Välkommen till Arbetsförmedlingen! Information till dig som är arbetssökande Somaliska Ku soo-dhowoow Xarunta Shaqada [Arbetsförmedlingen]! Information till dig waa shaqo-dooneyaasha Warbixin loogu talagalay qofka adigoo kale ah oo shaqo-doone ah Xarunta Shaqada waxaa loogu talagalay dhammaan dadyoowga shaqo-doone ah iyo dhammaan loo shaqeeyeyaasha shaqaale cusub u baahan. Waxaan idinka warbixin doonaa sida aan idin caawini lahayn oo aad shaqo ku heli lahayd iyo waxyaalaha aad samayn karto oo aad shaqo ku heli karto. Warbixin dheeraad waxaad kala xiriiri kartaa shabakadda internetka arbetsformedlingen.se. Had iyo jeer waxaad booqan karta ama khadka taleefanka kula xiriiri kartaa Xarunta Shaqada. Waxaad naga heli kartaan taageerada aad u baahan tihiin, iyadoo fiirogaar ah aan la siin nooca baahidiinna. Haseyeeshe, marna ha iloowin in tan ugu muhimsan ay tahay dadaalkaaga. Sare u kaca fursadda shaqo helida waa hadba heerka dadaalka aad arrintaas ugu jirto. Boosaska shaqooyin bannaan oo idil lama wargeliyo Xarunta Shaqada, sidaas darteed ka feker inaad siyaabo kala duwan shaqo u raadsato, tusaale ahaan adigoo shabakadda internetka kale adeegsanaayo, saaxiibo iwm..
Warbixin Xarunta Shaqada ku saabsan Heerka caawinaadda ee shaqada lagu helo ee uu qofku u baahan yahay wuu kala duwan yahay. Dadyoowga qaarkood iskooda ayay shaqo u raadsan karaan iyadoo inyar taageero ay naga helaan. Qaar kalena waxay u baahan yihiin caawinaad dheeraad ah intii aysan suuqa shaqada shaqo ka raadsan. Goorta noola soo xiriirto waxaad marka hore wada hadal la yeelan doonta gacanhaaye arrimaha shaqada, kaasoo taageero iyo caawinaad ku siin doono. Wadajir waxaad ku heshin doontaan waxyaalaha aad u baahan tahay oo aad sida ugu dhaqsida badanj shaqo ku heli karto. Shaqo shabakadda internetka ee Xarunta Shaqada ka raadso Goobta Platsbanken waxaad ka raadsan karta shaqo waxaana isku qori kartaa xayeeysiinta shaqada. Waxaad halkaas ka heleysaa boosaska shaqooyinka badidooda. Goobta Platsbanken waxaad ka heleysaa shabakadda internetka ee Xarunta Shaqada iyo barnaamijyada taleefonada loo yaqaanno smartphone loogu talagalay. Ka feker in uu jiri karo shabakadda internetka kale oo aad shaqo ka raadsan karto. Iskuxireha bogagga waxaad ka heleysaa arbetsformedlingen.se. Halka eryadaan ay ku qoran yihiin [yrke och framtid] waxaad ka heleysaa Xirfadaha A-Ö iyo [Yrkesskompassen] oo ku qoran warbixinta xirfadaha badidooda, sida karti-xirfadeed loogu yeesho iyo sida baahida xirfad kasta mustaqbalka ay noqon doonto. Waxaad kaloo heli kartaa warbixin waxbarasho iyo imtixanno kugu dhirigelin doono goorta aad xirfad dooranayso. Waxaad halkaas ka heleysaa warbixin dhaqdhaqaaqa iyo kulamada warbixinta ee Xarunta Shaqada. Goob kale shabakadda internetka, [Cv och ansökan], waxaad ka heleysaa naseexooyin sida loo qoro cv:ga iyo warqad-shaqsiyeed. Waxaad kalo halkaas ka heli kartaa fiilimmo sida aad shaqo u raadsan karto iyo wax kasta u baahan tahay oo ku anfici karo goorta waraysiga shaqo ku qorida lagula yeelanaayo. Bogga ugu dambeeyo ee qoraalkaan waxaad ka heleysaa tusaalooyinka muqaalka cv:ga warqad-shaqsiyeed. La kulanka loo shaqeeyeha Waxaan qabanqaabinaa kulamada loo yaqaanno kulamada shaqaalaynta waxaad halkaas kula kulmi doontaa loo shaqeeyeha u baahan shaqaale. Markii aad booqanayso kulamada rekryteringsträff waxaa fiican inaad la timaado cv:gaaga (ka soo dhig dhowr koobi) oo aad siin karto loo shaqeeyeha danaynaayo. Shabakadda internetka arbetsformedlingen.se waxaa ka heleysaa liis ku qoran dhammaan kulamada [rekryteringsträffar]. Aqriso boosaska shaqooyinka bannaan ee wargeyska Platsjournalen ku qoran Platsjournalen waa wargeys ku qoran boosaska shaqooyinka bannaan loogu talagalay qofka adigoo kale ah oo shaqo-doone ah. Wargeyska waxaad ka heleysaa naseexooyin xiriir la leh waddooyinka cusub ee suuqa shaqada loo maro. Waxaad kaloo heleysaa boorin iyo fikrado cusub sida loogu guulaysto shaqo raadsashada. Waa wargeys lacag la aan ah waxaana ka heleysaa Xarunta Shaqada, maktabada, isteeshanada tareenada waawayn, garoonka diyaaradaha qaarkood, kulliyadyaasha iyo jaamacadaha dalka. Haddii aad doonayso waxaa wargeyska lagugu soo diri karaa gurigaaga. Waa lacag la aan. Goobta arbetsformedlingen.se waxaad ka aqrinsan kartaa Platsjournalen isagoo eletroonik ah.
