Madax xanuunka (huvudvärk).

Relevanta dokument
Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

Ku soo dhawaadda shaqada

Dulqaaxumo Intolerans

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Caafimaad dareen Ramadaan dhexdeeda. -Xaqiiqooyin iyo talooyin wanaagsan

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Sida loo dhiso jaaliyad

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Somaliska. Barn älskar böcker

-Haddii aad qabto su aalo kale oo dheeraad ah, waydii dhakhtarkaaga ama shaqaalaha farmasiiga

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Transportyrken på sju språk

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary (oo marka magaciisa la soo gaabsho afka qalaad loogu yeero COPD)

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Macluumaad ku socda qoyska cusub

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

Su aalo iyo jawaab ku saabsan sariir ku kaadinta Soomaali somaliska Buugan yar waxa soo saaray Maxadka Iswiidhishka ee isku kaadinta habeenkii

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Wakiilka takooridda DO

Bra mat för barn mellan ett och två år. u dhaxeeyo hal sano iyo labo sano

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Talo iyo warbixinta sameynta qalabka ilkaha la geliyo

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa.

Somaliska. Goorma samaynayaa mammogramka. RG_Mammografi_A5_SV_somal.indd :17:38

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Goorma samaynayaa mammogramka

Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

Hagidda kala soocidda

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Buugeyga caafimaadka ee gaarka

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

Mjölkfritt för ammande mammor, SOMALISKA. Bilaa caano loogu talogalay hooyooyinka wax nuujinya

Manual för vårdföreningar för arrangering av hälsoseminarium. Svensk-Somaliska Läkarföreningen i samarbete med Sveriges kommuner och landsting (SKL)

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

Översatt av Sahro Aden Dulle

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Delaktighet. för integration. att stimulera integrationsprocessen för somalisktalande i Sverige 1999:4

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Ku soo dhowow Laholm

Transkript:

Madax xanuunka (huvudvärk). Sobobo badan oo kale duwen ayuu qofka madaxu u xanuuni karaa. Waxa kale oo weliba jira noocya badan oo madax xanuunka ka mid ah. Inta badan kuwa la yaqaannaa waxa weeyi: Madax xanuunka uu qofka madaxu uu cadaadsamo ee uu cuslaado. Dhanjafa (shaqiiqato). Madax xanuunka uu qofka dhinac iyo isha xiktaa ay xanuunto (Hortons huvudvärk). Madax xanuun ay dawo keentay. Madax xanuun caadi ah. Madax xanuun khatar ah. Madax xanuunka uu qofka madaxu uu cadaadsamo ee uu cuslaado. Madax xanunkan uu qofka dhinac madaxu xanuuno ee loo yaqaan (spänningshuvudvärk) waxa weeyi xanuun caadi ah. Qiyaastii 80-90% dadka ka mid ayuu xanuunkani ku dhacaa. Waxa kale oo uu ku dhacaa dhallinyarada iyo carrurta. Nasiib darro ardayda marka afar meelood loo qaybiyo meel ahaan ayuu maalin walba madaxu xanuunaa, gaar ahaan gabdhaha. Xanuunkani waxa weeyi mid sidii cadaadis oo kale ah wuxuuna ku yimaadda si aayar ah isaga oo dabadeena qofka ku sii xoogaysata, waxaanu u baaba aa si qunyar-qunyar ah. Waxaanad mooddaa sidii xadhig ama maro giijisan oo kale ay qofka madaxa kaga duubantahay ama waxa la moodaa sidii koofiyad culusi ay qofka madaxa dhica ka saaran tahay. Cadaadiskaas waxa laga dareemaa foodda ama wejiga intiisa hore, dhafoorrada ama qoorta. Baro yar-yar oo damqanaya ayuu qofku ku yeeshaa timaha guntooda, dhabannada, muruqyada qoortana waxa laga dareemaa damqasho iyo giigsanaan. Xanuunkaasina wuxu qofka hayn karaa inta u dhaxaysa 30 miridh ilaa toddoba maalmood. Maxaa keena madax xanuunka uu qofka madaxu cadaadsamo ee uu cuslaado ee loo yaqaan (spänningshuvudvärk)? Xanuunkaasi wuxu qofka ku dhacaa marka muruqyada ku wareegsan madaxa, wejiga, dhabannada iyo qoortu ay muddo dheer giigsamaan ama tigtigmaan (spända), iyada oo aanad dareemayn in aad tigtigan tahay! Haddii inta badan uu kugu dhaco madax xanuunkaasi uu madaxu ku cuslaanayo ama ku tigtigmayo waxaad la xidhiidhaa dhakhtarkaaga. Waxyaabaha ama sobobaha keena xanuunkan: kartaa? Kadeed ama dhibaatooyin kala duwen: Nolosha qoyska, xidhiidhada, dareennada xun iwm. Maxaad adigu qaban -Si joogta ah u naso una socsoco.

