Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Relevanta dokument
Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Dulqaaxumo Intolerans

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Sida loo dhiso jaaliyad

Ku soo dhawaadda shaqada

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Transportyrken på sju språk

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Somaliska. Barn älskar böcker

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

QAWAANIINTA. dugsiga xanaanada, xilli firaaqaha iyo hawlaha wax-barida ee degmada Alingsås

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

Wakiilka takooridda DO

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Ku soo dhowow Laholm

Buugeyga caafimaadka ee gaarka

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Delaktighet. för integration. att stimulera integrationsprocessen för somalisktalande i Sverige 1999:4

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Su aalo iyo jawaab ku saabsan sariir ku kaadinta Soomaali somaliska Buugan yar waxa soo saaray Maxadka Iswiidhishka ee isku kaadinta habeenkii

Barnaamujka carruurta- iyo xilliga firaaqada

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

VÄL Vänersborgs kommuns lärplattform

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Välkommen till Tingsryds kommun! Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

FARBARASHADA AF-SOOMAALIGA

Waxanu ku hadalnaa luqado badan

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa.

Senast uppdaterad Svenska-engelska-somaliska arbetsmarknadsordlista

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Bra mat för barn mellan ett och två år. u dhaxeeyo hal sano iyo labo sano

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Ka kaluumeysiga. Iswiidhan. Waxaa maalgeliyay Hay'ada Illaalada Deegaanka Iswiidhan (Naturvårdsverket)

Ku soo-dhawaada degmada Umeåregionen. warbixin loogu talogalay magangelyodoonka. Bjurholm Nordmaling Robertsfors Vindeln Vännäs Umeå

Madax xanuunka (huvudvärk).

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Översatt av Sahro Aden Dulle

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

MODERSMÅL NIVÅ 1 BEDÖMNINGSMATRIS Åk 1-2-3

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Transkript:

Wasaaradda Waxbarashada Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Waa maxay jiheeye? Jiheeyuhu wuxuu dhigayaa waxyaabaha khuseeya degmada Växjö ee garab socda waxyaabaha u baahan sharciyada iyo xeerarka. Ujeeddadeedu waa in la abuuro caddaalad hawlaha maamulka waxbarashada degmada Växjö si dadka cusub, carruurta luqado badan ku hadla iyo ardayda loo siiyo fursado isku mid ah iyadoo aan loo eegin goobta kommuunka ee ilmuhu/ardaygu la kulmo. Hadafku waa in xaalad waxbarasho oo sida ugu wanaagsan ee ugu macquulsan ah loo abuuro dhammaan dadka cusub iyo carruurta luqado badan ku hadla iyo ardayda. Ka sokow jiheeyahan, waxa jira caadooyin la xidhiidha shaqada dadka cusub iyo luqad badnaanta oo bogga Intra-netka ku qeexan Vägledning iyo FAQ. * Qoraalkan jiheeyaha halkan waa lagu soo koobay Jiheeyaha oo dhamaystiran waxaad ka helaysaa bogga Intra-netka Wasaaradda Waxbarashada. Wasaaradda Waxbarashada Degmada Växjö telefoon 0470-410 00 www.vaxjo.se 2