Ka shaqaysashada dibada Haddii aad ku talo jirto inaad ka soo shaqaysato Qaarada Yurub waan ka caawini karna, warbixin sida aad arrintaas ugu guulaysan karto. Waxaanu leenahay hawlwadeneyaal aqoon gaar ah arrintaas u leh. Shirarka shaqaalaynta iyo bandhigyada shaqada waxaa ku wada kulmo loo shaqeeyeyaasha shaqaale dibada looga baahan yahay u baahan. Dhammaan shaqooyinka bannaan ee Xarumaha Shaqada Yurub la soo wargeliyay waxaad ka heleysaa Platsbanken. Dhammaan shaqo-dooneyaasha waxay naga heli karaan taageero, naseexooyin iyo talo-bixin ee gacanhaayeha arrimaha shaqada warbixin sida aad shaqo u raadsan karto caawinaad loo qoro cv:ga iyo isku diyaarinta waraysiga shaqo ku qorida helida dhammaan shaqooyinka bannaan Platsbanken talo soo jeedin ku saabsan shaqooyinka bannaan kulamada shaqaalaynta ee loo shaqeeyeha warbixin xirfadaha iyo waxbarashada warbixin suuqa shaqada ee cusub talo-bixin xirir la leh bilaabida dhaqdhaqaaqa ganacsi
Goorma caawinaad dheeraad u baahan tahay Mararka qaaarkood qof wuxuu u baahan yahay caawinaad dheeraad ee uu shaqo ku raadsado. Qaar waxay u baahan yihiin biloowga, qaar kale mudo kaddib. Adiga iyo gacanhaayeha arrimaha shaqada ayaa wadajir ugu arrinsan doono taageerada kugu habboon, oo aad sida ugu dhaqsida badan shaqo ku heli karto. Siyaabo kala duwan ayaan ku caawini karna. Warbixin dheeraad ku saabsan waxkaqabadyo, barnaamij iyo shaqo ku qorida taageeradyada ku salaysan waxaad ka aqrisan kartaa shabakadda internetkayga. Shaqo si sahal ah laguma helo Mararka qaarkood shaqada cusub waxaa laga hela goobaha tababarka shaqada, tababarka suuqa shaqada ama caawinaad dhisida dhaqdhaqaaq ganacsi. Haddii gacanhaayeha arrimaha shaqada u xaaladaada ku qiimeeyo inaad taageero u bahaan tahay wadajir ayaa ugu xaajoon doontaan. Haddii mudo dheer aad suuqa shaqada ka maqnayd, waxaad ka qayb geli karta damaanada horumarka iyo shaqada kana qaybgeli karta dhaqdhaqaaqyo kala duwan, kuwaasoo gaar ahaan adiga loogu talagalay. Dhaqdhaqaaqyada waa in ay ka caawinaan sida ugu dhaqsida badan ee aad shaqo ku heli lahayd. Dadka da dooda u dhaxayso 16 iyo 24 sano oo saddex bilood shaqo helin, waxay ka qaybgeli karaan damaanada shaqada ee dhallinyarada loogu talagalay. Xaaladaas waxay ka qaybgeli karaan dhaqdhaqaaqyo sida hogaaminta xirfadaha, tababarka shaqada iyo waxbarasho. xirfadeed lahayn Qofka da diisa 25 sano ka hooseeyso wuxuu loo shaqeeyeha ka baran karaa xirfad, isago isla markaas la siinaayo mushahar, hogaamin ama waxbarasho. Waa shaqo ku qorid loo yaqaanno shaqo ku qorida ku salaysan gogoldhigga xirfadda. Awooda shaqaysasha ee hooseeysa Waxaad heli kartaa caawinaadda gacanhaayeha arrimaha shaqada haddii aad lededahay cudur ama dhaawac, kaasoo saamayn ku yeelan kara awooda shaqaysashada. Khabiiryada baxnaaniska ku salaysan shaqada ee Xarunta Shaqada ayaa ku caawini karo waxyaalaha muhimka ah markii shaqo ku qorid. Waxaan had iyo jeer ka tilaabo qaadaynaa aqoontaada iyo khibradaada. Teeda kale, siyaabo kala duwan ayaan u fududayn karna shaqo ku qorid. Waxay noqon karaan la qabsiinta goobta shaqada, taageero-shaqsiyeed ama in loo shaqeeyeha la siiyo kaalmo-dhaqaaleedka. Ku cusub dalka Iswiidan Haddii aad dalka Iswiidan ku cusub tahay, waxaad xaq ku lahaan karta waxkaqabadyo iyo barnaamij kala duwan. Waxaad kaloo xaq ku lahaan karta dhaqdhaqaaqyo gaar ah, ku suurtagelin kara inaad dhaqsi luqada iswiidishka barato, shaqo hesho iyo isku filnaansho dhaqaaleed. Adiga iyo gacanhaayeha arrimaha shaqada waxaad wadajir ku heshiin doontaan dhaqdhaqaaqyada adiga kugu habboon.