Si xun oo aad ilkaha iskugu qabato, ama ilkaha oo aad jirriqsato. -Soo qaado shay aad qaniinto. Daal, hurddo xumo. -Qolku hakuu qaboobaado, barkimadana baddel. Xaalladda ama jewiga shaqada oo xun. -Yara sos-soco, 5miridh saacaddiiba. Kombiyuutarka oo in badan aad fadhiday. -isticmaal muraayadda kombiyuutarka. Araggaaga oo xun. -Kantarool arragtida indhahaaga. Iftiin xun. -Ilays fiican wax ku akhriso. Dawo. -Hubi oo baadh isbaddelada dawadu keento. Werwer. -La xidhiidh dhakhtarkaaga. Madax xanuunka waxaa loo arkaa baaq uu jidhku bixiyo, kaas oo sheegaya in aad u yara baahan tahay deggenaasho iyo nasasho. Waxa weeyi in aad hesho oo aad ogaato meesha ay dhibaatadu ka imanayso. Waa tee caawimada jirta ee qofka la siinayaa? Isdabcin sida: Tababar xagga neefsashada ah, orod guclayn ah, jimicsiyada loo yaqaan qigong, taichi, wax u fiirsasho ama wax ka baaraan degid iyo duugis. Cajaladda muusigga ee nashada waxa laga heli karaa farmasiiga iyo ururka dadka madaxanuunka dhanjafka ama shaqiiqatadu uu hayo ee iswidhishka. Dhaqdhaqaaqa joogta ah sida: Ciyaarta dhaanska ama qoob ka ciyaarka, qofka oo yara luglugeeya, jimicsi iwm Habka irbada laysku mudmudo ee loo yaqaan (akupunktur). Ha illoobin (glöm ej). In si aad ah aad ugu fiirsato madaxanuunkaaga. In aad hesho soobota madax xanuunka keenaysa, hubi oo baadh waxyaabaha arrimaaha ugu dhow dhow ee madax xanuunka keenaya. In aad la xidhiidho dhakhtarkaaga. In aad cosato in adiga lagu baro sidii naf ahaantaadu aad isku caawin lahayd, iyo sidii caawimo aad uga heli lahayd meelaha lagu jimicsado. In si joogta ah aad u dhaq-dhaqaaqdo ama aad u soc-socoto ugu yaraan saacad badhkeed maalintiiba. In aad si fiican wax u cunto, cabbitaan kugu filannaa aad u cabto. Cabbitaanka aan midabka lahayn ayaa ka fiican cabbitaanka midabka leh. Dhanjafka ama shaqiiqatada (migrän). Waa maxay dhanjafka ama shaqiiqatadu? Dhanjafku waxa weeyi xanuun dhib leh oo qofka u qabta siyaabo kala duwen. Waddankan Iswidhan waxa jooga 1.4 malyuun oo qof oo u hayo xanuunkaas dhanjafka ama shaqiiqatada loo yaqaan. Dhanjafkaasna waxa loogu yeedhaa ka ugu daran madax xanuunka. Waxaana weeyi weerar madax xanuun oo soo noqo-noqda isla markaana heerarka xanuunkiisa iyo muddeda qofka uu hayaa ay kala duwentahay. Sida caadiga ah wuxuu ku dhacaa dadka ay

