För- och grundskoleförvaltningen Version: 2008-01-09 Warbixin guud oo waalidiinta loogu talagalay Ereybixinta dugsiga Hawlwadeneyada dugsiga Agaasimaha dugsiga (Rektor) Agaasimaha waa xilhaayeha dugsiga ee ugu sareeyo. Hogaamiyeha waxbarashada iyo xirfadaha (Studie och yrkesvägledare) Hogaamiyeha waxbarashada iyo xirfadaha, wuxuu ardayda ka caawiya doorashada dugsiga sare iwm. La taliyeha arrimaha bulshada (Kurator) (Q) La taliyeha arrimaha bulshada waxaa loola xiriira markii ardayda ay u baahan yihiin qof arrimahooda ay kala arrinsadaan. Kuwaasoo noqon karo xaalado dugsiga ku saabsan ama kuwo ardayga u gaar ah. La taliyeha wuxuu hab heer sare ah u xajiya sirta xirfada. Kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga Kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga waxay ardayda ugu yeerta in ay wadahadal caafimaadeed la yeelato. Waxay markaas ku dhaqaaqda baaritaanka awooda aragtida, maqalka iyo dhirirka. Ardayga isagoo dugsiga ku sugan haddii uu xannuunsado ama dhawaac uu gaaro, wuxuu la xiriiri kara kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga. Macallin aqoon gaar ah leh (Specialpedagog) Waa macallin hab gaar ah loo soo tababbaray sidii u caawiyo ardayda taageerada gaark ah u baahan. Maaddooyinka SO NO Tk Sv SVA Eng Ma Id Mu Hk Tmsl Txsl Maaddooyin xiriir la leh aqoonta bulshada, sida taariikhda, diinta, cilmiga bulshada iyo juquraafi. Maaddooyin xiriirka la leh dabiiciga, sida bajooloji, kimiistri iyo fiisiks. Farsamada Af iswiidish Af iswiidish luqad labaad ahaan Af ingriisi Xisaab (badi loo yaqanno matte ) Isboortiga iyo caafimaadka Muusiik Hoyga iyo aqoonta macaamiisha (badi loo yaqanno hemkunskap ) Farsamada alwaaxa iyo birta (Trä- och metallslöjd) Farsamada suufka/dunta (Textilslöjd)
Bl Spr Ml Masawir Xulashada luqada (af jarmal, isbaanish ama fransiis) Afka hooyo Koorso-sannadeed (Årskurs) ama åk, sannad-waxbarashadeed ka, sannadwaxbarashadeed barkiisa (termin), fasax-dugsiyeedka (lov) Sannad-waxbarashadeedka dugsiga waxaa loo yaqaanna (årskurs), wuxuuna u qaybsan yahay sannad-waxbarashadeed barkiisa ku abaaran xilliga gu ga iyo sannad-waxbarashadeed barkiisa ku abaaran xilliga dayrta (vårtermin) iyo (hösttermin). Dugsiga dalka Iswiidan wuxuu leeyahay sagaal sannad-waxbarashadeed oo dhigashadooda waajib ay yihiin. Fasaxa dugsiga wuxuu ku abaaran yahay xilliga kuleelaha u dhaxeeya labada sannad-waxbarashadeed barkooda, horranta bisha agoosto. Xilliga dayrta waxay kaloo leeyihiin fasaxa loo yaqaanno (höstlov). Fasaxa sadeexaad (jullov) wuxuu ku abaaran yahay xilliga u dhaxeeya sannad-waxbarashadeed barkiisa ku abaaran xilliga gu ga iyo sannad-waxbarashadeed barkiisa ku abaaran xilliga dayrta (vårtermin) iyo (hösttermin). Sannad-waxbarashadeed barkiisa ku abaaran xilliga gu ga waxaa jiro fasaxyada (sportlov), (påsklov) iyo qaar kale ku abaaran maalamaha ciidaha dalka. SVA Af iswiidish luqad labaad ahaan Ardayda afkooda hooya aanan af iswiidish ahayn, waxay xaq ku leeyihiin haddii lagamaarmaan ay tahay, in af iswiidishka ay u bartaan luqad labaad ahaan. Arrintaas go ankeeda waxaa iska leh agaasimaha dugsiga. Karti-luqadeedka ardayga waxaa la tijabiya sannad kasta, iyadoo la adeegsado tijabaada loo yaqaanno (BokUp-test). Tijaabada waxaa lagu shaacbixin kara haddii ardaygu uu isku filan yahay ama haddii uu baahan yahay dhigashada af iswiidishka luqad labaad ahaan loo barto. Shahaadada af iswiidishka luqad labaad ahaanta iyo af iswiidishka caadiga waa isku heer. Xulashada luqada (Språkval) Markii