Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!
Tusmada buugga Degmada Tingsryd s. 1 Guddiga talobixinta muwaadiniinta s. 1 Meelaha lagu kulmo s. 2 Waxbarashada iyo daryeelka s. 3 Dhaqaalaha s. 4 Caafimaadka iyo daryeelka bulshada s. 5 Degaanshaha s. 6 Ururada Iyo Waxqabadka s. 7 Hay adaha s. 8-9 Wacantahay in la ogaado s. 10 Xidhiidh s. 11-12
Degmada Tingsryd (Tingsryds kommun) Ku saabsan degmada (Om vår kommun) Dagmada Tingsryds waa dagmo nool oo soo jiidasho iyo casri ah kuna dhex tala gobolka ah koritaan xoogleh. Halkan waxa ku hawlan muwaadiniinta, warshadaha firfircoon, bulsho hodan ah iyo u dhowaanshaha kulan ee aadanaha. Saddex meelood meel dagmada Tingsryd dadku waxaay ku nool yihin baaddiyaha. Todobada tuulooyin oo dhan waa Konga, Linneryd, Ryd, Rävemåla, Tingsryd, Urshult iyo Väckelsång oo leh adeegyada aasaasiga ah Iskuulki, Dukamadi iyo daryeelka caruurta iyo daryeelka dadka waaweyn. Degmadu waxaa lagu gartaa beerha yar yar iyo in ka badan 200 harooyin. Sacad gudeheed dagmada Tingsryd waxaa dagan in ku dhawaana yaha 300 000 oo qof iyo labo saacna waxaa u jira Malmö/Kobenhegen. Agagaarka waxaa ku yaal jamacada Linneuniversitet oo Växjö iyo jamacad Blekinge tekniksa högskola oo ku taal Karlskrona iyo karlshamn. Guddiga talobixinta muwaadiniinta (Medborgarkontoret) Ma qabtaa wax su'aalo ah oo ku saabsan iskuulada, hoyga ama ma u baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta foomamka? Waan kaa caawin! Guddiga talobixinta muwaadiniinta oo dagmada Tingsryd (Torggatan 12) wax walbo waa lagaa cawinkara iyo hadaa talo rabtid. Fadlan soo wac 0477 441 00 Guddiga talobixinta muwaadiniinta wakhtiyada soo waci kartid waa Isiniin 08.00-18.00 Talaado-jamce 08.00-16.30 Xiliga qadada malinkasta waa furanyahay. 1
Degmada Tingsryd (Tingsryds kommun) Meelaha lagu kulmo (Träffpunkter) Dagmada Tingsryd Waxeey leedaha meelo kala duwan oo lagu kulmo ujeedadooduna ee tahay in la abuuro fursado Dadka jinsiyeedaha kala duwan iyo dhaqanka kala duwan si ay uwada kulmaan waxna kala faa ii deystan. Maxaa tahay meelaha lagu kulmo? Melaha lugu kulmo weey u furan tahay dadko oo dhan. Wax macno ah maleh hadaa tahay soo galooti ku cusub, iswiidhan, waayeel, dhalinyaro ama muhaajiriinta ku nooleed waqti dheer iswiidhan. Halkan waxaad mar walba ballansan karaata qol haddii aad rabto in aad fuliso dan. Maxaa lagu sameeya meelaha lagu kulmo? Waxaad ka heli kartaa caawimo walba sida xidhiidha dawlada, cawinadka foomamka buuxintiisa, hawlaha xilliga firaaqa, caawimad iswiidhishka, Amaaho kombiyuutar ama iska akhri joornaal. Qof kasta baa iska diiwaan gelin kara haduu doonayo in muxaadaro ku qabsado. Meelaha lagu kulmo waxa kale oo aad ka heli inaad baratid dadka kale oo aad kala faa ii deysatan waayo-aragnimo. Aad ugu soo dhawow mid ka mid ah meelaha lagu kulmo oo degmada kamid ah. 2