Gunno ayaa loo shaqeeyehaaga la siin karaa Gunno ayaa loo shaqeeyehaaga la siin karaa haddii ay dadyoowga aan hab fudud shaqo ku heli karin ay shaqaaleyaan. Mudnaanta koowaad waxaa la siiyaa dhallinyarada aan lahayn khibradda suuqa shaqada,, dalka Iswiidan ku cusub iyo dadyoowga qaba itaaldarro, kuwaaso saamayn ku yeesha awooda shaqaysashada. ta ahaa Haddii mudo dheer aad shaqo la aan ahayd oona ka qayb gasho damaanada shaqada iyo horumarka, waxaa loo shaqeeyeha shaqo kugu qoro la siin karaa kaalmo-dhaqaaleed, taasoo loo yaqaanno taageerada shaqo ku qorida gaarka ah. Ujeedada taageerada waxay tahay in shaqo helida lagu fududeeyo maadaama mudo dheer aad shaqo la aan ahayd. Loo shaqeeyeha waxaa gunnada la siin kara mudo ugu badnaantii ah laba iyo tobban bilood. Shaqada loo yaqaanno [Instegsjobb] loogu talagalay dadyoowga dalka Iswiidan ku cusub Haddii aad dalka Iswiidan ku cusub tahay oona ruqsadda degenaanshada lagu siiyay, waxaa loo shaqeeyeha shaqo kugu qoro la siin karaa kaalmo-dhaqaaleedka, taasoo loo yaqaanno taageerada shaqo ku qorida gaarka ah. Isla mudadaas waxaad baran karta luqada iswiidiskka (sfi). Sidaas waxaad ka heleysaa khibrad suuqa shaqada iyo tixraac ayaha dambe ka faa iidaysan karto. Bilaabida shaqada cusub loogu talagalay dadyoowga u baahan in noolal cusub ay bilaabaan Haddii mudo dheer aad shaqo la aan ahayd ama dalka Iswiidan ku cusub tahay, waxaa loo shaqeeyeha shaqo kugu qoro la siin karaa kaalmo-dhaqaaleed, taasoo loo yaqaanno [nystartsjobb] ama [särskilt nystartsjobb]. Loo shaqeeyeha waxaa caadi ahaan gunnada la siin karaa mudo la eg mudadii aad shaqo la aanta ahayd, haseyeeshe waxaa jiro xad u yeel. Haddii dalka Iswiidan ku cusub tahay waxaa loo shaqeeyeha la siin karaa gunnada saddexda sano ee ugu horeeyso. Taageerada loogu talagalay dadyoowga awooda shaqaysashadooda hooseeyso Haddii awooda shaqaysashada itaaldarro awgeed ay hooseeyso waxaa loo shaqeeyeha, la siin kara gunnooyin kala duwan hadba nooca itaaldarrada iyo caawinaadda dheeraad aad u baahan tahay. Waxay noqon kartaa arrin ku saabsan kaalmo-dhaqaaleedka mushaharka iyo taageerada qalabyada lagu shaqaysto ee goobta shaqada. Gogoldhigga xirfadda loogu talagalay dhallinyarada doonaya in xirfad ay bartaan Haddii da daada 25 sano ay ka hoosayso oona khibrad aadan xirfad u lahayn, waxaa loo shaqeeyeha la siin karaa gunno adigoo isla markaas xirfad baranayso. Shaqo ku qorid waxaa loo yaqaanno [yrkesintroduktionsanställning]. Shaqada waa lagugu qori karaa haddii shaqo la aan aad ahayd ugu yaraan saddex bilood. Waa in ugu yaraan boqolkiiba 15 ee saacadaha shaqada ka kooban yihiin waxbarasho ama hogaamin. Shaqo ku qorid waa in ugu yaraan lex bilood ahaata. Loo shaqeeyeha waxaa gunnada la siin karaa ugu badnaantii 12 bilood. Shuruudaha loo shaqeeyeyaasha gunnada lagu siin karo, waxaa kamid ah jiritaanka heshiiska dhexe ee gogoldgigga xirfadaha.
Sidatan ayaa loo bilaaba Siyaabo kala duwan ayaa noola soo xiriiri kartaa. Tusaale ahaan waxaad warbixín dheeraad ka akhrisan kartaa bogga Xarunta Shaqada. Ama toos waxaad khadka taleefanka ugu la xiriiri karta gacanhaaye Xarunta Shaqada. Ama waxaad booqan karta xafiisyada Xarunta Shaqada. Waxaad dooran kartaa habka adiga kula fiican. Haseyeeshe, waa inaad Xarunta Shaqada isku qorta haddii aad doonayso in gunnad lagu siiyo ama aad ka qayb gasho barnaamijyada Xarunta Shaqada. Isku qor Markii aad Min sida Xarunta Shaqada isku qorayso, ku qor warbixin adiga kugu saabsan iyo hawlihii aad berri hore qabatay. Waxaad isku qori kartaa adigoo hoygaaga ku sugan ama adeegsada kombyuutarrada Xarunta Shaqada. Markaas kaddib waa inaad 14 gudahooda booqata Xarunta Shaqada sidii uu gacanhaayeha arrimaha shaqada u ku diiwan geliyo awgeed. Markaas kaddib ayaa la oran karaa waxaad isku qortay Xarunta Shaqada. Gacanhaayeha arrimaha shaqada ayaa qiimayn doono fursada shaqo helida, iyo haddii durbadiiba aad caawinaad u baahan tahay. Caawinaadda dheeraad waxay sababi kartaa xiriir tiro badan oo aad gacanhaayeha arrimaha shaqada la yeelato. Waxaa suurtagal noqon karto inaad adeegsato barnaamijyada kala duwan ee Xarunta Shaqada, tusaale tababarka loo shaqeeyeha ama waxbarashada suuqa shaqada. Waa muhim in aan mar kasta hab-dhiska kombyuutarka ku haysanno warbixinnada ugu dambeeyay ee adiga kugu saabsan. Sidaas awgeed, hubso mar kasta inaad cusbooni siiso u qalmid iyo khibrad cusub, kuwaaso sare u qaadayo fursadda shaqo helida. Taasoo noo sahlinayso in aan shaqo ku helno. Markii aad Xarunta Shaqada isku qorayso la kaalay warqadda aqoonsiga, caddaymahaaga iyo shahaadooyinkaaga oo aad ku caddaynayso shaqooyinkii aad soo qabatay iyo waxyaalihii aad soo baratay. Qorsheha hawlgalka Kaddib markii aad Xarunta Shaqada isku qorto waxaad wadajir gacanhaayeha arrimaha shaqada u diyaarinaysaan qorsheha hawlgalka. Qorsheha hawlgalka waa heshiis adiga iyo Xarunta Shaqada ku xusan sida aan ku caawini karno iyo hawlgalka laga doonaayo oo shaqo ku heli karto. Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha Haddii aad dalka Iswiidan ka shaqayn jirtay ama weli aad ka shaqayso waxaad xaq ku leedahay gunnada Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha. Haddii shaqo la aan ay kugu dhacdo waxaad gunnad ka codsan kartaa Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha. Haseyeeshe, waa inaad shuruud qaarkood marka hore buuxisa. Waa muhim inaad shuruudaas ka war qabto haddii aad shaqo laawe tahaya ama halisteeda ay jirto. Haddii kale waxaa suurtagal noqon karto in gunnadaas lagu diido. Codsiga gunnada Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha u dir Khasnadda caymiska, oo go aan ka gaari doonto haddii aad xaq u leedahay iyo in kale. Warbixin dheeraad ku saabsan shuruudaha iyo nidaamka Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha waxaad kala xiriiri kartaa shabakadda internetka Xarunta Shaqada arbetsformedlingen.se.