ardaygu uu dhiganaayo koorso-sannadeed lexaad (årskurs 6) wuxuu awooda xulashada luqada (af jarmal, isbaanish ama fransiis). Wuxuu kaloo xulan kara af iswiidish ama af ingriisi. Afka hooyo Ardaygu waxaa la siiya fursad uu afkiisa hooyo ku dhigto 40 daqiiqo toddobaadkii. Waa waxbarasho ikhtiyaari oo lacag la aan ah. Barashada afka hooyo waa in sannad kasta la codsada. Ardayga shahaado ayaa la siiyaa. Shahaadada Shahaadada ugu horeeyso ee ku saabsan maaddooyin kala duwan, waxaa la bixiya xilliga dayrta ku xiga koorso-sannadeed sideed (årskurs 8). Markaas kadib ardayda waxaa sannadwaxbarashadeed barkiisa kasta la siiya shahaado. Shahaadada waa ku guulaystay (G), aad ugu guulaystay (VG) iyo aad iyo aad ugu guulaysaty (MVG). Haddii ardaygu usan maaddada ku guulaysan waxaa la siinayaa shahaadada kuma guulaysan (IG). Shahaadada waxaa loo roga dhibicyo markii ardaygu uu dugsi sare raadsado. (G) waa 10 dhibicyo, (VG) 15 dhibicyo iyo (MVG) 20 dhibicyo. Haddaba ardayga doonaayo in uu dhigto barnaamij qarmeedka (nationellt program) ee dugsiga sare waa in ardaygu uu maaddooyinka af iswiidishka ama af iswiidishka luqad labaad ahaanta, af ingriisiga iyo xisaabta ugu yaraan ka haystaa shahaadada ku guulaystay. Teeda kale, ardaygu waa in uu haysta dhibicyo ku filan oo uu suurtagelin doonto helida barnaamijka uu codsaday.
Hogaaminta waxbarashada (Studiehandledning) Ardayda af iswiidishka ku liito, waxay heli karaan hogaaminta waxbarashada, sida macallinka afka hooyo, kaasoo maaddooyinka qaarkod ka caawini karo. Macallinka, hogaamiye, barbaariye Waxbarashada ardayga wuxuu hab gaar ah u xil saaran yahay macallin macallimiinta kamid ah, kaasoo qoyska ardayga xiriir la leh. Macallinku wuxuu qoysku la yeesha la arrinsashada horumarka ardayga. Waalidka su aallo ka qabo xaalada waxbarshada ubadkiisa waa in uu arrimahaas macallinka kala xiriira. Wargelinta xannuunka (Sjukanmälan) Haddii ardaygu uu xannuunsado, usan dugsiga iman karin, waxaa waalidkiisa waajib ku ah in uu xannuunka ubadkiisa mamulka dugsiga wargeliyo. Fasax Ardayga fasax u baahan, waa in waalidkiisa uu marka hore buuxiya foomka fasaxa lagu codsado. Macallinku wuxuu sannad-waxbarashadeed barkiisa ba go aamin kara laba maalmood. Go aanka fasax intas ka badan waxaa iska leh agaasimaha dugsiga. Maaddooyinka ardayda kale loo dhigay markii ardaygu fasax u ku maqnaa, wa in xilliyada u fasaxa yahay kabsada. Guuritaan Haddii qoysku uu ku talojiro guuritaan iyo dugsi iska beddel waa in horranteeda agaasimaha dugsiga la wargeliya. Caymis iyo shilalka Dhammaan ardayda degmada Umeå caymis ayee ku jiraan. Haddii wax dhacaan waa in agaasimaha dugsiga ama macallinka loola xiriira. Qorsheha hawlgalka Maamulka dugsiga wuxuu u hawlgala sidii uu ugu hortegi lahaa cadaadiska/gardarrada, falalka meelkadhaca ku salaysan, xoog-muquunis iyo hanjibaadyada. Qorsheha hawlgaleed oo falalkaas wax looga qabto ayaa dugsiyada biloowga-hoose-dhexe iyo dugsiyada gogoldhigga degmada u degsan. Haddii dhibaato ay jirto waa in macallinka loola xiriiraa. ka arrinsashada horumarka ardayga (utvecklingssamtal) Ka arrinsashada horumarka ardayga waxaa sannad-waxbarashadeed barkiisa ba lagu dhaqaaqa hal jeer. Waxaa goortaas wada kulmo macallinka, ubadkiisa iyo waalidkiisa. Goortaas waxaa waalidka iyo aradayga la wargeliyaa heerka aqoonta iyo xaaladda waxbarashada ubadkiisa. Waxaa markaas kadib wadajir lagu heshiinayaa ujeedada lexda bilood ee ku xigta. Ujeedada waxaa lagu xusayaa qorsheha horumarka ardayga u gaarka ah.