Eray qeexid iyo Sharraxaad Dadka cusub Ardayda waxbarashadooda ka bilaaba Iswiidhan inta ka dambaysa toddoba jir afarta sano ee ugu horreeya waxa lagu xisaabiyaa dadka cusub. Ardayda cusub ee dhawaan soo galay dalku ma aha koox isku dhafan, laakiin laba shay ayay wadaagaan Waxay Iswiidhan soo galeen afar sano gudahood markay iskuulka bilaabeen waxa kale oo ay leeyihiin xuquuq waxbarasho oo la siman ardayda Iswiidhan oo dhan. Luqad badnaanta Luqad badnaanta waxa ka mid ah carruurta iyo ardayda luqad hooyo oo aan ahayn Iswiidhishka kula xidhiidha ugu yaraan hal mas'uul/waalid. Ardayda ku hadla luqadda waddanka ee dadka laga tirada badan yahay waxa ay ka mid yihiin dadka luqadaha badan. Luqad badnaanta waxa loola jeedaa xeerarka ku yaal dukumentiga tixraaca qaranka marka loo eego hagitaan waxbarasho, af iswiidishka oo luqad labaad ah, afka hooyo iyo hordhaca luqadda (dugsiga sare). Hagitaan waxbarasho oo luqadda hooyo ku baxaysa waxa la bixinayaa haddii ardaygu u baahan yahay, oo ah haddii ardaygu aanu af iswiidhishka in ku filan aqoon si uu firfircooni ugaga qaybqaato waxbarashada oo la socdo manhajka. Baritaanka af Iswiidhishka oo luqadda labaad ah waxa la siiyaa ardayda ku hadasha luqado badan haddii loo baahdo, iyo go'aan maamule ka bacdi. Arday luqado badan ku hadla oo dhigta dugsi sare ama dugsi sare oo gaar ah waxa uu dhigan karaa af iswiidhishka oo luqad labaad ah taas oo maadooyinka guud ka mid ah, laakiin sidoo kale wuxuu luqadda iswiidhishka ka dhigan karaa maaddo doorasho gaar ah. Ardaygu markaa waxa uu ku helayaa labada maaddoba qiimeyn. Arday luqado badan ku hadla waxa uu dalban karaa barashada afka hooyo marka sharciga waxbarashada iyo shuruudaha xeerarka la buuxiyo. Xannaanada/dugsiga barbaarinta iyo luqad badnaanta Xannaanada/dugsiga barbaarintu waa inuu carruurta afkooda hooyo aanu ahayn af-iswiidish ka caawiyo in ay helaan fursad ay ku kobciyaan labada af ee iswiidhishka iyo afkiisa hooyo. (Qaanuunka Waxbarashada cutubka 8aad iyo 9aad). Qeexitaanka erayga carruurta luqadaha badan wuxuu daboolayaa da' walba. Marka la tixraaco qeexitaanka erayga dadka cusub laguma darayo carruurta ka yar toddoba sano, iyo sidoo kale ardayda bilaabay dugsigooda ka hor sannadka ay buuxinayaan siddeed jir. 3