Iskuulada iyo daryelka caruurta (skola och barnomsorg) Wadan cusub in loo soo guuro ma sahalana, ahoow waarid ama caruur, taas oo mararka qaarkood keeni kartaa in is fahamid iyo isku dhacyada waalidiinta iyo carruurta. Wadanka Iswiidhan, carruurta waxay leedahay xuquuqda sida dadka waaweyn waxaana muhiim ah in la ixtiraamo taas. Fasalada Internationalka. Waxaa jira fasalo international ah oo loogu tala galay ardayda iswiidhan ku cusub. Halkas iskuulku wuxuu u diyaarinya sidey ardaydu u baran lahay iskuulka Iswiidhan, iyadoo ardayda la siinayo cilmi kufilan kuhadalka afka iswiidhishka iyo fahamka buulshada Iswiidhan iyo iskuuladka seey u shaqeeyan. Fasaladas waxaay ku yaalan Dackeskolan oo ku yaal Tingsryd, Örmoskolan oo ku yaal Konga iyo Trojaskolan oo ku yaal Ryd. 3 Dugsiga sare Wasaskolan waa dugsiga sare oo dagmada wuxuuna ku yaal Tingsryd. Dagmada Tingsryd waxeey leedahay oo kale mid ka mid ah dugsiyada muusika mid ka mid ah kuwa ugu casrisan wadanka. AMB (Academy of Music and Business). Halkan waxaa ka heli kartaa hadii aad u fara kulushahay inaad barato muusikaa iyo ciyaaraha qalabka muusikada ilaa ganacsi muusikada. Halkan waxaad ku soo gali kartaa shahaado ama imtixaan tijaabo ah. Xarunta waxbarashada- Iswiidhishka loogu talaggalay muhaajirka (SFI) Adigoo qof weey ah oo wadanka ku cusub Xarunta, xarunta waxbarashada waxaa ka baran karta Iswiidhishka loogu talaggalay muhaajirka (SFI). Waxaa loogu talogalay adiga iyo heerka luqadaadu iyo afka kuhadalkisa darajadu marayo. Wax barashadu waxaay socota sanadkoo dhan aan ka aheyn bisha luuliyo ama bisha dodooba markaas oo fasax layahay. Xarunta waxbarashada oo Tingsryd baad ka heli kartaa fomamka aad ku dalbaneysid koorsooyinka ama waad kala soo bixi karta booga internedka oo Xarunta waxbarashada. Iswiidhishka intaa waxa dheer oo aad ka akhrisan kartaa maadooyinka kale sida xisaabta, Ingiriisiga iyo taariikhda iwm. Xanaanada caruurta iyo Iskuulada. Dagmada Tingsryd oo dhan waxaa ku yaal xanaanada caruurta iyo iskuulada. Waxaa jira ku dheehan damaanad adeeg oo loogu balan qaaday boos Iskuulka xannaanadda iyo xarunta Iskuulka halbil ka dib marka soo dalbatid. Iskuulka waa lacag la'aan ciyaalkuna iskuulka ee cunto ku leeyihin. Sannad walba kala barkiisa waxaa la leeyahay shir waarid, aad beey muhiim utahay adigoo waarid ah inaa ka soo qeybgashid sidaad fah fahin u heshid.
