Inaga Stockholm-teena 2018 Oo ay la socoto khariirada Stockholm
Stockholm la wada leeyahay Stockholm waxay u koreysaa dhakhso. Dhowr sanno gudahood ayaynu ku gaadhaynaa hal miljan oo qof. Maadaama oo aan ahay maayarka magaalada Stockholm waxaan sidaas darteed hayaa shaqo weyn oo laakiin dhiirigalin leh - in iyadoo horumar iyo isbedel degdeg ahi jiro aan ugu sii wadno dhismaha magaalo waarta oo la wada leeyahay. Si taas loogu guuleysto ayay magaalada delete this Stockholm ka shaqeysaa afar hadafyo ujeeddooyin ah ah oo hagaaya shaqada: Hal Stockholm oo midaysan Waa inay Stockholm noqotaa magaalo qof kasta ka dhigta inuu sii koro, magaalo midaysan oo ay ka soo burqanayso nolol iyo dhaqdhaqaaq dhamaan xaafadaha magaalada. Daryeelka bulshada ayaa saldhig u ah tayada nolosha iyo amniga dadka reer Stockholm ee dhammaan marxaladaha kala duduwan ee nolosha. Stockholm ta bay ada u wanaagsan Stockholm waa in lagu gartaa deganaanshaha/xasilloonida dabeecada iyo dhaqdhaqaaq magaalada weyn ku lamaanan oo leh xal fiican taas oo sahlaysa in lagu noolaado deegaan bay ada u roon. Dadaalka lagu doonayo in magaalada laga dhigo mid ay ka baxsan yihiin shidaalka qadiimka ah ee dhulka hoostiisa laga soo saaro ayaa mudnaan leh. Stockholm dhaqaale ahaan waarta Stockholm waxay lahaanaysaa masuuliyadda dhaqaalaheeda ee mustaqbalka fog kaas oo leh jawi keena ikhtiraacnimo wanaagsan oo shabakadda caalamiga qeyb ka ah. Magaaladu waxay soo jiidan doontaa ganacsatada caalamiga ah, ardayda iyo martida. Stockholm dimuquraadi ahaan waarta Dadka reer Stockholm waa inay lahaadaan fursadaha ay ugaga qaybqaadanayaan horumarinta magaalada iyagoo dareemaaya inay ka tirsan yihiin magaaladooda. Stockholm waxay tusaale u noqon doontaa ilaalinta xuquuqda aadanaha. Karin Wanngård, maayarka Magaalada Stockholm
Stockholm waa ay sii koreysaa. Adiga dartaa Stockholm waxa ay u sii koreysaa si aan hore loo arag. Si looga faa iidaysto fursadaha horumarineed ee uu horumarku abuurayo - oo loogu buuxiyo shuruudaha - waa in aynu fikirno oo aynu wax cusub dhisno. In ay Stockholm sii koreyso waa arin wanaagsan. Oo loogu talo galay dadka u dhashay iyo kuwa usoo guuray, oo loogu talo galay wakhtiga hadda iyo ka mustaqbalka. Waxaanu buuxinaa baahiyo cusub iyadoo aanu tirtirno kuwii hore ee laga baxay. Dhowr sanno gudahood ayaynu ku gaadhaynaa hal miljan oo reer Stockholm ah. Guud ahaan waxaan dhiseynaa guryo cusub iyo horumarinta gaadiidka dadweynaha, laakiin waxa sidoo kale tusaale ahaan loo baahan yahay dugsiyo kale, xanaanada, hoolalka jimicsiga iyo dariiqa lugta iyo jidadka baaskiilka. Markaynu ka sii badano waxaynu kaloo noqonnaa kuwo ka sii caawin kara qaabeynta Stockholm-ta mustaqbalka. Waxaan helnaa aragtiyo balaadhan, waayo-aragnimo dheeraad ah iyo waxyaabo ka waaweyn oo ka mid ah wax walba oo wanaagsan oo magaaladu soo bandhigi