Nala soo xiriir 1. Wac 0771-416 416 kaddib la hadal gacanhaayeha arrimaha shaqada. 2. Xarunta Shaqada kugu dhow. Waxaad wada-hadal la yeelan kartaa gacanhaayeha arrimaha shaqada oo naseexooyin sida ugu fiican oo aad shaqo u raadsan karto ku siiyo. Shaqo raadsasho awgeed, waxaad ku isticmaali kartaa kombyuutarrada Xarunta Shaqada oo aad ku qoran kartaa cv:ga iyo warqad-shaqsiyeed. Adreeska xafiiska Xarunta Shaqada kugu dhow waxaad ka heli kartaa arbetsformedlingen.se. 3. Arbetsformedlingen.se. Waxaad kaloo ka heli kartaa Platsbanken ku qoran shaqooyinka bannaan badan dalka oo idil naseexooyin sida cv:ga iyo warqad-shaqsiyeed loo qoro warbixin dhaqdhaqaaqyo, tusaale kulamada shaqaalaynta. Wargelinta dhaqdhaqaaqa Waa muhim inaad hab firfircoon shaqo u raadsato. Sida aan ku siinno taageerada kugu habboon awgeed, waa inaad na wargelisa shaqooyinkii aad dalbatay iyo tilaabooyinkii kale ee shaqo helida awgeed aad qaaday. Tusaale waaa inaad na wargelisaa haddii aad ka qayb gashay kulamada shaqaalaynta ama waraysiga shaqo ku qorida. Dhaqdhaqaaqa waxaad nagu wargelin kartaa adigoo adeegsanaayo qoraalka [aktivitetsrapport]. Adigoo adeegsanaayo shabakadda internetka arbetsformedlingen.se ayaa foomka buuxin kartaa. Wargelinta dhaqdhaqaaqa wuxuu waxtara markii adiga iyo gacanhaayeha arrimaha shaqada wada qorsheyneysaan sida aad shaqo ku heli doonto. Wixii warbixin ah ee ku saabsan sida foomka loo buuxiyo waxaad ka heleysaa shabakadda internetka Xarunta Shaqada. Warbixinada adiga kugu saabsan ee diiwankayga ku qoran Markii Xarunta Shaqada isku qorto waxaa la diiwangelinayaa warbixinada qaarkood, tusaale magaca, adreeska, tobbanka lambar ee aqoonsiga, khibradda suuqa shaqada iyo u qalmida. Waxaan kaloo diiwan gelinaa nooca shaqooyinka aad raadsanayso iyo dhacdoonka mudada shaqo raadinta.waa warbixinno ku xusan Xeerka xajinta sirta xirfada. Taasoo macneheeda ah in warbixinta aan la siin doonin qof aan shaqo ku lahayn. Haseyeeshe, waxaa waajib nagu ah in aan warbixinada siinno Försäkringskassan iyo Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha markii arrintaada ay go aan ka gaarayaan. Warbixinada xasaasiga ma diiwan gelinno haddii oggolaansho aan idinka haysan, tusaale warbixinada cudurrada ku saabsan. Gacanhaayeha arrimaha shaqada oo keliya ayaa arrintaada darteed warbixinshaqsieedkaaga adeegsan karo. Teeda, kale adiga ayaa go aan ka gaari karo warbixinada loo shaqeeyeha la siin karo. Waxaad had iyo jeer xaq ku leedahay in lagu wargeliyo warbixinada laga qoray waa haddii aad codsato. Haddii wax ka qaldan yihiin waa muhim in Xarunta Shaqada aad wargeliso oo la saxo. Markii shaqo aad hesho oo saddex sano ka soo wareegato ayaa dhammaan warbixinada laga tirtiro doonaa diiwankayga. Adrees bedelka na wargeli Warbixin ku saabsan adrees beddelka ma heleyso Xarunta Shaqada, sidaas awgeed waa muhim inaad adrees bedelka na wargeliso. Wargeli Xarunta Shaqada xitaa haddii kumeelgaar ahaan aad goob kale ku sugan tahay.