Dhaqaalaha (Ekonomi) Ma dagantahay dagmada Tingsryd oo masruufkaga ma awoodid? Xaq baa uu ledahay in masruuftada lagaa caawiyo, taas oo ah taageero tijaabo ah. Taageero hab-nololeedka Si aad u codsato taageero habnololeedka waxaa ku lug leedahay xuquuq iyo waajibaad. Ka hor inta aadan raadsan taageero dhaqaale waxaan rabnaa in aad qabato waxa aad awoodo oo aad ku taageerto noloshada. Tusaale ahaan inaad markasta shaqo raadisid. Sidaas darteed qofka qaata taageerada dakhliga sababtoo ah shaqo la'aanta waa inuu iska diiwaan geliyaa xafiiska shaqada. Markasta waa inaad diyaar uu ahaatid shaqado iyo tallaabada waxbarashada laguugu deeqayo. xaq ma uu lihid inaa qaadatid taageerid hadii adan adigu isku dayin sidii aadi nafta ku taageeri lahed. Wixii dheeraad ah la soo xiriir shakhsiyaadka macluumaadka iyo daryeelka qoyska ee degmada oo numbarku yahay 0477 44 100. Gunnada shaqo meelaynta Marka aad qaadatid sharciga degenaanshaha, waxaad xaq u leedahay Gunnada shaqo meelaynta. Si aad u hesho cawimo buuxa waa in aad ka qayb qaadato hawlo kala duwan sida SFI (iswiidhishka ee soo-galootiga) ama sameeysid tababar goob shaqo. Maqanaan Gunnada shaqo meelaynta waxaay ku xiraantahay inaa joogtid iskuulka ama tababar goob shaqada. Hadii adigu ama cunigaaga jirado waa inaad macalinka SFI soo wacdid. Hadii aad iskuulka ka maqantahay sabab la aan ma heleysid dhaqaale mal mahaad maqneeyd. Saas tarteed aad beey muhiim utahay inaad macalinka iskuulka soo wacdid hadiid aad jirantahay. Hadii oo caruurtada jirantahay xaq waad uleedahay inaad xafada caruurta la joogtid, adigoo lagaa goosan dhaqaalaha. Lakin aad beey muhiim utahay inaad uu sheegtid hey aada caymiska. Bixinta biilasha Gunnada shaqo meelaynta marka ugu horeysa waxaa lagu tala galay inaad kirada, biilasha iyo ineey kuu garto cuntadada bilkasta. Dagmadu ka ma caawineyso biilashada hadii aad lacagtaada wax kale ku bixisay aan ka aheen biilashada. Ribo Markad guri cusub dagtid waxaa lacag ka deeynsan kartaa CSN sidaa alaab kugriga sucub ugu dhigatid. Lakin lacagta waa inaa soo ciliso ribona weey saaran tahay. Ribo waxeey dabareysa kharashka maamulka iyo musharka shaqalaha oo ka shaqeeya meesha. 4
Daryeelka Caafimaadka iyo Bulshada (vård och omsorg) Xarunta Caafimaadka Dagmada Tingsryd xarunta caafimadka waxeey ku taala Tingsryd iyo Ryd. Halkaas waxaa kula kulmi karta dhakhtark, dhakhtarka ilkaha, umuliso ama kalkaalisad. Adiga kaliga baa dooranaya xarunta caafimadka kaad rabtid kan Tingsryd ama kan Ryd. Hadii aadan awoodin inaad xarunta caafimadka oo xanuun kugu dhaco waxaa kuu imaan kara xafadada Dhakhtar, kalkaalisad ama umuliso. Isbitaalka ugu dhaw wuxuu ku yaala Växjö. Balan Mark kasta waa inaad wakhtid balansatid sidaa dhakhtar ula kulantid. Aad beey muhiim utahay inaa balanta wakhti fiican aad timaadid. Hadaadan awoodin inaa timadid balanta waa inaa soo wactid oo kansaltid