Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, 411 14 Göteborg



Relevanta dokument
Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Dulqaaxumo Intolerans

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Ku soo dhawaadda shaqada

Sida loo dhiso jaaliyad

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Transportyrken på sju språk

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Wakiilka takooridda DO

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

Uppgifter A Tecken, ord, meningar Litteracitet

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Somaliska. Barn älskar böcker

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

Talo iyo warbixinta sameynta qalabka ilkaha la geliyo

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa.

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Översatt av Sahro Aden Dulle

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga

SOMALISK a AF-SOOMAALI

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

Delaktighet. för integration. att stimulera integrationsprocessen för somalisktalande i Sverige 1999:4

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

Senast uppdaterad Svenska-engelska-somaliska arbetsmarknadsordlista

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

Ku soo dhowow Laholm

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Uppgifter B Textpaket Litteracitet

DEL 1 Svara på svenska, men med exempel på somaliska. 4 stycken: yaal, ooyin, reduplikation, o

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Fasaxa xilliga xagaaga & deegaanka xagaaga 2018

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

Ku soo dhowow Degmadda Tingsryd. Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Cudurka Daran ee Ku Dhaca Xididka Loo Yaqaano Pulmonary (oo marka magaciisa la soo gaabsho afka qalaad loogu yeero COPD)

Välkommen till Tingsryds kommun! Välkommen! Welcome!!بيحرت soo dhawow! khosh maden!

Ku saabsan Iswiidhan. Barashada bulshada oo Soomaali ah

Öppna svar Jobbtorg Stockholm

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Buugeyga caafimaadka ee gaarka

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

Instuderingsfrågor till Tema demokrati

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Bra mat för barn mellan ett och två år. u dhaxeeyo hal sano iyo labo sano

QAWAANIINTA. dugsiga xanaanada, xilli firaaqaha iyo hawlaha wax-barida ee degmada Alingsås

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Transkript:

GARGAAR DHAQAN Nolol-dhaqameedka Göteborg waa iney leedahay wajiyo kala duwan lahaataanaa taye sare, waxa sheegay taa gudiga dhaqanka ee Göteborg. Sidaa darteed waxa jira gargaar dhaqaale ee howlaha iyo mashaariicda leh muhimad farshaxan iyo dhaqanba. Waa howlo iyo mashaariic loogu tala galay bulshada ku nool Göteborg kuwaasoo lacag ka heli kara gudiga dhaqanka. Mashruuc farshaxan, bandhigyo, ruwaayado ama dabaal-degyo ayaa lagu heli karaa gargaarkaa. Farshaxanada waxey kalooy dalban karaan deeq (stipendium) ama gargaar istuudiyo farshaxan (ateljéstöd). Qoraayada ayaa heli kara deeqo qaasa. Waxaad jira warbixin iyo hadafka laga leeyahay gargaarka dhaqan oo ku qoran afka iswiidhishka www.goteborg.se/kulturstod Codsiga gargaarka dhaqaale wuxuu u dhacayaa qaab adeeg elekoronik (e-tjänst) ee bogga internetka. Email ahaan baad u soo diri kartaa su aalaha aad qabto iyagoo ku qoran iswiidhish ama ingiriis. Adareeska emailka waa kulturstod@kultur.goteborg.se www.facebook.com/goteborgkulturstod www.facebook.com/ensnabbslant Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, 411 14 Göteborg Kerste Broberg baaraha tiyaatarka iyo daanska Telefoon 031-368 32 64 kerste.broberg@kultur.goteborg.se Chinaski Nymark baaraha muusiga, suugaanta qoran iyo En snabb slant Telefoon 031-368 32 67 chinaski.nymark@kultur.goteborg.se Andreas Roth baaraha farshaxanka, farsamo-gacmeedka iyo filinka Telefoon 031-368 32 62 andreas.roth@kultur.goteborg.se Silke Spangler baaraha gargaarka mashaariicda ku lug leh dhaqamada (interkulturella) Telefoon 031-368 34 84 silke.spangler@kultur.goteborg.se

Gargaarka howlaha meheradda Gargaarka howlaha meheradda waxa hela kooxaha xurta ah ee mudo ka shaqeynayey howlaha dhaqan. Gargaarkaa waxa loo ogolaadaa sanad ama sadax sano. Dadka la siiyo gargaarka howlaha meheradda waxey leeyihiin hadaf dheer ee farshaxanka Göteborg. Howluhu waa iney yihiin kuwo leh tayo sare isla markaana xiise-gelinaya dadka loo danleeyahay. Gargaarka waxa kaloo heli kara howlaha dhaqan ee loo arko iney magaalada Göteborg si qaasa ugu leeyihiin faa ido siyaasad-dhaqameed. Gargaarka waxa la siinayaa oo kaliya dadka xirfadleyda ah iyo howlaha sameynaya xarun hanti ee qeyb dhaqan. Howshaa waa iney sida caadiga ah soconeyso sanadka oo dhan. Gargaar mashruuc Gargaarka mashruuc ma laha lacag go an waxana la bixiyaa laba jeer sanadki. Dalbo gargaar mashruuc ee mashaariicda ka dhacaya Göteborg ee ku saabsan howlaha leh muhimad farshaxanka iyo dhaqanka. Gargaarka waxa loo dalban karaa soo saaridda wax soo saar farshaxan oo ka kooban qorsheyn, diyaar-garaw iyo hirgelin iyo u soo bandhigid dadweyne, tusaale ahaan bandhig, jilid ama ruwaayad ka dhaceysa Göteborg. Mashruuca waa in la fuliyaa oo la dhameystiraa waqti cayiman. Gargaar mashruuc ee Pronto Gargaarka mashruuc ee Pronto waxa la bixiyaa afar jeer sanadki iyadoo lacagta ugu badan ee la bixiyana tahay 40 000 kr mashruuciba. Dalbo gargaar mashruuc ee Pronto si aad uga fuliso mashruuc Göteborg kaasoo waqtiga lagu fulinayo gaaban yahay isla markaana leh muhimad farshaxanka mid dhaqanba.