Laga bilaabo qaabilaadda xarunta soo dhawaynta (Landningsbana Växjö) ilaa laga geynayo fasal/barnaamij caadi ah. Xarunta Landningsbana Växjö waxay qaabilaan dhammaan carruurta iyo dhallinta jira 1-19 sano iyo mas'uulkooda muddooyin afar usbuuc ah. Waxaa qiimeyn hordhac ah oo ku saabsan aqoonta waxbarasho, khibradaha iyo caafimaadka samaynaya bareyaasha, hageha waxbarasho iyo kalkaalsooyinka. Waxbarashada xarunta Landningsbana Växjö waxay bixiyaan hordhac ah luqada iswiidhishka iyo dugsiga iswiidhan. Dugsiga xannaanada waxa lagu bixiyaa hordhac dugsiga xannaanada iswiidhan ah. Dadka waaweyn waxa la siiyaa warbixin ku saabsan nolosha qoyska, dugsiga iyo caafimaadka Iswiidhan taas oo ah bilow iskaashi fiican oo u dhexeeya waalidka/mas'uulka iyo xannaanada/dugsiga ee tallaabada xigta. Xannaanada/dugsi barbaarin Xarunta soo dhawaynta Växjö waxay ku caawisaa qoysaska sidii ay boos uga dalban lahaayeen xannaanada. Carruurta xannaanada iyo kuwa dugsiga barbaarinta, (iyo fasalka 1aad) waxa siin karaa taageero xilliga la qabsashada ah oo muddo hal ilaa laba usbuuc ah. Shaqaalaha Xarunta soo dhawaynta Växjö ama Xarunta Aqoonta ee dadka cusub iyo luqadbadnaantu waxay markaa carruurta, mas'uulka iyo barayaasha taakulayn ku siiyaan luqadda hooyo ee ilmaha. Dugsiga hoose-dhexe/dugsiga sare Xarunta soo dhawaynta Växjö oo kaashanaysa agaasimaha Xarunta Aqoonta (Kompetenscentrum), ayaa waxay ku wareejiyaan dugsiyaasha qaabilay maamulayaashooda iyo barayaashooda, halkaas oo waxbarashada iyo qiimeynta aqoontu ka sii soconayso. Ardayda 8 jirka ah waxay tagi karaan fasalka diyaarinta. Ardayda dugsiga barbaarinta iyo fasalka 1aad waxa la siinayaa taageero la qabsasho ah muddo hal ilaa laba usbuuc, sida kor ku qoran. Fasallada alifbaatada waxa loo qabanqaabiyaa ardayda aan weli akhriyin ama qorin afkooda hooyo. Laba bilood gudahood waa in ardayga fasalka diyaarinta dugsiga hoose-dhexe la siiyaa fasal dugsi oo caadi ah, taas oo qiimeynta loo eegayo. Fasalka diyaarinta waxa ardayda loo diyaariyaa dugsigooda iyada oo loo dhigayo maadooyin muhiim u ah ardaygu sidii uu fasalkiisa caadiga ah si guul leh ugula socon lahaa maadooyinka uu ku fiican yahay. Tani waxay salka ku haysaa qiimeynta sii socota ee aqoonta ardayga. Hagitaan waxbarasho oo ku baxaysa luqadda hooyo waa xeelad muhiim ah. Xilliga fasalka diyaarinta waxa ardaygu haystaa saacado waxbarasho oo la mid ah kuwa dhiggiisa fasalka caadiga ah dhigta. Marka uu fasalka caadiga u gudbo waxa la siinayaa hagitaan waxbarasho iyo iswiidhishka oo luqadda labaad ah iyadoo la eegayo baahida ardayga si horumarka aqoonta ardaygu u sii socoto. Macallin wal oo dugsiga wax ka dhiga 4

wuxuu u baahan yahay inuu ogaado sida barashada luqad labaad ugu lug leedahay maaddadiisa. Waxa la diyaarinayaa hordhaca luqadda ee ardayda dugsiga sare si ay u gaadhi karaan heer barnaamij qaran. Waxa xoog la saarayaa hagitaan waxbarasho oo ku baxaysa luqadda hooyo iyo luqada Iswiidhishka. Waxbarashada waxa lagu bixin karaa dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga sare kadib marka la qiimeeyo baahida ardayga. Hordhaca luqadda kadib ardaygu wuxuu ka sii wadan karaa waxbarashadiisa barnaamij hordhac oo kale ama haddii uu shuruudaha buuxiyay, barnaamij heer qaran. Hagitaan waxbarasho oo ku baxaysa afka hooyo waxay intaa ka danbeysa ku xidhan tahay baahida ardayga. 5

