Diarienr 2013/2394-BaUN 2013/813-UAN nternati Nidaamka isticmaalka kombutarrada ee ardayda Xafiiska waxbarashada magaalada Västerås Waxaa go,aankan gaadhay guddiga carruurta iyo dhallinyarada 131001 iyo Guddiga waxbarashada iyo suuqa shaqada 131002 Borogaraamka Siyaasadda Hab raac Nidaamka
Nidaamka isticmaalka kombiyuutarrada ee ardayda 3 Hordhac 3 Lahaansho 3 Masuuliyad 3 Isticmaalka Ilaalinta kombiyutarka 3 Magaca iyo lambarka sirta ah 4 Ammaanada iyo ruqsadda 4 Akhlaaqda interneetka 4 Nidaamka emaylka 5 Kaydinta macluumaadka 5 Koontaroolka isticmaalka 5 Su,aalo 5 Lifaaq 1 Heshiiska kombiyuutarka ardayga Barnaamuj Qorshe siyaasadeed Qorshe hawleed Mabaadii Barnaamujkan wuxuu sharxayaa mabaadiida iyo wax qabadka shaqada horumarinta ee magaalada Västerås iyo deegannada ku hareeraysan Wuxuu sharxayaa mabaadiida iyo waxqabadka shaqada is-maamulka magaalada (Västerås stad) Waa istaraatiijiyada iyo tallaabooyinka dhabta h ee la samayn karo si loo gaadho yoolka siyaasadeed, iyo si loo ogaado waajibka saaran hay,adaha kala duwan ee magaalada Västerås Wuxuu damaanad qaadayaa wax qabad dhab ah iyo waxqabad tayo leh marka laga hadlayo waxqabashada iyo fulinta shaqada waxbarashada. i koncernen Västerås stad
Nidaamka istcimaalka kombiyuutarka iyo internetka ee ardayda dhigata iskuullada kumuunka Västerås. Qawaaniinta isticmaalka kombiyuutarka wuxuu waajib ku yahay dhammaan ardayda dhigata iskuullada kumuunka Västerås ee isticmaala kombiyuutarrada, internetka iyo adeegga isgaarsiinta (IT) muddada uu ardaygu iskuulka wax ka baranayo. Hordhac Isticmaalka kombiyuutarrada iyo teknikooyinka casriga ah waa qayb ka mid ah horumarka bulshada iyo shaqada waxbarashada ee iskuullada. Waxbarashada waxay had iyo jeer ka dhacdaa gudaha iskuulka iyo bannaankiisaba markaas waxaa loo baahan yahay in ardayga uu haysto kombiyuutar casri ah xilliga uu iskuulka joogo iyo xilliga firaaqada ah labadaba. Sidaas darteed dhammaan ardayda wax ka barata iskuullada raacsan kumuunka Västerås waa in loo suuro galiyaa in ardayda ay helaan kombiyuutar iyo internet xilliga waxbarashada ay ku jiraan. Kombiyuutarradaas waxaa lagu isticmaalayaa shaqada waxbarashada waxaana loo isticmaalayaa qalab ahaan marka aqoon la raadinayo, dad lala xidhiidhayo, hal abuur la samaynayo waxna la baranayo. Kombiyuutarrada laba siyaabood ayaa ardayda loo siiyaa, kombiyuutar uu ardayga qaato maalmo kooban kaddibna uu soo celiyo iyo kombiyuutar ardayga la daymiyo xilliga waxbarashadu socoto oo dhan si ardayga uu wax ugu barto xataa xilliga firaaqada uu yahay ee uu ardaygu guriga joogo. Sidoo kale ardayda wax ka barata dugsiyada raacsan kumuunka Västerås waxay sidoo kale heli karaan adeegga internetka. Dhammaan ardayda iyo waalidiintooda waxay heli doonaan warbixin ku saabsan qawaaniinta adeegsiga kombiyuutarrada ka hor inta aan ardayda la siinnin kombiyuutarka. Qawaaniintan ama nidaamkan wuxuu sharxayaa isticmaalka kombiyuutarka waqtiga kooban la daynsado iyo kombiyuutarka ardayga la daymiyo muddada uu ardaygu dhiganayao iskuulka. Nidaamkan wuxuu ka hadlayaa haddii lasoo koobo kombiyuutarka ardayda ay isticmaalaan ama noocyada yar yar ee buugga la eg ee la dhoho surfplatta ama telefoonnada sida kombiyuutarka loo isticmaalo. Lahaansho Ogaada kombiyuutarka ardayga la siiyo waxaa iska leh dugsiga ama iskuulka uu ardaygu dhigto. Laakiin ardayga waxaa la daymininayaa kombiyuutarka muddada uu ardaygu dhiganaayo iskuulka, waa sidii daynkii oo kale. Haddii ardaygu uu iskuulka ka baddasho ama uu iskuulka isaga tago waxaa waajib ah in kombiyuutarka lagu soo celiyo iskuulka. Marka uu ardaygu kombiyuutarka soo celiyo waxaa la siinayaa warqad caddaynaysa in uu kombiyuutarkii soo celiyay. Masuuliyad Ardayga waxay masuuliyad wayni ka saaran tahay inuu xafido ama ilaaliyo kombiyuutarka, si kombiyuutarku uusan u jabin ama u duugoobin. Ardayda kombiyuutaka la daymiyo waa in ay kombiyuutarkooda ilaashadaan oo ay indhaha ku hayaan isla markaana ay kombiyuutarka ku xafidaan meel aammin ah si aan loo xadin. Haddii kombiyuutarka aan markaasi lagu isticmaalayn waxbarashada waa in 3