karto. Waxaynu isbedelka dareemeynaa qiyaas ahaan maalin kasta. Waxaannu samayn dhisitaanka waxyaalo cusub, dib u habeyn iyo horumarin. Waxaynu ku noolnahay magaalo firfircoon oo markasta sii horumareysa. Waxay na siinaysaa aragtiyo cusub iyo khasnado badan oo cusub oo u baahan in la sahamiyo. Laakiin isbedelka ayaa sidoo kale keenaaya dalabyo waaweyn. Waa inaynu guryo u helno dadka sii kordhaaya iyadoo isla markaana aynu bixinayno adeeg wanaagsan. Haddii aad tahay darawal bas, akrobaat, arday, injineer, turumbeyste, shimbiro daawade, hawlgab, qof hadda soo dhashay ama qof halkan ku cusub, waa inaynu sii lahaano nolol tayo sare leh oo Stockholm. Marka ay Stockholm sii weynaato ayaynu sidoo kale magaalada dhisi doonnaa oo isku simi doonaa faraqa u dhaxeeya bulshada dhexdeeda ee degmooyinka kala duwan. Waxaanu abuureynaa magaalo waarta oo cimilada u wanaagsan, magaalo dadka reer Stockholm ee mustaqbalku ay ku raaxaysan doonaan, iyo meeshaas oo aad adigu ka sameysan karto nolosha aad rabto inaad ku noolaato. Waxaanu ku noolnahay wakhtiga xaadirka ah iyadoo aanu wax u dhiseyno mustaqbalka. Stockholm waa ay sii koreysaa. Adiga dartaa Wax dheeraad ah oo sida ay Stockholm ugu sii koreyso ku sabsan ka akhri bogga cusub ee internedka ee vaxer.stockholm.se
Magaalo midaysan Waxaynu dhamaanteen qeyb ka nahay magaalada kordheysa. Marka ay Stockholm ka sii koreyso, ayaynu heli doonaa fursado aynu ku wada dhiseyno magaalada oo aynu ku yareynayno faraqa u dhexeeya degmooyinka kala duwan. Hadda waxa la sameynayaa waxqabad balaadhan iyadoo dhowr meelood si gaar ah ahmiyadda loo siinaayo marka aynu sameynayno Stockholm ta mustaqbalka. Dhisida guryaha Stockholm ka Cagaaran Stockholm ka Cagaaran waa dadaalka magaalada ee horumarinta beeraha/jardiinooyinka iyo meelaha dabiiciga ah. Inta lagu gudo jiro sanadaha 2017-2020 waxa la sameynayaa dhowr jardiino oo cusub, dariiqa lugta iyo suug ka cagaaran, iyo sidoo kale dib u habeynta iyo hagaajinta lagu sameyn doono goobaha hadda jira. Stockholm qiimaheeda naadirka ah ee cagaarku waxa uu yahay mid muhiimad weyn u leh tayada nolosha ee dadka reer Stockholm, isagoo isla markaa gacan ka geysaneysa magaalo nool oo dhamaan xaafadaha magaaladu ammaan yihiin. Mashaariicda waxa ka mid ah baark/jardiino magaalada oo cusub Vårbergstoppen oo ku taala Skärholmen, dariiq lugta oo u dhaxeeya Farsta iyo Fagersjö, hagaajinta Tensta Centrum iyo Hässelby Gårds torg Ormängstorget iyadoo uu la socdo dariiq lugta oo u dhaxeeya suuqyada. Waxa ilaa sannadka 2030, ay tahay in la dhiso 140,000 guri, kuwaas oo 40,000 oo ka mid ah la dhisi doono 2020-ka iyadoo ay si wanaagsan wax u socdaan. 