Tabobarka farsamada dayactirka baabuurta

Relevanta dokument
Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Ku soo dhawaadda shaqada

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Sida loo dhiso jaaliyad

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Transportyrken på sju språk

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Dulqaaxumo Intolerans

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Somaliska. Barn älskar böcker

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

Wakiilka takooridda DO

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

SOMALISK a AF-SOOMAALI

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

Barnaamujka carruurta- iyo xilliga firaaqada

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Ku soo dhowow Laholm

Madax xanuunka (huvudvärk).

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Waxanu ku hadalnaa luqado badan

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Talo iyo warbixinta sameynta qalabka ilkaha la geliyo

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Hagidda kala soocidda

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa.

Macluumaad ku socda qoyska cusub

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary (oo marka magaciisa la soo gaabsho afka qalaad loogu yeero COPD)

Warbixinta ka qaybqaatayaasha

Fasaxa xilliga xagaaga & deegaanka xagaaga 2018

Caafimaad dareen Ramadaan dhexdeeda. -Xaqiiqooyin iyo talooyin wanaagsan

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

Ku soo-dhawaada degmada Umeåregionen. warbixin loogu talogalay magangelyodoonka. Bjurholm Nordmaling Robertsfors Vindeln Vännäs Umeå

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

Välkommen till Tingsryds kommun! Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet

Översatt av Sahro Aden Dulle

Transkript:

SOMALISKA BILSKADEREPARATÖR Tabobarka farsamada dayactirka baabuurta Tabobarka farsamada dayactirka baabuurta Lernia wuxuu ku siinayaa fursad wayn ood shaqo ku hesho. Waxaan si dhaw ula shaqaynaa talobixina na warsada shirkadaha baabuurta. Tabobarku wuxuu buuxiyaa shuruudaha suuqaas. Maxaan ka faa idi koorsada? Farsamo yaqaan dayactirka baabuurta ah ahaan, waxaad la shaqayn doontaa tiknoolajiga baabuurta iyo alaabta, hababka shaqada, qalabka iyo kaalmooyinka kale ee dayactirka gaadiid waxyeelo gaadhay. Waxaad baran doontaa sida looga xogururiyo, baadho loona dayactiro gaadiid waxyeelo soo gaadhay adoo isticmaalaya tiknoolajiga iyo qalabka lagama maarmaanka ah. farsamo yaqaan dayactirka ah ahaan, waxaan ka shaqayn doontaa gaadiidka wax ku noqday jugta ama daxalka. Shaqadu waxay ku lug leedahay xogururinta, toosinta, alxanka, dib u soo celinta iyo beddelista gaadhigu ka kooban yahay. Siminaarada badankoodu waxay bixiyaan bey ad shaqo oo fiican shaqadana waxa fudayd ka dhiga isticmaalka qalabka farsameed ee casriga ah. Ayuu tabobarku ku habboon yahay waana maxay aqoonta ka horraysa ee la rabaa? Tabobarku waa kugu fiican yahay haddaad ku fiican tahay farsamada gacanta dabci ahaan xiisaysana ka shaqaynta suuqa baabuurta. Waa inaad jeclaataa ingiinada awooda badan, tiknoolajiyada iyo elektaroonikiska. Waa inaad jeclaataa xallinta dhibaatada waana inaad noqotaa qof maskax ahaan shaqo badan. Waa inaad leedahay qaybta B ee liisanka baabuur wadista buuxisaana shuruudaha caafimaad ee lagu xidhay, kuwaasoo aan ku hubin karno baadhis caafimaad. Tabobarku wuxuu qaataa ugu dhawaan 45 toddobaad. Tilmaamaha waxa kujira layliyo toos ah, is-baris, shago mashruuc iyo shaqo kooxeed. Waxaad sidoo kale ku shaqayni shaqo baradnimo, taasoo fursad fiican kuu ah inaad u muujiso xirfadahaaga loo-shaqeeyaha mustaqbalka. Kiisas badan, shaqo baradnimadu waxay horseedaa shaqo kadib marka tabobarku dhammaado. Tusaalaya tusmada: Nashqadda jidhka iyo gudaha Toosinta nidaamka kuraasta Aqoonta toosinta hordhac Baadhista waxyeelada iyo soosaarista flow farsamooyinka isku tolista iyo isku xidhka

