SOMALISK a AF-SOOMAALI

Relevanta dokument
Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Miyaa garaneysaa xuquuqyada adiga ku quseeyo?

Ku soo dhowoow dugsiga Xannaanada ee...

Kulturstöd, Göteborgs Stads kulturförvaltning, Norra Hamngatan 8, Göteborg

Shuruudaha waxbarasho ee darajada E, ee fasalka 6 aad

Ku soo dhawaadda shaqada

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga sare oo ardeyada caqliga dhiman

Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka shaqaysato?

Warbixin loogu talagalay dhibbaneyasha denbi-falka

Ku soo dhawaada Degmada Vingåker!

Qorshe cusub oo koors waxbarasho oo loogu talo galay dhigista af iswidhishka ee dadka soo galeytiga ah (sfi)

Amaanka gaariga. sidaan ayaad u ilaalineysaa naftaada iyo ilmahaaga. Information på somaliska

Qoraal ku saabsan qaraarka xuquuqda carruurta

Inledning. Hordhac. svenska. somali

Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda

Dulqaaxumo Intolerans

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Sida loo dhiso jaaliyad

LIFFAQA 2 Taariikhda Somaliska

Ku soo-dhowaada goobta internetka ee ciidanka booliska ku saabsan dambifalka sokeeyaha Falalkee la oran kara wa dambifalka sokeeyaha?

Ku soo dhawaada degmada Katrineholm. Information om Katrineholms kommun på Somaliska

Transportyrken på sju språk

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Qofka adigoo kale ah ee lagu daaweeyo daawada ENBREL WARBIXIN BUKAANKA LOOGU TALAGALAY

Somaliska. Dexter. Gelinta jadwalka iyo warbixinta daqliyada ee loo gudbiyo dugsiga xannaanadda iyo goobaha wakhtiyda firaaqada

Haddaad dooneyso in la qiimeeyo waxbarashadaada. Buug ka hadlaya qiimeynta tacliinta sare iyo waaya-aragnimada xirfadeed ee dalalka kale

In shirkad. laga furto. Iswiidhen

Sverige en introduktion. Dalka Iswiidan warbixin kooban. del 1 kort om sverige. qaybta 1 warbixin gaaban oo iswiidhan ka hadlaysa. svenska.

Somaliska. Quseeyso dhallinyarada da dooda tahay 16 ilaa 20 sano: Dugsiga sare

Waxaannu ku siinaynaa talo, taageero iyo daryeel ama daaweyn ( Vi ger råd, stöd och behandling på somaliska)

Gunnada marka barnaamijka laga qaybgalo iyo safarada. Lacagta gunnada ah marka aad ka qaadaneyso barnaamij

När du hyr din/familjens lägenhet. Markaad guri ijaaratid

Somaliska. Barn älskar böcker

Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin]

Diiwaangelinta waxaa lagugu weydiin doonaa

Veckonytt Hagagymnasiet Vecka

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Ku soo-dhowoow Xafiiska Shaqada

IT ikapp. Handbok i dator- och internetanvändning SOMALISK VERSION

Gunnada shaqo meelaynta ee khuseeysa adiga waddanka Iswiidhan ku cusub

BARNENS SKIDSPEL INBJUDAN TILL: Lördag 8 mars, kl 10-13, Riksskidstadion Lugnet Falun.

Ma ku fekersan tahay inaad degmada degmada Kramfors degto?

KHUSEYSAA ADIGA OO DIIDMO LA SIIYAY OO DOWLADA KA DHUUMAN. Photo credit: Chris de Bode/Save the Children MALMÖ HELSINGBORG

Oo loogu tala galay dhalinyarada waaweyn Waxbarasho dadka waaweyn

sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Tababarka dhaq-dhaqaaq ee murqaha afka ee culeyska weyn koro

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Qofka doonaya inuu magangelyo waydiisto Iswiidhan

Daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsiga. Warbixin ku socota qofka lagu daryeelayo sharciga khuseeya daryeelka khasabka ah ee cilmi-nafsig

Sonkor/Sonkorow. Waxa jira saddex nooc oo ah sonkor/sonkorow.

Caymis bukaan oo loogu talogalay dadka oo dhan HADDII DHAAWAC KAA SOO GAADHO DARYEELKA CAAFIMAADKA

TVÅ SPRÅK ELLER FLERA? LABA AF AMA KA BADAN? Råd till flerspråkiga familjer. Talooyin ku socda qoysaska afaf badan ku hadla

Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]!

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

Wadajir Stockholm WAXQABADYADA URURADA EE LOOGU TALO GALAY QOFKA KU CUSUB STOCKHOLM.

sundsvall Geedi socodka taariikh xiiso leh oo ku biyo shubatay dhaxal dhaqan nool.

Wakiilka takooridda DO

Xanuunka jidiinka (Ont i halsen)

Turjumid qoraalkii ajnabigana guud ahaan loogu gafay, soomaalidana si gaar ah loogu duray

Xaqiiji awood xirfadeedkaaga

QORAALKA BUKAAN SOCODKA OO MACLUUMAAD KU SABSAN STRATTERA KU DHIGAN YAHAY

Qofkee heli kara kirokab? [Vem kan få bostadstillägg?]

Wasaaradda Waxbarashada. Jiheeyayaasha dadka cusub iyo luqad badnaanta

Quseeyso carruurta da dooda tahay 7 ilaa 15 sano: Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada. Somaliska

In tababarte laga ahaado hey ad dowladeed

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee dhalinyarada aan carruurta lahayn [Bostadsbidrag till unga utan barn]

Warbixin kooban ku saabsan dugsiyada sare ee dalka Iswiidan

Inaga Stockholm-teena Oo ay la socoto khariirada Stockholm

Somaliska. Goorma samaynayaa mammogramka. RG_Mammografi_A5_SV_somal.indd :17:38

1 (7) Faktablad: FK 4070_Fa somaliska. Uppdaterad:

Xiliga ugu horeeya eed kulantaan waxa loogu talo galay waalidka cusub

Madax xanuunka (huvudvärk).

Ilmahaagu ma leeyahay qandho, qufac, dhuun- ama dhega-xanuun? Warbixin loogu talagalay waalidka. Somaliska

Talo iyo warbixinta sameynta qalabka ilkaha la geliyo

Dugsiga xannaanada iyo barbaarinta ilmahaaga WAA QORAAL KU SAABSAN MANHAJKA DUGSIYADA BARBAARINTA

Su aalo iyo jawaabo ku saabsan kaalmo dhaqaale (cayr)

in qof ilkaha. Västmanlandd qoran xiriir laa leh takhtarrada xulan karto. Guud ahaan hagaajin kale u baahan. hoqidda ka bogsanayaa.

Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Ilkahaagu waa muhiim. Maalin walbaad u baahan tahay.

Sidaan ayee uu ushaqeeyaa dalabka magangalyada

Välkommen till fritids Ku soo dhowoow dugsiga firaaqada ee

Waalidku waa ilaha carruurtu ka hesho aqoonta

Små barns mat - goda matvanor tidigt i livet

Ka kaluumeysiga. Iswiidhan. Waxaa maalgeliyay Hay'ada Illaalada Deegaanka Iswiidhan (Naturvårdsverket)

Provnummer , skrivtid max 1,5 timme Väl godkänt = 86% = 96 rätt. Godkänt = 61% = 68 rätt

Kaalmada kirada guriga [Bostadsbidrag] ee qoysaska carruurta leh [Bostadsbidrag till barnfamiljer]

Raadiska magangalyada habkaan ayuu uu ushaqeeyaa

somaliska / Soomaali Calool istaaga wakhti dheer jiray ee caruurta ka wayn da'da 1 sanno

Goorma samaynayaa mammogramka

Aaan midabayno Gothenburg waa qorshe ay iska kaashanayaan Måleriföretagen i Sverige, Framtiden, Gothenburg 2021, AkzoNobel

Su aalo iyo jawaab ku saabsan sariir ku kaadinta Soomaali somaliska Buugan yar waxa soo saaray Maxadka Iswiidhishka ee isku kaadinta habeenkii

Senast uppdaterad Svenska-engelska-somaliska arbetsmarknadsordlista

Hagidda kala soocidda

Warbixin ku saabsan bulshada dalka Iswiidan ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray

Översatt av Sahro Aden Dulle

Ku soo dhowow Laholm

Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga

Caafimaad dareen Ramadaan dhexdeeda. -Xaqiiqooyin iyo talooyin wanaagsan

Transkript:

OMVÅRDNAD GÄVLE SOMALISK a AF-SOOMAALI Värdighetsgarantin Balanqaad daryeel qiimo leh

Balanqaad daryeel qiimo leh Waxaa go àansaday waaxda daryeelka, degmada Gävle 2012-12-19. Waxaa ay shaqayneysaa laga bilaabo 2013-03-01. Waxaa ay bedeleysaa qoraalkii horay loo oran jirey tayo hubin. 1. BILOW Diiwaanka balanqaadka daryeel qiimo leh waxaa ku jira ama ay xambaarsan tahay balamo kuwaasoo ay waaxda daryeelka waayeelka ee degmada Gävle dooneyso iney u fuliso macaamiisheeda. Waxaa kale oo ay kuu sheegeysaa tilmaamo ku saabsan waxii aad fali lahayd haddii ay waaxdu arimihii ay balanqaaday u fulin weydo si lagu qanacsan yahay. Balanqaadka daryeel qiimo leh waxaa ay ka duuleysaa qiimeyn-qarameedka jira ee ku saabsan daryeelka waayeelka kaas oo salka ku haya sharciga arimaha bulshada cutubka 5`aad.nuqulkiisa 4 : Sharciga arimaha bulshada ee daryeelka dadka waayeelka ah waxaa uu ku jihaysan yahay in dadka waayeelka ahi ay ku noolaadaan nolol qiimo iyo sharafi ku dheehan tahay ayna dareemaan wanaag (qiimeyn sal leh) iyo weliba sharciga arimaha bulshada cutubka 5`aad.nuqulkiisa 5 : Qofka waayeelka ahi waa inuu sida ugu suurtogalsan, u doortaa wakhtigii uu rabo in loo fidiyo kaalmo iyo taageero ku saabsan noloshiisa iyo waxyaalaha kale ee sahlan ee loo qaban karo Degmada Gävle waxaa ay dooratay iyadoo tixraaceysa qodobada kore iney sameyso balanqaad salka ku haya qiimeyn iyo qaab-sharfeed kaasoo ku saabsanaan doono dhamaan shaqooyinka hoos yimaada waaxda kaalmada waayeelka. Balanqaadkaasi ma quseeyo oo keliya dadka waayeelka ah balse waxaa kale oo uu taabanayaa dadka dhalinta yar ee xubnahoodu kala dhiman yihiin, kuwaas oo loo ogolaaday in wax loo qabto iyadoo la raacaayo sharciga kaalmada iyo waxtarka ( LSS). Waxaa kale oo ay arintaani taabaneysaa daryeelka iyo shaqada ay waaxda daryeelka ee degmadu fuliso iyo weliba kuwa kale ee howlaha noocaan oo kale ah ay waaxdu u dhiibtey iney fuliyaan. Balanqaadka waxaa laga wadaa in waaxdu ay saxdo waxii qaldamay. Hayàda fulinta daryeelka dadka waayeelka ah waxaa ay balanqaadka qiimeyn-sharafeedka ku dhamaystireysaa tilmaamo guud kuwaas oo quseeya shaqooyinka kala duwan. (Guryaha curyaanka iyo dadka kaalmada u baahan, adeega dadka tabarta yar loogu fidiyo guryahooda, qofka oo si shakhsiyan ah loo caawino iwm ). Waxaa kaloo balanqaadkaani uu sharaxayaa arimaha ku saabsan howlaha daaweynta kuwaas oo ay hayàda caafimaadka iyo sharciyada bukaansocodku (HSL) hogaamiyaan. Shuruuda in balanqaadkaan qaab-sharaf dhaqameedka lagu siiyo waxaa weeyaan iyadoo ay gacanhayayaasha kaalmada ee waaxda daryeelka goàansadeen in lagu siiyo gacanqabasho iyo kaalmo. Balanqaadku waxaa uu ku wajahan yahay adiga ka macaamiil ahaan isticmaalka kaalmooyinka waaxda daryeelka. Qodobo balanqaadka ka mid ah waxaa ku jira qaybo kuu sheegaaya tayadda kaalmada laguu ogolaaday. Waxaa kaloo isla markaas ay tilmaan siineysaa 1