kombiyuutarka lagu xidhaa meel aammin ah ama uu yaallo meel indhaha lagu hayo macnaha waa in aan kombiyuutarka la dayicin. Iskuulka wuxuu masuul ka yahay dayactirka kombiyuutarka iyo hagaajinta dhaawaca ka dhasha isticmaalka caadiga ah ee kombiyuutarka. Isticmaalka Ardayga waxaa kombiyuutarka loo siiyay inuu wax ku barto marka isaga shaqsiyan wuu isticmaali karaa laakiin lama oggola in ardaygu uu dad kale siiyo kombiyuutarka iskuulka. Xafidaadda kombiyuutarka Haddii kombiyuutarka aan la isticmaalaynin waxaa waajib ah in lagu xidho meel aammin ah. Waa in kombiyuutarka aan la dhigin meel dayacaad ah oo laga xadi karo, isla markaana meesha uu yaallo oo ay noqotaa meel xidhan oo aammin ah. Marka ardayga uu socsoconayo guriga ama fasalka gudihiisa waa in kombiyuutarka la isku laabaa. Marka ardayga uu bannaanka joogo waa in kombiyuutarka lagu ridaa boorsada ama shay kale oo kombiyuutarka ka ilaalinaya roobka iyo nabar-gaadhka. Kombiyuutarka waa in aan la dhigin laguna isticmaalin meelaha wax lagu cuno ama wax lagu cabbo. Istcimaalka iyo baaswoodhka Dhammaan ardayda la siiyay kombiyuutarka, Internetka iyo nidaamka isgaarsiinta kumuunka Västerås waxay helayaan magac lagu galo internetka iyo magac lagu furo kombiyuutarka iyo baaswoodh ama fure u gaar ah arday kasta oo qof kale uusan isticmaali karin. Waxaa mamnuuc ah in ardayga uu isticmaalo magac qof kale leeyahay ama magaciisa iyo baaswoodhkiisa uu siiyo qof kale. Macluumaadka lagu galayo kombiyuutarka wuxuu ka kooban yahay baaswoodh ama fure ka kooban 8 xaraf ama lambar si ay u adkaato in dadka kale ay qiyaasaan baaswoodhka ardayga. Baaswoodhka wuxuu ka kooban yahay xarfo waawayn iyo kuwo yaryar oo la isku qasay iyo waliba xarfo gaar ah. Waxaa mamnuuc ah in ardayga uu u bandhigo baaswoodhkiisa dadka kale. Haddii ardayga uu u maleeyo in qof kale uu baaswoodhkiisa ogaaday waxaa markaas waajib ah in ardayga uu baddalo baaswoodhkiisa. Waxaa habboon in ardayga uu baaswoodhkiisa baddalo dhawr jeer sannadkiiba. Kombiyuutarrada yar yar ee buugga la eg sida (lärplattor/surfplattor) baaswoodhka wuxuu noqon karaa afar xaraf oo kali ah Amaanka iyo ruqsadda Waxaa waajib ah in ardayga uusan waxba ka baddalin ama uusan tuurin qaybaha muhiimka ah ee nidaamka kombiyuutarka sidoo kale waxaa waajib ah in ardayga uusan soo dajinnin borogaraamyo ka hor imaanaya nidaamka isgaarsiinta kombiyuutarka ama internetka komuunka. Waxaa mamnuuc ah in ardayga uu faafiyo faruus, inuu waraaqo qaybiyo iyo inuu kombiyuutarka ku rakibo borogaraam waxyeello u gaysan kara kombiyuutarka. Haddii uu ardayga dareemo in kombiyuutarkiisa uu ku dhacay fayruus waxaa 4
waajib ah in ardayga uu lasoo xidhiidho macallinkiisa ama macallinka kombiyuutarrada qaabilsan ee iskuulka. Haddii uu kombiyuutarka ku dhoco fayruus, kombiyuutarka dib ayaa loogu rakibaa qaybihii muhiimka ahaa oo dhan. Markaas waxaa masaxmaya dhammaan wixii kambiyuutarka ku kaydsanaa. Markaas ardayga waxaa waajib ku ah in wixii macluumaad ahaa sida qoraallada iyo sawirrada uu ku kaydsaday meel kale oo aammin ah oo ka baxsan kombiyuutarka (eeg qaybta kaydinta macluumaadka). Ardayga waa in uusan qof kale siinnin borogaraamyada iskuulka uu bixiyay. Haddii ardayga uu soo dagsado