da doodu u dhaxayso 20ilaa 40 sannadood, qofku marka uu 50 jir gaadho waxa caadi ah in dhbaatada xanuunku ay yaraato oo ay hoos u dhacdo. 60-80% haweenka ka mid ah waxa ku dhaca dhanjaf ama shaqiiqato xun muddeda ay caadada dhiigga leeyihiin dhexdeeda, Waddankan Iswidhan shantii dumar ahba mid ayaa si joogta ay dhibaato uga haysataa xanuunkaas dhanjafka ah. Haddaba xanuunkan dhanjafku waa xanuun la kala dhaxlo. Madax xuunku wuxu sannadkiiba dowladda kharsh gareeyaa lacag dhan 14 bilyan oo karoon. Lacagtaasna qayb weyn oo ka mid ah waxa lagu bixiyaa xanuunka dhanjafka ama shaqiiqatada. Calaamadaha lagu yaqaan (kännetecken). Sida caadiga dhanjafka waxa lagu yaqaan in madaxa dhinac ku xanuuno, waxaana ka soo horreeya garaacid iyo aragga oo hoos u dhaca, waxaana inta badan weheliya yalaalugo iyo matag. Waxaana qofka xanuuna isha hareereheega, foodda ama dhafoorka. Sida caadiga ah weerarka ugu horreeyaa wuxu qofka ku dhacaa marka uu da da kurayga yahay inkasta oo dadka qaarkoodna uu da da carruurnimada ku haleelo oo uu ku dhaco. Waxa la rumaysan yahay in dadka magacyadoodu hoos ku qoran yihiin ay u dhinteen madax xanuunka dhanjafka ama shaqiiqatada loo yaqaan. Sigmund Freud, Friedrich Nietzsche, Charles Darwin, Frédéric Chopin, Pablo Picasso iyo Julius Caesar. Waxa jira laba nooc oo ah madax xanuunka dhanjafka: 1. Dhanjaf ay calaamado digniin ahi ka soo horreeyaan (Aura). Noocani waa nooc aan caadi ahayn, waana 10-20% madax xanuunada dadka ku dhaca. Dhanjafkan waxa ka soo horreeya caalamado kala duwen sida (hillaac, layman sida zagzaagga ah, bar-bar madhan, dhaqdhaqaaq rorogmanaya oo aan caadi ahayn). Waxyaabaha kale ee dhanjafkan lagu yaqaan waxa ka mid ah hadal aan caddayn, adoo moodaya in jidhka irbado lagugu mudmudayo iyo kabuubyo oo ah (calaamadaha baaralaayska). Waxa kale oo lagu gartaa qofka oo ooma ama harrada iyo hamaahsi. Calaamadahaasi dhanjafka ka soo horreeyaa waxay qofka hayaan qiyaastii muddo 30 miridh ah. Ka dib calaamadahaas digniinta ah qofka waxa ku dhaca madax xanuun xoog ah, Laakiin waxa dhici karta in xanuunkaasi uu marka horeba la socdo calaamadahaas amase uu kaba soo horreeyo. 2. Dhanjafka calaamado digniin ahi aanay ka soo horreyn (utan aura). Madax xanuunka noocan ahi malaha wax calaamad ah oo ka soo horreeya oo lagu garto. Guud ahaan dad badan ayaa waxay dareemaan xanuun ama caafimaad darro, kolkaas oo wax kasaabana ay qofka dhibaan. dadka qaarkiina waxay dareemaan cunto xumo waxaana ka yaraata nafsadda cuntada. Weerarka dhanjafkanina wuxuu hayaa saacad badhkeed ilaa saddex cisho. Waxyaabaha ama sobobaha keena xanuunkan: Waxyaabaha adigu aad qaban karto: 1. Kadeed ama dhib kale oo ah (maskax ahaan iyo mururq ahaanba), inta badan xanuunka dhanjafku wuxuu qofka ku dhacaa aroortii. 2.Hurddo (badan ama yar). 1. -Wakhtiyada ood babadesho ayaa xanuunka yarayn kara. 2. -Isku day in aad u seexato si joogta ah. hurddo dhexdhexaad ah.