madaxda iyo shaqaalaha fulinaaya howlahaan kaalmada ah. Qaybo ka mid ah xaddaynta kaalmadaas iyo waxqabadkaas waxaa la bayaamiyey wakhti hore si aad u ogaato waxyaalaha aadan ka filan karin waaxda kaalmada ee degmada. 2. QIIMEYNTA KAALMADA Sida ka dhexmuuqata qoraalada dhinaca sharciga ah, ma aha kuwo degmada si tafatiran u faraya kaalmada ama dayeelka ay dadka u baahan u fidineyso.taasi waxaa ay degmo walba siineysaa fursad ay si xor ah ugu goàansan karaan waxyaalaha dadka laga kaalmeynaayo iyo qaabka loo kaalmeynaayo. Qofka kaalmada u baahana waxaa ay siineysaa fursad uu kusoo bandhigo hadba waxa uu u baahan yahay. Sidaas darteed howlwadeenada iyo gacanhayayasha waxaa ay doonayaan iney ku dhegeystaan si ay u ogaadaan daryeelka iyo kaalmada aad u baahan tahay ee kugu haboon iyadoo la eegaayo baahidaada iyo rabitaankaaga. Dhamaan dadka degmada ku nool, ama jooga degmada Gävle ayaa kolka la eegaayo sharciga dhinaca daryeelka bulshada waxaa ay dalban karaan kaalmo iyo gacanqabasho.arimahaasi waxaa ay soo hoos gelayaan masuuliyada waaxda daryeelka dadweynaha. Codsiga kaalmada waxaa loo dirayaa qaybta qaabilsan daryeelka iyo kaalmada ee degmada Gävle.Hayàdaas ayaa baaritaan ku samayneysa baahida qofka iyo qaabka loo gaarsiin lahaa kaalmadaas. Goàanka kolka la gaaraayo, waxaa qof walba loo fiiriyaa si gaar ah oo waafaqsan sharciga. Waa inaad ogaataa in go`aan ka gaarista baahidaada ee hay`ada daryeelka aaney si toos ah ula mid ahayn in aad heli doonto kaalmo ama daryeel ku salaysan doonitaankaaga. Howsha gacanhayaha degmada waxaa ka mid ah inuu ku siiyo hogaamin sidii baahidaada nololeed si hufan wax looga qaban lahaa iyadoo aan degmada ama cid kale faraha lasoo gelin. Waxii ay gacanhayayaasha waaxda daryeelku kuu ogolaadaan waxaa ay ku salaysan yihiin xaqa uu kusiinaayo sharciga daryeelka bulshada ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (SoL), iyo weliba sharciga kaalmada iyo wax u qabashada dadka curyaanka ah ( LSS). Wax kasta oo la qabanaayo waxaa lagu salaynayaa hal ku dhiga ah xaqa uu qofku u leeyhay caawinaad ee ku sugan sharciga (SoL) iyo sharciga xaqa uu qofku u leeyahay waxtar ee ku sugan sharciga (LSS). Haddii aadan ku qanacsanayn s go`aan ay gaartay waaxda daryeelka degmada Gävle, waxaa aad ka qaadan kartaa racfaan 2.1 XAQA AAD U LEEDAHAY KAALMO AMA WAXTAR Degmada Gävle waxaa ay sida sharcigu faraayo waajibaad ku ah iney kaalmo iyo waxtar u fidiso dadka u baahan si ay noloshoodu u noqoto mid caadi ah oo wanaagsan Cutubka 4 `aad, nuqulka 1 SoL waxaa uu qofka xaq u leeeyhay kaalmo iyo taageero kol haddii aanu qofku isagu si kale isubixin karin. Nuqulka 7 ee sharciga LSS waxaa uu leeyahay xaqa caawinaada waxaa iska leh: -dadka qaba xanuun dhinaca maskaxda ah, dhimirka, ama cudurada la midka ah 2

-cudur maskaxda iyo xubnaha ah kaas oo aan baxi doonin ama dhaawac dhinaca maskaxda ah ee uu keenay dhaawac ama jirdil qofka ku dhacay yaraantiisii ama isagoo weynba, ama uu keenay cudur -xanibaadyo ama xanuun jirka ama maskaxda ah kuwaas oo aan ku xirneyn gabow ama duqnimo.waa haddii aaney sidaas u weyneyn ayna keeneynin baahida kaalmo aad u weyn. 2.2 UJEEDADA KAALMADA AMA WAXTARKA Kaalmada la ogolaado iyadoo la tixraacaayo sharciga SoL waxaa ay ku wajahan yahay: -shakhsiga oo la siiyo ama loo ogolaado kaalmo taas oo siineysa nolol heer fiican leh una horseedi karta inuu qofku ku noolaan karo nolol xor ah oo aanu qofna ku xirneyn. Sidaa waxaa oranaaya sharciga (SoL cutubka 4`aad nuqulkiisa 1 ). Howlaha la ogolaado iyadoo la raacaayo sharciga LSS waxaa y ku wajahan yihiin: - waxaa la diiri gelinayaa sinaan iyo cadaalad nololeed taas oo horseedi karta in qofka kaalmada u baahani uu arimaha bulshada uga qaybgalo si toos ah.arinkaas waxaa ay ku sugan tahay sharciga (LSS nuqulkiisa 5 ) - qofka la kaalmeynaayo waxaa loo suurto gelinayaa inuu u noolaado sida caadiga ah ee dadka kale sida uu qabo shacriga (LSS nuqulkiisa 5 ). 2.3 HEER NOLOLEED WANAAGSAN Qofka loo ogolaado kaalmo, waxaa la doonayaa iyadoo la raacaayo sharciga SoL in ay kaalmadu u suurtogeliso heer nololeed wanaagsan (SoL cutubka 4àad nuqulka 1 ). Howl-wadeenada dhinaca kaalmada howshoodu waxaa weeyaan iney baaraan, go àamiyaan kaalmada buuxin karta baahida uu qofku qabo. Aasaaska go`aamada lagu salaynaayo waxaa weeyaan kaalmo intee le`eg ayaa buuxin karta baahida uu qofku qabo. Waxaa kaloo tixgelin la siinayaa sidii ay noloshaadu ahayd intii aan baahida haatan ku haysaa meesha soo gelin. Kaalmada ay howl-wadeenadu kuu go àamiyaan waa mid ku wajahan mustaqbalka oo la doonaayo iney daboosho baahidaada, isla markaasna aad si fiican ugu noolaato. Noloshaas oo la mid ah midii aad ku noolayn intii ka horeysey baahida haatan aad qabto. 2.4 SHURUUDAHA NOLOL WANAAGSAN Qofka loo ogolaado kaalmo iyadoo la tixraacaayo sharciga LSS, go àana laga gaaray arinkaas,waa in ay u kordhisaa qofka qaab nololeed wacan (sharciga LSS nuqulkiisa 7 ). Waxtarka ama kaalmada ay howl-wadeenadu kuu ogolaadaan waa iney noqdaan kuwo ku haboon baahida gaarka ah ee aad qabto, waana iney yihiin kuwo aad si sahlan u heli kartid waxna kuu tari kara. Daryeelka laguu fidinayaa waa inuu noqdaa mid xoojin kara qaab nololeedkaaga kuuna fududeyn kara inaad nolol caadi ah ku noolaatid. 3

