Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

Relevanta dokument
Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Ku soo dhawaadda shaqada

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Sida loo dhiso jaaliyad

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Dulqaaxumo Intolerans

Transportyrken på sju språk

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

Su aalo iyo jawaab ku saabsan sariir ku kaadinta Soomaali somaliska Buugan yar waxa soo saaray Maxadka Iswiidhishka ee isku kaadinta habeenkii

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Wakiilka takooridda DO

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

SOMALISK a AF-SOOMAALI

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

QAWAANIINTA. dugsiga xanaanada, xilli firaaqaha iyo hawlaha wax-barida ee degmada Alingsås

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Buugeyga caafimaadka ee gaarka

Madax xanuunka (huvudvärk).

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

En röst att räkna med. Bankunionen. möjlighet? Bankföreningens vd Thomas Östros vill göra Sveriges röst hörd när nya regelverk skapas.

Caafimaad dareen Ramadaan dhexdeeda. -Xaqiiqooyin iyo talooyin wanaagsan

Somaliska. Goorma samaynayaa mammogramka. RG_Mammografi_A5_SV_somal.indd :17:38

Välkommen till Tingsryds kommun! Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

-Haddii aad qabto su aalo kale oo dheeraad ah, waydii dhakhtarkaaga ama shaqaalaha farmasiiga

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

Delaktighet. för integration. att stimulera integrationsprocessen för somalisktalande i Sverige 1999:4

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Översatt av Sahro Aden Dulle

Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary (oo marka magaciisa la soo gaabsho afka qalaad loogu yeero COPD)

Somaliska. Barn älskar böcker

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Hagidda kala soocidda

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

Goorma samaynayaa mammogramka

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa.

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Ka kaluumeysiga. Iswiidhan. Waxaa maalgeliyay Hay'ada Illaalada Deegaanka Iswiidhan (Naturvårdsverket)

JURIDIK FÖR TOLKAR (upplaga 4:1) ORDLISTA

Avfallsinfo Bromölla kommun Våren 2017

Ku saabsan Iswiidhan. Barashada bulshada oo Soomaali ah

Mjölkfritt för ammande mammor, SOMALISKA. Bilaa caano loogu talogalay hooyooyinka wax nuujinya

Macluumaad ku socda qoyska cusub

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Talo iyo warbixinta sameynta qalabka ilkaha la geliyo

Transkript:

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DAYREELKA CAAFIMAADKA Haddii dhaawac kaa soo gaadho daryeelka caafimaadka waxa aad xaq u yeelan kartaa magdhabid sida ku cad sharciga dhaawacyada bukaanka. Dhammaan maamulada caafimaadka iyo gobolladu waxay caymiska bukaanka la saxeexdeen Löf (Shirkada Caymiska Maamulada Caafimaadka Gobolada ee ka dhaxeysa labada dhinacba). Sannad kastaba in ka badan 14 000 ashkato oo ah dhaawacyada bukaanka ayaa soo gaadha Löf. Qiyaasti boqolkiiba 40 ka mid ah ashkatooyinkan waa la magdhabaa. Buugan yari wuxu ku siinayaa warbixin fudud oo ku saabsan caymiskayaga bukaanka. Baaritaanada iyo qiimeynta oo dhan waxa loo sameeyaa si waafaqsan sharci dejinta iyo shuruudaha caymiska ee jira. Sida ku cad sharciga dhaawacyada bukaanka waxa magdhabida laga jaraa qayb lacag ah oo qofku iskii caymis ahaan u bixiyo. Qaybta lacagta ee qofku iskii caymis ahaan u bixiyo waa boqolkiiba 5 ka mid ah qiimaha cadad lacageed oo gogol dhig ah, waxay tahay 2 225 karoon sannadkan 2015. Dhaawacyada dhacay ilaa iyo 2014 12 31: Waa khasab inaad ka ashkatootid dhaawac saddex sanno gudaheed taas oo ka bilaabmaysa marki aad ogaatay wixi ku saabsan in dhaawacan u muuqdo si weyn in dhaawacan xiriir la yeelan karo daryeel caafimaad iyo in ay suurtagal tahay magdhabida dhaawaca bukaanka caymis bixiyaasha loo gudbinayo codsiga magdhabida. Waxa jira xad wakhti oo ugu sareeya oo ah tobban sanno taas oo la xisaabiyo laga soo bilaabo wakhtiga dhaawacani dhacday. Dhaawacyadi dhacay laga soo bilaabo 2015 01 01: Waa khasab inaad ka ashkatootid dhaawac tobban sanno gudaheed oo ka soo bilaabmaysa wakhtigi dhaawacani dhacay.