labatan iyo afar saac gudahood, hadii kale balanta waa inaa bixisid lacag. Waxaad mar walba ku bixin karataa isla goobta. Waxaad kaloo sameyn kartaa in biil lagugu soo diro xafadaada lakin waxaa raacsan lacag dheerad ah. Xarumaha caafimadka iyo daryeelka ilkaha badan kooda waa joojiyen lacag kash ah ineey qaatan. Lakin mark kasta karka waad ku bixin kartaa ama in faktuuro xafada lagugu soo tuuro. Ambalaas Mark kasta oo wax degdeg ah jiran waxaad wacaysa 112 oo kuu soo diraya ambalaas. Ambalaas waxaa loo yeereya markey degdeg tahay. Turjumaanada Waxaan inta badan isticmaalaan turjume oo telefoonka ah. Taas macnaheedu waa qof aanad garanayn oo ku qarinaya sirtaada. Waxaa sheegtidna inta udhaxeysa beey ku egtahay. Farmasii Xiriir waxaay la leeyihin xarunta caafimadka ee Tingsryd iyo Ryd farmasii aad ka soo gadan karid oo kala soo bixi kartid dawadada. Daryeelka dadka waawayn, daryeelka dadka nafada iyo qofka iyo qoyska Dagmada ayeey xilsantahay daryeelka dadka waaweyn, daryeelka dadka nafada iyo qofka iyo qoyska. Daryeelka dadka naafada waxay la siinaya noocyo kala duwan oo taageero loogu tala galay dadka nafada ah jidh ahaan ama maskaxda. Daryeelka dadka waawayn waxaa leh kuwa u baahan, tusaale ahaan, daryeelka guriga, xarumaha daryeelka, alarmammaanka ama cunto qaybinta. Daryelka qoyska iyo qofka waxeey qabilsan yihin baaritanka iyo gudagalka dhaqalah, baaritanka oo cawada markey ku saabsantahay ciyalka ama balwada aya goo la siinaya cawitaan lagaaga daweyo balwada. 5
Deeganka (Boende) Haddii aad raadinayso hoy waxaan la soo xidhiidhi kartaa Tingsrydsbostäder kuwaas oo ku leh dabaqyo degmaddoo dhan. Sidoo kale waxaa jira tiro mulkiilayaal guryo dhowr ah oo aad jeclaan lahayd in aad la xidhiidho. Haddii aad eegayso in aad guri iibsato ama beer, la xidhiidh wakaalada dhulka iibisa ama kiraysa. Wixii macluumaad dheerad ah, booqo barta internatka ee degmadda. Markaad dabaqa kiraysanayso... Nabad ah oo degen Kiraystahu, si uu u hubiyo in aad ku noolaato si nabad ah dhinaca jaarkaaga waa muhiim in aad u muujiso tixgelin midba midka kale. Hubso in ay jirto nabad meeshaada aad ku nooshahay iyo siiba aagaga bulshaddu ku kulmaan, oo aad niyada ku hay in sidii kirayste, aad sidoo kale ka masuulyahay kuwa ku soo booqanaya. Dhacdada ay dhibaato jirto, la xidhiidh mulkiilaha guriga. Halka ay jiraan dhacdooyin soo noqonoqda, kiraystahu waxa uu waayi karaa xaqa uu ugu noolaado dabaqa. Dhar maydhka Si aad u isticmaasho qolka dhar maydhka waa in aad diiwaangashataa wakhtiga maydhista faahfaahinta waxaa laga heli karaa ilaaliyaha guriga/mulkiilha masuulka ah. Qof kasta raaxadiisu, waa muhiim in lagaga tago qolka dhar maydhka nadiif markaad dhammayso maydhista. Qashin qubka Qashinka gurigu waa in la kala saaraa. Si fiican loo xidhaa oo loo qubaa si waafaqsan tilmaamaha mulkiilahaaga. Qashinka coojka ah sida muraayada, birta, caaga, warqadaha, kartoonada