3. WAXA AAD XAQ U LEEDAHAY INAAD HESHO AMA AAD FILATO 3.1 TAYO WANAAGSAN Sida uu qoraayo sharciga kaalmada cutubkiisa 3 àad ee SoL iyo nuqulka 6 ee sharciga LSS waa in kaalmada qofka loo fidinayaa ay noqotaa mid tayo leh. Tayada wanaagsan waxaa ka mid ah iney jiraan shaqaale leh waxbarasho wanaagsan iyo khibrad wacan.waa iney joogaan shaqaale qofka baahida kaalmo ee uu qabo ka siin kara caawinaada uu u baahan yahay. Tayada shaqada waa iney ahaataa mid mar walba la horemarinaayo. Waaxda daryeelku waxaa ay adkeyneysaa muhiimada ay leedahay in si wanaagsan loo qaabilo waxna loogu qabto qofka kaalmada u baahan. Waana in kaalmadu tahay mid leh tayo wanaagsan. Taas macnaheedu waxaa weeyaan in qof walba loola kulmo si gaar ah oo ku haboon qofkaas iyadoo aan la eegeynin qofku inuu yahay lab ama dhedig, diintiisa, curyaan hadduu yahay, jinsigiisa iyo weliba da`diisa. 3.2 WARBIXIN Markasta waxaa aad xaq u leedahay inaad hesho warbixin ku saabsan sida ay howlaha daryeelku u socdaan, waxyaalaha aad xaq u leedahay, iyo weliba qaababka kala duwan ee kaalmo laguugu fidin karo. Shaqaalaha hayàda kaalmadu waxaa ay warbixin kugu siinayaa af aad fahmeysid ( luqad, hadal iyo weliba haddii loo baahdo waraaqo sahlan iwm). Waxaad heleysaa warbixin ku saabsan: -waxyaalaha ay shaqadu ka kooban tahay, sida loo maamulo iyo yoolka howsha laga leeyahay ee la donaayo in lagaaro -tayo noocee ah ayaa laga doonayaa in howsha la qabanayaa yeelato, sidee ayeyse dadka kale u qiimeyn karaan howshaan, macaamiisha iyo hayàadka dowladuba -maxaa loo baahan yahay si aad qayb uga hesho howshaas -imisa waxyaalood ayaad kala dooran kartaa, maxaadse xaq u leedahay -kharash intee le`eg ayaad ku bixineysaa howlaha kaalmada ee laguu ogolaaday. 3.3 FURSADAADA INAAD SAAMMAYN YEELATO Waaxda daryeelku waxaa ay dooneysaa inaad saammayn buuxda ku yeelatid,qayna aad ka qaadatid qaabka laguu siinaayo kaalmada iyo weliba kaalmada aad dooraneysid nooca ay tahay iyo qaabka loo fulinaayo. 3.3.1 SAAMMAYN Waxaa lagu siinayaa fursad aad saammayn ku yeelan kartid qaabka laguu kaalmeynaayo iyo howlaha laguu qabanaayo. Kaalmadaas oo ku haboon baahida aad qabto ee uu qeexaayo hab nololeed wanaasgan ee sharciga (SoL) iyo kan (LSS). 4

3.3.2 FURSAD DOORASHO Qofka degan guri gaar ah oo loogu talo galay waxaa uu heli karaa fursad uu guri kale ugu bedelan karo. Haddii aad qabto baahi gaar ah oo dhinaca hoyga ah waxaad codsan kartaa guri ku haboon baahidaada deegaaneed. Qofkii la caawino isagoo gurigiisa jooga waxaa uu kala dooran karaa hadba ciddii caawinaada siin lahayd, degmada ama shirkad gaar loo leeyahay. Sharcigu waxaa kaloo uu xaq kuu siinayaa inaad dooran kartid qof caawine ah. Shaqaalaynta qofkaasna waxaa aad ku leedahay door iyo saammayn weyn. 3.3.3 KA QAYBQAADASHO Waxaad ka qaybqaadan kartaa oo aad saammayn ku yeelan kartaa sidii aad u isticmaali lahayd kaalmada daryeelka ee laguu ogolaaday. Waxaa muhiim ah in lagula tashado maadaama aad tahay qofka caawinaada loo ogolaaday si aad qayb uga noqoto qorshaha dhaqangelinta howsha. 3.4 QAABILAADA Waxaad xaq u leedahay in si wanaagsan oo soo dhoweyn leh laguu qaabilo. Waxaa kaloo si wanaagsan loo soo dhoweynayaa qaraabadaada iyo dadka kale ee ku lug leh arimahaaga daryeelka. Markasta oo aad la xiriireyso hay`aadka dowliga ah waxaa waajib ah in si xushmad leh laguu soo dhoweeyo. Qaabilaada wanaagsani waxaa ay suurto gelineysaa in la daboolo baahidaada aadna dareento kalsooni. Gacanhayaha dhinaca kaalmada iyo shaqaaluhuba waa iney si fiican u dhegeystaan waxyaalaha aad dooneysid. Kulan qiimo leh waxaa uu ku siinayaa kalsooni iyo aaminaad aad ku qabto dadka ku kaalmeynaaya iyo howsha laguu qabanaayo. Waxaad mar kasta aad xaq u leedahay in lagu dhegeysto isla markaasna laguula kulmo si sax ah oo ay ku jirto qiimeyn iyo qadarin aad si fiican u fahmi kartid. Shaqaaluhu waa iney: - waa iney leeyihin aqoon buuxda oo adiga kugu saabsan si ay howsha aad baahida u qabto ay kuu fuliyaan - waa iney ogaadaan waxyaalaha keeni kara inaad dareento kalsooni iyo aaminaad iyo waxyaalaha keeni kara in kalsoonidaadu xumaato - waa iney ku xushmeeyaan oo ay qalbigooda kuusoo jeediyaan, waa in aaney ku hadlin taleefoon, waa in aaney madaxa kaa jeedin, waa iney kuu fuliyaan shaqadii loo idmay. 5

