Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Relevanta dokument
Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Ku soo dhawaadda shaqada

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Transportyrken på sju språk

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Dulqaaxumo Intolerans

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

SOMALISK a AF-SOOMAALI

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Somaliska. Goorma samaynayaa mammogramka. RG_Mammografi_A5_SV_somal.indd :17:38

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Madax xanuunka (huvudvärk).

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Sida loo dhiso jaaliyad

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Goorma samaynayaa mammogramka

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

Somaliska. Barn älskar böcker

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary (oo marka magaciisa la soo gaabsho afka qalaad loogu yeero COPD)

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Wakiilka takooridda DO

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Waxanu ku hadalnaa luqado badan

Hagidda kala soocidda

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa.

Buugeyga caafimaadka ee gaarka

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Su aalo iyo jawaab ku saabsan sariir ku kaadinta Soomaali somaliska Buugan yar waxa soo saaray Maxadka Iswiidhishka ee isku kaadinta habeenkii

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

Ku soo dhowow Laholm

Vi ger råd, stöd och behandling. Det här är en lättläst broschyr från Handikapp och Habilitering

Tabobarka farsamada dayactirka baabuurta

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

SOL110. Somaliska språket i ett kontrastivt perspektiv. Somaliskans grammatik i jämförelse med svenskans grammatik.

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

VÄL Vänersborgs kommuns lärplattform

Sweden waxay yeelanaysaa lacag cusub oo waraaqo iyo qadaadiic/sanuud ah

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

Bra mat för barn mellan ett och två år. u dhaxeeyo hal sano iyo labo sano

Transkript:

1(8) Informationsenheten Broschyren "Vi ger råd, stöd och behandling" på andra språk 2009-01-08 Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Tani waa turjumaad laga soo turjumay waraqaha ama buugga yar ee rugta Curyaannimada iyo Baxnaaninta (Handikapp iyo Habilitering). Warqadda waxa laguu soo raacinayaa waraaqo ama buug yar oo ku qoran iswidhish fudud. Macluumaadka ku saabsan cinwaannada waxa lagu sheegayaa waraqaha ama bugga yar ee iswidhishka ku qoran ama rugta gudbinta telefoonnadda ee bugga yar ee Curyaannimada iyo Baxnaaninta ee (Habilitering & Hälsa) lambarka gudbinta telefoonka, 123 35 000. Sid 2 Waa maxay baxnaanintu? (Vad är habilitering?) Rugta Curyaannimada iyo Baxnaaninta (Handikapp iyo Habilitering) waxay ku siinaysaa adigaaga xubnaha jidhka qaarkood ka curyaanka ah taageero si aad ugu noolaan karto sida ugu fiican ee ugu suurtagalsan. Kuwa yimaadda rugta Curyaannimada iyo Baxnaaninta (Handikapp iyo Habilitering) waa kuwo badanaa ku dhashay ee qaybaha jidhkooda ka curyaanka ah, qaar badanina curyaannimadaas way qabaan noloshooda oo dhan. Waxaad helaysaa talo iyo kaalmo (Du får råd och stöd) Rugta Curyaannimada iyo Baxnaanintu (Handikapp iyo Habilitering) waxay adiga iyo qoyskaagaba ku siin karaan talo iyo taageero. Sid 3 Talada iyo taageeradu waxay noqon kartaa in aad: In aad warbixin dheeraad ah ka ogaato curyaanimadaada ama qaybaha jidhkaga ka mid ah ee curyaanka ah In aad la hadasho qof la taliye ah ama qof aqoon u leh cilmi nasfsiga si caafimaadkaagu uu u fiicnaado. In aad warbixin dheeraad ah ka ogaato nooca caawimo ee aad bulshada ka heli karto. In aad warbixin dheeraad ah ka ogaato ururrada ama jaalliyadaha ku caawin kara. Waxaad helaysaa daryeel ama daaweyn (Du får behandling) Rugta Curyaannimada iyo Baxnaaninta (Handikapp iyo Habilitering) waxay ku siinaysaa daryeel ama daaweyn. Daryeelka ama daaweyntu waxay kuu caawin kartaa siyaabo kal duwen: Si jidhkaagu uu u shaqeeyo sida ugu fiican ee ugu suurtaglka badan leh. Si aad ula hadli karto dadka kale. Si aad ula kulmi karto una raaci karto dadka kale. Sid 3 2 (8)