2017 ayaa la bilaabay dhismaha 7514 guri oo cusub. Guryaha waxa inta badan loo dhisaa si ay dabaqa hoose ugu yaalaan dukaano, kaafateeriya iyo muqaaxihaya cuntada. Wax walba oo magaalada u keenaaya inay neefsato oo nolol ka muuqato. Stockholm waxay leedahay hadaf meel sare ah oo lagu dhimaayo saameynta cimilada. Ka hore intaan la gaadhin sanadaka 2040 waa inay magaaladu ahaato mid aan lagu isticmaalin shidaalka qadiimiga ah ee dhulka hoostiisa laga soo saaro. Taas micnaheedu waxa weeye in guryaha la dhisi doono si ay uga qaybqaataan safarkaa waaritaanka. Waa inay Stockholm ahaato mid ay kuu dhow yihiin waxyaalaha aynu nolol maalmeedkeena ugu baahanahay inaynu isticmaalno iyadoo ay fududahay inaynu ku socon karno baaskiil iyo in aan gaadiidka dadweynaha. Miyaad ogeyd in... Magaaladu waxay leedahay qorshe fog Maalgalinta amaanka Ilaa sannadka 2040, waxa la qiyaasayaa in tirada ardayda dhigata xannaanada iyo dugsiyada magaalada Stockholm ay noqoto 50,000 oo dheeraad ah? Sidaas darteed ayay magaaladu u dhiseysaa dugsiyo badan. Dugsiyada qaarkood ayaa sidoo kale dib loo dhisay. Waxa dhamaan sidaas loo sameynayaa si boos loogu siiyo ardeyda xiisaha aadka u badan leh/haysa ee dugsiyada dhexe iyo kuwa sare. Si loo abuuro magaalo la wada leeyahay, ayaanu ugu baahannahay inaanu qorsheyno mudo fog iyo in la fahansan yahay dhammaan danaha dadka reer Stockholm. Sidaas darteed ayay Stockholm ugu leedahay qorshe guud. Waxa la odhan karaa qorshahu waxa uu tusayaa sida aynu rabno inay u eekaato magaaladeenu mustaqbalka. Wuxuu qorshaha guud si gaar ah u soo qaadayaa afar meelood oo ay muhiim tahay in la horumariyo marka la eego dhismaha guryaha, horumarinta xaafada iyo waaritaanka bulsho. Waxaanu ugu yeedhnaa meelaha diirada la saaraayo. Meelahaa diirada la saarayaa waxay kala yihiin Kista-Järva, Skärholmen, Farsta iyo Hagsätra-Rågsved. Mashruuca Fokus Skärholmen waxa ka mid ah ugu yaraan 4 000 guryo ah. Tani waxay sidoo kale loola jeedaa in loo baahan yahay xanaanooyin dheeraad ah, dugsiyo, goobaha kulamada, adeegyada degaanka/maxalliga ah oo ka badan iyo waxqabad jardiinooyinka iyo meelaha cagaaran. Hadaf muhiim ah oo mashruucan ahi waa in la hormariyo degaanada iyadoo waaritaanka bulsho ahaaneed diirada lagu hayo. Waxaad wax dheeraad ah oo ku saabsan Fokus Skärholmen iyo meelaha kale ee magaalada diirada la saaraayo ka akhriyi kartaa bogga internedka. Waa inay Stockholm noqoto mid la dareemaayo ammaan in lagu yahay. In taas la meelmariyo waa shaqo muhiim ah taas oo mudnaanta lagu siinayo miisaaniyadda magaalada ee 2018, laakiin halkaas oo qaar kale oo badan ay leeyihiin waxtar muhiim ah oo ay wax ku dhiibayaan. Magaalada ayaa sidaas darteed guddi ammaan oo khaas ah u magacawday si loogu horumariyo howlaha ammaanka ee magaalada, isku dubaridka dhammaan waxqabadyada la sameynaayo iyo in la sii horumariyo iskaashiga ka dhaxeeya booliska iyo bulshada rayidka ah. Taasi waxay khuseysaa waxqabadyada ka hortaga fal dembiyeedyada, waxqabadyada bulsho iyo in la abuuro jawi magaalo oo nabad iyo ammaan