3.5 XIRIIRKA QOF AHAANEED Si loo hubiyo loona xoojiyo xaqa aad u leedahay inaad saammeyn ku yeelato waxyaalaha laguu qabanaayo, waxaa laguu samaynayaa qof shaqaalaha ka mid ah oo xiriirkaaga si gaar ah u qaabilsan. Mar kasta ma haboona in qofka loo sameeyo qof u qaabilsan xiriirka. Tusaale ahaan haddii wakhtiga qofka la kaalmeynayaa uu yahay mid kooban looma baahna in la sameeyo qof xiriirka qaabilsan.waxyaalaha uu qabanaayo qofka xiriirka qaabilsan waxaa masuul ka ah madaxa waaxda kaalmada. Qofka xiriirka kuu qaabilsani waa inuu yahay mid aad is fahmeysaan oo aad ku kalsoon tahay, howshaadana sidii loogu talo galay u qaban kara. Qofka xiriirka kuu qaabilsani waa inuu: - u shaqeeya sidii xiriiriye isku xira adiga iyo shaqaalaha waaxda kaalmada. Waana inuu ka shaqeeya iney howlahaaga kaalmadu noqdaan kuwo isku xiran. Waana inuu sahlaa in dadka howsha kuu qabanayaa ay yihiin kuwo isku xiran oo iska waryaha - siiyaa warbixin adiga iyo dadka qaraabadaada ah waa haddii aad ogoshahay hadba waxii isbedel ah ee kusoo kordha qaabka daryeelkaaga iyo waxii kale oo su àalo ah ee arinkaas ku saabsan - wakhti joogto ah ama la isku raacay uu kula joogaa kaana waraystaa hadba sida aad dareemeysid iyo sida aad u aragtid qaabka ay howlahaaga kaalmadu ku socdaa - haddii baahi ay jirto ama aad isku raacdaan inuu kaa caawino nidaaminta waxii dhaqaale ama lacag ah iyadoo la raacaayo sharciga horay loo dejiyey. Waxaad mar walba xaq u leedahay inaad iska bedesho qofka xiriirka kuu qaabilsan, umana baahnid inaad wax sabab ah aad sheegto.waxaa si ku meel gaar ah xiriiriye kuu ahaanaaya qof kale kolka uu xiriiriyihii joogtada ahaa fasax ku maqan yahay. 3.6 QORSHAHA DHAQANGELINTA Qorshaha haqangelinta waxaa qaabeynaaya waaxda degmada iyo qofka kaalmada loo fidinaayo ama qof matalaaya qofkaas. Waana qorshe ama heshiis ay wada galeen hay`aa kaalmada fidisa iyo qofka kaalmada loo fidinaayo. Waa ay fiican tahay haddii adiga naftaada ama qof qaraabadaada ah uu warbixin shaqaalaha ka siiyo sida ay noloshaau haatan tahay si ay u ogaadaan waxyaalaha aad u baahan tahay ee aad muhiimka kuugu ah. Ujeedadu waxaa weeyaan in baahidaada daryeelka loo daboolo si aad ku qanacsan tahay. Qorshaha fulintu waxaa uu: - iyadoo la tixraacaayo goàankii kaalmada laguugu ogolaaday uu bixiyo sharaxaad urursan oo ka hadleysa meesha, goorta iyo shaqada laguu qabanaayo sida loo qaabayn lahaa - soo bandhigayaa doonitaankaaga ku saabsan sida ugu wanaagsan ee wax laguugu qaban karo ama loo fulin karo howsha kaalmada ah ee laguu ogolaaday - in tixgelin gaar ah la siiyo rabitaanka qofka kaalmaa u baahan iyadoo la eegaayo xubnihiisa kala dhiman, da`diisa, dhaqankiisa,diintiisa, lab iyo dhadig iyo weliba waxii kale ee saamayn ku yeelan kara qaabka loo fulinaayo howsha kaalmada 6

- tusayaa qayb ka noqoshadaada qorshaha lagugu kaalmeynaayo iyo weliba sida wax loo nidaaminaayo si aad u qanacdo - muujiyo sida ay u wada shaqeeyaan waaxda kaalmada iyo dadka qaraabada ah iyo dadka kale ee howsha qofka ka qayb qaata -waxaaa la bilaabaa hal isbuuc gudahiis islamarkaana waa inuu diyaar noqdo ugu dambeeyn 14 maalmood kaddib markii go'aanka kaalmada/talaabada uu hirgalo - ka dib waa in qorshuhu ahaadaa mid la joogteeyey mar walbana dib loo eego ugu damayn 6-dii biloodba mar, haddii aanu dhicin wax isbedel ah oo keeni kara in wakhtigaas ka hor qorshaha dib loo eego. Qorshaha fulintu waa inuu tixgelin siiyaa sharciyada iyo heshiisyada dhinaca shaqada, wakhtiga iyo weliba arimaha deegaanka. 3.7. AQOONTA SHAQAALAHA IYO JOOGTEYNTA SHAQADA Waxaad la kulmi doontaa shaqaale leh aqoonta loo baahan yahay si aad u hesho daryeel joogto ah, kaas oo ah midka aad xaq u leedahay. Shaqaale aqoon u leh cudurada kala duwan sida cudurka waayeelka ku dhaca ee halmaanka, kuwa maskaxda iyo weliba luqada dhegoolayaasha ayaa kolkii loo baahdo la helayaa. Waxaa ay waaxda kaalmadu ee degmada Gävle kaloo leedahay howlo gaar ah oo ku wajahan dadka arinkaas sida gaarka ah ugu baahan. 3.7.1 SHAQAALE- IYO DARYEEL JOOGTO Waxaad xaq u leedahay kaalmo joogto ah iyo daryeel muuqda.waaxda daryeelku waxaa ay dooneysaa in sida ugu suurtogalka ah ay u xaddido tirada dadka ku caawinaaya ama taageerada aad u baahan tahay kuu fidin doona. Wakhti fiican ayaa laguu soo sheegi doonaa haddii la bedelaayo dadka kuu shaqaynaaya tusaale ahaan wakhtiga fasaxa lagu jiro ee kuleylaha. Daryeel joogto ah waxaa suurtogelin kara shaqaale aqoon leh iyo wadashaqayn ka dhexeysa dhamaan dadka ay arintaani qusayso. Waxaa kaloo muhiim ah in wadahadal uu dhexmaro adiga iyo dadka kaalmada kuu fidinaaya. Shaqaaluhu waxaa ay haystaan warbixin kugu saabsan, waana kuwo si wanaagsan ula socda xaaladaada caafimaad. Qofka kaalmada la siinayaa isagaa og waxii u dan ah iyo qaabkii loo siin lahaa. Waxaa lagaa doonayaa inaa mar walba la socoto oo aad eegto in shaqaalaha kuu imaanayaa yihiin kuwo leh aqoontii iyo khibradiii looga baahnaa si howsha laguu qabanayaa ay u buuxiso shuruudaha uu sharcigu dejiyey. Waxaa kaloo shaqaalaha laga doonayaa iney yimaadan wakhtiga aad ku heshiiseen ee loogu talo galay iney howshaas ku fuliyaan. 7