Hay'adda Xarunta Aqoonta, dadka cusub iyo luqad badnaanta Xarunta Aqoonta ayaa abaabusha hagitaanka waxbarasho, hagitaan waxbarasho oo internetka ah iyo dhigitaanka luqadda hooyo ee dugsiga hoose-dhexe, dugsiga hoose-dhexe ee gaarka ah, dugsiga sare iyo dugsiga sare ee gaarka ah. Si loo xaqiijiyo in tayo wanaagsan oo isku mid ah ay uga helaan waaxaha kala duwan dadka cusub, carruurta luqado badan ku hadla iyo ardayda waxa xarumaha aqoontu shaqaaleysay ugu yaraan hal macallin oo khabiir ku ah maaddada iswiidhishka oo luqad labaad ah. Macallinkan hawshiisu waa in uu taageero horumarka barashada ee fasallada diyaarinta/hordhaca luqadda ee wasaaradda waxbarashada, laakiin sidoo kale wuxuu door muhiim ah u leeyahay barashada wadashaqaynta leh ee horumarka aqoonta ardayda ku hadasha luqado badan. Shaqaalaynta, abaabulka iyo horumarka xirfadeed ee shaqaalaha kor ku xusan waxa ka mas'uul ah agaasimaha Xarunta Aqoonta. Waxa sidoo kale uu ka mas'uul yahay isaga iyo aqaasime goobeedka Xarunta Landningsbana, wareejinta carruurta/ardayda ee xarunta Landningsbana iyo xannaanada/dugsiga. Tan waxa la sameeyaa iyada oo lala kaashanayo maamulayaasha dugsiyada/maareeyayaasha waaxaha. Heer waaxeed Waxa maareeyaha waaxdu hubiyaa in mid kasta oo ka mid ah shanta waaxdugsiyeed ee magaaladu ay leedahay diyaargarow in la qabto fasal ama fasallo diyaarin ah. Meesha fasalka diyaarintu ku yaallaa waxay ku xidhan tahay tirada dadka cusub, dhismaha bannaan ama booska ka bannaan fasalka caadiga ah. Meesha ardaygu ka dhigto fasalka diyaarinta waa in fasal caadi ahna uu meel ka haystaa. Maareeyayaasha waaxuhu waxay ka mas'uul yihiin wadashaqaynta waaxaha kala duwan iyo agaasimaha Xarunta Aqoonta. Waaxda dugsiga sare, maareeyaha waaxda iyo maamulayaasha dugsi waxay xaqiijiyaan in hagitaan waxbarasho, iswiidhishka oo luqad labaad ah iyo barintaanka luqadda hooyo ay u shaqeeyaan hab waafaqsan dukumentiga tixraaca markay tahay hordhaca luqadda, barnaamijka hordhaca iyo barnaamijyada qarankaba. Tan waxa la sameeyaa iyada oo lala kaashanayo agaasimaha Xarunta Aqoonta haddii loo baahdo. Arrimaha la xidhiidha ardayda cusub ee yimaadda dalka dabayaaqada dugsigooda si gaar ah ayaa looga doodaa waana mas'uuliyad wada saaran maareeyayaasha waaxaha. Maamulka Xarunta Waxbarashada iyo Xirfaduhu waxay ku xidhan yihiin waaxda dugsiga sare waxaanay yihiin kuwa taageera shaqadan. 6

7

8

Heer Goobeed Maamule Xannaano Mas'uuliyadaha: Xaqiijinta in carruurta goobta ee luqadaha badan ku hadlaa ay helaan taageero ay ku kobciyaan luqaddooda hooyo iyadoo la tixraacayo sharciga dugsiyada iyo manhajka. Kooxda Caafimaadka Carruurta (BHT) waa gole lagu iftiimiyo baahida carruurta luqadaha badan ku hadasha (eeg sidoo kale jiheeyaha caafimaadka carruurta iyo ardayda). Maamule haya fasal diyaarin/hordhac luqad. Mas'uuliyadaha:Qaabilaadda arday ka yimaadda Xarunta Landningsbana Växjö ee imanaya fasalka diyaarinta/hordhaca luqadda. Xaqiijin in ardaydu fasalka diyaarinta/hordhaca luqadda ku helaan shaqaale u qalma. Marka loo baahdo taageero ka dalbo Xarunta Aqoonta (Kompetenscentrum) Sidoo kale eeg hoos "Maamule aan haynin fasal diyaarin/hordhac luqad." Maamule aan haynin fasal diyaarin/hordhac luqad. Mas'uuliyadah: Xaqiijinta in ardayda dugsiga ee dalka ku cusub ama luqado badan ku hadlaa ay helaan taageero iyo waxbarashada sharcigu xaq u siiyay, taas oo ah hagitaan waxbarasho, iswiidhishka oo luqadda labaad ah, barashada luqadda hooyo. Kooxda Caafimaadka Ardayda (oo loo soo gaabiyo EHT) waa gole lagu iftiimiyo baahida ardayda luqadaha badan ku hadasha. Xarunta Aqoonta oo uu la kaashado diyaarinta hagitaan waxbarasho iyo barasho luqadda hooyo oo ku salaysan baahida ardayda. Ka mas'uul ah bixinta xaalado wadashaqayn wanaagsan oo ka dhexeeya hageha waxbarasho iyo macallinka, iyo sidoo kale macallinka luqadda hooyo iyo macallinka fasalka. Ka mas'uul ah in shaqaaluhu dhammaantood ay leeyihiin aqoon fiican oo ku saabsan hab shaqo oo kobcinaysa luqadda iyo sida barashada luqad labaad ugu lug leedahay maaddadiisa. 9