Qaabka shaqooyinka loo raadsado Qofku laf ahaantiisa ayuu siyaabo badan oo kala duwan shaqo u raadsan karaa. Tan ugu muhimsan waa firfircoonida. Halkaan waxaad ka heleysaa naseexooyin sida loo hawlgalo. Haddii aad talo-bixin u baahan tahay la xiriir Xarunta Shaqada oo caawinaad waydiiso. Ka jawaab xayeeysiinta shaqooyinka boosaska ka bannaan Shaqooyinka boosaska ka bannaan siyaabo kala duwan ayaa loo soo bandhiga, tusaale shabakadda internetka, wargeyska [Platsjournalen] iyo wargeysyada maalinleha ah. Shabakadda internetka arbetsformedlingen.se waxaad ka heleysaa [Platsbanken], ku qoran xayeeysiin shaqooyinka bannaan dalka Iswiidan iyo dibada. Waxaad rukun ka noqon kartaa xayeeysiinta shaqooyinka boosaska ka bannaan lagugu soo diro e:mail markii la helo shaqo kugu habboon. Maktabada iyo shabakadda internetka waxaa kalo laga hela wargeysyo kala duwan ku qoran xayeeysiin shaqooyinka boosaska ka bannaan. Markii aad codsiga qoranayso ujeedada waxay tahay kicinta digtonaanshada loo shaqeeyeha, iyo in waraysi awgiis lagugu yeero. Fiirogaar ah sii warbixinta xayeeysiinta shabakadda internetka loo shaqeeyeha ku qoran. Ke feker waxyaalaha aad ku fiican tahay oo shaqadaas ku soo bandhigi karto iyo sida karti-xirfadeedka loo shaqeeyeha ka faa iidaysan karo. Muqaal kala duwan ayaa codsiga shaqada yeelan karaa, haseyeeshe badi ahaan waa arrin adiga kugu xiran. Laakin mararka qaarkood loo shaqeeyeha wuxuu doonayaa in hab tilmaaman loo soo qoro codsiga ama lagu soo qoro warbixinada qaarkood. Tusaale ahaan caadi ahaan waxay dalbadaan in loo qalmida aad ka diiwan geliso shabakadda internetka oona ku soo lifaaqdo warqad adiga aad qortay. Wada-hadal la yeelo saaxiibadaada iwm Shaqooyin tiro badan waxaa lagu helaa iyadoo saaxiibo iwm la adeegsado. Sidaas awgeed saaxiibadaada iwm ugu sheekeey inaad shaqo doon tahay. Waxaa dhici karto in shaqaale looga baahan yahay goobaha ay ka shaqeeyaan. Laga yaaba in naseexooyin ku siiyaan? Ama laga yaaba in ay garanaayan qof tababar ahaan ku qaabili karo? Faafi cv:gaaga Loo shaqeeyeyaasha badidooda waxay shaqaale ka raadsadaan keydyada cv:ga kala duwan ee shabakadda internetka. Sidaas awgeed waxaa fiican inaad cv:gaaga ka diiwan geliso shabakadda internetka kala duwan. Ke feker in hab joogto ah u cusboonisiiso cv:gaaga. Shabakadda internetka arbetsformedlingen.se ayaa loo shaqeeyeha ugu soo bandhigi kartaa cv:gaaga. Isla goobtaas waxaad ka heleysaa qaab-tusmeed iyo tusaalooyinka cv:ga. Teeda kale, cv:gaaga waxaad ka diiwa gelin kartaa shabakadda internetka eures.europa.eu haddii aad shaqo u raadsan karto dibada. Waxaad halkaas ka heleysaa keydka shaqada ee Midowga Yurub ka dhaxeeya. Dhamaadka qoraal-warbixineedkaan waxaad ka heleysaa naseexooyin sida cv:ga iyo warqad-shaqsiyeedka loo qoro. Shaqo ka raadso adigoo adeegsanaayo warbaahinta bulshada Hab wanaagsan oo isla markiiba dad badan loola xiriiri karo waa iyadoo warbaahinta bulshada [sociala medier] la adeegsado. Waayahaan danbe markiii dadyoowga ay shaqo raadsanataan waxay ku kala xiriiraan [Facebook, Twitter, Instagram iyo Linkedin]. Waxaa dhici karto in saaxiibadaada ay naseexooyin ku siiyaan ama saaxibadooda ugu sheekeeyaan inaad shaqo raadsanayso.
Shirkadaha shaqaalaha ka dulaala shaqo ka raadso Shirkadaha shaqaalaha ka dulaala shaqo ka raadso waxay qortaan shaqaale oo kaddib ka kireeyaan shirkadaha iyo ururrada. Qofka shirkadaha shaqaalaha ka dulaala u sheqeeya wuxuu u shaqayn doonaa shirkado ama macaamiil kala duwan. Laakinse Shirkadaha shaqaalaha ka dulaala ayaa mushahark bixinayso. Mararka qaarkood waxaa laga yaaba inaad dhowr bilood ama sano isla goobta ka shaqayso. Kuwa kalena mudo ka gaaban. Mararka qaarkood shaqada shirkadaha shaqaalaha ka dulaala waxaa laga hela shaqo rasmi ah. Toos loo shaqeeyeha ula xiriir Shaqooyin badan xayeesiin laguma soo bandhigo. Waxaa la ogsoon yahay in tiro boqolkiiba qonton ka badan lagu helo iyadoo lago soo bandhigin xayeeysiin oo siyaabo kale shaqaalaha lagu helo, tusaale ahaan xiriir-shaqsiyeed, shabako ama kulan shaqsiyeed loo shaqeeyeha. Markii shaqo aan xayeesiin lagu soo bandhigin la raadsanaayo, hab sahlan laguma ogaan karo waxyaalaha u loo shaqeeyeha doonaayo in uu ogaado. Sidaas darteed, iskaaga u raadso warbixin ku saabsan goobta shaqada iyo xirfad. La xiriir loo shaqeeyeha kaddib wargeli inaad shaqada xiseeyneyso. Xitaad haddii goortaas aysan shaqo ku hayn waxaa dhici karto in aayaha dambe shaqo ku siiyaan. Ha iloowin in ay fiican tahay xiriir la yeelanshada loo shaqeeyeha aad berri hore u shaqayn jirtay. Maxaayeelay loo shaqeeyeha wuxuu aqoon u leeyahay qofka aad tahay iyo karti-xirfadeedkaaga. Hab fudud ayuu kugu heli karaa shaqo kugu habboon.