iyo walxo la mid ah waa in la geeyaa meesha ugu dhow ee dib loogu warshadeedyo walxaha la isticmaalay ama xarunta dib u warshadaynta ee Elsemåla. Ka hel wax badan barta inertnatka ee degmadda. Sinxiyada satalaytka Haddii aad jeceshahay in aad rakibato sinxi satalayt ah, marka ugu horaysa waa in aad la xidhiidhaa mulkiilahaaga si aad ogolaasho uga hesho iyo tilmaamo. Sigaar cabbista Waa mamnuuc in aad sigaar ku cabto jaranjarooyinnka, qolalka dhar maydhka, wiishka, qolka dhulka hoostiisa ku yaal, balakoonada, iyo meelaha kalee bulshaddu ku kullanto. Sigaar cabbistu waa ka mamnuuc dabaqyada qaarkood. Xawayaanka rabaayada ah Dadka leh xawayaanka rabaayada ah waa in ay masuuliyadooda qaadan. Xawayaanka waa in aan la sii dayn iyaddoon la horjoogayn. Fadlan hubi in aanay wasikhayn meelaha xadka u ah guriga ama aanay dhibaatayn jaarka. Ogaysiis bixinta marka la guurayo Haddii aad jeceshahay in aad joojiso heshiiskaaga kirada waa in aad siisaa wargelin qoran mulkiilahaaga. Muddada ogaysiisku ee joojintu waa saddex bilood ( hal bil dhacdada dhimashada). Wixii macluumaad dheeraad ah, la xidhiidh mulkiilahaaga. Nadiifinta ka hor guurista Markaad ka guurayso gurigaaga, waa muhiim in meel walba la faaruqiyo oo si fiican loo nadiifiyo. Mulkiilahaaga gurigu waxa uu samayn doonaa baadhitaan wakhti la is la aqbalay. Kharashka waxyeelada, waxyeelada la gaadhsiiyay guriga ee aan caadiga ahayn iyo nadiifin dheeraad ah (haddii loo baahdo) adigaa fulin doona, kiraystaha. Furayaasha Markaad soo guurayso waxaa lagu siin doonaa tiro furayaal ah oo dabaqaaga ah. Kuwan waa in lagu soo celiyaa mulkiilahaaga markaad guurto. Sidii kirayste, waxaa lagaa qaadi kharashka fura kasta oo maqan. 6
Ururada iyo Hawlaha (Föreningar och aktiviteter) Dhex galka ururada waa hab fiican aad xiriir iyo saaxiibo ku heli kartid. Ma waxaad tahay qof xiiseeya ciyaaraha isboortiga, kalluumaysiga, muusikada, ama ma dooneysa in aad la kulmaanto dadka kale la xiriiri urur. Dagmada Tingsryd waxeey leedahay ururo kala duwan aad kala qaybqadan kartid hawlaho dhowr ah sida isboortiga, muusikada iyo farshaxanka. Hadaa xiiseeyneysid ciyaaraha isboortiga waxaa jira sida kubada cagta, xeegada, xeegada dabaqa, fardo raacida iyo jimicsi ee degmada. Kubada cagta waxaa lagu ciyaara dagmooyinka Tingsryd, Ryd, Rävemåla, Linneryd, Konga, Väckelsång iyo Urshult. La xiriir xarunta madaniga ee degmada si aad u ogaatid ururada la heli karo iyo meeshoda. Lambarka telefoonka: 0477-441 00 Maktabadda Maktabadda waad firii inaa ku akhrisatid joornal, ka deysanso buug oo luqado kala duwan ama isticmaalka kombiyuutar. xataa waxaa yaala buugag lagu tala galay dadka afka iswidhiska ku cusub. Hadusan oolin buuga rabtid maktabadda, waxaa ka dalban karta maktabad kale oo iswiidhan. Maktabaddu waxay kale oo ay leedahay xafladaha dhaqanka oo badan oo loo gu talagalay dadka waaweyn iyo