ah. Sanadka 2018, waxay magaaladu 100 milyan oo karoon maal galisay waxqabadyo gaar ah sida nalal cusub, dhisida deegaanada aan ammaanka aheyn iyo abuurista goobo kulan oo fiican oo ammaan ah, gudaha iyo dibadda labadaba. Isku socodka Waxa Stockholm mudnaanta la siinayaa gaadiidka dadweynaha, baaskiilka, lugta iyo gaadiidka geynta alaabta. Intaa ka sokow in la fududeeyo oo amaan looga dhigo dadka baaskiilka wata iyo kuwa lugeynaaya isla markaana abuuraya xaaladaha si hufan loogu geynaayo alaabta ayaa loogu baahan yahay ballaadhinta gaadiidka dadweynaha si uu gobolku ugu sii wato inuu sii koro. Inay basasku si ka fudud ugu socdaan iyo in tareenada dhulka hoostiisa mara iyo tareenada kale la dhiso ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah tani, laakiin waa inay sidoo kale wadooyinka gaadiidka isku xidhaaya ee gobolka ay jiraan. Dhamaan waxa kuwan wada sameynaaya magaalada Stockholm iyo gobolka Stockholm, Trafikverket iyo kamuunada kale.
Maxaa ka dhacaaya Stockholm? Mashruucyo tirro badan ayaa la waddaa si loogu horumariyo Stockholm. Waxaanu dhiseynaa guryo, suuqaq, baarkino, dariiqyo dadka iyo baaskiiladu maraan. Waxa dhamaan wax walba la sameynayaa iyadoo amniga, isku socodka iyo waaritaanku uu gundhig u yahay. Halkan waxa ku yaala dhowr tusaale oo u suurto galinaaya in dad badan ay ku noolaadaan Stockholm. Waxqabadka amaanka ee Farsta Waxa xilligii 2017, la meel mariyey dhowr waxqabad oo kor loogu qaadaayo amniga la dareemaayo ee degaamada koonfurta iyadoo la hagaajinayo nalalka. Waxa Farsta ay magaalada Stockholm iyadoo kaashanaysa booliiska ay hirgeliyeen waxyaabo badan oo horumarina ah, tusaale ahaan Stieg Trenters torg, oo leh nalal iyo qashaafado cusub. Meelaha kale ayaa la hagaajiyey nalalka tunnelada iyo dariiqyada lugta iyo baaskiilada. Norra Djurgårdsstaden Waxa Norra Djurgårdsstaden la qorsheynayaa 12 000 guryo oo cusub iyo 35 000 oo goobo shaqo ah. Dhismayaasha intooda badan waxa laga sameynayaa meel markii hore ay ku yaaleen waxsoosaarka gaasta iyo dhismayaasha kale ee warshadaha. Norra Djurgårdsstaden waa mid ka mid ah deegaanada ku qeexan bay ada ee Stockholm. Hadafyada kale ee dabiiciga ahi waa qaar cimilada lagu saleeyey oo xaafado shiidaalka qadiimka ah ee dhulka hoostiisa laga soo saaro ka maqan yahay halkaa oo qaaca kaarboon dayogsaydhku ka hoseeyo 1.5 tan qofkiiba iyo sannadkii, ilaa sanadka 2020. Qorsheyntu waxay bilaabantey isla bilowgii 2000-kun kii, iyadoo horumarku sii socon doono sanaddo badan. Sannadka 2020-ka ayaa in ka badan 6,000 oo guri oo cusubi ka taagnaan doonaan inta u dhaxaysa Husarviken iyo Warshada gaasta ee qadiimka ah ee ku taala Hjorthagen. Degaankaas ayaa lagu wadaa in dhisitaankiisa la wada dhameeyo qiyaas ayaan 2030. Slussen Kolba sida la jaanqaadeysa horumarka Stockholm, ayaa loo baahan yahay in loo horumariyo in Slussen lagu