3. Xilliyada cuntada oo aan joogta ahayn iyo soonka. 3. -Marna ha gaajoon, inta badanna wax cun. 4. Raashinka ay ku badan tahay maaddeda tyramin (midhaha canabka ee cascas iyo burcadka am farmaajada). 4. -Iska jir raashinka uu ku badan yahay maaddeda tyramin. 5. Qaar ka mid ah maaddooyinka sida khudrradda dhannaan. Sida liinta iyo shokollaaddada iwm. 5. -Iska jir maaddooyinkaas la la soo sheegay. 6. Sonkorta dhiigga oo hoos u dhacda. 6. -Mar mar hubi sonkorta dhiigga. 7. Dheecaannada hoormoonka ee keena xanuunka sida (dhiigga caadada, ugax bururidda ama kiniinka ka hortagga uuraysiga ee p-piller). 8. Jewiga ama xaaladaha kugu wareegsan sida (kulaylka, qabowga, iftiinka, dhawaaqa, urta iyo cadaadiska haweda). 9. Xanuunka (uu madaxu dhinac ku xanuuno). 7. - La xidhiidh dhakhtarkaaga dumarka ama dhakhtarkaaga kale ee caadiga si ay kuula taliyaan. 8. -Arrintaas adigu wax ka qabo haddii aad wax ka tari karto!!!. 9. -Waxa kaa caawin kara tababarka is dabcinta ama nafisinta jidhka. 10. Qofka oo iskadeeda. 10. -Ha is kadeedin marka uu kugu dhaco xanuunka dhanjafku kugu. 11. Xasaasiyadda (allergi) 11. -Iska jir wax yaabaha kala duwen ee xasaasiyadda keena. 12. Isticmaalka badan ee dawooyinka 12. -Dhakhtarkaaga u tag si uu kaaga caawiyo barnaamujka iska ilaalinta sunta. Arrimahan xagga sare aynnu ku soo xusnay marka laga yimaaddo waxa kale oo madax xanuun keeni kara suyuca, caaryada, ranjiyada qaarkood iyo haweda guriga dhexdiisa oo aan fiicnayn!!! Daweynta ama wax ka qabashada (behandling). Maaddaama arrimo badani ay sobob u yihiin madax xanuunka dhanjafka, ma jrto dawo dhammaan xanuunnadaas caawisaa. Sida ugu fiicani waxa weeyi in la baadho oo la ogaado waxa keenaya, dabadeedna waxa laga qabto. Sidaas awgeed ayey muhuum u tahay in