carruurta. Bogga internetka oo maktabadda waxaa ka akhrisan kartaa 60 luqadood oo ka ah 100 wadan. Maktabada ku taala Tingsryd, Ryd, Urshult, Konga, Älmeboda, Väckelsång och Linneryd. Maktabadda Tingsryd waxeey furan tahay maalin walba saacadaha u dhaxeeya 10-18.30 iyo Sabtiyada inta u dhaxaysa 10-13. Kaniisada iswiidhan Kaniisad iswiidhan waxaa laga heli karaa meelaha ugu badan ee degmada oo fulineysa hawlo kala duwan oo loogu talagalay carruurta iyo dadka waaweyn labadaba. Tingsryd waxaa kale oo ku yaal kaniisada Söderport (Söderportkyrkan). Kaniisada iswiidhan oo Tingsryd kala xiriir 0477-77 90 00 ama booqo www.svenskakyrkan.se/tingsryd. Workshopka dhaqanka Workshopka dhaqanka wuxuu fursad ku siinaya inaa heestid, ciyaartid ciyaaro qalab ama jilidda riwaayadaha. 7
Maamulka (Myndigheter) Hay'adda Caymiska Hay'adda caymiska ayaa mas'uul ka ah qayb weyn oo ka mid ah nidaamka ammaanka guud ee iswiidhan. Ayagaa baara oo go aamiya in ka badan 40 kaalmo. Hay'adda caymiska waxaay bixisa dhaqaalaha qiyaas ahaan 200 bilyan sanadkiiba, taas oo kalabar la siiyo dadka buka iyo dadka naafada ah. Saddex meelood meel waxaa la siiyaa carruurta iyo qoysaska taas oo ah, masruufka caruurta, masruufka waalidka iyo guri kabka. Markey timaado in qofku jirado hay adda caymiska aa ku shaqo leh. Taas oo ah ineey ku saacidan qofka siduu ugu soo laban laha shaqadiisa. Hay adda caymiska ayaa bixisa amarka mamulka beshinka. Hay'adda caymiska xafiis waxeey ku leedahay Växjö. Shaqooyin - Xafiiska shaqada Xafiiska shaqada ayaa gacan siinaya dadka cusub iyo shuruud saax sida ugu dhakhsaha badan eey ku baran lahaayen iswiidhishka iyo shaqo ku heli lahaayeyn eey isku dabari la haaleyn. Sida ugu dhakhsaha badan markey dadka cusub lehan sharia ma yimadan dagmo baa Xafiiska shaqada la yeelanaya asaga ama ayada wicitaanka gunnada shaqo meelaynta. Wicitaanka gunnada shaqo meelaynta, taasoo ka koobnaan kartaa hal ama in ka badan wicitaan uu bilaabayo qofka cusub iyo Xafiiska shaqada ineey isla diyaariyan mustaqbalkooda ee iswidhan. Qorshaha meelaynta waxeey sharraxayasa ku wa hawlaha dadka cusub sideey sida ugu dhakhaha badan uga qeeyb qadan lahaayen ineey shaqo ku helan. Dagmada Tingsryd baa ah shaqo-bixiyaha ugu weeyn. Waxaa sidoo kale jira shaqooyin badan oo suuqa waxsoosaarka sidoo kale daryeelka caafimaadka iyo shaqada bulshada. Waxa kale oo jira jirgado caalamka magic kaleh sida Nelson Garden, Hammarplast, Börjes, Ryds Båt och Linders aluminiumbåtar. Fadlan soo booqo booga internedka, www.tingsryd. se. Ma waxaad tahay qofka ganacsadaha ah oo raba inuu furto adeeg, Xafiiska shaqada ayaa kaa caawin kara inaad ku gaadhaan danihiina iyo riyooyinkina. 8