saleeyo wakhtiyo cusub iyo xaalado cusub. Slussen-ka cusub waxay noqon doontaa goob qurxoon oo kulan oo leh suuq cusub, baroosin doonyuhu ku soo xidhaan iyo, jardiino cagaar badan. Gaadiidka dadweynaha ayaa boos ka weyn ku yeelan doona, sida mid la mid ah ta dadka lugeynaaya iyo kuwa baaskiilka wata. Barxadaha gaadiidka baabuurta ayaa lagu salaynayaa si uu u qaado/ugu filaado qulqulka gaadiidka ee maanta. Dhismaha Slussen waxa uu micne weyn ugu fadhiyaa dhamaan Mälardalen. Waxa uu dhismaha cusub suurtogalinayaa in biyo ka badan laba jeer laga sii daayo Mälaren marka la barbardhigo inta maanta, taas oo hoos u dhigeysa khatarta fatahaada balaadhan ee manta taagan. Waxay sugaysaa/xaqiijinaysaa kaabayaasha muhiimka ah iyo biyaha ay cabbaan laba milyan oo qof labadaba. Kista Xaafada Anholt ee Kista, waxa la dhisayaa 360 oo guryaha kireysi lagu iibsado, guryaha ardayda iyo dugsiga xannaanada iyo xarunta dhalinyarada. Deegaanka cusub ee Kista Äng ee Waqooyiga Kista ku yaala waxa loo qorsheynayaa 1600 guri oo ay la socdaan dugsiyada hoose iyo xannaanada, goobaha waxqabadka iyo jardiinooyinka magaalada inay gacan ka geystaan deegaanka magaalo nool saacad kasta. Miyaad ogeyd in... tunnel cusub oo loogu tallogalay biyaha bulaacad laga dhisi doono Stockholm hoosteeda? Waxa uu ka soo bilaabmayaa Bromma ilaa warshada sifeynta bulaacadaha ee Henriksdal, taas oo dib loo dhisaayo si ay ugu noqoto mid ka mid ah ta adduunka ugu casrisan, taas oo keenaysa in qiiqa naytarojiinta iyo fosforka lagu sii deynaayo Östersjön ay kalabadh ka yaraato iyadoo ku sii deynta qurubyada yaryar ee balastiga aad loo dhimaayo. Mid ka mid ah qiyaas ahaan 50 barnaamij baaskiil ee magaaladu waa Ulvsundavägen. Halkaa waxa tusaale ahaan laga dhisayaa dariiq laba-jihood leh oo lugta iyo baaskiilka ah oo ku yaala inta u dhaxaysa ilaa ilinka Garoonka diyaaradaha ee Bromma Airport iyo Köpsvängen iyo laga bilaabo Ulvsundaplan ilaa Kvarnbacksvägen. Intaa waxa dheer in isgoysyada maritaankooda la habeeyo oo ay qaar ka amaan badan oo si dhibyar loo mari karro noqdaan, maxaddadaha baska ayaa la hagaajinayaa iyadoo nalalkana laga sii hagaajin doonaa. Stockholmshusen Waxa Rågsved laga dhisayaa 70kii guri ee ugu horeeyay ee kireysiga lagu iibsado ee guryaha ay leedahay Stockholmshusen, iyadoo guga 2018 Tensta laga bilaabay guryo, mashruuc kale oo dheeraad ah kaas oo keeni doona 172 guryo dabaq ah oo kiro ah. Stockholmshusen waa guryo qaab guud/fikrad aasaasi ah ku salaysan kuwaas oo qaab ahaan kala duduwan oo ku haboon in laga dhiso meelaha isku siman ama dhulka yara buuraleyda ah. Waxa qaabka aasaasiga lagu dardargalinyaa qorsheynta iyadoo la dedejinaayo nidaamka dhismaha oo markaana qiimaha dhismaha la dhimi karro iyadoo la hubinayo in la helo guryo kireysiga lagu iibsado oo waara si wanaagsanna loo qorsheeyey, si wanaagsanna loo dhisay.