Waxaad helaysaa taageero maalmaha shaqada (Du får stöd i vardagen) Curyaanimadaada ama xubnaha jidhkaaga ee kala dhiman waxa raad ku yeelanaya sida aad u deggan tahay iyo meesha aad ka shaqayso.sidaas awgeed ayaannu kuu caawinaynaa si guriga iyo shaqadaaduba kuugu fiicnaadaan sida ugu suurtagalsan leh. Waxa kale oo weliba aanu kaa caawinaynaa sidii aad u heli lahayd qalabka la adeegsado si adiga naf ahaantaadu aad waxyaabo kala duwen u qabsan karto maalmihii. Tusaale ahaan in aad ilaaliso wakhtiyada, samaynta cuntada iyo maydhista dharkaaga. Annaga iyo shaqaalaha kale ayaa si wadajir ah kuu caawinaynaa (Tillsammans med andra hjälper vi dig) Rugta Curyaannimada iyo Baxnaanintu (Handikapp iyo Habilitering) waxay la shaqaysaa shaqaalaha kale ee badanaa aad la kulanto si aad u hesho taageero sida ugu suurtagalka badan leh. Haddii aad dooneyso waxannu la soo xidhiidhaynaa tusaale ahaan shaqaalaha jooga halka aad deggan tahay ama halka aad ka shaqayso. Sid 4 Tani waan rugta baxnaaninta (Det här är ett habiliteringscenter) Gobolka Istokhoom waxa jira dhowr xarumood oo ah rugta baxnaaninta loogu talo galay dhallinyarada iyo dadka waaweyn ee qaybaha jidhka siyaabo kala duwen uga curyaanka ah. Halkan waxa ah dhowr tusaale oo ka mid ah dadka qaybo jidhka ka mid ah ka curyaanka ah ee rugaha baxnaanintu ay waxyaabo baan ka karayaan: Koritaanka aan fiicnayn Dhibaatada xagga dhaq-dhaqaaqa jidhka Cudurka autism Nocyada kale ee curyaanimada qaybaha jidh Cudurka aspergers syndrom Dhaawacyada maskaxda ee qofka ka soo gaadha shil ama cudur Dhaawaca xagga maqalka Dgago iyo indha la aanta Sid 5 3 (8)

Haddii aannu nahay qolada ka shaqaysa rugta baxnaaninta (Vi som arbetar på habiliterings-center) Rugta baxnaaninta waxa ka shaqeeya shaqaalaha jimicsiga jidhdhiska, Shaqaalaha khibradda u leh arbetsterapeuter, logopeder, la taliyayaasha iyo dadka aqoonta u leh cilmi nafsiga. Dhowr ka mid ah rugaha baxnaaninta waxa ka shaqeeya xitaa dadka ku takhasusay waxbarashada iyo barbaarinta. Waannu wada shaqaynaa waxaannanu leenahay aqoon ku saabsan sidii aannu kaaga caawin lahayn sidii aad u fiicnaan lahayd isla markaana adiga naf ahaantaadu aad isku dabberi lahayd sida ugu suurtagalsan. Marka aad noo timaaddo waxaynnu si wadajir ah u baadhaynaa oo u ogaanaynaa waxa aad u baahan tahay iyo caawimada aad dooneyso. Dabadeed waxaannu kugu la talinaynaa taageerada iyo dawada ama waxqabadka lagu siin karo, waxaynanu qoraynaa qorshe ku saabsan daaweyntaada, qorshe baxnaanineed. Daaweynta ama wax qabadka iyo taageerada waxaad ka heli kartaa oo lagugu siinayaa rugta baxnaaninta, gurigaaga ama shaqada. Rugaha kala duwen ee baxnaaninta (Olika slags habiliterings-center) Sid 6 Rugta baxnaaninta ee loogu talo galay dhallinyarada iyo dadka waaweyn. Magaalada Istokhoom waxa jira 8 rugaha baxnaaninta oo loogu talo galay dhallinyarada iyo dadka waaweyn ee ka cilladaysan xagga koritaanka iyo dhaq-dhaqaaqa xubnaha jidhka. Rugta baxnaaninta ee magaalada Järva Waxaad naga soo wacaysaa lambarka: 123 35 320 Rugta baxnaaninta ee magaalada Liljeholmen Waxaad naga soo wacaysaa lambarka: 123 35 350 Rugta baxnaaninta ee magaalada Nacka Waxaad naga soo wacaysaa lambarka: 123 35 660 Sid 7 Rugta baxnaaninta ee magaalada Sollentuna Waxaad naga soo wacaysaa lambarka: 123 35 930 Rugta baxnaaninta ee magaalada Istokhoom Waxaad naga soo wacaysaa lambarka: 123 35 200 Rugta baxnaaninta ee magaalada Södertälje Waxaad naga soo wacaysaa lambarka: 123 35 700 Rugta baxnaaninta ee magaalada Tullinge Waxaad naga soo wacaysaa lambarka: 123 35 740 4 (8)