Maamulka (Myndigheter) Hay'adda Canshuuraha Hey'adda cashuuraha waa awood maamul ee canshuuraha, canshuurta hantida, diiwaangelinta iyo diiwaangelinta ee diiwaanka shirkadda. Dadlka ka diiwangashan iswidhan ayadana sameeysa karka aqoonsiga iyo kormeera deymaha ee dalka. Dadka ku nool iswidhan weey diiwaan gashan yihiin taasna waxaa lagu magacaabaa diiwaanglinta dadweeynaha. Diiwaanglinta dadweynaha waxaa ku jira warbixin oo magacaga, ciwankaga, tobanka lambar oo dhalashada, magaca xaskaga, caruurtada iyo dhalashada. Tobanka lambar oo dhalashada Qof walba oo iswiidhan dagan wuxuu leeyahay toban lambar. Sa,bi,mal-xxxx. (sanadka, bisha, malinta,xxxx). Hey'adda laanta socdaalka (Migrationsverket) Hey'adda laanta socdaalka waa hay'ad qaabilsan codsiyada ka yimaada dadka doonayaan inay dagan iswiidhan, soo booqnaya, in aad difaac ka raadsato cadaadis ama aad leedahay dhalashada dalka Iswiidhan. Dadka qaar Iswiidhan waxaay uyimadan waxbarasho, ama sababtoo ama eey shaqo ka Helen halkan, dadka kale waxaay soo raac qoyskooda ama jacaylka cusub ee ay heleen halkan. Hey adda laanta socdaalka ayaa codsi kasta tijaabinaya iyadoo la raacayo xeerarka maamula hey adda laanta socdalka ee iswiidhan. Waxay shaqadoodu tahay inay hubiyaan oo ufiiriyan hab si habsami leh sida ay sharcigu yahay. Hey aada laanta socdaalka eey sii difaac qaar badan oo ka ilaalinta cadaadis iyo colaad. Qaar ka mid ah howshoodu waa ineey dadka magangalyo doonka ah oo ka yimaadey dhibta kulul oo xaq difaacaan u leeyahay in la dhawro. Iyagoo la kaashanaya hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR oo ay caawiynayan qaxootiga ku jira xeryaha ku yaalla caalamka inay ku nolodan iswiidhan. Dad badan oo ku guuray iswiidhan ugu danbeyn noqonden muwaadin iswiidhish ah. Hey aada laanta socdalka eey la xiriireyan. Sanadkasta dad badan ayaa la siiya dhalasho iswiidhish ah. Dhalashadu xaqooq badan ayeey ku siineysa, sida inaa ka qeyb qadatid doorashada baarlamaan. 9
Fiican in aad ogaato! (Bra att veta!) Ganacsiga Dukaamada qaarkood waxaad ka iibsan kartaa digaag xalaal ah. Ma jiraan dukaamo uu gaar ah oo ii biya cunto ka timid dalalka kale. Xarumaha did u warshadaynta Dhowr meelod oo degmada dhexdeeda ayeey ku taala. Waxaad ku tuuri kartaa baakadaha qashinka weyn, alaabta korontada, qashinka halista ah, biraha duugoobay iyo waxyaabaha ololi kara. Dhammaan xarumaha dib u warshadaynta waa xirantahay malmaha guduudka ah iyo malmaha fasaxa ah. Saacadaha ay furantahay waxaa laga heli karaa www.tingsryd.se. Rugta did u warshadaynta Waxaa yaala kontaynar did u warshadaynta aad halkas ku tuureysid qashinka oo aad kala saar sareysid sidey ukala leeyihin. Tusaalo sida baakadaha waraaqaha, joornalada iyo dhalooyinka. Isgaadhsiinta Masaafada oo magaalooyinka waaweyn uu dhaxeeysa Växjö: 44 km qiyaas ahan 40 daqiiqo oo babuur ah. Kalmar: 106 km, qiyaas ahaan 1 saac 30 daqiiqo oo babuur ah. Malmö: 184 km, ciyaas ahaan 2 saac oo babuur ah. Stockholm: 501 km, qiyaas ahaan 5 saac oo babuur ah. Dagmada Tingsryd waxaay leedahay xiriir fiican oo baasaska oo meelo badan usocda. Waxaan