dhakhtarku uu baadhitaan ku sameeyo dhibaatooyinka, dabadeedna uu dadka kula taliyo in dawo ku habboon ay qaataan ammase hab kale oo ku habboon xanuunka wax looga qabto. Habab kala duwen oo madax xanuunka lagu daweeyo (olika behandlingsmetoder). In layska ilaaliyo waxyaabaha keena ee sobob u ah xanuunka. In laga digtoonaado dawooyinka wax u dhima ama yareeya shaqada wadnaha ee loo yaqaan (betablockerare). In la joojiyo madax xanuunka iyada oo la cunayo kiniinada loo yaqan (triptaner iyo ergotaminpreparat). Daaweyn ama wax ka qabasho kale (tusaale ahaan: wadahadal, jimicsiga jidh-dhiska, wax ka qabashada wixii dhib ama kadeed ah). Hababka kale ee jira. Dheecaannada hoormoonka ee xanuunka keena, xanuunka dhanjafka iyo uurka Hoos u dhaca xoogga ah ee ku yimaadda dheecaannadda ku jira dhiigga dumarka ee ka horreeya inta aanu bilaabmin dhiigga caadedu ayaa wuxu wax ka baddelaa xididdada dhiigga ee maskaxda, taas oo sobob u noqota in qofka uu ku dhaco xanuunka dhanjafku. Laakiin haweenka qaarkood ayuu madax xanuunka dhanjafku ku dhacaa muddeda ay leeyihiin dhiigga caadeda iyo marka ay ugaxha haweenaydu qaar ka soo baxaan ugax galeenka (ägglossning). Kiniinka ka hortagga uuraysiga ayaa mararka qaarkood dhanjafka wax ka tari kara. Haddii dhibaato noocan ahi ay ku haysato la xidhiidh dhakhtarkaaga! Madax xanuunka dhanjafka ah ee dumarka ku dhaca marka ay uurka leeyihiini waa dhib mid dhib leh, laakiin dhanjafkaasi ma kordhiyo ama khatar kuma keeno in haweenaydu ay dhiciso ilmaha uurka ku jira oo uu soo daato, ama uu dhinto ama uu soo dhasho isaga oo curyaan ah. Qiyaastii 70% ka mid ah dumarka uurka leh ayuu ka tagaa xanuunka dhanjafku sobobta oo ah heerka dheecaankooda oo sarreeya awgeed, laakiin waxa dhici karta in aanu isbaddelin inta ay uurka leeyihiin. Dumar badan oo uur leh ayaa isticmaala habab kale si ay wax uga qabtaan madax xanuunka dhanjafka ee haya. Tusaale ahaan: Isdabcinta jidhka (avslappning), isticmaalka bacaha barafka, ku nasashada qol madow oo aan iftiin lahayn. Qiyaastii 3-40% ka mid ah dumarka ayuu mar labaad ku dhacaa madax xanuunku muddo toddobaad ah gudeheed ka dib marka ay ummulaan. Miyey dhibaato kaa haysataa madax xanuunka dhanjafka ama shaqiiqatada? Marka madaxu ku xanuuno miyaad isticmaashaa Haa (ja) Maya (nej) Miyaad saadaalin kartaa in madax xanuunku kugu soo socdo?

Madax xanuunka ka hor miyaad aragtaa ilays walac leh, xarriijimo sida zagzaagga ah? Madaxa dhinac uuni miyuu ku xanuunaa? Miyey ku dhibaan iftiinka iyo dhawaaqu? Madaxu miyuu ku garaacaa? Miyaad dareentaa in kadeedka ama dhibta jidhka ku dhacaysaa ay ka sii kordhiso xanuunka......... Miyaad lalabootaa ama yalaalugootaa taas oo mararka qaarkood keenta in aad matagto?. Xanuunku marka uu kugu dhaco ma wuxuu ku hayaa inta u dhaxaysa 3 saacadood ilaa 3 cisho.. Haddii 4 ka mid ah su aalahan aad (Haa) ku jawaabto kolkaas waxa weeyi in ay dhibaato kaa haysato xanuunka dhanjafka, kolkaa waa in dhakhtarkaaga aad la xidhiidhaa!. Madax xanuunka dhinac uuni qofka xanuunno ee yaqaanno (Hortons). Madax xanuunka Hortons waa mid aan caadi ahayn, waxaanu inta badan ku dhacaa ragga, 5jeer ayuu ragga kaga caadisan yahay marka dumarka loo eego. Qiyaastii 8000 oo qof ayuu hayaa waddankan Iswidhan. Xanuunkani wuxu dadka marka ugu horraysa abbaaraa marka ay da doodu tahay 20-40jir, waana mid baqdin leh. Madax xanuunkanina xillilyo gaar ah ayuu si isdaba joog ah u abbaaraa qofka, waxaanu qofka ku dhacaa 1-3jeer maalintii iyo habeenkiiba. Abbaarid kastaana waxay qofka haysaa saacad. 15% ka mid ah dadkaasi wuxuu xanuunku abbaaraa oo uu ku dhacaa maalinimada. Xanuunkuna had iyo jeer wuxu qofka ka hayaa isla dhinac keliya oo isha agteeda ah waxana caadi ah ishaas oo casaato, lilmo soo dareerta, sanka oo xidhma iyo duuf ama siin ka yimaadda dulka sanka ee xiga dhinaca madaxa ee xanuunya, iyo dhidid foodda iyo wejiga ah. Xanuunku waa mid ba an oo xoog ah laakiin mid khatar ah maaha. Haddii uu qofku khamri cabbo inta xanuunku uu hayo, taasi waxay ku keentaa in qofku u nuglaado khamriga, taas oo ku keento in qofka mar labaad uu xanuunku abbaaro. Maanta waxa jira hab fiican oo lagu daweeyo nooca madax xanuunka ee loo yaqaan Hortons huvudvärk. Haddii uu shiki kaaga jiro in xanuunkaasi uu ku hayo waxaad la xidhiidhaa dhakhtarkaaga. Madax xanuunka ay dawo keentay (huvudvärk av läkemedel). Madax xanuunka ay dawo keentay waa mid caadi ah, dadkana 3% ayey arrintaasi ku dhacdaa.haddii inta badan aad cunto dawada xannunka biisa, qiyaastii maalin kasta muddo dhowr bilood ah gudohood, kolkaa taasi waxay keeni kartaa khatar ah in jidhku uu barto oo uu la qabsado dawada.