SOMALISKA LACKERARE Tabobarka ranjiilaha baabuurka Tabobarka ranjiilaha baabuurku wuxuu ku siinayaa fursad wayn ood shaqo ku hesho. Waxa jira baahi wayn ee ranjiilayaasha baabuurta dalabkuna waa sii kordhayaa. Waxaanu wada shaqayn dhaw la leenahay talobixina siina shirkadaha baabuurta. Tabobarku wuxuu buuxiyey shuruudaha suuqaas. Waay-aragnimo fikradeed iyo mid toos ah ayaa la isku ladhay qaar badana shaqo ayey helaan marka tabobarku dhammaado. Ranjiile baabuurta ah ahaan, waxaad adeegsan doontaa gufays, budo iyo ranji qaybaha qalfoofka la dayactiray. Ranjiilayaasha warshaduhu waxay isticmaalayaan farsamooyin kale waxayna inta badan ka shaqeeyaan warshadda. Ranjiile baabuur ahaan, waxaad ku takhasusi kartaa dayactirka iyo ranjiyeynta qaybaha caaga ah. Waxaad ka shaqayn karta xarumo ranji oo gaar ah. Macaamiishu geerashyo qalfoofka baabuurka, shirkado caymis ama dadka gaar ah. Tabobarkani ayuu ku habboon yahay? Tabobarku aduu kugu habboon yahay haddaad ku fiican tahay farsamada gacanta dabci ahaan xiisaysana ranjiyeynta gaadiidka. Waa inaad jeclaataa inaad xalliso dhibaatooyinka waana inaad ahaataa qof maskax ahaan shaqo badan. Waa maxay aqoonta ka horraysa ee la rabaa? Waa inaad haysataa liisanka baabuur wadista qaybta B buuxisaana shuruudaha caafimaad ee ka yaal, kaasoo aanu ku hubin doono baadhis caafimaad. Ranjiile baabuur ahaan, waa kuu fiican tahay haddaad xiisayso dareentadana midabka iyo qaabka. Sharraxaada tabobarka Muddada koorsada, waxaad heli doonta aqoon kusaabsan ranjiyeynta ee oogooyinka kala duwan iyo noocyada baabuurta. Waxaad dabbikhi doontaa qaadista qalabka ranjiyeynta waxaanad baran doontaa sifooyinka iyo shaqada ashyaada kala duwan. Waxaad baran doontaa inaad qabato tallaabooyinka kala duwan ee abuurista dahaadhka ranjiga. Tabobarku wuxuu qaadanayaa ugu dhawaan 40 toddobaad. Tabobarka waxa sidoo kale ku jira shaqo barad, taasoo ku ah fursad fiican inaad u muujiso xirfadahaaga loo-shaqeeyahaaga. Kiisas badan, shaqo baradnimadu waxay horseeda shaqo kadib markuu tabobarku dhammaado.

