Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Relevanta dokument
Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Transportyrken på sju språk

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Ku soo-dhawaada degmada Umeåregionen. warbixin loogu talogalay magangelyodoonka. Bjurholm Nordmaling Robertsfors Vindeln Vännäs Umeå

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Ku soo dhawaadda shaqada

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Dulqaaxumo Intolerans

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa.

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Ku soo dhowow Laholm

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Somaliska. Barn älskar böcker

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Somaliska. Goorma samaynayaa mammogramka. RG_Mammografi_A5_SV_somal.indd :17:38

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Sida loo dhiso jaaliyad

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Funderar du på att bo i Kramfors kommun?

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

Goorma samaynayaa mammogramka

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

Ku saabsan Iswiidhan. Barashada bulshada oo Soomaali ah

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Wakiilka takooridda DO

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

FARBARASHADA AF-SOOMAALIGA

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Välkommen till Tingsryds kommun! Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Tabobarka farsamada dayactirka baabuurta

KAN SJÄLV! EN UPPLEVELSE AV NATUR FÖR DE ALLRA minsta. Kultur för barn i åldern 0 2 år.

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Madax xanuunka (huvudvärk).

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

Delaktighet. för integration. att stimulera integrationsprocessen för somalisktalande i Sverige 1999:4

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Akitiifiteetyada ka dhacaya Skäggetorp

Fasaxa xilliga xagaaga & deegaanka xagaaga 2018

Waxanu ku hadalnaa luqado badan

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Uppgifter B Textpaket Litteracitet

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary (oo marka magaciisa la soo gaabsho afka qalaad loogu yeero COPD)

Hagidda kala soocidda

Transkript:

Somaliska Funderar du på att bo i Kramfors kommun? Somaliska Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto? Kaddib markii ruqsadda degenaanshada dalka Iswiidan lagu siiyo, waxaa muhim ah inaad hoy iyo shaqo ka hesho degmo adiga iyo qoyskaaga aad ka heli doontaan. Haddii aad Xarunta Shaqada ka diiwan gashan tahay, oona ka tirsan tahay Qorsheha sal-dhigida [etableringsuppdraget] waxaad caawinaad hoy helida ka heli kartaa Xarunta Shaqada, taasoo aad ka heli karto fursada shaqo helida oo heer sare ah. Laakinse, iskaaga ayaa guri u raadsan kartaa. Warbixin dheeraad waxaad kala xiriiri kartaa shabakadda internetka Xarunta Shaqada arbetsformedlingen.se/otherlanguages. Waxaad goobtaas ka heleysaa warbixinno ku qoran luqado tiradooda gaarayso labatameeyo. Waxaad kaloo khadka taleefanka kula xiriiri kartaa gacanhaayeha arrimaha shaqada, kaasoo la helo isniin-jimce saacadaha 10 ilaa 16. Wac 0771-86 01 01 haddii aad af-carabi ku hadasho, 0771-86 01 03 haddii aad af-soomaali ku hadasho ama 0771-86 01 04 haddii aad af-tigrigna ku hadasho. Goorta aad Xarunta Shaqada ama Dowladda hoose la xiriirayso waxaad xaq ku leedahay in qof turjubaan ah lagugu yeero.