Rugta baxnaaninta ee magaalada Täby Waxaad naga soo wacaysaa lambarka: 123 350 850 Rugta Cudurka Autism ee dadka waaweyn (Autism-center för vuxna) Rugta Cudurka Autism ee loogu talo galay dadka waaweyn, wuxuu taageeraa dadka da doodu ka weyntahay 18 sano ee qaba cudurka autism amase si kale qaybaha jidhka uga curyaanka ah, taas oo la mid ah cudurka autism welibana ka cilladaysan xagga koritaanka. Waxaad naga soow wacaysaa lambarka: 123 35 57 Sid 8 Rugta loogu talo galay dadka maskaxda ka dhaawacmay (Hjärnskade-center) Rugta loogu talo galay dadka maskaxda ka dhaawacmay waxay talo iyo tusaale siisaa dadka da doodu u dhaxayso 16 iyo 65 sano ee sida ba an xagga maskaxda uga dhaawacmay, tusaale ahaan ka dib markii shil ama cudur ku dhacay. Waxaad naga soo wacaysaa lambarka: 123 35 101 Tiimaka Döv-teamet (Döv-teamet) Tiimaka Döv-teamet wuxu talo iyo taageero siiyaa dadka waweyn ee xagga koritaanka ka cilladaysan ee xagga maqalka ka dhaawacan isla markaana adeegsada fara ku hadalka. Waxaad naga soo wacaysaa lambarka: 123 35 180 Telefoonka-la qoro: 123 49 650 Waxa fiican in aad ogaato (Bra att veta) Dhammaan dadka ka shaqaynaya rugta baxnaanintu waxay leeyihiin sir haynta shaqada oo cidna wax uma sheegayaan. Taas micnaheeduna waxa weeyi in aan la noo oggolayn in aannu cid kale uga warranno nooca ay tahay caawimada aad annaga naga helaysaa. Waxaad dareemaysaa amni iyo kalsooni marka aad nala joogtaan. Dhammaan dadka ka shaqaynaya ruga baxnaanintu waxay qoraan warbxin. Warbixintaa waxa ku yaalla qaybaha jidhka ee aad ka curyaanka tahay iyo nooca caawimada ee aad u baahan tahay. Waa laguu oggol yahay in aad akhrisato warbixinta ama macluumaadka adiga kugu saabsan. Sid 9 Lacag maaha in taageero aad ka hesho rugta baxnaaninta. Haddii taageero aad ka dooneyso rugta baxnaaninta, kolkaa codsigaaga waxaad ku soo qoraysaa warqad ama foom gaar ah. Waxa ku caawin kara kalkaaliyahaaga ama annagayaga ka shaqaynna rugta baxnaaninta marka codsigaaga aad soo qorayso. Sid 10 5 (8)

Halkanna waxaad weliba ka heli kartaa talo, Taageero ku saabsan daaweynta ama waxqabadka Rugta jimicsiga jidh-dhiska ee PUFFA (PUFFA tränings-center) PUFFA waa rugta ama xarunta jidh-dhiska ee loogu talo galay dhallinyarada iyo dadka waaweyn ee ka cilladaysan xagga dhaqdhaqaaqa jidhka ee deggan magaalada Istokhoom. Arrimahan ayaad ku samayn kartaa rugta PUFFA Waxaad ku tababaran kartaa heerka aad joogto si aad u sii xoogeysato. Waxaad ku tababbaran kartaa xaaladdaadu sida ay tahay si wax badan aad u sii karto. Waxaad ku tababaran kartaa sidii si fudud uu jidhkaagu ugu dhaqdhaqaaqi lahaa. Waxaad tababaran kartaa keli ahaantaada ama dadka kale ayaad koox ahaan la tababaran kartaa. Waxa kale oo weliba aad ka qayb qaadan kartaa koorasyada waxbarasho ee haddii rugta PUFFA nahay aannu soo qaban qaabinay. Waxaad naga soo waci kartaa lambarka telefoonka ee: 123 35 155 Wada hadalka kooxeed ee rugta UNG (UNG samtalasgrupper) Rugta UNG waxa loogu talo galay dhallinyarada iyo dadka waaweyn ee qaybo jidhka ka midka ah ka cuyaanka ah, da dooduna u dhaxayso 13 iyo 25 sano. Sid 11 Haddii annu nahay qolada halkan ka shaqaysa waxaannu aqoon aad u badan u leenahay jidhka iyo nafta (ruuxda) iyo sida banii aadamku u shaqeeyo galmood ahaan. Wada hadalka kooxeed ee aannu qabanno waxaad kula kulmaysaa dhallinyarada kale. Wada hadalka kooxeed tusaale ahaan waxaannu kaga hadli karnaa sida qofku uu muddekar u noqonayo iyo sida uu qofku iskii iskugu dabberi karayo, xuquuqda aad aad bulshada ku leedahay iyo xilka bulshada kaa saaran, jacaylka, galmoodka iyo saaxiibadda. Amma wada hadalku wuxuu ku saabsan yahay xilli firaaqaha, waxbarashada, hoyga ama wixii kale ee aad u aragtaan in ay muhii tahay. Wax lacag ah lagaama qaadayo in aad annaga kaalmo naga hesho oo kooxdayadana aad ka mid noqoto. Waxaad naga soo wacdaa lambarka telefoonka ee: 123 35 175 6 (8)