SOMALISKA lastbils-, buss- eller maskinmekaniker Tabobarka makaaninimo ee gawaadhida waawayn, buska ama mishiinada Tabobarkayaga makaanimimo ee gawaadhida waawayn, baska ama mishiinku wuxuu ku siinayaa fursad fiican ood shaqo ku heli karto. Lernia waxay si dhaw ula shaqaysaa talobixinna siisaa shirkadaha baabuurta. Tabobarku wuxuu buuxiyey shuruudaha suuqa baabuurta. Waay-aragnimo fikradeed iyo mid toos ah ayaa la isku ladhay qaar badana shaqo ayey helaan marka tabobarku dhammaado. Dabayaraan makaaniyada gawaadhida waawayn, baska iyo mishiinada ayaa la filayaa sannadada innagu soo fooda leh dad tiro yar ayaana soo galaya qaybtan. Makaani gaadiid ahaan, waxaad dooran kartaa takhasusaad adiga kugu habboon. Waxaad u shaqayn kartaa makaani gawaadhida waawayn, baska ama mishiinada. Makaaniyada gawaadhida waawayn, baska iyo mishiinadu waxay kaga shaqeeyaan gaadiidka culculus, ee inta badan geerashka taageerada kombiyuutar iyo qalabka waxyaalaha culculus lagu qaado. Waxaad baran doontaa inaad baadho, dhibta xalliso, adeegto ood dayactirto gawaadhida waawayn iyo mishiinada dhaqdhaqaaqa. Makaani ahaan waxaad sidoo kale la shaqayn kartaa adeegga goobta una socdaali kartaa gaadiid macmiil ama mishiin ku jabay jidka dhiniciisa ama goobta shaqada, kaasoo ay haddana dhici karto inuu ku lug yeesho la shaqaynta raraha alaabta culus, mishiinada kaynta ama mishiinada beereed. Tabobarkani ayuu ku habboon yahay waana maxay aqoonta ka horraysa ee la rabaa? Tabobarku aduu kugu habboon yahay haddaad ku fiican tahay farsamada gacanta dabci ahaan xiisaynsana ka shaqaynta geerashyada gaadiidka dhexdooda ama dibadooda. Waa inaad jeclaataa inaad xalliso dhibaatooyinka waana inaad ahaataa qof maskax ahaan shaqo badan. Waa inaad leedahay qaybta B ee liisanka baabuur wadista buuxisaana shuruudaha caafimaad ee lagu xidhay, kuwaasoo aan ku hubin doono baadhis caafimaad. Tabobarku wuxuu qaataa ugu dhawaan 45 toddobaad. Tilmaamaha waxa kujira layliyo toos ah, is-baris, shago mashruuc iyo shaqo kooxeed. Tabobarka waxa sidoo kale kujira shaqo baradnimo, taasoo fursad fiican kuu ah inaad u muujiso xirfadahaaga loo-shaqeeyaha mustaqbalka. Kiisas badan, shaqo baradnimadu waxay horseedaa shaqo kadib marka tabobarku dhammaado.

SOMALISKA LOKALVÅRDARE Tabobarka nadiifiye xirfadle ah Nadiifiyaha xirfadlaha ah ee Lernia wuxuu ku siinayaa fursad wayn ood shaqo ku hesho. Waxa jira tartan aad u badan suuqa nadiifinta. Tabobarka nadiifiyaha xirfadlaha ah wuxuu haddaba ku siin doona fursad fiican ood shaqo ku hesho. Maxaan ka faa idi koorsada? Koorsadani waxay ku siinaysaa xirfadaha looga baahan yahay inay ku siiyaan adeegyo nadiifin oo qaab xirfadlenimo ah. Nadiifye xirfadle ah ahaan, waxaad ka shaqayn doontaa hawlaha kala duwan oo ku xidhan nooca goobta shaqada, sida dugsiga, cusbitaalka, huteelka ama warshadda. Ayuu tabobarku ku habboon yahay waana maxay aqoonta ka horraysa ee la rabaa? Tabobarku aduu kugu habboon yahay haddaad xiisaynayso bixinta adeegada nadiifineed. Nadiifiyaha xirfadlaha ah waa tusaale adeeg xirfadeed. Waa kala duwan tahay waxayna ku siinaysaa fursadda aad kula kulmi kalmayso dadka. Nadiifiye xirfadle ah ahaan, waxaad ku takhasusi kartaa nooc gaar ah oo nadiifin ah, sida nadiifinta daaqadda, nadiifinta warshadeed, nadiifinta dhismaha kadib ama nadiifinta xafiiska. Kooroskani wuxuu ka kooban yahay qaybo waxaana lagu beegi karaa baahiyahaaga, kiisaska qaarna, baahiyaha shirkadda. Si aad hore ugu mariso fursadahaaga shaqo helista, waxaad sidoo kale gali kartaa imtixaanka si aad uga kasbato shahaado SRY (Servicebranchens Yrkesnämnd) ama PRYL (Projekt Yrkesbevis Lokalvårdare). Waxaa sidoo kale lagu siin fursadda aad ku qaadan karto tabobar goobta shaqada, kuwaasoo inta badan lagu sameeyo shirkado baahiyo shaqaalaysiin haysato.

