo ku guulaysashada helida shahaado af-iswiidishka 2 ama 3 afiswiidishka luqad labaad ahaan. 2 iyo 3 af-ingriisi 6 waa saldhigga u qalmidda waxbarasho jaamaceedka lagu helo. Dhammaan ardayda dhigato barnaamij-xirfadeed waxay xaq ku leeyihiin dhigashada koorsooyinka u gogolxaarayo helida saldhigga u qalmidda waxbarasho jaamaceed. Saldhigga u qalmidda waxbarasho jaamaceed k sokkoow, waa in ardaygu uu ku guulaystay helida shahaadoooyinka koorsooyinka muhimid gaarka u leh codsashada waxbarasho la doonaayo, taasoo loo yaqaanno särskild behörighet u qalmid gaar ah. Ardayga aan ku guulaysan helida shuruuda imtixaanaka dugsiga sare, ma heli karo caddaynta shahaadada, ee wuxuu heli karaa caddynta waxbarashada. 8
Ganacsi aasaasidda Ganacsi aasaasidda waa in waxbarashada dugsiyada sare aysan ka maqnayn. Dhammaan barnaamij waxay ardayda helayaan fursad ay ku qoto dheeraan barashada ganacsi aasaasidda. Yurub ka tirsan Af-iswiidishka dugsiyada sare laga barto wuxuu kugu xirayaa habdhiska u qalmida qaarada Yurub. Ujeedada waxay tahay sare u qaadka dhaqdhaqaaqida muwaatinyiinta iyo fududaynta waxbarashada aan dhamaadka lahayn. Waxbarashada dadka waawayn Waxbarashada dadka waawayn waa in uu adeegsada qorsheynta maadooyinka iyo shurruda aqoonta ee dugsiyada sare. Isla markiina waa in waxbarasho dadka waawayn noqotoa mid isbed bedli karto, loona qabsiyaa baahida ardayga waawaayn. 9
Sideed iyo tobbanka barnaamij Barnaamij-xirfadeed Barnaamijka carruurta iyo wakhtilummiska (Barn- och fritidsprogrammet) Barnaamijka dhismaha iwm (Bygg- och anläggningsprogrammet) Barnaamijka korontada iyo tamarta (El- och energiprogrammet) Barnaamijka gaadiidka iyo is-gaarsiinta (Fordons- och transportprogrammet) Barnaamijka ganacsiga iyo maamulka (Handels- och administrationsprogrammet) Barnaamijka farsamada (Hantverksprogrammet) Barnaamijka hoteelada iyo dalxiiska (Hotell- och turismprogrammet) Barnaamijka farsamada warshadaha (Industritekniska programmet) Barnaamijka adeegsashada dabiiciga (Naturbruksprogrammet) Barnaamijka makhaayadaha iyo raashinka (Restaurang- och livsmedelsprogrammet) Barnaamijka biyaha iyo hanti ma guurtada (VVS- och fastighetsprogrammet) Barnaamijka daryeelka iyo xannaanadda (Vård- och omsorgsprogrammet) Barnaamijka u diyaargaroowga waxbarasho jaamaceed (Högskoleförberedande program) Barnaamijka aqoonta dhaqaalaha (Ekonomiprogrammet) Barnaamijka aqoonta quruuxda (Estetiska programmet) Barnaamijka barashada adabka aadanaha (Humanistiska programmet) Barnaamijka barashada aqoonta dabeecada (Naturvetenskapsprogrammet) Barnaamijka barashada aqoonta bulshada (Samhällsvetenskapsprogrammet) Barnaamijka farsamada (Teknikprogrammet) Barnaamijka u diyaargaroowga waxbarasho jaamaceed Barnaamijka aqoonta dhaqaalaha (Ekonomiprogrammet) Barnaamijka aqoonta quruuxda (Estetiska programmet) Barnaamijka barashada adabka aadanaha (Humanistiska programmet) Barnaamijka barashada aqoonta dabeecada (Naturvetenskapsprogrammet) Barnaamijka barashada aqoonta bulshada (Samhällsvetenskapsprogrammet) Barnaamijka farsamada (Teknikprogrammet) 10
Barnaamijka horudhaca (Introduktionsprogram) Shanta barnaamij ee horudhaca ah, waxay ardayda u qalmida haysan siinayaan fursado cusub. Iyagoo barnaamijka adeegsanaayo ayay heli karaan u qalmida barnaamijqarmeedka, isku diyaarinta suuqa shaqada ama waxbarasho kale u gudbin karaan. Barnaamij-xirfadeed Shanta barnaamij ee horudhaca ahi waxaa weeyaan Isku diyaar garaynta waxbarashada (Preparandutbildning) Doorosho shaqsiyeedka barnaamijka ku salaysan (Programinriktat individuellt val) Horudhaca barashada xirfadda (Yrkesintroduktion) Ku beddel shaqsiyeedka (Individuellt alternativ) Horudhaca luqadda (Språkintroduktion) 11
ISBN: 978-91-86529-79-6 Grafisk form: AB Typoform Omslagsfoto: Michael McLain Foto inlaga: Michael McLain