Fursadaha adeegyada ee waqooyiga dalka Iswiidan laga helo Dowladda hoose waxay mas uul ka tahay adeegga bulshda laga helo degmada aad degan tahay. Dalka Iswiidan wuxuu lee yahay 290 degmo, kuwaasoo qaar waawayn qaar kalena ay yaryar yihiin. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay adeeg, iyadoo fiirogaar aan la siin nooca degmada u degan yahay ama halka ay ku taallo. Sidaasoo kale, waxaa mar kasta iyo degmo kasta ba laga hela fursad waxbarasho iyo daryeel-caafimaadeed. Waxaan berri hore ku noola magaallo ku taallo konfurta dalka Iswiidan, laakinse imminka waxaan ku noolahay degmada Kramfors. Arrin kasta mudo gaaban ayaa halkaan ku dhamaysan kartaa. Laba maalmood oo keliya ayay qaadatay oo lay saxiixay heshiiska shaqo ku qorida markii aan shaqada imminka ka shaqeeyo helay. Minas, 28 jir, ka timid dalka Syria, degan degmada Kramfors Hab fudud oo aan dhib lahayn ayaa carruurta xannaanadda loo geyn karaa loogana soo kaxayn karaa. Maadaama wax kasta agagaarkaaga u ku yaallo wax kadeedis degmada Kramfors ma jiro. Sida aan ku guto hawlo maalmeedkayga awgood uma baahni in aan baabuur, baas ama tareen adeegsado. Eden, hooyo keligeed ka timid dalka Eritrea, qiyaastii laba sannadood degmada Kramfors ku noolayd Muddo dheer kaddib waxaan la midoobay qoyskayga, waxaa nala siiyay guri wayn oo nagu filan, kaasoo baahidayda ku filan. Mohammed, 35 jir ka yimi dalka Soomaaliya, leh saddex carruur, guddoomiyeha urur Soomaaliyeed ka hawlgala degmada Kramfors Qofka ku nool degmo yar sida degmada Kramfors hab fudud ayuu bulshada u dhexgeli karaa. Waxaan leeyahay saaxibo iswiidish ah kuwaasoo aan kubadda cagta la ciyaaro hal mar toddobaadkii. Shan bilood ayaa barashada luqada iswiidishka ee soo-gaaleetiga loogu talagalay (sfi) ku dhameeyay. Osman, ka yimi dalka Eritrea Ku saabsan degmada Kramfors Degmada Kramfors waxay leedahay muqaalka degmada yar iyo bilicda miyiga. Sidaas awgeed, waxaad ka dooran kartaa inaad magaalada ama miyiga ka degto. Degmada waxay xeebta kaga taala goob heer sare ah, waxaana aageeda ku yaallo kayn, buuro iyo haro fara badan. Dhaxaltooyada adduunka Höga Kusten waxaa sannadka kasta adduun-waynaha ugu yimaada kumanyaal qof. Degmada Kramfors waxyaallo badan oo xiiso leh ayay leedahay. Degmada Kramfors waxay leedahay 16 xaafadood. Guryaha degmada Kramfors Guryo kala nooc ah ayaa degmada Kramfors laga kireysan karaa kuwa dabakhada ah ka kooban hal qol iyo jiko iyo kuwa waawayn ka kooban lex qol iyo jiko. Shirkadaha guryaha laga kireysto qaar gaar ahaan ayaa loo leeyahay, qaar kalena Dowladda hoose ayaa iska leh. Baahida wayn ee shaqaalaha loo leeyahay Degmada Kramfors waxaa ka hawlgala shirkado ganacsigooda kala duwan, laakinse kuwa alwaaxyada (farsamaynta geedaha iyo xaanshiyadaha) ayaa ah ganacsiga degmada Kramfors ugu wayn. Waayahaan dambe waxaa degmada ka hawlgala shirkadaha adeegyada oo tiro badan, tusaale kuwa ka tirsan laamaha taleefanada iyo is-gaarsiinta ku salaysan farsamada kombiyuutarada, waxaa kuwaasi kamid ah shirkad caalami ah oo xarunta adeegga macaamiisha degmada ku leh. Xitaa kuwa dalxiiska door wayn ayay ganacsiga degmada ka ciyaaraan. Waxaa degmada laga hela fursada horumarka oo wayn. Laamaha ganacsiga goob kasta ayay ka hawlgalaan. Degmada dhexe ka sokkoow waxay degmada leedahay 16 xaafado, taasoo mid kasta leh dhaqdhaqaaq ganacsi.

Degmada Kramfors iyo degmooyinka agagaarkeeda ku yaalaan waxaa looga baahnaan doonaa baahi wayn u loo qabo shaqaalaha daryeel-caafimaadeedka iyo xannaanadda. Sannooyinka soo socda waxaa degmada Kramfors iyo degmooyinka agagaarkeeda ku yaalaan baahi wayn loo qabi doonaa shaqaalaha daryeel-caafimaadeedka iyo xannaanadda, takhtarro, kalkaalisada caafimaadka, cunto kariyeyaal, macalimiin iyo injineeryaal. Xitaa laamaha iibiyeyaasha, warshadaha iyo makhaayadaha waxaa laga heli doonaa fursada shaqo helida. Xarunta Shaqada waxay ku siin kartaa fursadda waxbarashada xirfada iyo tababar ku salaysan shaqo helid lagu qabto goob aan degmada Kramfors ka fogeyn oo tareen sii socod iyo soo socod lagu tegi karo. Wuxuu noqon karaa tusaale waxbarashada daryeel-caafimaadeedka iyo xannaanadda, maamulka, beeraha iwm, alxame iyo biryaqaane, iibiye iyo adeegyada macaamiisha iyo shaqaalaha makhaayadaha. Xarunta Shaqada waxay ka caawini kartaa sidii aad goob shaqo tababar ugu heli lahayd. Taasoo ku suurtagelin doonto helida khibradda qaaliga ah ee suuqa shaqada dalka Iswiidan iyo fursad aad luqada iswiidishka ku layliso. Warbixin dheeraad waxaad ka heleysaa shabakadda internetka arbetsformedlingen.se.