Kolkaa marka aad joojiso isticmaalidda dawada waxa kugu dhacaya madax xanuun cusub taas oo ah caalmad sheegaysa in dawadii aad iska deysay (abstinenssymtom). Kolkaa waxaad cunaysaa dawadii si aad u uga bogsato isla xanuunkii ay dawadaasi kuu keentay. Isticmaalka badan ee dawooyinka xanuunka biiyaa waxay keentaa madax xanuun dheeraad ah. Calaamadaha ama waxyaabaha lagu yaqaanno madax xanuunka dawadu ay keento (kännetecken på läkemedelshuvudvärk). Waxaad toosaysaa adiga oo madaxu ku yara xanuunayo kaas oo ku haynaysa ilaa inta aad qaadanayso kiniin. Daal. Dawakhaad. Adiga oo aan wax isku taxallujin karin (dålig koncentartion) Dhakhtarkaaga la xidhiidhi haddii calaamadahaan aad isku aragto! Madax xanuun caadi ah (vanlig huvudvärk). Madax xanuunka caadiga ahi wuxu kugu dhacayaa marka hargab ama saf jidhka ku dhaco, ama raashinka aanad si fiican u cunin ee aad sagsaagto ama duriga hortii oo aad khamri cabto. Kiininka aan warqad dhakhtareed u baahnayn ayaa si fiican wax uga tara madax xanuunka noocan ah ee adiga naf ahaantaadu aad ogtahay waxa u sobob ah. Madax xanuunka khatarta ah (farlig huvudvärk). Madax xanuunka intooda badani waa kuwa aan wax khatar ah lahayn. Laakiin waxa dhacda in madax xanuun uu calaamad ama summad u yahay xanuun kale oo ka khatarsan. Nooc ka mid ah dhiig maskaxda ku furta waxa lagu gartaa madax xanuun kedis ah oo aad u ba an. Sobotuna waxa weeyi mid ka mid ah xididda dhiigga ee maskaxda oo furta. Kolkaas xaaladdu waa khatar waana in si degdeg ah loo daweeyaa oo wax looga qabtaa. Noocyadan madax xanuunyada ee xagga hoose ku qoran waxa loo arkaa in ay khatar yihiin. Xanuun ku dhaca xuubka maskaxda iyo calaamadihiisa lagu yaqaan. Madax xanuun xoog ah, oo xagga dambe ee madaxa u badan. Xummad. Qoorta si tirrisan noqota (nackstelhet). Dhiigga oo xididdada maskaxda ku guntama iyo calaamadihiisa lagu yaqaan. Madax xanuun sii ba naada. Qofka oo isbaddel ku dhaco. Suuxid. Dheelli tirka jidhka oo luma. Baaralaays jidhka ku dhaca. Si caafimaadkaagu u wanaagsanaado:

Waxaad samaysataa buug maalmeed aad ku qortaa madax xanuunka. Maxa keenaya xanuunka? Waa noocee madax xanuunku? Maxaad adigu ka qaban kartaa? Dhagayso seenyaalaha jidhkaagu bixinayo, waxaanad ogaataa in jidhkaagu ogyahay waxaad u baahan tahay. Naso marka aad daasho, wax cun marka aad gaajooto. Iska DIID oo iska ilaali xaaladaha dhibta leh, dareennada ah in qofku qalad galay iwm. Iska daa waxyaabaha aan shaqaynayn sida (maskaxaha gaboobay, shaqada dhibta miidhan ah, xidhiidhada xun iwm). Hawlaha firfircoonida ah ee caafimaad kuu keenaya wakhti sii sida (dadka wanaasan, jidhkaaga oo dareema caafimaad fiican iyo fursado). Tababaro oo jilci qoorta, muruqyada wejiga, adoo maalin kasta dhaq-dhaqaaq kala duwen samaynaya. Oggolow oo ku qanac sida aad tahay, isku kalsoonow, maanta sida aad tahay iskuna jeclaw oo raalli ku noqo, xaqiiqda dhabta ahi waa immika, taasi ayaanay immika ku dhaafin!!! Xagga fiican uun ka eeg wax kasta si jidhku u fiicnaado. Aaminsanow in sida aad tahay inaad ka sii fiicnaan karto. Wax qaado oo korodhso waxna samee si arrintaas aad u gaadho!!! Caawimo iyo talo dheeraad ah waxaad ka heli karaysaa ururka dadka madax xanuunka dhanjafku uu hayo ee Iswidhan, (SMIF) sida: Iyaga oo u shaqeeya dadka uu hayo dhammaan noocyada kala duwen ee xanuunka dhan jafku. Iyaga oo haya waxbarashooyinka iyo hawlaha kale ee la xidhiidha wixii macluumaad ah ee ku saabsan madax xanuunka dhanjafka, asalkiisu halka uu ka yimid iyo waxa lagu daweyn karo. Iyaga oo faafiya warbixinaha iyo fahanka ku saabsan dadyowga uu hayo dhanjafka iyo madax xanuunnada kaleba. Iyaga oo ku taageera dadka xanuunkaasi waxyeelleeyey daryeel caafimaad, baxnaanin iyo badbaadin xagga arrimaha bulshada. Iyaga oo wada ama soo diyaariya hawlo lagaga hortagayo ee lagu yaraynayo gooni u soocma ay dadka kale ka go doon noqonayaan dadka xanuunkaasi waxyeelleeyey. Iyaga oo talo iyo warbixinbba siiya qaraabada dadkaasi xanuunku waxyeelleeyey. Iyaga oo matala ama ka wakiil ah danaha dadkaasi marka ay la kulmayaan hey adaha iyo ururradaba. Ururka dadka madax xanuunka dhanjafku uu hayo ee Iswidhan, (SMIF) wuxu maanta waddanka oo dhan ku leeyey 20 urur oo ah ururro gobol ama ururro hoosaadyo, kuwaas oo haya hawlo kala duwen. Kharashaka uu qofku xubin kaga noqon karaana waxa weeyi 175kr koontada postgirot:kuna waxa weeyi 521467-9. Qofka xubin ka ah waxa loo soo dirayaa jariidadda la yidhaa (MigränBladet) sannadkiiba afar jeer, waxaana lagu marti qaadayaa muxaadiro iyo dadka oo koox-koox wax u barta.ma doonaysaa warbixin dheeraad ah? Waxaad u soo dirtaa qoraal, ama soo wac ama u soo dir boosta elektaroonigga ah ururkaas SMIF amase urur hoosaadkaaga.

Ururka dadka madax xanuunka dhanjafku uu hayo ee Iswidhan (SMIF). SvenskaMigränförbundet (SMIF) Banergatan 55, 115 53 Stockholm Tel: 08-660 55 35 Fax: 08-66 01 77 E-post: kansliet@migran.org Xuquuda daabacaadda ee sannadka 2002. Fikradda iyo soo saaridda waxa leh Shahla Mahdavi, hoggaamiyaha mashruuca SMIF.