Miyaad wax faallo ah oo ku saabsan gaadiidka iyo degaanka dibedda ee Stockholm ka qabtaa? Waxaynu wadajir iskaga caawineynaa sidii loo abuuri lahaa magaalo ka nadiifsan, ka qurux badan oo ka ammaan badan. Ku soo gudbi fikirkaaga App-ka, aad kala soo dageyso stockholm.se/tycktillapp. Miyaad haysaa wax fikrad ah oo ku sabsan sida magaalada loo horumarinaayo? Ku soo dhowoow inaad soo gudbiso ra yiga muwaadinka! Wax dheeraad ah ka akhri stockholm.se/medborgarforslag. Luqado badan Tyck till Waxa bogga ku jira Vårt Stockholm 2018 oo lagu turjumay luqadaha Carabi, Fiinish, Soomaali iyo Isbaanish. Adeega bogga stockholm.se Waxaad tusaale ahaan ka codsan kartaa booska xannaanada, daryeelka waa-yeelka iyo inaad la sheekeysato adeegyada bulshada. vaxer.stockholm.se Ayaa lagu soo ururi wax kasta oo ku saabsan magaalada sii koreysa stockholm.se/foretag ayaa lagu soo ururiyey macluumaad loogu tallogalay qofka shirkad ku leh Stockholm. visitstockholm.com ayaa lagu lagu soo ururiyey macluumaadka dalxiiska ee ku sabsan Stockholm oo Ingriisi ah twitter.com/stockholmsstad waa magaalada koontadeeda Twitter-ka ee rasmiga ah facebook.com/stockholmsstad waa magaalada koontadeeda Facebook-ga ee rasmiga ah Siyaasad iyo go aan Dokumentiyada ka socda golayaasha magaalada iyo guddiyada shirkadaha: stockholm.se/insyn Macluumaadka xidhiidhka xildhibaannada magaalada ee la doortay: evald.stockholm.se/extern Guddiyada iyo xafiisyada xisbiyada ee Golaha deegaanka: 08-508 29 000 Kontaktcenter Stockholm 08-508 00 508 Xarunta Kontaktcenter Stockholm waa mid ay magaalada oo dhami waddaagto waxaanay kaa caawin kartaa inaad hesho adeegyada saxda ah iyo waxqabadyada. Kontaktcenter waxay ka jawaabi kartaa su aalaha ku saabsan waxyaalaha sida: adeegyada loogu talogalay dadka curyaamiinta ah xanaanada dugsiga hoose iyo dugsiga dhexe hoyga- iyo baarkinka ganacsiga ruqsada/ogolaanshaha baarkinka ee dadka naafada ah qashin qaadista qashin qaadista. Äldre direkt: 08-80 65 65 (su aalaha khuseeya daryeelka dadka waaweyn) Cajalada macluumaadka- Daisy Faylka waxa xataa lagu dalban karaa isagoo ah Cajalada-Daisy Lambarka heeganka (Journummer) Lambarka alaarmka 112 Socialjouren 08-508 40 000 (habeen iyo maalin) Xarunta Dhibaatada ee haweenka iyo carruurta 08-50825 544 (habeen iyo maalin) Xarunta Dhibaatada ee ragga 08-643 11 83 Hoyga la ilaaliyo iyo talo bixinta loogu talagalay gabdhaha/dumarka da yarta ah ee rabshadaha sharaf-dhowrista ku lugta leh 08-508 44 550 (habeen iyo maalin) Khadka heegganka naafada iyo waayeelka ee Stockholm 08-508 40 700 (habeen iyo maalin) Soo sheegista waxa qaldan Gaadiidka Stockholm: 08-651 00 00 Kulaylinta fog, korontada, qaboojinta: 020-44 11 00 Gaasta: 08-666 01 90 Biyaha/bulaacada: 08-522 12 000 Vårt Stockholm 2018 E-post: redaktion@stockholm.se, Tryck och tryckkort: Åtta.45 Tryckeri AB, Art nr 15345