Foomka shaqada lagu codsado waa sidee? Codsiga shaqada wuxuu badi ahaan ka kooban yahay cv:ga iyo warqad-shaqsiyeed. Waa muihim in cv:ga iyo warqadda is-dhamaystirayaan, oo labadooda ba is-waafaqsan yihiin. Mararka qaarkood wuxuu loo shaqeeyeha doonayaa in uu arko qoraallo kale, tusaale shahaado, caddayn, ruqsado ama caddaynta kartida shaqaysashada. Goobta Cv:ga iyo codsiga shabakadda internetka arbetsformedlingen.se waxaad ka akhrisan kartaa dhowr naseexooyin iyo talo-bixinta sida loo qoro. Isla goobtaas waxaad ka heleysa filimmo iyo tusaale waxtar leh. Markii shaqo bannaan xayeeysiin lagu soo bandhigo, waxaa caadi ahaan codsi soo dira boqolaalo qof. Codsigaaga wuxuu loo shaqeeyeha ama shaqaaleyaha siinayaa masawirkaaga, taasoo saldhig u noqon doonto dadyoowga waraysi dartiisa loo yeeri doono. Loo shaqeeyeha waxay badi ahaan qofka ku qiimeeyaan 25 30 ilbiririqsi haddii uu shaqada u qalmo iyo in kale. Sidaas awgeed, ka biloow arrimaha aad u maleenayso in loo shaqeeyeha doonaayo in uu ogaado, tusaale sababta loo shaqeeyeha u adiga kuwa kale kaaga xulanaayo. Cv curriculum vitae Macnaha Cv [curriculum vitae] oo ah af laatiin waa ka sheekaynta noolashada. Cv:ga waxaa ku tilmaamaysaa waxbarashada, khibradda suuqa shaqada, aqoon iyo astamaha ku gaarka ah ee aad doonayso inaad iftiimiso. Waa muhim in cv:gaaga u yahay mid hab fudud lagu fahmi karo. Sidaas awgeed, waxaa fiican inaad kala xulato oo aad iftiimiso shaqooyinka hab gaar ah muhim ugu ah shaqada aad codsatay. Cunwaanka [Arbetslivserfaranhet] kaddib ku qor [i urval]. Waa inaad haysata tixraacyo, laakinse waxaad ku qori kartaa inaad goor dambe la kaali doonto. Waxaa jiro noocyo cv:yo kala duwan. Tan ugu caadiyeeysan waxaa weeyaan inaad qorto waxyaalehii ugu dambeeyay ee aad samaysay, kaddib kuwii ka horeeyay. Ama waxaa ku qori kartaa cv:ii ku salaysan mowduucyo kala duwan. Xaaladaas kolba hal shaqo ayaa ka sheekaynaysaa, tusaale kuwa aad carruur ku soo xannaanadaysay kaddib in aad dukaan ka soo shaqaysay. Qor mowduucyada, tusaale Khibradda suuqa shaqada ganacsiga [Arbetslivserfarenhet inom handel] kaddib qor ereyada. Haddii dhowr dal aad ka soo shaqaysay qor cinwaanka Khibrad dalal kale [Erfarenhet från andra länder] sidaas ku tus loo shaqeeyeha kartidaada. Ha iloowin inaad qorto tababbaryada. Cv:ga waa in usan ka badnayn laba A4-bog. Warqad-shaqsiyeedka Warqad-shaqsiyeedka ku qor sababta aad shaqada u codsatay, sababta aad u maleenayso inaad shaqada ku haboon tahay iyo sababta aad u doonayso inaad loo shaqeeyeha u shaqayso. Ka feker inaad warqadda u yeesho qaab waafaqsan xayeeysiinta. Taaso macneheeda tahay, inaad warqad cusub u qorto shaqo kasta oo aad codsanayso. Warqad-shaqsiyeedka waa in aysan ka ba badnayn hal A4-bog.
Sidatan ayaa cv:ga loo qora SARA ÖBERG Roslagsgatan 6 113 08 Stockholm 070-123 45 67 sara.oberg@mail.com linkedin.com/saraoberg WARBIXINTII OO KOOBAN Iyadoo kooban halkaan mudnaanta koowaad sii ku qor wixii aad samayn jirtay. Taasoo loo shaqeeyeha u suurtagelinayso helida waxa aad tahay ee dhaqsida badan. Tusaale: Waxaan ka soo shaqeeyay dukaan dhar waxaana xiiseeya waxa cusub, waxaan khibrad dheer u leeyahay dharka iyo waxyaalaha cusub oo ay dhallinyarada xiiseeyaan. KHIBRADDA SUUQA SHAQADA Jagada, shirkad, tusaale waxaan ka soo shaqeeyay dukaan H&M Magaalada, mudada, tusaale Stockholm, maarso 2010 nofeembar 2013 Iyadoo kooban shaqo kasto ka warbixi sida hawlihii aad qaban jirtay. Tusaale: Dukaan ka shaqeeye waxaan qaban jiray dhammaan hawlaha dukaanka. Waxaan qorsheyn jiray soo iibinta badeecada, hagaajinta badeecada iyo lacag qabsashada. Waxaan gacan ka geysan jiray suuq-gelinta. WAXBARASHO Nooca waxbarasho, magaca dugsiga, tusaale Dhaqaalaha shirkadaha Jaamacadda Stockholm Magaalada, mudada, tusaale Stockholm, 2005 2006 Iyadoo kooban tilmaan waxbarasho kasta. Tusaale : Laba semester ayaan dhaqaalaha shirkadaha dhigtay, isku-darkii 60 bilood. Waan aad u xiiseeya maadada, siiba hab-dhis iyo suuq gelinta. LUQAD Halkaan ku qor luqadaha aad ku hadasho. Tusaale : Af-iswiidish: afka hooyo, af-ingriisi: si fiican, af-fransiis: aqoon fiican TIXRAAC Halkaan ku qor siyaabaha tixraacyada adiga ku gaar ah loola xiriiro. Ama waxaad ku qori karta Waxaa layga heli karaa haddii layga soo codsado waa haddii aad sidaas doonayso.