SOMALISKA OMVÅRDNAD Tabobarka caafimaad Awood saarista daryeelka caafimaad, waalidka, daryeelka dadka da da ah ama dadka naafada ah. Tabobarkayaga caafimaad wuxuu ku siinayaa fursado badan ood shaqo kala heli karto daryeelka caafimaad, waalida, daryeelka dadka da da ah ama daryeelidda dadka naafada ah. Lernia waxay ku siinaysaa tabobar iyadooy jirto asluub iyo anshax siinaya ahmiyad shaqo raadintaada! Tabobarka tooska ah ayaa sida caadiga kujira qaar badana shaqo way helaan isla marka ay dhammaystaan tabobarka. Iswidhan waxa dhib ka haysataa dabayaraan xirfadlayaal caafimaad oo tabobaran baahidanna waa sii kordhaysaa markasta. Koorsadayda caafimaadku waa jid la hubo ood shaqo ku heli karto waanad codsan kartaa shaqooyinka isla markaad dhammaysato tabobarka. Waxaad ka shaqayn kartaa cusbitaalada, xarumaha dadka da da ah lagu xannaaneeyo ama xarun caafimaad waxayna ku xidhan tahay meesha aad doorato. Tabobarkani ayuu ku habboon yahay? Tabobarkani aduu kugu habboon yaay haddaad xiisayso ama aad hore uga shaqaynaysay qaybta caafimaadka, laakiin aanad marin waxbarasho toos ah ama ay yarayd. Tabobarku wuxuu ku bilaabmaa hordhac taabanaya meelaha oo idil. Haddaad hore waayo-aragnimo ugu lahayd la shaqaynta qaybta caafimaadka, waxaad caddayn u yeeli kartaa aqoontaada iyo xirfadaada. Wakhti barnaamij iyo daraasadeed ayaa haddaba laguu qabani. Muddada koorsada, waxa sidoo kale lagu siin doonaa fursad aad ku samayn karto shaqo barad ama aad ku mari karto tabobar goobta shaqada oo kusalaysan baahiyaha gudaha ee shirkadda.