3.8 WADASHAQAYN/QARAABADA Wadashaqaynta waxaa looga gol leeyahay inaad hesho daryeel iyo kaalmo leh tayo wanaagsan. Saldhiga wadashaqayntu waa wadatashi iyo in qofka kaalmada la siinayaa ama dadka matalaaya uu la socdo raalina ka yahay hadba waxii la qabanaayo iyo talaabada la qaadaayo. Wadashaqaynta iyo hantida la haysto oo si wadajir ah loo isticmaalo ayaa degmada Gävle waxaa ay siineysaa muhiimad weyn. Taas ayaa ujeedadeedu tahay in la daboolo baahida dadka ku nool magaalada gudaheeda iyo banaankeedadba. Muhiimaba ugu weyn waxaa weeyaan in la helo waxqabad iyo daryeel joogto ah oo tayo leh. Qaabka loo maamulaayo daryeelka dadka iyo sida lagu gaarsiinaayo waa in aaney xanibaad ku noqon helitaanka daryeelka. Gacanhayaha dhinaca kaalmada iyo fuliyayaashu: - waxaa ay iyagoo kula tashanaaya cabirayaan in haddii wadashaqaynta ku saabsan arimahaaga kaalmada ay waxtar u leedahay kor u qaadista tayada daryeelka lagu siiyo. - waxaa haddii ay faa`iido u arkaan ay la xiriirayaan haya àdaha kale si loo baaro waxtarka uu keeni karo iskaashi iyo wadashaqayn dhexmara tusaale ahaan lataliyayaasha caafimaadka iyo guud ahaan caafimaadka. Waxaa aad soo gudbin kartaa fikirkaaga iyo doonitaankaaga ku saabsan hayàadka aad dooneysid inaad wadashaqayn la yeelato. Yoolku waxaa weeyaan inaad hesho daryeel wanaagsan oo isku xiran. - waxaa ay ka shaqaynayaan in la helo iskaashi lala galo hayàadka daryeelka, ururada iskaa wax u qabso, meelaha lagu kulmo iyo ururada kale ee qayb weyn ka qaata arimaha daryeelka bulshada. 3.8.1 QARAABADA Wadashaqayntu waxaa kale oo ay taabaneysaa dadka adiga kuu ah muhiimka.waxaa uu noqon karaa qofka adiga wakiilka kaa ah, dadka qaraabadaada ah ama dadka kuu dow-dhow ee aad aaminsan tahay kuna kalsoon tahay. Dadkaas ayaa kugu biirin kara khibrad iyo waxtar ku saabsan dhinaca caafimaadka. Taas macnaheedu waxaa weeyaan in dadkaasi ay awoodaan: - iney qayb ka noqdaan qorshaynta iyo fulinta howlaha daryeelka ee wax laguugu qabanaayo, waa haddii aad adigu raali ka tahay - iney kaala hadlaan arimahaaga caafimaadka iyo daryeelka ayna kuu sheegaan fursadaha jira iyo weliba dhinaca warbixinta ku saabsan kaalmada Qaraabada ee degmadu fidiso - iney soo kordhiyaan aqoon dheeraad ah oo ku saabsan qaab-nololeedkaaga iyo taariikhdiisa, wa haddii aad adigu raali ka tahay.waxaa ay ka warami karaan taariikh nololeedkaaga si aad u hesho kaalmo ku haboon baahida aad qabto - waxaa mararka qaarkood loo sheegaa warbixin ku saabsan tusaale ahaan inaad u baahan tahay qof wakiil kaa noqda. Qofka kuu qaabilsan kaalmada ayaa kaa caawin kara inaad qorto codsi aad ku dalbaneyso waxqabadka ka yimaada dhinaca qaraabada. 8

3.9 KU AAMIN QABID Waxaa la doonayaa inaad mar walba dareento kalsooni iyo aaminaad ku saabsan inaad mar kasta heleysid xaqa aad u leedahay in lagu kaalmeeyo, laguuna fidiyo daryeel waxtar leh. Si aad aaminaad iyo kalsooni u heshid waa inaad markasta codsataa kaalmo iyo daryeel. Waana iney markasta oo aad u baahatid kuu yihiin diyaar. Haddi ay soo baxdo baahi aan horay u jirin waa in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabtaa. Goobaha howsha lagu fuliyaa waa iney noqdaan kuwo buuxiya shuruudaha laga doonaayo ee ku saabsan iney yihiin kuwo howsha loogu talo galay u fulin kara si wanaagsan oo hufan. Waa in dadka curyaanka ah ama maqalkoodu dhinaca dhegaha uu yar yahay ka helaan waxyaalo u sahla iney danahooda fushadaan. Qorshe maalmeedka ku wajahan howlaha laguu qabanaayo waa inuu noqda mid abuura kalsooni oo aad ku tashan kartid, buuxina kara doonitaankaaga. Waa in qaabka laguu caawinaaya uu yahay mid aad looga fekerey oo loona nidaamiyey hab sax ah oo ku salaysan xirfad iyo cilmi. Daryeelka aad heshaa waa inuu noqdaa mid tixgelin siinaaya qaab-nololeedkaaga, waana inuu ahaadaa mid ka hortegaaya inaad dareento go`doon iyo keli ahaansho. Shaqaaluhu waxaa ay masuul ka yihiin iney isticmaalaan,dhaqaaleeyaan isla markaasna ay dalbadaan hadba qalabka kaalmada ee ay u baahan yihiin. Ka fekeritaanka dhinaca nabadgelyada ee ku saabsan isticmaalka daawooyinka kala duwan ayaa ah iyana ah arin muhiim ah. Waxaa la doonayaa in la muujiyo taxadar dheeraad ah si aanu u dhicin qalad keeni kara dhaawac iyo waxyeelo. Arimaha lagaga hortegaayo hanjabaad iyo waxyeelo ayaa ah kuwo aad loo xoojiyey loona hubiyey. Waxaa jira qorshe la hubiyey oo si wanaagsan looga shaqeeyey, lehna tixraac iyo hubin. Waxyaalahaas oo dhan waxaa loo sameynayaa in aaney dhicin wax waxyeelo ah oo qofka daryeelka u baahan gaari karta. Nabadgelyadaada qof ahaaneed waa mid aad loo ilaaliyey, ayna ka warhayaan dhamaan hayàadka ka shaqeeynaaya arimahaaga. Muhiimad gaar ah waxaa la sinayaa xaqa ay leeyihiin caruurta yar-yar. Si loo abuuro nabadgelyo iyo is-aamin waxaa jira qorshooyin nidaamsan oo loogu talo galay dhinaca hadiyadaha, qarinta sirta, cabashooyinka, nadaafada,hanjabaada, waxyeelada, difaaca dabka iyo weliba guud ahaan qaab nololeedkaaga oo si wacan loo dhowro. 3.9.1 SHARAFTA QOFKA OO LA DHOWRO Daryeelkaaga waxaa lagu salaynayaa xushmad iyo in la dhowro sharaftaada qofnimo. Ma dhici karto in dhib laguu geysto dhinacuu doonoba ha ahaadee, dhinac maskaxda ama dhinaca jirkaba. Ma dhici doonto inaad gasho xaalad kugu dhalisa in qofnimadaadu aaney muhiim ahayn. 9