Shirarka waalidiinta Sannad-waxbarashadeed barkiisa kasta hal jeer ayee waalidiinta shir yeeshaan. Shirkaas waxaa ka qaybgalo oo kaliya macallimiinta iyo waalidiinta. Macallimiinta waxay waalidiinta siiyaan warbixin muhim ah. Mawduuc (Tema) (Tema) waa mawduuc ardayda xilli kooban hab buuxda u darsaan. Xilligu wuxuu noqon kara hal maalin ilaa dhowr toddobaad. Mawduucu wuxuu marmar khuseeya dugsiga oo idil, marmarna fasalka oo idil ama waax dugsiyeed. Xulashada ardayga (Elevens val) Dugsiyada waxaa jiro xilliyo ardayda ay hab gaar ah mawduuc iyaga ay dorteen u darsaan, kaasoo loo yaqaanno xulashada ardayga (elevens val). Mawduucu wuxuu noqon kara, maaddodugsiyeed ama mawduuc gaar ah, tusaale ahaan cunto-karis, jir-layling, dibad ku sugnaasho. Maamulka dugsi kasta ayaa go aan ka gaara jadwalka maaddada ardayga u xushay. Dugsiyada qaarkood waxaa xulashada ardayga loogu talagalay hal toddobaad sannad-waxbarashadeed barkiisa, kuwa kalena toddobaad kasta. Xilliyada way kala duwan yihiin hadba koorsosannadeed. Daraasadka ardayga xilliga xulashada shahaado ayaa lagu siiyaa. Jihaynta suuqa shaqada ee waxtarka leh (PRAO) Markii ardayda ay dhiganaayaan koorso-sannadeed 8:aad, ayaa waxaa la siiya laba toddobaad oo ah jihaynta suuqa shaqada ee waxtarka leh (PRAO), ardayga waxaa lagu tababbara goob shaqo. Ardayda laf ahaantooda ayee goobta raadsadaan, laakinse haddii loo baahdo maamulka dugsiga ayaa arrintaas ka caawini karo. Ujeedadu waxay tahay in ay khibrad shaqo helaan. Saacadaha goobta shaqada ayaa hirgeli doono. Tababbarka xilliga (PRAO) ardayga waxaa la siiya caddayn. Taaso waxtar u noqon doonto markii shaqo u xilliga kuleelaha raadsado ama shaqo caadi ah. Shahaadada waa lagu xusa gudashada (PRAO). Maalinta dibad ku sugnaanshada (Friluftsdag) Maalmaha dibad ku sugnaanshada, duruus caadi ah lama dhigto. Maalmahaas ardayda waxay ku dhaqaaqayaan laylin-jireed iyo dhaqdhaqaaq isboorti kala duwan. Maalinta dibad ku sugnaanshada waxaa lagu xusan shaqaahadada. Shirka daryeelka ardayga (EVK elevvårdskonferens) Waa shir loogu talagalay ardyga dhibaataysan, waxaana lagu gaara go aanno muhim ah oo ardayga ku saabsan. Shirka waxaa ka soo qaybgala ardayga arrinta ay khuseeyso, waalidkiisa, macallin, agaasimaha dugsiga iyo qof kamid ah daryeeleyaasha ardayda, sida kalkaalisada caafimdaadka e dugsiga, la taliyeha arrimaha bulshada (kurator), hogaaminta waxbarashada iyo xirfadaha (SYV). Barnaamij waxkaqabadka (Åtgärdsprogram) Markii maamulka dugsiga uu hab gaar ah arrinta arday ardayda kamid ah uu wax uga qabto, waxkaqabadkaas waxaa lagu qora qoraalka barnaamij waxkaqabadka. Waxkaqabadku wuxuu noqon kara waxkaqabadka cillada luqada ardayga ama taageero gaar ah oo ardayga la siiyay.
Ardayga iyo waalidkiisa waa in ay oggolaadaan waxkaqabadka oona ay saxiixan qoraalka barnaamij waxkaqabadka. Turjubaan Dugsiga waa inuu turjubaan u yeera haddii xilliyada kullanka iyo wadahadalka loo bahdo. Haseyeeshe, waa in maamulka dugsiga la wargeliya horranta wadahadalka iyo shirka. Turjubaanada waxay xajiyaan sirta xirfada.