Sidatan ayaa loo qora warqadshaqsiyeedka SARA ÖBERG Roslagsgatan 6 113 08 Stockholm 070-123 45 67 sara.oberg@mail.com linkedin.com/saraoberg Warqad-shaqsiyeedka ku bilaaw mawduuc, kaaso qofka xiiso gelinayso in uu aqristo. Tusaale: Qof waxa cusub xiseeya oo suuq geliye ah wuxuu doonayaa in uu noqdo madax dukaankiina ee cusub Warqad-shaqsiyeedka waxaa laga leeyahay ujeedo fog, waana fursad aad ku muujinayso inaad tahay qofka shaqada ku habboon. Shaqo kasto aad codsanayso u qor warqad-shaqsiyeedka cusub, mar kasta na soo bandhig waxyaalo kala duwan hadba nooca shaqada aad codsanayso. Ka feker dheelitirida waxaa cv:ga ku qoran iyo warqadda sidaas ayaa ugu hortegi kartaa ku soo celcelinta badan. Haddii aad shaqo ka raadsanayso xayeeysiin ka feker inaad isku xirto waxaa loo shaqeeyeha u doonaayo ee uu xayeeysiinta ku soo qoray. Baaritaan ku dhaqaaq. Sidaas ayuu loo shaqeeyeha ku ogaan karaa inaad arrinta xiiseeynayso. Soo bandhig karti-xirfadeedkaaga iyo hawlaha aad qaban karto. Iska ilaali ereyada rasmiga ah. Tusaale ahaan u ma baahnid inaad shaqada ku bilaawdo Waxaan halkaan ka codsanayaa shaqada... bedelka waxaad ku bilaabi kartaa sababta aad shaqada u raadsanayso iyo sababta ay kula tahay inaad shaqadaas ku habboon tahay. Loo shaqeeyeha wuxuu doonayaa in uu ogaado qofka aad tahay. Haddaba beddelka astamaha adiga ku gaarka ah (sida qof faraxsan, is-bedbedeli karo iyo xilkas ah) waxaa ka fiican adigoo soo bandhiga tusaalooyin xaqiiqda ku salaysan sida xaaladaha qaarkood taasoo ku soo bandhigayso astamaha adiga ku gaarka ah. Badi ahaan beddelka astamaha gaarka waxaa la xasuusta tusaalooyinka. Dhammaadka warqadda waxaad qori kartaa wax shaqsiyeed, tusaale waxyaalaha aad xiseeyso inaad qabato wakhtiyada firaaqada ama haddii ay jiraan waxyaallo gaar ahaan aad u xiiseeyso. Salaan wacan iga guddoon Sara Öberg Ogeysiis. Adeegso isla nooca farta ama qaabka cv:gaaga iyo warqad-shaqsiyeedka, sidaas ayaa lagu garan karaa in ay is-leeyihiin.
Waa maxay macnaha ereyada? Laan ganacsi kasta waxay leedahay ama adeegsadaan ereyo iyaga u gaar ah, anagu waa sidaaso kale. Liiska ereybixinta aad loo adeegsado naga guddoon. Waxaa dhici karto inaad maqasho goorta aad shaqo raadsanayso ama aad Xarunta Shaqada la xiriirayso. Aktivitetsrapport: Wargelinta dhaqdhaqaaqa waa qoraal lagu soo bandhigo shaqooyinkii aad raadsatay iyo dhaqdhaqaaqyadii aad fulisay mudo go an gudaheeda. Ujeedada waxay tahay in adiga iyo Xarunta Shaqada ay hesheen muqaal midaysan xiriir la leh dhaqdhaqaaqyada aad samaysay, kuwaaso sare u qaadi laha fursada shaqo helida. Anställningsavtal: Heshiiska shaqo ku qorida wuxuu tilmaamayaa wixii shaqo ku qorid ku saabsan, tusaale mushaharka, saacadaha shaqada iyo dharka shaqada. Anställningsbevis: Caddaynta shaqo ku qorida waxaa ku qoran warbixinta nooca shaqo ku qorida, mudada, mushahar iyo hawlaha shaqada. Anställningsform: Qaabka shaqo ku qorida waa tilmaan sharciga xiriir la leh, taasoo ku xusan xiriirka loo shaqeeyeha iyo qofka shaqada lagu qoray. Tusaalaha noocyada shaqo ku qorida waa: shaqo joogto ah [tillsvidareanställning], shaqo ku qorid mudo ku xisan [visstidsanställning], tijaabo ahaan shaqo ku qorid [provanställning], shaqo ku qorid mashruuc ku salaysan [projekanställning] iyo shaqo ku qorid saacado ku salaysan [timanställning]. Ansökan: Codsiga waxaa loo dira loo shaqeeyeha shaaciyay booska shaqada bannaan. Codsiga waa in lagu soo lifaaqa warqad-shaqsiyeedka iwm iyo cv:ga ama iwm. Mararka qaarkood soo raacsii koobiga caddaymaha iyo shahaadooyinka. Ansökningsbrev: Warqadda codsiga ee Warqad-shaqsiyeedka. Anvisning waa guubaabin oo badi ahaan qoraal ah oo Xarunta Shaqada ku soo dirtay. Qoraalka waxaa lagugu guubaabinayaa inaad codsato shaqo boos ka bannaan oo lagu qiimeeyay in ay kugu habboon tahay. Haddii aad ku talo jirto inaad shaqaas codsan waa muhim inaad Xarunta Shaqada wargeliso. Gunnada shaqolaaweyaasha ayay saamayn ku yeelan kartaa haddii adigo sabab la qaadan karin aadan codsan shaqo. Betyg: Shahaado waxaa ku qoran shaqooyinkii aad soo qabatay ama tababaryadii aad ka qayb gashay. Waxaa ku qoran mudada shaqada ama waxbarashada, iyo amaan iyo qiimayn shaqada ama natiijada waxbarashada. Bilagor: Lifaaqyada waa qoraalada codsiga lagu soo lifaaqo. Waxay noqon karnaan shahaado, caddaynta kartida shaqaysashada, caddaynta xirfada iwm. Cv:ga: [curriculum Vitae], waa erey laatin oo macnehiisa ah tilmaanta noolasha. Cv:ga waa tilmaanta u qalmida iyo khibrad oo qeexan. CV-databas: Keydka Cv:ga waa adeeg ama goob kulan internet ku salaysan, halkaas isku soo bandhigi karto iyo karti-xirfadeedkaaga. Marka hore waxaad warbixintaada ku diiwan gelinaysa foom, kaasoo kaddib keydka lagu keydin doono. Waa keyd loo shaqeeyeha adeegsadaan goorta shaqaale ay raadsanayaan.