borogaraamyo isaga u gaar ah markaas adayga waa inuu isaga masuul ka noqdaa borogaraamyadaas oo uu sharcigooda iibsadaa, wixii kharash ahna waa inuu isaga iska bixiyaa.. Nidaamka akhlaaqda internetka Waxaa mamnuuc ah in kombiyuutarka iskuulka iyo nidaamka internetka ee kumuunka loo adeegsado qoraallo xambaarsan dacaayado, aflagaaddo iyo wax kasta oo gardarraysi ah, oo dad kale loo gaysto. Waxaa mamnuuc ah in la booqdo bogagga (hemsidor) ay ku jiraan waxyaabo aan habboonayn. Waxaa mamnuuc ah in la booqdo bogagga dadka lagu guubaabinayo gacan-ka-hadal, midab-takoor, sinaysi iyo waxyaabo kale oo loo fahmi karo bahdil iyo midabtakoor, haddii waxyaabahan aan ka hadalnay aanay qayb ka ahayn shaqada waxbarashada isla markaasina uusan macallinku hagaynin. Waxaa mamnuuc ah in kombiyuutarka ama internetka kumuunka ee uu ardaygu isticmaalayo loo adeegsado soo dajinta macluumaad uu ilaalinayo sharciga xaqa allifaadda kaasoo ah in aad si tuugo ah usoo dagsato muusik ama filim adigoo aan iibsan ama aan oggolaansho ka helin qofkii waxan allifay. Nidaamka isgaarsiinta iskuulka sida emaylka oo kale looma adeegsan karo qaab ganacsi ama siyaasadeed ama wax kasta oo kasoo horjeedda nidaamka sharcigu oggol yahay. Emaylka Dhammaan ardayda dhigata iskuullada raacsan kumuunka Västerås waxay leeyihiin emayl arday walba gaar u ah. Emaylkan wuxuu ka mid yahay nidaamka emaylada kumuunka Västerås wuxuuna ardaygu isticmaalayaa muddada uu dhiganayo iskuulka. Dhammaan waraaqaha lagu soo dirayo emaylka ardayga waxaa lagu soo koontaroolaa nidaamka ka hortagga fayruuska. Kaydinta macluumaadka Ardayga wuxuu masuul ka yahay in macluumaadka ku jira kombiyuutarkiisa uu ku kaydsado meel kale oo habboon oo laakiin ka baxsan kombiyuutarkiisa. Xafiiska waxbarashada kumuunka Västerås wuxuu ardayda kula talinayaa in ardayda ay ku kaydsadaan macluumaadkooda sida qoraallada iyo sawirrada booska uu ardayga ku leeyahay (Microsoft Skydrive) oo ah qayb ka mid ah borogaraamyada kombiyuutarka ku jira (Office 365 Skola), Sababtoo ah magaalada Västerås waxay heshiis la gashay shirkadda Microsoft, heshiiskaas oo ku saabsan in ardayda ay wax ku kaydsadaan booska (skydrive). 5
Koontaroolka isticmaalka Iskuulka waxuu xaq u leeyahay inuu koontaroolo oo uu la socdo qof kasta waxa uu ku isticmaalayo kombiyuutarka. Taas macneheedu waxaa weeye dhammaan qoraallada uu ardayga samaynayo, macluumaadka ku kaydsan kombiyuutarka, iyo emaylka uu ardaygu isticmaalayo waa lala socon karaa iyadoo la adeegsanayo nidaam gaar ah ama borogaraam loogu talo galay isla markaana lala soconayo dhammaan waxyaabaha uu ardayga samaynayo iyo waqtiga uu sameeyay. Go,aanka lagu koontaroolayo kombiyuutarka ardayga waxaa gaadhaya maamulaha iskuulka isagoo la tashanaya qofka kumuunka u qaabbilsan arrimaha ammaanka isgaarsiinta iyo kombiyuutarrada.. Haddii ardayga uusan u hoggaansamin qawaaniinta isticmaalka kombiyuutarka iyo internetka iskuulka wuxuu xaq u leeyahay in uu ardayga ka ceshado kombiyuutarka, ama ardayga laga joojiyo isticmaalka internetka kumuunka. Haddii ardayga uu si ula kac ah ama daryeel xumo ah uu u jabiyo ama uu u dhaawoco kombiyuutarka, maamulaha iskuulka wuxuu amri karaa baadhitaan lagu sameeyo arrinkaas, si go,aan looga gaadho in ardayga iyo waalidkiis magdhaw la waydiisto, iyadoo la raacayo nidaamka sharciga. Waydiin Haddii ardayda ama waalidiinta ay qabaan wax su,aal ah oo ku saabsan nidaamkan kombiyuutarrada iyo internetka ee ay isticmaalaan ardaydu, fadlan la xidhiidha maamulaha iskuulka ee ardayga uu dhigto.. 6
Barn- och utbildningsförvaltningen 721 87 Västerås Telefon 021-39 00 00 www.vasteras.se Produktion: Västerås stad 2013-08