Aqoonta iyo waajibaadka hawlgalka shaqo la xidhiidha Hage waxbarasho Hageha Waxbarashadu wuxuu la shaqeeyaa ardayda luqaddooda hooyo ay tahay ta ay ku fiican yihiin. Hagitaanka waxbarasho waxa loo qorsheeyay si ardaygu hadafkiisa u gaadho. Aqoonta: Hageha waxbarashadu waa qof maaddada yaqaan (ilaa heer dugsi sare), waa in uu lahaadaa aqoon luqadood oo horumarsan (svenska 2 ama wax u dhigma iyo afka hooyo). Hageha waxbarasho waa inuu aqoon u leeyahay dugsiyada iswiidhan iyo qiyamkooda iyo waliba maaddooyinka la joogo manhajkooda. Hageha waxbarasho waa inuu lahaadaa qaabka wax loo baro oo habboon, oo waliba wax ka yaqaanno isticmaalka kombuyuutar. Filashada/Waajibaadka Hageha Waxbarasho inuu ka qayb gali karo marka maaddooyinka la dejinayo: Xarunta Landningsbana Växjö, fasalka diyaarinta, dejinta maaddooyinka tusaale ahaan marxaladda kala-guurka. bixinta hagitaan waxbarasho ee maaddada la joogo. la shaqeeyaan macallimiinta maaddooyinka xilliga qorshaynta hagitaan waxbarasho iyo inay la socdaan horumarka ardayga iyo natiijadiisa. Macallinka maaddada dhiga ayaa ka mas'uul ah qiimeynta iyo natiijada. 10

Macallinka luqadda hooyo Macallinka luqadda hooyo wuxuu dhigaa luqadda hooyo oo ah maaddo manhaj gaar ah leh. Hawlaha macallinka luqadda hooyo laguma qaldi karo hawlaha hageha waxbarasho. Aqoonta: Macallin haysta shahaado luqadda hooyo ama macallin haysta shahaadada macallin luqadeed ee iswiidhan iyada oo luqadda uu dhigayo ay tahay luqaddiisa hooyo. Aqoon fiican oo luqadda hooyo ah ka sokow macallinka luqadda hooyo waa inuu sidoo kale u leeyahay luqadda iswiidhishka aqoon fiican. Aqoon kombuyuutar oo fiican. Filashada/Waajibaadka: Qorshayn iyo dhigitaanka manhajka lagu guda jiro. Waa inuu aqoon u leeyahay dugsiyada iswiidhan qiyamkiisa. La shaqeeyo macallimiinta kale ee luqadda hooyo dhiga iyo ardayga macallinkiisa fasalka. Macallin aqoon gaar ah u leh maaddada iswiidhishka oo luqad labaad ah. Aqoonta: Karti aad u fiican iyo shahaado macallin oo maaddada Iswiidhishka oo afka labaad ah. Ku habboon hawlaha. Filashada/Waajibaadka: Macallinkan hawshiisu waa in uu taageero horumarka barashada ee fasallada diyaarinta ee wasaaradda waxbarashada, laakiin sidoo kale wuxuu door muhiim ah u leeyahay barashada wadashaqaynta leh ee horumarka aqoonta ardayda ku hadasha luqado badan. 11

Degmada Växjö Box 1222 351 12 Växjö telefoon 0470-410 00 www.vaxjo.se Soo saarid: Växjö kommun, utbildningsförvaltningen, 2015-06 Sawir: Emelie Helldén, Mats Samuelsson, Sara Södergård