halkan ku soo ururiyeen macluumaad ku saabsan Jidka ugu muhiimsan ka bilooda, adeeya ama dhexmaraya Tingsryd. Qiyaas ahaan afar mil ayeey Ronneby, Kalshamn iyo Växjö aay si fududay ah aad ku tageysa baaska. Baas lambar 215 Växjö - Rävemåla - Tingsryd Baas lambar 840 Växjö - Tingsryd - Ronneby Baas lambar 370 Växjö - Tingsryd - Karlshamn Baas lambar 361 Tingsryd-olofsröm oo dhexmara Ryd/fridafors. Ma ogtahay baaska qadeyneysid? Wakhtiga iyo maxaadada waxaa ka heleysa booga internedka oo baasaska Kronobergs. Waxa kale oo Wakhtiga ka heli kartaa baaska dhexdisa iyo maxaadada. Mad rabtaa inaad raadisid maxaado ka qadaneysid iyo mida usocoto? Kal www.lanstrafikenkron.se oo ka raadi booga internedka oo baasaska Kronobergs, oo la dhaho Reseplaneraren. Ku qor halkas magalada uu safreysid am aka soo safreysid iyo sacada rabtid inaa safartid. Masaajidka/kaniisad. Masaajidka ugu dhow wuxuu ku yaala Växjö waad booqan karta booga internedka kooda oo ah: : http://www.mosque. se/sv/ moskebygge Kaniisad Iswiidhan waxaa laga heli karaa meelaha ugu badan ee degmada iyadoo fulineysa hawlo kala duwan oo loogu talagalay carruurta iyo dadka waaweyn labadaba. Tingsryd waxaa kale oo ku yaal kaniisada Söderport (Söderportkyrkan). Kaniisada iswiidhan oo Tingsryd kala xiriir 0477-77 90 00 ama booqo www.svenskakyrkan.se/tingsryd. 10
Bra att veta.. Xidhiidhka oo Tingsryd (Kontakt I Tingsryd) Guddiga talobixinta muwaadiniinta Torggatan 12 362 32 Tingsryd Tel: 0477-441 00 Rugta daryeelka caafimaadka oo Ryd Ciwaanka: Norra Hantverkaregatan 6, Ryd Tel: 0459-59 40 00 Guryaha Tingsryd Skyttegatan 4B 362 30 Tingsryd Xafiiska shaqada Järnvägsgatan 3A Tel: 077-160 00 00 Xarunta Waxbarashada 0477-444 70 Linnerydsvägen 8 362 31 Tingsryd Rugta daryeelka caafimaadka oo Tingsryd Ciwaanka: Storgatan 87, Tingsryd Tel: 0477-79 48 50 daryeelka ilkaha ee dadweynaha oo Tingsryd Ciwaanka: Storgatan 87, Tingsryd 0477-79 48 20 daryeelka ilkaha ee dadweynaha oo Ryd Ciwaanka: Storgatan 21, Ryd Tel: 0459-801 16 Farmasii Rugta daryeelka caafimaadka Tingsryd iyo Ryd waxaa ku yaal Farmasii, Waxaa aad kala soo bixi kartaa daawooyinka la qoray iyo sidoo kale dawooyinka ana ubahnen qoritaan oo aad soo iibsan kartid iyo waxyaabaha kale. Farmasii oo Tingsryd Ciwaanka: Storgatan 87, Tingsryd Tel: 0771-45 04 50 Farmasii oo Ryd Ciwaanka: Norra Hantverkaregatan 6 Ryd Tel: 077-140 54 05 11
Xidhiidhka oo Växjö Isbitaalka oo Växjö Ciwaanka: Strandvägen 8, Växjö Tel: 0470-58 80 00 Hey'adda laanta socdaalka Ciwaanka: Norrgatan 23, Växjö Tel: 0771-235 235 Hey'adda cashuuraha Ciwaanka: Norrgatan 22-24, Växjö Tel: 077-156 75 67 Hay'adda Caymiska Ciwaanka: Norrgatan 22-24, Växjö Tel: 077-152 45 24 Masaajidka Försommarvägen 2, Växjö Tel: 0470 66444/070 5720465 12
www.tingsryd.se Tingsryds kommun Torggatan 12 Box 88 362 22 TINGSRYD Tel 0477-441 00 kommunen@tingsryd.se Ku soo dhawoow noo