SOMALISKA PERSONBILSMEKANIKER Tabobarka makaaniga baabuurka Tabobarka makaaniga baabuurka Lernia wuxuu ku siinayaa fursad wayn ood shaqo ku heli karto. Lernia waxay si dhaw ula shaqaysaa talobixinna siisaa shirkadaha baabuurta. Tabobarku wuxuu buuxiyey shuruudaha suuqa baabuurta. Waay-aragnimo fikradeed iyo mid toos ah ayaa la isku ladhay qaar badana shaqo ayey helaan marka tabobarku dhammaado. Makaani baabuur ahaan, waxaad samayni dhib xallin, adeega shaqada, dayactir ee baabuurta gaadiidka yaryar. Waxaad sidoo kale samayn doontaa shaqo iyo hubino badbaado. Waxaad la shaqayn doontaa adeegga macmiilka iyo daryeelka macmiilka. Tabobarkani ayuu ku habboon yahay waana maxay aqoonta ka horraysa ee la rabaa? Tabobarku aduu kugu habboon yahay haddaad ku fiican tahay farsamada gacanta dabci ahaan xiisaynsana ka shaqaynta geerashyada gaadiidka dhexdooda ama dibadooda. Waa inaad jeclaataa inaad xalliso dhibaatooyinka waana inaad ahaataa qof maskax ahaan shaqo badan. Waa inaad leedahay qaybta B ee liisanka baabuur wadista buuxisaana shuruudaha caafimaad ee lagu xidhay, kuwaasoo aan ku hubin doono baadhis caafimaad. Tabobarku wuxuu qaataa ugu dhawaan 40 toddobaad. Tilmaamaha waxa kujira layliyo toos ah, is-baris, shago mashruuc iyo shaqo kooxeed. Tabobarka waxa sidoo kale kujira shaqo baradnimo muddada koorsada. Shaqo baradnimo waxay kuu tahay fursad fiican inaad u muujiso xirfadahaaga loo-shaqeeyaha mustaqbalka. Kiisas badan, shaqo baradnimadu waxay horseedaa shaqo kadib marka tabobarku dhammaado. Tusaalooyinka tusmada: Biriigyada, dhexda iyo qalfoofka Nidaamyada raaxada iyo badbaadada 1A Mishiinka iyo gudbinta korontada Dayactirka baabuurta iyo gaadiidka yaryar Tiknoolajiga/baadhista nidaamka Korontada/elektarooniga gaadiidka Alxanka, xidhista iyo jarista

SOMALISKA RESTAURANG Tabobarka makhaayadda iyo cunta samaynta Tabobarkayaga makhaaydda iyo cunto samayntu wuxuu ku siinayaa xirfadaha iyo aqoonta aad u baahan tahay inaad kaga shaqayso suuqa. Makhaayadda iyo cunto samaynta, waxaad ka shaqayn kartaa suuqada cuntooyinka. Waxaad sidoo kale u shaqayn kartaa kaaliye cunto samayn, cunto kariye ama adeege makhaayad makhaayadda dhexdeeda ama qaybta cunto samaynta. Tabobarkani ayuu ku habboon yahay? Tabobarku aduu kugu habboon yahay haddaad xiisayso ka shaqaynta waxsoosaarka cuntada makhaayadda iyo qaybta cunto samaynta. Tabobarku wuxuu ku bilaabmaa hordhac, halkaasoo aan qorshayno aqoontaadii hore ee shaqada. Kadibna waxaad bilaabi tabobarka xirfadeed, kaasoo ay kujiraan meelo badan. Tabobarka xirfadeed wuxuu ka kooban yahay qaybo waxaan ku buuxin karaa baahiyahaaga iyo, kiisaska qaar, baahiyaha shirkadda. Tabobarka waxa kujira tabobar goobta shaqada ee meelo goob shaqo oo badan, in lagaa siiyo faham wanaagsan shaqada iyo hawlaha ku lugl eh. Tusaalayaasha koorsooyinka Aqoonta cunto diyaarinta Aqoonta sharaabka Nadaafadda waxsoosaarka cuntada Hilib digaaga qabaw / kulul Cuntada Cuntooyinka gaarka ah Nafar Cunto samaynta Makhaayadda Waayo-aragnimda tooska ah