MUXU KHUSEEYAA CAYMISKANI? Haddii dhaawacani ahaa mid laga taxaddari kari lahaa Si ay suurtagal u noqoto in dhaawacan magdhabid laga bixiyo waa inay suurtagal ahayd in laga taxaddari kari lahaa. Daryeelada caafimaad ee bukaanka iyo ilkaha oo dhan waxay wataan khataro ah dhinaca dhibaatooyin kuwaas oo aanay suurtagal ahayn in laga taxaddaro. Dhibaatooinka noocaas ah ma laga bixiyo wax magdhabid ah. Dhaawac alaabeed Haddii dhaawacaaga ay sababtay cillad ama isticmaalid qaldan oo dhinaca aaladaha, qalabka ama alaab kale oo shaqada fududeysa ah taas oo loo isticmaalo daryeelka caafimaadka ee bukaanka ama ilkaha ah, waxa aad xaq u yeelan kartaa magdhabid. Sheegitaanka cudurka oo lala habsaamo ama la qaldo Hadii sheegitaanka cudurka lala habsaamo waxaad heli kartaa magdhow hadii habsanku keeno inaad ka sii daraato marka la barbar dhigo haddii cudurka mar hore la sheegi lahaa. Infekshanada Marka qallitaan la sameeyo waxa markastaba jirta khatarta infekshano. Magdhabidan waxa la bixin karaa haddii shay cudur faafiye ahi uu soo gudbay isagoo xiriir la leh daryeelka caafimaad iyo daweynta. Laakiin ma la bixiyo magdhabid haddii infekshankan ay sabab u ahayd baakteeriyadaada gaarka ah ama haddii laguu daweynayay xaalad ay naftu halis ku jirtay. Xaaladaha shilka Magdhabid waa la bixin karaa haddii dhaawacan ay sababtay xaalad shil oo xiriir la leh daryeelka caafimaadka ee bukaanka ama ilkaha xilligi gaadiidka bukaanka ama iyadoo sababtay dhaawac ka dhacay dhismayaasha daryeelka caafimaadka ama qallab. Adigu caadi ahaan magdhabid ma helaysid haddii tusaale ahaan aad kuftay adigoo ku socday musqusha ama wax la mid ah. Dawo qaldan Haddii dhaawaca ay sabab u tahay dawo dhakhtar qoray oo qalad ahayd waxad xaq u yeelan kartaa magdhow. Waxyeelooyinka ku yimi dawooyin dhakhtar u qoray qaab sax ah waxa looga ashkatoon karaa Caymiska Dawooyinka (Läkemedelsförsäkringen). WAA MAXAY WAXA CAYMISKU AANU KHUSEYNIN? Dhaawac gaadiid iyo dhaawac shaqo Haddii dhaawac gaadiid kugu dhacay, caymiska gaadiidka ayaa caadi ahaan magdhaba dhaawacyadi soo baxay marki laguu daryeelayay dhaawacan gaadiidka. Marka ay jirto dhaawac shaqo waa inaad ugu horeyn la xiriirtid Caymiska AFA Försäkring iyo Caymiska Trygghetsförsäkring markay noqoto dhinaca dhaawac shaqo. Daaweynta gaarka ah Dhakhtarada gaarka u shaqeeya ee ilkaha ama dhakhtar aan la laheyn heshiis daryeel maamulka caafimaadka/gobolka iyo daryeelka degmada, waxuu heshiis caymis bukaan socodka ah la galey shirkadaha caymisyada ee kale. Hadii aanad hubin shirkada caymiska ee aad la xiriireyso, waxaad macluumaadka ka heli kartaa daryeel bixiyahaaga. Dhaawaca alaabeed Khasaaraha ku yimaada alaabta qofku gaar u leeyahay, magdhabid ma ka bixiyaan caymiska bukaanku. Tusaale ahaan waxa noqon kara in muraayadaadii indhaha ay jabtey, boorsadaadii lacagta lagaa xadey ama ilkahaad xidhaneysay ee aan dabiiciga ahayn ay lumeen. La dhaqanka iyo shaqaalaha Su aalaha la xiriira tusaale ahaan la dhaqanka ama shaqaalaha dhinaca daryeelka caafimaadka iyo ilkaha kuma jiraan caymiska bukaanka. Su aalahaa waxaad kala hadli kartaa guddida bukaanka ama kalsoonida ee maamulka caafimaadka ama gobolka. HADDII AAN LAGU QANACSANAYN DARYEELKA Miyaa daryeelka caafimaadka aad kala kulantay wax kaa dhigay mid murugeysan, caraysan ama niyad jabsan? Markaasi waxad la xiriiraysaa guddida bukaanka ama kalsoonida taas oo laga helayo maamulka caafimaadka ama gobol kastaba. Guddiyada bukaanka waa hey ado madax banaan kuwaas oo ay tahay inay fududeeyaan xiriirka u dhaxeeya bukaanka iyo daryeel bixiyaha. Wixi dheeraad ah ka akhri: www.1177.se Foojignaan la aanta dhinaca ammaanka bukaanka: Haddii aad soo aragtay foojignaan la aan ah ammaanka bukaanka taas oo la xiriirta daryeel caafimaad ama daweyn dhinaca daryeelka caafimaadka iyo bukaanka ah ama daryeelka ilkaha ah waxad ashkato u gudbin kartaa Hey adda Baarista daryeelka iyo xanaanada Inspektionen för vård och omsorg (IVO). IVO waa hey ad dawladeed taas oo adeecda dawladda, Wasaaradda Bulshada (Socialdepartementet). Wixi dheeraad ah ka akhri: www.ivo.se