Waxbarashada dadka waawayn iyo waxbarashada heer jamacadeedka Waxbarashada dadka waawayn ee Dowladda hoose waxay ku suurtagelinaysaa shaqo helid ama yeelanshada xirfad cusub. Waxaad halkaan ka heleysaa fursad aad ku dhamaystirato waxbarashada dugsiyada biloowga/ hoose/dhexe ama dugsiga sare, ama ku dhigato dugsiga xirfada oo heer jamaceed ah ama waxbarashada heer jamacadeed ah. Adigoo gurigaaga ku sugan ayaa wakhti buuxa ama nus wakhti wax baran kartaa. Ama waxaad isku wadi kartaa waxbarashada iyo shaqada. Barashada luqada iswiidishka ee soo-gaaleetiga loogu talagalay (sfi) Haddii aad degmada Kramfors ka diiwan gashan tahay, oona afkaaga hooyo usan ahayn af-iswiidish waxaad ka qayb geli kartaa barashada luqada iswiidishka ee soo-gaaleetiga loogu talagalay (sfi). Waxaad ka heli doontaa aqoonta luqada iswiidishka saldhig u ah. Taagta waxbarashada waa hadba kartidaada. Sfi waxaa laga dhigtaa degmada Kramfors. Jihaynta bulshada Jihaynta bulshada waa koorso ku saabsan bulshada dalka Iswiidan, taasoo loogu talagalay qofka adigoo kale ah oo dalka Iswiidan ku cusub. Waxaa lagu siin doonaa aqoon ku saabsan xuquuqda, waajibaadka, dimuqratiyada dalka Iswiidan iyo hab-dhiska bulshada dalka. Waa koorso ku siin doonto warbixin muhim ah, taasoo gogoldhig wanaagsan ku noqon doonto. Is-gaarsiinta iyo gaadidka tareenada Is-gaarsiinta ugu wayn, wadada tareenada Botniabanan, wadada Yurub 4 iyo wadada qaranka 90, waxay dhammaantood dhexmaraan degmada Kramfors. Taasoo suurtagelinayso u dhowaashada jaamacadda magaalada Umeå ee waqooyi iyo jaamacadda Mittuniversitetet ku taallo magaalada Sundsvall koonfur. Labada magaallo waxaa lagu tegi karaa tareen oo qiyaastii 1,5 saac u sooconaayo, 12 goor maalintii ayuu labada jihad u socda. Saddex iyaga kamid ah waxay toos kugu xirayaan magaalada Stockholm. Degmada Nyland waxaa ku yaallo garoonka dayuuradaha Höga kusten Airport, laba jeer ayay dayuuradaha u dulaan magaalooyinka Stockholm iyo Gällivare. Teeda kale, garoonka wuxuu leeyahay isteeshan tareen u gaar ah. Wadada lambarkeeda ah 90 waxay leedahay traafikada baasaska aad u culus, taasoo ku suurta gelin doonto inaad hab fudud ku gaarto goobta shaqada ama dugsiyada ku yaalaan magaalooyinka waawayn sida Sollefteå iyo Härnösand. Baaska wuxuu Kramfors iyo Sollefteå u socda qiyaastii 45 daqiiqo. Kramfors iyo Härnösand wuxuu qiyaastii u socda 45 daqiiqo tareenka wuxuu u socda wax aan dhamayn 20 daqiiqo. Xannaanadda carruurta iyo dugsiyada Dowladda hoose ayaa mas uul ka ah in carruurta da dooda u dhaxayso 1 ilaa 6 sano, ay helaan dugsiga xannaanadda. Carruurta waxay maalinimada ku sugan yihiin xannaanadda, taasoo qofka waalidka ah u suurta gelinayso in uu waxbarto ama shaqaysto. Degmada Kramfors waxaa ku yaallo dhowr dugsiga xannaanadda kala duwan. Teeda kale, waxaa degmada ku yaallo dhowr dugsiyada biloowga/hoose/dhexe loogu talagalay carruurta dhigata fasalada 1-9. Teeda kale, waxaa ku yaallo saddex dugsi sare. Dhaqdhaqaaqyada adeegyada, dhaqamada iyo wakhtilummiska Degmada Kramfors ee dhexe waxaa ku yaallo dhowr dukaaman iyo goobo ganacsi. Xitaa degmooyinka Ullånger, Nyland iyo Bollstabruk waxay leeyihiin adeegyo aan dadka ka fogeyn oo heer sare ah. Xaafadaha yaryar badidooda waxaa ku yaallo dukaamada raashinka iyo makhayado. Degmada Kramfors waxaa ku yaallo dhowr dukaan oo lagu iibiyo waxyaalaha duugga ah. Degmooyinka Kramfors, Nyland iyo Höga Kusten waxaa ku yaal goobo daryeel-caafimaadeed. Isbitaalka baabuur ama tareen ayaa loo raaca wuxuuna qaadanayaa 35-40 daqiiqo. Degmada Kramfors waxaa ka hawlgala ururro tiradooda gaarayso 300, kuwaaso aad xubin ka noqon karto. Ururrada isboortiga way tiro badan yihiin, kuwa dabaasha ilaa kuwa culays qaadka. 16 urur oo wakhtilummiska kalluumaysto iyo 8 uruurra jimicsiga ayaa degmooyinka ka hawlgala. 11 oo ah ururrada dhaqamada iyo 7 urur siyaasadeed ayaa degmooyinka dhaqdhaqaaq ku leh. Teeda kale, waxaa jiro tiro kooxo oo wadajir u heesa. Degmada Kramfors waxaa ku yaalo urur-dhaqmeedka HBTQ o ah urur nooca jinsiga u qofka ka tirsan yahay ku salaysan iyo magaalada Sundsvall waxaa ku yaal urur qarmeed firfircoon (RFSL) kaasoo ah ururka danwadaageyaasha isku-jinsiga ka hela, kuwa isku-jinsiga iyo kala jinsiga ba ka hela iyo xuquuqda dadyoowga jinsigooda ka weecan