Eures waa shabakat siiba ka dhaxeeysa Xaruma shaqooyinka ee Midowga Yurub/Isbahaysiga dhaqaalaha Yurub ama dalka Switzerland. Ereyada Eures waa European Employment Services. Följebrev waa warqad-shaqsiyeedka kooban ku wanaagsan in cv:ga aad u tafatiran lagu soo lifaaqo. Handlingsplan: Qorsheha hawlgalka ama Qorsheha hawlgalka shaqsiyeed waa qorshe adiga ka diiwan gashan Xarunta Shaqada oo wadajir gacanhaaye Xarunta Shaqada u qoraysaan. Waa qorshe ku salaysan shaqo raadinta waxaana ku xusan hawlgalada shaqooyinka lagu helo. Intresseanmälan/presentationsbrev: waa warqad guud, laga adeegsado keydadka cv:ga. Waxaa kaloo loo diri karaa loo shaqeeyeyaasha u baahan shaqaale. Waxaad warqadda ku qori karta warbixin adiga kugu saabsan iyo shaqooyinka aad xiisaynayso. Intyg: Shahaado waxaa ku qoran warbixin kooban ku saabsan loo shaqeeyeha aad ka soo shaqaysay ama tababaryadii aad ka qayb gashay iyo mudada dhacdoonadaas. Kompetens: Karti-xirfadeedkaaga waa erey guud oo macno kala duwan leh. Laba tusaalooyin: 1. Waxaa loola jeedi karaa xariifnimmo iyo u qalmid, waa cabbir aqoonta, xariifnimada iyo kartida u qofku ku xalin karo ama u ku gudan karo hawlaha loo dhiibay. 2. Kartida xulashada iyo fulinta hawl iyadoo qofku u adeegsanaayo aqoon iyo xariifnimmo. Kundarbetsplats: waa kombyuutar macamiisha loogu talagalay yaallo Xarunta Shaqada ama goob kale oo shaqo raadsasho awgeed la adeegsan karo. Meriter: U qalmid waa aqoonta iyo khibradaha aad soo bandhigto markii aad shaqo raadsanayso. Badi ahaan waxay u qaybsan yihiin: u qalmida rasmiga ah, tusaale waxbarasho iyo shaqo khibradaha kale, tusaale waxyaalaha aad xiiseeyso, aqoonta luqadaha iyo hawlaha ururrada. Meritförteckning: Liiska u qalmida waa liis ku xusan dhammaan waxyaalaha aad u qalmato, sida waxbarashada, shaqooyinkii aad soo qabatay iyo khibradaha kale ee loo shaqeeyeha wanaagsan in la wargeliyo. Liiska u qalmida badi ahaan wuu ka kooban yahay cv:ga. Personligt brev eller ansökningsbrev: Warqad-shaqsiyeedka ama warqadda codsiga waa qoraal adiga kugu saabsan. Waxaad ku qoraysaa sababta aad shaqada u xiisaynayso oona u maleenayso inaad ku habboon tahay. Waxaa lagu soo lifaaqa cv:ga ama liiska u qalmida markii aad codsanayso shaqo boos ka bannaan ama aad la xiriirayso shirkad loo shaqeeyeha ah. Platsbanken waa keyd kombyuutar ku qoran shaqooyinka bannaan oo Xarunta Shaqada la soo wargeliyay. Keydka kombyuutarka waxaad ka heleysaa arbetsformedlingen.se. Waxaad halkaas ka heli kartaa shaqo dalka Iswiidan iyo dibada ba. Platsförslag waa talo shaqo bannaan oo Xarunta Shaqada naseexo ahaan ku wargelinayso.
Prenumera: waa rukun ka noqosho wargeyska Platsbanken. tusaale xayeeysiinta cusub lagu soo hagaajiyo adrees e-mail ah. Program eller arbetsmarknadspolitiskt program: Barnaamij ama barnaamijka ku salaysa siyaasadda suuqa shaqada waa waxkaqabad (ama loo yaqaanno åtgärd) lagu xoojiyo sidii dadyoowga ay shaqo ku heli lahaayeen. Waa barnaamij hadba go aanada siyaasadeed la gaaray oo kala duwan. Projektanställning: Shaqo ku qorid mashruuca ku salaysan waa shaqo ku qorid mudadeeda xadadan tahay oo xiriir la leh hawllo ama adeeg gaar ah. Provanställning: Shaqo ku qorid tijaabo ku salaysan waa shaqo ku qorid joogto noqon karto, haseyeeshe lex bilood ee ugu horeeysa waa tijaabo. Referens: Tixraac wuxuu noqon kara mid hadal ama qoraal ah, kaasoo qof ku garanaayo ku tilmaamaayo khibradaada iyo shaqsiyadaada. Referensperson/referens: waa qofka tixraaca laga soo xigsanaayo oo aad adiga tixraac ka dhigatay, kaasoo ka warbixin karo qaabka u shaqayso ama waxa u baratay. Wuxuu kalo noqon karaa qof adiga aad ku yaqaanno. Tester: imtixaan ayuu loo shaqeeyeha mararka qaarkood adeegsada sidii uu xusho qofka shaqada ku habboon. Tillsvidareanställning: mararka qaarkood waxaa loo yaqaanno fast anställning waa shaqo ku qorid joogto ah oo aan mudo ku xirnayn. Timanställning: waa markii qofku usan shaqaynayn saacado buuxda ama xilliyo hagaagsan. Xaaladaas mushaharku waa hadba saacadaha qofku u shaqeeyay. Verifiering: waa xaqiijinta caddaymaha iyo shaqdooyinka aad Xarunta Shaqada u keentay. Taasoo u sabab ah in aan hubsanno in waxa ku qoran ay sax yihiin kuna helno shaqo kugu habboon. Vidimera: macnaha waxaa weeyaan laba qof oo saxiixyadooda, lambarrada taleefonadooda/adreesyadooda ku caddeyaan in koobiyeyaasha qoraalada ay waafaqsa yihiin kuwa asliga ah. Vikariat: waa shaqo ku qorid mudo ku xiran oo aad beddelka qof kale u shaqaynayso. Visstidsanställning: waa shaqo ku qorid kumeelgaar ah, eeg [Projektanställning] iyo [Vikariat].
Adeegga khadka taleefanka 0771-416 416 Wac kaddib la hadal gacanhaaye Xarunta Shaqada. Furan isniin-jimce 8 20 iyo sabti iyo axad 9 16. Booqo arbetsformedlingen.se Helida dhiirigelinta iyo caawinaad shabakadda internetka shaqada ee dalka Iswiidan ugu wayn. La xiriir Xarunta Shaqada kugu dhow Adreeska waxaad ka heleysaa shabakadda internetka Xarunta Shaqada. Aan ku kulanno Facebook facebook.com/arbetsformedlingen