SOMALISKA SERVICE Tabobarka adeegga Tabobarkayaga adeeggu wuxuu ku siin fursad wayn ood shaqo kaga hesho qaybta adeegga, sida dalxiiska, iibka ama tafaariiqda. Lernia waxay ku siinaysaa waxbarasho gabi ahaanba horumarsan kuna habboon baahiyaha suuqa shaqada. Tabobarka waxa kujira shaqo baradnimo ee shirkad suuqa kamida. Tabobarka kadib, waxaad ka shaqayn kartaa shaqo adeeg. Tabobar aasaasi ah kadib, waxaad dooran doontaa meel. Shaqadaada mustaqbalku waxay noqon tafaariiqda, isgaadhsiinta ama dalxiiska. Waxa laguu tabobari doonaa inaad si madaxbannaan uga shaqayso shaqooyinka kala duwan waxaana la kobcin awood fiican ood ku xidhiidho. Inaad awoodo inaad la xidhiidho asxaabta shaqada, macaamiisha, cidda aad wax kasoo iibsataan iyo kuwo kale waxay inta badan muhiim u tahay sida ay muhiim u tahay ku fiicnaashaha hawlaha shaqada. Tabobarkani ayuu ku habboon yahay? Tabobarku aduu kugu habboon yahay haddaad xiisayso ka shaqaynta qaybta adeegga.? Tabobarka waxa loo qaybiyaa qaybo. Waxaad dooran kartaa haddaad rabto inaad barato dhammaan qaybaha oo dhan ama haddaad aad u xiisaynayso qaybo gaar ah. Tilmaamaha waxa kujira lakjarro, shaqo gaar-gaar ah mid koox-koox ah, booqasho daraasadeed, aflaam, lakjarro dibadeed iyo is-baris. Qof kastaa wuu soo xaadira qaybta hore ee tabobarka. Kadibna waxaad tagi darsidda qaybta aad dooratay. Tabobarka waxa kujira shaqo baradnimo, sidoo kale loo yaqaan tabobarka goobta shaqada. Shaqo baradnimadu waa kuu fursad fiican inaad tijaabiso shaqada una muujiso loo-shaqeeyahaaga mustaqbalka xirfadahaaga. Kiisas badan, shaqo baradnimadu wuxuu horseeda shaqo kadib marka tabobarku dhammaado.

SOMALISKA SVETSARE Tabobarka alxanka Tabobarka alxanka lernia wuxuu kuu siinayaa fursad wayn helista shaqo. Dalabka alxanlayaal si fiican u tabobaran haystana shahaadada alxanka ayaa si dhakhso ah u kordhaya maadaama alxanlayaal badani ay hawgabayaan. Alxanle ahaan, waxaad ka shaqayn doontaa hawlo xiiso leh. Waxaad ka shaqayn kartaa suuqa waxsoosaarka, ee shirkad dhisme, qandaraaslayaal ama ka qaban kartaa shaqo dayactir suuqyo kala duwan. Waxaad ka shaqayn doontaa waxsoosaarka, qotominta ama dayactirka birta ama xadiida dhismaha. Alxanle ahaan, shaqadaadu waa masuuliyad wayn. Isticmaalka hababka alxanka ee kala duwan, waxaad isku xidhi qaybaha biraha. Shaqadaadu waxay ku lug yeelan kartaa wax kasta laga soo bilaabo alxanka otomaatiga ah ilaa alxanka kakan ee gaarka ah ee qasabadaha iyo weelka cadaadiska. Tabobarkani ayuu ku habboon yahay? Tabobarku aduu kugu habboon yahay haddaad ku fiican tahay farsamada gacanta dabci ahaan jeceshahayna ka shaqayn gacmaha. Waa inaad doonaysaa shaqo wejiyo badan ee suuqa alxanka. Tabobarku wuxuu ku bilaabmayaa qaybo diyaargaraw ah taasoo kadib u gudubta tabobar xirfadeed. Tabobarka xirfadeed wuxuu ka kooban yahay qaybo waxaana lagu beegi karaa baahiyahaaga, kiisaska qaarna, baahiyaha shirkadda. Waxaad ka dooran kartaa dhawr meelood oo kala duwan. Waxa sidoo kale lagu siin fursadda aad ku qaadan karto tabobarka goobta shaqada, kaasoo inta badan lagu sameeyo shirkadaha leh baahiyo shaqaalaysiin.

