Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo? Xuquuqyadaada quseeyso adiga ku nool guryaha daryeelka ama dhallinyarada (HVB) Dhammaan carruurta waxey leeyahiin isku qiimo. Adiga iyo dhammaan carruurta waxaa xaq u leedahiin inaa ku kore kartiin deggaan kalsooni leh. In laguu sheego sababta aad kugu nooshahay guryaha daryeelka ama dhallinyarada iyo ilaa inta lagu fakiraayo iney sidaa ahaato In laguu sheego qofka kuu ah xoghayaha oo xafiiska adeega bulshada iyo sidaa ula xiriiri kartid asaga ama ayada. Adiga waxa xaq u leedahay inaa adiga oo kaligaa ah la hadlikartid asaga ama ayada. Xoghayaha baa mas uul ka ah inuu adiga kula soo xiriiro, ku soo booqdo iyo ka warhaayo xaaladaada sida ey tahay In la ogeysiiyo waxyaabo adiga kugu saabsan iyo xaq u leeyahay inuu shaqaalaha oo meesha aad ku nooshahay u sheego aragtidaada iyo xoghayaada. Adiga waxaa xaq u leedahay in lagu dhageysto Inaa ka qeyb-qaadatid qorsheynta oo waxyaabaha adiga ku quseeyo. Waa inta la bilaabin iyo intey socoto iyo markii daryeelka la soo gabo-gabeynaayo
In si xushmad iyo wanaagsan la isku la kulmo. Lama oggola in adiga lagugu suubiyo daryeel oo sharaf ridid ama qiimo jabin, haddii ey noqoto shaqaalaha ama dhallinyarada oo guriga kugu la nool Badanaa inaa akhrisatid baaritaanka adiga quseeyo iyo in adiga lagu fahamsiiyo. Adiga waxaa xaq u leedahay in lagu siiyo kobi oo baaritaanka iyo go aanka xukumka oo in meeshaan lagu keeno oo sharciga LVU. Adiga waxaa xaq u leedahay inaa dhowr jeer su aalo weeydiisid haddii aad fahmin ama aad dooneysid inaa inkale oggaatid Badanaa inaa akhrisatid qoraalada adiga lagaa qoray. Haddii adiga wax qalad kula yahiin waxaa xaq u leedahay in aragtidaada la qoro. Dugsiga iyo waxbarashada In lagaa kaalmeeyo camalka dugsiga haddii aad ubaahantahay. Adiga waxaa xitaa xaq u leedahay in lagaa caawiyo sidaa ku heshid waxbarasho ama camalka kale aad suubisid. Guriga In lagu ogeysiiyo nidaamka ka jiro guriga aad ku nooshahay La xiirir shaqaalaha waqtikasto In ku noolaatid deggaan leh kalsooni iyo taxadar oo leheen jir dil ama xog adeegsi.
Caafimaad iyo cunto Inaa heshid daryeel caafimaad iyo isbitaal iyo daryeel ilko haddii aad u baahato Inaa hesid cunto nafaqo leh iyo laguu xushmeeyo haddii adiga aad tahay fegiteriyaan[vegetarian], ama diin ama sababo kale darteed aadan cuntooyinka qaarkood u cunikarin. Jirkaada iyo alaabtaada In alaabtaada adiga shaqsin qaaska kuu ah laguu nabadgaliyo. Laakin haddii shaqaalaha guriga u maleynaayaan in adiga haysatid wax aad ku dhaaci kartid naftaada ama dadkale, marmar ayaga waxey xaq u leeyahiin iney qolkaada baaraan Inaan meesha aad ku nooshahay ciqaabid lagugu suubin Inaa u diidi kartid shaqaalaha iney darkaada baaran haddii xitaa aad u saxiixday wada heshiin aad ugu oggolaatay. La xiriirida waalidka iyo saaxiibaha In badanaa xiriir la leedahay waalidka, walaalaha ama dadkale oo adiga muhiim kuu ah. Gacanta koowada waa adiga baahidaada uu inaa la kulantid waxa la xushmeynaayo. Inkasto eysan markasto noqoneyn sida aad adiga doneyso. Haddii aad meesha ku imaatay go aanka sharciga LVU wuu yaran kara xiriirka aad waalidkaada la leedahay. Haddii aad buuxisay 15 sano waa ka dacwoonkartaa go aan noocay oo maxkamad baa ku dacwoon
Inaa warqad u qortid ama wacatid qofkaa dooneyso, haddii uusan jirin go aan sheegaayo inaa sidaas suubin karin. Yaa la hadli aniga haddii aan dareemaayo iney wax qaldanyahiin ama sidii la doonaayay eysan eheen? Gacanta koowada waxaa la hadli qofka xiriirka ku la leh meesha aad ku nooshahay, qofka mas uulka ka ah ama shaqaalaha kale. Haddii aad dacwo ka tahay, waxyaabaha laguu qorsheeyay ama aadan ku qanacsaneen la kulmida waalidka ama dadka kale, waxaa la hadashaa xoghayahaada. Haddii aad weeyso xoghayahaada ama asaga ama ayada eysan kala jecleen waxa aad leedahay, waxaa la xiriiri kartaa maamulaha xoghayaha. La soo xiriir Hey adda kormeerida daryeelka iyo kaalmeenta[inspektionen för vård och omsorg (IVO)] haddii aad dacwo ka tahay daryeelka, haddii adiga tusaale ahaan aadan ka qeyb-qaadan qorsheynta adiga ku quseeyso, ama haddii xaqaada laguu xushmeyn. IVO baa kormeerid ku suubiso guryaha oo loo yaqaan HVB-hem. Taasna micnaheeda waxey tahay in IVO ey hubiso ciladaha iyo arrimahaas wax laga qabto. Laakin IVO ma badalikarto go aan uu gaaray guddiga adeega bulshada ama maxkamad. IVO waxey booqosho oo kormeerid ugu imaan ugu yaran labo jeer sanadkii. Inaa kaligaa la hadli kartid IVO markey booqashada kormeerida idin kugu imaadaan, ayagoo waalidkaa oggolansho ka haysan iyo ayagoo kula joogin. Adiga baa go aanka iska leh haddii aad dooneyso inaa la hadashid IVO. Inuu magacaada sir ahaado markaa la xiriireyso IVO. Laakin haddii aad dooneyso tusaale ahaan in lagu caawiyo oo wax qaldan la saxo, waa qasab in IVO oggaataa guriga arrinta ey quseeyso. Aaad bey muhiim u tahay in dowlada na weeydiiso anaga, waa anaga dadka garanaayo sida xaalada ey tahay
Aniga qofka aan guriga xiriirka la leeyahay: Xoghayaheyga: Telefoonka oo xafiska adeega bulshada: Haddii aad wax su aalo ka qabtid oo ku saabsan meesha lagu geeyay waxaa usoo diri karta e-mail IVO ama soo wicikartaa telefoonka carruurta oo IVO 020-120 06 06, furanyahay isniin ilaa jimco saacada 8 18. e-mailka: beratta@ivo.se www.ivo.se/beratta Inspektionen för vård och omsorg (IVO), Box 45184, 104 30 Stockholm IVO2013-8 www.ivo.se 010-788 50 00 Grafisk form: Svensk Information Foto: Folio Bildbyrå, Johnér Bildbyrå, Matton Bildbyrå. Personerna på bilderna har inget med sammanhanget att göra.