Ma dhici doonto in shaqaaluhu aaney ku dhegeysan kolkii aad soo jeedisid iney jiraan wax ku welwel gelinaaya ama xadgudub kugu keeni kara. Waxaad xaq u leedahay inaad waxyaalaha gaarka kuu ah ee aad adigu leedahay aad si gooni ah u haysatid haddii aadan adigu ogolaan in shaqaaluhu kuu hayaan. Mararka qaarkood haddii tusaale ahaan uu qof isku buuqo oo uu wareersan yahay, khatarna uu naftiisa ku keenaayo oo ay dhici karto inuu laamiga ama wadada baabuurta galo oo ay baabuurto disho. Kolkaas waxaa la ogol yahay in qofkaas lasoo qabato si aan naftiisa dhib usoo gaarin.waxaa dhici karta in qofka lasoo qabtay uu arinkaas xadgudub u fahmo balse ujeedadu waa in qofkaas aaney khatari soo wajahin, sharciguna waa ogol yahay in sidaas la yeelo. Waxaa imaan kara xaalado kale oo qofka arimihiisa gaar ah lasoo farageliyo. Ujeedaduna ay tahay in qofkaasi uu helo nolol wanaagsan oo isaga iyo dadka ku dhowba ay ku qanacsan yihiin. Waxaa dhici karta in dadka qaarkiis xanuun awgiis ay awoodi waayaan iney cunto karsadaan, iney guriga ama naftoodaba nadiifiyaan, waxaa imaan karta in qofkaasi uu rabsho ku keeno dadka la degan ama ka ag dhow. Si haddaba arimahaas looga hortago waxaa muhiim noqoneysa in qofka laguu farageliyo arimihiisa si loo caawino. 3.9.2 AAMINAAD IYO KALSOONI KOLKA LA KULMAAYO Waxaa la doonayaa kalsooni inaad dareento kolka aad la kulmeysid shaqaalaha. Kolka qof loo shaqaalaynaayo caruur qabta xanuun sida uu dhigaayo sharciga LSS waxaa mar walba la sameeyaa in qofkaas laga codsado inuu keeno warqad cadayneysa in aanu horay denbi u gelin. Shaqaalaha aad la kulmeysaa waa iney markasta iskaa baraan. Dhamaan shaqaalaha (oo ay ku jiraan kuwa ku meelgaarka ah) waa iney marwalba wataan kaar uu magacoodu ku qoran yahay, waana in haddii loo baahdo ay lasoo baxaan teesaraha aqoonsiga ah ee cadaynaaya iney shaqaale yihiin. Qofka wata teesaraha shaqada waa inuu ku qaataa meel loo jeedo oo si buuxda loo arko. 3.9.3 SU`AALAHA DHINACA DHAQAALAHA iwm 3.9.3.1. Hadiyado la siiyo shaqaalaha Shaqaalaha looma ogola iney qaataan hadiyad ku wajahan shaqada ay mushaharka ku qaataan. Adiga iyo qaraabadaaduba ma aha inaad dareentaan waajibaad ah inaad hadiyad siisaan qofka shaqaalaha ah ee sida wanaagsan idiinla dhaqmay, shaqo fiicana idiin qabtay. 3.9.3.2. Dardaaran Shaqaaluhu waa in aaney marna ka qayb qaadan qoritaanka iyo diyaarinta warqada dardaaranka ah. Xitaa looma ogola iney markhaati ka noqdaan. 3.9.3.3. Lacag aad gaar u leedahay Adiga ayaa masuul ka ah lacagtaada iyow axyaalaha aad soo gadaneysid. Shaqaalaha waxaa keliya oo ay kuu noqon kartaan kaalmo ama taageero si aad u xafidato waxyaalaha aad sida gaarka ah u leedahay. 10