Gargaarka waxa loo dalban karaa soo saaridda wax soo saar farshaxan oo ka kooban qorsheyn, diyaar-garaw iyo hirgelin iyo u soo bandhigid dadweyne, tusaale ahaan bandhig, jilid ama ruwaayad ka dhaceysa Göteborg. Mashruuca waa in la fuliyaa oo la dhameystiraa waqti cayiman. Gargaar mashruuca dhaqamada kala duwan Gargaarka mashruuca dhaqamada kala duwan waxa la bixiyaa afar jeer sanadki. Dalbo gargaar mashruuca dhaqamada kala duwan haddii kooxdaadi fanka ay abuureyso kulan dhaqamada kala duwan isla markaana balaarineyso waxyaabaha dhaqanka kala duwan ee laga helayo Göteborg. Mashruuca waxa loogu tala galaa dad ka badan xubnaha ururkiina. Shanta qowmiyad ee qaran ee laga tirada badan yahay ee Iswiidhen - sverigefinnar, samer, romer, yahuudda iyo tornedalingar - iyagu xataa wey dalban karaan gargaarka si ay ugu soo bandhigaan uguna adkeeyaan dhaqankooda dhaxal iyagoo barnaamij u soo bandhigaya dadweynaha. Gargaar istuudiyo Gargaar istuudiyo waxa la bixiyaa sanadki mar. Lacagta waxaa iyadoo isla eg loo qeybiyaa farshaxanada la doortay. Dalbo gargaar istuudiyo ee caawinta kirada istuudiyaha ee dadka farshaxada xirfadleyda ah kana howl-gala Göteborg. Codsaduhu waa inuu leeyahay ugu yaraan waxbarasho jaamacad farshaxan ee sadax sano ah kuna saabsan fanka, wax soo saar farshaxan ama sawir, waxbarashadaa oo dhamaatay ugu badnaan sadax sano codsiga ka hor. Gargaarkaa ayaad heli kartaa haddii aad leedahay ugu yaraan waayo aragnimo sadax sano ah ee caddeyn leh oo aad ku soo bandhigtay meel gooni u baxsan ee goob bandhig dhab ah, sanduuq deeq shaqo ee hey adda Konstnärsnämnden ama sharaxaad dadweyne ee farshaxan. Gargaarka qof baa la siiyaa waana in canshuur laga bixiyaa.

En snabb slant Deeqdan ayaa ah inta u dhaxeysa 2000 iyo 20 000 kr iyadoo xili kastaa la dalban karo. Dalbo En snabb slant haddii da adaadu u dhaxeyso 18-25 sano oo aad dadweynaha Göteborg u soo bandhigeyso mashruuc dhaqan. Haddii aad ka diiwaan gashan tahay Göteborg. Da daaduna ay u dhaxeyso 18-25 sano. Dalabka waa in la sameeyaa ugu yaraan hal bil ka hor xiliga mashruuca dhaqan la fulinayo. Mashruuca dhaqan waa in loo soo bandhigaa dadweynaha. Nala soo xiriir inaga bixina gargaarka dhaqan si aad noogala hadasho waxa suura galka ah ee aad mashruuca ku sameyn karto. Deeq qoraa Qoraagu wuxuu gudiga dhaqanka ka heli karaa deeq gooni ah ee gaareysa 50 000 karoon. Dalbo deeqda qoraaga haddii aad qoreyso sheeko dheer ama gaaban ee iswiidhish ah, ruwaayad, gabay iyo musalsal ama aad turjumeyso suugaan. Waa inaad soo saartay ama turjuntay ugu yaraan hal wax soo saar suugaan shantii sano ee ugu danbeysay. Kuwa ka shaqeeya fanka masraxa waa iney ama qoreen ama turjumeen ugu yaraan laba wax soo saar ee loo isticmaalay ama tebiyey qaab xirfadeed shantii sano ee ugu danbeysay. Waa in codsaduhu ka diiwaan geshan yahay farshaxan ahaana ka howl-galaa Göteborg. Waa inaad leedahay waxbarasho farshaxan ama aad ku howlaneyd howl farshaxan caddeyn leh oo xirfadeysan lehna tayo saro ugu yaraan sadax sano. Howl farashaxan caddeyn leh waxa loola jeedaa inaad tahay/aheyd qof la naqdiyey, la siiyey kontarakti ama ka muuqday nidaamyo farshaxan ee kala duwan.

Deeq dhaqan Deeqda dhaqan ee Magaalada Göteborg ee la eg 30 000 karoon waxa la bixiyaa sanadki mar. Dalbo deeqda dhaqan haddii aad wax ku soo biirisay nolosha dhaqan ee Göteborg. Waa in codsaduhu ka diiwaan geshay yahay farshaxan ahaana ka howl-galaa Göteborg. Waa inaad leedahay waxbarasho farshaxan ama aad ku howlaneyd howl farshaxan caddeyn leh oo xirfadeysan lehna tayo saro ugu yaraan sadax sano. Howl farashaxan caddeyn leh waxa loola jeedaa inaad tahay/aheyd qof la naqdiyey, la siiyey kontarakti ama ka muuqday nidaamyo farshaxan ee kala duwan.