Miyiga ku yaallo Waqooyiga dalka Iswiidan waxaa looga baahan yahay shaqaale. Teeda kale, waxaa halkaas laga helaa fursada sii wadashada waxbarashada Kiniisadaha iyo urur-diimeedyada Kiniisada dalka Iswiidan waxay ka hawlgasha dhowr tuulo. Agagaarkooda waxaa ku yaallo kiniisadaha madxbannaan sida EFS, Pingstkyrkan, Baptistförsamlingen, Missionsförsamlingen iyo Jehovas Vittnen. Magaalada Sundsvall waxaa ku yaal hal masjid iyo magaalada Härnösand waxaa ka hawlgala hal urur islaami ah. Warbixinta xiriirka Xarunta Shaqada degmada Kramfors Malin Nordin, gacanhaayeha arrimaha shaqada, tal: 010-487 52 28 e-mail: malin.nordin@arbetsformedlingen.se Anna-Britta Antonsson madaxa Xarunta Shaqada, tal: 010-487 50 13 e-mail: annabritta.antonsson@arbetsformedlingen.se Adeegga macaamiisha ee Dowladda hoose Adeegga macaamiisha, tal: 0612-800 00, e-mail: komin@kramfors.se Adreeska booqashada: Torggatan2, degmada Kramfors www.degmada Kramfors.se www.facebook.com/degmada Kramforskommun Arrimaha is-dhexgalka ku saabsan Lena Björn, isku-duweha arrimaha qaxootida, tal: 0612-808 03, e-mail: lena.bjorn@kramfors.se Maria Thunberg, isku-duweha arrimaha magangelyo-dooneha, tal: 0612-802 98, e-mail: maria.thunberg@kramfors.se Carita Niskanen, madaxa mashruuca Horumarinta sal-dhigida, tal: 0612-800 00, e-mail: carita.niskanen@kramfors.se Hogaamiyeha waxbarashada iyo xirfadaha Monika Sjödin, tal: 0612-804 66, e-mail: monika.sjodin@kramfors.se Adreeska booqashada: Ådalsskolan, Limstagatan 22 Birgitha Persson, tal: 0612-805 54, e-mail: birgitha.persson@kramfors.se Adreeska booqashada: Studiecentrum, Företagsvägen 2 Warbixin dheeraad, taasoo loogu talagalay qofka adiga oo kale oo dalka ku cusub waxaad kala xiriiri kartaa www.informationsverige.se

Masawir: Johnér Bildbyrå, Linda Broström, Scandinav Masawir: Lars Göran Abrahamsson