Haddii cudur daraadiis ama curyaanimo aadan haysan karin waxyaalaha aad gaarka u leedahay waa in kolkaas aad dalbataa qof caawine ah oo rimahaaga si gaar ah u maamula. Maxkamada degmada ayaana arinkaas go`aankeeda gaarta. Haddii ay noqoto in shaqaaluhu kaa caawinaan soo iibsashada waxyaalo yaryar, waa iney jirtaa heshiis aad wada gasheen adiga iyo shaqaalaha ama qofka gacanhayaha kuu ah. 3.9.4 QARINTA SIRTA IYO ILAALINTEEDA Dhamaan dadka kaalmada kuu fidinaayo waxaa waajib ku ah in aaney arimahaaga marnaba u sheegin qof kale. Arintaas waa mid si cad ugu sugan sharciga. Shaqaalaha iyo dhamaan dadka kale ee ka shaqeeya waaxda daryeelka waxaa waajib ku ah iney sirtaada qariyaan oo ay dhowraan. Qofna kalama hadli karaan arimaha ku saabsan noloshaada ama caafimaadkaaga. Shaqaaluhu haddii aadan adigu ogolaan ma dhiibi karaan warbixin kugu saabsan. Joornaalkaaga caafimaadka iyo qoraalada kale ee noloshaada ka hadlaaya waxaa lagu xafidayaa meel gaar ah oo aan cid aan shaqo ku lahayn aaney gaari karin ama heli karin. 3.9.5 DHALIILO DHINACA DARYEELKA AH Qofka goàamiya ee gacanta ku haya arimaahaga dhinaca daryeelka ah waxaa waajib ku ah inuu dhawro tayada iyo waxtarka kaalmada laguu fidinaayo sida ku sugan heshiiska balanqaadka daryeel qiimoleh. Haddii ay soo baxaan dhaliilo ku saabsan qaabka daryeelka laguugu fidiyo waa in adiga ama qaraabadaada ay soo gudbiyaan si loo saxo waxii qalad ah ee jira. 3.9.5.1 Cabasho/fikir Waaxda daryeelku waxaa ay leedahay nidaam loogu talo galay inuu wax ka qabto waxii cabashooyin ah ee aad adiga ama qaraabadaadu soo gudbisaan. Waxaa kaloo iyana lasoo gudbin karaa fikir iyo waxyaalaha hay`adu ku wanaagsan tahay. Adiga naftaada ama qaraabadaada ama qof kale ayaa mar walba soo gudbin kara waxii dhaliil ah ama cabsho ah ee la doonaayo in wax laga qabto.waana waajib in la sheego waxii qaldan si loo saxo. Waxaa la doonayaa inaad mar walba aad dareento in cabashooyinkaaga wax laga qabanaayo. Waxaana mar kasta laguu soo gudbin doonaa warbixin ku saabsan waxii laga qabtay cabashadaada ama dhaliishii lasoo jeediyey. Muddo 7-ba beri ah ayaad jawaab ka heleysaa madaxa waaxda taas oo ku saabsan sidii wax loo qabtay iyo talaabooyinka la qaadaayo. 3.9.5.2 Sharciga Sarah Si loo fududeeyo soo sheegitaanka waxii ka qaldan daryeelka qofka waxaa la sameeyey sharciga la yiraahdo sharciga Sarah. Sharcigaas waxyaalo badan ayuu farayaa dadka daryeelka fidinaaya. Waxaa shaqaalaha waajib ku ah iney soo sheegaan haddii ay arkaan waxyaalo cadeynaaya in qofka la kaalmeynayaa uu dhiban yahay ama in aan kaalmadii sidii la doonaayey loo fidin. Waaxda daryeelku waa iney eegaan arimaha loo soo gudbiyey waana iney hadii ay yihiin kuwo khatar ah ay u gudbiyaan hayàda arimaha bulshada si wax looga qabto. 11

Ogow sharciga Sarah waxaa uu waajibaad kaga dhigayaa shaqaalaha iney soo gudbiyaan oo ay soo sheegaan waxii qaldan. Haddi adiga ama qaraabadaadu aad wax qaldan aragtaana waa inaad usoo gudbisaan siddii cabashooyinka loo soo gudbin jirey ee aan kor kusoo sheegnay. 3.9.6 LUUQADA IYO WAXII KALE OO XIRIIR AH Looma baahna inuu dhaco isfaham la àan ku salaysan dhinaca luuqada. Haddii ay kugu adag tahay inaad fahamto luuqada iswiidhishka sababo jira awgeed waxaa lagama maarmaan ah inaad wakhti hore aad sheegto inaad u baahan tahay turjumaan. Waa in aad heshaa fursad ah inaad fahamto shaqaalaha iyo bulshada kugu wareegsan. Si taas loo helo waa inaad heshaa turjumaan ama qalabka kuu sahli kara inaad faham buuxa hesho. Waxaa mararka qaarkood haddii baahidaasi timaado la helaa shaqaale aad u yaqaan barnaamijyada kombuyuuterka ee sahla fahamka sida kombuyuutar hadlaaya oo kale. 3.10. DABAGAL Baahidaada dhinaca kaalmada ahi waxaa ay noqon kartaa mid isbedesha. Waxaa imaan kara baahi cusub oo aan horay u jirin ama waxaa meesha ka bixi karta baahi horay u jirtey. Haddii isbedelku weyn yahay waxaa laga yaabaa in la sameeyo go àan cusub oo ku saabsan daryeelkaaga. Madaxda waaxda daryeelka ayaa ka dib kolka uu kula tashado arinka u gudbinaaya gacanhayaha dhinaca kaalmada si loo sameeyo waxii isbedel ah oo muhiim ah. Gacanhayaha dhinaca kaalmada waxaa uu masuul ka yahay inuu dabagal iyo tixraac ku sameeyo qaabka daryeelka iyo kaalmada laguu siiyo. Waa in mar kasta la hubiyaa in go`aamadii la gaaray ay sidii la rabay u fuleen. Gacanhayuhu waxaa uu eegayaa: - haddii baahidaadu isbedeshey oo loo baahan yahay go.aan cusub - haddii ay go`aanka la socdaan waxyaalo aan sax ahayn ama aan loo baahnayn - haddii ay jirto baahi weyn oo u baahan shaqo aad u badan oo balaaran. Waxaa aad mar walba gacanhayahaaga dhinaca kaalmada ka heleysaa warbixin ku saabsan hadba waxii iska bedeley baahidaada iyo qaabka la doonaayo in go`aanka loo bedelo. Mar walba waxaa dib laguugu soo celinayaa adiga ama qofka ku matalaaya hadba waxii isbedel ah ee xaaladaada ku soo kordhay iyo haddii loo baahan yahay in go`aamo cusub la gaaro. Waaxda kaalmadu waxaa ay mar kasta hubin doontaa in ay idin soo gaartey qaabka wax loo bedeley ama la doonaayo in loo bedelo iyo sida ay wax isu bedelayaan. Waajibaadka waaxda daryeelka ayaa waxaa ka mid ah in si joogto ah loola socdo sida aad qof ahaan dareemeysid kolka laga hadlaayo kaalmada laguu fidiyo iyo shaqada laguu qabto. Muhiimaduna waxa weeyaan in sharciga la raaco oo goàan walba loo fuliyo sidii loogu talo galay. 12

13

Foto: Gavlegårdarna Omvårdnad Gävle Box 825 801 30 Gävle www.gavle.se omvardnad@gavle.se 14