SOMALISKA terminal- och lagerarbete Tabobarka shaqada istaanka iyo bakhaarka oo liisanka cagafta fargeetada Tabobarka shaqada istaanka iyo bakhaarku waxay kuu siinayaan fursad wayn ood kaga shaqo ku hesho bakhaar, wadaha cagafta fargeetada iyo/ama gudashada shaqo maamulka agabka iyo gaadiidka. Waay-aragnimo fikradeed iyo mid toos ah ayaa la isku ladhay qaar badana shaqo ayey helaan marka tabobarku dhammaado. Tabobarka kadib waxaad codsan kartaa shaqooyinka bakhaarada iyo alaabta istaanada adoo ah wadaha cagafta farageetada. Tabobarku wuxuu kaa siinayaa aqoon fiican doorka ay bakhaarada iyo istaanadu ka ciyaaraan hab-socodka maamulka agabka iyo gaadiidka. Waxaad baran doontaa sida loo maamulo noocyo kala duwan oo alaab ah loona helo aqoon loona dabbakho adoo isticmaalaya aalado iyo cagafta fargeetada si badbaado leh. Markaad dhammaysato, waxaad heli doontaa shahaadada wadaha cagafta fargeetada. Tabobarkani ayuu ku habboon yahay? Tabobarku wuu kugu habboon yahay haddaad tahay qof maskax ahaan shaqo badan nidaamkana ka hela. Shaqadu sidoo kale waxay u baahan tahay inaad muuqaalka jidheed fiican tahay maadaama ay noqon karto mid jidh ahaan culus oo xanuun badan. Tabobarka waxa lagu saleeyey iyadoo la eegayo aqoontaadii iyo baahiyahaagii hore. Wakhtiga tabobarku waa qof qof, laakiin guud ahaan waxay qaadataa ugu dhawaan 12-14 toddobaad. Tabobarka waxa loo qaybiyaa dhawr qaybood. Waxaad dooran kartaa haddaad dooranayso qaybaha oo dhan ama qaybo cayiman. Waxa lagu bari doonaa laguguna tabobari doonaa inaad awoodo inaad si madaxbannaan u qabato hawlaha aad la kulmi doonto shaqadaada mustabalka.

SOMALISKA VERKSTADSTEKNIK Tabobarka injineernimada waxsoosaarka Tabobarka injineernimada waxsoosaarka Lernia wuxuu ku siinayaa fursad wayn ood shaqo ku heli karto. Waxaanu si dhaw ula shaqaynaa suuqa siinaana tabobar waafaqsan shuruudaha suuqa. Injineernimada waxsoosaarku waa xirfad aqoon iyo aqoon ah taasoo hadda l ildaran dabayaraan shaqaale. Tabobarku wuxuu ku siinayaa fursad wayn ood shaqo kaga heli karto qaybta suuqa, iyadoo ku salaysan qorshaha waxbarashada qofka iyo waayo-aragnimadii hore. Tabobarku wuxuu ka kooban yahay qaybo kuwaasoo kuu horseedaya shaqooyin kala duwa, sida makaaniga tukaanka, xidhxidhe, farsamo-yaqaan dayactir, qalab sameeye ama hawlgaliye CNC. Tabobarkani ayuu ku habboon yahay waana maxay aqoonta ka horraysa ee la rabaa? Tabobarku aduu kugu habboon yahay haddaad xiisaynayso tiknoolajiga rabtana inaad ka shaqayso suuqa waxsoosaarka. Aqoon ka horraysa looma baahna. Tilmaamtu waa isku darka waayo-ragnimo fikrad ah iyo mid toos ah. Qayb kamida tabobarku waa tabobarka goobta shaqada, halkaasoo oo lagu siinayo fursadda aad ku ballaadhinayso xirfadahaaga iyo aqoontaada ee bey ad xaqiiq ah. Sidoo kale waxay kusiisaa fursadda aad isku soo saari karto una tusin karto awoodaada loo-shaqeeyayaasha mustaqbalka. Intaad Lernia joogto, waxaanu kaala shaqayn soosaarista qorshe waxbarasho oo gaar ah oo leh koorsooyin xirfadeed kuwaasoo qayb ka ah barnaamijyada qaranka ee u dhigma ee qaybta sare ee dugsiga sare.