KOOBIS KU SAABSAN CAYMISKA BUKAANKA Waxad magdhow u heli kartaa dhaawacyo suurto gal ahaa in laga taxaddaro dhaawacyo ay sabab u ahayd cilad ku timid, ama qalad u isticmaalid alaab caafimaad ama qalabka daryeelka caafimaadka dhaawacyo ay sabab u ahayd sheegitaanka cudurka oo qalad ama habsan ahaa haddii shay cudur faafiye ahi kuu soo gudbay xilligi daryeelka oo keenay infekshan dhaawacyada shilalka qaar ka mid ah dhaawacyo ay sabab u ahayd dawo siin qalad ah. Lagu ma siinayo magdhow hadii dhaawaca xili habsan ah laga soo askhatooday dhaawacyo ka hooseeyo qaybta lacagta ee qofku iskii caymis ahaan u bixiyo khasaare ku dhacay alaab qofku gaar u leeyahay dhaawacyo ama dhibaatooyin aanay suurtagal ahayn in laga taxaddaro haddii infekshankan ay sabab u ahayd baakteeriyadaada gaarka ah ama haddii cudurki cudurka lagaa daaweynaaye khatarsanaa infekshankan haddii waxyeelooyin kaa soo gaadheen dawooyin loo qoray qaab sax ah dhaawacyo ku yimid daaweyn sax ah xilli noloshu ku jirtay xaalad toos khatar u ah. IN LAGA ASHKATOODO DHAAWAC Waa adiga qof ahaantaada qofka go aaminaya haddii aad noo soo gudbinaysid ashkato. Boggayaga internetka, www.lof.se, waxad ka samayn kartaa askhatada dhaawacaaga iyadoo aad u sii maraysid inaad ku gashid "BankID" dhinaca "Mina sidor" isla markaana aad ku buuxisid macluumaadkaaga. Waxa aad foomka wargelinta ka soo dejisan kartaa boggayaga internetka. Foomkan xitaa wuxu yaalaa isbitaalada, xarumaha caafimaadka iyo isbitaalada daryeelka ilkaha. Waxa kala oo aad ka dalban kartaa guddidaada bukaanka ama kalsoonida ama iyadoo loo marayo in la soo waco xaruntayada oo leh telafoonka 08 551 010 00. Löf 1011 2015 05 19

Haddii dhaawac kaa soo gaadho daryeelka caafimaadka waxa aad xaq u yeelan kartaa magdhabid sida ku cad sharciga dhaawacyada bukaanka. Buugan yari wuxu ku siinayaa warbixin fudud oo ku saabsan caymiskayaga bukaanka. Si loo helo warbixin dheeraad ah booqo boggayaga internetka www.lof.se Löf Box 17830 118 94 Stockholm Växel 08 551 010 00 Fax 08 551 011 90 info@lof.se www.lof.se