Sid 12 Rugta Klara Mera waa rugta laga helo taageero wax ku ool ah (Klara Mera center för kognitivt stöd) Ruta Klara Mera waxay ku shaqaysaa oo yaalla qalabka la adeegsado ee loogu talo galay dhallinyarada iyo dadka waaweyn ee aayarka ama aadka uga cilladaysan xagga koritaanka jidhka. Qalabka yaalla rugta Klara Mera waxa kale oo weliba la yidhaa taageerada wax ku oolka ah. Taas micnaheeduna waxa weeyi in qalabaka la adeegsanayaa uu noqdo caawimo ah in si fiican wax loo xusuusto iyo in aad si dhibyar adigu iskaa iskugu filnaato nolol maalmeedka. Waxaad naga soo wacaysaa lambarka: 123 35 150 Rugta qaabbilaadda ee taageerada xagga cilmi nafsiga (Psykoterapimottagningen) Nolosha ma waxaad u aragtaa in ay adagtahay? Kolkaa waxa laga yaabaa in aad u baahan tahay in aad u warranto qof doonaya in uu dhageysto oo fahmo sida aad u fikirayso iyo sida aad dareemeyso. Kolkaa waxaad imanaysaa rugta qaabbilaadda taageerada xagga cilmi nafsiga Waxaynnu ka hadlaynaa waxa aad u aragto in ay adagyihiin. Wada jir ayeynnu u go aaminaynaa xalka dhibaatoyinkaaga ku haysta. Ugu horrayn waan in aad wacdaa la taliyahaaga ama qofka cilmi nafsiga kaa caawiya ee jooga rugta baxnaaninta. Wada jir ayaad u go aaminaysaan haddii aad tageyso rugta qaabbilaadda xagga cilmi nafsiga. Waxaad naga soo wacdaa lambarka: 123 35 080 Sid 13 Rugta warbixinta curyaamiinta (Handikappupplysningen) Rugta warbixinta curyaamiinta (Handikappupplysningen) Haddii aannu nahay shaqaalaha jooga rugta warbixinta curyaamiinta waxaannu talo iyo taageero siin karnaa dhammaan dadka deggan magaalada Istokhoom ee doonaya in ay ogaadaan warbixin dheeraad ah oo ku saabsan curyaannimada qaybo jidhka ka mid ah. Haddii aannu nahay dadka ka shaqeya halkan waxaannu wax badan ka naqaannaa curyaannimada qaybo jidhka ka mid ah. Waxaannu kaaga warrami karnaa xuquuqda aad leedahay, waxaanannu ka jawaabaynaa su aalahaaga ku saabsan tusaale ahaan xilli firaaqaha. Siyaabo kala duwen ayaad caawimo nooga heli kartaa: Waad na soo waci kartaa. 7 (8)

Waraaq ayaad noo soo qori kartaa. Boosta elektaroonigga ayaad waraq noogu soo qori kartaa. Gurigaaga ayaad ku dalban kartaa waraaqaha ama bugaagta yaryar ee warbixintu ku qoran tahay. Sid 14 Waxaad soo waci kartaa rugta warbixinta curyaamiinta lambarka telefoonka: 123 35 010 Halkan ayaad u soo qori kartaa boosta elektaroonigga: forumfunktionshinder@sll.se Halkan ayaad waraaq u soo qori kartaa: rugta warbixinta curyaamiinta (Handikappupplysningen) Box 17056 104 62 Stockholm 8 (8)